Thursday, September 17, 2015

QARANKA SOOMAALIYEED IYO DASTUURKA CUSUB


Dal kasta wuxuu u baahan yahay sharci lagu agaasimo arrimihiisa, mana dhici karto in dal yeesho habab siyaasadeed oo aan loo dejin xeerar wax lagu sooro.

Dalalka qaatay habka loo yaqaan fedaaralka ee maantana Soomaaliya loo miihaalayo, waxaa mid walba loo jaangooyay xeerar si gaara loogu tixgeliyay abuurta dhulkeeda iyo dadkeeda. Xeerarka la rabo in Soomaali lagu maamulana waa inay ku qotomaan ka-baaraanddeg xeel dheer oo aad loogu fiirsaday siyaalaha iyo meelaha Soomaaliyeed. 

ka dib markaan dulmaray qeybo ka mid ah dastuurka cusub, gaar ahaan meelo aan is leeyahay waa ubucda ama unugga arrimaha Soomaaliyeed ayaan mooday dan wax-ka-dhahooda;

Cutubka 1aad
Q.5aad-Afka Rasmiga ah

(1) Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga oo ka kooban; Maxaa tiri, Maay-arti iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

Sida culummada afafku ku qeexeen Af Soomaaligu waa af madaxbannaan oo ka tirsan afafka Reer Xaam kana sii ah kuwa Kuushta Bari, wuxuuna ka mid yahay afafka ugu da' weyn dunida. Waxaa la qoray sannadkii 1972dii, wuxuuna noqday afkii rasmiga ahaa ee Dawladdii JDS. Waxaa kamid ah lahjadihiisa; Maay, Banaadiri, Gobollada Dhexe, Waqooyi, Galbeed, Reer Bari iyo qaar kale.

Afka Carabigu wuxuu ka mid yahay afafka Reer Saam, waxaana ku hadla dad ka badan 300 oo malyan. Afkaasi wuxuu ka ahaa dhaqankii JDS afka labaad ee dalka. Waxaa maanta ku hadla Afka Carabiga dalal badan oo kala leh lahjado, haddana dal walba afkiisa rasmiga ah waa Af Carabiga qoran oo aan wada naqaan. Marna la is ku ma qaldin afka rasmiga ah iyo lahjadihiisa. 

Haddaba, sidee Carabigu u noqon karaa qeyb ka mid ah Af-Soomaaliga? Sideese la isugu maldihii karaa sidii iyagoo is leh?.
Maxaa keenay in lahjadaha Af Soomaaliga la yiraahdo waa qeybo afka kamid ah, miyeysan aheyn is la afkii?

Waxay u eg tahay in afkii waligii ahaa astaanta midnimada Soomaaliyeed, kali ahaantiisa su'aal la geliyay oo sidii wax kastoo kalaba la isugu qabsaday loo muujiyey mid la isku haysto. Haddii sida qumman wax loo wado waa in la yiraahdaa: " Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga, qoraal ahaanna waa kii la dhaqan geliyay 1972dii", dastuurkana laga daayo mugdiga.

Q. 8aad
Muqdisho oo loo yaqaan Xamar waa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamka Magaalo-madaxdu ay ku leedahay qaab-dhismeedka federaalka ee jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

Marka dhinacyo badan laga eego Muqdishow ma noqon karto magaalo-madax. Waxaa habboon in qodobkaan la beddelo oo laga dhigo: " Waxaa xaruntii Dawladda Fedaraalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya loo gartay si ku-meel-gaar ah _____. Markii la dhiso Dawladaha Fedaraalka ayaa waxaa la abuuri doonaa guddi ka kooban dawladihii la dhisay, waxayna soo magacaabi doonaan Xarunta Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana ansixin doona Golaha Barlamaanka ee Dawladaha Fedaraalka". Marka la tixgelinaayo danaha Soomaaliyeed guud ahaan waa in Xaruntu noqoto magaalo ka madaxbannaan dawladaha fedaraalka ah, balse ay noqoto mid leh maamul gaar u ah.

Cutubka 2aad Jinsiyadda
Q. 10-aad
(1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn

Q. 12-aad
(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

Waxaa habboon ama tahayba in Q.10-aad sidaan loo qoro: " waxaa jinsiyadda Soomaaliyeed lagu heli karaa dhalasho, waxaana Soomaali ah qof kasta oo ku dhashay Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya, qof kastoo ku dhashay qeybihii Soomaaliyeed ee ay tilmaamaysay Xiddigtii Qaranka Soomaaliyeed iyo qof kastoo ku abtirsida qolooyinka Soomaaliyeed ee dega dagallada Soomaalida meeluu yahayba.

Waxaa kaloo habboon in meesha laga saaro Q.12-aad. Xilligaan ma qummana in lagu daro dastuurka qodob ka hadlaya Soomaaliyeyn, waayo maanta la ma joogo heer aan hanannay dalkeennii iyo arrimihiisii, waxaana qodobkaani horseedi karaa cillado aan la maareyn karin. Waxaa Soomaaliyeynta laga hadli karaa mararka dambe ee dastuurka dib loo eegayo. Waxaa la oggolaaan karaa kaliya degganaansho iyo wakaalasho is la socota, iyadoo qofka shisheeyaha ah la siinayo sharci degitaan hadduu yeesho qof u dhashay dalka oo xilkas ah oo wakiisha una qoolnaan doona xaaladaha la-dajiyaha.

