Monday, November 3, 2014

Labadii Qofee Is Jecel (hees)

Taladaan qorsheynaayey
Qormadaan tusmeynaayey
Reerkaan u qalab qaaday
Aqalkaan qotominaayayey
Qalayoo ka-qaad noqotay
Waxaan laba qaddarin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Naxdintaan la qiiroodayey
Qulubkaan ani i haystaa
Ilamadaan i wada qoysay
Qofba maalin soo qabatayey
Tayduse qarracan noqotay
Dibinta is qaniin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Qabanqaabadaan hayayey
Qalabkii aan soo gaday
Quruxdaan ka filaayey
Qulub lama-filaan noqotay
Qoomamo aan harin noqotay

Labadii qofee is jecel
Naftu haddaysan u qaybsamin
Qudha kaan u bixin jiray
Iga qaad nasiib noqotay

Monday, October 27, 2014

Jacaylka Waan Maldahayaa (hees)

Muuqiisa waan arkayaa
Hadalka waan maqlayaa
Ma dheera ee
Muggeed ishaan
Ka meeriyaa
Haddana waan ka maagayaa
Anigu waan mildhabayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Maankayga wuu ka gurxamaa
Murugo-ciil mir baan qabaa
Malo-xumaan tan iyo maan
Is madayaa...
Mar baan iraa
Maw sheegataa
Mayee afkuna ka maagayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Madaha waan tilmaamayaa
Muskana waan qarqoorayaa
Maleegayaa arrinta
Waan murdinayaa
Miraha waan shareerayaa
Haddana waan micnaynayaa
Mahadhada kalgacalkiyo
Middayda inuu ogaadee
 Ma muujiyee 
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa

Mataanuhuu ka unkamaa
Dhiiggayga wuu ku milmayaa
Midigta ways haysannaa
Haddana meel fog buu jiraa
Mahadhada anaa qabee
Maankiisu way iga jeedaa
Mililacada ishaydu 
Way ku maqan too 
Dhankiisa maan-dhawrayaa
Ma muujiyee..
Jacaylka waan maldahayaa
Naftayda waan maaweeliyaa!

Monday, October 20, 2014

Hardankii Mucaaradka Iyo Kacaankii Oktoobar



Image result for somali revolutionary councilImage result for snm flag

Maalin dhaweyd baan waxaan dhageystay waraysi lala yeeshay nin da’ weyn oo kamid ah ragga lagu muuneeyo maansada Soomaaliyeed, hadalkiisii oo koobanna wuxuu ahaa sidaan:
“Waxaan bilawgii 70-aadkii curiyay riwaayado murtidoodii uu qoonsaday madaxweynihii dalka M S Barre. Markii tixihii riwaayadahaas dadweynihii wadwaday ayaa Madaxweyne Barre ii yeeray, wuxuuna ii sheegay; inaan dhib kale jirin ee maansooyinkaad curisay naloo adeegsaday, sidaas darteedna uu rabo in maanso dambe oo aan leeyahay loo adeegsan isaga iyo taliskiisii. Wax-curintaydu waxay ka turjumaysay rabitaankii dadweynaha oo bilaabay inuu qoonsado taliskii dalka. Haddaba mar dambe anigoo wali wada halabuurkaygii ayaa lay qabtay waxaana la iga dhigay nin ku xiran magaala kamid ah magaalooyinka Soomaaliya. Dhawr sano kadib, ayaa la iga soo daayay xabsi-magaalihii, waxaana lay dejiyay hoteel Muqdishow ku yiil, kadibna waxaa la ii geeyay Madaxweyne M S Barre. Wuu i waraystay kadibna wuxuu i weyddiiyay waxaan doonayo, asagoo ula jeeday jago/mansab iwm, mana weyddiisan (macnaha ma rabin oontiisa). Hawlahaygii ka ma harin, dhawr jeeroo dambana ninkii dalka u talinaayay waa lay horgeeyay, mar walbana isagoo adeegsanaaya farsamooyinkiisii yaabka lahaa ayuu wuxuu isku dayi jiray inuu igu soo dabbaalo siyaasadihiisii aniguna ma hoggaansamin. Markii dambe, aniga iyo rag kaloo xigtayda ahaa waxaan si qarsoodi ah ugu tallawnay Itoobiya. Waa naloo soo dhaweeyay kadibna, annagoo qabna labbiskii ciidammada Itoobiya oo ku hubaysan qalabkay na siiyeen baan bilawnay halgankii aan uga xoraynnaynay dalkayaga cadawgii haystay, aniguna maansadaydii kicinta ka sakow, waxaan ahaa nin labbisan oo xabadda ridaaya.”

