Suldaan Qaabuus (wajiga Carabtii Asalka |
ISIRKA CARBEED
Erayga Carab
(Arab) wuxuu Afka Arameyga ku yahay; Kuwii Lama-Degaanka Degganaa” ama
Saxaaraha Degganaa. Waxaa isirka Carbeed laga dhigaa seddex qeybood:
• Carabtii Hore عرب بائدة: waa halka
erayga"Badaw" ka soo jeedo, waxaana la leeyahay way tirmeen. Waxaa kamid ahaa qolooyinkii; Caad (عاد), Samuud/Salmud (ثمود), Waaweynkii (العماليق), Dhasam(طسم) , Judays(جديس), Umaym(أميم), Cubayl(العبيل) iyo Wabaar (وبار). Qolooyinkaasi waxay degganaayeen Jasiiradda Carabta waayo aad u fog.
erayga"Badaw" ka soo jeedo, waxaana la leeyahay way tirmeen. Waxaa kamid ahaa qolooyinkii; Caad (عاد), Samuud/Salmud (ثمود), Waaweynkii (العماليق), Dhasam(طسم) , Judays(جديس), Umaym(أميم), Cubayl(العبيل) iyo Wabaar (وبار). Qolooyinkaasi waxay degganaayeen Jasiiradda Carabta waayo aad u fog.
• Carabtii Asalka (Carab al Caariba (العرب العاربة);
waxaa ka loo loogu yeeraa Reer Qaxdaan, waxaana kamid ahaa qeybihii Reer
Qaxdaan: Kahlaan oo ahaa ina Saba’ Yash-jub Qaxdaan iyo Xumayr oo ahaa
walaalkii Kahlaan.
Waxaa
“Kuush” la oran jiray dhulalkii u dhaxeeyay Koonfurtii Misobateemiya ee dhanka
Waqooyi iyo Faafka (basin) Wabiga Niilka Cad oo dhanka Koonfureeda, oo ay ku
jiraan labada daan ee Badda Cas iyo labada daan ee Gacanka Cadmeed. Tan iyo
waayo hore, farqi baa u dhaxeeyay dadyowgii dagganaa dhanka Waqooyi ee
Jasiiradda Carabta iyo kuwii dagganaa Koonfurta oo ah dad Reer Kuush Xaam ahaa,
waxaana kamid ahaa qolooyinkii daganaa Koonfurta Jasiiradda Carbeed: Seba, Havilah, Sabtah,
Ra'mah, Sabtekha, Sheba iyo Dedan. Haddaba, dadka maanta loo yaqaan Carab,
dhaladkoodu waa kuwii ku abtirsan jiray Kuush ina Xaam, waxaase muddo dheer
labaayay dadyow Reer Saam ahaa oo dhulalkooda u soo dallaabaayay.
(a) Carabtii La Carabeeyay (Al-Carab
Al-Mustacriba العرب المستعربة ): waxaa ka loo la yiraahdaa;
Al-Cadnaaniyuun. Carabtaan wuxuu abtirsigoodu ku arooraa Nabi Ismaaciil (CS)
Ibnu Ibraahim (CS), asal ahaanna Nabi Ibraahim wuxuu ka soo jeeday Uur oo ku
taal dalka Ciraaq, wuxuuna u dhashay isirkii Al-Kuldaan (Chaldeansالكلدان).
Waayadii ay
taagyaraysay Boqortooyadii Baabilooniya ee ku hadli jirtay afkii Reer Saamkii
Bari, ayaa qolooyin ku hadli jiray afkii Reer Saamkii Galbeed aagga soo
dagayeen laga soo bilaabo qarnigii 11aad Dhalashada Masiixiga Kahor, waxaana
kamid ahaa qoladii Kuldaan ee uu u dhashay Nabi Ibraahim (CS).