Marka la qeexayo u-dhalashada Dalka Soomaaliya waa in la raacaa habkii soo-jireenka ahaa ee uu dadka Soomaaliyeed isku aqoonsan jiray; wuxuu qofku Soomaali yahay, hadduu yahay ina hebel, hebel, hebel oo reer hebel ah. Waa inaan lagu khaldamin siyaalaha ummadaha kale isku aqoonsadaan. Tusaale ahaan, nin ku dhashay Caabudwaaq, hadduu tago Gedo oo isa sheego, waxaan muran laheyn inuu si toosa uga mid noqonaayo degaankaas. Sidoo kale, nin ku dhashay Wardheer wuxuu xujo la'aan degayaa ama ka talin karaa Puntland. Waxaa tusaale kale ah nin ku dhashay Qallaafe oo qolodiisu deggan tahay Hiiraan si toos ah buu u noqonayaa Reer Hiiraan markuu doono. Nin aabbihi iyo asaguba ku dhasheen Saylac baa madax ka noqon kara Jabuuti. Eegey, u dhalashada dalku ku ma xirnaan meel ee waxay ku xirnaatay abtirsiinyo. Baxaaliga hab-bulsheed ee sooyaalkaa iyo qoondaynta Eebbaa sidaas ahe, miyaa la is qasbayaa?

Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u qeybsamaa qolooyin, waxaana dhammaanti isku xira seddex xarig:
1- Xigaal: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka aabbaha, waana xarig dheer.
2- Xasabo: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka hooyada, waana xarig dheer.
3- Xidid: xariggaani waa kan guurka, waana xarig xoojiya is-haysashada Bulshada Soomaaliyeed aadna u bila wada noolaanteeda.

Waxaa dadka Soomaaliyeed leeyahay dhaqan isu guurguura oo hadba meeshii nolol ka jirto ayuu isugu tagaa, mana lahaan jirin seerayaal kale qoqoba. Kala-oodkii uu ku sameeyay gumaystahana waxaa loo qaatay xeyndaabyo beena ama dhalanteed ah. Xayndaabyadaas baana saldhig u ah dhibabka tirada badan ee maanta haysta ummadda.

Sidaas darteed, Dadka Soomaaliyeed maahan dad kala noolaan kara ama kala maarma. Seeriyaasha lagu qasbayna ma noqon, mana noqon doonaan kuwo hirgala. Haddii Gidaarkii Baarliin kala hayn waayay Dadkii Jarmalka, waa in la ogaadaa inaan lagu kala qoqobi karin Soomaali diillimo shisheeye xarriiqay. Haddaba si arrinta Soomaaliyeed u cagodhigato waa in dhabta hoos loo eegaa.

Friday, September 11, 2015

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

Dagaanka
Degmada C/waaq ee maanta xarunta u ah degallada ku meersan waxaa magaalo ahaan la unkay 1959kii. Waxay ahaan jrtay ceel-biyood ilaa muddo aan la aqoon, lagana yaabee in ciiddeeda dhismayaal hore ku duugan yihiin, waayo magaallada Dhabbad ee agteeda ahba waxaa lagu arkay dhismayaal aasan oo waayo hore ah. Waxay qarka u saaran tahay seeraha Kiilka Shanaad ee Itoobiya ee Soomaalidu degto. In kastoo ay tahay magaalo-xoolaad, haddana waxay tahay goob ay soo galaan dhabbayaal badan. Waxaa soo gala dhabbayaasha ka kala yimaada Gobollada Waqooyi ee Barbara dekadda u tahay, Gobollada Bari ee Boosaaso dekadda u tahay, Gobollada Koonfureed ee Muqdishow dekadda u tahay, Gobollada Galbeed oo ah dagaanno aad u ballaaran oo dad badanina deggan yahay iyo kuwo kale.

Jidadka isku dhaafa C/waaq iyo meesiyada la dhaqdo oo aad ugu badan nawaaxigeeda, waxay ka dhigeen magaaladaas ganacsi ahaan mid istaraatiiji ah, intayse jirtay ma helin hawlihii ka miradhalin lahaa meesha ay dhacdo. Waxaa sababaha loo aaneyn karaa arrimahaan;

-     Intay jirtay magaaladu waxaa colaad ba’ani ka aloosnayd dalalka Itoobiya iyo Soomaalia. Colaaddaasi waxay u keentay Reer C/waaq dhiigbax badan oo la oran karo meel kastoo kale oo S/liyeed waa ugu darrayd. Waxaa tusaale  wacan u ah colaadihii sokeeye ee bilaabmay 70-aadkii; waxay jabhadihii u halgamaayay burburintii Dawladdii S/liyeed ee iskaashiga la lahaa Itoobiya xigteysiiyeen dadweynihii ku noolaa aagga C/waaq Dawladdii Dhexe ee S/liyeed. Sidaas darteedna wuxuu degaankaasi noqday yool la wada toogto. Waxaa ugu darnaa gulufyadii dambe ee soo qaaday dhabbayaashii C/waaq tii uu hoggaaminaayey Gen. Maxammad F. Caydiid, waxayna malleeshiyaadkii uu looyaaminaayey sarkaalkaas sare ku qaadeen daaqsatadii danyarta aheyd oo hore ugu daashay colaadihii badnaa, weerarro ba’an oo isdabajoog ahaa iyagoo kaashanaayay hantidii ummaddii S/liyeed oo xoogaggaasi kula wareegeen Muqdishow. Qorshihii malleeshiyaadkaasi wuxuu u muuqday inay rabeen inay ka sifeeyaan dadkii degganaa aagga aan ka hadlaynno. Weerarradaasi waxay wiiqeen noloshii degaanka oo idil.

-     Dagaallada difaaca waxaa inta badan ku luma xubnaha horyaalka ah ee bulshada. Sidaas darteed, weerarradii baaxadda weynaa ee lagu soo qaaday aagga C/waaq waxay galaafteen rag tiro badan oo wada firfircoonaa. Taasina waxay hoos u dhigtay kartidii waxqabadka guud.

-     Colaadihii dheeraaday waxay geyeysiiyeen dadkii degaanku inuu kansho u waayo horumarinta nolosha iyo xubnihii ku firfircoonaa ganacsiga oo ka qaxay degaanka iyo waliba macaashlayaashii haray oo hantidoodii ku dhammaatay isdifaacii badnaa.

