Tuesday, February 17, 2015

Rucubta Naasaha (hees)

Af walba oo aadane ku hadlo wuxuu ka koobmaa erayo. Eray walba wuxuu leeyahay macne aan dhiggiisu lahayn, marka oraah uu ku jiro la yiraahdana, waxay oraahdaasi tilmaantaa macne gaar ahaaneed. Haddaba, haddii eray ka lumo afka waxaa lumay macne iyo wax-cabbir aan beddel loo helayn. Mar hadduu lumo eraygii oo kale dib loo ma helo, sidaasna waxaa ku libdha qeyb door ahayd oo afkaas ka tirsanayd. Haddii maalin uun cidi isu xilsaarto noolaynta iyo baadigoobka erayadii lumay ee afka, halka laga doonaayo oo la abbaarayo waa maansada oo ah hawdka ama xaska laga dhex-heli karo baadidii luntay. Sidaas darteed, ayaan ugu dadaalnaa qoritaanka maansada sida heesaha iwm. waxaa arrinkaas nagu darraaba qaar aan garan wuxuu afku yahay iyo culayska uu leeyahay. Si aad wax uga ogaato erayada maansada ku kaydsan ee ay adag tahay in meel kale laga helo, bal eeg heestaan iyo erayadeeda:

In kastoon ribbadayoo
Ruux is-barashadeennii
Waran laba-riddaala
U soo ramiyay caashaqa
Rugo-gelinta sheekada
Run iyo been midkay tahaan
Kala raadinaayee
Anba guurka waan rabay
Ha yeeshee ragragashiyo
Waxa raagaa rag ku ma sama

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Jiilaal rindiidsaday 
Rogmashada abaaraha
Ishkin riiray mooyee
Labo-raafle joogsaday
In kastoo nin reer-cadihi
Loxos-rogasho badan yahay
Waxaa ruqadda weydda a
Rugta looga dhaanshaa
Marka Rahanku cirir-da'
Rimmayda kuu tiirinnine

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Eraydad:
1- Ribbadayoo: fashilmayoo, ii socon wayday.
2- Labo-riddaale: labo jeer is la gacantii lagu tuurayay laga rido.
3- Ramiyay: tumista birta si loo adeegsado.
4- Ragragasho: digasho lagu fogaado oo faan ku jiro.
5- Rantaayoo: ramasho waa jaceylka dheeriga ah ee hooyadu ilmaheeda u muujiso iyadoon ka ag dhaqaaqayn oo hadba ursanaysa ama leefleefaysa. Halkaan kalgacal dartiis kaa tagi waayaa.
6- Reemaa: cod jaceyl ama xanuun keeno, guux, jibaad, talal.
7- Rucubta: cuntub ubaxa ama miro ah oo isku duuban ama wixii qaabkaas leh. Halkaan naasaha oo rucub ama shucub u eg.
8- Rakaadda: rakaaddu waa marka labaad ee xoolihii la waraabiyay haddana la waraabiyo. Halkaan; kugu celceliyaa.
9- Rindiidsaday: gawdiidsaday, habsaday. 
10- Rogmasho: kulaylka badan oo roga biyaha iwm ee la karkariyo. Halkaan kulka abaaraha ama dhibabkooda.
11- Ishkin riiray: waa neef geela ama lo'a oo aan dhalin oo aad u cayilay.
12- Labo-raafle: labada qalbac ee qoobka naflayda qaar sida ariga.
13-Nin-reer-cadihi: ninka dhaqda xoolaha sida riyaha iyo geela.
14- Loxos: meesha cusub ee markaas la dagay. Loxos-rogasho waa beddalashada hadba meeshii la dagay.
15- Ruqadda: caato awgeed la kici waayday.
16- Rahan: waa doogga badan ee uu keenay roob xooggan oo da'ay.
17- Tiirinnine: wax lagu toosinaayo wax kale si uusan u dhicin. Halkaan xoojin. 
17- Cirir: xiddigo dayuxu ag maro oo ku beegan xilliga diraacda. Cirir-da' waa roobkii da'a xilligaas. 

Friday, February 6, 2015

Bugtii Waynayd "The Big Bang" ..cashar


Sannadkii 1920-kii ayaa nin xiddigayahan ahaa oo la oran jiray Edwin Hubbal ogaaday inuusan koonku ahayn mid taagan kadib markuu ku eegay waynaysada fogaanta,  markaasna uu arkay diillin-caanoodyo sii socda oo sii durkaaya oo waliba xawli ku socda. Waxaa sidaas ku caddaatay in koonku fidaayo, waxayna arrintaasi curisay Aragtida Bugta Wayn oo ah tan koonku ka dhashay.

Markii hore, Koonku wuxuu ahaa wax cantoobo dhan oo lahaa cufnaan iyo kulayl tahan daafa oo aan la malayn karin. Markii da’da koonku kaliya ahayd 10-34 oo ilmiriqsi (-0.0 000…..ilaa 34 eber) ayuu u qarxay si maskaxda ka wayn, wuxuuna isku fidiyay xawli ka badan kan iftiinka, waxaana markaas uu is fidinaayay weheliyay jawigii ku meersanaa, waxaana sidaan dhacday loo yaqaan fuuritaankii (the inflation). Is la markii qaraxii waynaa dhacay wuxuu koonkii curtay is fidiyay 90 jeer, isagoo ka soo ambaqaaday in ka yar atam, is la markiina noqday cantoobo ama in gacan muggeeda.

Haddii la tixraaco NASA, fuuritaankii kadib, is-fidintii koonku waa socotay, laakin si ka xawli yar sidii hore, wuuna qaboobaayay, waxaana samaysmay walxaha. Seddexdii daqiiqo ee ugu horreysay ee koonka waxaa abuurmay curiyaasha iftiinka, waxaana abuuray habka samaysan-unugeedka Bugtii Waynayd (Big Bang nucleosynthesis). Heerkulkii wuxuu ka soo qaboobay 100 noonnilloon (1032) Kelfin ilaa 1 bilyan (109) Kelfin, waxaana is duqeeyay borotoonis (protons) iyo niyuutaroonis (neutrons) oo sameeyay diyuutiruum (dieutrium) oo noqday dhigga haydroojiinka (hydrogen). Badi diyuutiruumkii baa midoobay oo markaas hilyuum (helium) noqday. Waxaa kaloo abuurmay in yar oo litiyuum (lithium) ah.

