Monday, May 14, 2012


GEDO IYO SANAAG WAA LABO GOBOL OO S/LIYEED OO KALA GEESA OO ISU GEDO DHAW

Labada gobol ee Gedo iyo Sanaag waxay ka mid ahaayeen 3dii gobol oo S/liya ugu waaweynaa. Waxaa labadooduba eebbe ku mannaystay dagallo dabeecado kala jaada leh oo wada carrasan ah. Kan hore wuxuu dhacaa koonfta galbeed ee dalka, kan dambana wuxuu dhacaa waqooyiga bari ee isla dalka. Labadaas gobol oo la oran karo waa kuwa ugu billicsan S/liya waxaa ka mida dhalannadooda  kala jaadka ah: 

GEDO: 

1-Gawraar: waa dhul kaymo leh oo meesiyada S/lidu raacato  ku dhaqmi og yihiin

2-Diirhara: dhul ciid cas oo raamo leh amase cammuud. Dhulkaan waa dhul hawd ah oo xoola dhaqatadu ammaanto, wuxuuna door weyn u leeyahay geela oo Gedo si weyn looga dhaqdo loogana tixgeliyo.

3-Shaway:  Bannaano iyo buuro gaagaaban oo arigu ku dhaqmi og yahay

4-Adabla' ;  Darar/Saro; waa dhul leh buuro waaweyn oo qaarkood leeyahay dul fidsan oo la dagi karo oo loogu yeero Dullo. Dhulkaani waa mid bilicsan oo haddii la hormariyo ku habboonaan kara dalxiiska, oo dunida maanta noqon kara il dhaqaale oo wacan.

5-Daawo: waa dhul leh geed hoosaad iyo kaymo goosgoos ah, waxaana si wacan ugu dhaqmi kara xoolaha nugulka ah, wuxuuna noqon karaa dhul beereed.

6-Garbo: waa dhul dooxooyin ah oo biyo leh, wuxuuna ku wacan yahay Ariga iyo beeraha.

7-Gogol: waa dhul fidsan oo biyuhu ku soo aruuraan, kuna wanaagsan beerashada.

8-Gubbo: waa dhul risku ku badan yahay oo Idihu si wanaagsan ugu dhaqmi karaan.

9-Farcaddo: waa dhul cadduun didib ah leh


SANAAG

1-Sool: waa dhul oommane ah oo meesiyada la raacdo ku dhaqmi karaan.

2-Xadeed: waa dhul  bannaano ah oo risku ku badan yahay, waana dhul idiha si xooggan loogu dhaqo.

3-Dhagax-labagood: waa dhul dooxooyin iyo buuro goosgoos ah leh, wuxuuna ku wacnaan karaa duunyada iyo dalagyadaba.

4-Gebi: Dhulkaani waa mid wacdaro gooniya leh, waa dhul boholo aad iyo aad u waaweyn leh oo haddii aad gasho maalmo ku socon karto. Boholakani waxay leeyihiin biyo durdur ah, waxaana la yaab leh in inta hoos loogu dhaadhaco hogaggaan la degi karo, iyadoon dadka dusha sare marayaa ku arki karin. Sow ma noqon karo dhul ku wanaagsan in mararka colaadaha iyo musiibooyinka kalaba ay jiraan laga dhigto gabbaad?

5-Booxaar:waa dhul guuyadu ku dhaqanto.

6- Bocaado: waa dhul biyo leh oo tayo wacan leh oo beer iyo duunyo dhaqashaba ku habboon.

6-Buur: dhulka buuralayda ee Sanaag waa dhul bilicsan oo indhadaraandar leh, waxaana ka mida buurta Daalo iyo fiiqa ugu dheer Soomaaliya oo idil waa Suurad e.
Buurahaasi waxay leeyihiin dabeecad-dhuleedyo kale geddisan, waxaan ka mida magacyada loo yaqan; Macag iyo Madar oo ah meelo biyuhu ku soo hoobtaan, Aaroor, Cayow iyo Raacin.

Dhulka Sanaag waa dhul taariikhiya oo tolka degaa uu si wanaagsan uga muuqday  taariikhda s/liya. Wuxuu tolkaas ugu badan degaankaas leeyahay taariikh isimeedka ugu dheer tolalka S/liyeed (sidaan u maqallay). Waxaa ka taliyay ilaa iyo afar iyo labaatan isin, oo uu ugu horreeyay Xasan Dhiidhiin, uguna dambeeyay isinka maanta ka taliya oo ah Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Max’uud.
Waxaa ugu caansan isimaddaas Suldaan Max’d Cali Shire Cawl oo la yiri gumeystihii Ingriisku wuxuu u soo jeediyey inuu noqdo Suldaanka guud ee gobollada Waqooyiga S/liya. Waxaa kaloo dhulkaas mar ka soo baxay nin hal adag oo horjooge ka noqday qolo ka mida tolka Warsangaliga oo la oran jiray Dhahar oo nin alle caasiya oo malaha haladeygga ninkaasi ka yaabiyay yiri:(wixii Dhahar yiri; allaa yiri).

Sidoo kale gobolka Gedo oo inta badan uu dego tolka Sade Daarood, waxaa uu taliyay isimo magac ku leh hab beeleedyada S/liya, oo uu ka mid ahaa uguna caansanaa ugaas Xirsi ugaas Max’d oo waayihii dawladdii Talyaanigu dalka S/liya ka arriminaysay ku koolkoolisay ugaaska ugaasyada, waxaana ilaa maanta jira madallo dalka Talyaaniga ah oo ugaaskaas sawirkiisu suran yahay. Gedana ma Dhahar la’ayn!


Friday, May 11, 2012

WAAYIHII MUQDISHOW




WAAYIHII MUQDISHOW


In kastoo aan si toosa loogu xusin Muqdishow sheekadii per-plus of Erythraean sea (waa sheeko Giriig ah oo aan la aqoon cid qortay, lase filaayo in la qoray bilawgii Taariikhda Masiixiga), haddana waxay sheekadaasi qiraysaa in xeebaha Soomaaliya uu ka jiray ganacsi xoog leh, waxaana ay xustay sheekadu waxyaabaha laga dhoofin jiray dhulka S/liyeed, waxaana ka mid ahaa badeecooyinkaas; qorfe, maydi, qolafka qubada iyo addoon tayo wanaagsan leh.

Muqdishow waxaa lagu xusay qarnigii 16aad sheekada la yiraahdo Chronica dos Reyes del Quiloa oo uu si kooban u qeybay Joao de Barros oo Bortuqiis ahaa. Waxay ku tiraabtay sheekadu in dadkii ugu horreeyay ee Muqdisho yagleelay ay u yimaadeen dhulka Sofala (ka mida Moosambiig) dahab-goobitaan. Ma cadda taariikhda xilligu, waxase la filayaa inay u dhexeyso qarnigii 10aad ilaa 12aad. Markaani waa marka ganacsiga dahabka Sofala ay ku kaliyeysatay Kilwa (maanta ka mida Tansaaniya).

