In dhawayd waa taan bennaday, baanisaha gabaye
· Waa taan ka baaliday tan iyo, bilo samoolaade
· Bilcil waaban baan jiifi jiray, sida bakaylaade
·
· Alleylehe bardooddan iyo gabay, igu ma beegnayne
· Baab waxaan u naqay Reer Xirsiga, bawda damin waayay
· Baab kalana waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
· Laba iyo toban hal oo wada ba’ a, igaga buus qaado
·
· Banka Faaf biyaha geelu dhaco, hilada Baarjeexan
· Bilcanta iyo barbaartiyo habraha, bidixda saydhaaya
· Burarka iyo barwaaqada la cuni, badowga dhaydiisa
· Iyo balaayo reeraha tas odhan, igaga buus qaado
·
· Biyo-keenta Reer Faaraxee, baanka wada haysta
· Boon iyo Warfaa iyo Xirsiga, Bihii Nuuroo dhan
· Anigoo bakaartaba ka rogin, beesha Maalin-Guura
· Bah Xawaadle kaliyey u dhigmiye, igaga buus qaado
·
· Bishaan Reer Magan waxaw imaan, boqol darmaanoode
· Buuryada nin jaray oon lahayn, faras baroor ciida
· Beeshaannu nahay lagu ma oga, nimaan baxdow hayne
· Baadida lug ku ma doonnanee, igaga buus qaado
·
· Boqol wali biyaha Aw Caliyoo, buuniyaal wada ah
· Iyagoon bidhaantaada arag, budada ka yeeli
· Balo aadan ogayn baa jirtee, igaga buus qaado
·
· Berrin hoose Boodhiyo Gidhays, Baato iyo Ceel-Cad
· Balli’ iyo Bur-Geesoole iyo, Bohola Faafkooda
· Bilcilliyo lafaha buuran iyo, Baararre agtiisa
· Buqda Magan barkadahaan ku furay, Doollo beledkeeda
· Intaasuu ku baahoo tolkay, buuxiyoo degaye
· Adiguna barqaad fuli haddaad, berri aroortaaye
· Faro-baalis ila ma ekide, igaga buus qaado
·
· Dalka Eebbahaa igu basharay, tan iyo Boosaaso
· Barbarkaan u boodaba arlada aanan, ka bayraynin
· Iyo bohosha aadan dhaafi karin, igaga buus qaado
·
· Nin bah yari ma dego meel haddaan, lagu bariinayne
· Bah Gasaaladaa kugu meersan iyo, baraha Reer Kooshin
· Cabdillahaan ka badan kuwaas, dhabarka kaa boobi
· Meeshaad ku soo baqan jirteen, Ban iyo Ood Weyne
· Berri inaan Burciyo Looyo ku furi, igaga buus qaado
·
· Nin baruur leh oo haad balxaday, waa bugtiyo ceebe
· Dumar bilicle oo bacad ku yaal, ku ma baxdootaane
· Yaan baqalyo idin dhuunyanine, igaga buus qaado
·
· Barnida tiirsan labadiina beyd, aqalladoo buuxa
· Billa-dayaha iyo dhiisha iyo, bulayda reexaanta
· Intaan baylah duul kale u helin, igaga buus qaado
·
· Baashiga magaalada fadhiya, ee Berbera yaalla
· Isagaba naftaa loo baqee, la ma bariiyeene
· Wakaas billaawiyo warmiyo, buuray qalabkiiye
· Hadday bi’say shay habkaan, laga bukaareene
· Anna balad kaaga adkiyee, igaga buus qaado
·
· Buntukhooley baannu nahay rasaas, baabah kaa dhigiye
· Bir ma sidanno oo qalabku waa, nin iyo baaruude
· Banaadiikh dablaan kugu halligiye, igaga buusqaado
·
· Bis ma galo nin habartii ahayd, Baalcaddii hore e
· Waxaan beegsannaa naaga goba, dhalasho buurreey e
· Birtu waliba sii kala dheddige, igaga buus qaado
·
· Baab kalena waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
· Burka xabagga maatidu dhir bay, baarataa sabene
· Anna wax baa bil Alle dhashaba, ii bislaan jiraye
· Afartii bilood baa rag kale, baydi maashadaye
· Bal ogaadaa biirtaan tufiyo, biixidaan jebiyo
·
· Barkinkiyo barkimo qoortu wow, kala buseeshaaye
· Bal ogaadaa biixi buu noqdaa, baalal dheeruhuye
·
· Haddii boqor nin lahaan jiray nin kale, beri u toogowdo
· Bal ogaada baadiyo ninkeed, wow bidhaan arage
·
· Meeshiyo bilowgii halkiyo, beydkii Nabi Aadan
· Baahilo Siciid boqorkanaga, yaw bud dhig ahaaye
· Ma nagu beegsadaan labo iyo toban, nimaan bur loo saarin
Igaga buus qaado: igaga amar qaado ama tayda/talatayda hoos imaw