Markay da’da koonku abbaaraha ahayd 380,000 sano iwm, aad iyo aad buu u kululaa waxaana adkaa in iftiin ka soo baxo. Markaas kadib, ayaa kulaylkii badnaa isku garaacay qurubyadii yaryaraa, waxaana sidaas ku samaysmay wax carun u eg oo aad isugu cufanaa oo uu ku marnaa iftiin sidii ceeryaamada oo kale ahaa.

380,000 sano kadib Bugtii Waynayd, walxihii waa qaboobeen waxayna qurubyadii ama atammadii awoodeen inay qaabaysmaan waxaana sidaas ku bilawday xilligii dib-isu-qaabaynta.  Arrintaani waxay oodda ka soo qaadday iftiinkii markii horoo Bugtii Waynayd dhacday abuurmay, kaasoo ilaa maanta laga heli karo koonka isagoo kaah gasadeed hiryare kooniya (cosmic microwave background radiation).  Si kastaba ha ahaatee, markaan damboo la tilmaamay kadib, koonkii wuxuu noqday mugdi waayo xiddigaha iftiinku ka yimaado iyo waxyaalaha kaloo dhalaalaa wali markaas ma samaysmin.

400 milyan oo sano kadib Bugtii Waynayd, koonkii wuxuu bilaabay inuu ka soo baxo mugdigii kooniga ahaa (cosmic dark ages). Intii xilligaas lagu jiray oo dhammaa nus-bilyan sano ayaa waxay cuntubyo neef ahi isu habeeyeen si ay u sameeyaan xiddigihii iyo diiillin-caanoodyadii ugu horreeyay.

Waxaa koonka jira awood lixaad weyn oo isu soo jiidda jirmiyada ama qalfoofyada oo la yiraahdo cufjiid (gravity). Awooddaas baa waxay keentay in is-fidintii koonku tartiib-tartiib hoos ugu dhacdo. Waxaase dhacday 5 ama 6 bilyan sano kadib, Bugtii Waynayd in awood kale oo la yiraahdo tamarta madow (dark energy) oo aan si fiican loo fahmin dib u xoojiso is-fidintii koonka, sidaan dambe oo ilaa maanta socota. Si ksataba ha ahaatee, 9 bilyan oo sano kadib, Bugtii Waynayd ayaa waxaa samaysamay hab-qorraxeed-keenna (our solar system).

Bugtii Waynayd maahayn sida aan maanta qaraxa u naqaan, ee in kastoo qarax magac ahaan la dhihi karo, haddana ma jirin jawi(space) markaas ee markii qaraxu dhacay is-fidintii koonkuna bilaabatay baa jawigiina sidii isagoo ahaa wax koonku huwaana la fiday, waxayna labadaasi noqdeen kuwo is wata. Marka si kale loo yiraahdana, jawigii baa bilaabay is-fidinta, kadibna waxaa raacay koonkii.

Sannadkii 2014-kii ayaa culimada sayniska ee Xarunta Jaamacadda Haarfar (Harvard-Smithsonian Center ) ee dhanka cilmi-xiddigoodku waxay sheegeen inay ka dhex-heleen gasada hiryaraha-kooniga astaan yar oo laga yaabo inay noqoto caddayntii kowaad ee hirar-cufjiideedka oo loo haysto inay ahaayeen kuwii qarxiyay Bugtii Waynayd. Arrinkaan dambe si aada ayaa looga dooday walina way socotaa dooddu.

Da’da koonka waxaa hilaaddii lagu sheegaa 13.8 bilyan oo sano, ku dar ama ka jar 130 milyan oo sano, halka hab-qorraxeedku uu jiro 4.6 bilyan oo sano. Qiyaasahaan waxaa lagu ogaaday markii la cabbiray cuf-awoodeedka koonka iyo samayska walaxa ama curiyaha. Ogaanshahaani wuxuu awood u siiyay cilmibaarayaasha inay xisaabiyaan sidii ay is-fidintii koonku u dheeraynaysay. Marba hadday hanteen waxbaarayaashu ogaalkaas, waxaa u suurtowday inay goor-sheegta dib u celiyaan oo ay dib u baaraan markay Bugtii Waynayd dhacaysay. Kahor 30 sano, waxay la ahayd xiddig-yahannada in koonku dhammaantiis ka koobmo atamyada caadiga ama waxa loogu yeero baryoonig "baryonic matter". Hase yeeshee, waayahaan dambe, waxaa isa soo taraaya caddaymo muujinaaya in inta badan waxyaalaha uu koonku ka samaysan yahay aan la arki karin.

Waxaa dhabowday in atammadu kaliya yihiin 4.6% samayska koonka, 23% walaxa madow (dark matter),  kaasoo ay u badan tahay inuu ka koobmo hal ama ka badan oo qurubyo atamka ka sii yaryara oo si taagdaran u la falgala walaxa caadiga, iyo 72% oo ah tamarta madow, taas oo sida muuqata wadda xawaaraha  is-fidinta koonka.

Sida ay qabto NASA waxyaalaha atam-leyda ahi ee aan naqaan ee koonku 75% waa haydrojiin, halka hiliyuumku uu yahay 25%, iyadoo curiyaasha culculus ee koonku yihiin ino aad u tiro yar..

Qaabka uu koonku leeyahay wuxuu ku xiran loollanka ka dhexeeya xadka is-fidintiisa iyo dhufashada cufjiidka oo isaguna ku xiran yahay cufnaanta walxaha koonka.

