Tuesday, November 25, 2014

Qarannimadu Waa Sharaf (hees)

Saadaashu waa qurux
Qaboono weeye degmadu
Dubbad labo qarsoomiyo
Dayaxoo u qunuudiyo
Waa sannad qaruumiya
Garbo qaarac maahayn
Qasahuna waa guduud

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Danbasame cawuu qubaye
Qadanti weeye doogguyoo
Mahiigaan aan qaadayn
Karan sagalku qeexiyo
Waa sannad qaniimiya
Nuuro qaalib weeyoo
Qudduhuna waa samo

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Qundhac berisamaadow
Qabuul weeye ducadu
Nabsi bixi qadoodiga
Qudurradaan ku raagniyo
Wuu dhammaan qabbaankii
Qaraar baa la gaariyoo
Qulubna wuu hari

Qarannimadu waa sharaf
Quwad weeye lixaad loo
Dadkii qaadi waayana
Way qiime beelaan
Wuu jabaa qabkooduna

Erayada:
1- Qaboono: xilli qabo gaar ahaan subaxa hore.
2- Dubbad: birta weyn oo laga hoos mariyo waxa la garaacaayo. Xilli-dayaxeed.
3- Qunuud: duco salaadda subax la raacsho, marmarna salaadaha kale.
4- Qaruumi: qarameeda ama leh awoodda wadajirka.
5- Garbo: xiddigaha ugu horreeya dalaaliga ee dhexeeya dirirka iyo biyoxawda.
6- Qaarac: garaacaa. 
7- Qase: labaa, wareer-keene.
8- Danbasame: xilli aalaa roob da'o.
9- Qadanti: itaal iyo xoog leh. Cawo, ayaan.
10- Mahiigaan: roob ama col faro badan.
11- Karan: roob da'a xagaaga gadaashiida.
12- Qaniimi: qani ama hodan ah.
13- Nuuro: iftiimiso, kaahiso.
14- Qudde: fandhaal weyn.
15- Qundhac: qorrax.
16- Qadoodi: cunno-ka-qatanaan.
17- Quduro: yaab ama amakaag.
18- Qabban: qof ciidana ama adeege ah, qawrsar.




Friday, November 14, 2014

Qorraxda (cashar)

 
Qorraxdu qolo ahaan waa xiddig waana kubbad baaxad weyn oo holcaysa oo ka samaysan walax kasta ama curiye kasta oo aan dhulka ku naqaan iyo kuwo aan la aqoon oo inta uumi ama neef wada noqday si aada u balbalaaya. Qorraxdu waa dabshid baaxad weyn oo dhex qotoma hab-qorraxeed-keenna. Saamaynta qorraxdu waxay dhaaftaa marinnada fogfog ee Nabtuun iyo Buluutoo. Haddii aysan jirin tamarta lixaadka weyn ee  qorraxdu ma jiri lahayn nolosha aan naqaanno ee maanta. Qorraxda innagaa si gaara u kulaalna oo ay nolosheenna u kaabtaaye, waxaa jira balyanno xiddiga oo sida qorraxdeenna oo kala ah oo ku firirsan Hab-tusmeedka Diillin-Caanoodka (Milky Way galaxy.)

Waxyaalahaan soo aaddan waa siyaalo qorraxda ku saabsan oo mudan in wax laga ogaado:

