Wednesday, July 19, 2017

   Shiica شيعة‎‎-Q.3aad 


Image result
Calankii Khilaafaddii Faadimiya
       

Dawladihii Shiicada

Wixii ka dmabeeyay xasuuqii Karbala, xoogaggii shiicadu waxay si joogta ugu jireen loollan siyaasadeed oo ay meelo ka la duwan ku la galeen maamulladii laga sameeyay dunida islaamka, waxayna meelo ka la duwan ka yagleeleen dawlado ku salaysnaa fikradihii shiicada.

Al-Idiriisiya (788-974 MD): waxaa gundhigay Idriis ibnu Cabdalla oo ku abtirsaday Cali ibnu abu Daalib iyo afadiiisii Faduma bintu Max’d (CS). Kadib, goobtii dagaalee Fakh ee dhacday bishii Lixaad 11-dii, 786 MD oo ku dhexmartay Khilaafadii Cabbaasiyada iyo xisbi shiica oo uu hoggaaminaayay Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa al-Xasan ibnu Cali baa Idriis ibnu Cabdalla oo ka tirsanaa ururkii shiicadu u qaxay dhulalka Maqrib la yiraahdo, wuxuuna markii dambe Marooko ka yagleelay boqortooyadii al-Idriisiya.

Boqortooyadii Cuqayliya (990-1096 MD): sida magacu canbaarsan yahay waxay gundhigayaashii boqortooyadaasi ku abtirsadeen banu Cuqayl oo ahayd qolo ka tirsanayd Reer banu Kacab. Markii hore, waxay awood xagga talada ku yeesheen gobolkii la oran jiray Diyaar al-Bakar, kadib waxay ka la wareegeen Moosul Boqortooyo la oran jiray Buweyah, waxayna halkaas ka dhigteen saldhiggoodii ugu weynaa. Waxay is ku sii fiidiyeen gobolladii Ciraaq ilaa ay kaabiga u tageen Baqdaad. Markaas kadib, waxaa heshiis la galay khaliifkii waagaas talinaayay, wuxuuna u oggolaaday inay ka taliyaan Moosul, Kuufa iyo Jamciyah. In kastoo hoggaamiyahoodii nin-doorka ahaa ee la oran jiray Muqallad uu heshiiskaas galay, haddana waxaa ka go’nayd inuu Baqdaad qabsado, waxaase dilay nin calool-u-shaqayste ahaa oo Turkiya sannadkii 1001 MD. Waxaa taladii Cuqayliya la wareegay wiilkii Muqallad ee ahaa Qirwaash oo sii waday ololihii aabbihiis.

Buweyayiin (934-1055 MD): Waxay mar ka taliyeen qeybo kamid ahaa Ciraaq iyo Iiraanta maanta.

Ilkhanayd (1256-1335 MD): markii hore, waxaa laga yagleelay qarnigii 13aad Faaris/Beershiya, waxayna sida la qabay ka tirsanayd Imbaroodooriyaddii Maangoolka. Waxay ka dhalatay ololihii weynaa ee uu sameeyay manaxaagii Hulaqa ee uu awowga u ahaa duuligii caanka ahaa ee Jeenkiis Khaan. Reer Ilkhanayd markii hore waxay qaayibeen diimo ka la duwan gaar ahaan Buude iyo Masiixiyadda. Mar dambe oo ku beegan 1295 MD ayay madaxdii Ilkhanayd qaayibeen shiicanimada, waxaana kobciyay Hulaqa walaalkiis Oljaytu.


Bahmaanis (1347-1527 MD): waxay ka samaysantay dalcadaha Dikaan ee koonfurta Hindiga, waxayna ahayd saldanad door ahayd guyaashii dhexe.

Khilaafaddii Faadimiya (909-1171 MD): waxaa loogu magacdaray Faduma bintu Nabi Max’d (CS), waxayna ka talisay inta badan dhulalkii Maqrib, Shaam, qeybo Carabiya kamid aha, Maka iyo Madiina. Markii hore waxay ka bilaabatay dagaal dhacay 909 MD oo uu abu Cabdalla oo ammaanduule shiica ahaa u xukun uga tuuray hoggaamiye sunni ahaa oo ka talinaayay Waqooyiga Afrika.
Boqortooyadii Safawiya صفوی (1501-1722 MD): waxay ahayd boqortooyo taxane ahayd oo markay ugu awoodda badnayd ka talin jirtay; Iiraan, Asribijaan, Bahrayn, Armiiniya, inta badan Joorjiya, Waqooyiga Qooqaas, Ciraaq, Kuwayd iyo Afqanistaan, sidoo kale qeybo kamid ahaa Turki, Bakistaan, Suuriya, Turkiministaan, iyo Usbakistaan. In kastoo ay burburtay sannadkii 1736 MD, haddana waxaa lagu tiriyaa inay gogoldhig u noqotay dawladda casriga ee Iiraan ee dhinacyo badan ka horumarsan.

Tuesday, July 11, 2017

Shiica شيعة‎‎-Q.2aad                 


Image result for shia mourning 
Shiica شيعة‎‎-Q.2aad  
               


Al-Xasan ibnu Cali ibnu Abu Daalib

Markii Cali (RC) uu dhintay waxaa khilaafnimadii loo doortay al-Xasan oo ahaa curadkii Cali iyo Fadumatu-Sahraa (ina Nabi). Sidaas darteedna, Shiicada Labiyo Tobonleyda iyo Saydiyiintu waxay u haystaan imaamkii labaad, halka Mustaclida Ismaaciiliya u haystaan imaamkii kowaad. 6 bilood ama 7 bilood kadib wuxuu Xasan uga haray khaliifnimadii Mucaawiya ibnu Abu Sufyaan oo sidaas ku noqday khaliifkii Umawiyada, isagoo Cusmaan (RC) ahaa kii kowaad.

Xasan wuxuu caan ku ahaa wax-siinta saboolka, naxariista kuwa tabarta yar iyo cibaadaysi xoogganaa. Sida la sheegay isagoo markaas da’diisu tahay 45 sano ayay xaaskiisii oo la oran jiray Jacda bintu al-Cashaa’id ku sumaysay Madiina, waxaana lagu aasay qubuuraha Jannaad al-Baaqi. Sida la sheegay waxaa Jacda xodxotay oo u ballanqaaday guur iyo xoolaba Mucaawiya. Markuu Xasan dhintayna waxay ku degdegtay oo aadday madashii Mucaawiya ka talin jiray. Ballantii inuu guursan doono waa uga baxay, wuxuuse u guuriyay nin kale.