Haddii cufnaanta koonku tahan dhaaf noqoto, qaabku koonku wuxuu noqonayaa qoolaab togane ah oo xiran. Taas macnaheedu waa; fallaarihii iftiinka ee barbar-roorka ahaa  markii hore waxay noqonayaan kuwo isu soo dhawaada, marka dambana is jara kadibna ku soo noqda meeshay ka ambaqaadeen. Haddii koonku sii jiro muddo ku filan, siday qabto NASA, koonku ma noqonaayo ma-dhammaade, haddana wuxuu noqonayaa midaan lahayn meel uu ku dhammaado, sida bedka qalfoofka kubbadaysan uusan ahayn ma-dhammaade, haddana uusan u lahayn meel la sheego oo uu ka bilawday. Koonku mar buu joojin doonaa is-fidinta wuxuuna bilaabi doonaa inuu isagu isku dhex-dumo taaas oo lagu magacaabo Hoobashadii Waynayd “Big Crunch

Haddii cufnaanta koonku ilaa xad yar tahay, koonku wuxuu noqonayaa mid qaabkiisu furan yahay oo leh qoolaab tabane ah oo hummaaggiisu u eg yahay kan kooraha. Haddii sidaan dambe dhacdo wuxuu koonku noqonayaa midaan isku guntanayn, waligiisna is fidin doonaa.
Waxaa caddaatay in koonku is fidinaayo oo waliba si xawaare leh isu fidinaayo, awoodda wadda oo sababaysa xawaarahana waxaa loogu yeeray; tamarta madow (black energy), tamartaas oo ah dhakafaarka maanta ugu wayn ee cilmiga sayniska haysta. Wuxuu saynisku rumaysan yahay wuxuu taaban karo ama caddayn karo, wuxuu gabo inuu gartana wuxuu ugu yeeraa dhakafaar ama mugdi amase madow, waxayse dhabtu tahay, koonka waxaa maamula Eebbaha Wayn, isagaana bilaw iyo dhammaad maareeya, innaguna aadane ahaan aqoonteennu way kooban tahay, sidaasna waxaa noo sheegay abuuraheenna itaalka weyn.

Friday, January 2, 2015

Diillin-Caanood "Galaxy"....(Cashar)

                                                                           
Erayga ‘galaxy’ waxaa laga soo xigtay Afka Giriigga wuxuuna Af Soomaaliga ku noqonayaa diillin-caanood ama waddo-caanood. Diillin-caanooddu waa higil aad u baaxad weyn waana hab uu is ku xiro cufjiidku oo ka kooban xiddigo, haraa-xiddigood (stellar remnants), meerayaal, dhadhaabyo (steroids), dhagxaanta saynta leh (comets), dhexyaallo (interstellar mediums) oo iyaguna ka kooban neef, boor, fallaaro-iftiimeed, hogag madow iyo walaxa madow (dark matter). Walaxa madow waa wax cilmi ahaan aan wali si fiican loo fahmin laakiin door weyn ku leh jiritaanka uunka. Waxaa kamida sababaha isu soo jiida xubnaha diillin-caanoodda hogag madow oo aad iyo aad u cufaf waaweyn oo ku yaal bartamaha higilka weyn ee diillin-caanoodda waxaana loo yaqaan Hogagga Madmadow ee Cufafka Waaweyn (supermassive black holes) oo loo soo koobo SMBH, wuxuuna afar malyan oo jeer ka cuf badan yahay hoggii madowba cufka qorraxdeenna. Diillin-caanoodyada koonku waa ilaa 100 malyan, qaar baana cilinno ah. Tan dhulku ka tirsan yahay haddii la doono in lagu dhex safro waxay qaadanaysaa ilaa 100 kun sano oo ku salaysan cabbirka iftiinka; sano-iftiimeedka (ly).
  1. Xiddig-yahannadu markay cirarka wax ka cabbirayaan waxay hal-beegga cabbirka ka dhigtaan xawliga iftiinka oo dhan 300,000 km/ilmiriqsi ama 186,000 mayl/ilmiriqsi. Xagga dheeraynta markay noqotana koonka oo dhan ma jiro wax ka dheereeya iftiinka. Sida uu qeexay Urur Xiddigoodka Caalamiga (IAU), hal sano-iftiimeed waxay la mid tahay 6 tirilyan oo mayl ama qiyaas ka hoosaysa 10 tirilyan oo kiilomitir. Marar waxaa dhacda  in sano-iftiimeedka (ly) lagu qaldamo oo loo qaato hal-beeg waqtiyeed laakiin maaha sidaase waa hal-beeg fogaaneed.

  2.  Diillin-caanooddenna, haddaan ku masaynno magaalo weyn oo ka kooban xaafado iyo magaalo hoose (downtown) waxay qeybta hab-qorraxeedka ee aan ka tirsan nahay noqonaysaa qeyb aad u yar oo magaaladaas ka tirsan oo aan xitaa xaafad dhammayn. Marka si kale loo yiraahdo, waxaan noqonaynnaa bar yar oo ku taal higilkaas weyn ee aan hadda ugu yeernay diillin-caanood. Sida magaaladu u nalal badan tahay oo kale baa diillin-caanoodduna u nalal badan tahay, waxaana nalal u ah xiddigaha, isla markaasna sida dhanka magaalada hoose u nalal badan tahay buu bartamaha diillin-caanoodduna u nalal/xiddigo badan tahay.
Waxaa la rumaysan yahay in diillin caanoodeennu qaab ahaan tahay mid galoolan (Spiral Galaxy). Ma jirto cid awoodday inay bannaanka uga baxdo diillin-caanoodda kadibna dib u soo fiirisay oo sawirtay, laakiin waxaa laga qiyaas qaatay diillin-caanoodyada kale ee aan keenna ahayn ee la arki karo, waxaana sidaas laga male-awaalay in teennu galoolan tahay, halka kuwa kale leeyihiin hummaagyo qaabab kale leh.

Diillin-caanoodyo aan badnayn baa magacyo loo bixiyay sida; D/Caanoodda Andaroomiidiya ( Andromeda Galaxy), D/Caanoodda Daruuraha Majallaan (Magellanic Clouds), D/Caanoodda Meermeerta (Whirlpool Galaxy),  D/Caanoodda Sombariiro (Sombrero Galaxy), D/Caanoodda Garangarsan (Ring Galaxy) iyo D/Caanoodda Quraareedka (Lenticular Galaxay). Diillin-caanoodyada waxaa qaab ahaan loo qeybshaa seddex jaad; kuwo qaab ukumeed leh (elliptical), kuwo galoolan (spirals), iyo qaab-laawayaal (irregulars).

