Tuesday, June 13, 2017

Boqortooyadii Burburinta Muslimiinta


Ibn Sa'ud




Waxay ku bilaabatay boqortooyada al-Sucuud hoggaaminta qabiil yar oo degganaa Najad qarnigii 18-aad waxaana bilaabay Maxammad bin Sucuud, isagoo markaas hoggaaminaayay magaalada Dirriyaha oo ku tiil aagga Riyaadda maanta. Is la waayahaas buu Maxammad bin Sucuud la galay heshiis is-bahaysiya Maxammad bin Cabdil Wahaab, kaas oo ahaa yagleelihii dariiqada diiniga ee al-Wahaabiya. Labadaas xoog oo is kaashanaayay baa bilaabay olole dagaal sannadihii 1786-dii ilaa 1816-kii, waxayna qabsadeen inta badan dhulka maanta loo yaqaan Sucuudi Carabiya oo ay ku jireen Maka iyo Madiina.
Waayahaas waxaa jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo dhulalka muslimiinta u talin jirtay. Haddaba Suldaan Mustafa IV oo markaas talada hayay ayaa diray labadiisii wiil ee ka la ahaa Tusun Baashaa iyo Ibraahim Baashaa si ay uga hortagaan jabhaddii Sucuud iyo Wahaabiyada, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan awooddoodii sannadkii 1818-kii.
Wuxuu Sucuud taladii ku soo noqday sannadkii 1824-kii, laakiin markaan dambe taladiisu waxay ku koobnayd degaankiisii oo ahaa Gobolka Najad. Si kastaba ha ahaatee, intii ka harsanayd qarnigii 19-aad waxaa dhulkaan Sucuudiya Carabiya hadda la yiraahdo ku dagaallamaay xoogaggii ay hoggaaminaysay qolodii al-Rashiid ee ka soo jeedday magaaladii Haa’il ee gobolkii Najad iyo xoogaggii uu hoggaaminaayay Sucuud. Sannadkii 1891-dii waxay qolodii al-Rashiid ka adkaatay xooggii Sucuud iyo is-bahaysigiisii, waxayna u qaxiyeen dalka hadda la yiraahdo Kuwayd.
Sannadihii 1914-kii ilaa 1918-kii waxaa soconaayay Dagaalkii Weynihii Kowaad ee Adduunka, waxayna xoogaggii Ingiriiska iyo Faransiisku dagaal ba’an ku la jireen Khilaafaddii Islaamka ee Cusmaaniyiinta. Haddaba, xoogaggaas oo adeegsanaayay sarkaal Ingiriisa oo la oran jiray Lawrence of Arabia, waxay bilaabeen dhagar ay isga horkeenayeen Dawladdii Islaamka iyo dadyowgii carbeed. Maadaama barta muslimiintu wada xurmayso ay ahayd Maka, waxay dhagartii ka bilaabeen xaruntaas iyo Asharaaftii maamuli jirtay meelahaas oo uu markaas hoggaaminaayay Shariif Xuseen bin Cali oo Maka fadhigiisu ahaa. Waxaa carab laga dhaadhiciyay inay ka xoraabaan Turkiga oo muddo dheer u talinaayay, samaystaanna hal boqor oo carabiya oo dhan u taliya. Arrintaas carabi waa u guuxday, waxaana la abaabulay ciidammo badan oo hubaysan oo la dagaallama Cusmaaniyiintii. Dhaqdhaqaas waxaa loo yaqaan Kacdoonkii carabta (Arab Revolt). Kacdoonkaasi wuxuu qeyb weyn ku yeeshay jabintii awooddii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta, waxaana nasiib-darro carbeed noqotay dawladiihii reer Yurub ka ma dhabayn ballantii ahayd in carab xorowdo oo hal boqor yeelato, balse waxaa laga dhigay dawlado yaryar oo la wada gumeysto.
Sannadkii 1902-dii buu Cabdilcasiis bin Sucuud ka soo noqday Kuweyd, wuxuuna dagaallo hor leh la galay al-Rashiid, wuxuuna qabsaday Riyaad. Wuxuu sii waday ololahii ilaa uu ka aasaaso 1932-dii Boqortayada Sucuudi Caraabiya ee maanta. Cududdii uu dalka ku qabsaday waxay ahayd xoogaggii Wahaabiyiinta ee ay ka la hoggaaminaayeen Suldaan Bin Baajad al-Cutaybi iyo Faysal al-Duweysh.
Markii hore xoogaggii Sucuudigu way ka gaabsadeen Maka oo uu markaas boqor ka ahaa Shariif Xuseen bin Cali, laakiin Ingiriiskaa sannadkii 1923-kii taageeridii ka la noqday Boqorkii Maka, markii dambana waa lagu duulay Maka iyo boqorkeedii, duullaankaas oo aad u xoogganaa waxaa hoggaaminaayay Khaalid Bin Lu’ay iyo Suldaan Bin Bajaad, wuxuuna colkaasi guulaystay sannadkii 1925-kii. Sannadkii 1927-kii wuxuu Cabdilcasiis is ku magacaabay Boqorkii Xijaas iyo Najad, wuxuuna ka koray jagadii hore ee suldaannimada.
Markii xoogaggii is bahaysatay ku guuleysteen qabsashadii dhulalkii oo ay ku jirtay Makadii la dhowri jiray, waxay damceen xoogaggii Wahaabiyiintu inay sii wadaan ololahadii qabsiga dhulalka Carbeed gaar ahaan, Ciraaq iyo Kuweyd, waxaase ka horyimid Boqor Cabdilcasiis oo ka yaabay in arrintaas uu Ingiriisku ka caroodo. Markaas kadib waxaa dhacday goobtii dagaal ee Sabiilla, halkaas oo si xun loogu jabiyay Wahaabiyiintii.
Sida aan ka garan karno, taariikhdaas kooban ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya waxaa lagu dhisay daadinta dhiiggii muslimiintii ku noolaa Jasiiradda Carabta iyo gaashaanbuursi ay mar walba la lahaayeen xoogaggii duullaanka ku ahaa ummadda islaamka.
Qorshe kasta oo ka soo fula taliskaas, ha ahaado mid siyaasi ama diiniye wuxuu ku salaysan yahay cabburinta ama baabi’inta xoogagga muslimka, waxayna u la jeedaan in qoyskaas awoodda ku haysta dhulkaas dhawrsan ay khatartiisu kaliya ka imaan karto dadka muslimka . Sidaas darteed, waxay mar walba uga kalsoon yihiin dawladaha iyo bulshooyinka muslimka kuwa aan muslimka ahayn.
Maalmahaan, waxaan aragnaa is-bahaysi ay hoggaaminayso Boqortooyada Sucuudiga oo kadhan ah dalka Qatar. Cunaqabaynta dalkaas yar iyo ceejinta tahan-dhaafka, waa dhaqan soojireena, waayo waxay ugu badisaa baabi’inta dadka muslimka.
Soomaaliya: waxay madaxda Soomaaliyeed khilaafka oogan ee uu Sucuudigu abuuray ka istaageen dhinac dhexdhexaada. Go’aankaasi waa midka ugu fiican ee qof damiir leh uu qaadan karo. Hase yeeshee, marka aad ummad hoggaaminayso go’aanka aad qaadanayso waa inuu ku salaysan yahay ka-fiirsasho qoto-dheer, waana in aad tixgelisaa danta guud ee ummadda aad hoggaaminayso. Waa inaad si fiican uga baaraan-degtaa dhibabka uu go’aankaagu u keeni karo dadka aad madaxda u tahay iyo faa’iidooyinka uu keeni karo.
Labada dal ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xaqdarro isku bahaystay waxay maanta karaan inay waxyeello baaxad leh u geystaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, horana waa ugu geysteen. Waxaan hubaa inaysan ka gabbanayn tirtiridda magaca Soomaaliyeed oo dhan, hadday dan ka arkaan. Haddaba, waxaa la gudboon madaxda Soomaaliyeed inay muslim-qalatadaas bahalnimadooda ka gaashaantaan, hadday si kale waayaanna iyaga raalli geliyaan, illeen waa tii hore loo yiri: “dantaada maqaar eyna, waa loogu seexdaa”.       