Sida lagu xuso
sooyaal-diimeedka, Nabi Ibraahim wuxuu geeyay wiilkiisii Ismaaciil iyo hoyadiis
oo la oran jiray Haajir meesha hadda Kabacadu tahay, wuuna uga tagay, kadibna
waxaa wiilkii barbaariyay qabiilkii Jurhum ee il-biyoodkii Samsam soo kordagay,
markuu korayna waxay u guuriyeen gabar la oran jiray Raala bintu Mudad bin
Caamir bin Jurhum. Carruurtii ka firtay labadaas waalid baa noqday Carabta la
yiraahdo kuwii-la-carabeeyay ama la yiraahdo Cadnaaniin (Cadnaan waa mid, kamid
ahaa dhashii uu Nabi Ismaaciil abkowga u ahaa oo haddana ahaa absaxankii Nabi
Max’d 'CSWS').
(b) Waxaa ka loo soo galaaya Carabtii
la carabeeyay, dadyowga daggan Masar, Shaam, iyo dadyowga daggan Waqooyiga
Afrika. Kuwaas oo caraboobay waayadii Kacaankii Weynaa ee Islaamku ku baahay
aagaggay degganaayeen.
Sida
lagu xusay Bibliotheca Historica ee uu qoray Diodorus/kii
Sishili iyo Geography ee uu qoray Strabo, Jasiiradda Carabta (Arab Peninsula) waxaa loo baxshay
magacaas qarnigii kowaad Masiixiga Hortiis (MH). Muddadaas kahor ma jirin magac
wada kulmiya dhulalkaas ee mid walba waxay lahayd magac u gaar ah, sida Saba’,
Ximyar iwm.
Qoraalladii
Reer Ashuur (Assyrian records) markay ka hadlayeen qabsashadii Boqorkii
Asarhaddoon dhanka waqooyi ee Jasiiradda Carabta, waxaa lagu xusay magacyada Kûsh iyo Mušuri (Reer Masar).
Sidaas
darteed, qolooyinkii ku noolaa Jasiiradda Carabta la ma oran karo hal isir bay
ahaayeen, balse waxaa la oran karaa isirro is ku dhafmay:
A- Dadkii Koonfurta Jasiiradda: wuxuu
asalkoodu ahaa Reer Kuush, waxayna is ku qolo ahaayeen, dadkii ku noola xeebaha
Soomaaliya ee ku foorara Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Badda Cas ee Afrikada
Bari. Sheekooyinkii hore, waxaa lagu xusay in dadkaas degganaa dhanka
Koonfureed ee Jasiiradda Carbeed ee Reer Kuush ka tirsanaa ay sameeyeen
ilbaxnimo lagu magacaabi jiray Sabtan, waxaana caasumad u ahayd Shabwah. Sida
lagu xusay sheekooyinkii Boqorradii Ashuur (Tiglat-Pileser III, Sargon II iyo Sennakherib) waxay dadkii Reer
Midyan ee degganaa dhanka waqooyi ee Jasiiradda qaayibeen dhaqammadii ay caanka
ku ahaayeen Reer Kuush ee ahaa in haween boqorro u noqdaan, waxaana kamid ahaa
boqorradaas dumarka ahaa: Zabibi, Shamsi,
Te'elkhinu, Yati'ah, Tabu'wa, Yapa'a and Bashi. Qoraalladii
Reer Ashuur waxaa dhulkii ay degganaayeen Reer Midyan lagu magacaabay Kuush.
B- Marka la tixraaco qoraalladii
Yuhuudda, waxaa markii ugu horreysay erayga “Carab” loo adeegsaday
Nabadiyiintii (Nabateans) kuwaas oo degi jiray miyiga Bairga
Falastiin, waxaana sidaas ku raacay taariikh-yahannadii xilliyadii Roomaanka,
sida Strabo iyo Josephus.