-     Dhiillada ballaarina waxay maanrogtaa dadka. Sidaas darteed, waxaa ku dhacay dadkaan ka hadlayno isbeddel xoog leh oo xagga fikirka. Waxaa laga garan karaa arrintaas xubnaha Reer C/waaq meelay joogaanba. Waxaa laga dareemi karaa taxaddar ama shaki badan oo ay ka qabaan dhinac kasta ama qof walba xitaa isla xubnaha dagaankooda. Waxaadna mooddaa inay ka gadmadeen hal-doorradii ku habboonaa hadba waagii la joogo. 

COLAADDA ITOOBIYA IYO SHACABKA S/LI GALBEED
Waxaa dagaanka C/waaq si aada u saameeyay loollanka Shacabka S/li Galbeed kula jiray Gumeystaha Itoobiya, walina si weyn bay u jirtaa saameyntaasi. Waxaa dadka dagaanka hal mar hareereeyay colaadihii sokeeye ee ba’naa iyo tan Itoobiya oo waligeed aan arxan lahayn.
Waxaa dadkaas la soo gudboonaaday inay la saftaan ururrada S/liyeed ee Itoobiya dagaalka kula jira oo kolkaasna dhinac walba col uga yimaado iyo inay colaadda Itoobiya ka gabbadaan, kolkaasna u muuqdaan kuwo gacansaar la leh nacabka taariikhiga ah. Waxaa intaas u weheliya garawsho la’aanta Beelaha S/liyeed ee waayahakan.

URURRADA MAGACA DIINTA EE S/LIYEED
Waxaa dh/dhaqaaq ka sameeyay C/waaq Ururkii magaca diinta watay ee Al-Itixaad Al-Islaami 1990-aadkii, waxaana dadkii dagaanka iyo xubno ururkaasi ahi isku gacansaareen magaalada gudaheeda. Waxay dadkii dagaanku oo khibrad ku yeeshay colaadihii garteen in ururkaas oo bilaabay la-loollanka Itoobiya u keeni karo iyaga tirtirid dhammeystiran.

Markii ay maxkamadihii Muqdishow midoobeen oo haddana si miyir la’aana dhinac walba guluf u saareen, waxaa Reer C/waaq nasiib u heleen madax ka mid ah colalkii maxkamaduhu soo abaabuleen wayna la wareegeen magaaladii. Waxaa isla markiiba dh/dhaqaaq ka dhan ah bilaabay ciidammada Itoobiya oo aan masaafo ahaan fogeyn.

Reer C/waaq oo ku ilhelay dhiillooyinkii badnaa ku ma dhiirran inay halabsadaan ururradii magacyada kale duwan lahaa ee diinta ku halqabsaday. Sidaasi waxay Reer C/waaq u keentay xoogaa xasillooni ah.

SUNNAH WAL JAMAACA
Culimmada Sunnah Wal Jamaacah ee maalmahaan shirku uga socdo C/waaq waa culimmadii dariiqooyinkii Suufiyadda S/liyeed ee soo jireenka ahaa. Waa culimmada loo nisbeeyo baahintii diinta islaanka ee Geeska Afrika. Waxay ahaayeen kuwo mar walba loo hayn jiray xurmo iyo tixgelinba. Waxay ahaayeen kuwo sumco wanaagsan ku dhex leh bulsha-weynta S/liyeed. Waxay ahaayeen kuwo ula dhaqma shacabka si deggan, waxayna muujiyeen dulqaad dhan walba ah. Waxay si xasilloon ula falgaleen dhaqammadii hore ee Kuushta Bari oo dadka S/liyeed asal u ah. Waxay is abaabuleen kadib, markii kooxo diimeedyadii mayilka adkaa xubnahooda ugaarsadeen, tingureenna. Waxay u istaageen is-difaac, waxayna ku guuleysteen inay cudud kula wareegaan Gobolka Galgaduud. Meelahay ka taliyeenna waxay ku soo dabbaaleen xasillooni.

In kastoo aan dadweynuhu ka qalooneyn dhaqammadooda iyo talooyinkooda, haddana waxaa jira arrimo laga walwali karo;

1-  Ururka Sunnaha Wal Jamaacah waxaa ku bahoobay dhammaan dariiqooyinka Suufiyadda S/liyeed, waxaana ka mid ah; Dariiqadda Qaadiriya, Dariiqadda Axmadiya iyo Dariiqadda Saalixiya. Dariiqooyinkaas oo muddo dheer ka hawlagalaayay Geyiga S/liyeed marna ma yeelan fikir mideysan. Marmar waa islaayeen sida Qaaddiriya iyo Saalixiya. Intaan ognahay maanta waxay ku mideysan yihiin is-difaaca oo qura. Haddaba, hadday u hawlgalaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, waxaa suurtogal ah inay laamo u kala jabaan.

2-  Sidaan ka barannay Ururrada S/liyeed jaaday yihiinba, waxaa gabbaad ka dhigta dad leh ujeeddooyin daahsoon sida; kuwo wata dano-qoleed oo annaani ah iyo jago-doon shakhsi ah ama kooxeed ah. Dariiqooyinka suufiyadduna waa ugu nuglaan karaan ururrada dano gaara lagu dhex wadan karo.

3-  Marka uu urur yeesho hannaan siyaasadeed waxaa abuurma ururro col u ah. Sidaas awgeed, waxaa laga yaabaa inuu Ururka Al-Sunnah Wal Jamaacah geliyo dadka degaanka ay u taliyaan dagaallo lagu hoobto.

4-  Iyo kuwo kale.

Maxaa la gudboon Reer C/waaq?
Marka hore, waxaa Reer C/waaq muteysteen ammaan ku beegan martigelinta walaalahooda S/liyeed ee Shirka maalmahaan socday. Marka xiga waxaa ku habboon inay si qoto dheer u fakaraan, sii arkaanna danahooda iyo danaha ummadda S/liyeed guud ahaan, qodobbadaan iyo kuwo la jaadka ahna tixgelin siiyaan;

1- Waa inay sii wadaan siyaasaddooda ku wajahan Itoobiya, kana fogaadaan iskudhac labada dhinac ah. Sababtuuna waa gacalkaa gacamo u waa.