Si kastaba ha ahaatee, is la markii loo doortay al-Xasan khaliifnimada, waxaa ka horyimid oo cambaareeyay Mucaawiya ibnu Sufyaan, wuxuuna ku dhawaaqay inuusan khaliifnimadiisa aqoonsan doonin. Markaas kadib, waxay labada dhinac intii muddo ah is weydaarsanayeen warqado. Warqadahaas oo ku kaydsan buugaagta Jacfar iyo Madiluug, waxaa ku xusan doodo fiiro mudan. Warqadahaas mid kamida wuxuu ku xusay hadal la sheegay inuu ka yiri Cali (RC) u-doorashadii Abu Bakar khaliifkii 1aad, hadalkaas oo ahaa: ‘Haddii Abu Bakar loogu doortay inuu Qureesh ka dhashay, muhaajirna ahaa, sidaasna looga doorbiday Ansaar, waxaa uga sii dhaw khaliifnimada xubnihii ka dhashay qoyskii Nabi Maxammad (CSS). Mucaawiye, wuxuu uga jawaabay doodda noocaas ah; ‘anigoo qiraaya wacnaanta qoyskii Nabi Maxammad (CSS), haddana arrinku wuxuu daaran yahay waayo-aragnimo xagga maamulka’. Wuxuu ka loo yiri Mucaawiye; ‘waxaad doonaysaa sida inaan xaaladda hadda taagan ku dhammaynno wadahadal iyo nabdoonaan, laakiin arrinkeenna maanta wuxuu u eg yahay kii dhexyiil Abu Bakar iyo qoyskiinna, geeridii nabiga kadib. Wixii ku soo gabagabeeyay hadalkiisii; ‘waa ka da’ weynhay, xagga taladana waa kaaga waayo aragsanahay, haddaad maanta ii hoggaansanto, waxaad iga dhaxli doontaa khaliifnimada’.

Haddii dhawr warqadood la is dhaafsaday, waxna ku hagaagi waayeen, wuxuu Mucaawiye bilaabay abaabul, wuxuuna u diray ciidan dhammaa 60,000 oo nin Maskin oo ku tiil wabiga Dijla oo ku dhawayd Moosul. Wuxuu qorshaha Mucaawiye ahaa in uu Xasan heshiis ku qasbo ama uu weeraro kahor intuusan diyaargaroobin. Wuxuu ogaa Mucaawiye, xitaa haddii uu dilo ama jabiyo Xasan in xubin ka loo Reer bin Haashim ah la dooran doono, loollankuna uusan istaagi doonin. Sidaas darteed, waxaa ka go’naa inuu tanaasul ka helo al-Xasn.

Markii uu warkii colka Mucaawiye soo gaaray Xasan, isna wuxuu abaabulay ciidan cududdiisu dhammayd 12,000 oo nin oo uu hoggaaminaayay Cubaydallaah ibnu al-Cabbaas, waxaana la faray inay u dhaqaaqaan dhankii Maskin, is la markaasna waxaa loo sheegay inaysan weerar bilaabin in la soo weeraro mooyee, sugaanna al-Xasan iyo xoogga kale oo ka daba imaan doona.

Intii uu colkuu Xasan diray uu ku sugnaa Maskin, Xasan laf ahaantiisa ayaa dhibaato ka la kulmay Sabbaad oo u dhawayd al-Ma’aadin. Waxaa dhibka keenay goor ku beegnayd salaaddii subaxa ayuu Xasan khudbad jeediyay uu ku sheegay inuusan Eebbe hortiis qof muslina necbayn, is la markaasna uusan doonayn inuu cid dhibaateeyo. Warkaas baa cutubyo ka tirsanaa ciidankiisii u qaateen inuusan dagaal doonayn oo uu rabo inuu tanaasulo, wayna gadoodeen, waxayna bilaabeen inay saldhiggii ciidanka bililaqaystaan. Xasan wuxuu ka soo dhexbaxay qaskii meesha ka abuurmay, waxaase jidgal ku sameeyay nin ka tirsanaa Khawaarijtii oo la oran jiray al-Jarraax ibnu Sinnaan, kaas oo bawdada billaawe uga dhaawacay, isagoo ku qeylinaayay; “Alla weyn! Sidii aabbahaa oo kale baad gaal noqotay”. 

Intii uu Cubaydallaah iyo ciidankuu hoggaaminaayay ay Xasan ku sugayeen Maskin baa waxaa ergo u soo diray Mucaawiye, waxaana loo soo tabiyay waraan sugnayn oo ahaa; ‘wuxuu Xasan idin soo faray inaysan dagaal bilaabin inta uu wadahadalku ii socdo”. Ciidankii Kuufa ee Xasan ka socday arrinkaas waa ku gacansayreen, waxaase mar labaad ergo qarsoodi ah soo diray Mucaawiye oo Cubaydallaah ugu dhaartay inay run tahay Xasan inuu codsaday nabadgalyeyn, is la markaasna waxay Cubaydallaah loo sheegay in la siin doono 1,000,000 dirham oo waliba nus hadda la siinaayo, inta kalana Kuufa lagu siin doono. Cubaydallaah, wuu yeelay soojeedintii wuxuuna la saftay dhinicii Mucaawiye. Ciidankii Cubaydallaah waxay sugayeen inuu tujiyo salaaddii subxanimo, markay waayeen oo ay u caddaatay inuu dhakray, way cambaareeyeen waxaana hoggaaminta la wareegay Qays ibnu Sacad. Mucaawiye wuxuu Qays ku dayay laaluush iyo weerarba laakin Qays ciidankiisii way is ka caabbiyeen labadaba.

Markaas kadib, wuxuu Mucaawiye qoray warqad uu ku sheegay in Xasan isaga dabadi khaliifniamda leeyahay. Wuxuu ka loo ballanqaaday inuu siin doono wax kasta oo uu doonaayo. Soojeedintaas Xasan waa yeelay wuxuuna wadahadalkii heshiiska labada dhinac u xilsaaray Caamir ibu Salma al-Xamdaani iyo dumaashigi Maxammad ibnu Cashtaad.

Markii la wadahadlay Mucaawiye wuxuu qoray warqad, wuxuuna ku sheegay in al-Xasan u dhaxli doono xukunka isaga dabadi, 1000,0000 dirham uu ka siino doono Baytul Maalka sannad walba iyo inuu isagu yeelan doono canshuurtii dhulka ee Faasa iyo Darabjirid, dadka u qabanaaya canshuurtaasna uu isagu soo magacaaban doono. Warqadii waxaa wada saxiixay afar dhinac oo ergooyina Bishii 8aad, 661 CD.

Markii Xasan warqaddii soo gaartay wuu ka maagtay, wuxuuna ku celiyay Mucaawiye uu ku leeyahay kuu hoggaansami maayo ilaa aad nabadgeliso dadka. Mucaawiye warqad cad buuu inta soo saxiixay/shabbadeeyay u soo diray oo ku yiri ku qor ciddii aad doonto. Aakhirkii wuxuu al-Xasna taladii Ciraaq ku wareejiyay Mucaawiye bishii Siddeedaad 661 CD.