1- Qorraxdu waa xiddig, xiddigina ma laha dul ama oogo adag, waase kubbad neefo ah oo holcaysa (92.1% haydrojiin (H2) iyo 7.8% oo Heeliyuuma (He). Waxaa qorraxda wax kankoonsan oo isu aruursan ka dhigay cuf-jiidkeeda.
  1. Qorraxdu waxay fadhidaa bartamaha hab-qorraxeed-keenna,  waana 99.8% cufafka inta kale oo ka tirsan hab-qorraxeed-keenna.
  2. Qorraxda dhex-roorkeedu (diameter) waa 1,392, 000 km. Dhulka dhex-roorkiisu waa 12, 756 km. Haddii aan doonno inaan gudaha qorraxda ka buuxinoo dhulal la-mug ah dhulka aan ku nool nahay, wuxuu gudaha qorraxdu qaadi karaa ilaa 960,000 oo dhul.  Qorraxdu dhulka waxay ka culus tahay 300, 000 oo jeer.
  3. Sidaan soo sheegnay qorraxdu ma laha meel adag ama oogo adag, haddaba qeybo kala duwan oo qorraxda kamid ahi waxay ku wareegaan ino kala geddisan. Marka la joogo qorrax-baraha (equator) waxay qeybtaas dhexda ahi hal wareegoo buuxa samaysaa 25-kii maalmoodba mar, maalintuna halkaan waa maalinta dhulka. Cirifyada qorraxdu waxay halka wareeg oo buuxa ku sameeyaan 36-dii maalmoodba mar, mar labaadna maalintu waa tan dhulka.
  4. Jawi-qorraxeedku waa meesha aan ku aragno waxyaalaha sida; dhibco-qorraxeedka iyo danbaaburooyinka ololaaya ee ka booda dabshidka weyn ee qorraxda (solar flares). Jawiga bannaanka ama heeladka qorraxdu ee loo yaqaan Koroona (Corona) wuxuu dhaafsiisan yahay marinka uu ku wareego meeraha cilinka ee Buluutoo.
  5. Waxaa qorraxda ku meeraysta siddeed meere, ugu yaraan shan meere oo cilimmo ah, tobannaan kun oo dhadhaabyo (asteroids) ah, iyo ilaa seddex tirilyan dhagax-saynlle ah iyo waliba waxyaalo barafoobay oo badan.
  6. Qorraxdu ma laha garangarrooyin.
  7. Waxaa jira goobo (sunspots) qorraxda kamid ah oo taqa ama abriya, goobahaasi marna waa weynaadaan, marna way yaraadaan. Markay weynaadaan waxaa kordha heerkulka dhulka oo meelaha barafka lihi way dhalaalaan, waxaana bata colaadaha iyo dagaallada. Markay yaraadaanna heerkulka dhulku waa yaraadaa, colaaduhuna waa la yaraadaan.  
  8. Waxaa jira wax loogu yeero gal-qorraxeed “halo” oo ah muuqaal si wanaagsan loo arko marka dayaxu isku beego qorraxda, waxaana kolkaas la arkaa gal ama garangar  dhalaalaysa oo ku meersan qorraxda, sida sawirkaan hoose ka muuqata.
1.     
10- Danbaaburo-qorraxeedku waa holac duulaaya oo ka soo booda qorraxda wuxuuna gaaraa baa la yiri fogaan dhan inta ay dhulka iyo dayaxu isu jiraan. Sawirradaan hoose kan midig baa muujinaaya danbaaburrada qorraxda, kan bidix wuxuu muujinayaa saamaynta ay danbaaburradu ku samayso cirifka waqooyi ee dhulka, halkaas oo midabbo isku dhafan isku habeeyaan, kuwaas oo ay sababtay danbaaburada qorraxdu.

11- Taaj-Qorraxeedku (Corona) waa aag aad u ballaaran oo gaaraya malaayinn kilomitir oo ku meersan qorraxda. Waxaa aaggaas si fiican loo arkaa marka uu jiro qorrax-madoobaad (eeg sawirka hoose). Waxaa jirta in heerkulka Taaj-qorraxeedku ka badan yahay kan qorraxda dusheeda, taasoo abuurtay irkig iyo amakaag.

Heerkulka gunta ama ubucda qorraxdu waa 15 milyan oo Santigarayd ama 27 milyan oo Feeranhayd. Heerkulka dusha ee qorraxdu waa 5,600 oo Santigarayd (10,000 oo Feeranhayd). Heerkulka gal-qorraxeedku (Halo) waa 6, 000 oo Santigarayd (11,000 Feeranhayd). Arrintaani waxay kamid noqotay waxyaalaha lala yaabo ee dhanka qorraxda, ilaa haddana lama hubo sababta galka qorraxdu uga kulul yahay oogadeeda. Aragti baa oranaysa qurubyada yaryar ee qorraxda ka bidaaya baa is duqaynaaya kadibna samaynaya qaraxyo xoog badan, taasaana keenaysa in heerkulka galku ka bato kan dusha qorraxda. 

