Waayahaan waxaa oognaa
xiisado ka dhashay maamul-u-samayntii Dawlad Goboleedka Jubba ee lagu tiraabay.
Mar walba iyo meel walba aadanuhu waa ku kala tagsanaa curinta iyo maamintaba,
waana abuurriin in ra’yiyo kala duwan la soo ban dhigo. Hase yeeshee, haddii ay
dhacdo in qof ama koox soo ban dhigto dood waa in kuwaasi muujiyaan
tixraacooda. Haddaan la helin tixraac, wixii la sheegaaba waa hadaltiro iyo
hawraaro aan qabad lahayn.
Waxaan maalmahaan
arkaynnay doodo iyo muranno kadhan ah yagleelka DGJ. Qaar waxay leeyihiin:
1-
Looma dhamma ee dad
gooniyaa wata.
2-
Dad aan u dhalan baa gobollada
laga hadlaayo arrimahooda hor boodaya.
3-
Dawladdaa iska leh
qotominta maamulka Fedaraalka ah.
Haddaba, waxaan
halkaan ku falanqeynaynnaa doodahaas, waana sidaan:
Q. 1aad: tan iyo waagii dadku halganka jiritaankiisa bilaabay, mar
walba iyo meel walba oo bulsho joogto waxaa hal-abuurka iyo horseedka arrimaha
maamulka, fikradaha iwm keeni jiray hal qof ama koox ee marna lama arag iyadoo
dadkii oo dhan wada fakaray. Waxaase jiri jirtay walina jirta, kooxda horseedka
ahi, inay arrimaha ummaddeeda u hadoodilaan hab-maamuleed loo wada aayo. Marka
si kale loo yiraahdo; waxay inta badan, ka faa’iiddaa wax, in yari ku
hawshootay. Maamul ummadi leedahay waxaa
looga gol leeyahay inuu waxtar ballaaran u yeesho bulshadaas. Maamulka
hagaagsan ee sida qumman loo maareeyo, wuxuu waxtarkiisu saabtaa dhammaan
xubnaha ama qoysaska bulshadaas. Marna maahan sida dad badani u qaatay oo ah;
in madaxnimada maamulka loo tartamo si nacfigiisa loo kala badsado. Waxaa iyana
gef weyn ah, in madaxnimada maamulka loo tiriyo qolo ama iyadu isa siiso,
illeen madaxu wuxuu ka dhexeeyaa noolaha ku dhaqan aaggaas uu ka jiro
maamulkuye. Waxaa foolxumo weyn ah; in la yiraahdo golaha shacabka intaas oo
xubnood baa reer hebel ka helay ama la yiraahdo intaas oo wasiir baa tol hebel
ka helay. Sidaas darteed, khalad maahan in kooxi curiso arrin wanaaggeedu
saabanayo dadka oo dhan, xitaa haddii ay hal qolo ku abtirsadaan. Haddaba dadka
leh fikradda Dhulka Jubba qolo gooniyaa wadata waa gabood falayaal gardarro
badan.
Q.2aad: tan iyo waagii la yagleelay Dawlad Qarameedkii Soomaaliya,
labo arrimood lama xasilin ama lama meelayn. Tan kowaad waa seerayaal la wada
okobban yahay, tan labaadna waa qofka u dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliya
(Somali State Citizen). Waxay xukuumadihii Soomaalidu ula dhaqmeen qof kasta oo
ku abtirsada qaranka (nation) Soomaaliyeed mid u dhashay JDS. Hadduu qofka
Soomaaliga ahi ku dhashay gobollada Soomaalida ee Itoobiya, kuwa Kenya
ama gobolladii JDS, maamulladii Soomaalidu isku mid bay u arkeen. In kastoo
gumaystayaashii shan qeybood u kala qoqobeen ummadda Soomaaliyeed, haddana
qalbiga Soomaaliyeed ma qaayibin kala-qoqobkaas. Sidaas darteed, meesha qofku
ku dhashay muhim maaha ee waxaa muhim ah in qofku Soomaali dhab ah yahay. Waxaa
Soomaali dhab ah qofkii ku abtirsada tol Soomaaliyeed oo la hubiyay. Sidaas
darteed, dadka deggan gobollada Jubba iyagoon kala sooc lahayn waa u siman
yihiin talada gobolladaas, qof inuu dool yahay loo arki karanaa ma jiro.
Dadka meel walba la taagan
annagoo gobolladaas u dhalannay, waa lana muquuninayaa iwm waa gabood falayaal
aysan ka dhaadhicin dhidibbada Qaranka S/liyeed ku taagan yahay, iyadoo
koobanna waxay tahay oraahda ku habboon kuwaas; Soomaali dhul ma kala laha waase kala
dagaanno duwan tahay, Soomaaliguna hadba meeshuu deggan yahay buu xuquuq buuxda ku leeyahay.
Q.3aad: marka hore aan yare xusno qodobbo ka mid ah kuwa
dastuurka DFS;
Qodobka 3aad ee dastuurka,
qeybtiisa 1aad waxaa lagu sheegay: Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan
mabaadi’da shareecada islaamka waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay
xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasadaha iyo qeybaha
xukuumadda oo dhan. Qodobka 4aad ee isla dastuurka, qeybtiisa kowaad waxaa lagu
sheegay: Soomaaliya waa jamhuuriyad fedaraala oo gob ah, kuna dhisan matilaad
dadweyne loo dhan yahay oo dimuqraaddi ah. Qodobka 69aad qeybtiisa seddexaad;
xudduudaha gobolladu waxay ku salaynaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray
1990kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa. Qodobka 70aad, qeybta kowaad; labo gobol
iyo ka badan oo isugu tagay si xor ah baa samaysan kara dawlad goboleed. Qeybta
labaad; dawlad goboleed cusub waxaa samaysan kara dawlad goboleedyo horoo jiray
haddii tiro macquul ah oo dhan hal iyo ka badan ay ka mid yihiin dawlad
goboleedyadaas...
Marka, way caddahay in sharciga dalka ugu sarreeyaa uu okobban yahay yagleelidda Dawladda Goboleedka Jubba, dhinacayada bulaanka badan ee ka soo horjeedana arrintoodu waa: "Baroortu orgiga ka weyn". Malaha qofka aan fahamsanayn qablanka tirada badan ee diiddan DGJ biyodhaciisa, waa qof markii horaba damiin ahaa oo aan loogu dhibcin garashada.
Waxa dadweynaha DGJ deeqaa waa maamul ku dhaqma sharciga oo si weyn u difaaca sharcigaas, kadibna kobciya kaabayaasha nolosha oo markaas dadku si siman uga faa'iideysto. Ninka madaxa sare noqonaya iyo madaxda kalaba waxtarkooda waxaa sugaaya dadweynaha oo dhan. sidaas darteed, in madaxnimada la kala xigsado macne ma leh. dhaqanka jifaysiga madaxnimada waa inaan ka kornaa oo hilaadinna waxtarka ballaaran ee maamulka sinnaanta wax ku sooraa u yeelan karo dadkoo dhan.
DGJ oo qotonsataa kuna dhaqanta sharciga waxay hal-tusaaleed u noqon doontaa qeybaha kale oo Soomaaliya, waxayna idin alle bili doontaa qaranka Soomaaliyeed dhammaanti.
DGJ oo qotonsataa kuna dhaqanta sharciga waxay hal-tusaaleed u noqon doontaa qeybaha kale oo Soomaaliya, waxayna idin alle bili doontaa qaranka Soomaaliyeed dhammaanti.