Waxaan
waayahan dambe arkaynnay sida bahalnimada oo loo la dhaqmo dadka Soomaaliyeed
ee qaxootiga ku ah Koonfur Afrika. In kastoo maalmihii u dambeeyay aan
arkaynnay dhibaatooyinka calculus ee lagu hayo dadka Afrikaanka ah guud ahaan,
haddana mar walba waxaa carrabka lagu hayaaa Soomaalida. Dad baa waxay ku
doodaan in dhaqanka Soomaalida ee tartanka iyo is-biimaynta badan uu u horseeday
dhibabka. Sheekadu sidaas aad bay uga fog tahay, ugana qoto dheer tahay.
Nacaybka
dadka Afrikaanka ahi, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika u qabaan Soomaalida wuxuu
asal ahaan ka soo jeedaa Gumaystayaashii Reer Yurub ee sidii ayaxa ugu dagay
qaaradda Afrika qarnigii 19-aad oo haddana ka la qeybsaday. Ingiriiska oo ahaa gumeystihii ugu
itaal roonaa, uguna dhibaatayn badnaa, wuxuu si daran u waxyeelleeyay Isirka
Soomaaliga. Sababta saldhigga u ah dhibaataynta Soomaalida ee Ingiriisku la
beegsaday waaa: qofka Soomaaliga oo markii horaba diiday inuu ka hooseeyo
cidna, caddaan iyo madow kuu yahayba, balse muujiyay qab dheeraada iyo in asagu
dadkoo dhan ugu sarreeyo.
Gumeystihii Ingiriiska oo si weyn u faafiyay in qofka
madow sidiisaba uusan aadane ahayn ee uu la meel yahay xoolaha, si markaas gumayntiisu
maangal iyo sharci u noqoto, waxaa amakaag ku noqotay in qolo madow waa
Soomaalida e aysan qaayibayn ka-hoosaynta “inferiority” ninka cad. Sidaas
darteed waxaa laf dhuun gashay ku noqotay gumaystayaashii Ingiriiska iyo
Talyaaniga oo ku habsaday dhulalkii Soomaaliyeed, arrinkaan aysan ka filayn nin
madow. Waxaa intaas dheeraa in Soomaalidu si ba’an u la dirirtay
gumaystayaasha, meel walbana ku la dirirtay. Ingiriisku wuxuu dhibta uu ka la
kulmay Soomaalida ku muujiyay warbixinnadiisii ku saabsanaa meelihii uu
gumaystay.
Sidaas
darteed, wuxuu gumeyste Ingiriis ku dhaqaaqay siyaalahaan:
1- Wuxuu
jarjaray dhulalkii Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhigay lix qeybood. Qeyb Itoobiyuu
raacshay, qeyb Kenyuu raacshay, qeybna Yeman (Suqadra iyo jasiiradaha raacsan),
qeyb isagaa qaatay, qeybna Talyaanigaa qaatay. Ujeeddada sidaas uu u yeelay waa
kahortagga cudud midaysan oo Soomaali yeelato.
2- Wuxuu si
weyn ugu baahiyay dunida in isirka Soomaaliga ah yahay mid xun oo aan lala
dhaqmi karin. Wuxuu si gaara ugu dhex-baahiyay Afrika xumaha Soomaalida ee
isagu maleegay, si aysan Afrikaanku uga tusaale qaadan isirkaan gunnimo-diidka.
Waxyaalaha uu u cuskaday dicaayadihiisa waxaa ka mid ahaa; in Soomaalidu tahay
dad iska la weyn dadka madow oo ka faana.
3- Wuxuu u
hawlgalay sidii uu u xakamyn lahaa la-falgalka Soomaalida dadka Afrikaanka ah,
wuxuuna dhinac walba ka horeeyay dhaqdhaqaaqyadii Soomalida.