Waxaa jira diillin-caanoodyo loogu yeero cilinno (dwarfs). Waxay mug ahaan ka yaryar yihiin kuwa waaweyn qiyaas dhan boqol meeloodow hal meel (1/100 times) waxayna ka kooban yihiin dhawr bilyan oo xiddigood. Waxaa dhacda in D/Caanoodyada cilinnada ahi ku ag wareegaan kuwa waaweyn.

Way is la falgalaan D/Caanoodyadu, wuxuuna falgalku dhalanrog ku sameeyaa ahaantooda. Is-duqayntu waxay dhacdaa marka labo D/Caanood si toos ah isugu dhacaan, haddii aysan lahayn awood ku filan inay is raacaan, xiddigaha D/Caanoodyadaani way is dhaafaan iyagoon is duqayn, laakiin neefaha iyo boorarka labada D/Caanood baa is dhexgala. Arrintaan dambe baa waxay keentaa in xiddigo dhashaan. Haddii is-duqeyn toos ahi dhacdo oo ay is dhaafi kari waayaan waxaa dhici karta in hummaagyada D/Caanoodyada wax is ka beddelaan. Mararkaan ay D/Caanoodyadii is ka hor yimid tahli waayeen inay is dhaafaan, way midoobaan waxayna noqdaan hal D/Caanood oo aad iyo aad u weyn. Xilligaan la joogo, xiddiguhu waxay ka dhex-dhashaan D/Caanoodyada yaryar.

D/Caanoodyada galoolan, kaliya waxay soo saaraan da’o cusub oo xiddigo ah, maadaama, ay ku leeyihiin fadad daruuro ah oo cufan oo haydroojiin ah gacmahooda galoolan. D/Caanoodyada ukumeedka ah, ka ma dhex-dhashaan xiddigo cusub waayo waxaa ka martay neefta xiddigaha dihata. Marka xiddigtu shidaalkeedii haydroojiinka ahaa u rogto walxo calculus, dihashadii xiddigo cusub waa joogsataa. 

Habka hadda xiddiguhu u samaysmaan waxaa la filaayaa inuu sii socdo ilaa boqol bilyan oo sano, waxaana markaas kadib soo yaraanaya cimrigii xiddigaha, iyagoo soo jiray toban tirilyan ilaa boqol tirilyan (1013–1014 sano) sano, waxaana markaas bilaabmaya in xiddigihii ugu yaryaraa ee ugu cimri dheeraa ee hawadeenna ay damaaan ama qarsoomaan kuwaas oo ah cilinnada cascas. Marka la gaaro dhammaadka cimriga xiddigaha, diillin-caanoodyadu waxay noqonayaan walxo isku dhafan oo ka kooban waxyaalaha sida: cilinno midab-ciideeda, cilinno cadcad oo qaboobaya ama qaboobayba (cilinno madmadow, xiddigaha niyuutroon, iyo hogag madmadow). Waxaa markaas dhici doonta in dhammaan xiddigaha oo dhan ku hoobtaan hogag madmadow oo cufaf waaweyn sidaas awgeedna lagu soo wada aruuro hogaggaas.
D/Caanood Ukumeed
D/Caanoodda Meermeerta
D/Caanoodda Garangarsan
                                                                          




Tuesday, December 30, 2014

Milicsiga Taariikhdii Daraawiishta (taariikh)

sannadkii 1905tii baa Sayid Maxammad saxiixay heshiis u oggolaanaayay inay Daraawiish ka taliso dhulka Nugaal iyaduna markaas ballanqaadayso inay joojinayso faragelinta arrimaha dhulkii S/liyeed ee Ingiriiska iyo colaadaha. Lee Cassaneli wuxuu qoray in waayahannadu ku kala tagsan yihiin qiimeynta heshiiskaas. Qaar baa waxay qabaan inuu Sayidku u galay heshiiskaas si uu waqti u gato oo uu abaabullo ciidan-dhisitaan. Wuxuu sheegay in Sayidku xiriir qarsoodi ah la yeeshay Biyomaalka hub faro badanna siiyay. Aragtida sidaan ah waxay gar noqonaysaa markii la eego sidii uu Sayidku u la dhaqmay Saldanadii Cali Yuusuf -Keenadiid oo ahayd mid colaadeed. Febarwary, 1905tii wuxuu Ingiriisku helay war dhuhlayn ah oo uu u soo gudbiyay Signor Olivo kaas oo sheegay in Daraawiish qabsatay Garacad, Sayidka laf ahaantiisuna halkaas dagay. Daraawiishtu waxay Garacad u aragtay dagal xeebeed leh marso abuurriin ah oo u sahli kartay helitaanka hubka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.  Signor Olivo wuxuu qoray in Cavaliere Pestalozza uu aaday Hobyo si uu Suldaan Cali Yuusuf u la tashado. Waxaa kaloo jiray dhambaallo sheegayay dhibabkii Reer Mahad (Majeerteen, Cumar Max'uud), Garacad kala kulmeen kadib markii xoolahoodii ay Daraawiishi dhacday. Sidaas darteed, kadib sannado badan oo isku day ah waxay Daraawiish awoodday inay joogitaan xooggan oo qoto dheer ku yeelato Mudug. Guulihii 1905tii kadib, waxay Daraawiish ka dhisatay Garacad iyo Jarriiban qalcado. Waxaa kamid ahaa qorshayaashii doorka ahaa ee Daraawiish inay saldhigyo ku yeelato xeebaha Mudug si ay u maamusho dhulalka gudaha ah oo meesiyada la dhaqdo hodan ku ahaa iyo ujeeddooyin ganacsi labadaba. Waxaa kaloo jiray in reerihii Mudug degganaa aad ugu muujiyeen madaxadayg iyo u-hoggaansi-la'aan Suldaan Cali Yuusuf. Laga soo bilaabo sannadkii 1902dii waxay Daraawiish weerarro ku haysay fariisannadii Cali Yuusuf ee Mudug si ay u ciqaabto qolooyinkii horjoogsaday jihaadka. Bishii Sept. 1902dii, waxay Darwiish weerartay qalcaddii Suldaan Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wayna qabsatay. Warkii uu Ingiriisku helay baa sidaan ahaa: guulahaan Daraawiisheed dartood, waxaa kor u kacay sumacaddii Wadaadka ee tolalkii koonfurta iyo galbeedka Mudug degganaa. Col. Swayne wuxuu rumeysnaa in tani ku tahay dharbbaaxo Cali Yuusuf wuxuuna soo jeediyay in 600 oo askari oo Suudaan ah oo wata afar madfac la geeyo Hobyo si ay u kaaliyaan Suldaankii Hobyood. Qabsashadii Daraawiish ee miyiga Mudug ma raagin. Waxaa ka saaray ciidan uu wato Gen. Mannig's oo Hobyo ka dagay bilawgii ololihii 3aad ee Ingiriiska. Laakiin July, 1904tii kaalinkii Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wuxuu noqday midaan xasilloonayn mar kale wuxuuna Swayne diray dhambaal uu ku sheegay in Suldaankii kaba gurtay Gaalkacyo isagoo ku macneeyay inuu Hobyo u baqay uuna difaaceeda isu aruuriyay. Suldaanku wuxuu ku celiyay codsigiisii qoryaha wuxuuse Swayne qabay inuu haysto qoryo ku filan.