Carabtii
degganayd dhanka Waqooyi-Galbeed ee Jasiiradda oo ku abtirsan jirtay Nabi
Ismaaciil (CS) waxay samaysay boqortooyin, halka kuwii is la iyaga ahaa ee
degganaa dhanka Koonfur-Bari ay xagsadeen dhaqankii abtiyaashood; Reer Kuush,
waxaana ugu fooladsanaa qolooyinkaas Qiidar. Carabtii degganayd dhankaan
Waqooyi, waxay si joogta uga siqayeen dhaqankoodii Kuushiga ahaa, iyagoo ka la
guursanaayay Aramiyiintii aagga degganayd, waxaana sidaas ku abuurmay
bulshooyin cusub sida Kuwo Suuriyiin ah. Waxay sidoo kale Carabtaasi ugu
milmaysay dadyowgii Reer Saam ee iyana aagga wax ka degganaa. Halkaan waxaa ka
abuurmay Afka Carabiga, oo hubaashii asal ahaan Aramey ka soo jeeda.
C- Carabtii degganayd Bartamaha Carabiya,
qarniyaal bay ka madax-bannaanayd boqortooyinkii Koonfurta iy boqortooyinkii
hab-qoleedka ku dhisnaa ee Waqooyiga, waxayna xagsatay dhaqankeedii Reer Kuush.
Dhulkay degganayd Carabtaan, wuxuu u ahaa marin dhinacyada kale. Safarradii
Xijiga ee ka tagi jiray Yeman waxay sii mari jireen Midyan oo deegaan ahaan
xigtay Badda Cas.
Boqortooyinkii
Yemaneed dan ka ma yeelan dhulalkii bartamaha ee Jasiiradda, kuwii Saba’na
iyagu waxay ahaayeen badmareenno maahiriin ah oo badaha ku adeegta, wuxuuna
ganacsigoodu gaari jiray ilaa Misobataamiya, waxayna deegaanno ka samaysteen
dhammaan Xeebaha Bariga Afrika.
Markii ay
burburtay Boqortooyadii Baabiloon, waxay Nabadiyiintii la falgaleen Beershiya
iyo Giriig, waxayna joogto ugu siqayeen dhanka
Waqooyi-Galbeed. Waxay mileen qolooyinkii Edomites, Moabites, Ammonites iyo
qolooyin Aramean ahaa. Arrintaasi waxay xoojisay magacii
aagaggaas Carabi ku lahayd.
Gunaanad:
Dadka la siiyay magaca 'Carab', asal ahaan waxay ahaayeen Reer Kuush Xaam, waxayna bilawgii degeen Koonfurta Jasiiradda Carabta, sida dhulalka Yeman iyo Cummaan-ta maanta. Carabtii Hore, ku ma hadli jirin Afka Carabiga ee maanta aan naqaan, waayo Afka Carabigu marar dambe ayuu ka soo dhambalmay Afkii Arameyga oo Saami ahaa, wuxuuna la bah yahay afafka sida; Ge’ez iyo Axmaari. Dhanka kale, dadyowga maanta loo yaqaan Carab maahan ummad isku isir ah, waayo sideedaba erayga "Carab" qolo maahan ee waa deegaan; saxaare.
Gunaanad:
Dadka la siiyay magaca 'Carab', asal ahaan waxay ahaayeen Reer Kuush Xaam, waxayna bilawgii degeen Koonfurta Jasiiradda Carabta, sida dhulalka Yeman iyo Cummaan-ta maanta. Carabtii Hore, ku ma hadli jirin Afka Carabiga ee maanta aan naqaan, waayo Afka Carabigu marar dambe ayuu ka soo dhambalmay Afkii Arameyga oo Saami ahaa, wuxuuna la bah yahay afafka sida; Ge’ez iyo Axmaari. Dhanka kale, dadyowga maanta loo yaqaan Carab maahan ummad isku isir ah, waayo sideedaba erayga "Carab" qolo maahan ee waa deegaan; saxaare.