2-  Waa inay ka fogaadaan ururrada hubeysan ee geyiga ka jira. Ururradaasi waxay u keeni karaan dagallada burbur iyo barakac ballaaran oo ay uga bixi karaan dadka aagga C/waaq degaankoo dhan.

3-  Maamul kastoo oo laga sameynaayo aagga waxaa habboon in lagu qotomiyo hababka dhaqanka iyo kuwa maamullada casriga ah oo wadajira. Marna ma habboona in hab-kooxeed maamul lagu dhiso.

4-  Dadka S/liyeed wuxuu u sameysan yahay hab-beeleed. Marka colaadahana habkaas bay u abaabulmaan. Habka nabadda ee saldhig fiican lehina isla sidaas buu ku fariisan karaa. Sidaas darteed, waxaa dawga toosan ee dabiiciga ahi noqonayaa in Dadka aagga C/waaq, markay tahay maamul maxalli ah ka mid noqdaan Dawladda Buuntu “Puntland State”. Qodobkaan oo dadka qaar ka keeni karo muran aan xujo fiican laheyn, waa mid istaraatiiji ah oo door u noqonaaya mustaqbalka C/waaq gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Horumarka Reer C/waaq wuxuu ku jiraa gobollada dekadaha leh.
 
5-  Waa in Reer C/waaq heshiis nabadgelyo la galaan dhammaan beelaha S/liyeed ee walaalaha ah, si markaas dhulkoodu horumar u sameeyo isla markaasna dalkoo dhan xasillooni u helo.

6-   Waayahan dambe, waxaa aad u muuqday kaladambeyn iyo istixgelin la’aan baahsan oo ka dhex muuqda bulshada Reer C/waaq. Waxaa habboon inay arrintaas ka koraan oo yeeshaan qaab talawadaag ah. Waa inay ka koraan qofka ra’yigiisa, lagu weeraraayo oo ay u gudbaan dulqaad iyo talada toosan oo aan la seegin. Waa inay joojiyaan muranka oo u gudbaan hababka doodda suubban.

7-  Waxaan ka barannay Sooyaalka siyaasadda S/liyeed, in hal qof rabitaankiis, danahiisa, dookhiisa, hinaasihiisa iyo jeclaantiisa loo lumiyo deegaan dhan danihiisa. Arrimahaas waa in lagu baraarugsanaadaa, mar walbana dhankii loo guuraayo lagu foodiyaa danaha dagaankoo dhan.

8-  Waxaa marar badan colaadaha qabiiliga ah saldhig u ah daaqa iyo ceelasha. Maadaama xaaladaha degaannadu isdhalan rogayaan, waxaa habboon in degaankaan ka hadlaynno loo sameeyo soohdimo, si markaas ay u sahlanaato maamulka dadka iyo degaanka. Arrintaan dambe waxay dan ugu jirtaa qeybaha degaannadaan mawduuca.

Ugu dambeyn waxaa ku habboon Reer C/waaq inaysan aayahooda cidna ku hallayn. Hadday ka maqnaadaan jaangoynta arrimahoodana waxay noqon doontaa inay masiirkooda ka sugaan gacamaha asaaggood.



Thursday, August 27, 2015

Samir Aan Lahaanno (hees)

Wiilka:
Sidaad tahay cadceed subax
Waad suurad wacan tee
Maan arag Suleekhee
Sheekadu say tahay
Qurux kaa ma sidatee
Sabannadaan may dhalan
Inan kaa sarraysee
Saynabeey waxaad tahay
Salaaddii iyo faralkii
Midaan uga sahwiyayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Dantu seeto weeyoo
Ninna ka ma siqayoo
Sababtaa ma dhaaftide
Waan ku soo salaamiyo
Sidee tahayda guudnimo
Cudur kaa ma saartee
Silic lagu ma waaroo
Saqayada habeynkii
Lagu siin ma weydide
Waa saadambiyo shalay
Sareedada adduunyadu
Saacad ka la wareegtee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Waad i sahayatoo
Kaa seexan waayoo
Dhawr sano iyo googo'e
Cirka sare u dhawroo
Soojeed ku waaroo
Ku safaaday noloshee
Ila lagu su'aaloon 
Kugu seego aakhiro
Waan ku la socdaaye
Ku ma saamaxayoo
Jeeruu suur dhawaaqoo
Natiijada aan saarnee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado 
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sacna weysha uu dhalay
Sanka ka la ma rooroo
Sidig ka ma jeclaadee
Sidaasaan ka dhigannoo
Isa-suran waxaan nahay
Sokeeyoo walaalee
Sannadkaan joognaa
Siddeed-guuro weeyaan
Soddon tahay bishiisuye
Seddex weeye ururtii
Iyo tiro sagaaloo
Sambabada fariistee

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno

Wiilka:
Inaan kuu silloo nahay
Sirtaydii ogaatoo
Laydhaa i sidatee
Sahal hayga moodine
Qalbigaad dhex-surantoo
Wadnahaa i saranoo
Dhiigga sayrinaayee

Salaan nabadgelyo loo
Sacabbada ku wado
Yaan kuu sidaaye
Ama sayri khadarkaa
Ama sidaa ku qaado

Gabadha:
Sinjigeeda-diid iyo 
Hayga dhigin sagsaag iyo
Soomaalida-ka-roortee
Arrin iga sirgaxantaan
U sahamiyayoo
Wali ka ma salgaarine
Inaan saafi kuu ahay
Aanan sidan xeel badan
Rabbi naga sarreeyee
.....
.....
...........

