Thursday, February 7, 2013

Lib-gad (gabay)..Max'd Nuur Fadal


Lax la qalay leggeed iyo, haddii lulato la ii keeno
Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede
Waa caawadaan sida lo’ley, luunsanaan jiray e
Waa caawadii aanan ledin, sida lammaan xiide

Lur adduunyo waa caawadaan, wax igu laabneyne
Ladnaanta iyo nimcadu uunka way, wada luggoysaaye
Lixdan aniga oo jiray tashigan, laydha iga raacay
Imminkaan ladhkiisii hurdada, ledis ka waayaaye

Nimankaan dukaannada lukiyan, labo labo u siiyay
Nimankaan lo’daydii casayd, laanta ugu duugey
Wax la liqo iyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha
Hadday aniga leebka iyo warmaha, ii lisanayaane

Markuu sida Luwaha qaawanaa ee, laylka soconaayay
Ee aad luqufka qooraha dameer, lulaya moodeysay
Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido
Oo aan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene

Kal-laxiiba baan leeyahay iyo, laabta xuunshada e
Laxawasiga xigtada lay gashiyo, libiqsigaan eeday
Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye

Inkastay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso
Leg ninkii siiyey dishaa, liidda doqoneede
Wax laasima nin liitiyo haween, laaxinkood badane
Lib-gad iyo abaal-xumana waw, low u gooniya e

Ma libaanihii Diiriyaa, loox u daabacaye
Waa tay liciinkii maqleen, laababka lahaaye
Waxba nimaan lilleyneyn, ayay luqaddi raacane
Mar un iga ma liibaansanine, way ladaabsadaye

Haddaan maalintii hore lurriyo, igu ma laabmeene
Lafa-Yare iyo Caarraan, wixii lumay i deynayne
Afar-laba-lix jeer buu sidaa, iiga loogsadaye
Alla laba iyo toban jeer miyay, liidnimo i raacday!

Erayada: 
1.Luun: qolfo ama xayaabo layiig ah oo qofka oomman ama qabatooma 
bishimaha ka fuusha.
2-Lammaan xiid: xiidxiitadu badi labo labay u socotaa.
3-ladhid/larid: lagu daray
4-Luki: cammiran (af sawaaxili)
5-Lis: loolin ama soofeyn
6-Luwo/luo: qoomiyad ka mida Kenya
7.Lingax/ningax: labo weel oo la isku aabburayo dhexdooda la geliyo si aan wixii lagu shubay u daadan
8-Luquf: qeybta hore ee cisalka .
9-Laxam: af carabi waa hilibka
10-Low (Law): af Ingriis waa sharciga
11-Lib-gad: abaal- laawe
12-Loog: sooryeyn weyn oo xoolo la qalo
13-Ladaab: rakaad, cunid ama cabis ku noqnoqosho ah
14-Kal-laxiiba: qalbi wax jecel


3 comments: