Thursday, October 2, 2014

Ruuneey I Soo Eegeey (hees)

Sida meel ramasho badanoo
Dhirtu raamo bixisoo
Ruun mira leeday..
Rayskiyo barwaaqadu
Ay riix udgoon leeyiin

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel raaxa badanoo
Roobku uu ku hooroo
Biyuhu laba-rogmanayaan
Raha iyo maroodiga 
Aan wada rafiiqnee

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel ramadku dhalayoo
Ristu ay is qabatoo
Lagu raacin xoolaha
Reeruhu ku badan yiin
U soo rugeeyeen

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel aar ka reemay
Raanta sayrinaayoo
Goroyadu ka roortaan
Aawdaa rucleeyaa
Ku raad-raadiyayey

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee 
Ruuneey i soo eegeey!

No comments:

Post a Comment