Ma jiraan wax muujinaya in Muqdishow hal geeddi oo qaxooti carbeeda uu aasaasay, waxaase jira hayaanno qaxootiya oo kale geddisan oo yimid Muqdishow, waqtiyo kale duwan. Mid ka mida hayaannadaas Carbeed wuxuu ku beegan yahay xilligii lagu loollamayey khaliifaddii Karmatians, wuxuuna geeddigaasi ka soo hayaamay Al-Ahsa oo ku tiil khaliijka Carbeed. Malaha isla waayahaas baa kooxo faarissinihi waa reer Iiraane u soo hayaameen Muqdishow, sidaasna waxaa lagu sheegay qoraallo laga helay degaanno ka tirsan Shiraz iyo Naysabur oo ku beegan xilligii guyaashii dhexe (middle ages).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qarnigii 10aad Muqdishow ka abuurmay isbahaysi ka kooban 39 qolo; 12 reer oo Muqri ah, 12 Jiidaati ah, 6 Caqabi ah, 6 Ismaaciili ah iyo 3 Cafiifi ah. Ka dib markii ay hanteen heybad xagga diinta ah, waxay qolada Al-Qaxdaani  ka yeesheen qolooyinkii kale saldanad culamonnimo ku dhisnayd ‘ulama dynasty’. Waxayna sharaf u yeesheen in qaalliga mar walba iyaga laga doorto.

Nuskii dambe ee qarnigii 12aad baa Abu Bakar B. Fakhar Al-Diin ka unkay Muqdishow saldanad dhaxaltooya ah oo cuskanaysay awoodda reeraha al-Muqri. Wuxuu suldaanku yeeshay sharafta inuu qaalli u sameeyo magaalada.
Sannadkii 1322-3dii suldaanku wuxuu ahaa Abu Bakar B. Maxammad. Waagaas buu ku qoray magaciisa hal bilyan oo lacag quruuraxa hase yeeshee aan lahayn mansab. Waxaa Muqdishow soo booqday dalmareenkii Ibnu Batuuta. Markaas oo uu talada hayey Abu Bakar B. Cumar. Waayahaan ku beegan qarnigii 14aad iyo 15aad ee ay talada hayaan reer Fakhar Al-Diin waxay Muqdishow gaartay heerar barwaaqo iyo ladnaan leh.

Waxaa Muqdishow lagu xusay qoraallo uu sameeyay boqorkii Xabashida (Abyssinia), boqor Zare’a Ya’kob  oo la yiraahdo Mashafa Milad, waana markii uu ka warramayey dagaallo ku dhex maray isaga iyo xoogag muslina meesha la yiraahdo Gommad ee ka tirsanayd Dawaara.

Qarnigii 16aad baa taladii Muqdishow waxaa la wareegay saldanadii Mudafar (Muzaffar), oo la sameysatay iskaashi saldanad kale oo awood ku lahayd dhulalka gudaha ah waana saldanadii Ajuuraan. Waxaase iskaashigaasi burburiyay qolooyin raacato ah oo ka tirsanaa reerka Hawiye. Waxay qoladaan dambe Muqdishow ka go’doonsheen dh/dhaqaaqii ganacsiga ee gudaha, sidaas bayna magaaladii ugu hoobatay baaba’ dhanka dhaqaalaha ah.

Badmareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gama oo ka soo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee Hindiga baa Muqdishow weeraray sannadkii 1499kii kumase guuleysan qabsashadeeda. Sidoo kale sannadkii 1507dii baa burcadkii naakhuude Da Chuna (Bortuqiis) ku guuldarreystay inuu qabsado Muqdishow. 1532dii baa Estavao da Gama waa wiilkii Vasco De Gama e, u yimid magaalada si uu doon uga iibsado.

Sannadkii 1585tii baa Muqdishow waxaa hareereeyay awood-badeed ay lahayd Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiintu (Ottoman Empire) oo uu madax ka ahaa Amiir Cali Bey, markaan magaaladu waa isu dhiibtay waxayna aqoonsatay heybadda Cusmaaniyiinta, waxaase 1587dii soo dhigtay xeebaha raxan maraakiib dagaala oo gaamura Bortuqiiska. Bortuqiiska wuxuu ku soo celiyay awooddiisii xeebaha Bariga Afrika. Way ka gaabsadeen inay weeraraan Muqdishow waxayse caradii kula dhaceen Faza (agagaarka Laamo), halkaas oo ay ku gawraceen dad aad u fara badnaa, waxayana ku gubeen ilaa 10,000 oo geed oo naarajiin ah.

Cali Bey wuxuu sannadkii 1589kii la yimid xeebaha ilaa 5 doonyood, wuxuuna mar labaad ku dhawaaqay talada cusmaaniyiinta ee xeebaha Bariga Afrika, waxaase isla markiiba jabiyay Bortuiqiiska halkaas oo isaga laf ahaantiisa lagu qabtay Mombaasa, loogana masaafuriyay Lisboon. Waagaas baa u dambaysay weeraradii Cusmaaniyiinta ee xeebahaas. Sidaas oo ay tahay waxaa Muqdishow ka soo saaray lacag quruuraxa oo maar ka sameysan tiro aan ka yareyn illa 12 xaakin.

Sannadkii 1700 baa raxan maraakiib  dagaala oo Ingriisihu dul hogatay marsada Muqdishow, dhulkase u ma dhaadhicin.

Markii Cummaaniyiinta carbeed ka qabsadeen Bortuqiiska Mombaasa 1698dii waxay kaloo qabsadeen Muqdishow iyo magaalooyin kale oo xeebaha, waxayna haysteen muddo aan la aqoon, waxaase markii dambe la faray inay ka guuraan dhulalkaas waana yeeleen. 


Si kastaba ha ahaatee, Muqdishow waxaa ka bilaabmay dagaallo sokeeye oo magaaladii u qeybshay laba dhinac waana Xamar-Weyne iyo Shangaani. Waxaa ka soo gurmaday Afgooye (Geledi) saldanad awood lahayd, waana Saldanadii Gelediga (Gheledi Sultanate). Sida la wariyay wuxuu la yimid suldaankii Geledigu ilaa 8000 oo nin oo ciidana. Markaas waxaa Muqdishow ku  bilowday ku-soo-qulqulkii reer guuraaga. Reerihii isku hayay labadii dhinac ee Muqdishow iyaguna waxay bilaabeen inay magacyadooda rogaan; Caqabi waxay noqdeen reer Shiikh. Jiidaati waxay noqdeen Shaanshi. Cafiifi waxay noqdeen Gudmana. Muqri waa Qaxdaanigiiye waxay noqdeen reer Fiqi

Waxaa qarnigii 18aad soo weeraray Muqdishow qolo raacato ah oo la yiraahdo Daarandoolle oo ka tirsanaa reerka Abgaal ee Hawiye, wayna qabsadeen magaaladii. Duqoodii sare ee lahaa magaca Imaam wuxuu saldhig ka dhigtay Shangaanni.   

Sannadkii 1823kii ayaa Sayid Saciidkii reer Cummaan isku dayay inuu ku hareeyo heybaddiisa Muqdishow, kadib markuu xiray labo nin oo magac lahaa. Sannadkii 1843dii bay ahayd markii ugu horreysay ee uu awoodo Sayid Saciid inuu u magaacabo magaalada xaakin, wuxuuna wakiishay xaakin reer gurigii ka mid ahaa. Ugu dambeyn 1870-88dii bay ahayd markii ugu horreysay oo ay xeebihii Banaadir u gacangalaan taliskii Cummaaniyiinta, waxaana markaan suurtageliyay wiilkii Saciid ee ahaa Barqash. Ragaalkii qarnigii 19aad baa gumeystuhu Talyaanigu kale wareegay Cummaniyiinta xeebaha Banaadir, waxayna taasi ahaatay bilawgii gumeynta Muqdishowdii da’da weynayd.