Al-Xuseen ibnu Cali

Markii Xasan ibnu Cali geeriyooday sannadkii 670 CD, waxay Shiicadii Cali (Taageerayaashii cali) ku dhawaaqeen inay imaamnimada u aqonsan yihiin Xuseen ibnu Cali abu Daalib. Waxaase arrintaas diiday Xuseen laf ahaantiisa, isagoo u sheegay dadkii taageersanaa inay arrintaas dib u dhigaan inta uu Mucaawiye ka dhimanaayo, wuxuuna yiri; waa inaan xurmaynnaa heshiiskii dhexmaray al-Xasan ibnu Cali iyo Mucaawiye.

Markii Mucaawiye dhintay sannadkii 680 CD waxay taageerayaashii Mucaawiye ama Reer Umawiyaha u doortoon Khaliif Yasiid 1aad oo uu dhalay Mucaawiye ibnu abu Sufyaan. Waxaa arrintaas is la markiiba diiday Xuseen ibnu Cali, wuxuuna u arkay in la jabiyay heshiiskii dhexmaray Mucaawiye iyo walaalkiis Xasan. Waxaa aad u taageeray mawqifkii Xuseen reer Kuufa, waxayna si is-dabajooga ugu soo diraayeen dhambaallo ay uga codsanayeen inuu yimaado Kuufa si loogu caleemosaaro Khaliifnimada.

Haddaba, Xuseen oo ay weheliyaan ilaa 70 qof oo xigtadiisii iyo dad taageersanaa ka koobnaa baa aaday Kuufa, hase yeeshee, markay marayaan meesha la yiraahdo Karbala baa waxaa jidka u galay ciidammo tiro badnaa oo uu soo diray Yasiid ibnu Mucaawiye, waxayna halkaas si foolxun ugu dileen Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Nabi Maxammad (CSS), inta badan dakii weheliyayna way xasuuqeen. Sidaas darteed, maalintaas oo ku beegnayd 10-kii Muxarram, 61 Hijriya ama bishii Tobnaad 10-keedii, 580 CD waxay astaan u noqotay baroordiiq weyn oo ilaa maantadaan loo sameeyo dilkii Xuseen iyo xigtadiisii, waxaana maalintaas loo yaqaan Caashuura.

Ciidammada jidgalka sameeyay waxaa hoggaaminaayay al-Xor bin Yasiid al-Tamiimi, gacan-ku-dhiiglihii dilay Xuseen-se waxaa la oran jiray Shamar binul Joosh al-dabbaabi al-Hawaasini. Madaxa ayay ka jareen Xuseen, waxaana kamid ahaa dadkii lala dilay cunug uu isagu dhalay oo 6 bilood jir ahaa oo la oran jiray Cali al-Asqar. Dumarkii iyo carruurtii badbaaday waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan.

Dhacdadii goobtii Karbala waxay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba u saamaysay Shiicada. Sidoo kale, dhacdadaas foosha xun waxay aad u sii ka la fogeysay dhinacyadii muslimiinta ahaa is khilaafsanaa. 
Sida ka muuqata bilawgii khilaafaadka muslimiinta, la is ku ma hayn arrimo xagga diinta ku saabsanaa ee waxaa la is ku hayay hoggaaminta muslimiinta. Waxaa ka loo meesha ku jiray qabyaalad sida, Reer banu Haashim oo ay is hayeen Reer banu Ummawiya. Waxaa ka loo muuqata in si waab walba dhiniciisa taageero u helo uu adeegsaday diintii, isagoo dhinicii kale ka dhigaaya mid ku gafay diintii ama gaaloobayba. Ilaa xilliga la joogo khilaafka ka dhex-oogan dhinacyada muslimiinta waxaa saldhig u ah khilaaf siyaasadeed sida, kan waayahaan u dhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.  



        


                              

Monday, July 3, 2017

Shiica    شيعة‎‎


Mirror writing2.jpg     Shiica شيعة‎‎-Q.1aad                 

Erayga Shiica macnahiisu waa hiilliyaal, waana laan kamida islaamka oo lagu rumaysan yahay inuu Cali ibnu Abu Daalib ahaa kii dawga u lahaa hoggaaminta muslimiinta geeridii nabiga kadib, waana halka ay ku kale rogmadeen laanta kale ee sunniga loo yaqaan. Sunniyiintu waxay rumaysan yihiin inuusan Nabi Maxammad (NNKH) uusan ka dardaarmin qofka hoggaaminta muslimiinta qaban doona geeridiisa kadib, sidaas darteedna uu abu Bakar al-Saddiiq ahaa hoggaamiyihii kowaad ee si wadatashiya (shuura) loo doortay.
Waxaa mudan in la xuso, in bishii Lixaad 8-deedii, 632 CD oo ahayd maalintii Nabi Maxammad (CSS) uu geeriyooday, in labadii qabiil ee Khasraj iyo banu Aws oo ku midaysnaa magaca al-Ansaar (gargaarayaal) ay ku shireen aqal la oran jiray Saqiifa (سقيفة بني ساعدة‎‎) iyagoon la socodsiin kooxihii la oran jiray Muhaajiriin. Haddaba, sida uu Maxammad ibnu Jariir Tabaari ku xusay buuggiisii Taariikh, Cumar bin Khadaab (RC) baa arrinta maqlay kadibna wuxuu aaday gurigii Nabi Maxammad oo abu Bakar al-Saddiiq (RC) u ku sugnaa. Cumar gurigii ma galine inta irridkii istaagay buu faray in abu Bakar u soo baxo. Markaas abu Bakar, Cali ibn abu Daalib iyo xigtadii Nabigu waxay mashquul ku ahaayeen abaabulkii aasitaankii Nabiga, sidaas darteedna, abu Bakar waa cudurdaartay. Cumar mar kale buu fartiin diray, isagoo xusaaya in arrin degdeg ahi jirto. Abu Bakar, mar dambuu soo baxay, markay is wareysteenna waxay wada aadeen aqalkii Saqiifa ee lagu shirsanaa. Dood kadib, Cumar baa inta istaagay soo jeediyay in abu Bakar loo doorto hoggaaminta muslimiinta, waana lagu raacay. Hase yeeshee, waxaa jiray kooxo rumaysnaa inuu Cali bin abu Daalib (CS) ku habboonaa hoggaaminta. Markaas buu baxay magaca Shiica (hiilliyaal). 
Dadka rumaysan shiicanimada oo hadda lagu sheego 10-13% dadweynaha muslimka waxay rumayntoodu ku salaysan tahay Qur’aanka, Sheekadii Nabiga (Xaddiis) iyo Sheekooyinkii Imaamyada. Shiicadu waxay u haystaan in Cali (CS) ahaa mid xagga Eebbe loogu doortay hoggaamnita muslimiinta, sidaasna ku noqday imaamkii kowaad, waxaana ku xiga siday qabaan xubno ku abtirsada qoyskii Nabi Maxammad (NNKH) ama Ahlu Beyd.
Shiicadu waxay u kala baxdaa laamo kala duwan, waxaase ugu waaweyn seddexda; Labiyo Tobanley, Ismaaciiliya iyo Saydiya (Saydiyiin). Labiyo Tobanleyda oo ah laanta ugu weyn (ilaa 85% Shiicada oo dhan), waxay rumaysan tahay inay jiraan 12 imaam oo Cali ibnu Abu daalib ka soo bilawda kuna dhammaada Maxammad al-Mahdi oo ah imaam daahsoon oo soo banbixi doona, ahna mahdiga la sugaayo. Ismaaciiliyadu waxay rumaysan tahay in Ismaaciil ibnu Jacfar ahaa imaam dhaxlay imaamnimadii Jacfar al-Saddiiq, waana halka ay uga geddisan yihiin Labiyo Tobonleyda. Saydiyiintu (ilaa 40% muslimiinta Yaman) waxay rumaysan yihiin in Sayd ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Xuseen ibnu Cali, yahay imaamkiii 5aad. Waxay Saydiyiintu meesha ka saareen “taqiya” ama “kitmaan” oo ah in qofku qarin karo waxa uu rumaysan yahay hadduu nafta u yaabo. In kastoo sunniyiintuba ay la tahay in arrinku bannaan yahay mararka qaar, haddana waxaa aad u xoojiya Labiyo Tobonleyda.
Guud ahaan Shiicada, waxaa tiirar adadag u ah Ahlu Kisaa ama Reerkii Huga oo ah Nabi Maxammad (CSS), Cali ibnu Abu Daalib (CS), Faaduma (ina Nabai Maxammad), Xasan iyo Xuseen oo ilmo Cali ah. Waxay imaamnimada ay Shiicadu rumaysan tahay ku saleeyeen Ahlu Kisaa iyo xubnihii ka firay, waxayna rumaysan tahay in Ahlu Kisaa iyo firkoodu kaligood daw u leeyihiin inay muslimiinta hoggaanshaan.

