Friday, March 1, 2013

U-Qaybinta Soomaaliya Jumhuuriyado Moosley Ah

U-Qaybinta Soomaaliya Jumhuuriyado Moosley ah   “Dividing Somalia into Banana Republics”
Yaa ka macaashaya Soomaaliya oo taagdaran?
Erayga ‘Balkanization’  waxaa loo la jeedaa  meel ama dal loo qaybiyay kooxo yaryar oo siyaasadeed oo inta badan isu col ah, erayguna sidiisaba wuxuu ka soo jeedaa Jasiirad-la-moodda Balqaan (Balkan Peninsula), oo bilawgii qarnigii 20-aad loo qeybshay qarammo yaryar. Maanta Soomaaliya waxaa ku habboon tilmaanta kor ku sheeggan, iyadoo ah meel ay deggan tahay hal qolo oo wadaagta in badan oo daw ku siinaysa sameynta hal dal. Waxaa la barbar dhigi karaa Boqortooyada Carbeed ee Sucuudiga oo uu mideeyay, kana dhigay hal dal oo casriya Boqorkii Cabdulcasiis Binu Sacuud.

Sida ku xusan bogogga taariikhda waxay dadka S/liyeed isku dayeen seddex jeer inay noqdaan hal dal, seddexda jeerba waxaa xagal daaciyay xoogaggii shisheeyaha. Markii hore waxaa xagal daaciyay Bortuqiiska oo hub cusub ku xasuuqay imaam Axmad-Gurey iyo dagaal- yahannadii S/liyeed. Markii labaad waxay dhicisooday, kadib markii Imbardooriyadda Ingriisku ay diyaarado ahaa hub cusub ku garaacday, kuna xasuuqday kumaankun S/liyeed oo gobonnimo-u-dirir ahaa, kuwaas oo markaas ka hawlagalayay dhanka waqooyi ee Soomaaliya. Lixaadka baab’inta iyo dhimashada tirada  badan ee ay keeneen diyaaradahaasi waxaa ka muuqda in la adeegsaday hubka kiimikada, is la hubkaas wuxuu Jaarjiil u adeegsaday Kurdiga. Waxaa dad badan aamminsan yahay in Ingriisku sumeeyay ceelal biyood ay dagaal yahannadii S/liyeed ka waraabin jireen fardihii Carbeed ee S/lidu u taqaanay Sunaari. Markii seddexaad waa 1977-dii xilligaas oo qaranka Soomaaliyeed dhammaanti u hawlgalay sidii loo xorayn lahaa dhulalkii Soomaali Galbeed, waxaana hoggaaminaayay ololaha xoraynta Jaalle Max’d S. Barre. Markaan waxaa xagal daaciyay guushii weynayd, xoogaggii bariga oo duullaamo toos ah ku soo qaaday ummadda Soomaaliyeed iyo kuwii galbeedka dunida oo hoosaasinaayay qaranka Soomaaliyeed.

Balqanayntii hore ee Soomaaliya waxay bilaabatay markii Ingriiska oo ah hindisaaga colaado badan oo maanta dunida ka oogan iyo jaallayaashiisu ku guuleysteen dagaalkii labaad oo dunida, waayahaas oo isirka Soomaaliga ah dhammaantiis hoos yimid imbaradooriyaddii Ingriiska. Dadka ku dooda ‘Somaliland’,  oo  u la jeeda dhulkii  S/liyeed ee Ingriisku xukumay waxay ka boodeen in qaybta ay ku  sheegaan koofur S/liya ay hoos joogtay Ingriiska sannadihii 1941 ilaa 1948.


Ingriisku wuxuu dunida ku xukumay qorshaha ah; qaybi oo xukun, waxayna uga hirgashay Hindiga, Bariga Dhexe iyo Afrika. Is la qorshahaas waxaa Ingriisku ku doortay inuusan midayn dadka ku abtirsada isirka Soomaaliga, isagoo u cabsanaayay danahiisa, kadib markuu ogaaday dareennadooda qotada dheer ee reer gurinimada ‘nationalistic sentiments’. Waxaa Ingriisku ka cabsaday in dareenkaan xooggan ee reer gurinimada ah iyo Soomaali oo midaysan ay keeni karto inay marinka Baab Al-Mandab ee markiibta ganacsiga ee Ingriisku ku gooshi jirtay ay ka taliyaan, arrintaasi waxay ku dadajisay Ingriiska inay Soomaali qaybiyaan. Dhanka koonfurta waxay mar labaad u oggolaadeen in gumaystihii Talyaanigu mar kale ka taliyo, dhulkii Hawd iyo Qeybihii Kaydka ahaa waxay guddoonsiiyeen nacabkii Soomaaliyeed ee soo-jireenka ahaa waa Abasiiniya e, degmadii seeraha waqooyi ee Kenyana (NFD) waxay guddoonsiisay Kenya.