Sannadkii 1960kii baa Muqdishow loo gartay inay u noqoto caasumad labadii dhinac ee S/liyeed ee xornimada qaatay, waxaana loo saaray taajka qaranka S/liyeed dhammaanti. Waxay u noqotay hooyo qeybihii S/liyeed ee aan wali xorta noqon, waxayna u noqotay barta ay ku soo hirtaan oo hiil iyo hooba ka helaan. Waxaa la isugu geeyay awooddii S/liyeed oo idil, waxayna gaartay horumarkii ugu sarreeyay taariikhdeeda. Waayahaas ay bilicda iyo baaxadda hanatay, waxaa la siiyay naanaysyo ay ka mid ahayd; Luulkii Badweynta Hindiga, Caasumaddii ugu nadaafad badnayd dawladaha Carabta iyo tii ugu nabadgelyo badnayd.

Taangiyada maanta, hadba dhan u jibaaxaya jidadkii Xamar, madaafiicda iyo hoobiyaasha ku dul hooray xaafadihii bilicda badnaa, dhufaysyada laga dhex qotay kulliyadihii iyo fariisinnadii ciidankii qaranka S/liyeed ee heybadda lahaa, burburka baaxadda weyn ee gaaray magaaladii, xasuuqa iyo barakaca loo geystay dadkii, waa murugada qofka S/liyeed ee dareen fiyow leh, waxaase waaga baas u baryay Muqdishow 1991dii. Markaas oo S/lidii gadoodday burburisay dawladdii u ahayd balagga qeybaha qaranka S/liyeed oo idil. Markaas oo ay kuwii gadooday faagteem magaaladii guunka aheyd oo ay ka tirtireen raadadkii ilbaxnimada iyo nolosha oo idil, una rogeen  boholo-tuug iyo buulal jaan. Markaas oo ay boqollaal kun oo qof ka qaxeen magaaladay dhiseen, una dagaageen goonyaha dunida oo idil. Markaas oo ay kala kulmeen faracyadii isbahaysigii u horreeyay ee bud-dhigga u ahaa ilbaxnimadii Muqdishow tacaddigii ugu sarreeyay ee aadane la mariyo.

Muqdishow oo mar la oran jiray Sarabbuun mar walbana aheyd magaalo wadajir loo dhisay oo loo deggan yahay, hooggeedu wuxuu bilawday markii qolo isa siisay kuna xalaaleysatay hantidii intii kale. Muqdishow wuxuu magaceed ba’ay marki qolo ka dhigatay dhufeys xujo ku ah dawladnimadii Soomaliyeed. Ooraah caalami ah baa tiraahda ‘ummad walba hankeeday haabataa’. Waxay Soomaali midnimo iyo muunad lahayd markay laheyd han sarreeya, waa markay laheyd hanka Soomaali Weyn. Waxaa hooggeed yimid markii hankeedu noqday tuulo, magaalo iyo gobol. Luufluuftadaas baan ka ladi la’nahay. Waxaan gaarnay heer aan ilmeyn weynno, illeen waxaa ooya qof ididiilo leh oo caymo u muuqato!