Bilagii Qilaafka (Fitnadii 1aad)

Bishii Toddobaad 1-deedii, 656 CD ayaa Madiina waxaa lagu dilay Khaliifkii 3aad Cusmaan bin Cafaan (NKH), waxaana dilay rag laga soo abaabulay imaaraddii Masar oo markaas gadoodsanayd. Dilkii Cusmaan waxaa xigay in Khaliifkii 4aad loo doorto Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxaase ka horyimid Mucaawiya bin Abu Sufyaan oo markaas ahaa guddoomiyihii gobolkii Shaam. Mucaawiya oo ay is ku qolo ahaayeen Cusmaan (Reer Ummawiya) wuxuu aad u qawadsanaa sidii loo dilay Cusmaan iyo in kuwii dilkiisa ka dambeeyay aan la maxkamadayn, is la markaasna kamid noqdeen ciidammadii taageersanaa Cali.

Khaliifkii wuxuu u diray ergo ahaan Duqii Sare ee Reer bin Bajiila ee la oran jiray Jariir, ahaana xaakinkii Xamdaan si uu u la soo hadlo Mucaawiya, markuu ku gacaan-sayray Mucaawiye ergaygii, wuxuu Cali abaabulay ciidan xoogganaa oo dhammaa 80,000 oo dagaalyahan oo sida la sheegay ay ku jireen 400 Muhaajiriin iyo Ansaar ahaa, 70 asxaabi oo ka qeybgalay Goobtii Badar iyo 70 ka qeybgalay dhaartii Xudaybiya. Waxaa ka loo kamid ahaa urur ka koobnaa 300 nin oo kor ka qaybsanaa Qur’aanka (xufaadatul Qur’aan) oo uu hoggaaminaayay Cashtaar. Mucaawiya wuxuu soo abaabulay ciidan dhammaa 120,000 oo nin. Waxay labdii ciidan ku kulmeen daamanka wabiga Furaad meesha la yiraahdo Raqa oo hadda ka tirsan Suuriya bishii Toddobaad 26-28kii, 656 CD. Goobtii Sifiin bay dhacdadaasi taariikhda ku gashay.  Markii is-dilku socday muddo 3 maalmooda, waxaa dhinicii Mucaawiya ka dhintay 45,000 oo nin, dhinicii Calina waxaa ka dhintay ilaa 25,000 oo nin.
Markii arrinku halkaas uu maraayo, baa waxaa la yiri, waxaa kor u qayliyay nin la oran jiray al-Ash ath ibn Qays kana mid ahaa taageerayaashii Cali, Reer Kuufana (Ciraaq) ahaa. Wuxuu kor u yiri ibnu Qays: "Dadyahow muslimka! Waxaad aragteen wixii maalmahaan dhacay, halkaas oo ay ku tirtirmeen dadyow Carabihi. Waxaan da’ ahaan gaaray intii Eebbe ii gartay, waligayna ma arag maalintaan oo kale. Kan joogaa ha gaarsiiyo kan maqan! Haddii aan berri dirirno, waxay noqon doontaa tirtiristii Carabta iyo wixii la dhawri jiray oo luma. Warkaan u ma oran cabsi aan dhimasho ka cabsanaayo ee waxaan ahay nin gaboobay oo u baqaaya dumarka iyo carruurta haddaan berri tirtirnno. Ilaahow, waxaan eegay dadkayga iyo dadka diintayda qofna ma awoodsiin. Guul la ma gaari karo, in Ilaahay ku holansiiyo mooyee. Isagaan cuskanayaa oo isaagaan u noqonayaa. Ra’yigu qalad iyo sax labadaba waa noqon karaa. Marka Eebbe go’aansado arrin, wuu fuliyaa addoomihiisu ha jeclaadeen ama yeysan jeclaane. Sidaasaan iri, waxaana idinka iyo anigaba Eebbe uga baryayaa cafis”.
Sida la wariyey wuxuu ibnu Qays beerqaaday xooggii la safnaa Mucaawiye, waxayna ku yiraahdeen hadalkaasi waa runoo dumarkeenna iyo carruurteenna waxaa u hari Biisandiiniyiin iyo Faaris. Markaas kadib Mucaawiye wuxuu go’aanshay in warmaha afafkooda kitaabbada Qur’aanka lagu duubo oo kor loo taago, taas oo macnaheedu ahaa, aan kitaabka ku kala baxno, waana la yeeloo waxaa la qabtay labo guddi’ oo dhexdhexaadina, kuwaas oo ay kala hoggaaminaayeen Camar ibnu Caas oo ka socday dhinicii Mucaawiye iyo Abu Muuse al-Ashcari. Sida la sheegay wuxuu Cali doonaayey in uu u magacaabo guddigiisa Maalik Cashtaar ama Cabdullaahi bin Cabbaas, laakiin waxaa ka horyimid Qurraa (Qur’aan Akhriyeyaal) oo ku dooday in labadaas nin ay kamid ahaayeen huriyaashii colaadda, sidaas darteedna aysan ku habboonayn dhexdhexaadinta, waana la yeeloo guddigii dhankii Cali waxaa hoggaanshay Abu Muuse al-Shacari.
Waxaa lagu ballamay in go’aankii dhexdhexaadinta looga dhawaaqo kulan lagu qaban doono Dawmatul al-Jandal oo u dhaxeysay Siiriya iyo Kuufa. Intaan la gaarin maalintii go’aanka lagu dhawaaqi lahaa baa Camar ibnu Caas ka dhaadhiciyay Muuse al-Ashcari in labada hoggaamiye laga xayuubiyo khaliifnimada, muslimiintuna doortaan khaliif cusub, arrintaas Muuse wuu oggolaaday. Markii lagu dhawaaqay go’aankii Cali waa diiday. Sida la sheegay sababta Cali u diiday go’aanka waxay ahayd, iyadoo loo arkay in kooxo isaga waabkiisa ka tirsanaa waa Qurraa-dee ay dhaliilsanaayeen khaliif Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxayna rumaysnaayeen haddii la nabdo ay dhici karto in loo maxkamadeeyo dilkii Cusmaan bin Cafaan iyo inusan Cali daryeelayn danahooda, sidaas darteedna ay iyagu ku dhiirriyeen magacaabistii Abu Muuse al-Ashcari oo ay u la jeedeen dhagar.
Dagaalkii Sifiin wixii ka dambeeyay, waxay Qurraa-dii samaysteen xisbi u gooniya oo ay u la baxeen Khawaarij ama Goostayaal. Khawaarijtu waxay markii dambe noqdeen urur fogaaday oo ka horyimid hoggaan kasta, wuxuuna Haaruun Rashiid ku dhintay la-dagaallankoodii.
Sannadkii 659 CD wuxuu Cali dagaal ku qaaday Khawaarijtii wuuna jabiyay, hase yeeshee, seddex sano kadib isagoo Cali ku tukanaaya masaajidka Weyn ee Kuufa ayaa waxaa dilay Cabdiraxmaan ibnu Muljam oo Khawaarijta ka tirsanaa, wuxuuna adeegsaday seef sumaysnayd.
Mucaawiye wuxuu is ku fidiyay goobo uusan hore uga talin jiray sida Masar, Yaman iyo meelo kale.