Qalimada shisheeye iyo dhawaaqa ah in la burburiyo Jumhuuriyadda S/liya waxaa horseed ka ah kooxo aqoonyahanno ah  oo u shaxaatamaya  aqoonsiga Somaliland. Arrintaasi waa qeyb ka mida dhagarta socota oo S/liya lagu balqanaynayo, waana dhammaystirka himiladii Ingiriiska. In badan oo isla innaga ah ma garan dadka, sida Lawiis oo kale  oo kobconiya siyaasadaha  dalalkooda. Lawiis oo in muddo ah joogay waqooyiga, bartayna Soomaalida reer guuraaga ah iyo taariikh-dhaqam/ka, waa hubaal in xafiisyadii gumeystuhu adeegsadeen xoguhuu aruuriyey kuna jaan gooyeen aayaha S/liya. Ingriiska waxaa u  muuqatay khatarta dadkaan qabka weyn oo sida daran waddaniga u ah keeni karaan. Lawiis wuxuu Soomaali ka sheegay sidii kii ka horreeyay ee  Burton ahaa ka sheegay; jinsiyad kulul oo kacsan oo jumhuuri ah “fierce and turbulent race of Republicans”. In kasta oo Ingriisku saxiixay heshiiskii uu ku siinayay Itoobiya Hawd iyo qeybihii kaydka ahaa 29kii Nofeembar 1954, haddana xogtuu aruurshay Lawiis kadib 1954 waxaa hubaal ah inay saameyn ku lahayd aragtidii Ingriiska ee qeybinta S/liya. Waayahan dambe waxaa ku soo biiray qalmaantii shisheeye nin aqoonyahana oo Afrikaana oo muslin ah, lana yiraahdo Cali Masruuci. Booqasho uu ku tagay dhawaan Somaliland, wuxuu ku booriyay hoggaamiyaasha iyo waxgaradka aaggaas inay iska illaabaan wareerka ka yimid erayada Somaliland iyo Somalia oo ay qaayibaan magaca Somali-Stan sida Pakistan iyo Afghanistan oo kale. Markuu ka dagay Gegida Dayuuradaha ee Cigaalna waxaa loo soo dhaweeyay sida madax talis dal. Waxaa soo dhaweeyay seddex Wasiir oo doora, qadadii magaciisa lagu sameeyayna waxaa ka soo qeyb galay M/weynaha Somaliland. Soo-dhaweyntii hab madax-daleedka aheyd ee loo sameeyay macallin Jaamacadeed oo iska taagyar, bay tahay inay taabatay Masruuci kana soo ridday erayga Somali-stan. Ma farxaddii martingelinimada S/liyeed baa macallinka maan qaadday? Mise wuxuu u gafayaa garaadka madaxdeenna waqooyi, oo soo-jeedinta ninkaas ka dhigtay inay soo galaan bahda “stans” ee dunidaan, si ay uga fogaadaan S/linimada. Hadduu macallinku daacad yahay, waxay ahayd inuu erayga Somali tiroo, halkeeda geliyo land si dalkaas u noqdo “Landstan”. Qorshaha arrintu waxaa weeye in dadka S/liyeed la marin habaabiyo oo ay rumeystaan in yar oo aqoon-yahanno shisheeya ah oo waxqabadka shaqadoodu iska luudayso inay aqoonsi u keeni karaan. Waxay ku soo dhaweeyeen raggaas caleemo qoyan, ubax iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Abaabulidda iyo kicinta ubadkeenna iyo dumarkeenna iyo ubax-lulista shisheeyaha aan dalkooda jaga ka hayn, waxay na xusuusinaysaa tabihii talisyo hore. Masruuci mudnaantaas ma ka heli karaa dalkiisii hooyo?