Friday, May 4, 2012

WAAYIHII SOOMAALIYA/BARAAWE


WAAYIHII SOOMAALIYA/
BARAAWE

Baraawe waa magaalo guun ah oo ku taal dhul xeebeedka koonfureed ee Soomaaliya. Magaaladu waxay ahaan jirtay magaalo horumarsan oo barwaaqaysan iyo xarun door ah oo ka mid ah xarumihii waaweynaa ee Geeska Afrika. Waxay dad badan qabaan inay u ahaan jirtay geyiga oo dhan xarun ganacsi waxayna si weyn ugu tiirsanaan jirtay dalagyada beeraha iyo kalluumaysiga.
Socotadii Shiinaha iyo waayahannaba waxay dhigeen qoraallo kooban oo ku saabsan magaalooyinkii xeebaha Koonfurta Soomaaliya sida Cadale, Baraawe, Kismaayo, Marka, iyo Muqdishow. Waxay waayahannadu isku raacsan yihiin in laga soo bilaabo sannadkii 1400 M.D/A.D ay raxan maraakiib ahi imaan jirtay marsooyinka koonfureed ee Soomaaliya Sida Baraawe.
Sida laga soo xigtay socotadii Shiinaha waxaa magaalada dhinac walba uga wareegsanaan jiray xayndaab. Waxay kaloo sheegeen in guryaha dhismahooda loo adeegsan jiray dhagax iyo laban. Safarradii Shiinuhu waxay keeni jireen badeecooyin sida; dharka xariirta ah, agabka cunnada, bariis, iyo jaadad kale duwan oo dhar ah. Waxay safarradaasi la noqon jireen badeecooyin macaash badan lahaa sida;  haragga shabeelka, haragga libaaxa, foolka maroodiga, xabko iyo hu’ ka samaysan maqaarka duurjoogta.
In kasta oo aan si fiican loo hubin yagleeliddii Magaalada Baraawe haddana waxaa lagu hayaa taariikh-afeedka in markii ugu horreysay uu degay meeshay hadda magaaladu tahay nin la oran Aw-Cali iyo qoyskiisii oo ka soo guuray dhulka miyiga ah.  Aw-Cali wuxuu degay meel kayn ah oo u dhexaysay dhulka carro guduudda iyo deexda.
Horraantii sannadkii 900 M.D/A.D kahor intuusan Aw-Cali degaanka samaysan wuxuu sahamiyay dhul ballaaran oo u dhexeeyay Goobweyn iyo Baraawe.  Aw-Cali wuxuu goobaayay dhul ku habboon degaanka reerkiisa. Wuxuu la dhacay neecawda macaan ee xeebta Baraawe, wuxuuna isla markiiba hawlgeliyay xigtadiisii. Sidaas baa Aw-Cali ku geedqaaday degalkii noqday markii dambe magaalada Baraawe. Waxaa kaloo taariikh-afeedka lagu xusaa in kahor yagleeliddi Aw-Cali ee Baraawe uu Tolka Tunnida ah oo Aw-Cali ka soo jeeday degganaa dhulalka miyiga ah ee ku dhaw Baraawe.   markii Aw-Cali qummaati u degay Baraawe waxaa ku biiray degmadii kooxo kale oo Tunni ah kuwaas oo ka soo guuray dhulalka miyiga iyo xeebaha.
 Qolo kale oo la oran jiray Gaala Warday oo uu u talin jiray boqorkii Baraawit ayaa ahayd kooxdii labaad oo ku soo guurta Baraawe. Waayahanno badan baa rumaysan in magaca Baraawe ka soo jeedo magacii boqorkaas.  Labadii qolo ee Tunni iyo Gaala Warday waxay wada galeen heshiin meelmar ahaa ilaa 300 sano.
Inkastoo si weyn loo rumaysan yahay in kooxdii ugu horreysa ee degta Baraawe ay ahayd Tunnida haddana waxaa kaloo la rumaysan yahay in iyaga laftoodu markii hore ka soo hayaameen Adari (Harar) kuna soo furteen Qaraw oo u dhawayd Wabiga Ganaane. Waagaasi wuxuu ku beegan yahay abbaaraha 891 M.D (Masiixiga Dabadi). Intaysan ku furin Baraawe waxay degeen meel la yiraahdo Kooyaama oo Kismaayo u dhaw.  Waxay isla markiiba bilaabeen geeddigii dhanka Baraawe, waxaase waayahannada qaar leeyihiin; Tunnidu waxay aagga degganaayeen kahor sannadkii 800 M.D. Kahor geeddigoodii dhanka Baraawe waxay ku hakadeen meel lagu magacaabo Jaamboo waxayna u kale jabeen labo kooxood. Kooxdii kowaad oo ka koobnayd jifooyinka Goygaal iyo Daktira waxay goosatay inay dhinac qaaddo badweynta Hindiga. Kooxdii labaad oo ka koobnayd jifooyinka Daafarad, Werile, iyo Hajuwa waxay go’aansadeen dhabbayaasha dhulalka gudaha ah.
Kadib markii ay ku wada noolaayeen xasillooni muddo 300 oo sano ah, labadii qolo ee Gaala Warday iyo Tunnida wax ka dhex bilaabmay dagaallo, waxayna dagaalladaasi socdeen muddo dheer. Mar dambe ayaa labadii qolo waxay heshiis ku gaareen Jumbo oo hadda Goobweyn ah. Waxaa la isku afgartay in Tunnidu degto dhanka galbeed ee wabiga, Gaala Wardayduna degto dhankiisa bari. Labadaas aag waxaa la oran jiray Diillin Tunniyeed iyo Diillin Gaaleed. Waxaa kaloo dhulka loo sii kala qeybiyay seddex aag; aagga Gaala Warday, aagga Tunni iyo aagga aan la kala lahayn oo loo daayay daaqsatada. Sidaas baana degaanku u habaysnaa ilaa la soo gaaray xilligii gumeystayaasha.
Sida uu qabo Gerullo oo dhawr buug ka qoray taariikhda dhulka Banaadir, Tunnidu waxay ahayd dadka ugu badan aagga.
Horraantii 1281 M.D ayaa qoloda Biidda doonyo uga soo hayaantay Jasiiradda Carabta oo degtay Baraawe. Labadii qolo ee Tunnida iyo Gaala Wardaydu way soo dhaweeyeen. Si bulshada cusub isu afgarato waxay wada meelmariyeen afka la yiraahdo Chimbalasi oo erayadiisu ka kooban yihiin lahjadaha Tunnida, lahjadda Maay, iyo Maxaa. Wuxuu afkaani ku dhaw yahay afka Sawaaxiliga ee looga hadlo meelo bariga Afrika ah.
Biiddada waxaa ku xigay qolada Xaatimi oo iskeentay 1481 M.D. waxay qolodaan dambe ka soo hayaantay Yeman. Waxay Xaatimigu markii hore u jeedeen Andulus oo ku tiil Isbayn, waxaana ka dhashay shiikhii caanka ahaa Sheik Muhidiin Bin Arabi Tai iyo Mohamed Bin Sa'eed Bin Muslim oo wiilkii Muxyadiin ahaa.
Sannadkii 1506 M.D ayaa ciidan dhan 1000 nin oo Bortuqiis ah duullaan ku soo qaadeen Baraawe iyagoo rabay inay qabsadaan magaalada. Dadkii degaanku waxay si adag u difaaceen magaaladii wuxuuna dagaalku socday seddex maalmood. In kastoo Bortuqiisku ku dagaallamaayay hub cusub haddana reer gurigii dhulku isago ku dagaallamaya mindiyo, fallaaro, iyo waraf buu iska caabbiyay nacabkii soo tallaabay. Waxaa la rumaysan yahay in reer gurigii dalka dagaalkaas uga dhimatay ilaa 1500 oo nin. Ciidammadii Bortuqiisku waxaa la wariyay inay haweenkii degaanka ku sameeyeen kufsi baaxad leh. 
Sannadkii 1673 M.D ayaa koox kale oo la yiraahdo Asharaaf ka soo guurtay Muqdishow degtayna Baraawe. Waxaa kaloo jiray qolo la yiraahdo Omar Baa Omar oo iyana ka soo hayaantay Yeman oo soo degtay magaalada. Waxaa soo raacay qolooyinka aan xusnay oo iyana aagga wax ka deganaa qolooyin Baantuu ah oo isla sidii wali Wabiga Shabeelle jiinkiisa ugu sugan.
Qolooyinkii Xaatimi iyo Biidda waxay ku bahoobeen magaca Labada Tol, waxayna la sii bahoobeen Tunnida. Waxay Tunnidii iyo Laba Tol wada samaysteen isbahaysi xooggan ilaa ay si weyn u xidideen. Biiddadu waxay isku jaal noqdeen Jifada Goygaal ee Tunnida, Xaatimiguna Jifada Daktira.
Waxaa halkaan ku mudan in lagu xuso inaysan Baraawe ahayn meel hal qolo deggan tahay, balse waa magaalo ay degeen dadyow meelo kala duwan ka yimid, kadibna samaystay Afka/Lahjadda Jimbalaasi (Chimbalazi), waxayna isu yaqaannaan Waatuu Wa Miini ama Dadkii Baraawe oo qeyb waxtara ka ah Qaranka Soomaaliyeed.
Sannadkii 1873dii, Baraawe waxay hoostimid taladii Sultan Barqash Bin Said. Waxaa suurtogeliyay arrinkaan odoyaashii degaanka oo oggolaaday taladii Barqash. Suldaan Barqash wuxuu u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Sansibaar nin wadaad ahaa oo reer Baraawe ahaa oo la oran jiray Sheik Mohidin Bin Sheik Abdullah.
Sannadkii 1874tii ayaa Khidwiyin/kii Masar qabsaday Baraawe iyadoon dhiig ku daadan, hase yeeshee, waxaa xukunkiisii magaaladu ku ekaa seddex bilood iyo toban maalmood. Waxaa qabsashadaan gadaal ka riixaayay Ingiriiska oo doonaayay inuu joojiyo ka-ganacsiga addoonta ee Barqasha oo ka jirtay Bariga Afrika. Waqti ku beegan Ciid-Al-Adxaa ayaa barqash dib ula wareegay magaaladii kadib markii Khidwiyin banneeyay.
Sannadkii 1893dii ayaa Baraawe waxaa la wareegay Dawladdii Talyaaniga kadib wadahadal jiitamay oo dhexmaray Duqowdii Banaadir, Suldaankii Sansibaar iyo Talyaaniga. Isla sannadkaas baa Sheik Faqi Bin Haaji Awisa Hassan Al-Dacfaradi aaday Sansibaar, wuxuuna soo saxiixay heshiiskii Talyaanigu kula wareegi lahaa degaanka Baraawe. Duqowdii degaankii Banaadir oo oggolaaday in Talyaanigu la wareego talada dhulkooda, iyagoo xeerinaayay awoodda ciidan ee Talyaaniga oo haddii la isku taago keeni kartay khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah.
Baraawe waxay saldhig u ahaan jirtay waxbarashada diinta islaamka, waxaana wadaaddo sare noqday arday ka soo aflaxday dugsiyadeeda sida; Sheik Aweys Al-Qadiri,  Sheik Nuurani Bin-Ahmed Sabir, Sheik Kassim Al-Barawa, Sheik Hajji Sadiq,Sheik Moalin Nur Hajji Abdulkadir, Sharif Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sheik Omar Hiraale, Sheik Mohamed Gaduudow.
Waxay kaloo Baraawe ka soo jeeday labadii halgame ee kala ahaa Abduikadir Sheik Saqawadiin  iyo Mohamed Osman Baarbe. Waxay raggaasi ka mid ahaayeen 15kii xubnood ee gundhigay Ururkii horseeday Madaxbannaanida Soomaaliya.