Thursday, April 20, 2017

Waxtarka Dhirta


Evapotranspiration is the sum of evaporation from the land surface plus transpiration from plants.<br>Credit: Salinity Management Guide
Precipitation = Hooritaan
Transpiration = Dhididid
Evaporation = Uumiyow





Sababaha laga maarmaanka ka dhigaya in dhirta la dhawro, waxaa kamida:
Dhirtu waxay la dirirtaa isbeddelka cimilada
Nooluhu wuxuu mar walba u baahan yahay neefta Oksijiinka (Oxygen) oo uu hawada ka soo jiido, wuxuuna sii daayaa neefta CO2 (Carbon Dioxide) oo ah dhuxul (carbon) iyo labo qurub oo Oksijiina oo is ku dhafan. Haddii neeftaan CO2 ku badato hawada, jawigu waa kululaanayaa noloshuna way adkaanaysaa, haddaba waa awood Eebbee, waxaa soo gurmata dhirta oo inta nuugta CO2-gii, ka la saarta labada curiye, markaas kadib dhuxushii kayd ka dhigta una haysa tamar ahaan, Oksijiinkiina hawada ku sii daysa. Waxaa la yiri, waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay nuugto CO2-ga uu sii daayo gaarigaaga oo socday 26,000 mayl.