Gadood dhawaan laga muujiyey “dhagarta qarsoon ee Balqanaynta S/liya”. Qof ku deeqay inuu qeexo waxa macallinka jaamacadeed uga jeedo, wareysi dheer oo loo la jeeday dadweynaha, kana baxay idaacad wuxuu yiri bare jaamacadeed oo la yiraahdo Williya, Ojiing: Waxay u eg tahay inaysan kaligay ahayn dadka ay ku adag tahay inuu fahmo Bare Masruuci. Waa dhab inuu qoray faallooyin badan oo aan oran karo bar ma akhriyin, haddana ma arag hal mida oo aan is iraahdo waad u bogtay. Waa ogahay oo wuxuu oran doonaa gafku xaggayga ma aha, maxaan qaban karaa haddaad dhego culus tahay? Sida muuqata kuwa  hooyay ee Maraykanka ah way ku adag tahay odayga inay fahmaan. Inkasta oo uu qudbado iyo qoraallo badan yahay haddana garan waaye wuxuu leeyahay iyo ujeeddadiisa, iyana ma dhego culus yihiin?

Si loo garto ujeeddada Williya oo weerarka ku ah Bare Masruuci waa in la akhriyo dhammaan maqaalkiisa. Anigu qoraalkaan uma qorin inaan baraha caanka ah weeraroo ee halkaan waxaan ujeedaa inay w/lahayga waqooyigu gartaan inuusan Masruuci aqoonsigooda dawladeed u uluungeyn karin, balse dhab ahaan ma jiro shisheeye u uluungeyn kara.

 Aqoonyahannada shisheeye, sida Lawiis iyo Masruuci waxay la tahay inaan nahay goob-layliyeedka aqoontada iyo aragtiyadooda. In badan bay naga kasbadaan, danna kama laha waayaheenna dambe iyo aayaheenna.

Fikraddii barka rootiga ee Lawiis  iyo Somali-stan/ka  Masruuci, waa dhibo cusub oo hadday hirgalaan kaliya kobcinaaya hummaaggooda. Inta ay adeegsanayaan shisheeye u soo qarraafa sow kuma habboona kuwa u qaylinaya goosashada inay walaalahood la galaan wadahadal waxtar leh? Sow ku ma habboona inay u sheegaan walaalahood sababta ay sida cudurka Juudaanka uga cararayaan? Maxay ugu dhaqmayaan sidii sey Soomaaliyeed oo xanaaqsan oo cod dheer ku yiri afadiisii: seddex dalqadood baan kugu furay? Maxaa ka dhigay waleeco inay la doodaan walaalahooda Koonfureed oo ka arrinsadaan dalkooda hooyo?

 Dimuqraadiyaddu laba dhalanlle maaha, intaad tuduc doorato aad dan gaara ku qancinayso. Waa in la taageero codadka waqooyi ee doonaya in la yagleelo dal qura. Waa in loo oggolaado inay la hadlaan dadweynaha oo ay u sharraxaan hammigooda u jeeda Soomaali itaal leh. Waa in la eegaa rabitaanka iyo xeerarka midnimada, lana diyaariyaa warqadaha hantida iyo qaan sheegashada. Taasi waxaa la diyaarinayaa marka cabsida iyo naceybku naga bidaan. Naceybku wuxuu burburiyaa kuwa qaba, uumi buuna u rogaa, si toosanna uma fakaraan.

Waxaan giddigeen ku soo dhibtoonnay talisyadii rayidka ahaa ee musuqmaasuqa ahaa iyo tii millatariga ee gacanta kululayd.
Haddaan maanta cafinay kuwii talisyadii hore ka tirsanaa ee hadda madaxdeenna kamid ah, waxay ila tahay inaan meel uga helaynno qalbigeenna kuwa kale ee aan lug ku lahayn cadaadisyadii iyo burburintii. Waxaan ogahay in dhaawacu uu waqti uu ku bogsoodo u baahan yahay, hase yeeshee 20 sano waa dheer tahay, kuna filan illowsho iyo inaan dhabbaha dhaymada cagta saarno, noqonana kuwa mar kale harsada dallaalnimo qura, dadabnana gabbaati naga dhawra rafaadkii  aan giddigeen soo marnay. Waa inaan ka baranno dalalka sida Koonfur Afrika iyo kuwo kalaba oo dhayay dhaawacyadoodii . Waa inaan halbeeg ka dhigannaa shakhsiyadaha sida Maandeella oo kale intaan gargaar ugu  jalleecsan lahayn shisheeye qaybinteenna u qooro weyn.