1905tii, waxay Daraawiish noqotay mid aad u hiyi kacsan doonaysana inay ciqaabto qolooyinkii halganka gunnimodiidka ah hor-istaagay, sidaad darteed, Majeerteenkii Mudug waa la weeraray markii la dareemay inuu ka cagjiidayo taageeradii Daraawiishta. Dhanka waqooyiga koox gooni u goosatay oo Cali Geri (Dhulbahante) ah baa culays soo saartay Buuhoodle. Haddaba koox Daraawiish ah oo Ismaaciil Mire hoggaaminaayo baa laga diray Xarunta oo loo diray Abqow oo tiil koonfurta Eyl, halkaas oo uu Sayidka walaalkiis Yuusuf Shiikh Cabdulle ku dhaqaayay fardihii Daraawiishta. Markii kooxdii gaartay Abqow, Ismaaciil Mire wuxuu tiriyay gabay uu ku muujinaayay ujeeddooyinkiisii. Wuxuu sheegay in Daraawiish doonayso inay ku xoogaysato Mudug iyo in la ciqaabo Suldaan Cali Yuusuf sababtoo ah gacan-siintiisii Ingiriiska kadib markii uu u oggolaaday General Manning inuu ka soo dego Hobyo xilligii ololihii 3aad ee Ingiriiska ee ka-dhanka ahaa Daraawiishta. Asagoo  ku halqabasanaaya Yuusuf Sh. Cabdulle wuxuu yiri:

Taleex iyo Abqow Yuusufow, waa tub kala dheere

Toddobaan ka soo dhaxay, halkay tiil dariiqaduye

Wixii aad tartiib igu ogayd, tiicis baan ahaye

Tan inaan fadhiistaana, waa tacaddi diimeede
Wax Jahaadku taawinahayaa, tan iyo Ceelhuure
Tiirkii Hobyood waa la gubi, taan niyaysnahaye
Abtow Toogayar ii qabo adaan, kuu tawaawacaye

Sannadka gudahiisii waxay Daraawiish ku weerartay Majeertiinkii raacsanaa Cali Yuusuf Xinduugan, wuxuuse Majeerteen ka sii warhelay colka ku soo beegan wuxuuna geeliisii ul a qaxay dhanka koonfurta. Markii colkii Daraawiishtu soo gaaray aaggii, geel iyo rag toona lama kulmin. Colkaas hungoobay waxay dani badday inuu aryahii hilbo ahaan u dhaco, wuxuuna Ismaaciil Mire ka tiriyay arrinkaas gabay kooban:

Shillinkii Xinduugan haddaan, shalay Jihaad geeyay
Shigta weerar guutadu hadday, sheed walba u qaadday
Shaaruflaha Majeerteen hadday, shidatay reerkiisa
Horweyn laga ma soo shubo gunaan, shucub u foofayne
Anoo shiiday baan helay wankii, shirixa weynaaye
Shiilliinka ii keen Ilaah, waw shukriyayaaye
Nin shahiida baa loo ogaa, inuu shaf goostaaye
Nimcadaan Shareecada ku helay, yaan ka shaabbacaye

Waxay kaloo Daraawiish la falgashay Boqor Cusmaan Maxammuud iyo raaciyaddiisii. Ragaalkii 1915kii baa col ka soo baxay Bari iyo dhankii taliskii boqorku dhacay geel tiro badan oo loo baxshay Miinanle kaas oo dhiillo weyn ku abuuray Daraawiish. Waxaa lagu taliyay in Ismaaciil Mire hoggaansho col lug ah oo soo dhiciya geelii waxaana sidaas loogu taliyay dhulka Bari oo xoogagga boqorku ku sugnaayeen baa ahaa dhul qallafsan oo maristiisu ku adkayd fardihii Daraawiishta. Ismaaciil Mire ayaa diiday ra'yigaas wuxuuna ku tawaawacay; haddii aysan fardihii Daraawiish daaqsin u jirin Xaysimo inaan Miinanle la qaadeen. Wuxuu sharraxay sida dagaalku ugu baahan yahay degdeg iyo xawli. Labadaas oo fardaha kaligood suurtogelin kareen, wuxuuna gabay ku yiri:

Xayow aabbahay baa i baray, Xamar aan fuulaaye
Xiis baan ku meel mari jiriyo, Xaya darmaaneede
Fardduu Xaysimay naga jireen, Xula dhaceediiye
Sengeyaasha xoogga leh haddii, lagu xambaareeyo
Xadataa ma dhaafteen hashuu, xaday Majeerteene
Lugi inay Xadaafiir tahaan, soo xaqiiqsadaye
Welina Eebbahay igu ma xadin,  laba xagaafoode

Markaas kadib guluf uu hoggaaminaayo Ismaaciil oo fardooley ah baa qeyb ahaan soo dhiciyay geelii.

Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Daraawiishta waxay ahayd qabsashadii Hiiraan. 1912kii bay Daraawiishi ka war-heshay in Talyaanigu isku soo fidinaayo Koonfurta Soomaaliya qorshahiisuna yahay inuu Hiiraan qabsado. Dhulkaan oo hore uga madaxbannaanaa gumeystaha. Caaradkii Talyaanigu wuxuu soo gaaray Mahaddaay. Warkaani wuxuu qeylodhaan ku dhex tuuray Daraawiish, sidaas darteedna Sayidku wuxuu u saaray ciidan dhan 900 oo nin dhanka Doh iyo Ceelgaab oo uu hoggaaminaayey Xaaji Maxammuud Macallin "Cagadhiig". Amarkii ciidankaas la siiyay wuxuu ahaa inuu xoojiyo xooggii Daraawiisheed ee fadhiyay aaggaas oo uu madaxda ka ahaa Sayidka walaalkiis Khaliif Sh. Cabdulle iyo inuu sii galo Hiiraan qalcadana ka dhiso Beledweyne. Markuu ciidankii gaaray Hiiraan wuxuu fadhi ka samaystay Qollad oo u dhaweyd Beledweyne. Wuxuu bilaabay inuu dhambaallo iyo ergooyin u diro qolada Xawaadle ee agagaarka degganayd si ay ugu soo biirto halganka iyo gumeysidiidka waxayse ku soo jawaabtay inaysan taageerayn joogitaanka Daraawiisheed ee Hiiraan. Waxay ku adkaysatay mawqifkeedii, in kastoo Daraawiish aad isug dayday qancinteeda. Waxay tusaalaysay khatarta Talyaaniga iyo sida midnimo looga hortago loogu baahan yahay. Markay caddaatay inaan Xawaadle u soo loodsamayn Daraawiish, waxay noqotay in weerar lagu ballaariyo si loo layliyo. Xawaadlaha waxay la ahayd inuu Daraawiish iska caabbin karo wuxuuna lahaa hoggaamiye karti badan oo la oran Nimcade-Dacar wuxuuna hoggaaminaayay ciidan loo oran jiray Hormadiid. Sannadkii 1913kii baa Daraawiishi weerartay Xawaadle oo jabisay, xoolahoodiina gacanta ku dhigtay. Sidaas baana Hiiraan ku noqday aag Daraawiishi ka taliso. Isla markiiba Daraawiish waxay Beledweyne ka bilawday dhisitaan qalcadeed waxaana hormood ka ahaa dhisitaanka nin la oran jiray Cali-Jalax waxaana taliye guud loo magacaabay Cagadhiig.

Talyaanigu wuxuu ka walwalay horumarka Daraawiisheed ee Hiiran wuxuuna xoojiyay xooggiisii fadhiyay Mahaddaay isagoo ka cabsi qabay weerarro uga yimaada Daraawiish. Wuxuu kaloo fadhi ka samaystay Tayeeglow iyo Buqaqable oo uu ugu talagalay difaaca dhulalkuu koonfur ka joogay. Wuxuu kaloo kulan degdeg ah la qaatay Suldaan Cali Yuusuf waxayna ku heshiiyeen inay cudud midaysan uga hortagaan Daraawiish. Waxay soo dhaweysteen Boqor Olol Diinle, oo ka soo jeeday saldanadii Ajuuraan ee hore. Waxay seddexdaas dhinac u istaageen kahortaggii iyo la-dagaalankii Daraawiishta.

Maaris 3, 1915kii, waxay gaashaanbuurtii bilawday duullaammo laga soo abaabulay lix jiho. Talyaanigu wuxuu ka soo ruqaansaday; Buulobarde, Buqaqable iyo Tiyeeglow. Suldaan Cali Yuusuf wuxuu soo baxshay labo ciidan waxaana hoggaaminaayay Godogodo. Boqor Olol Diinle asna wuxuu ka soo gulfay Qallaafe. Colalkaasi waxay go'doon socday seddex bilood iyo bar geliyeen saldhigyadii Daraawiisheed ee Hiiraan. In kastoo aad loo duqeeyay qalcadihii haddana wax weyn ma gaarin. Markii madaafiicdii Talyaaniga midkood la burburiyay ciidammadii soo duulay waxaa ku dhacay argagax waxayna isku soo tuureen goobihii dagaalka. Ismaaciil Mire waqtigaas wuxuu ku sugnaa Beledweyne wuxuuna u yimid kormeer iyo xogdoon. Markii la maqlay weerarrada soo beegan dib buu u dhigay safarkiisii, difaacii buuna ka qeyb-galay. Wuxuu ka tiriyay dagaalkii Beledweyne iyo colalkii soo weerary geeraar uu u diray Khaliif Sh. Cabdulle oo ku sugnaa Qalqallooc. Wuxuu ku sheegay geerarkaas dhinacyadii dagaalka soo galay iyo siyaalihii dagaalka:

War ninkii iga dooniyow
Anoo Doollo u jeeda
Deleb heensaha saaray
Gooruu waagu dillaacay
Daraawiish ballamaynnaa
Adduun saad ka damcaysiyo
Damdambaysi ma yeeshee
Waa dawaara sideede
Durba weerar na taabay
Maajoor doora qudhmuuniyo
Doofaartii Raxanweyniyo
Majeerteen dunjigiis
Daacufley askareediyo
Ina Diinle dhashiisaa
Dulmi noogu heshiiyoo
Duulba maalin na beegay
Beryey Deex ololaysay
Dundunku u rognaayoo
Candhadii dubayowdoo
Daaqsin ayan u foofinoo
Rasaastii dam lahayd
Dagaal baan kula roorayoo
Baqihii ay dillaameen
Dabkii aannu ka reebnay
Derbi baan ku masaaloo
Daarahaannu rasaynnaayoo
Daayimow mahaddaa bay
Daraawiishi lahaydeey


Guushaas taariikhiga ka dib waxay Daraawiish isku fidisay koonfurta Soomaaliya, Talyaanigana waxay qasab uga dhigtay inuu ka noqdo qorshuhuu ku rabay inuu isku ballaariyo Dooxooyinka Shabeellada Sare. Waxay Daraawiish si fiican u sii degtay Hiiraan waxayna joogisteeda ku sii xoojisay dhisiddii labadii qalcadood ee kale ahaa Aammin iyo Labo-Mataanood. Waxay kaloo colal xooggan ku bixisay Tayeeglow iyo Baydhabo oo ay ku weerartay Talyaaniga iyo taageerayaashiisii. Waxay kaloo ugu dhacday cadawga koonfurta fog sida Aw-Dheegle iyo Ceel-Garas. Jabkii Beledweyne kadib Talyaanigu kuma dhiirran inuu weeraro Daraawiish mar dambe, tan dambaase mar walba waxay wadday weerarro.