      

Tuesday, June 13, 2017

Boqortooyadii Burburinta Muslimiinta


Ibn Sa'ud




Waxay ku bilaabatay boqortooyada al-Sucuud hoggaaminta qabiil yar oo degganaa Najad qarnigii 18-aad waxaana bilaabay Maxammad bin Sucuud, isagoo markaas hoggaaminaayay magaalada Dirriyaha oo ku tiil aagga Riyaadda maanta. Is la waayahaas buu Maxammad bin Sucuud la galay heshiis is-bahaysiya Maxammad bin Cabdil Wahaab, kaas oo ahaa yagleelihii dariiqada diiniga ee al-Wahaabiya. Labadaas xoog oo is kaashanaayay baa bilaabay olole dagaal sannadihii 1786-dii ilaa 1816-kii, waxayna qabsadeen inta badan dhulka maanta loo yaqaan Sucuudi Carabiya oo ay ku jireen Maka iyo Madiina.
Waayahaas waxaa jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo dhulalka muslimiinta u talin jirtay. Haddaba Suldaan Mustafa IV oo markaas talada hayay ayaa diray labadiisii wiil ee ka la ahaa Tusun Baashaa iyo Ibraahim Baashaa si ay uga hortagaan jabhaddii Sucuud iyo Wahaabiyada, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan awooddoodii sannadkii 1818-kii.
Wuxuu Sucuud taladii ku soo noqday sannadkii 1824-kii, laakiin markaan dambe taladiisu waxay ku koobnayd degaankiisii oo ahaa Gobolka Najad. Si kastaba ha ahaatee, intii ka harsanayd qarnigii 19-aad waxaa dhulkaan Sucuudiya Carabiya hadda la yiraahdo ku dagaallamaay xoogaggii ay hoggaaminaysay qolodii al-Rashiid ee ka soo jeedday magaaladii Haa’il ee gobolkii Najad iyo xoogaggii uu hoggaaminaayay Sucuud. Sannadkii 1891-dii waxay qolodii al-Rashiid ka adkaatay xooggii Sucuud iyo is-bahaysigiisii, waxayna u qaxiyeen dalka hadda la yiraahdo Kuwayd.
Sannadihii 1914-kii ilaa 1918-kii waxaa soconaayay Dagaalkii Weynihii Kowaad ee Adduunka, waxayna xoogaggii Ingiriiska iyo Faransiisku dagaal ba’an ku la jireen Khilaafaddii Islaamka ee Cusmaaniyiinta. Haddaba, xoogaggaas oo adeegsanaayay sarkaal Ingiriisa oo la oran jiray Lawrence of Arabia, waxay bilaabeen dhagar ay isga horkeenayeen Dawladdii Islaamka iyo dadyowgii carbeed. Maadaama barta muslimiintu wada xurmayso ay ahayd Maka, waxay dhagartii ka bilaabeen xaruntaas iyo Asharaaftii maamuli jirtay meelahaas oo uu markaas hoggaaminaayay Shariif Xuseen bin Cali oo Maka fadhigiisu ahaa. Waxaa carab laga dhaadhiciyay inay ka xoraabaan Turkiga oo muddo dheer u talinaayay, samaystaanna hal boqor oo carabiya oo dhan u taliya. Arrintaas carabi waa u guuxday, waxaana la abaabulay ciidammo badan oo hubaysan oo la dagaallama Cusmaaniyiintii. Dhaqdhaqaas waxaa loo yaqaan Kacdoonkii carabta (Arab Revolt). Kacdoonkaasi wuxuu qeyb weyn ku yeeshay jabintii awooddii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta, waxaana nasiib-darro carbeed noqotay dawladiihii reer Yurub ka ma dhabayn ballantii ahayd in carab xorowdo oo hal boqor yeelato, balse waxaa laga dhigay dawlado yaryar oo la wada gumeysto.
Sannadkii 1902-dii buu Cabdilcasiis bin Sucuud ka soo noqday Kuweyd, wuxuuna dagaallo hor leh la galay al-Rashiid, wuxuuna qabsaday Riyaad. Wuxuu sii waday ololahii ilaa uu ka aasaaso 1932-dii Boqortayada Sucuudi Caraabiya ee maanta. Cududdii uu dalka ku qabsaday waxay ahayd xoogaggii Wahaabiyiinta ee ay ka la hoggaaminaayeen Suldaan Bin Baajad al-Cutaybi iyo Faysal al-Duweysh.
Markii hore xoogaggii Sucuudigu way ka gaabsadeen Maka oo uu markaas boqor ka ahaa Shariif Xuseen bin Cali, laakiin Ingiriiskaa sannadkii 1923-kii taageeridii ka la noqday Boqorkii Maka, markii dambana waa lagu duulay Maka iyo boqorkeedii, duullaankaas oo aad u xoogganaa waxaa hoggaaminaayay Khaalid Bin Lu’ay iyo Suldaan Bin Bajaad, wuxuuna colkaasi guulaystay sannadkii 1925-kii. Sannadkii 1927-kii wuxuu Cabdilcasiis is ku magacaabay Boqorkii Xijaas iyo Najad, wuxuuna ka koray jagadii hore ee suldaannimada.
Markii xoogaggii is bahaysatay ku guuleysteen qabsashadii dhulalkii oo ay ku jirtay Makadii la dhowri jiray, waxay damceen xoogaggii Wahaabiyiintu inay sii wadaan ololahadii qabsiga dhulalka Carbeed gaar ahaan, Ciraaq iyo Kuweyd, waxaase ka horyimid Boqor Cabdilcasiis oo ka yaabay in arrintaas uu Ingiriisku ka caroodo. Markaas kadib waxaa dhacday goobtii dagaal ee Sabiilla, halkaas oo si xun loogu jabiyay Wahaabiyiintii.
Sida aan ka garan karno, taariikhdaas kooban ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya waxaa lagu dhisay daadinta dhiiggii muslimiintii ku noolaa Jasiiradda Carabta iyo gaashaanbuursi ay mar walba la lahaayeen xoogaggii duullaanka ku ahaa ummadda islaamka.
Qorshe kasta oo ka soo fula taliskaas, ha ahaado mid siyaasi ama diiniye wuxuu ku salaysan yahay cabburinta ama baabi’inta xoogagga muslimka, waxayna u la jeedaan in qoyskaas awoodda ku haysta dhulkaas dhawrsan ay khatartiisu kaliya ka imaan karto dadka muslimka . Sidaas darteed, waxay mar walba uga kalsoon yihiin dawladaha iyo bulshooyinka muslimka kuwa aan muslimka ahayn.
Maalmahaan, waxaan aragnaa is-bahaysi ay hoggaaminayso Boqortooyada Sucuudiga oo kadhan ah dalka Qatar. Cunaqabaynta dalkaas yar iyo ceejinta tahan-dhaafka, waa dhaqan soojireena, waayo waxay ugu badisaa baabi’inta dadka muslimka.
Soomaaliya: waxay madaxda Soomaaliyeed khilaafka oogan ee uu Sucuudigu abuuray ka istaageen dhinac dhexdhexaada. Go’aankaasi waa midka ugu fiican ee qof damiir leh uu qaadan karo. Hase yeeshee, marka aad ummad hoggaaminayso go’aanka aad qaadanayso waa inuu ku salaysan yahay ka-fiirsasho qoto-dheer, waana in aad tixgelisaa danta guud ee ummadda aad hoggaaminayso. Waa inaad si fiican uga baaraan-degtaa dhibabka uu go’aankaagu u keeni karo dadka aad madaxda u tahay iyo faa’iidooyinka uu keeni karo.
Labada dal ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xaqdarro isku bahaystay waxay maanta karaan inay waxyeello baaxad leh u geystaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, horana waa ugu geysteen. Waxaan hubaa inaysan ka gabbanayn tirtiridda magaca Soomaaliyeed oo dhan, hadday dan ka arkaan. Haddaba, waxaa la gudboon madaxda Soomaaliyeed inay muslim-qalatadaas bahalnimadooda ka gaashaantaan, hadday si kale waayaanna iyaga raalli geliyaan, illeen waa tii hore loo yiri:dantaada maqaar eyna, waa loogu seexdaa”.       