Inta koonfurtu ay qaska ku jirto waxaa bilan su’aasha yaan la xaajoonnaa? 


Jawaabtu waa caddahay waana fududdahay. Waxaa lala xaajoonayaa xubnaha bulshada ee nabadda jecel, iyadoo la gees marayo qab/layaasha dilka iyo dooxidda ku caan baxay. Waxaana loo  bilaabi karaa sidaan: Waxaa la furayaa dood lala yeesho xubnaha bulshada ee madaniga ee koonfurta. Waxaa la unkayaa run iyo kulanno dib-u-heshiisiin ah oo ay guddoonshaan magacyo horyaal ahi. Waxaa la is weydaarsanayaa ardayda dugsiyada booqasho ahaan. Waxaa daaha laga rogayaa doodo dhex mara isimmada labada dhan oo waxtara. Waxaa ergo loo dirayaa koonfurta si guryahooda laban u hagaajiyaan.

S/lidu waa dad isku abuura, ku wada hadla af qura, eebbe qura caabuda, si aadana isu muuqaal eg. Middaan dambe waxay sii xoojinaysaa doodaha xooggan ee waabka kala-fuqa kadhanka ah.

Diidmada ugu xooggan ee ka-dhanka ah wadajirka ee aan maqlo waxay ka timid madaxweynahii Somaliland  Rayaale oo qado dawladeedkii Masruuci ka yiri; Carabtuba iyadoo nala gad ah waxay u ka la dhambalantay 21 dal.  Waxaa laga yaabaa in warka madaxweynuhu dad badan macno u sameeyo, hase yeeshee waa inaan garwaaqsannaa in dalalka Carabtu hal dal ahaan jireen waayihii Khaliifaddii Cusmaaniyada. Taasina waa kahor intaan reer galbeedku bilaabin olalihii boobka ahaa ee hodannimadii Islaanka. Waagaas waxay maleegeen dhagar xirrib leh oo ah qaybi oo xukun. Waayahaas waxay u qaybsheen dunida Carabta dalal yaryar, taasoo u fududaysay inay hantiyaan dalalkaas, dharaqsadaanna hodonnimadoodii . Waa fududahay in lala xaajoodo dal dadkiisu boqollaal kun yihiin, marka loo eego dal dadkiisu malaayiin yihiin.

Si kastuu yahay muranka labada waab,  waxay dhabtu tahay, in dunidu maanta u janjeerto ahaanshaha xaafad yar. Halkaas oo kuwa ka midaysan dhaqaalaha iyo siyaasaddu noqonayaan gudbayaasha waayahan cusub. Dalalka Shiinaha iyo Hindiga ee korritaankooda dhaqaaleed ugu xawli dheer yahay, haddana  wadarta dadyawgoodu seddex daloolow hal dalool ka tahay tirakoobka dadweynaha dunida, waxaa ugu wacan bashbashtooda dhaqaale midnimadooda, iyagoo waliba kala af iyo diin duwan. Kuwaas u qaylinaya ka la go’a S/liyeed, waxay moog yihiin hadday saas ku wadaan inay qareen u noqonayaan, abla-ableynta dalal yaryar oo S/liyeed  oo moosley ah oo wada taagdaran oo shirkadaha dalal-badanta ahi ka danaystaan. Qeexidda ugu habboon oo aan gartay  ee “ banana republic” waa sida dal yar oo bartamaha Ameerika ku yaal oo aan siyaasad ahaan degganayn oo dhaqaalihiisa ay maamulaan shirkada shisheeye, kuna tiirsan dhoofinta mooska. Soomaaliya waxay ku habboon tahay sifahaas. Mooska iyo xooluhu waxay ahaayeen, ahaanna doonaan dhoofinteenna doorka ah. Ku-tiirsanaanta hal nooc oo badeeco ah waxaa xanuunkeeda laga dareemi karaa cunaqabayntii Dawladda Sacuudiga Carbeed ku soo rogeen meesiyadeenna, arrintaas oo dadkeenna geyaysiisay dhibo dhaqaaleed.

