SINMUD IYO SINGUB MAXAA
ISU GALAY?
Hordhaca:
Marka hore, qoraalkaan ujeeddadiisu
waa sidii aan wax uga iftiimin lahayn isirka Soomaaliga la yiraahdo. Waxaa
ayaandarro ah in dad badan aqoon-la’aanta awgeed ku saleeyaan isirka Soomaalida
ummado iyadu aad uga fac weyn tahay. Qaar baa waxay oran Carab baan ka soo
jeednaa, qaarna waxay oran Orommaan ka soo jeednaa, iyagoo aan caddaymo
cilmiyaysan u hayn.
Dadka Soomaalida ah wuxuu leeyahay
hidde guun ah oo waayo badan soo jiray, af isna aad guun u ah oo la oran karo waa afka ugu da’ weyn afafka la asaagga ah, dhalan si sahlan loogu garan og
yahay qofka Soomaaliga (in kastoo ilma adeeradood, ekaantaan isaga dhaw yihiin) iwm.. Tilamaamahaan lagu garan og yahay dadka Soomaaliyeed wuxuu xanbaarsanaa
waayo tiro badan oo ka badan in si fudud la maamin karo. Warqaddaani waxay yare
iftiiminaysaa dhabbayaashii uu soo qaaday isirkii ay ka soo jeedday ummaddaan waayo dhaw
kahor jiritaankeeda dhidibbada u aastay oo la liilliijin waayay.
SINGUB: waa Max’uud Cabdullaahi Ciise oo
naanays ahaan loo yaqaan Singub, waana suugaan-yahankii soo caanbaxay ragaalkii
qarnigii 20aad oo aad ay u taqaan inta Af Soomaaliga ku hadashaa. Halkaan
waxaan ugu soo qaadnay si aan ugu foodinno nin ay aad isugu dhaw yihiin, waayo aad u fogna noolaa.
SINMUD: wuxuu ahaa kaaliyihii fircoonaddii
(boqorad) Xatshibsuud oo ka talisay boqortooyadii 18aad ee Kemet (Masartii Hore
) sannadihii 1508-1458 M.H. Waxaa kaloo u diiwaangashay inuu lahaa halabuurkii
dhismihii macbadkii Xatshibsuud ee Deyr al-Baxar oo wacdaraha lahaa. Waxaa kaloo la xusay inuu
ahaa saaxiibkii boqoradda taas oo u dihatay gabar la oran jiray Nafroora
(Neferure).
Labadaas nin
oo mid noolaa qarnigii 15aad Masaxiiga Hortiis, midna noolaa qarnigii
20aad ilaa waayahaan, waxay wadaagaan magaca, sullan iyo halabuurnimada. Waxayna
wadaagaan isir qura oo kan hore waa Soomaalidii hore kan dambana waa Soomaalida
waayahaan. Markaan leenahay Soomaalidii Hore macnuhu maahan in magaca Soomaali
ee hadda ay sidato ummaddu uu waayahaas hore oo aan ka hadlaynno uu jiray,
laakiin waxaa hubaal ah in sullanka Soomaaliyeed uu waagaas jiray oo waliba aad
u firfircoonaa, magaca guud ee isirkaasina uu isbeddalaayay.
KUWII XUUR RUMAYSNAA:
Erayga Xuur
waa shinbirka xuurka ee wali degaannada Soomaalida ku nool looguna yeero isla
magacaas. Waxay u qoreen dadkii afnaqay qoraalladii Masartii Hore; Horus, Hor, Har iwm.. Waxaa kaloo la
siiyay magacyada sida;; Har-qaate (Harakhet), Har-ma-qaate (Harmkhet) iwm..
Marar waxaa shibnirkaas loo ekaysiiyay shinbirka Aboodiga ama Gallayrka,
dhammaan kuwaas waa isku bah. Si kastaba ha ahaatee, Shinbirkaas wuxuu noqday
astaanta ugu xoog badan xagga diintii dadkii waayahaas ku noolaa dhulka Masar
hadda loo yaqaan.
Wuxuu astaan
diimeed u ahaa shinbirkaasi koox loogu yeeri jiray Kuwii Raacsanaa Xuur
(Hor/Horus followers) ama Shamsu Horus.
Asal ahaan baa la yiri dadkaani waxay ka soo jeedeen Dhulkii Ta-Netru (Dhulkii
Eebbayaasha) ama Dhulkii Dhawrsanaa (muqaddiska ahaa). Kooxdaasi waxay geeddi
ku tagtay daamanka Wabiga Niil ee Masar waayo ka horreeya taariikhda qoran.