Xigasho:  Mohamed Kalif Babou
         The Modern History of SomaliLand by I.M. Lewis
The Shaping of Somalia by Lee V Cassanelli
The Story of Somalia by Shariif Aydrus


Thursday, April 26, 2012

Ma Run Baa In Oromo/Gaalla Degi Jirtay Soomaaliya?

Image result for ancient oromo pictures


Waxaa jiray warar la faafinaayay sannadihii 1850-1960kii oo sheegaayay in dhulalka maanta Soomaalidu degto ay waagii hore degi jirtay qoloda la yiraahdo Oromo ama Gaalla. Waxaa wararkaas isku soo duway dalmareenno iyo waxyaqaanno kala duwan. Hase yeeshee, laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa si cilmiyaysan oo caddaymo wadata loo burinaayay wararkaas. Iyadoo sidaas ah, waxaa ayaandarro ah in qoritaanka taariikhda cusub ee Soomaaliya lagu bilaabo sheekooyin dhalanteed ah oo sal iyo baar beenabuur ah. Waxaa beenowday in dadka Soomaaliyeed ka yimaadeen dhanka waqooyi oo dhanka koonfureed u soo hayaamay intii lagu gudo jiray kunkii sanoo hore ee M.D/ga (Masiixiga Dabadi) iyagoo riixaaya Oromada. Waxaa dhabowday in Soomaalidu ku sugnayd Geeska Afrika in ka badan 4500 oo sano.
Waxaa caddaatay in dadka Soomaalida ah laga soo caadaadiyay taagagga sare ee dalka maanta loo yaqaan Itoobiya. Waxaa kamid ah caddaymaha arrinkaan loo hayo ogaanshihii dalmareenka ee 1902dii ee uu ku ogaaday qoloda la yiraahdo Bayso oo ah qolo guun ah oo Soomaali ah oo degta koonfurta Itoobiyada maanta. Waxay Baysadu waligeed ku noolayd agagaarka Harada Abbaay.

Laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa diidmo xooggan ka keenaayay sheekadii dhalanteedka ahayd ee Oromada iyo Dhulalka Soomaalida aqoon-yahanno kala duwan sida; Herbert Lewis iyo Harold Fleming. Iyagoo si kala gooni ah u shaqeeyay ayay waxay wada diideen fikraddii beenta ahayd, waxayna ku saleeyeen go’aankooda;  hab-tusmeedka dadka (sida dadk u yaal) Soomaalida iyo hannaanada afka. Mar haddii inta badan afafka Kuushta Bari looga hadlo koonfurta gobolka, sidoo kalana badi lahjadaha Afka Soomaalidu u badan yihiin koonfurta, waxaa hubaal ah in Soomaalidu isir ahaan ka soo jeeddo gobolka Omo-Tana.  Halkaas oo uu wabiga Omo u qulqulo koonfurta ilaa galbeedka Itoobiya, Taanana u qulqulo waqooyiga ilaa bartamaha Kenya. 

Waxaa fikradda dhalanteedka ah ee aan kor ku xusnay, markii ugu horreysay qoray sannadkii 1854tii dalmareenkii Ingiriiska ahaa ee la oran jiray Richard Burton, waxaase qarnigii 20aad  isku dubbariday ninkii Talyaaniga ahaa ee la oran jiray Enrico Cerulli iyo kan Ingiriiska ah oo la yiraahdo I.M. Lewis.  Waxay ku dacwiyeen raggaasi inay hawlahooda cuskiyeen taariikh-afeedka Soomaalida taas oo aan laga heli karin sheekooyinkii la isu tabinaayay ee dadka Soomaaliyeed. Waxaa ku xoog badan sooyaal-afeedka Soomaalida in waqooyi, bari, galbeed  ilaa bartamaha Soomaaliya ay degi jirtay qolo la oran jiray Tiirri iyo gobolladda koonfureed  oo ay degi jirtay qolo la oran jiray Madalle. Labadaan tol waxay uga tageen dhulalkii ay degganaayeen raadad ilaa maanta si weyn loo arko iyo sheekooyin kale duwan. Waxay u badan tahay inay ka mid ahaayeen tolalkii waaweynaa ee waayahaas arlada degganaa, isla ayagana qeybo badan oo Soomaalida maanta ah ka soo jeedaan. Waxaa kaloo jirta in qoraalladii Giriiggii hore iyo Roomaankiiba ay muujinayaan in intii u dhexeysay 200 M. H iyo 600 M. D ay dhulalka Soomaalida degganaayeen dadyow is-maamul iyo ganacsi xooggan lahaa. Hiddihii iyo dhaqammadii dadyowgaas ee la tilmaamay waxay u eg yihiin isla kuwa maanta Soomaalidu haysato.

 Waxaa kaloo caddaymo wanaagsan laga helaayaa taariikhdii loollammadii Abasiiniyiinta iyo Saldanadihii Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, markii uu Amiir Nuur Yuusuf gacanta ku dhigay inta badan Abasiiniya oo ku beegan qarnigii 16aaad, asagoo ku sugan dhulalkuu furtay baa loo soo sheegay in Orammada oo aan markaas diinta islaamka qaayibin oo aan hore aaggaba u joogin culays soo saartay xaruntii Saldanada ee Harar.  Sidaas darteedna, Amiir Nuur wuxuu ka soo noqday dagaalladii Abasiiniya wuxuuna olole xooggan ku qaaday Oromada oo dhaqaalihii saldanada cabburinaysay. Waxaa kaloo marag weyn ah xilligii Ololihii Weynaa ee Furashada Xabashida ee Imaam Axmad-Gurey, waxaa jirtay goobtii caanka ahayd ee lagu jabiyay Xabashida in la oran jiray "Shinbira-Kore". Sidoo kale waxaa jirtay goobtii iyaduna caanka ahayd ee lagu dilay Garaad Maxfuud oo la oran jiray "Ay-Faras". Labadaas gooboodba waa agaggaarka Addis-Ababada maanta, inay degaan Soomaaliyeed ahaayeenna waxaa muujinaaya magacyada. 
Waxaa dhab ah inaan geyigaan ka hadlaynno laga aqoon Oromo ama Gaalla wixii ka horreeyay nuskii dambe ee qarnigii 16aad. Markaas oo Oromadu hayaan xooggan ka soo samaysay dhanka Kiinyada maanta, is-fidin baaxad lehna wadday. Laguma hayo sheekooyinka Oramada inay degi jirtay arlada Soomaalida. Sidoo kale Soomaalidu waayo dhaw kahor uma aqoon magacaan Oromo ama Gaalla, waxayse xusi jirtay qolooyinkii ay is-ood xigeen sida; Qoti, Caruusa, Booran iyo Warday. Marmar waxay ugu wada yeeri jirtay Gaala Madow. Waxay u eg tahay in shisheeyihii wax ka qoray Geeska Afrika isaga gadmadeen erayada Gaal oo geela meelaha qaarkood loogu yeero, Gaalla oo Oromada loogu yeero iyo Gaal oo Soomaalidu u taqaan qofkaan diinta islaanka rumaysnayn.
Iyadoo la gartay halka ay Soomaalidu ka soo jeeddo markii loo fiirsaday astaamaha afka iyo tusmo qoleedyada ayaa waxaa intaas dheer in dhawaan culummada saynisku markii ay baareen isir-sidaha loo yaqaan “Y Choromosome” ee Soomaalida ay summaddiisu la mid noqotay summadaha dadyowga kale ee Kuushta Bari. Dadkaan isir-sidahoodu isku summadda yahay waxay ku noolaayeen meelaha ay hadda joogaan ilaa 4500 sano.