Soomaali oo mida waxay awoodi doontaa inay wax dhoofinteeda ka la jaad ka dhigto, taas oo  S/liya ka yeelaysa Singabuurta Afrika, waana sidii Safiir Saxnuun uu dhawaalaha oddorasay. S/liduna waa macaashlayaal karti badan oo hadday helaan maamul dawladeed fiican, midoobaanna fulin kara oddoraskaas. Lurka labaad ee dawladda moosku leedahay waa iyadoo dhaqaalaha ay hantiyi doonaan koox tixgelin gaara lihi, dadka intiisa badanna ahaan doonaan sabool. Kuwa ku dheggan qaybinta maxay isu weydiin waayeen su’aashaan fudud; maxay aqoonyahannada galbeedka iyo kuwa la halmaalaa ugu hawlan yihiin qaybinteenna, halka ay maanta dalalka reer Yurub u jeedaan hal summada, hal lacaga oo la yiraahdo Euro, hal gole shacab iyo hal bangi dhexe?



Markay Yurub ogaatay inay ka dambeeyaan  Dalalka Midoobay ee Ameerika iyo Jabbaan waxay go’aansadeen inay mideeyaan dhaqaalahooda si ay u awoodaan la-tartanka kuwaas qirada weyn leh. Waxay garwaaqsadeen in midnimadu huwan tahay barwaaqo, itaal iyo degganaansho. 

Waxaa hoobtay darbigii Baarliin, Jarmalnna mar labaad buu midoobay, waayo labada dhinacba waxay u arkeen in dantoodu ku jirto. Midawgii Soofiyeetka iyo qarannada Yurubba ma dooneyn inay arkaan mar kale Jarmal xoog leh. Waxay filayeen kala-taggii Jarmal ee dhanka hababka Siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ku filnaayeen kala-jooggooda, waxaase beeniyey dadka reer Jarmal.

Dadka S/liyeed waxay dunida u muujin doonaan inay mar kale noqonayaan dal mida oo itaal leh; midkaas oo wax ka bartay waayihii la soo dhaafay; midkaas oo qaayiba ganacsiga xorta ah iyo wadatashiga dhabta ah.

Fiirooyinka gaarka ah ee gunaanadka; waa inaan ka la  doorannaa Soomaali xoog leh oo mida iyo dalal yaryar oo moosley ah oo shirkadaha hunguriga badan iyo dalalka itaalka lihi ka danaystaan. Kuwaasi intay hoggaam/nna awoodda  yar laaluushaan bay ka dhiganayaan dalkeenna saldhigyo ciidan, goob lagu shubo qashinka atoomikada iyo kiimikada. Intaan kala doorashadaan adag ku jirno waa inaan maanka ku haynnaa da’heenna soo beegan waayaha dambe oo uu saameyn doono khiyaarkeennu. Intaannaan mid go’aansan waa inaan isku daynnaa bi’inta nacaybka iyo cabsida aan ku quudanaynnay 20kii sanoo  dheeraa oo xanuunka badnaa.







Xigasho: maqaal af Ingiriis ah oo uu qoray Cali X. Cabdalla (wardheernews, Apr. 2, 2006 )

Wednesday, February 27, 2013

Hibasho (hees)

Hoohey dunidaaneey
Kala-haatiyay
Naftu waxay hibatoo
Ay haaban weydo
Ku hanqaaranto badanaa!

Labo aan is hurinoo
Haddana aan is haynoo
Intuu caashaq wada helay
Hayaan kala fogaadoo
Kala heeray waayuhu
Mid walba halkiisuu
La jiifaa halgaaddee

Hadimada kalgacalkii
Ii horreeyay mooyee
Dhib kale i ma haleeline
Horta waannu ladan nahay

Halkaad ku nagi dahay
Maxaad caawa haysaa?
Hawada caafimaad-kaaga
Iyo heerka noloshaada
Hayntaada jeebkiyo
Sidee hawshu kugu tahay?

Hibashada xasuusta
Hurdo kaa ma seexdee
Wadnahaa i hurayee
Kaaguna ma heermaa?
Haasaawaheennii
Ma u soo hilawdaa?

Hamaynkii kolkay tahay
Ma lay kaa hor keenaa?
Haarka gogoshaada
Ma ku haabataa gacan
Sida geel haleela
Hoos miyaad ka reentaa?