Thursday, April 20, 2017

Waxtarka Dhirta


Evapotranspiration is the sum of evaporation from the land surface plus transpiration from plants.<br>Credit: Salinity Management Guide
Precipitation = Hooritaan
Transpiration = Dhididid
Evaporation = Uumiyow





Sababaha laga maarmaanka ka dhigaya in dhirta la dhawro, waxaa kamida:
Dhirtu waxay la dirirtaa isbeddelka cimilada
Nooluhu wuxuu mar walba u baahan yahay neefta Oksijiinka (Oxygen) oo uu hawada ka soo jiido, wuxuuna sii daayaa neefta CO2 (Carbon Dioxide) oo ah dhuxul (carbon) iyo labo qurub oo Oksijiina oo is ku dhafan. Haddii neeftaan CO2 ku badato hawada, jawigu waa kululaanayaa noloshuna way adkaanaysaa, haddaba waa awood Eebbee, waxaa soo gurmata dhirta oo inta nuugta CO2-gii, ka la saarta labada curiye, markaas kadib dhuxushii kayd ka dhigta una haysa tamar ahaan, Oksijiinkiina hawada ku sii daysa. Waxaa la yiri, waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay nuugto CO2-ga uu sii daayo gaarigaaga oo socday 26,000 mayl.

Dhirtu waxay kordhisaa hooritaanka roobka

In kastoo aan isha lagu arki karin biyaha ay caleemaha dhirtu siiddaayaan iyagoo uumi ah, haddana waxaa dhab ah, in dhirtu door ku leedahay biyayowga isu roga uumiga oo marka dambe noqda roob ku da'a dhulka. Sida la og yahay roobka waxaa sababa biyaha ka uumiyooba biyaha badaha, wabiyada, balliyada iwm oo marka ay cirka sare aadaan ciiryaamo noqda, kadibna noqda daruur ka cukan biyo, sidaasna marka dambe ku noqda roob ku hoora dhulka. Sidaas darteed, dhirtu waxay kamid tahay dhinacyada sababa roobka, waayo biyihii ka uumiyoobay caleenta geedkaa kamid noqota roobka. Waxaa la yiri, tusaale ahaan, hal hektar oo galley ah wuxuu sababaa 3,000 ilaa 4,000 gaalloon oo biyo uumi isu rogay ah. 

Dhirtu waxay nadiifisaa hawada

Dhirtu waxay hawada ka nuugtaa waxyaalaha uraaya iyo neefaha wax qurmiya (nitrogen oxides, ammonia, sulfur dioxide iyo ozone) waxayna sii shaandhaysa hawada iyadoo qashinka bidaaya ku xannibta caleenteeda iyo jirridkeeda.
Dhirtu waxay soo saartaa oksijiin
Hal sano gudihiis waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay 18 qof oksijiin siiso.
Dhirtu waxay ka hortagtaa wasakhowga biyaha
Dhirtu waxay yareysaa gawaan-raaca biyaha iyadoo firdhinaysa, kadibna biyuhu waxay u qulqulaan dhanka hoose ee jirridka geedaha. Salka geedku wuxuu shaandheeyaa biyihii roobka, waxayna biyihii oo nadiifa ku darmaan biyaha fadhiya dhulka hoostiisa. Sidaas darteed, dhirtu waxay biyaha roobka ka nadiifisaa wasakhda si aysan waxyeello ugu geysan noolaha bad iyo birriba ku nool.
Dhirtu waxay ka hortagtaa nabaadguurka ciidda
Meelaha buuraha geesahooda ama hoobadyada dalcadaha, waxay dhirtu yareysaa butaaca biyaha qulqulaaya si aan ciidda carrosanka ahi u raacin biyihii butaacaayay, waxayna dhirtu ku nageysaa ciiddii nafaqada lahayd meelaheedii.
Dhirtu waxaa looga gaashaantaa fallaaraha qorraxada ee waxdhimaalka leh
Fallaaraha qorraxda ee UV-B waxay 50% keeni karaan kaankaraha maqaarka.  Hooska dhirtaa dadka gaashaan u noqda ka difaaca fallaarahaas waxyeellada leh.
Dhirta waxaa laga helaa cunno
Waa la wada og yahay in dhirtu dheefiso noolaha oo idil dad iyo duunyaba. Tusaale, shinbiruhu waxay ku dul nool yihiin miraha dhirta, dhirtaas dusheedana gabbaad buu u yahay.
Dhirtu way fayoobaysaa
Cilmibaari baa lagu ogaaday in bukaanka u jeedaa dhirtu uu si dhokhso ah u fayoobaado, dhibabka jirradiisa la xiriirana yaraadaan. Carruurta qabta ADHD waxay muujiyaan in yar oo astaamihii xanuunka marka ay arki karaan dhirta doogga leh. Daawashada dhirta iyo dabeecaddu waxay yareysaa daalka maskaxda.