Dhirtu waxay kordhisaa hooritaanka roobka

In kastoo aan isha lagu arki karin biyaha ay caleemaha dhirtu siiddaayaan iyagoo uumi ah, haddana waxaa dhab ah, in dhirtu door ku leedahay biyayowga isu roga uumiga oo marka dambe noqda roob ku da'a dhulka. Sida la og yahay roobka waxaa sababa biyaha ka uumiyooba biyaha badaha, wabiyada, balliyada iwm oo marka ay cirka sare aadaan ciiryaamo noqda, kadibna noqda daruur ka cukan biyo, sidaasna marka dambe ku noqda roob ku hoora dhulka. Sidaas darteed, dhirtu waxay kamid tahay dhinacyada sababa roobka, waayo biyihii ka uumiyoobay caleenta geedkaa kamid noqota roobka. Waxaa la yiri, tusaale ahaan, hal hektar oo galley ah wuxuu sababaa 3,000 ilaa 4,000 gaalloon oo biyo uumi isu rogay ah. 

Dhirtu waxay nadiifisaa hawada

Dhirtu waxay hawada ka nuugtaa waxyaalaha uraaya iyo neefaha wax qurmiya (nitrogen oxides, ammonia, sulfur dioxide iyo ozone) waxayna sii shaandhaysa hawada iyadoo qashinka bidaaya ku xannibta caleenteeda iyo jirridkeeda.
Dhirtu waxay soo saartaa oksijiin
Hal sano gudihiis waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay 18 qof oksijiin siiso.
Dhirtu waxay ka hortagtaa wasakhowga biyaha
Dhirtu waxay yareysaa gawaan-raaca biyaha iyadoo firdhinaysa, kadibna biyuhu waxay u qulqulaan dhanka hoose ee jirridka geedaha. Salka geedku wuxuu shaandheeyaa biyihii roobka, waxayna biyihii oo nadiifa ku darmaan biyaha fadhiya dhulka hoostiisa. Sidaas darteed, dhirtu waxay biyaha roobka ka nadiifisaa wasakhda si aysan waxyeello ugu geysan noolaha bad iyo birriba ku nool.
Dhirtu waxay ka hortagtaa nabaadguurka ciidda
Meelaha buuraha geesahooda ama hoobadyada dalcadaha, waxay dhirtu yareysaa butaaca biyaha qulqulaaya si aan ciidda carrosanka ahi u raacin biyihii butaacaayay, waxayna dhirtu ku nageysaa ciiddii nafaqada lahayd meelaheedii.
Dhirtu waxaa looga gaashaantaa fallaaraha qorraxada ee waxdhimaalka leh
Fallaaraha qorraxda ee UV-B waxay 50% keeni karaan kaankaraha maqaarka.  Hooska dhirtaa dadka gaashaan u noqda ka difaaca fallaarahaas waxyeellada leh.
Dhirta waxaa laga helaa cunno
Waa la wada og yahay in dhirtu dheefiso noolaha oo idil dad iyo duunyaba. Tusaale, shinbiruhu waxay ku dul nool yihiin miraha dhirta, dhirtaas dusheedana gabbaad buu u yahay.
Dhirtu way fayoobaysaa
Cilmibaari baa lagu ogaaday in bukaanka u jeedaa dhirtu uu si dhokhso ah u fayoobaado, dhibabka jirradiisa la xiriirana yaraadaan. Carruurta qabta ADHD waxay muujiyaan in yar oo astaamihii xanuunka marka ay arki karaan dhirta doogga leh. Daawashada dhirta iyo dabeecaddu waxay yareysaa daalka maskaxda.

Dhirtu waxay yareysaa dagaalka

Waxaa la ogaaday xaafadaha ama tuulooyinka leh dhirtu inuu ku yar yahay dagaalku marka loo eego kuwa ka qaawan dhirta. Sidaas darteed, dhirtu waxay yareysaa cabsida iyo dirirta.
Dhirtu waxay dallaalimaysaa noolah duurjoogta
Dhirtu waxay harisaa noolaha duurka ku nool sida xasharaadka, xammaaratada iyo shinbiraha.
Dhirta waxaa laga helaa qoryo iyo alwaax
Dhirta waxaa laga helaa qoryaha la shito ama wax lagu karsado iyo alwaaxda wax lagu dhisto ama wax kale laga sameeyo.

Dhirtu waxay kordhisaa qiimaha dagalka

Marka guriga ama xaafadda amaba jidadka agagaarka dhir lagu abuuro, dagalkaasi waa ka qiimo badan yahay 15% meelaha la midka ee ka maran dhirta.

Dhirtu waxay kordhisaa ganacsiga

Waxaa cilmibaaris lagu ogaaday in dukaammada iyo goobaha kale ganacsiga loogu talagalay ee dhiraysan ay ka macaamiil badan yihiin kuwa la midka ee dhirta ka qaawan.