Hamuunta iyo xiisaha
Ma is haysan weydaa?
Sida hoobal caan baxay
Kaligaa ma heestaa?
Hambalyada salaantiyo
Ma heshaa waraaqaha?

Hud-hud ammuu ku lumiyoo
Heedhee la isku keen diray?
Ammaad halacsataayoo
Ku hawirantay meel kale?
Caashaqii horreeyiyo
Keennii halmaantaa?

Haatufkiyo dabaylaha
War la hubo u soo dhiib
Kaygana mar iga hubi
Hoheey laba shub weeyaaneey
Hoobeey, hoobeey
Heedhee may maqlaysaayey
Haaheey, haaheey
Hidisuhu siduu yahay
Had maad imaan bal ii sheeg
Hor alle waan ku sugayaa!

Thursday, February 21, 2013

Hawlaha Adduunyada iyo Hodanka Aakhiro (maqaal)



Hayaan dheer baan galay anoo ka soo huleelay heeladkii aan ku dhashay, ababay oo aan heerar kala duwa ku gaaray. Jiidaal dheer baan soo maray aniga oo la iga soo harbiyay heeshigii aan lahaa iyo kii aan wax ku lahaa labadaba. Waxaa la iga soo hataaqiyay geedo haraca oo toomo hareeri ah ku dhex yaal. Anoon dhereg la hingilnayn baa iyada la igu hafraayay. Waa la i hiifaayay oo haddana ma aqoon utunta la ii haystay. Waa hitaysnaa oo haddan ma helo sababtaan ku mutaystay. Halis baan ku jiray oo haddana ma hilaadin karin aniga iyo hawaalkay colaadda u habaysan muggeeda. Haayirka waa gartay oo haddana hummaagiisa ma aqoon. Waa hadaadumay oo waa habaqleyay oo hadba habheeb ku dhacay oo hadba hayjad foolka saaray anoo la hullaaban hiirtaanyo iyo hantila'aan.......

Higsigii u dambeeyay waxaan ku tagay degal barafku hooraayo oo hanfi gabadanaysan uu dhabannada kaa halgaadaayo oo halkaad cagta saartaba aysan ku hakanayn. Waa degaan kor iyo hoos, hareer iyo gadaal midna aan jirkayga loo humin oo naftu kohanayso isaguna i haaraamaayo. Dadku iga hayb fog oo dantiisu tayda maahan. Dhashaan huddanka ku keenay waxay ku hafanaysaa hirarka noloshooda. Waa dhul hulal badan oo ay hubaal tahay in hiddahaygu ku hallaabaayo. 

Hadda wax baan haystaa, haddana hungaan ahay. Hiirtaan kacaan oo tabcaa, haddana wahan baan la soo hoyaadaa. Hunguriga waa kumbadaa, haddana harjad iyo hah baa ku xiga, sababta eedaadkaasna waxaa lagu hilaadiyaa dufankaan dheefta u qabay baa heen noqday dhex haraaciya halbowleyaasha dhiiggayga kadibna hor joogsada qulqulkiisa.  

Haweenkii la heshiin waayay, haddana kalgacal baa i hargaameeyay. Wadeeyo waan leeyahay  haddan mid hiil loogu hirtaa kuma jiro. Ubadka hayin baan u ahay iyguna i ma haybsadaan. Xigtada ma hagrado, haddana iyagu dan iyo heelllo iga ma leh. Hankii aqoon-doonka ahaa wali waa hayaa, haddana ma hollin karo. Hugunka bulshada waa ka helaa, haddana hadalkaa i dhiba. Waxaan is la ahay hanad wax weyn taray, waase markaan halacsado maalmihii tagtada ahaa oo aan nafta ka hufo meelihii habowga iyo habacsanaanta lahaa, hagoogna uga dhigo horyaalnimo iyo hoobalnimo loo bogsanaa. Markaasi waa marka anoon hurdayn aan harkii riyoodo, waana hiraalkaa qura oo naftu isu hibeyso. Tani ma fududa waayo waad hal abuuraysaa, jaantuska habaynaysaa oo hirgelinaysaa. Haabku waa i buuxaa oo hadba hawaawigu wuxuu ii horseedaa jidad wada haloosi ah oo aan marba mid ku halwiyo, haddana waxay wada noqdaan hinni awdan oo aan laga heli karin meel laga huluusho. Dhegahu way hugmaayaan, oogada oo dhanna laxaw baa hareereeyay. Hilawgu iga ma haro oo had iyo jeer waxaan goconayaa haleelo la iga dhacay iyo ugbaadlow hawdadkii ay daaqi jirtay. 

