Thursday, February 2, 2017

QARAN IYO QARANNIMO


Qaran (nation): waa dadweyne wadaaga taariikh, dhaqan, iyo af mida oo deggan dhul ama dal. Marka la yiraahdo Qaranka Soomaaliyeed, maahan macnuhu taliska dalka ama dawladda ee macnuhu waa shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis, ha ku noolaado Jumhuuriyadda ama ha ku noolaado qeybaha kale ee dalalka kalee. Waxaa mudan in la xuso, Qaranka Soomaaliyeed waa Dadweynaha Soomaaliyeede, wax kasta oo astaan gaara u ah qaran wuu leeyahay, seerayaalna ma ka la laha degaanadiisu, waxaase lagu ka la qoqobay xeyndaabyo siyaasadeed oo lagu sandulleeyay, kuwaas oo noqday saldhigga dhibabka faraha badan ee haysta ummadda.  Marka la leeyahay, hanti-qaran waxaa loo la jeedaa, wax kasta oo abuurriina oo deegaannada Soomaalida laga helo sida, dhirta, biyaha, ciidda, hawada, iwm iyo wax kasta oo samaysa oo laga dhex yagleelay dhulalka Soomaalida sida, dhaqaalaha guud (mood iyo nool), jidadka, kaabadaha, dekedaha, garoommada, iyo dhisme kasta oo danguud lagu fuliyo (dugsi, isbitaal, bukaansocod, iwm).
Waxaa ka loo hanti-qarana wax kasta oo lagu soo hibeeyo magaca ummadda Soomaaliyeed sida, deeqaha iyo hadiyadaha madaxda Soomaaliyeed la siiyo. Qofka madaxda waxa la siiyo loo ma siin hebel baad tahaye, waxaa loo siiyay madax Soomaaliyeed baad tahay.
Qaran-dumis waa qofka waxyeello u geysta dhidibbada uu qaranku ku taagan yahay iyo qeybaha uu ka koobmo. Waxaa aad u badan qarandumisayada Soomaaliya, waxayna kuwa maanta joogaa si aan gabbasho lahayn u caddeysteen, waxay yihiin. Sidaan ku barannay taariikhda fog iyo tan dhawba, waxaa halbeeg u ah qaran-dumiska Soomaaliyeed oo lagu garan og yahay, garabsiga cadawga kowaad ee qaranka, waa Xabashida (Abyssinia) e. Bal eega kuwa qoslaaya oo ku faraxsan garabsiga nacabka Soomaaliyeed oo dullinimadu dushooda ahaatay!
Qarannimo (nationalism): siyaalo ka la duwan baa lagu macnayn karaa. Waxaa la oran karaa waa jeclaanta in xubnaha qarankaagu midoobaan si aysan u noqon kuwo taagdaran. In hiddaha, dhaqanka iyo afka qarankaaga ay noqdaan kuwo dhawrsan oo ka badbaada baaba’ ama doorin. Waxaa la oran karaa waa u-hawlgalka in qarankaagu is maamulo oo uu madaxbannaanaado. Waa ka-ilaalinta qarankaaga cadawgiisa dibadaha uga soo duulaya iyo kan gudaha dalka ka hawgala oo waxyeellaynta qaranka ka shaqaynaaya.  
Qaran-yahan (nationalist): waa qofka u hawlgala kobcinta ama horumarinta qaranka oo danta guud ka horumariya tiisa gaarka. Waa qofka dadaalkiisu gaaro in uu u hibeeyo naftiisa oo qudhaba u gooyo waxtarka qarankiisa. Waa qofka daryeela qeybaha ka la duwan ee qaranka isagoon ka la soocin ama ka la jeclaysan.   

In qof ama urur ku shaqeeyo qorshaha waxdhimaalka badan ee cadawga qarankiisa sida, kushaqeynta siyaasadaha dhagartu ku duugan tahay ee uu cadawgu maleegaayo ama in hubkiisa la soo qaato oo lagu soo duulo qaranka, ma qaran-dumisnimo ama khiyaano-qaran oo ka weyn baa Jiri karta?   

 

No comments:

Post a Comment