Saturday, October 11, 2014

Noqo Midaan Ku Ciil Baxo (hees)

La-calmada waxaad tahay
Cosobkiyo ugbaadkiyo
Ku barbaartay caanoo
Cunnana aan sugaynine
Alla sida canabka beeraha
Cirka oo hillaacoo
Waqal ku fidiyay carrada
Fallaaraha cadceedda
Dhuubnida Xubnaha iyo
Luquntiyo cabbaadyada
U eg faraskii Caynaba
Ku calool jeclaadee

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeyaa
Cawo iyo ayaan lee
Ku caashaqay Cadareey
Hay jabinin cadawgee
Noqo midaan kuu ciil baxo

La-calmada waxaad tahay
Sida ubaxa cagaarkiyo
Ama catarka oo kale
Carfoon iyo udgoon le
Alla sida curasho dayreed
Cirka oo hillaacoo
Waqal ku fidiyay carrada
Fallaaraha cadceedda
Canbe iyo sidii luul
Ama dahabka ceyriin
Caynaddooda leedee

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeya
Cawo iyo ayaan lee
Ku caashaqay Cadareey
Hay jabinin cadawgee
Noqo midaan kuu ciil baxo



No comments:

Post a Comment