Ha yeeshee, wax walboo kale ka haray aan ka ahayn ku-hanbaaska suugaanta oo ii ah sidii hoobaan bislaatay. Waxaan heshiis la ahay qalinkayga hoodaale oo aan kalsooni buuxda u hayo. Isagaa i haga oo igu toosiya hillinka toosan. Isagaa i hiyi kiciya oo hillaaca fog igu hayaameeya. Himamowga timaaddada ee aan isku hallayska lahayn iyo hoobadyada ku dhammaada haadaamaha waxaan uga hakaday garwaaqsashada nolosha dambe oo hammigaygii waayahaan ku aruuray waxaanna hal-abuuraha weyn waa Eebbihii i abuuraye ka durraantaa inuu igu hanuuniyo waddada aan ku haaban karo hodanka aakhiro. Aammiin.  
     


  

Sunday, February 17, 2013

Alla Walalac Beeneey (heees)

Waddo qura maraay
Is weydaarsaneey
Is ma weheshatooy
Waaxyo isku yaaleey
Kala weecsaneey
Dusha sare wanaageey
Waabaay la qooshaay

Iyadoo wadkaaya
Alla walalac beeneey

Waaberi arooryaay
Habeynkoo wargaaxaay
Waaciidsi badaneey
Walbahaar ma weydooy
Waayeel la moodyeey
Wigladana ciyaaraay
Tii loo walqalayee
Magaceed la waayaay

Iyadoo wadkaaya
Alla walalac beeneey

Thursday, February 14, 2013

Gocosho (gabay..Dhuurcas)

Gabaygaan wuxuu Axmad Maxammad-Camarre Shirwac (Dhuurcas) ka tiriyay sannadkii 1983dii magaalada Qooqaanni ee gobolkii Jubbada Hoose. Wuxuu sida muuqata ka taloobay kana cabanayaa maamulkii J/le Max'd Siyaad Barre oo ay dhalasho ahaan xigto ahaayeen: 

Waa lay guhaadshahaye inaan, Xamar ka googoostay
Godobtiyo colaaddii inay, meel shishe i geysay
Gocoshada tolowgii inaan, seeraha u gaaray

Toban boqol inaan sii gudboo, wabiyadii gooyay
Inaan gacanta soo riday markaan, Laamo garab dhaafay
Geeddiga inaan wali u wado, Gaarisa agteeda
Gadaal inaanan soo dhuganayn, boqol haddaan gaaro

Giirgiir inaan sheegtay, Gaallo iyo Booran
Gargar inaan la leeyahay Wardey, danina ii geysay
Geyaan inaan u ahay Cawramaleh, gabarna weyddiistay

Garre iyo Dagoodiyo inaan, Joorre garab aallo
Guddoon iyo xeer inaan ku ahay, gaanka Doqon-diide
Gashigayga Biyomaal inay, taallo godobtaydu

Garta inaan la tago maalintii, Dabarre geedkiisa
Gibil inuu Murale iga rabiyo, goojiyo abbaano
Gabbaro iyo suldaan inaan Tunniga, goor walba u geeyo

Guulguulka Dirirsame inaan, gorodda laalaadsho
Gaban inaan u ahay Jiiddiyo, Geledi laandheera
Gooddi iyo canaan inaan ku qabo, Gaadsan iyo Riibi

Masarre guutoguuto ah inaan, gelinba qaar raaco
Garka iyo gondaha inaan qabsado, goxoshka Liisaanta
Gashaantida Ujuuraan inay, guurka iga faanto

Gawlaha Hubeereed inaan, saarka ugu guuro
Duul geriga caabuda inaan, deris la googoostay
Go' aan shaar lahayn inaan watiyo, goome labo suun ah

Gommad inaan ka faro dhawr sacoo, wada gandaal dheer leh
Galtigii in lay dhaho markaan, galabtii soo muuqdo
In gabooy lay qarinayo xani, igu soo gaartay

Yaad gashaa in la igu la kaftamo, gogol-ku-haasowga
Magan gaabsato ah inaan ihiyiyo, gaban cido u joogo
Dibna gacalo iigu soo duxayn, gocosho mooyaane
Talana sidaas igaga gaw tiri, Cammarre gaarsiiya!