Saaddiyo ishaartii
Lay siiyay xalay baan
Kuu saafin waliye
Siday noqon Allaa oge
Samir aan lahaanno




Monday, August 17, 2015

Innaga Goor Iyo Ayaan (hees)

Wiilka:
Wallee gabdho aan arkiyo
Geyaankoodaan heshiin
Mid baan iri; gacalisooy
Aqalka gogoshiisiyo
Gasiin ma karin taqaan
Gurbood ma korin kartaa?
Waxay tiri; waad gaftee
Galaaskaa lay ma dhigin
Aqal-gogol lay ma barin
Gasiin ma karinayoo
Dheriga waan ku gubanayaa
Gurboodkana laga ilbaxyoo
Godolka naaso hooyoo la jaqo
Haweenkay gaboojisaa
Carruurtana waw gurriin
Ged kalaa loo korinayaa
Ma taasaa gaariyoo
Gargaarkii hooyo noqon?

Innaga goor iyo ayaan
Labaan hawshooda gabin
Labaan hiddihii geddiyin
Labaan dhaqankooda gadin
Labaan caadadooda goyn
Labaan garab marin sharciga
Jacayl godladoo aan gurin
Gu' iyo jiilaalba maaloo
Is garabsada aan ahaanno

Gabadha:
Wallee gooshkaan wiilal kacay
Garqabad reer ma hantiyaan
Mid baan iri; gacaliyow
Maxaad guur ka damacsan tahay
Sidee xil u gudan kartaa
Gankaa ma iska celin kartaa
Wuxuu yiri; guur dhibki
Sidii gorgorkii noqo
Gabowgaa iga la wacan
Haddii aanan xil gudan
Maxaa aniga gabiibtaa i dhigay
Gankayga maxaa dagaal
Aniga goroddayda suray
Ninkii gardarro u socdee
Gujo iyo feer i la dhacayow
Boliiskaan dacwada u geyn
Ma kaasaa geesiyoo
Gayi iyo qoys toona dhiqi?

Innaga goor iyo ayaan
Labaan caashaqa gorgorin
Labaan gef dhexdooda imaan
Labaan gaajiyo dhib arag
Labada gallad iyo wanaag
Labada gooro roon hela
Labada kalgacaylku waa gobe
Gartee isu garaaba 
Jacaylku waa gobe


Monday, August 10, 2015

Waan Kuu Warramayaa (hees)

Waan kuu warramayaa 
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii tagay 
Iyo ruux wadkii dilay 
Waheey soo ma celisee

Wakiyoo tallaabada 
Waa anigaan wahsanayee
Waqalkiyo daruurahaa 
Layga wacay dushoodee
Ina weer cad lay xiray
Warma lay la dhacayaa

Waligii nin liitiyo 
Jacaylkoo wadeeca
Taladiisa waydda
Waxyeellaa ku gaadhee
Adoo igu werwerayaan
Arrintii wareejee
Haddii weer cad lay xiray
Waa nin iyo waagii
Talow yaa waxgaradoo
Ayaa jooga waayeel

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Waan kuu warramayaa
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii dhacay 
Iyo weerarkii xalay 
Wigladiyo ciyaartii

Waaxdaydii midig baa
Nala ka la walwaaloo
Waadiyo dhul doogliyo
Wabi bay ku nooshee
Anoo waayo arag baa
Dhulku i la wareegaa
Miyaan soo walhanayayoo 
Oo laygu wiirsaday

Maxaa kugu wacan sidan
Intaad nacas i leedahay
Warma caashaq leeyahay 
Iyo waxaan laguu warin
Walaac igu ma fiicnee
Mar haddaan wareersady
Wadda aan u leexdiyo
Ayna jirin wadiiqaba
Tolow yaan waraystaa 
Oo wehel iraahdaa 

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Erayada:
1- Waheey: waa eray loo adeegsado gocoshada ama calaacalka.
2- Wakiyoo: wakin waa socod iin leh ama dhutin yar.
3- Wahsanayee: ka caajisay hawshaydii daal iwm awgood.
4- Waqal: daruurta culus ama roobkaba.
5- Weer: waa cad maro ah oo caddaana oo madaxa lagu xirto si murugo weyn loo muujiyo.
6- Wadeeco: halkaan dayacan, baylaha ama aan daryeel haysan.
7-  Werwer: walwal/welwel ama walbahaar.
8- Waayeel: qof taliye ah, fil weyn, ama madaxa.
9- Wiglo: nooc ciyaar-dhaqameedka kamida; Wilgo.
10- Walwaal: wax culus-sidis, dandaamin.
11- Walhanayayoo: gebidhaclayn, duulduul.
12- Wiirsaday: lagu farxay dhibkaygii; digtay.





Friday, May 22, 2015

QABIILKU MA QEYB EEBBAA MISE WAA QALLOOC SOOMAALIYEED -Q.2aad

                                       
Sannadku markuu ahaa kow taariikhda Hijriyada ayaa Nabi Maxammad (nabad & naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo koox  raacsanayd  ka qaxeen magaaladii Maka oo aheyd halkii uu  ka soo baxay Nabigii Islaamku, kadib markuu nabigu ugu yeerayey 13 sano dadkii uu ka dhashay inay soo galaan diinta cusub. Waxay u qaxeen dhankii magaaladii Madiina oo saldhig u ahayd labadii qolo oo la kala oran jiray Qaws iyo Khasraj oo intii muddo ahba dagaal sokeeye oo kharaar ka dhex-oognaa.

Waxay ku heshiiyeen caqiidada diinta islaamka, waxayna saldhig adag u noqdeen diintii ku fidday dunida oo idil, xambaarsanaydna ilbaxnimadii weynayd ee uunka oo idil ka dabqaatay.