Iyadoo xogahaas la tixraacayo wuxuu dhulkii hooyo ee taariikhiga ahaa ee Soomaaliyeed seerahiisu ku sinnaa diillin maraysay dalcadaha Shawa oo sii maraysay dalcadaha Baali ilaa daamanka Wabiga Galana ee ku dhammaada meel Malindi u dhaw. Aagaggii Soomaalidu degi jirtay waxaa wali ku sugan qolooyin asal ahaan Soomaali ahaa. Waxaa kaloo si weyn u muuqda dhaqammadii Soomaalidii hore gaarsiisay dadyowgii dariska la ahaa.  Oromada lafteeda baa waxaa laga helayaa caddaymo muujinaya arrinkaan ka hadlaynno. Tusaale ahaan,  waayihii ay Oromadu ku jirtay is-fidintii weynayd waxay xuseen qolooyinkii dariska la ahaa oo ka soo horjeeday sida Gabra iyo Jiiddo oo qolooyin Soomaaliyeed ah iyo Sidaamo oo Reer Kuush ah. Jiiddada oo hore Sidaamadu u kale jartay iyaga iyo tolkood Bayso ayaa xilli ku beegan 1450-1550 Oromadu ka soo riixday Baali ilaa ay yimaadeen degaankooda maanta ee galbeedka Muqdishow. Halka Gabre oo ah xigtadii Garre uu doortay aaggiisii hore wuxuuna ku milmay oo la dhaqmay qolada Booran. Macnaha erayga Gabra waa kii la qabsaday ama la afduubay taasoo oo muujinaysa in Oromadu Gabraha ka itaal roonaatay. 

Markaan soo hoobinno sheekooyinka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan hadda garan karnaa inaysan run wada ahayn waxyaalo badan oo la isugu sheekeeyo . Waxaa run ah, in sida ummadaha kalaba ka dhex dhacda, inay jireen qoysas u soo tallaabay degallada Soomaalida oo ku milmay reer gurigii dhulka, kadibna xubno ka noqday Bulshoweynta Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee, marna dhab maahan in absaxankii Soomaaliyeed dhoof ku yimid dhulalka maanta Soomaalidu degto. 
                                              

Tixraac:
Galla und Somal’, Berlin.
-Sasse, Hans-Jurgen, 1979, ‘The Consonant Phonemes of Proto-East-Cushitic: A First   
Approximation’, in Monographic Journals of the Near East, Afroasiatic Linguistics, v. 7, ed. 1.
-Shihaabuddiin Ahmed Abdul-Qaadir, Arab-faqiih, “Futuhal-Habashah”, ed., 1974.
-Turton, E. R., 1975, “Bantu, Galla and Somali Migrations in the Horn of Africa: A Reassesment
   of the Juba/Tana Area”, in Journal of African History, XVI, 4, pp. 519-537.
                                              

Friday, April 20, 2012

WALAALIHII HESHIIN WAAYAY



WALAALIHII HESHIIN WAAYAY
Sheeko gaaban


Beri baa waxaa jiray degmo ballaaran oo ka koobneyd rag walaalo ah.
Ragga nin wuxuu ahaa nin aqoonta diinta ku xeel dheer, midi wuxuu  ahaa geesi, midi wuxuu ahaa nin wiilal badan leh, midi wuxuu ahaa deeqsi, midi wuxuu ahaa maalqabeen, midina  wuxuu ahaa nin caqli badan. Waxay walaalihii isku qabteen taladii reerka iyo kii noqon lahaa hoggaamiyaha beesha, sidaan bayna u doodeen:

- Wadaadkii: waxaan ahay nin aqoon diimeed leh, garanaayana xaqa iyo xaqdarradee ha la ii daayo talada.
- Geesigii: waxaan ahay ninka loogu soo dhici waayay beesha, halyeynimadayda baana ku nagidihiine ha la ii daayo talada reerka.
- Deeqsigii:  dadka aan nahay xidid, xasabo iyo xigaalba deeqdayda bay beeshu kula dhaqan tahaye talada ha la ii daayo.
- M/qabeenkii: anigu waad ogtihiin oo hantiilaan ahay, kurtiinna waan idin ka xoolo badnahay, xoolo la’aanna cid lama hoggaamin karee talada ha la ii daayo.
- Caaqilkii: anigu waad ogtihiin oo nin garaad fiican leh baan ahay, dunidaanna sideedaba garaad weyn bay ku fadhidaa, nimaan garaad badneynna looma uumin in hoggaamiye noqdo ee talada ha la ii daayo.
- Laandheerihii: waad ogtihiin oo rag xoog leh baa ii jooga, dunidaanna ninkaan tiro sheegan taladiisu ma meelmarto ee talada ha la ii daayo.

Waxay doodaanba waa is mari waayeen. Caaqilkii baa wuxuu soo jeediyay mar haddaan taladii ku heshiin weynay aan u tagno dad waxgarad ah oo noo garsoora. Sidii baana la isku afgartay.

Walaalihii waa isa soo raaceen waxayna u yimaadeen degmo lagu maleenayay rag waxgarada. Markay soo hoyaadeen oo la sooray baa loo sheegay in waaberigii waxgaradkii u imaanayaan. Aroortii hore baa rag u yimid. Waxay ku yiraahdeen nimanyahow; waxaa dhawaan noo imaanaya raxan libaaxyo ah, waxaana degmada dhaqan u noqotay in subax walba qof geedkaas loogu xiro. Haddaan saas la yeelinna degmadoo dhan bay baabi’inayaan. Waxaan idin ka rabnaa inaad nin libaaxyada loo xiro u soo saartaan. Walaalihii waxaa ku dhacay amakaag iyo waxaan la filayn. Wax lagu hadlo ayaa la garan waayey. Caaqilkii baa yiri raggii degmadow iska taga annagaa qof u soo saareynnee. Markay ka tageen, baa libaaxyadiina soo muuqdeen. Walaalihii geedkii qofka loogu xiri jiray bay yimaadeen. Markaasaa caaqilkii yiri: geesi walaalaheen mid ma xiri karnee na difaac. Geesigii wuxuu yiri; sidee u difaacaa intaas oo libaax, xaggeese ka keenaa hubka aan ku difaacayo? Caaqilkii baa haddana yiri; deeqsi kaasho waxtarkaagiiyo na difaac. Wuxuu ku jawaabay; maxay deeqi ka taraysaa bahalladaan dad-qaadka ah? Caaqilkii baa yiri; war haye maalqabeen hantidaada badan nagu difaac. Suu yeh; walaaow hanti maxay saacaddaan ka tari kartaa bahalladaan? Oo bariirtii cabsida wajiga la kaduuday. Caaqilkii baa haddana yiri; laandheere adiga iyo wiilashaada badan na difaaca maanta, suu yeh wiilashayda iyo aniguba waa ku jariiracoonnaa libaaxa, haddana walaalow meesha maba taagnaan karo oo ismajiiray. Caaqilkii wuxuu ku jeestay shiikhii oo yiri; war adaa diin badan yaqaane, quraan nooga akhri bahallada, suu yeh: alamtara iyo watiinba ku akhriyay soona dhaaf oo ismajiiray.