Thursday, February 7, 2013

Lib-gad (gabay)..Max'd Nuur Fadal


Lax la qalay leggeed iyohaddii lulato la ii keeno
Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede
Waa caawadaan sida lo’leyluunsanaan jiray e
Waa caawadii aanan ledinsida lammaan xiide

Lur adduunyo waa caawadaan, wax igu laabneyne
Ladnaanta iyo nimcadu uunka way, wada luggoysaaye
Lixdan aniga oo jiray tashiganlaydha iga raacay
Imminkaan ladhkiisii hurdadaledis ka waayaaye

Nimankaan dukaannada lukiyanlabo labo u siiyay
Nimankaan lo’daydii casaydlaanta ugu duugey
Wax la liqo iyo xoolaba kuwaanugu laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guraylohonlohii caydha
Hadday aniga leebka iyo warmaha, ii lisanayaane

Markuu sida Luwaha qaawanaa eelaylka soconaayay
Ee aad luqufka qooraha dameerlulaya moodeysay
Haddii aan lingaxo oo qalbigalahashada u diido
Oo aan luunkaba ka roginlur ima gaadheene

Kal-laxiiba baan leeyahay iyo, laabta xuunshada e
Laxawasiga xigtada lay gashiyolibiqsigaan eeday
Waa waxa rag igu laacayaalaxam dhaqaaqaaye

Inkastay ladaadyada baruurlaqanyo daacayso
Leg ninkii siiyey dishaaliidda doqoneede
Wax laasima nin liitiyo haweenlaaxinkood badane
Lib-gad iyo abaal-xumana wawlow u gooniya e

Ma libaanihii Diiriyaaloox u daabacaye
Waa tay liciinkii maqleenlaababka lahaaye
Waxba nimaan lilleyneynayay luqaddi raacane
Mar un iga ma liibaansanine, way ladaabsadaye

Haddaan maalintii hore lurriyoigu ma laabmeene
Lafa-Yare iyo Caarraanwixii lumay i deynayne
Afar-laba-lix jeer buu sidaaiiga loogsadaye
Alla laba iyo toban jeer miyayliidnimo i raacday!

Erayada: 
1.Luunqolfo ama xayaabo layiig ah oo qofka oomman ama qabatooma 
bishimaha ka fuusha.
2-Lammaan xiidxiidxiitadu badi labo labay u socotaa.
3-ladhid/laridlagu daray
4-Luki: cammiran (af sawaaxili)
5-Lisloolin ama soofeyn
6-Luwo/luoqoomiyad ka mida Kenya
7.Lingax/ningax: labo weel oo la isku aabburayo dhexdooda la geliyo si aan wixii lagu shubay u daadan
8-Luquf: qeybta hore ee cisalka .
9-Laxamaf carabi waa hilibka
10-Low (Law): af Ingriis waa sharciga
11-Lib-gadabaallaawe
12-Loogsooryeyn weyn oo xoolo la qalo
13-Ladaabrakaadcunid ama cabis ku noqnoqosho ah
14-Kal-laxiibaqalbi wax jecel


Friday, February 1, 2013

Gabbaldaye (hees)

Adoo gole ka-maagle oo
Haweenkaba ka gaabsaday
Sow taan ku gado baray
Garta iyo tusaalaha
Adigoon gorfeyn karin
Sow taan geesi kaa dhigay

Go'e halaq miyaad tahay
Hadba marada ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Gurgurkii la dhaanshee
Loo tiriyay guulkee
Intuu maatidii gabay
Gibisha iyo heeryada
hilkii kula gadoodiyo 
Abaalgabe ha noqonine

 Go'e halaq Miyaad tahay
Hadba marad ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Eryada:
1- Maagle: diidaa, dhaafaa, ka-tage.
2- Gado: xeelado, xirribo, tabab.
3- Godadleyn: jirjirleyn, gadgaddoomid, la gurta ama la xintama dumarka. 
4- Gooh: Ci', jaad ka mid ah codadka nafleydu samayso. 
5- Gurgur: awrka hayinka ah ee reerku ku guuro.
6- Gibisha: marka awrka rarka la wada saaro, sarta kor looga dado.
7- Hil: agagaarka wabiga, dar, jiin.