Tuesday, March 28, 2017

Abaaraan Baaqanayn iyo Beekhaamin-La’aan Joogta




Abaaraha ka dhaca Soomaaliya waa kuwo soo rogaalceliya ama soo noqnoqda. Waxaa wali jabaqahoodii sii yeerayaan abaarihii waaweynaa ee geyiga Soomaalida ka dhacay sida; Xaaraamo-Cuna (1913), Haarriya, Gaadda-Weyna, Ruuga, Harga-Cuna, Mug-Weyn, Baastaaley iyo Dabadheer (1973). Xilligaan la joogo waxaa ka jira dhammaan dagallada Soomaalidu degto abaar ba’an oo meesiyadii la dhaqan jiray baabi’isay, sidaas darteedna, dadkii ku tiirsanaa xoolaha gayeysiiyay diihaalka oonkiyo gaajada.
In kastoo abaaruhu hubaashii yihiin kuwo aan baaqanayn ee soo noqnoqoda, haddana maamullada iyo daweynihu ka ma gaashaantaan dhibabkooda ama xitaa wax uun dadaala ama kutalagala la ma sameeyo. Sidaasi waxay keentay in markii abaari soo barraahsataba qeylodhaantu wildhato oo dibad iyo gudana loo tebiyo. Waxay noqatay bulshadii Soomaaliyeed mid mar walba u baahan in dibadaha looga soo gurmado oo gargaar joogta u baahan. In kastoo baaxadda abaarihii la soo darsay ummadda Soomaaliyeed, dhab ahaantii keeneen baahi aysan isaga filnaan karin, haddana waxaa dhab ah, inaysan is la ummaddu lahayn dadaallo iyo tabo looga gol leeyahay iska-samatabixinta abaaraha iyo u-tooghayntooda. Waxyaalaha la samayn kara waxaa kamida:
1-    Beekhaaminta Dhulka:
·       Joojinta jaridda dhirta si uusan dhulku u xaalufin (deforestation). Sababta ugu weyn ee dhirtaa loo jaraa waa dhuxusha, haddaba, haddaan marka hore la helin beddalkii dhuxusha ama tamarta dhuxusha laga helo, suurtogal maahan in hadal dhirtu ku badbaaddo, iyadoo waliba baahida tamartu sii kordhayso maadaamo dadku badanaayo. Waxaa dhuxusha la shito beddali kara digada ama saalada xoolaha oo haddii loo hawlgalo si dhoqso ah dhuxusha looga maarmi karo.

·       Nasinta dhulka (range restoration); waxaa dhacda in xooluhu hadba dhinac u guuraan oo dhulka ka dhigaan miday daaqaan iyo miday qoobka mariyaan, sidaasna dhulkii ku noqdo mid si tahan dhaafa loo daaqo (overgrazing) iyo mid qoobka ku waxyeelloba. Arrintaan waxaa wax looga qaban karaa dhul -daaqsidmeedka oo la maamulo oo siday mar ahaan jirtay la sameeyo xirmooyin daaqa ka caaggan xilliga roobka.

·       Nabaad-guurka ciidda (soil erosion); markii ay xoogaystaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa dhacaya nabaadguur, haddii aan wax laga beddelin sida wax u socdaanna waxaa hubaala in dhulku isu rogi doona lama-degaan (desert).

2-    Beekhaaminta Biyaha:
·       Biyaha roobka waa in la kaydshaa (rainwater harvesting). Waa in la helo siyaalo  jaban oo biyo badan loo kaydin karo, waxaana tusaale ahaan, la sameyn karaa meelaha godan oo biyuhu ku aruuraan ama balliyada oo loo hubeeyo si aysan biyuhu uga gudbin ama dhulku u liqin.

·       Biyayowga togagga oo aad u badan aadna u khasaara waa in loo sameeyaa biyoxireenno badan. Waxaa kamida biyoxireennada la samayn karo (subsurface dams); ceelal laga dhex qodo togagga inta ay qallalan yihiin, kuwaas oo markii togaggu guraan loo baxsado biyahooda.

·       Dhulka aad loo jaray dhirta, marka roobku da’o waxay biyaha rogmanayaa nabaadguurshaan ciiddii. Si uusan dhulkaasi u noqon gabiib maran oo aan waxtar lahayn waa in la helo qaab lagu badbaadinaayo nafaqada ciidda, sida xannibyo loo sameeyo ciidda guurguuraysa.

·       Biyaha ceelasha dhaadheer sida kuwa riigagga/matoorradu aalaa waa qaali. Waxaa habboon in la helo qaab jaban oo biyaha dhulka ku jira bannaanka loo keeni karo.

3-    Calafka Xoolaha:
Waxaa doqonnimo weyn ah in meesiyada la dhaqdo oo nolosha dadka miyi iyo magaalaba ku tiirsan tahay dheeftooda lagu halleeyo xilliyada roobka oo marar badan yaraada amaba la waayaba. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in xoolaha loo abuuro calaf oo waliba si aada loo beero calafyada xoolaha. Waxaa degaannada Soomaalidu leeyihiin cawsas nafaqo wanaagsan leh oo haddii la beero ama la xannaaneeyo ku filnaan kara dheefinta xoolaha. Waxaa ka loo jira calafyo dalal kala ka baxa oo Soomaaliyana lagu abuuri karo, sida cawska caanka ee Suudaan (Sudan grass). Waa in la helaa ganacsato badan oo ku hawlan beerista calafyada xoolah iyo hey’do dawladeed oo ku foogan meelmarinta barnaamijyada calafka xoolaha.