Waxay taladii Masar si xooggan ula wareegeen xilligii boqortooyadii 18aad. Waxay
talada dalka kala wareegeen koox la oran Ta-Seti (Kuwii Dhulkii Qaansada) oo la
filaayo inay ahaayeen Qolada Beejaha loo yaqaan ama Nuubiyiinta oo hadda labaduba ka tirsan yihiin bulshoweynta Reer Suudaan. Reer Ta-Netru
iyo Reer Ta-Seti iyo waliba Reer Ta-Antyu (sullankii Afarta) waxay ka soo wada
jeedeen Tolweynaha Kuush. Waxay Reer
Ta-Netru talada dalka kala wareegeen reer Ta-Seti waxayna unkeen boqortooyadii
18aad (1550-1292) ee aadka u xoog badnayd. Waayahaani waxay noqdeen xilliyadii
ugu hormarsanaa iyo xilliyadii boqorradii ugu caansanaa ka soo banbaxeen
dalkaas. Waxaa boqorradii ka taliyay ka mid ahaa Fircoon Aah-Moose (Ahmose), Daad-Moose
I (Thutmose I), Daad-Moose II (II), Xaddiyo-Shubsato (Hadshipsut), Ammin-Xatoob
II (Amenhotep II), Ay (Ay) iyo qaar kale. Waxay
dalkii gaarsiiyeen heerar barwaaqo iyo ladnaan badan leh. Waxay kaloo
suurtogeliyeen in laga cayriyo dalka qolo Hiskoos (Hyskos) la oran jiray oo
asal ahaan raacato ka soo guurtay Aasiya ahaa. Hiskoosku waa dadkii uu ka
dhashay Nabi Ibraahim (NNKH). Waxay muddo 300 sano ah ka talinaayeen bariga
dalkii Masar, waxayna qaayibeen qeybo ka mid ah dhaqammadii dhulkii fircoonnada
sida mansabka fircoonka waa boqorke.
Waxay dooxada hoose (lower dalta) ee Masar ka talinaayeen ilaa boqorrada
aan kor ku soo xusnay olole xooggan ku qaadeen dalkiina ka eryeen. Xilligaan ay bariga
Masar ka talinayaan waa waagii Nabi Yuusuf (NNKH) uu wasiirka noqday wuxuuna ka
noqday qeybta bariga dalka ee Hiskooska. Markii laga eryay dadkii Hiiskooska
ahaa waxaa dagaalladii lagu qabsaday kooxo reer binu Israa’iil ah. Waa dadkaas
dadkii la addoonsaday oo uu markii dambe Nabi Muuse (NNKH) ka xoreeyay gacantii
fircoonkii markaas talada hayay.
Qoysaskii ka tirsanaa Kuwii Xuur Rumaysnaa oo hilaaddii talinaayay 250 sano, markii taladii lagala wareegay waxay u soo qaxeen dhukii Boqortooyadii Kuush, waxayna tafiirtoodii markii dambe degeen dalcadaha sare ee dhulka maanta Itoobiya loo yaqaan, dhammaadkiina waxay ku soo fureen arlada Soomaalida. Qoysaskaas boqorrada ahaa waxay dhashoodii deggen tahay geeska Afrika kuwaas oo maanta ah qeybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed, waana taas Singub iyo Sinmud isu magac iyo meherad ekaadeen. Markii ay qoysaskaasi soo degayeen dhulalka Soomaalidu hadda deggan tahay dabcan waxay ugu yimaadeen absaxankoodii hore oo ay markii horaba kaga hayaameen dhulalkaan.
Bulshoweynta S/liyeed ee maanta waxay ka kooban tahay unugyadii waligoodba degganaa geyigaan, qeybo inta guuray soo guryo noqday iyo qeybo meelo kale duwan ka yimid waqtiyo kale duwan oo ku milmay isirkii dhaladka ahaa.
Qoysaskii ka tirsanaa Kuwii Xuur Rumaysnaa oo hilaaddii talinaayay 250 sano, markii taladii lagala wareegay waxay u soo qaxeen dhukii Boqortooyadii Kuush, waxayna tafiirtoodii markii dambe degeen dalcadaha sare ee dhulka maanta Itoobiya loo yaqaan, dhammaadkiina waxay ku soo fureen arlada Soomaalida. Qoysaskaas boqorrada ahaa waxay dhashoodii deggen tahay geeska Afrika kuwaas oo maanta ah qeybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed, waana taas Singub iyo Sinmud isu magac iyo meherad ekaadeen. Markii ay qoysaskaasi soo degayeen dhulalka Soomaalidu hadda deggan tahay dabcan waxay ugu yimaadeen absaxankoodii hore oo ay markii horaba kaga hayaameen dhulalkaan.