Dhirtu waxay yareysaa dagaalka

Waxaa la ogaaday xaafadaha ama tuulooyinka leh dhirtu inuu ku yar yahay dagaalku marka loo eego kuwa ka qaawan dhirta. Sidaas darteed, dhirtu waxay yareysaa cabsida iyo dirirta.
Dhirtu waxay dallaalimaysaa noolah duurjoogta
Dhirtu waxay harisaa noolaha duurka ku nool sida xasharaadka, xammaaratada iyo shinbiraha.
Dhirta waxaa laga helaa qoryo iyo alwaax
Dhirta waxaa laga helaa qoryaha la shito ama wax lagu karsado iyo alwaaxda wax lagu dhisto ama wax kale laga sameeyo.

Dhirtu waxay kordhisaa qiimaha dagalka

Marka guriga ama xaafadda amaba jidadka agagaarka dhir lagu abuuro, dagalkaasi waa ka qiimo badan yahay 15% meelaha la midka ee ka maran dhirta.

Dhirtu waxay kordhisaa ganacsiga

Waxaa cilmibaaris lagu ogaaday in dukaammada iyo goobaha kale ganacsiga loogu talagalay ee dhiraysan ay ka macaamiil badan yihiin kuwa la midka ee dhirta ka qaawan.




Tuesday, March 28, 2017

Abaaraan Baaqanayn iyo Beekhaamin-La’aan Joogta




Abaaraha ka dhaca Soomaaliya waa kuwo soo rogaalceliya ama soo noqnoqda. Waxaa wali jabaqahoodii sii yeerayaan abaarihii waaweynaa ee geyiga Soomaalida ka dhacay sida; Xaaraamo-Cuna (1913), Haarriya, Gaadda-Weyna, Ruuga, Harga-Cuna, Mug-Weyn, Baastaaley iyo Dabadheer (1973). Xilligaan la joogo waxaa ka jira dhammaan dagallada Soomaalidu degto abaar ba’an oo meesiyadii la dhaqan jiray baabi’isay, sidaas darteedna, dadkii ku tiirsanaa xoolaha gayeysiiyay diihaalka oonkiyo gaajada.
In kastoo abaaruhu hubaashii yihiin kuwo aan baaqanayn ee soo noqnoqoda, haddana maamullada iyo daweynihu ka ma gaashaantaan dhibabkooda ama xitaa wax uun dadaala ama kutalagala la ma sameeyo. Sidaasi waxay keentay in markii abaari soo barraahsataba qeylodhaantu wildhato oo dibad iyo gudana loo tebiyo. Waxay noqatay bulshadii Soomaaliyeed mid mar walba u baahan in dibadaha looga soo gurmado oo gargaar joogta u baahan. In kastoo baaxadda abaarihii la soo darsay ummadda Soomaaliyeed, dhab ahaantii keeneen baahi aysan isaga filnaan karin, haddana waxaa dhab ah, inaysan is la ummaddu lahayn dadaallo iyo tabo looga gol leeyahay iska-samatabixinta abaaraha iyo u-tooghayntooda. Waxyaalaha la samayn kara waxaa kamida:
1-    Beekhaaminta Dhulka:
·       Joojinta jaridda dhirta si uusan dhulku u xaalufin (deforestation). Sababta ugu weyn ee dhirtaa loo jaraa waa dhuxusha, haddaba, haddaan marka hore la helin beddalkii dhuxusha ama tamarta dhuxusha laga helo, suurtogal maahan in hadal dhirtu ku badbaaddo, iyadoo waliba baahida tamartu sii kordhayso maadaamo dadku badanaayo. Waxaa dhuxusha la shito beddali kara digada ama saalada xoolaha oo haddii loo hawlgalo si dhoqso ah dhuxusha looga maarmi karo.

·       Nasinta dhulka (range restoration); waxaa dhacda in xooluhu hadba dhinac u guuraan oo dhulka ka dhigaan miday daaqaan iyo miday qoobka mariyaan, sidaasna dhulkii ku noqdo mid si tahan dhaafa loo daaqo (overgrazing) iyo mid qoobka ku waxyeelloba. Arrintaan waxaa wax looga qaban karaa dhul -daaqsidmeedka oo la maamulo oo siday mar ahaan jirtay la sameeyo xirmooyin daaqa ka caaggan xilliga roobka.

·       Nabaad-guurka ciidda (soil erosion); markii ay xoogaystaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa dhacaya nabaadguur, haddii aan wax laga beddelin sida wax u socdaanna waxaa hubaala in dhulku isu rogi doona lama-degaan (desert).

2-    Beekhaaminta Biyaha:
·       Biyaha roobka waa in la kaydshaa (rainwater harvesting). Waa in la helo siyaalo  jaban oo biyo badan loo kaydin karo, waxaana tusaale ahaan, la sameyn karaa meelaha godan oo biyuhu ku aruuraan ama balliyada oo loo hubeeyo si aysan biyuhu uga gudbin ama dhulku u liqin.

·       Biyayowga togagga oo aad u badan aadna u khasaara waa in loo sameeyaa biyoxireenno badan. Waxaa kamida biyoxireennada la samayn karo (subsurface dams); ceelal laga dhex qodo togagga inta ay qallalan yihiin, kuwaas oo markii togaggu guraan loo baxsado biyahooda.

·       Dhulka aad loo jaray dhirta, marka roobku da’o waxay biyaha rogmanayaa nabaadguurshaan ciiddii. Si uusan dhulkaasi u noqon gabiib maran oo aan waxtar lahayn waa in la helo qaab lagu badbaadinaayo nafaqada ciidda, sida xannibyo loo sameeyo ciidda guurguuraysa.

·       Biyaha ceelasha dhaadheer sida kuwa riigagga/matoorradu aalaa waa qaali. Waxaa habboon in la helo qaab jaban oo biyaha dhulka ku jira bannaanka loo keeni karo.