Si kastaba ha ahaatee, heerkullada dhinacyada qorraxdu is ma le’eka, ilaa hadda waxaa la og yahay meesha ugu heerkul yar, inay tahay 4200 C,  halka meesha ugu kulul tahay 50 milyan C. 

Qorraxdu waxay shidnayd ama qaxmaysay 5 bilyan oo sano, waxayna ilmiriqsigiiba gubtaa 5 milyan oo tan oo Haydroojiina, waxaana la rumaysan yahay inay sii shidmi doonto 4 bilyan oo sano, maalin baase la gaari doonaa ay qorraxdu dhiman doonto, markaas oo noolasha dhulku gebi ahaan baabi' doonto. 

Dabshidkaas baaxadda leh ee qorraxdu wuxuu soo gudbiyaa awood lixaad ballaaran leh, waxaase dhulka ka soo gaara in yar oo dhan 800 bilyan oo megawatts ah. Haddii in yar qaddarka ilmiriqsigii shidmaa ee qorraxdu hoos u dhaco ama kor u kaco, nolosheenna dhulku waa baaba’aysaa oo qabow baa na dili ama kulayl baa na dili. Xisaabtaas sida aadka u dheellitiran maamulkeeda, kaliya waxaa awooda Weynaha wax walba abuuray.  Qorraxdu waa xiddig, waase xiddigta noogu dhaw marka loo eego 100-ka bilyan oo xiddigood ee dhex sabbaynaya Diillin-Caanoodka hab-tusmeed-keenna (our Milk Way galaxy), sababta aan u aragno maalin walbana waa dhawaanshahaas. Culayska ama cufnaanta xiddigaha kale ee ilaa hadda loo dhabbagalay waxay u dhexeeyaan toban-dalooloow, hal-dalool culayska qorraxda ilaa 30 jibbaar culayska qorraxda. Barashada siyaalaha qorraxdu waxay noo fududeynayaan barashada xiddigaha kale.

Wednesday, November 12, 2014

Waxa La Idin Ku Sabayaa (hees)

Sagan badan ninkii galay
Nabad miyuu siraadshaa
Siriyaha dhagarta qaba
Samo miyuu ka taliyaa
Sawaab miyuu sarriigtaa
Seef-la-bood ma diric baa
Saranseer ninkii baday
Saanacii bulshada dilay
Sedo miyuu ku helayaa?

Waxa la idin ku sabayaa
Dunidu idin solansiin
Seemahood dhigtaan iyo
Inaan la saloolan been iyo
Sareedada dhulkiinniyo
Ma saayira dadkiinnaa?

Saajacii waddaniyihi
Qaran miyuu saluugaa
Sifo garaad ninkii lihi
Salow miyuu abuuraa
Samirruhu miyuu saqleeyaa
Seeraariye ma sikhi baa
Sarji qarankii ka dhacay
Saymaha ninkii dhigay
Sahal miyuu u galayaa?

Waxa la idin ku sabayaa
Dunidu idin solansiin
Seemahood dhigtaan iyo
Inaan la saloolan been iyo
Sareedada dhulkiinniyo
Ma saayira dadkiinnaa?

Erayada:
1- Sagan: utun, dakano, gashi.
2- Siraadshaa: iftiimiyaa, saadiyaa.
3- Siriyaha: kan wax sira ama qof kale ka dhiga sirrow.
4- Sawaab: doqon, sawir, dhaandhaan, qof sacsacan.
5- Sarriigtaa: sharafta oo laga ilaaliyo wax xun, xishood, sheex.
6- Saranseer: dhibaatada ka dhalata waxyaalo isku xigxigay.
7- Sedo: ammaan, sumcad.
8- Sabayaa: si dadban dantiinna la idiin ku sheegayaa.
9- Sareedo: barwaaqo, baraar.
10- Saayir: turaal ama dhaqaale la iska helo.
11- Saajac: geesi, aar.
12- Salow: qeylo iyo buuq.
13- Saqleeyaa: u ordaa si saqlayn ah (waa qaab kamid ah orodka)
14- Seeraarin: wax inta la tuuro laga kormariyo geed iwm.
15- Sikhi: wax-bixin badan, deeqsi
16-  Saymo: warmo, fallaaro ama xabbado badan oo si daran loo adeegsanaayo oo markaas u ekaaday saymaha roobka.
17- Solansiin: waafajin, ku-duwid, garansiin.
18- Saloolan: xoolaha sida ariga ayaa inta lugaha ku istaaga jeenyaha meel kore saara si ay laamo kor ku yaal u daaqaan. Halkaan samaynta wax aan habboonayn ama laacitaanka wax kaa fog.