4-    Isu-Dheellitirka Tirada Xoolaha Qoysku Dhaqdo iyo Awooddiisa Dhaqasho:
Waxaa aad loo og yahay raacatada Soomaalida in qaarkeed yeelato xoolo tiro badan, sida tirooyin aryo ah, fadhiyo lo’a iyo kadimo geela, haddana is la qoysaskaas waxay noqdaan kuwo aan dhaqaalo ahaan isku filnayn. Xilliyada roob-la’aantana qoysaskaasi aad bay xoolaha ugu dhibtoodaan.

Haddaba, haddii xoolaha nacfiga laga helaa dabooli waayo baahida qoyska iyo kharashyada is la xooluhu keenaan, badnaantooduna hawkar badan tahay sow sidaas ka ma roona, dhaqashada xoolo kooban oo dheef fiican leh oo kharashkooduna yar yahay?

5-    Kaalinta Maamul-Dawladeedka:
In kastoo Dalka Soomaaliya yahay dal si weyn ugu tiirsan xoolaha la dhaqdo, haddana arrintaas la ma siin culayskay lahayd. Waxay ahayd in tusaale ahaan, wasaaradda ugu dhaqaale badan noqoto wasaaradda horumarinta miyiga, laakiin waxaa laga dhigay midda ugu liidata, wasiirkii loo magacaabana waxaa loo arkay mid meel cidla’ lagu tuuray.  
Gabagabo:
Oraah caana ayaa waxay ahayd; “daaweynta waxaa ka roon kahortagga.”  Waa is la siidiiye, marka la tixraaco sooyaalka cimilada geyiga Soomaalida waa hubaal in xilli abaarihi soo beegan yahay gooray ahaataba. In marka abaartu timaaddo la balwo ama la argagaxo waxaa ka roon in laga tabaabusheysto.
Waxaa dhab ah, in cimiladii adduunyadu is beddeshay, sidaas darteedna ay habboon tahay in isbeddelka cimilada lala falgalo. Hadday waa ahaan jirtay in, inta la guuro lagu furo ruuman cosob leh, sidaasna daaqsato lagu ahaado, arrimihii waa is beddeleen.
Waxaa ka loo dhab ah, in tirada dadka adduunku si xawli ah u kordhayso, sidaas darteedna baahida dhul wax laga soo saaro maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayso. Arrintaan dambe awgeed, waa in qoyska guuraa noqdo deggane yeesha qeyb dhulka kamida xoolihiisana u beera calaf ama dheeftay ku noolaan lahaayeen.  

Thursday, March 9, 2017

Dawlad iyo Xukuumad



Dawlad (state): waa eray Afka Carabiga ka soo jeeda, waxaana Afka Soomaaliga lagu oran karaa; dal. Dawlad ama dal waa dhul weyn ama yar oo leh seere la aqoonsan yahay, calan, madaxbannaani kooban ama buuxda iyo dad deggan dhulkaas. Waxaa dhici karta in dalku ka koobmo dalal ama dawlado ku midoobay hal hab sida kan fedaraalka, markaasna dalalku waxay yeelanayaan madaxbannaani kooban. Dalalka haysta madaxbannaani dhammaysa waxaa loogu yeeraa: “sovereign states”.
Waxaa jira aragtiyo ka la duwan oo ku soo saabsan qeexitaanka dawlad/dal (state), waxaana kamida:
1-   26-kii bishii 12-aad, 1933-dii waxaa shirweyne lagu qabtay magaalada Montevideo ee Dalka Uruguay, kaas oo loo baxshay; Shirweynihii Montevideo ee Xuquuqaha iyo Waajibaadyada Dawladaha. Waxaa shirweynahaas la is la gartay in xeer caalami ahaan, loo baaahan yahay in dawladdu leedahay: dadweyne joogta, dhul qeexan, talis (xukuumad) iyo awood ay dawladaha kale heeshiisyo ku la gali karto.

2-   Aragtidii Max Weber: urur siyaasadeed ku qasban hoosjoogidda talis awooda inuu si sharciya xoog ugu dhex adeegsado dhul la yaqaan.    
In kastoo marar badan loo adeegsado erayga dawlad halkii xukuumadda, haddana mucda laba eray waa ka la duwan yihiin
Xukuumad (government): in kastoo dad badan markay Afka Soomaaliga ku hadlayaan ama qorayaan eraygaas Carabiga adeegsadaan, haddana waxaa  eraygaas Afka Hooyo lagu oran karaa; talis ama maamul. Talis/maamul waa agaasinka arrimaha dawladda ama dalka, bulsho meel joogta iwm. Marka laga hadlaayo agaasinka ama maaraynta dawladda waxaa maamulku ka koobmaa seddex laamood; xeerdejin (legislation), fulin (executive) iyo garsoor (judiciary). Marka si kale loo yiraahdo xukuumaddu waa awoodda dawladda ama dalka siyaasadaha u dhigan meelmarisa waana awoodda samaysa siyaasadahaas laftooda.
Laanta xeerdejintu waa golaha xildhibaannada e, iyagaa dejiya xeerarka dalka lagu dhaqaayo ama ansaxiya. Laanta fulintuna way meelmarisaa iyadoo adeegsanayasa hab kasta oo lagu fulinaayo hab-dhaqameedyadaas. Laanta garsoorku waa tan isha ku haysa hawlaha labada qeybood oo kore, waana tan ka dhawrta xeerarka jawrfallada, is la markaasna hubisa inaan sharciga dalka madax iyo minjo dhinacna ka weynaan.
Maamulka dawladdu ama dalku waa xubno dadweynaha dalka kamida oo loo xilsaaray inay agaasimaan arrimaha dawladda, waxaana shaqaysiiyay is la dadweynaha dalka.
Marka si kale loo yiraahdo; haddii qoys meel deggan oo hanti fiican haysta uu u baahdo shaqaale wuu qortaa shaqaalahaas, markuu doonana shaqada wuu ka eryaa, sida marka shaqaaluhu dayaco hawshii loo idmaday ama uu xado. Haddaba dadweynuhu iyagaa qorta shaqaalihii u adeegi lahaa, hadday xadaan ama dayacaan hawshana wuu eryayaa.  

