Sannadku
markuu ahaa kow taariikhda Hijriyada ayaa Nabi Maxammad (nabad & naxariis
korkiisa ha ahaatee) iyo koox raacsanayd
ka qaxeen magaaladii Maka oo aheyd halkii uu ka soo baxay Nabigii Islaamku, kadib markuu
nabigu ugu yeerayey 13 sano dadkii uu ka dhashay inay soo galaan diinta cusub.
Waxay u qaxeen dhankii magaaladii Madiina oo saldhig u ahayd labadii qolo oo la
kala oran jiray Qaws iyo Khasraj oo intii muddo ahba dagaal sokeeye oo kharaar
ka dhex-oognaa.
Waxaa
kaloo jirtay in dhulka maanta loo yaqaan Mangooliya uu lahaa qabiillo reer
guuraa ahaa oo colaad joogto ahayd ka dhaxeyn jirtay. Hase yeeshee, waxaa ka soo dhex
baxay qabiilkii la oran jiray Boorjigiin nin la oran jiray Temujiin oo ay boqor ka
dhigteen. Ninkaasi wuxuu xoog ku mideeyay qolooyinkii Mangooliya ee kala
qoqobnaa, Markaas kadib baa la siiyay magacii caanka noqday ee ahaa Janggiis
Khaan oo macnuhu ahaa Boqorkii Weynaa. Janggiis Khaan wuxuu awooday inuu abaabulo
cudud ciidan oo lixaad leh oo dunida
amakaag ku ridday (1206-1227 AD), qeybo badanna ka qabsaday isla dunida. Kadib
Janggiis Khaan (Genghis Khan) wuxuu
qabsaday dunida islaamka, dhammaadkiina boqortooyadii uu ka dhex unkay dunida
islaanmku way islaamtay, waxayna waayihii dambe isu rogtay boqortooyadii caanka
ahayd ee Cusmaaniyadda oo boqollaal sano ugu awood roonayd dunida.
Sheekooyinka
aan ku soo tiraabnay waxay mujinayaan in qabiilka loo adeegsan karo hawlo
waxtara. Sidoo
kale waxaa qabiilka loo adeegsan karaa burburin iyo balo-abuurid, waxaana
tusaale wacan u ah, burburintii weynayd ee loo geystay qarankii S/liyeed ee wali
olalaheedii socdo.
Markii
horeba, qaabayntii qaranka S/liyeed
waxaa bud-dhige u ahaa qabiil S/liyeed oo ay kale qeyb galeen qolooyin kale.
Sidoo
kale waayihii dambe, dhaqdhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa waxaa mar walba bud-dhige
u ahaa qolo S/liyeed,
Waxaa
arrintaan dambe tusaale wanaagsan u ah dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Maxammad
Cabdalla Xasan hoggaaminayay, oo qabiilka Dhubahante bud-dhige u ahaa dhiig badanna
u qubay ujeeddooyinkii halganka dheer loo maray. In kasta oo reero badan oo
S/liyeed door ku lahaayeen, waxaa muran lahayn saldhiggii uu u sameeyay
dh/dhaqaaqaas qabiilka aan soo sheegnay. Waxtarka ay Daraawiish ku leedahay
taariikhda S/liyeedna, waxay ku mudan tahay Qolada Dhulbahante in lagu xusuusto
oo lagu sharfo.
Siyaalahaas
awgood, waxaan oran karnaa qabiilku ma aha qallooc S/liyeed ee waa qeyb Eebbe,
waxaan kaloo oran karnaa waa sunnadii sooyaalka ahady ee noolaha aadanaha loo
yaqaan. Waxaa qabiilka loo qeexi karaa inuu yahay koox dada oo dan-wadaaga oo
loo adeegsan karo ujooddooyin kale geddisan. Haddii samo loo adeegsado, waxay cududdii ku midaysnayd magaca qabiilku horseedi kartaa wanaag saabta geyigeeda ama goonyaha dunida oo idil, haddiise loo adeegsado ujeeddooyin liita, wuxuu qabiilku horseedi karaa hoog iyo baaba'. Waa halkaan dambe, midda keenta in dad badani dhaliil iyo dhaleecayn dusha uga tuuro magaca qabiil oo dhan, waxaana keenaya madax-xanuunkii laga qaaday falalkii qabiilka loo adeegsaday ee burburinta iyo baabi'inta lahaa. Runtu waxay tahay, dadkaas aruuray ee la baxay magaca qabiilku ma keenin dhibkee, waxaa keenay fikradihii wax bi'inaayay iyo dhinacyadii watay.