Bulshoweynta S/liyeed ee maanta waxay ka kooban tahay unugyadii waligoodba degganaa geyigaan, qeybo inta guuray soo guryo noqday iyo qeybo meelo kale duwan ka yimid waqtiyo kale duwan oo ku milmay isirkii dhaladka ahaa.
TA-NETRU (Tii Nidarka):
Sidaan soo
xusnay magaca Ta-Netru waxay dadkii dhulkii fircoonnadu u yaqaanneen Soomaaliya, macanahana waxaa lagu sheegay Dhulkii Eebbayaasha ama Dhulkii
Dhawrsanaa. Su’aashu waxau tahay, haddii magacaas Soomaaliya loo yiqiin Af
Soomaaliga ma laga helayaa? Jawaabtu waa, haa, balse dhammaan magagacyadii hore
ee loo yiqiin dalkeenna afka bay ku wada daahsoon yihiin. Erayga Netru waxaa
sirgaxay dadkii wax turjumaye eraygu waa Nidar. Haddaan tusaalaynno sida
eraygaas wali loo adeegsado; qof baa wuxuu ku soo dhex dhacay meel halis ah, oo
ama col aan bixinayn joogo ama bahal dad-qaada lagu og yahay. qofkii wuxuu magansadaa weynihii abuurtay oo wuxuu ballanqaadaa haddii maanta Eebbe bixiyo inuu sadaqo ama qurbaan bixin doono. Waxay u eg tahay in waayaha aan ka hadlaynno erayga Nidar uu ahaa ahaadaha sarreeya ee awoodda badan waa Eebbahe. Nidar wuxuu ahaa magaca weynaha la durraansado wuxuuna magacaas Eebbe iyo magacyo badan oo kale oo weynaha loo yiqiinba ka soo wada jeedeen dhulka maanta Soomaalidu deeggan tahay. Waxaa kaloo caddaatay in erayo badan oo waayihii fircoonnada la adeegsan jiray wali ku nool yihiin afka Soomaaliga sida kuwa shaxda hoose.
Afkii Masartii Hore
|
Afka Soomaaliga
|
Afkii Masartii Hore
|
Afka Soomaaliga
|
Asu
|
Isaga
|
Anka
|
Aniga
|
Dab
|
Dab
|
Bereq
|
Biriq
|
Ayah
|
Ayax
|
||
Cab
|
Kab
|
Tuf
|
Tuf (candhuuf)
|
Netder
|
Nidar
|
Hes
|
Hees
|
Ar
|
Aar
|
Huunn
|
Huunno
|
Usha
|
Usha
|
Haa, hey
|
Haahey
|
Hngl
|
Hangool
|
Xitaa, baadigoobka isirsidaha
oo lagu daabacay Wikipedia wuxuu caddaynayaa in DNA/da Soomaalidu asal ahaan ka
soo jeedo dhulka haatan loo yaqaan Masar (Egypt) => kooxda-Haplo E1b1b1a
(V68) : qarnigii 19aad kahor Masiixiga => Meesha asalku : Masar iyo
waqooyiga Suudaan. Tixraaca Wikipedia :( Waa dhaw, Tillmar et al. (2009) 147 rag
Soomaali oo lagu jaantusay 12 Y-STR loci, waxaa la arkay in 77% (113/147) xanbarsan
yihiin lamidka jaadadka hablo ee E1b1b1a1b. Ilaa hadda noqnoqodkaan E1b1b1a1b waa
kan ugu badan oo laga helay hal qolo oo ummadaha dunida ka mid ah. Macnuhu waa
astaantaan isku noqnoqonaysa oo ah summadda isirsidaha dadkii ku noolaa Masar
waagii fircoonnada, waxay aad iyo aad isugu dhaw yihiin isirsidaha Soomaalida
maanta, sidaasna waxaa la ogaaday markii 147 qof oo lab ah oo Soomaalida maanta
ka mid ah DNA laga qaaday.
Tixraacyo:
ORIGINS OF
HUMAN CIVILISATIONS
by
Prof. Mathole
Motshekga
B.Iuris, LLB
(UNISA), LLM (Harvard), LLD (UNISA)
FOUNDER
DIRECTOR: Kara Heritage Institute
Paper
presented at
9th
Annual African Renaissance Conference
Venue: ICC,
Durban
Date: 23-24
May 2007
IYO
2.
^ Christopher
Bronk Ramsey et al., Radiocarbon-Based Chronology
for Dynastic Egypt, Science 18 June
2010: Vol. 328. no. 5985, pp. 1554-1557.
3.
^ Aidan Dodson,
Dyan Hilton: The Complete Royal Families of Ancient Egypt. The American
University in Cairo Press, London 2004
5.
^ a b c d e f g Grajetzki,
Ancient Egyptian Queens: A Hieroglyphic Dictionary, Golden House Publications,
London, 2005, ISBN
978-0954721893