Caaqilkii baa yiri; haddaba ka durka geedkoo bal waxaan sameeyo arka.
Raxantii oo markaas soo istaagtay buu u yimid oo ku yiri: nimankaas meesha taagan baan mid idiin xireynnaa, waxaase ninka aan idiin xireynno jirkiisa ka md ah cad, kiinnii cunaa uu ku waarahayo oo uusan waligii dhimaneyn ee giddigiin idin kuma filnee midkee u daysaneysaan?
Gooshii baa soo boodday oo tiri anaa dir libaax u qaraabee waa aniga, saa aarkiibaa il iyo goonkeed fujiyay, markaasaa intii kalana labo labo isu qabsadeen. Intay bahalladii is heysteen baa caaqilkii walaalihii u yeeray oo yiri intay isku jeedaan warmeeya. Sidii baa la yeelay bahalladiina dhammaan halkii baa lagu laayay.

Markaas kadib baa dadkii dagmadu meeshii bahallada lagu laayay soo dhoobtay, mise bahalladii dadka ka dhammeystay meeshay wada kogsan yihiin. Waxay la yaabeen sida dhibka yar ee bahallada loo laayay. Markaasaa la waydiiyay walaalihii awoodda ay adeegsadeen iyo kooda fikirkii lagu laayay lahaa. Waxaa loo sheegay xirribtii caaqilka ee bahallada isku dirtay. Dadkii aad bay u farxeen waxayna soo dhaweyn iyo sooryeyn ugu cesheen walaalihii. Subaxii dambe ayay walaalihii yiraahdeen waxaan rabnaa waxgaradka degmada. Si farxad leh ayaa loogu keenay dhawr nin oo waxyaqaan wada ah. Walaalihii waxay jeediyeen arrinkoodii. Markii la dhageystay baa waxgaradkii soo showray. Go’aankii waxay ku yiraahdeen; nin walba oo idinka idin ka mid ahi wuxuu ku fiican yahay qeyb ka mid ah arrimihiinna, waxaase isku kiin hagi kara Caqilkee talada u deysta. Sidii bayna walaalihii ku heshiiyeen nabad iyo baraarana ugu sii nagaadeen.



Thursday, April 19, 2012

Geelyahow Qulciyo La Isu Diid iyo Cabdi-Galayax (Gabay)


CAANAHA QABOW IYO 

CABDI-GALAYAX MAXAMMAD AW-MAGAN

Gabayga iyo geelu waxay muddo dheer ka mid ahaayeen astaamaha lagu sooco dadka Soomaliyeed. Waxay noqdeen summad aan ka go'in intay jirtay. Gabaygu wuxuu ka caawiyey ummadda inuu ka difaaco afafkii qalaadaa ee doolka ahaa oo haddii kale dhaqan iyo dhawaaq rogi lahaa. Wuxuu kaloo gabaygu ahaaday xashinta kaydiisa hiddihii soo jireenka ahaa. Sidoo kale wuxuu ahaaday qalab isgaarsiin tayo wanaagsan leh. Geelu wuxuu ka caawiyey dadka S/liyeed ku noolaanta dhulkooda oomosoorka ah ee hawkarka badan. Mar gaadiid adkeysin badan buu ahaa, marna godol deeqsi ah buu ahaa, marna so'diisa iyo saantiisaba waa la intifaacsaday. Sidaas darteed waxaa caado noqotay in Soomaalidu weyneyso labadaas. Waxaana daliil u ah ruugcaddaaga gabayga Cabdi-Galayax oo badi maalmihii uu noolaa u go'ay geela iyo gabayga.

Markuu dhacay dagaalkii weynaa ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1977dii waxaa ka dhex-bilawday S/liya dagaallo sokeeye oo aad u kharaaraa oo dhammaadkii sababay burbur baaxad weyn. Daaqsatadii S/liyeed ee ku nooleyd dhulalka seeraha oo Cabdi-Galayax ka mid ahaa waxaa la soo darsay dhibaatooyin culus.

Waxaa la soo darsay dagalkac ballaaran oo keenay inay ka qaxaan dhulkii carrosanka ahaa, kuna furaan dhulal carroxun ah. Degmadii teedsaneyd dhulkii daaqa wacnaa ee Ceelgaab, berrinadii balliyadii G/gaduud ee Ceeldhiinle iyo Ceelhabreed lahaa, nawaaxiga Hiiraan, aagga balliyadii Doheed ee Shilaabo iyo Dhambacaad lahaa, aagga Doollood ee Wardheer iyo Walwaal lahaa, dhulkii hawdka ahaa ee buuro ee Xaaxi iyo Xindhowreed lahaa ilaa Caleen iyo Culaajeen ilaa aagga Ceelcad ee Gallaaddi iyo Dhudub lahaa, Ciid iyo inta ka soo rogan dooxada Mudug baa hal mar ruqday colaadihii dartood, ka dib markii ay dad iyo duunyo badan ku lumisay. Dagmadii aheyd damasha weyn waxay is biliqday dhulkii daalay ee ahaa daafaha ceelashii Ximan iyo dulihii Xagarley. Dhulkaas oo xaaluf ahaa, aad iyo aadna ugu yaraa qaxootigii soo dul habsaday, ahaana dhul qodax iyo qaniin badan.

Guuyadu, siiba geelu way kale taqaan dhulka oo waxay mar walbaba tebaysay daaqii Garasle, Toonyarey, burgeedle ilaa Qaaxa-wadeed iyo dhulalkii laaggooda ahaa. Sidaas darteed waxaa in badan dhacday in geelu u fakado dhulkii cosobka lahaa, markaasna raacdadii dabajoogtay uu u la galo cadawgii. Raacdadaas oo u badneyd midaan laga soo noqon. Ka dib, Waxaa la bilaabay in la dabro geelii sidii awrta oo kale. Markuu arkay dhibka heysta noolihii, duunyo iyo dadba, wuxuu Cabdi-Galayax Max'd Aw-Magan tiriyey gabay aad qaayo u leh oo uu ku la hadlaayay geelisii. Dhab ahaantii waa sarbeebe, wuxuu la hadlayay dadka oo uu tusaaleynayay dhibabka colaaddu leedahay iyo quruxda nabaddu leedahay. Gabaygaan waxaan ka heli doonnaa suugaan mug leh iyo erayo uu adeegsigoodu ku yar yahay oraahaha S/lida tix iyo tiraab kay tahayba, Wuxuuna yiri:


Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye
Kobtii qadowga laga daaqi jiray, qoob la dhigi waaye
Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile


Waa kaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode
Qodqod iyo qallaalkii Higliyo, Quracshir oo doogtay
Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalax ka dheeraaday


Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle
Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka
Qulunquulka suubaankiyo, Qaaxa wadeheeda


Qurraar faraq leh qodaxtooshiyo, qaalalyada saarka
Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyay baarkaaga
Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay


Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshay
Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda
Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene


Eeggana Qoraaleey waxaa, qululka kuu yeelay
Waxa qaalmahaagiyo rimayda, qoday baruurtooda
Waxa aarankaagaan qallalay, wada qaluuseeyay


Waxa qoor-qabkaagu uu cashiyay oo, qooqi kari waayay
Jiiraha qaniinkoodiyo, qori-jabkii yiile
Kobtay shilintu qoodayn jirtaa, qiil laguu bidaye
Qarrar iyo dhukaan iyo siday, qaaxo kugu raagtay


Waxa qulufaddaadii geddiyay, quudka kaa maqane
Anigubase waan kula qabaa, qiimaha aad tahaye
Waa waxa jirkaygii qayiray, qulubka maanta ahe


Markuu laylka qaarkiis tagaan, qaraw la toosaaye
Sidii ruux qof uu dilay dhintoo, qaantii lagu yeeshay
Ama loo qisaasanahayoo, qool la gelinaayo


Anigoo qarqarayaan arkaa, Qoran daraaddaaye
Qoodhuu ka jabay geel ninkii, qolo ka xoogtaaye
Hadduu cadow ku qaybsado anoo, la iga kaa qaaday


Caanaha qabow iyo haddaan, qalaxsigii waayo
Sidaydaba qarracan baan u dhiman, qaybna waan gabine
Arlaa'iga qoyaan meel leh iyo, qolof ma weydeene


Qaxarkaad maraysiyo waxaan, qalawga kuu geeyay
Qawlaha ku raadinahayaan, kaa qarsanayaye
Qarfadaada meer waa danbuu, qiil inoo bixiye!

Erayada:
1-Qulco, Qodqod, Higlo, Quracshir, Ardaayaale iyo Qaaxa-Wadeed: waa meelo ku yaal degaanka Ceelgaab iyo aagagga u dhaw.

2-Qalax : waa buur caana oo ku taal Ceelgaab.

3-Qadow: waa geed ka dulbaxa geedaha waaweyn siiba quraca

4-Qaran: wixii wada jira ama midooba. Wuxuu uga jeedaa Qarankii toomood; toomo is heysta.

5-Qallaal: waa meel biyo ku jiraan oo qarsoon. Inta badan waxay ku taal dhulka hawdka dhexdiisa.

6-Qawdhaha: dhir baxday xilligii roobka oo aan la daaqin.

7-Dharjo: waa geed ka baxa meelaha ciidda jilicsan, siiba togogga.

8-Qaji: waa geed sida qadawga oo kale ka dulbaxa hareeriga.

9-Qaranro:
waa geed hawdka ka baxa oo mayrax leh.

10-Quraar: waa geedkii aan laamo toosan laheyn.

11-Qodaxtool: waa geed nagaara oo qodxo leh. Wuxuu ka baxaa dhulka seliga ah, geela kaliyaana daaqa.

12-Qaalalyo: waa laqanyada geela, wuxuuna ku qaalalyooda dhirta qaarkeed, sida geedka saarka ah.

13-Qadi madow: geela hoorka ah baa madow.

14-Qaarka wada deyshay: geelu markuu sannad barwaaqa joogo wuu habeed badan yahay, qaarka dambeyna madoobeysaa ama deyshaa.

15-Daran: waa geed-hoosaad leh caleemo biyo dhanaan. Hadduu waayo geelu waa u jeelaa. Wuxuu ka caawiyaa cunista cawska, quruxna wuu ku yeeshaa.

16-Qulul: kuris janjeersaday. Mar buu yahay baxaali, marna waxaa keena janjeersiga rafaad.

17-Qaluus: waa qaabka wixii caatooba ay yeeshaan.

18-Qarrar: waa dillaaca labada suul dhexdooda.

19-Dhukaan: waa cudur xun oo geela ku dhaca.

20-Cashi: waa rafaad ay la kulmaan xooluhu, siiba marka shilinto cunto.

21-Qoodeyn:
socod nafley badan is daba galaan.

22-Qiil: sharci la cuskado (af carabi)

23-Qulufad: muuqaalka guud ee jirka naflaha.

24-Qaaxo: wuxuu u la jeedaa dhugatada oo ah cudur sida qaaxada oo kale ah, geelana ku dhaca.

25-Qulub: hammi, walbahaar, murugo

26-Qoran: hal magaceed

27-Qool:
suun ama xarig il leh

28-Qoodh/qoor:
labnimada ama raganimada

29-Qalaxsi: dhamid lagu dhammeysto caanaha iwm, qurquro.

30-Qaxar: dhibaato

31-Qalaw: waa cudur kalagoysyada u dhexeeya cududda iyo garabka ku dhaca ama waa meelaha qarsoodiga ah ee aan muqaal iyo raad toona la arki karin neefka.

32-Qawle: dad wada socda oo si xatooyo ah dadka xoolihiisa u qasha. Waxaa inta badan la arki jiray xilliga abaaraha iyo xoolo-yaridu jiraan.

33-Qarfo: dhul oomosoore ah oo kulul.

34-Qash:
dhir aad u doogsatay oo kale jaada, iskuna baxday

35-Qulunquul: jaadad dhirta kamida.





Tuesday, April 17, 2012



Isusocodyadii Soomaalidii Hore (Punt) iyo Fircoonnadii Kimiid (Kemet)


Qoraalladdii ugu horreeyay ee laga sameeyay isdhexgalkii dadkii reer Kimiid (Masartii hore) iyo reer Buuntu waxaa ka mid ahaa:
waagii boqortooyadii 4aad (2613-2494 MH/BC) waxaa la muujiyay nin addoon u ahaa wiil ka mid ahaa wiilashii Fircoon (boqor) Qufow (Khufu) oo ka soo jeeday dhulkii Buuntu. Waagii Boqortooyadii 5aad, markuu talada hayay Fircoon Saxuure, wuxuu safar u diray Buuntu, waagii Fircoon Ay-Siis (Isesi)-na waxaa la diray safar kale, kaas oo ka keenay Dalkii Buuntu cilin/coon ciyaartoy ah. Waagii Boqortooyadii 6aad (2345-2181 MH/BC), sarkaal la oran jiray Iniin-Qaad (Enenkhet), oo ka mid ahaa saraakiishii Fircoonkii Biibbi II (Pepi II) ayaa waxaa dilay qolooyin dixda badda degganaa. Marka la dilaayo sarkaalkaas wuxuu dhisaayay doon lagu aadi lahaa Buuntu. Isla xilligii Fircoon Biibbi II ayaa waxaa hoggaanshay socdaal kale oo lagu aaday Buuntu kaaliyihii hantidhawrka oo la oran jiray Dhiidhi (Thethy). Xilligii Boqortooyadii 11aad (2134-1991 MH/BC) oo uu talada hayay Fircoon Siniq-Kare (Senekhkere), ayaa madaxii hantidhawrka oo la oran jiray Xin (Henu), safar u diray Buuntu halkaas oo uu safarka sii raacay ilaa Badyarada Cas. Xilligii Boqortooyadii 12aad (1991-1802 MH/BC) ayaa sarkaal ka mid ahaa saraakiishii Fircoon Ammin-Ma-Xad (Amenemhet) oo la oran jiray Qandi-Qataawir (Khentkhetwer) wuxuu diiwaangeliyay ka-soo-noqoshadii Buuntu ee nabdoonayd. Waxaa kaloo jiray safar uu diray Fircoon Siis-Istaris II “Sesostris II."
Intuu uusan u dallicin fircoonnimada ayaa Daad-Moose III (Thutmose III) ka dhexmuuqday sheekooyinkii safarradii Buuntu, waxayna ku beegnayd markaasi xilligii ay Fircoonad Xadshibsuud qalqaalisay safar-badeedkii caanka ahaa.