Sunday, December 7, 2014

Labadii Doqon oo Habaabay (maqaal)

Waa baa waxaa la yiri, waxaa hayaantay dagmo reer guuraa ahayd, iyadoo u roob-raacday dagallo roobsaday. Jiidaashii dheerayd ee ay ku yeelnayd baa waxaa ku habaabay labo doqon oo degmada ka tirsanaa, waxayna ku ambadeen dhul omosoore ah. Waxay hadba dhinac foolka saaraanba, way dhanqalmeen kadibna waxay ku hoos dhaceen geed harkiis. Muddo hadday nasanaayeen, baa midkood yiri; hebalow balligii meel-hebla ku yiil soo fiiri in biyo galeen. Kii la diray baa kacay oo aaday dhankii loo sheegay, saacado badan buuna ku maqnaa sahankii loo diray. Goor dambe ayuu ku soo noqday doqonkii kale ee diray geedkii buuna ku soo hoos dhacay isagoo aad u sii dhanqalmay. Kii horoo diraa yiri; balligii ma tagtay? Suu ye; haa. Su’aal kaluu ku celiyay; biyo ma galeen? Suu ye; maya ee waa qallalnaa. In yar kadib, baa waxaa kacay kii markii hore doqonkii kale diray oo iska luuday, markaasaa kii haray yiri; hebalow xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan soo fiirinayaa in biyo galeeen. Markaasaa kii kale yiri; oo hebalow, balligii anaa soo arkoo waa qallalnaaye maxaad ka dooni? Suu ye; waa ku soo quusanayaa. Kii harsanaa baa isna inta kacay iska dabo-galay kii kale. Kii la dabo-galay baa inta ku soo jeestay yiri; oo adigu xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan kugu la soo quusanayaa! 

Cibrada sheekada ku jirtaa, waa in caqligu yahay kan qofka haga oo ku duwa waddada toosan, haddiise caqli suubban la waayo, qofku wuxuu noqdaa mid habaaba oo hadba dhinac aan waxba jirin ku ambada.

Waxaa sheekadaan oo kale ah; Wasiirka Kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ee maanta. Sida naloo sheegay wuxuu WK ku salaysan yahay hab-qeybsigii qoleedka ahaa ee Soomaaliyeed, waxaana loo qoondeeyay tolweyne Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in loo adeegsaday bahdilidda iyo biindhaynta dhinicii la yiri, waa lagu maamuusay.

Waxaa kadhigan doqonkii yiri; balligii baan kugu la soo quusanayaa, kan og wixii lagu falay raggii doorka ahaa ee dhiggiisa ahaa oo ka horreeyay oo haddana u heellan inuu meeshiisii buuxsho, iyadoon la maarayn ama laga maarmin xarunimada Muqdishow-da noqotay xas bahal-galeena.
Waxaan kale oo xusuusin lahaa xikmad-laawaha talada dalka murginaaya erayadaan laga soo xigtay murtidii doorka ahayd ee Khaliifkii Afraad ee Islaamka:

Ka digtoonow:
Inaad kan wanaagsan bahdisho, inaad caaqilka cilladayso, inaad xumaalaha wanaajiso, inaad doqonka la kaftanto, iyo inaad gogol-dhaafaaga (dhillayga) la dhaqanto.
Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo fiican, wax caaafimaadka ka fiican waan waayay. Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo qaraar, inaad u baahato dadka wax ka qaraar waan waayay. Waxaan qaaday bir iyo dhagax, wax deynta ka culus waan waayay.
Waxaad ogaataa in dunidu tahay labo maalmood; maalin adaa leh, maalinna waa lagaa leeyahay, haddaad leedahay ha isla weynaan, haddii lagaa leeyahayna ha caroon, samir labaduba waa kooban yihiine".
Imaam Cali Ibnu Abuu Daalib (Eebbe ha ka raalli noqdo)

Wednesday, December 3, 2014

Xiddigaha (cashar)


                                                                        
Xiddigtu waa jir caruna (plasma) oo dhalaal badan oo aad u weyn, waxaana isku haya oo isku meel isugu keena cuf-jiidkeeda (gravity). Xiddigta ugu dhow dhulka waa qorraxda, mase aha tan ugu weyn. Xiddigaha kale waxaa laga arkaa dhulka hameynkii, iyagoo u muuqda dhibco dhalaal badan oo taagan, sababtuna waa fogaanta tirada badan ee ay indhaha dhawraya ka fog yihiin. Xiddigaha ugu door roon waxaa loo kooxeeyay bahweyn-xiddigood ama buruuj (constellations) iyo bahyar-xiddigood (asterisms), waxaana xiddigaha ugu dhalaal badan la siiyay magacyo-cilmiyeed loogu magacdaray hadba sida uu muuqaalkoodu yahay. Xiddig-yahannada waayaha cusub waxay cirka u qeybsheen ilaa 88 bahweyn-xiddigooda oo wada leh xuduudo ama seerayaal.

Ugu yaraan qeyb kamida nolosheeda, xiddigtu sababta ay la iftiintaa waa qarax-unugeedka haydroojiinka oo u rogma qaraxaas kadib heliyuum, falkaas oo ka dhaca ubucda xiddigta, wuxuu sii daayaa tamar tiinbata gudaha xiddigta, kadibna ku baahda hawada bannaankeeda. Marka uu dhammaad ku dhow yahay haydroojiinkii ubucda xiddigtu, dhammaan walxaha ka culus heliyuumka ayaa samaysma waxaana sameeya hab-sancadeedka qarax-unugeedka gaarka (stellar nucleosynthesis). 