Friday, February 17, 2017

Gedaha Cusub ee Geeska Afrika

Related image

8-dii Bishaan 2-aad ee sannadkaan 2017 waxaa ka dhacay Soomaaliya, waxaan la filayn. Soomaaliya, waxaa doorashadii m/weynaha isu soo taagay in ka badan 20 musharrax oo intooda badan ku talagaleen adeegsiga lacago farabadan oo ay ku laaluushaan xildhibaannadii labada aqal ee m/weynaha
dooranaayay.

Tusaale ahaan, m/weynihii dalka Md. Xasan Sh. Max’uud wuxuu mar hore bilaabay olole uu ku soo saarayo xildhibaanno isaga taageera oo ku soo biira 2-da aqal, waxaana si weyn loo la socday doorashooyinkii musuqmaasuqa qaawan ahaa ee ka dhacay D/goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Wuxuu ka loo u hawlgalay inuu taageero ka helo dawladda Itoobiya oo si daran u faanbinaysay arrimaha Soomaaliya, waxaana la leeyahay wuxuu xaalku ka gaaray inuu siiyo $3,000, 000 sirdoonka Itoobiya si ay u garab-istaagaan doorashadiisa. Waxaa ka loo la hawlgalay madaxdii dawlad goboleedyada oo ku dhiirraday inay si muuqata u la saftaan m/weynihii guuldarraystay.
Labaataneeyadii musharrax, waxaa kamid ahaa nin aan ku talagalin laaluush uu bixiyo iyo shisheeye uu adeegsado, balse ku talagalay taageerada dadweynaha Soomaaliyeed oo xubnihii xildhibaannada oo meesha fadhiyay matalayeen iyo fikradihiisa waddaniga oo kaliya. Ninkaasi waa Max’d Cabdullaahi Max’d (Farmaajo). Loollankii codadkii xubnihii barlamaanka waxay guushii ku raacday, haldoorkii isku kalsoonaa. Waxaa ku xigay damaashaad wada saabtay dagallada Soomaalida oo idil.
Waxaa lagu masayn karaa arrintaas; adoo ku guuraynaayay gudcur oo la ildarnaa mugdi aan wax la arkayn iyo dhul qodax iyo qaniin badan oo si kadisa kaah lama-filaanihi dhulkii kuu wada iftiinshay.
Dhanka kale, bogaadintii iyo raynrayntii uu la sarakacay shacabka Soomaaliyeed meeluu joogaba waxay muujinaysaa ifafaalo wanaagsan iyo hididdiilo uu muuqatay dadkaan silica saxariirta ka dhargay. Waxaa ka loo muuqda in dadweynaha Soomaaliyeed go'aansaday inuu ka guuro hab-dhaqankii siyaasadeed ee qolada ku salaysnaa ee lagu habsaamiyay. Waxaa muuqata in dadweynuhu fahmay shirqoollada loo maleegayo iyo cadawga dalkooda ka dhex adeeganaya. Waxaa muuqatay in shacabku rabo hoggaan mideeya, maamul hufan iyo waxqabad dhaba. Wuxuu shacabku gartay inuusan waxtar u lahayn madax reer hebela oo abtirsiinyo lagu doorto.   
Si kastaba ha ahaatee, waxaa siyaasadaha Soomaaliya ee maanta aan ku masaynaynnaa doon ku gooshaysa badweyn kacsan oo hirarku is dharbaaxayaan. Si kasta oo ay maraabayso ama lulumayso, doonidaasi waa inay majaraheeda ku sugnaato si ay gaarto halkay higsanaysay. Waxaa u suurtogalin kara sidaas naakhuude maahira oo u geyllama siduu nabdoonaan ugu maaxin lahaa doonta oo uu u gaarsiin lahaa hiraalkeedii iyo badmaax hawlkara, daacada oo wada bad-dhaariya.


