Monday, October 27, 2014

Jacaylka Waan Maldahayaa (hees)

Muuqiisa waan arkayaa
Hadalka waan maqlayaa
Ma dheera ee
Muggeed ishaan
Ka meeriyaa
Haddana waan ka maagayaa
Anigu waan mildhabayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Maankayga wuu ka gurxamaa
Murugo-ciil mir baan qabaa
Malo-xumaan tan iyo maan
Is madayaa...
Mar baan iraa
Maw sheegataa
Mayee afkuna ka maagayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Madaha waan tilmaamayaa
Muskana waan qarqoorayaa
Maleegayaa arrinta
Waan murdinayaa
Miraha waan shareerayaa
Haddana waan micnaynayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Mataanuhuu ka unkamaa
Dhiiggayga wuu ku milmayaa
Midigta ways haysannaa
Haddana meel fog buu jiraa
Mahadhada anaa qabee
Maankiisu way iga jeedaa
Mililacada ishaydu 
Way ku maqan too 
Dhankiisa maan-dhawrayaa
Ma muujiyee..
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa!

No comments:

Post a Comment