3-    Calafka Xoolaha:
Waxaa doqonnimo weyn ah in meesiyada la dhaqdo oo nolosha dadka miyi iyo magaalaba ku tiirsan tahay dheeftooda lagu halleeyo xilliyada roobka oo marar badan yaraada amaba la waayaba. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in xoolaha loo abuuro calaf oo waliba si aada loo beero calafyada xoolaha. Waxaa degaannada Soomaalidu leeyihiin cawsas nafaqo wanaagsan leh oo haddii la beero ama la xannaaneeyo ku filnaan kara dheefinta xoolaha. Waxaa ka loo jira calafyo dalal kala ka baxa oo Soomaaliyana lagu abuuri karo, sida cawska caanka ee Suudaan (Sudan grass). Waa in la helaa ganacsato badan oo ku hawlan beerista calafyada xoolah iyo hey’do dawladeed oo ku foogan meelmarinta barnaamijyada calafka xoolaha.

4-    Isu-Dheellitirka Tirada Xoolaha Qoysku Dhaqdo iyo Awooddiisa Dhaqasho:
Waxaa aad loo og yahay raacatada Soomaalida in qaarkeed yeelato xoolo tiro badan, sida tirooyin aryo ah, fadhiyo lo’a iyo kadimo geela, haddana is la qoysaskaas waxay noqdaan kuwo aan dhaqaalo ahaan isku filnayn. Xilliyada roob-la’aantana qoysaskaasi aad bay xoolaha ugu dhibtoodaan.

Haddaba, haddii xoolaha nacfiga laga helaa dabooli waayo baahida qoyska iyo kharashyada is la xooluhu keenaan, badnaantooduna hawkar badan tahay sow sidaas ka ma roona, dhaqashada xoolo kooban oo dheef fiican leh oo kharashkooduna yar yahay?

5-    Kaalinta Maamul-Dawladeedka:
In kastoo Dalka Soomaaliya yahay dal si weyn ugu tiirsan xoolaha la dhaqdo, haddana arrintaas la ma siin culayskay lahayd. Waxay ahayd in tusaale ahaan, wasaaradda ugu dhaqaale badan noqoto wasaaradda horumarinta miyiga, laakiin waxaa laga dhigay midda ugu liidata, wasiirkii loo magacaabana waxaa loo arkay mid meel cidla’ lagu tuuray.  
Gabagabo:
Oraah caana ayaa waxay ahayd; “daaweynta waxaa ka roon kahortagga.”  Waa is la siidiiye, marka la tixraaco sooyaalka cimilada geyiga Soomaalida waa hubaal in xilli abaarihi soo beegan yahay gooray ahaataba. In marka abaartu timaaddo la balwo ama la argagaxo waxaa ka roon in laga tabaabusheysto.
Waxaa dhab ah, in cimiladii adduunyadu is beddeshay, sidaas darteedna ay habboon tahay in isbeddelka cimilada lala falgalo. Hadday waa ahaan jirtay in, inta la guuro lagu furo ruuman cosob leh, sidaasna daaqsato lagu ahaado, arrimihii waa is beddeleen.
Waxaa ka loo dhab ah, in tirada dadka adduunku si xawli ah u kordhayso, sidaas darteedna baahida dhul wax laga soo saaro maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayso. Arrintaan dambe awgeed, waa in qoyska guuraa noqdo deggane yeesha qeyb dhulka kamida xoolihiisana u beera calaf ama dheeftay ku noolaan lahaayeen.  

Thursday, March 9, 2017

Dawlad iyo Xukuumad



Dawlad (state): waa eray Afka Carabiga ka soo jeeda, waxaana Afka Soomaaliga lagu oran karaa; dal. Dawlad ama dal waa dhul weyn ama yar oo leh seere la aqoonsan yahay, calan, madaxbannaani kooban ama buuxda iyo dad deggan dhulkaas. Waxaa dhici karta in dalku ka koobmo dalal ama dawlado ku midoobay hal hab sida kan fedaraalka, markaasna dalalku waxay yeelanayaan madaxbannaani kooban. Dalalka haysta madaxbannaani dhammaysa waxaa loogu yeeraa: “sovereign states”.
Waxaa jira aragtiyo ka la duwan oo ku soo saabsan qeexitaanka dawlad/dal (state), waxaana kamida:
1-   26-kii bishii 12-aad, 1933-dii waxaa shirweyne lagu qabtay magaalada Montevideo ee Dalka Uruguay, kaas oo loo baxshay; Shirweynihii Montevideo ee Xuquuqaha iyo Waajibaadyada Dawladaha. Waxaa shirweynahaas la is la gartay in xeer caalami ahaan, loo baaahan yahay in dawladdu leedahay: dadweyne joogta, dhul qeexan, talis (xukuumad) iyo awood ay dawladaha kale heeshiisyo ku la gali karto.

2-   Aragtidii Max Weber: urur siyaasadeed ku qasban hoosjoogidda talis awooda inuu si sharciya xoog ugu dhex adeegsado dhul la yaqaan.    
In kastoo marar badan loo adeegsado erayga dawlad halkii xukuumadda, haddana mucda laba eray waa ka la duwan yihiin
Xukuumad (government): in kastoo dad badan markay Afka Soomaaliga ku hadlayaan ama qorayaan eraygaas Carabiga adeegsadaan, haddana waxaa  eraygaas Afka Hooyo lagu oran karaa; talis ama maamul. Talis/maamul waa agaasinka arrimaha dawladda ama dalka, bulsho meel joogta iwm. Marka laga hadlaayo agaasinka ama maaraynta dawladda waxaa maamulku ka koobmaa seddex laamood; xeerdejin (legislation), fulin (executive) iyo garsoor (judiciary). Marka si kale loo yiraahdo xukuumaddu waa awoodda dawladda ama dalka siyaasadaha u dhigan meelmarisa waana awoodda samaysa siyaasadahaas laftooda.
Laanta xeerdejintu waa golaha xildhibaannada e, iyagaa dejiya xeerarka dalka lagu dhaqaayo ama ansaxiya. Laanta fulintuna way meelmarisaa iyadoo adeegsanayasa hab kasta oo lagu fulinaayo hab-dhaqameedyadaas. Laanta garsoorku waa tan isha ku haysa hawlaha labada qeybood oo kore, waana tan ka dhawrta xeerarka jawrfallada, is la markaasna hubisa inaan sharciga dalka madax iyo minjo dhinacna ka weynaan.
Maamulka dawladdu ama dalku waa xubno dadweynaha dalka kamida oo loo xilsaaray inay agaasimaan arrimaha dawladda, waxaana shaqaysiiyay is la dadweynaha dalka.
Marka si kale loo yiraahdo; haddii qoys meel deggan oo hanti fiican haysta uu u baahdo shaqaale wuu qortaa shaqaalahaas, markuu doonana shaqada wuu ka eryaa, sida marka shaqaaluhu dayaco hawshii loo idmaday ama uu xado. Haddaba dadweynuhu iyagaa qorta shaqaalihii u adeegi lahaa, hadday xadaan ama dayacaan hawshana wuu eryayaa.