Waxaa kaloo jirtay in dhulka maanta loo yaqaan Mangooliya uu lahaa qabiillo reer guuraa ahaa oo colaad joogto ahayd ka dhaxeyn jirtay. Hase yeeshee, waxaa ka soo dhex baxay qabiilkii la oran jiray Boorjigiin nin la oran jiray Temujiin oo ay boqor ka dhigteen. Ninkaasi wuxuu xoog ku mideeyay qolooyinkii Mangooliya ee kala qoqobnaa, Markaas kadib baa la siiyay magacii caanka noqday ee ahaa Janggiis Khaan oo macnuhu ahaa Boqorkii Weynaa. Janggiis Khaan wuxuu awooday inuu abaabulo cudud ciidan oo lixaad leh  oo dunida amakaag ku ridday (1206-1227 AD), qeybo badanna ka qabsaday isla dunida. Kadib Janggiis Khaan (Genghis Khan)  wuxuu qabsaday dunida islaamka, dhammaadkiina boqortooyadii uu ka dhex unkay dunida islaanmku way islaamtay, waxayna waayihii dambe isu rogtay boqortooyadii caanka ahayd ee Cusmaaniyadda oo boqollaal sano ugu awood roonayd dunida.

Sheekooyinka aan ku soo tiraabnay waxay mujinayaan in qabiilka loo adeegsan karo hawlo waxtara. Sidoo kale waxaa qabiilka loo adeegsan karaa burburin iyo balo-abuurid, waxaana tusaale wacan u ah, burburintii weynayd ee loo geystay qarankii S/liyeed ee wali olalaheedii socdo.

Markii horeba, qaabayntii qaranka S/liyeed waxaa bud-dhige u ahaa qabiil S/liyeed oo ay kale qeyb galeen qolooyin kale.
Sidoo kale waayihii dambe, dhaqdhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa waxaa mar walba bud-dhige u ahaa qolo S/liyeed,
Waxaa arrintaan dambe tusaale wanaagsan u ah dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Maxammad Cabdalla Xasan hoggaaminayay, oo qabiilka Dhubahante bud-dhige u ahaa dhiig badanna u qubay ujeeddooyinkii halganka dheer loo maray. In kasta oo reero badan oo S/liyeed door ku lahaayeen, waxaa muran lahayn saldhiggii uu u sameeyay dh/dhaqaaqaas qabiilka aan soo sheegnay. Waxtarka ay Daraawiish ku leedahay taariikhda S/liyeedna, waxay ku mudan tahay Qolada Dhulbahante in lagu xusuusto oo lagu sharfo.

Siyaalahaas awgood, waxaan oran karnaa qabiilku ma aha qallooc S/liyeed ee waa qeyb Eebbe, waxaan kaloo oran karnaa waa sunnadii sooyaalka ahady ee noolaha aadanaha loo yaqaan. Waxaa qabiilka loo qeexi karaa inuu yahay koox dada oo dan-wadaaga oo loo adeegsan karo ujooddooyin kale geddisan. Haddii samo loo adeegsado, waxay cududdii ku midaysnayd magaca qabiilku horseedi kartaa wanaag saabta geyigeeda ama goonyaha dunida oo idil, haddiise loo adeegsado ujeeddooyin liita, wuxuu qabiilku horseedi karaa hoog iyo baaba'. Waa halkaan dambe, midda keenta in dad badani dhaliil iyo dhaleecayn dusha uga tuuro magaca qabiil oo dhan, waxaana keenaya madax-xanuunkii laga qaaday falalkii qabiilka loo adeegsaday ee burburinta iyo baabi'inta lahaa. Runtu waxay tahay, dadkaas aruuray ee la baxay magaca qabiilku ma keenin dhibkee, waxaa keenay fikradihii wax bi'inaayay iyo dhinacyadii watay. 

Qarnigii 20-aad ragaalkiisii markii la helay dawlad S/liyeed ayaa hab-dhismeedyadii  reeraha S/liyeed danahooda ku maamuli jireen qasmeen, waana markii madax beeleedyadii aqoonsiga weyn ku lahaa bulshada S/liyeed idilkeed laga talo baxay, oo halkoodii uu soo galay horjooge xaafadeed, guddoomiye degmo, guddoomiye gobol, wakiil xisbi, mudane gole-shacab, wasiir ku-xigeen, wasiir, madaxweyne IWM. Kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda hababkii siyaasadeed oo laga soo minguuriyay dawladahii dhanka bari iyo kuwii dhanka galbeed ee dunida oo aqoonyahankii waayaha cusub ee S/liyeed soo bawsaday.

Aqoonyahan oo ku hilan fikradihii shisheeyaha ee doolka ahaa wuxuu u hiyi-kacay inuu haleelo haybaddii isimmada  iyo waxgaradka  beelahii S/liyeed ee sooyaalka ahayd iyo waliba inuu si gooniya u dhiinsado dhacaankii qaranka ee dhex-yaalka ahaa. Kii ku hungoobayna wuxuu habar-wacasho ku la meeeray reerihuu ku abtirsan jiray oo labo-daraalaba iyagoon hubsan ujeeddada uu leeyahay ninkii habarwacday u guuxay qeylo-dhaantiisii.

Dhanka kale, waxaa xayndaab-toleed oo adag isku meershay kii garabootanka taladii dalka ku haleelay amaba saami ku helay. Kuwaan dambe, waxay beelahay dhabar garaacdeen u sheegeen in nacab dantooda kadhan ahi ku soo food leeyahay, ayna tahay in nafta loo huro difaaca danta guud iyo sharafta reerka/reeraha. Waa markoodee, waxay reerihii la gubaabiyay dhufaysyada u galeen si ay u difaacaan hoggaamiyihii la maagay, sidaas bayna ku galeen colaado sokeeye, iyagoon hubsan arrintay u hubqaadeen waxtarka ay iyaga u leedahay.

Markay murugtay, wuxuu aqoonyahan oo hore u soo tuuryeeyay dhallaankiisii oo ku daray dugsiyada wacan ee dibaduhu, si sahlan ugu soo tillaabay bannaanaduu hore u sahansaday. Canshuurtii laga qaadi jiray danyarta oo uu waayo badan maggawsanahayay oo uu dhitaystay baa u noqotay hanti uu isku hallayn karo. Wuxuu guryo qaaliya ka gatay gobollada ugu qaalisan dunida. Wuxuu gatay korjado jaakado ah oo  aad u qaaliya oo uu ugu tala galay tamashlaha iyo taxaashka.