Ninkaas waayeelka ah ee waayihiisii ka warramaayay wuxuu ku celceliyay ninkii uu dagaalka kula jiray iyo halyeyadii hormoodka ka ahaa halgankii u xaqa u arkaayay, wuxuu magac-dhabay hebello uu sida muuqata wali aad ula dhacsan yahay. Wuxuu kaloo xusay in ururkii uu ka tirsanaa diiday la-bahowgii ururkii iyaga uga horreeyay mucaaradnimada, sababtuna ahayd laabaha oo aan isu fayoobayn (macnuhu labo qoloo aan is jeclayn).
Haddaba si aan u fududaynno ujeedka maqaalkaan aan ku raacno odeygaas warramay dhammaan wixii tabasho ah oo uu ka sheegtay Madaxweynihii Dalka ee waagaas, oo ay ugu weyn tahay Kali-Talisnimo. Markaas kadibna annagoon adeegsanayn fikir-qoleed waa qabyaaladdee aan ku eegno sheekada odayga hadlay weynayso, kadibna aan yare falanqaynno wixii aan ku aragnay weynaysada, isla markaasna aan tixgelinno qodobbada kala ah; maangalnimada iyo waddaninimada.

Waa tan kowaade, nin Afrikaana oo waabka hantiwaagga ka tirsanaa oo xoog ciidan talada ku la wareegay oo joogay ragaalkii qarnigii 20-aad oo in badan kugu dayay koolkoolin, sasabaad iyo deeq si uu taageero kaaga helo ama kaaga reebo mucaaradkiisa, markuu midna kaa waayayna xabis-magaalo ku geliyay, miyuu kuu darnaaday? Marka la tixgeliyo wacaalihii ka jiray waayahaas dunida waxaa maangal ah, inuusan ninkaasi kuu darnaan.

Waa tan labaade, Mingiste Xayle Maryam wuxuu ahaa taliye dilaa ah oo dhiig badan daadshay, sida la wada okobban yahayna ugu naxariis darnaa uguna tala adkaa hoggaamiyaashii Afrikada Madow. Sidoo kale wuxuu ahaa taliyihii Dalkii Itoobiya ee colaadaha guunka oo ilaa hadda socdaa kala dhexeeyeen Soomaaliya oo waliba is la waayahaas aan ka hadlayno labada dal dhex mareen dagaallo ba’naa. Haddaba ma maangal baa inaad Kali-taliyihii dalkaaga oo koolkoolin iyo sasabo kuu la taagan ka doorato kali-taliye kun jeer ka darnaa oo qeybo isirkaaga ah gumeysi xun ku haya waligiina ku hayay? Marka la cuskado garashada toosan iyo fikirka maanka fayow, jawaabtu waa maya oo maangal maahan.

Waa tan seddexaade, marba haddaad la soo safatay cadawgii soojireenka ahaa ee dalkaaga adoo sita hubkoodii iyo darayskoodii, kadibna warjeeftay dadkaagii, dalkaagiina burbur iyo baaba’ u horseedday, maxay tahay waddaninimada iyo xoraynta aad ku faraxsan tahay? Adoo waayeela oo haddana maanso-yahana oo wax-dhimaalkaas baaxadda weyn geystay ama wax ka geystay, maxay tahay raynraynta aad muujinaysaa, maxayse tahay tixgelinta aad mudan tahay? Ma daw baase inaad halyeyo ku sheegto hormoodkii xoogaggii burburiyay dawladnimadii dalkaaga, xooggii dalka ee hortaagnaa cadawgiisana nacab dil mudan ka dhigto lana dirirto?

Marka warka odayga iyo dhacdooyinkii sheekada aan hadal-haynno ku beegno halbeegyada; maangalnimada, waddaniyadda, garaadka suubban iyo garsoorka toosan, waxaa noo caddaanaysa in xoogaggii uu odagu kamidka ahaa, ahaayeen dad marin habaabay oo qas iyo qalalaase geyaysiiyay dadkoodii iyo dalkoodii. Kooxahaas ma lahayn ujeeddo suubban oo midaysan oo ku dayasho ama tixraac dambe leh. Si kasta oo loo eego ama lagu eego waxay ahaayeen qaran-dumisyo magac-xumo iyo taariikh madow mutaystay. Hal-abuuraan ahay oo waa hubkaygii waxaanna u adeegsaday kicintii iyo abaabulkii dadweynaha si ay u dagaalaan oo u burburiyaan dalkoodii, maxay tahay xikmadda ku jirtaa oo maxaa laga dhaxlay oo lagu xusi doonaa? Jawaabta oo kooban; waa waxba.

Hadda way ku adag tahay dad badan inay halyeyadii qolodooda u arkaan hoojiyeyaal baaba’ keenay,  maalin uun baase la xisaabtami doonaa oo la kala miiri doonaa lulugga iyo labeenta.