Thursday, November 6, 2014

Dhulku Waa Wareegaa Haddana Waa Wareegaa (cashar)

Dhulku wuxuu kamid yahay meerayaasha hab-qorraxeedkeenna. Dhammaan meerayaashu waxay ku wareegaan qorraxda iyagoo leh marin ama dhabbe ay u qaadaan wareeggooda. Marka loo eego siday qorraxda u kala xigaan, waa sidaan: Meerkari (Mercury), Fiinas (Venus), Dhulka (Earth), Maaris (Mars), Jubitar (Jupiter), Saateerni (Saturn), Yuraanus (Uranus), Neebtuun (Neptune). Waxaa kaloo jira meerayaal la yiraahdo waa cilinno, waxayna kala yihiin: Baluutoo (Pluto), Hawmiya (Haumea), Makimaki (Makemake), Irris (Eris) iyo Siiris (Ceres).

Dhulku waa meere leh qaabka kubbadda. Barta uu dhulku isugu aruuro ee dhinaciisa waqooyiga waxaa la yiraahdaa “Cirifka Waqooyi”, tan koonfuureed ee uu isaga aruuranno waxaa la yiraahdaa “Cirifka Koonfureed”.  Haddaan male awaalno tiir dheer oo isku xiraaya labadaas barood ee mid ku taal dhanka waqooyi ee dhulka tan kalana ku taal dhanka koonfureed, waxaan ogaanaynnaa in dhulku ku wareego tiirkaas (axis of rotation), asagoo ka soo rogmanaaya dhanka galbeedka una rogmanaaya dhanka bariga. Wuxuu hal wareega oo dhammaystiran ku ebyaa 24 saacadood waxaana loogu yeeraa maalin. Xawliga dhulku ku socdo marka uu isagu isku wareegaayo waa 1674.4 km/saacaddii. Dharaartu waa inta aagga dhulka aad ku sugan tahay uu ku beegan yahay qorraxda, hameynkuna waa inta aaggaagu ka dadban yahay qorraxda ama wareegga ku soo jiro. Wareeggaas sababa caddada iyo gudcurka wuxuu ka dhigay dhulku mid lagu noolaan karo.
Meerayaasha oo dhan waa isku wareegaan, ha yeeshee sida dhulka maahan, tusaale ahaan, Meerkari oo ah meeraha dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 59 maalmood, macnuhu waa markii dhulku hal mar isku wareegay oo sidaas maalini ugu ahaatay, waxaa Meerkari u sii harsan 58 maalmood oo kale. Fiinas oo ah meeraha labaad ee dhulka ugu dhow, waxay ku qaadataa inuu hal mar isku wareego 243 maalmood (maalintu waa maalin-dhuleedka).

Dhulku haddana waa wareegaa, wuxuuse markaan ku wareegaa qorraxda, sidoo kale bay meerayaasha kalana qorraxda ugu wareegaan. Dhulka waxay ku qaadataa inuu hal wareeg oo dhammaystiran qorraxda ku wareego 365 maalmood, 45 daqiiqo iyo 48 ilmiriqsi ama  365.256363004 maalmood. Markii dhulku ebyo hal wareeg oo uu qorraxda ku wareegaalaystay waxaan u naqaan sannad. Qorraxdu waxay dhulka u jirtaa 93 malyan oo mayl. Marka dhulku ku meeraysanaayo qorraxda wuxuu ku socdaa xawli dhan 30 kiilomitir/ilmiriqsigii ama 108,000 kiilomitir/saacaddii (67, 108 mph). xawligaasi wuxuu ku filan yahay in lagu jaro dhexroorka dhulka ee dhan 12,700 km ama 7,900 ml, toddoba daqiiqo gudahood. Dhinaca kale dhulka qeybtiisa koonfureed baa u janjeerta dhanka qorraxda, sidaas darteedna tamarta dhulku qorraxda ka helo waxay u badan tahay dhinaca koonfureed ee dhulka.