Aqoonyahan oo ku jira taxaashkiisii wuxuu ku warramaa in dalkii, dad aan waxtar aheyn looga maara la’ yahay, uuna sugayo inta uu xasilahayo. Wuxuu sugayaa inuu dalkii bilo barbaarkii uu birmadka galiyay oo haddana uga baxsaday iyo odaygii uu ibtileeyay oo uu uga tagay awaaraha. Wuxuu sugayaa inta agoonleydii asayda wadatay oo kallahada iyo baqoolada wax ku tacabtay ay aruurinayso hantidii koobnayd ee dadaalka daalka badan leh lagu helay, kadibna uu aqoon-yahannimadiisa ku helo maamulka dhaqaalahaas.

Maanta oo aan caaradda uga jirno qarnigii 21aad oo ay dunidu aqoonteeda gaammurtay ku ladan tahay, wuxuu aqoonyahankii S/liyeed geesaas iyo gunnimo ku la wareegaa geesaha dunida asagoo ka gaaf wareegaya dhulkii ay aheyd inuu gaajo iyo dheregba ku joogo, oo uu wax ka taarto badbaadadiisa. Halka waxgaradkii uu hoday gibbaankii garashada ka liitay uu xusullada u mutay wax-ku-xallinta xeerarkii soo jireenka ahaa ee sawaabkii sodcaalay uu sirgaxay.

Thursday, May 14, 2015

Qabiilku Ma Qeyb Eebbaa Mise Waa Qallooc Soomaaliyeed-Q.1aad




Sidaan marar hore u soo xusnay waxay beelaha Soomaaliyeed ka soo jeedaan Bahweynta *Kuush. Waxay beelahaasi muddo dheer lahaayeen habab dhaqan-bulshadeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeedba.

Waxay dadka Soomaaliyeed dhaxleen xeerar taxanayaal ahaa, oo ahaa kuwii awoowayaasha. Waxay xeerarkaani noqdeen hannaanka lagu maamulo dhan kasta oo taabta nolosha qolo kasta oo Soomaaliyeed. Qolo walba oo Soomaaliyeed waxay ka bilaabataa qoys…waxaa xiga beel…waxaa xiga jifo…waxaa xiga qolo. Qaybahaan waxaa loo habeeyay si loo fududeeyo maamuulka reeraha, kamana ujeeddo duwaneyn gobolkii degmooyinka loo qeybshay, balse dhab ahaan waxay qoladu aheyd dawlad goboleed dhammeystiran oo madaxdeeda iyo distoorkeedaba leh. Sidaan waxay dadka Soomaaliyeed ku heleen xasillooni muddo dheer soo jirtay. Hadday tahay colaad iyo hadday tahay nabadba waxaa jiray xeerar lama dhaafaan ah oo la wada dhawro. Xeerarka la dhawraa waxay ahaayeen waayo-aragnimo la aruurshay oo ka soo fushay waxgarad waayo kala duwan noolaa. Waxaa xeerarkii soo jireenka ahaa dheehay xeerarka diinta Islaamka oo wixii ka dambeeyay qarnigii 7-aad si buuxda ugu baahday dagallada Soomaaliyeed oo idil. Diintu waxay ka murdisay xeerarkii sooyaalka intii gef ku aheyd isla diinta. Xeerarka qolada si joogta ah baa loo kabi jiray oo waxaa dhici jirtay in dhacdo timaaddo oo qodob lagu gorfeeyo loo waayo. Marar-kaas oo kale, guurtida ayaa xeeri jirtay mid ugub ah, waxayna ahaan jirtay ka-fac ka-fac mid la tixraaco oo qeyb kasta oo tolka ka midihi meel ay joogtaba xurmayso. Xeerarkaan waxaa ugu caansan xeerka bixinta magta oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yeela qeybo isku tiirsan oo la yaqaan Mag-wadaag. Xeerkaani wuxuu saameeyaa dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, nabadgelyada IWM.

Qarnigii 19aad markii dawladahii reer Yurub sidii Ayaxa ku dageen geyiga Afrika waxay goob walba ka nuugeen nacfigii yiil, waxay gumeeyeen dadkii, waxyeellose, waxaa ugu darnaa dhaqan- guurkay ku rideen bulshooyinkii ku noolaa Afrika …oo qaar la dhalan rogay..oo qaar la afduway..oo qaar la xeertiray. Bulshada Soomaaliyeed inta badan way ka badbaaday, waase la xeertiray.

Gummeysigii yimid wuxuu la yimid aragtiyo cusub oo ka soo jeeda fikradihii SOCRATES (469-399 BC), ARISTOTLE (384-322 BC) iyo PLATO (428-347BC). Nimankaani waxay ahaayeen niman Giriik ah oo u fakaray qoloday ku dhex-noolaayeen iyo bahweyntooda. Waxay ka fakareen waxay ahaayeen waxay arkahayeen ama ka dhex-maqlayeen dadkooda, fikradahoodii bayna ku qotomaan hababka siyaasadeed ee dadyowga reer Yurub iyo W. Ameerika ee maanta.

Aragtida sameynta dawladda (state making) iyo qaabka loo doorto xubnaha maamulka dalka ee la yiri dimuqraadiyaadda (democracy) oo ay ku sheegeen kuwa door ah bay u soo dhoofsheen geyiga Soomaaliya iyadoo nuqul ah, waxayna ku toleen dadkii oo aan qeexi karin erayada oo qura. Aragtida dawlad sameyntu waxay xaggooda hab-wadaag ka dhigtay beelo beeraleeya, ma-guurto ah oo soohdin-yaqaanno wada ah.
Hannaanka doorashaduna wuxuu xaggooda hore u mariyay beelo ku doorta qofka kartida iyo waxqabadka, halka ay beelaha Soomaaliyeed ayna aqoon soohdin joogta, doorashaduna ay ku saleysnayd walina ku salesan tahay abtirsiinyo, dawlad sameyntuna ayna wali ku qeexnayn xeerar dhaqmeedyada Soomaaliyeed.