Qarnigii
20-aad ragaalkiisii markii la helay dawlad S/liyeed ayaa hab-dhismeedyadii reeraha S/liyeed danahooda ku maamuli jireen qasmeen, waana markii madax beeleedyadii aqoonsiga weyn ku lahaa bulshada S/liyeed
idilkeed laga talo baxay, oo halkoodii uu soo galay horjooge xaafadeed,
guddoomiye degmo, guddoomiye gobol, wakiil xisbi, mudane gole-shacab, wasiir ku-xigeen, wasiir, madaxweyne IWM.
Kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda hababkii siyaasadeed oo laga soo minguuriyay
dawladahii dhanka bari iyo kuwii dhanka galbeed ee dunida oo aqoonyahankii waayaha cusub ee S/liyeed
soo bawsaday.
Aqoonyahan
oo ku hilan fikradihii shisheeyaha ee doolka ahaa wuxuu u hiyi-kacay inuu
haleelo haybaddii isimmada iyo
waxgaradka beelahii S/liyeed ee
sooyaalka ahayd iyo waliba inuu si gooniya u dhiinsado dhacaankii qaranka ee
dhex-yaalka ahaa. Kii ku hungoobayna wuxuu habar-wacasho ku la meeeray reerihuu
ku abtirsan jiray oo labo-daraalaba iyagoon hubsan ujeeddada uu leeyahay ninkii habarwacday u guuxay qeylo-dhaantiisii.
Dhanka
kale, waxaa xayndaab-toleed oo adag isku meershay kii garabootanka taladii dalka ku haleelay
amaba saami ku helay. Kuwaan dambe, waxay beelahay dhabar garaacdeen u sheegeen
in nacab dantooda kadhan ahi ku soo food leeyahay, ayna tahay in nafta loo
huro difaaca danta guud iyo sharafta
reerka/reeraha. Waa markoodee, waxay reerihii la gubaabiyay dhufaysyada u galeen
si ay u difaacaan hoggaamiyihii la maagay, sidaas bayna ku galeen colaado sokeeye, iyagoon hubsan arrintay u hubqaadeen waxtarka ay iyaga u leedahay.
Markay
murugtay, wuxuu aqoonyahan oo hore u soo tuuryeeyay dhallaankiisii oo ku daray
dugsiyada wacan ee dibaduhu, si sahlan ugu soo tillaabay bannaanaduu hore u
sahansaday. Canshuurtii laga qaadi jiray danyarta oo uu waayo badan
maggawsanahayay oo uu dhitaystay baa u noqotay hanti uu isku hallayn karo. Wuxuu guryo qaaliya ka gatay gobollada ugu
qaalisan dunida. Wuxuu gatay korjado
jaakado ah oo aad u qaaliya oo uu ugu
tala galay tamashlaha iyo taxaashka.
Aqoonyahan
oo ku jira taxaashkiisii wuxuu ku warramaa in dalkii, dad aan waxtar aheyn looga
maara la’ yahay, uuna sugayo inta uu xasilahayo. Wuxuu sugayaa inuu dalkii bilo barbaarkii uu birmadka galiyay oo haddana
uga baxsaday iyo odaygii uu ibtileeyay oo uu uga tagay awaaraha. Wuxuu sugayaa
inta agoonleydii asayda wadatay oo kallahada iyo baqoolada wax ku tacabtay ay
aruurinayso hantidii koobnayd ee dadaalka daalka badan leh lagu helay, kadibna
uu aqoon-yahannimadiisa ku helo maamulka dhaqaalahaas.
Maanta oo aan caaradda uga jirno qarnigii 21aad oo ay
dunidu aqoonteeda gaammurtay ku ladan tahay, wuxuu aqoonyahankii S/liyeed
geesaas iyo gunnimo ku la wareegaa geesaha dunida asagoo ka gaaf wareegaya
dhulkii ay aheyd inuu gaajo iyo dheregba ku joogo, oo uu wax ka taarto
badbaadadiisa. Halka waxgaradkii uu hoday gibbaankii garashada ka liitay uu xusullada u mutay wax-ku-xallinta
xeerarkii soo jireenka ahaa ee sawaabkii sodcaalay uu sirgaxay.