Su’aasha la is weyddiin karo waxay tahay; maxay meerayaashu qorraxda ugu wareegaan? Jawaabtu waxay tahay; shan bilyan oo sano kahor markii uunka la sameeyay wuxuu ahaa daruur baaxad leh oo ka samaysan boor iyo neef (gaas). Daruurtii way isku soo uruurtay, iyadoo samaynaysa saxan aad iyo aad u weyn oo si dheeraynaysa u wareegaysanaayay. Qorraxdu waxay ku abuurantay dhexda, neeftii iyo boorkii wareegaysanaayayna waxaa ka abuurmay; meerayaasha, dayax-yada, dhadhaab-yada (asteroids) iyo dhagax-saynle-yaasha (Comets). Sidaas darteed, sababta waxyaalo badan ugu meeraystaan qorraxda waa iyagoo ka abuurmay saxankii weynaa ee alkumidda.

Su’aasha kale ee mudan in halkaan la isku weyddiiyo waa; haddii dhulkaan aan ku nool nahay isku wareegaysto, isla markaana qorraxda ku wareegaalaysto, maxaan u dareemi weynay ? Jawaabtu waxay tahay; innaga iyo wax walboo kale oo aan aragno waxaan kamid nahay dhulka, dhammaanteenna waxaan ku soconnaa xawliga uu ku socdo, sidaas darteedna ma dareemi karno socodkiisa iyo xawligiisa. Tusaale ahaan, haddii aad saaran tahay baabuur xawli ku socda oo jid weyn haya oo dhinacaaga uu maraayo baabuur kale oo aad isku xawli tihiin oo aad arkayso kaliya labada baabuur, waxay kula noqonaysaa inaan labada baabuur midna dhaqaaqayn, waana sidaas arrinka dhulka iyo inta kale ee ku dul sugan. Sida kaliya ee lagu arki karo in dhulku isku wareego oo haddana qaabkiisu kubbad yahay waa iyadoo laga baxo hawada dhulka, taasoo maanta hirgashay marba haddii dayax-gacmeedyo iyo gantaallo la samaystay cirkana loo sahan tagay.

Xawliga uu dhulku asagu isugu wareegaayo iyo xawliga uu qorraxda ugu wareegaayo is ma dhimaan, mana kordhaan ee waa suganayaal aan is doorin. Waxa la-mid ah oo aan is doorin dhabbayaasha ama tubaha ay ku joogaan meerayaashu iyo fogaanta uu midba midka kale u jiro iyo midba inta uu qorraxda u jiro. Haddii hannaan-socodkaas wax iska beddelaan waxaa jaahwareer ku dhacaya koonka oo dhan, noloshu sidaan u naqaanna ma jiri lahayn. Waxay hababkaas qorshaysan ku tusinayaan inuu jiro maamul aad iyo aad u sarreeya iyo agaasime leh garaad aad u weyn.

Monday, November 3, 2014

Labadii Qofee Is Jecel (hees)

Taladaan qorsheynaayey
Qormadaan tusmeynaayey
Reerkaan u qalab qaaday
Aqalkaan qotominaayayey
Qalayoo ka-qaad noqotay
Waxaan laba qaddarin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Naxdintaan la qiiroodayey
Qulubkaan ani i haystaa
Ilamadaan i wada qoysay
Qofba maalin soo qabatayey
Tayduse qarracan noqotay
Dibinta is qaniin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Qabanqaabadaan hayayey
Qalabkii aan soo gaday
Quruxdaan ka filaayey
Qulub lama-filaan noqotay
Qoomamo aan harin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Monday, October 27, 2014

Jacaylka Waan Maldahayaa (hees)