Thursday, February 2, 2017

QARAN IYO QARANNIMO


Qaran (nation): waa dadweyne wadaaga taariikh, dhaqan, iyo af mida oo deggan dhul ama dal. Marka la yiraahdo Qaranka Soomaaliyeed, maahan macnuhu taliska dalka ama dawladda ee macnuhu waa shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis, ha ku noolaado Jumhuuriyadda ama ha ku noolaado qeybaha kale ee dalalka kalee. Waxaa mudan in la xuso, Qaranka Soomaaliyeed waa Dadweynaha Soomaaliyeede, wax kasta oo astaan gaara u ah qaran wuu leeyahay, seerayaalna ma ka la laha degaanadiisu, waxaase lagu ka la qoqobay xeyndaabyo siyaasadeed oo lagu sandulleeyay, kuwaas oo noqday saldhigga dhibabka faraha badan ee haysta ummadda.  Marka la leeyahay, hanti-qaran waxaa loo la jeedaa, wax kasta oo abuurriina oo deegaannada Soomaalida laga helo sida, dhirta, biyaha, ciidda, hawada, iwm iyo wax kasta oo samaysa oo laga dhex yagleelay dhulalka Soomaalida sida, dhaqaalaha guud (mood iyo nool), jidadka, kaabadaha, dekedaha, garoommada, iyo dhisme kasta oo danguud lagu fuliyo (dugsi, isbitaal, bukaansocod, iwm).
Waxaa ka loo hanti-qarana wax kasta oo lagu soo hibeeyo magaca ummadda Soomaaliyeed sida, deeqaha iyo hadiyadaha madaxda Soomaaliyeed la siiyo. Qofka madaxda waxa la siiyo loo ma siin hebel baad tahaye, waxaa loo siiyay madax Soomaaliyeed baad tahay.
Qaran-dumis waa qofka waxyeello u geysta dhidibbada uu qaranku ku taagan yahay iyo qeybaha uu ka koobmo. Waxaa aad u badan qarandumisayada Soomaaliya, waxayna kuwa maanta joogaa si aan gabbasho lahayn u caddeysteen, waxay yihiin. Sidaan ku barannay taariikhda fog iyo tan dhawba, waxaa halbeeg u ah qaran-dumiska Soomaaliyeed oo lagu garan og yahay, garabsiga cadawga kowaad ee qaranka, waa Xabashida (Abyssinia) e. Bal eega kuwa qoslaaya oo ku faraxsan garabsiga nacabka Soomaaliyeed oo dullinimadu dushooda ahaatay!
Qarannimo (nationalism): siyaalo ka la duwan baa lagu macnayn karaa. Waxaa la oran karaa waa jeclaanta in xubnaha qarankaagu midoobaan si aysan u noqon kuwo taagdaran. In hiddaha, dhaqanka iyo afka qarankaaga ay noqdaan kuwo dhawrsan oo ka badbaada baaba’ ama doorin. Waxaa la oran karaa waa u-hawlgalka in qarankaagu is maamulo oo uu madaxbannaanaado. Waa ka-ilaalinta qarankaaga cadawgiisa dibadaha uga soo duulaya iyo kan gudaha dalka ka hawgala oo waxyeellaynta qaranka ka shaqaynaaya.  
Qaran-yahan (nationalist): waa qofka u hawlgala kobcinta ama horumarinta qaranka oo danta guud ka horumariya tiisa gaarka. Waa qofka dadaalkiisu gaaro in uu u hibeeyo naftiisa oo qudhaba u gooyo waxtarka qarankiisa. Waa qofka daryeela qeybaha ka la duwan ee qaranka isagoon ka la soocin ama ka la jeclaysan.   

In qof ama urur ku shaqeeyo qorshaha waxdhimaalka badan ee cadawga qarankiisa sida, kushaqeynta siyaasadaha dhagartu ku duugan tahay ee uu cadawgu maleegaayo ama in hubkiisa la soo qaato oo lagu soo duulo qaranka, ma qaran-dumisnimo ama khiyaano-qaran oo ka weyn baa Jiri karta?   

 

Wednesday, January 11, 2017

Dammul Jadiidka Soomaaliya Maxaa Looga Jeedaa?



Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay daris la ahaato dal ay mar walba hoggaanshaan xoogag rumaysan inay xaq u leeyihiin inay gumeystaan dadyowga dariska la ah. Xoogaggaasi waa Xabashida (Abyssinians) oo dhaqan ka dhigtay inay xoog ku muquuniyaan ummadaha ku nool Geeska Afrika.
Si ay quudiyaan ciidammadii tirada badnaa ee ay ummadaha ku qabsanayeen, waxay sharci ka dhigteen inay ciidammadoodu boobaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada wixii ka horreeyay 1907-dii. Tusaale, markay soo galeen Jigjiga 1897-dii waxay dadkii Soomaali Galbeed ka boobeen boqollaal kadin oo geela, boqollaad fadhi oo lo’ ah iyo aryo diigaanya. Waayahaas waxaa si adag u la dagaallamay dh/dhaqaaqii Daraawiishta.
Xoogaggii reer Yurub ee qeybsaday degaannada Soomaalida, dhibabkay keeneen waxaa weheliyay xoogaa ilbaxnima oo laga korarsaday sida teknoloojiyada casriga, hase yeeshee, Xabashida oo ahayd gumeyste madow oo barbar socday saancaddaha, wax laga kororsaday oo aan ka ahayn dhib iyo dhaqan-xumo ma jirin. Gumeystayaashii reer Yurub markay ka guureen dhulalka Soomaalida waxay sii ka la qeybsheen dhulalkii Soomaalida, waxayna 1948-dii siiyeen Xabashida dhulkii Hawd, 1954-tiina waxay ugu dareen dhulkii ay u la baxeen “Reserved Area” ama Dhulkii Keydka ahaa. Markii dhulalkii hambada ahaa ee ay u la baxeen “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” xornimadooda la ballanqaaday, waxay Xabashida oo uu hoggaaminaayay boqor Xaysle Salaase ku dadaashay kuna doodday inaan xornimo la siin Soomaalida, ayna kamid tahay Dhulweynaha Itoobiya. Sidaas darteed, hanka Xabashidu mar walba wuxuu ahaa inay Soomaalida liqdo bad iyo birriba.
Dadka Soomaaliyeed waxay loollan adag ka horgeeyeen gumeystaha madow ee garaadka yar, ila maantana u ma hoggaansamin taladiisa. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed si durugsan u aamminay inaan dalcadaha saree Itoobiya shar mooyee kheyr ka soo hooban, waxaana caddeyn u noqotay xumo mooyee samo-la’aanta ay yaahuudaas ka la kulmeen.
Mar kasta oo uu shacabka Soomaaliyeed iska caabbiyo hororkaas, waxaa joogto noqotay in xoogagga masiixiga ee galbeedka iyo kuwo bariguba u soo hiilliyaan gumeystahaas gardarrada badan, ilaa ay xaalka gaarsiiyaan in la burburiyo dawladnimadii Soomaaliyeed iyo in cadawgii soojireenka ahaa loo gacangeliyo agaasinka arrimihii Soomaaliyeed ee la murgiyay.
Tan iyo waagii xabashidu bilawday ololayaashii kadhanka ahaa danaha ummadda Soomaaliyeed, waxay ku shaqeysanaysay oo hawlgelinaysay kooxo Soomaaliya oo ay hub iyo taageero kalaba la garabjoogtay, si kuwaasi dalkii ay u dhasheen qalalaase u geliyaan, waxaana tusaale fiican u ah jabhadihii hubeysnaa ee Soomaaliya haadanta ay ku hoobatay ku harbiyay.
Dhanka kale, tan iyo waagii ay Soomaali ku hammiday inay yeelato dawlad qarameed, wuxuu hankeedu ahaa in la helo dawlad qarameed dhammaystiran, ujeedkuna wuxuu ahaa in la helo Soomaali Weyn oo ku midaysan hal talis iyo hal calan. Hankaan Soomaalidu ku dhegganayd wuxuu qaraw iyo argagax ku riday Xabashida. Sidaas darteed, waxay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay sidii laabta Soomaalida looga tirtiri lahaa hammigaas.
Waayahaan dambe, waxaan aragnaa kooxo la baxay magacyo silloon sida Dammul Jadiid. Magacaan waxaa ku hoos qarsoon ujeeddo ah, baabi’inta hankii weynaa ee Soomaali Weyn. Waxaa la abaabulayaa dhallinyaro xula oo la rabo inay talada dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha la wareegaan, sidaasna ku noqdaan awoodda dalka hoggaaminaysa. Kooxahaasi waxay ka maran yihiin waddaniyaddii Soomaalida iyo hankeedii weynaa oo ahaa qodob mideynaaya. Marka si kale loo dhigo, waa aalad cusub oo gumeystaha madow iyo kaaliyaashiisu soo hindiseen. Astaamaha kooxahaan aaladda u ah nacabka Soomaaliyeed, waxaa kamida, boobka hanti qarameedka dalka, qaarajinta hal-doorka waddaniga, waxqabad-la’aan aada, ka-marnaanta hal-kudhigyada waddaniga, ku-hadaaqa erayo dan u ah cadawga Soomaaliyeed, dhaleecaynta halgankii iyo halyeyadii Soomaaliyeed, aadista iyo ku-noqnoqoshada xarunta cadawga iyo iwm.
Sidaas darteed, magacaan la maldahayo waa mid loogu adeegayo gumeystaha madow iyo jaalkiisa, waxaana oran lahaa markii magacaas la qaawiyo wuxuu noqon karaa: Dammul Faasid loogu talagalay inuu halakeeyo ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaa dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka la gudboon inaysan ku dagmin kooxahaas leh hummaagga Soomaaliyeed, hase yeeshee ku hilan fikradaha gumeystaha manaxaanka. Waa in loo hawlgalaa sidii dalka looga badbaadin lahaa balaayadaas la soo abaabulay.