Ma aha in kuwaan dambe ay ahaayeen dad dambeeya ee arrintu waa la kala dhaqan nololeed duwanaa. Haddii loo danaynayay dadka Soomaaliyeed waxay aheyd in la kabo fahamkooda oo la waafajiyo qaabka ay wax u arkaan iyo sidii dantoodu tahay, waxayse aheyd in aan loo daneyn ee laga danaysanayay.

Markii xornimada la helay ee 1960-kii oo rag Soomaaliyeed oo gumaystuhu tababaray uga tagay taladii dalka, waxay u dhaqmeen sidii odagii diirka caddaa ee tagay, iyagoo midabka iyo muuqaalka maahee, inta kaloo idil kala socday hannaankii maamulka ee reer Yurub. Waxgaradkii dhaqan-yaqaanka Soomaaliyeed ahaa iyo odagii talo adduun wax laga weydiin jiray waaba la yasay oo afkaa laga jufeeyay. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco sharciga dawladda isagoon aqoon waxa dawlad looga jeedo. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco xeerarkii Rooma iyo Landhan, isagoon reeraha dagaba aqoon. Waxaa loo sheegay Wasiirka iyo Wasaaradda, isagoon midna micneyn karin. Waxaa loo sheegay Hantiwadaagga iyo horumarka bulshada hore-u-socodka ah, isagoon arki karin miisaanka ay ku leeyihinn erayadaasi dhaqankuu khabiirka ku ahaa.

Wixii la fahmi waayo waa la mala awaalaa, ee garaadkii Soomaaliyeed wuxuu arkaayay oo maqlayay wuxuu ku macneystay kuwuu yaqaanay; Dawladdii waxay u noqotay hal geela oo uu u bixiyay Maandeeq. Madaxweynihii dalka wuxuu u arkay Odayga Soomaaliyeed ee Maandeeq xeradiisa ku jirto. Wasiirka la sheegay wuxuu u arkay wakiilka qoloduu ka dhashay. Aqalka mudanayaasha wuxuu u arkay geedkii shirka oo dhagax laga dhigay, hadduu ka waayay geedkaas bahdiisiina wuxuu u arkay meel shisheeye ku tashanayo iyo in bahdiisa godob weyn laga galay.

Dhanka kale, waxaa dhexda iyo qoortaba caymiyay aqoonyahan/jaamici. Kaas oo ay la noqotay, walina la tahay in dalka maamulkiisa iyo horemarkiisu ku jiro in la raaco hababka dawladaha hore u maray, waxaana halhays u noqotay erayadii halyeyadii reer Yurub, maahmaah iyo murtina waa kuwii Talyaaniga iyo/ama Ingriiska, aqoonyahanimadana waxaa halbeeg u ah sida afafkooda loogu hadlo.

Wiilkii Soomaaliyeed ee lagu carbin jiray abtirsiinyihiisa wuxuu aqoonyahan u sheegay in qabiilku yahay jahli iyo dibudhac ee uu ka fogaado maqalkiisa iyo macaamilkiisaba. Hadduu koray wiilkiina wuxuu u ekaaday dhurwaa waa ku baryay oo hadba dhan buu rooray. Wuxuu aaday oo aaday galbeedkii aabbihiis waxsan uga sheegay isagoo ka fogaanaya qabiilka iyo qurunkiisa, waase qaban waayay dhinacna, waxtarna waa u yeelan waayay qolana.

Aragtida odaygii asal-sidaha ahaa iyo tan aqoonyahanka talada hayay ama aamminsanaa inuu talada dalka mudan yahay, waxaa ka dhex dhacay is-harddin weyn oo keentay in xeerarkii horana laga tago kuwii dambana lala qabsan waayo. Sidaas buuna ku lumay xeer walboo idil oo markaas gayeysiiyay Soomaaliya oo idil qas iyo qalalaase iyo waliba in la waayo xeer wax lagu beego illeyn dhaqan suul baa dhacaye.

Gar loo ma sinna ee gefka iyo gardarradaba waxaa leh aqoonyahan. Aqoonyahankii la rabay in aqoontiisu nolosha qoyska Soomaaliyeed ee geeddiga joogtada ah ku jira kor u qaado oo biyo iyo baad la hubo u helo, wuxuu ku mashquulay jaakadaha iyo filimada galbeedka. Wuxuu abuuray bulsho cusub oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn teedii asalka ahayd Wuxuu isu hibeeyay hantida qaranka iyo taladiisaba, isagoon waxtar muuqdaba u lahayn dalka iyo danta dadweynaha.


Aqoontu waa inay goobta wax-soo-saarka ka muuqataa ee ma aha inay wax-ku-doon iyo ku-faan noqoto. Bulshadii hantideeda yar aad wax ku baratay ma aha inaad ka faanto oo fongorto, deedna isla qummanaato oo sidaas ku abaaddo. Sidaasi soo maaha godob culus oo laga galay ummadda S/liyeed?

Godobta kale waa hababkii gumeystaha iyo dawladihii reer guriga ahaa ee dhaxlay ay ugu carbiyeen kaadir badan qaabab u adeegayay danahooda. Waxaa maanta laga dhex arkaa bulshada S/liyeed dhaqammo waayihii hore ahaan jiray foolxumo iyo falal sheydaan oo ay ka mid yihiin nifaaqa, imlaaqa, beenta, boobka, dicaayadda iyo isku-dirka. Dhaqammadaan oo ilaa imminka ay ka wadaan kaadiriintii la carbiyay ummadda S/liyeed dhexdeeda, waxay si bareera ah ugu macneeyaan siyaasad. 

Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwanMa dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.


Dhabcaalka dhalanteedka aamminsani wuxuu wali qabaa aragtiyo lagu sheego kuwa siyaasadeed oo uu qaayibay oo ah kuwii diimaha lagu dhaleeceeyay.