Xiddigaha ka yar qorraxda markii ay gaboobaan oo ah markii shidaalkii dabshidkaas weyn hurinaayay uu dhammaado way dhintaan ama bakhtiyaan. Xiddigta le’eg qorraxda marka shidaalku ka dhammaado jirkeedii baa is fidiya, kadib cuf-jiidkeedii baa si aada ugu soo cesha walxihii ka kala tagay ubucdii xiddigta. Markii walxahaas isu yimid ay si aada isugu kuusmaan, waxaa kordha cufnaantii waxyaalahaas. Cufnaantaas xooggan waxay samaysaa qarax lixaad weyn oo keena kaah saabta hab-tusmeedka cirkeenna oo dhan. Kaahaasi dhawr toddobaad ama bilood buu baahiisu socdaa, waxaana loogu yeeraa Cusub-sare (Supernova). Bilahaas ama toddobyadaas kadib wuu dhammaadaa kaahii weynaa waayo is-fidintii weyneyd baa dhammaata. Markaas kadib, waxyaalihii firdhay oo ka koobnaa walxaha dhulka iyo uunka kalaba ku abuuran meel walbay aadaan,  waxaase ubucdii xiddigta ku hara wax xiddigtii kamida oo aad isugu cufan si aadana u dhalaalaaya oo loogu yeero Dhaglays ama Biglays (pulsar), waxaana magacaas loo siiyay, sida wadnaha ayey dhaglaysaa iyadoo bikaacinaysa iftiin xoog leh oo bigleynaaya.

Sannadkii 185 MD baa dalka Shiinaha waxaa laga diiwaangeliyay xiddig dhalaal badnayd oo si kadis ah cirka uga muuqatay, waxaa loo qaatay inay tahay xiddig cusub oo dhalatay, waana sababta loo siiyay Nova oo Laatiinka ku ah; cusub. Sida la xusay xiddigtaas kaaha weynayd waxay dunida iftiiminaysay 8 bilood, kadibna waa qarsoontay. Tan iyo waagaas waxaa la diiwaangeliyay dhawr dhacdo oo ku saabsan xaaladdda "Supernova" xilligii ugu dmbeeyay wuxuu ahaa sannadkii 1604 MD.

Haddii xiddigtu ka weyn tahay qorraxda oo shidaalku ka dhammaado qarax-unugeedkiina joogsado, waxaa bartamaha xiddigtii ka samaysma cuf-jiid awood badan leh, wuxuuna soo jiitaa dhammaan walxihii xiddigta ee hareeraha, kadibna waxaa dhaca qarax tahan-dhaafa oo aan la malayn karin, markaas kadibna xiddigtii oo dhan waxay isu rogtaa goob madow badan oo loogu yeero Hogga Madow (black hole). Hoggaas madow wax kasta oo ka soo ag dhawaada wuu liqaa, xitaa wuxuu liqaa baa la yiri iftiinka ama xiddigaha kale, mana jiraan baa la yiri wax ka badbaadi kara ama ka soo noqon kara. Cilmiga saynisku hogga madow inuu jiro mooyee, wax intaas dhaafsiisan ka ma oga, waxaana halkaan ku istaaga xeer kasta oo culuunta la xiriira. Qaar baa yiri; waa illinka koon kale oo aan ahayn kan aan ku nool nahay, qaarna waxay yiraahdeen hogaggaas madow ee aan wax ka soo noqon, waa irridihii ama albaabadii aakhiro, Weynahaase ogaal badan.

Xiddiguhu si joogta ah bay u dhashaan, waxayna ka dhashaan waxyaalaha hawooyinka sare ku firirsan oo markii hore ka abuurmay alkumaddii u horreysay ee uunka ee loo yaqaan Bugtii Weynayd (Big Bang). Aagga ay xiddigtu ka samaysanto ama ka abuurato waxaa loogu yeeraa Daruuro (Nebula).Page semi-protected

Cusub-Sare (Supernova)
    Cusub-Sare (Supernova)
  1. Dhaglays (Pulsar)
    Hogga Madow (Black Hole)
    1. Daruuro (Nebula)
      Daruuro (Nebula)

Tuesday, November 25, 2014

Qarannimadu Waa Sharaf (hees)

Saadaashu waa qurux
Qaboono weeye degmadu
Dubbad labo qarsoomiyo
Dayaxoo u qunuudiyo
Waa sannad qaruumiya
Garbo qaarac maahayn
Qasahuna waa guduud

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Danbasame cawuu qubaye
Qadanti weeye doogguyoo
Mahiigaan aan qaadayn
Karan sagalku qeexiyo
Waa sannad qaniimiya
Nuuro qaalib weeyoo
Qudduhuna waa samo

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Qundhac berisamaadow
Qabuul weeye ducadu
Nabsi bixi qadoodiga
Qudurradaan ku raagniyo
Wuu dhammaan qabbaankii
Qaraar baa la gaariyoo
Qulubna wuu hari

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Erayada:
1- Qaboono: xilli qabo gaar ahaan subaxa hore.
2- Dubbad: birta weyn oo laga hoos mariyo waxa la garaacaayo. Xilli-dayaxeed.
3- Qunuud: duco salaadda subax la raacsho, marmarna salaadaha kale.
4- Qaruumi: qarameeda ama leh awoodda wadajirka.
5- Garbo: xiddigaha ugu horreeya dalaaliga ee dhexeeya dirirka iyo biyoxawda.
6- Qaarac: garaacaa. 
7- Qase: labaa, wareer-keene.
8- Danbasame: xilli aalaa roob da'o.
9- Qadanti: itaal iyo xoog leh. Cawo, ayaan.
10- Mahiigaan: roob ama col faro badan.
11- Karan: roob da'a xagaaga gadaashiida.
12- Qaniimi: qani ama hodan ah.
13- Nuuro: iftiimiso, kaahiso.
14- Qudde: fandhaal weyn.
15- Qundhac: qorrax.
16- Qadoodi: cunno-ka-qatanaan.
17- Quduro: yaab ama amakaag.
18- Qabban: qof ciidana ama adeege ah, qawrsar.