Muuqiisa waan arkayaa
Hadalka waan maqlayaa
Ma dheera ee
Muggeed ishaan
Ka meeriyaa
Haddana waan ka maagayaa
Anigu waan mildhabayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Maankayga wuu ka gurxamaa
Murugo-ciil mir baan qabaa
Malo-xumaan tan iyo maan
Is madayaa...
Mar baan iraa
Maw sheegataa
Mayee afkuna ka maagayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Madaha waan tilmaamayaa
Muskana waan qarqoorayaa
Maleegayaa arrinta
Waan murdinayaa
Miraha waan shareerayaa
Haddana waan micnaynayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Mataanuhuu ka unkamaa
Dhiiggayga wuu ku milmayaa
Midigta ways haysannaa
Haddana meel fog buu jiraa
Mahadhada anaa qabee
Maankiisu way iga jeedaa
Mililacada ishaydu 
Way ku maqan too 
Dhankiisa maan-dhawrayaa
Ma muujiyee..
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa!

Monday, October 20, 2014

Hardankii Mucaaradka Iyo Kacaankii Oktoobar



Image result for somali revolutionary councilImage result for snm flag

Maalin dhaweyd baan waxaan dhageystay waraysi lala yeeshay nin da’ weyn oo kamid ah ragga lagu muuneeyo maansada Soomaaliyeed, hadalkiisii oo koobanna wuxuu ahaa sidaan:
“Waxaan bilawgii 70-aadkii curiyay riwaayado murtidoodii uu qoonsaday madaxweynihii dalka M S Barre. Markii tixihii riwaayadahaas dadweynihii wadwaday ayaa Madaxweyne Barre ii yeeray, wuxuuna ii sheegay; inaan dhib kale jirin ee maansooyinkaad curisay naloo adeegsaday, sidaas darteedna uu rabo in maanso dambe oo aan leeyahay loo adeegsan isaga iyo taliskiisii. Wax-curintaydu waxay ka turjumaysay rabitaankii dadweynaha oo bilaabay inuu qoonsado taliskii dalka. Haddaba mar dambe anigoo wali wada halabuurkaygii ayaa lay qabtay waxaana la iga dhigay nin ku xiran magaala kamid ah magaalooyinka Soomaaliya. Dhawr sano kadib, ayaa la iga soo daayay xabsi-magaalihii, waxaana lay dejiyay hoteel Muqdishow ku yiil, kadibna waxaa la ii geeyay Madaxweyne M S Barre. Wuu i waraystay kadibna wuxuu i weyddiiyay waxaan doonayo, asagoo ula jeeday jago/mansab iwm, mana weyddiisan (macnaha ma rabin oontiisa). Hawlahaygii ka ma harin, dhawr jeeroo dambana ninkii dalka u talinaayay waa lay horgeeyay, mar walbana isagoo adeegsanaaya farsamooyinkiisii yaabka lahaa ayuu wuxuu isku dayi jiray inuu igu soo dabbaalo siyaasadihiisii aniguna ma hoggaansamin. Markii dambe, aniga iyo rag kaloo xigtayda ahaa waxaan si qarsoodi ah ugu tallawnay Itoobiya. Waa naloo soo dhaweeyay kadibna, annagoo qabna labbiskii ciidammada Itoobiya oo ku hubaysan qalabkay na siiyeen baan bilawnay halgankii aan uga xoraynnaynay dalkayaga cadawgii haystay, aniguna maansadaydii kicinta ka sakow, waxaan ahaa nin labbisan oo xabadda ridaaya.”

Ninkaas waayeelka ah ee waayihiisii ka warramaayay wuxuu ku celceliyay ninkii uu dagaalka kula jiray iyo halyeyadii hormoodka ka ahaa halgankii u xaqa u arkaayay, wuxuu magac-dhabay hebello uu sida muuqata wali aad ula dhacsan yahay. Wuxuu kaloo xusay in ururkii uu ka tirsanaa diiday la-bahowgii ururkii iyaga uga horreeyay mucaaradnimada, sababtuna ahayd laabaha oo aan isu fayoobayn (macnuhu labo qoloo aan is jeclayn).
Haddaba si aan u fududaynno ujeedka maqaalkaan aan ku raacno odeygaas warramay dhammaan wixii tabasho ah oo uu ka sheegtay Madaxweynihii Dalka ee waagaas, oo ay ugu weyn tahay Kali-Talisnimo. Markaas kadibna annagoon adeegsanayn fikir-qoleed waa qabyaaladdee aan ku eegno sheekada odayga hadlay weynayso, kadibna aan yare falanqaynno wixii aan ku aragnay weynaysada, isla markaasna aan tixgelinno qodobbada kala ah; maangalnimada iyo waddaninimada.