Saturday, October 11, 2014

Noqo Midaan Ku Ciil Baxo (hees)

La-calmada waxaad tahay
Cosobkiyo ugbaadkiyo
Ku barbaartay caanoo
Cunnana aan sugaynine
Alla sida canabka beeraha
Cirka oo hillaacoo
Waqal ku fidiyay carrada
Fallaaraha cadceedda
Dhuubnida Xubnaha iyo
Luquntiyo cabbaadyada
U eg faraskii Caynaba
Ku calool jeclaadee

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeyaa
Cawo iyo ayaan lee
Ku caashaqay Cadareey
Hay jabinin cadawgee
Noqo midaan kuu ciil baxo

La-calmada waxaad tahay
Sida ubaxa cagaarkiyo
Ama catarka oo kale
Carfoon iyo udgoon le
Alla sida curasho dayreed
Cirka oo hillaacoo
Waqal ku fidiyay carrada
Fallaaraha cadceedda
Canbe iyo sidii luul
Ama dahabka ceyriin
Caynaddooda leedee

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeya
Cawo iyo ayaan lee
Ku caashaqay Cadareey
Hay jabinin cadawgee
Noqo midaan kuu ciil baxo



Thursday, October 2, 2014

Ruuneey I Soo Eegeey (hees)

Sida meel ramasho badanoo
Dhirtu raamo bixisoo
Ruun mira leeday..
Rayskiyo barwaaqadu
Ay riix udgoon leeyiin

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel raaxa badanoo
Roobku uu ku hooroo
Biyuhu laba-rogmanayaan
Raha iyo maroodiga 
Aan wada rafiiqnee

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel ramadku dhalayoo
Ristu ay is qabatoo
Lagu raacin xoolaha
Reeruhu ku badan yiin
U soo rugeeyeen

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee
Ruuneey i soo eegeey!

Sida meel aar ka reemay
Raanta sayrinaayoo
Goroyadu ka roortaan
Aawdaa rucleeyaa
Ku raad-raadiyayey

Been lagu ma reeyee
Waad i raalli gelisee 
Ruuneey i soo eegeey!

Tuesday, September 23, 2014

Gabowga (labo gabay)

  • Toddobaatan iyo toban miyaan, tiriyay waageyga
  • Sida wiil tarrada ceel marshay oo, timaha deebeeyay
  • Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga
  • Ma tallaabadaan la qarqaroo, tiigsin luga mooday
  • Maw tukubay sidii habar tu kale, tuugmo ugu jeedda
  • Bowdada miyaan tuujiyay iyo, araxda tiirkeeda
  • Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer le
  • Tartarrada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeeda
  • Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise
  • Ma dhagtaan tagoogada gashaday, sidii aniga oo tuuga
  • Wax martidu tammadisaa ninkay, toos u hoyataaye
  • Tuluggiis miyaan laygu arag, tuludi waa geele
  • Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane
  • Taf miyaanan rogi heyn sidii, cudurku ii taamay
  • Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay
  • Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duullaane
  • Guuraha anays taagi jiray, Idil tilmaanteede
  • Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon ka soo didinnay
  • Iba-toosan leeyeey hadday, na hor tislaynaysay
  • Tog biyo le haddaan keennay oon, koron ku taysaynnay
  • Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayay

  • Allahayoow tahliishii jannaan, adiga kaa tuugay
         Aden-Gurey Maxammad Cabdille 
    *****************************************
  • Waxaan khayli dhuugyaha madow iyo, dheeg wiyila qaatay
  • Ee dhalanka aadmigu u baxo, sidatan lay dhawray
  • kolkii horaba dhererkii miyaa, dhabarku soo gaabtay

  • Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibina
  • Dhabbe reero guureen miyaa, laygu wada dhaafay
  • Ushaan dhaabbin mooyee hubkii, mayska wada dhiibay

  • Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa, dhamamax ii diiday
  • Kuwii aniga ii dhaxay miyaa, dhimasahaday dooni
  • Dhuuniga i siiyaay miyaan, sidii dhallaan ooyay

  • Waxaan dhawrsanaan jiray ceeb miyaa, igu dharaarowday?

Thursday, September 18, 2014

Joog iyo Hurdaba Nacay (hees)

Adaa i jabiyay goortaad
Jeegaanta fuushoo
Jibaadkiyo taahana
Markaasaannu jaarnee
Sidaa u ma jalaadeen
Haddaan nabad u jiifee

Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee

Sida jiniqda hawdkoo
Jirku uu biyaha dhigay
Oy xareeddu jabadkiyo
Galac leeday jeexyada
Jeedaalis bay dilay
La-jalbeebtan-keedee

Joog iyo fadhiba nacay
Halkaan maanta joogee

Jaceyl maaha dheeldheel
Haddaad jimicsi mooddeen
Jalleecadiyo muuqaa
Jaahaaga deeqee
Sida jawharad nuurkeed
Halacsigaa i jiitee

Joog iyo hurdaba nacay
Halkaan maanta joogee