Waxaa toddobaadkaan ka dhacay Muqdishow, xaruntii
boholowday ee Dawlad-Qarameedkii Soomaaliya arrin argagax iyo uur-kutaallo leh.
Waxaa la yiri sarkaal ka tirsanaa Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) baa inta
laga soo qabtay Koonfurta Gaalkacyo, loo gudbiyay Muqdishow, kadibna si degdeg
ah loogu sii gudbiyay cadawgii soo-jireenka ahaa ee Abasiiniya (Itoobiya).
Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbidhagax) hadduu ku dhinto
hagardaamadaan loo maleegay, wuxuu ahaan doonaa halyey ku baxay halgankuu u
bareeray inuu dhiig u qubo, hadduu ka badbaadana, wuxuu ahaan doonaa halyeygii
ka fakaday dabinkii doqommadu u dhigeen, waxaanse laga soo waaqsan karin eelka
ay arrintu ku reebayso xukuumaddii dalandalka ahayd ee aad loogu haynweynaa iyo
madaxdii aan waayahaan magacyadooda koolkoolinaynnay, kuwaas oo aad mooddo inay
moog yihiin arrimahaan
1-
Sidii ku xusnayd Distuurkii Soomaaliya,
qofku dhalasho ahaan, wuxuu Soomaali yahay, haddii uu ka soo jeedo dagallada
Soomaalidu degto, shardina maahayn inuu qofku ku dhasho labadii gobol ee
1960-kii sameeyay JS. Taas macnaheedu waa qofkii ku dhashaa Jumhuuriyaddii
Soomaaliya ee xorta ahayd iyo kii ku dhashaa qeybihii kalee dalalka kale la hoos
geeyay waa is ku mid waana is ku xaquuq.
2- Ummadda iyo talisyadii Soomaaliya ka soo
arrimiyay waxay is ku raacsanaayeen; in qeybihii Soomaaliyeed ee sida qasabka
loogu daray Itoobiya ama Kenya iyo Jumhuuriyaddii Soomaaliya aysan xuduud ka la
lahayn, waxayna ugu yeeri jireen: “xuduud-beenaadka”.
3-
Soomaalidu hantiday ka la leedahaye, dhulka
ma ka la laha. Sharci ahaan, qofka Soomaaliga wuxuu ka degi karaa dagallada
Soomaalida meeshuu doono, sharci ka celin karaana ma Jiro.
Haddaba, ragga maanta ka taliyaa Muqdishow waxay ku
gafeen xuquuq uu lahaa qof Soomaali ah markay u gacangeliyeen nacab la og yahay
inuu dilaayo ama dhibab badan u geysanaayo, waana danbi culus.
Dhanka kale, siyaasadda arrimaha dibedda ee
Soomaaliya waa inay labo, mid uun ku salaysan tahay; inay hayso waddadii
halganka ee lagu doonaayay gobonnimo dhammaystiran oo ay hesho ummadda
Soomaaliyeed dhammaanteed ama waa inay qaaddaa waddada dabadhilifnimada oo u
adeegaysa gumeystaha Abasiiniya iwm.
In madax Soomaaliyeed yahay waddani u
adeegaya ummaddiiisa iyo aayaheeda, waxaa mar walba halbeeg u ahaa, una ahaan
doona, hadba siduu u wajaho Itoobiyada (Abasiiniyada) mar walba u heellan siday u
ka la dhantaali lahayd ama burburin lahayd qaranka Soomaaliya iyo siduu u la
dhaqmo dhulalka Soomaaliyeed ee la gumaysto. Qofka doonaya, inuu Soomaaliya
madax ka noqdaa waa inuu u soo diyaargaroobaa halgan adag oo u baahan go’aan-qaadasho
isaga iyo inta uu jecel yahay u horseedi karta halis xagga nolosha. Qofka
madaxnimo lagu raaxaysto rabaa, ha is ka illaawo madax-kanoqoshada Soomaalida maanta.
Waxaa hubaal ah, in Soomaali dhammaanteed, waligeed
gobonnimo-doon ahayd, ahaanna doonto inta ay xoroobayaan qeybaha la gumeysto ee
Soomaaliyeed, waayo haddii qofka, far hurgunto qandhaa saabata jirkoo dhan,
sidaas si lamida buu yahay Qaranka Soomaaliyeed oo waa jir qura. Ummadda Soomaaliyeed qaar raaxo ku ma noolaan karo, qaarna
silic iyo saranseer. Qofka si kale u fakara, wuxuu ku sifoobayaa maahmaahdii
ahayd:
Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheeda
Ashkir
Aadan Qaataa