Friday, February 17, 2017

Gedaha Cusub ee Geeska Afrika

Related image

8-dii Bishaan 2-aad ee sannadkaan 2017 waxaa ka dhacay Soomaaliya, waxaan la filayn. Soomaaliya, waxaa doorashadii m/weynaha isu soo taagay in ka badan 20 musharrax oo intooda badan ku talagaleen adeegsiga lacago farabadan oo ay ku laaluushaan xildhibaannadii labada aqal ee m/weynaha
dooranaayay.

Tusaale ahaan, m/weynihii dalka Md. Xasan Sh. Max’uud wuxuu mar hore bilaabay olole uu ku soo saarayo xildhibaanno isaga taageera oo ku soo biira 2-da aqal, waxaana si weyn loo la socday doorashooyinkii musuqmaasuqa qaawan ahaa ee ka dhacay D/goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Wuxuu ka loo u hawlgalay inuu taageero ka helo dawladda Itoobiya oo si daran u faanbinaysay arrimaha Soomaaliya, waxaana la leeyahay wuxuu xaalku ka gaaray inuu siiyo $3,000, 000 sirdoonka Itoobiya si ay u garab-istaagaan doorashadiisa. Waxaa ka loo la hawlgalay madaxdii dawlad goboleedyada oo ku dhiirraday inay si muuqata u la saftaan m/weynihii guuldarraystay.
Labaataneeyadii musharrax, waxaa kamid ahaa nin aan ku talagalin laaluush uu bixiyo iyo shisheeye uu adeegsado, balse ku talagalay taageerada dadweynaha Soomaaliyeed oo xubnihii xildhibaannada oo meesha fadhiyay matalayeen iyo fikradihiisa waddaniga oo kaliya. Ninkaasi waa Max’d Cabdullaahi Max’d (Farmaajo). Loollankii codadkii xubnihii barlamaanka waxay guushii ku raacday, haldoorkii isku kalsoonaa. Waxaa ku xigay damaashaad wada saabtay dagallada Soomaalida oo idil.
Waxaa lagu masayn karaa arrintaas; adoo ku guuraynaayay gudcur oo la ildarnaa mugdi aan wax la arkayn iyo dhul qodax iyo qaniin badan oo si kadisa kaah lama-filaanihi dhulkii kuu wada iftiinshay.
Dhanka kale, bogaadintii iyo raynrayntii uu la sarakacay shacabka Soomaaliyeed meeluu joogaba waxay muujinaysaa ifafaalo wanaagsan iyo hididdiilo uu muuqatay dadkaan silica saxariirta ka dhargay. Waxaa ka loo muuqda in dadweynaha Soomaaliyeed go'aansaday inuu ka guuro hab-dhaqankii siyaasadeed ee qolada ku salaysnaa ee lagu habsaamiyay. Waxaa muuqata in dadweynuhu fahmay shirqoollada loo maleegayo iyo cadawga dalkooda ka dhex adeeganaya. Waxaa muuqatay in shacabku rabo hoggaan mideeya, maamul hufan iyo waxqabad dhaba. Wuxuu shacabku gartay inuusan waxtar u lahayn madax reer hebela oo abtirsiinyo lagu doorto.   
Si kastaba ha ahaatee, waxaa siyaasadaha Soomaaliya ee maanta aan ku masaynaynnaa doon ku gooshaysa badweyn kacsan oo hirarku is dharbaaxayaan. Si kasta oo ay maraabayso ama lulumayso, doonidaasi waa inay majaraheeda ku sugnaato si ay gaarto halkay higsanaysay. Waxaa u suurtogalin kara sidaas naakhuude maahira oo u geyllama siduu nabdoonaan ugu maaxin lahaa doonta oo uu u gaarsiin lahaa hiraalkeedii iyo badmaax hawlkara, daacada oo wada bad-dhaariya.


No comments:

Post a Comment