Waa tan kowaade, nin Afrikaana oo waabka hantiwaagga ka tirsanaa oo xoog ciidan talada ku la wareegay oo joogay ragaalkii qarnigii 20-aad oo in badan kugu dayay koolkoolin, sasabaad iyo deeq si uu taageero kaaga helo ama kaaga reebo mucaaradkiisa, markuu midna kaa waayayna xabis-magaalo ku geliyay, miyuu kuu darnaaday? Marka la tixgeliyo wacaalihii ka jiray waayahaas dunida waxaa maangal ah, inuusan ninkaasi kuu darnaan.

Waa tan labaade, Mingiste Xayle Maryam wuxuu ahaa taliye dilaa ah oo dhiig badan daadshay, sida la wada okobban yahayna ugu naxariis darnaa uguna tala adkaa hoggaamiyaashii Afrikada Madow. Sidoo kale wuxuu ahaa taliyihii Dalkii Itoobiya ee colaadaha guunka oo ilaa hadda socdaa kala dhexeeyeen Soomaaliya oo waliba is la waayahaas aan ka hadlayno labada dal dhex mareen dagaallo ba’naa. Haddaba ma maangal baa inaad Kali-taliyihii dalkaaga oo koolkoolin iyo sasabo kuu la taagan ka doorato kali-taliye kun jeer ka darnaa oo qeybo isirkaaga ah gumeysi xun ku haya waligiina ku hayay? Marka la cuskado garashada toosan iyo fikirka maanka fayow, jawaabtu waa maya oo maangal maahan.

Waa tan seddexaade, marba haddaad la soo safatay cadawgii soojireenka ahaa ee dalkaaga adoo sita hubkoodii iyo darayskoodii, kadibna warjeeftay dadkaagii, dalkaagiina burbur iyo baaba’ u horseedday, maxay tahay waddaninimada iyo xoraynta aad ku faraxsan tahay? Adoo waayeela oo haddana maanso-yahana oo wax-dhimaalkaas baaxadda weyn geystay ama wax ka geystay, maxay tahay raynraynta aad muujinaysaa, maxayse tahay tixgelinta aad mudan tahay? Ma daw baase inaad halyeyo ku sheegto hormoodkii xoogaggii burburiyay dawladnimadii dalkaaga, xooggii dalka ee hortaagnaa cadawgiisana nacab dil mudan ka dhigto lana dirirto?

Marka warka odayga iyo dhacdooyinkii sheekada aan hadal-haynno ku beegno halbeegyada; maangalnimada, waddaniyadda, garaadka suubban iyo garsoorka toosan, waxaa noo caddaanaysa in xoogaggii uu odagu kamidka ahaa, ahaayeen dad marin habaabay oo qas iyo qalalaase geyaysiiyay dadkoodii iyo dalkoodii. Kooxahaas ma lahayn ujeeddo suubban oo midaysan oo ku dayasho ama tixraac dambe leh. Si kasta oo loo eego ama lagu eego waxay ahaayeen qaran-dumisyo magac-xumo iyo taariikh madow mutaystay. Hal-abuuraan ahay oo waa hubkaygii waxaanna u adeegsaday kicintii iyo abaabulkii dadweynaha si ay u dagaalaan oo u burburiyaan dalkoodii, maxay tahay xikmadda ku jirtaa oo maxaa laga dhaxlay oo lagu xusi doonaa? Jawaabta oo kooban; waa waxba.

Hadda way ku adag tahay dad badan inay halyeyadii qolodooda u arkaan hoojiyeyaal baaba’ keenay,  maalin uun baase la xisaabtami doonaa oo la kala miiri doonaa lulugga iyo labeenta.