Xilliyadii kala dawanaa ee la soo maray arrimahaaas aan soo xusnay
marna ma baabi’in, waxayse hadba lahaayeen qaabab kala duwan, ilaa ay gaartay
in dawladnimadii Soomaaliya gebi ahaanteed la burburiyo 1991-dii, sidaas oo ahayd
ku talagal.
Waayihii ka dambeeyay burburkii weynaa ee 1991-dii waxay Soomaali ku
firirtay goonyaha dunida, meel kasta oo ay tageenna waxay ka muujiyeen
firfircooni aan lagu arag dadka Afrikaanka ee kale, tusaalaha ugu fiican waa
Soomaalidii u qaxday Kenya. In kastoo qaxootigii ku susumay Kenya uu ahaa cayr
faromaran, haddana muddo 20 sano gudaheeda waxay si aada uga muuqdeen ganacsiga
Kenya, waxayna Soomaalidii cayrta ahayd ka dhigeen xaafadda Islii (Eastleigh)
ee kamid ahayd xaafadaha ugu hooseeya Nayroobi, xarunta ganacsiga ee Bariga
Afrika oo dhan, waxaana la oran karaa waxay ka dhigeen Islee, Manhattan-kii
Afrika. Sidoo kale waxay Soomaalidu ka muujisay meel walba oo ay tagteen awood
ganacsi iyo karti yaab leh. Waxay kaloo Soomaalidu isir kasta oo kale, ugu
duwaanatay deeqsinnimo iyo u-dabacsanaanta dadka danyarta ah, ilaa lagu
naanaysay; “dadkii lacagtu ka da’i jirtay” iyo “dadkaan lacagta waayi jirin”.
Dadkii Afrikaanka ahaa ee saboolka ahaa ee Soomaalidu la dhaqantay waxay ka
heleen waxtar aysan waligood arkin. Mar kale waxaa tusaale ah Islii oo
Soomaalidu ka shaqaalaysay kumannaan qof oo qowmiyadaha Kenya kamid ah.
Deeqsinnimada iyo is-taakulayntu, waxay Soomaalida u keeneen
tixgelin iyo in loo arko dad ka sarreeya dhiggooda, waxayna u muuqdeen kuwo
waxtarkooda marti loo yahay. Waxay kaloo dhaqammadooda fiican iyo dhalankooda
qurxoon u keeneen xiqdi iyo xaasidnimo. Kuwaan dambe, waxay sii kordhiyeen
nacaybkii horaba u beernaa.
Arrinta kale, oo yaabka leh waxay tahay; qofka isir ahaan
Soomaaliga ee ku dhasha Kenya, Itoobiya ama dalkoo kaloo dunida iyo kan ka soo
jeeda jumhuuriyadda Soomaaliya isku si baa loo arkay loolana dhaqmay. Macnuhu waxaa weeye;
isirka (race) Soomaaliga waa mid oo meel uu ku dhashay iyo daluu u dhashay
midna wax ma dooriyo.
Marka la tixraaco astaamaha ka muuqda meelo kale geddisan oo
dunida, dhibaataynta Soomaalidu waa midaan ku ekaan doonin meel iyo goor, ee
waxaa dhici karta inuu isirkaani noqdo mid si weyn loo dulmiyo ama duudsiiyo.
Maxaa La Gudboon Soomaali:
Mar haddii uummadihii kale aysan dadka Soomaaliyeed kala soocayn,
waxaa ku habboon dadkaan la danleeyahay inuusan isaguna is ka la soocin ee uu isu
arko mid qura oo isu baahan mar walba.
Mar haddii Soomaali cadawnimo soojireena iyo mid cusub loo hayo,
waxaa ku habboon inay xaaladdeeda aad u ogaato una qiimayso, waana inay ogaataa
in sida kaliya ee ay u jiri kartaa tahay talo-dhexe ama dawlad xooggan oo ay
yeelato. Waa inay Soomaali ogaataa inaysan wax is tari karin, cadawna iska celin karin haddii aysan ka gudbin kala-qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta maanta.
·
Dhiigga wilic leh
waagaan gadneen, qalannay willkeenna
·
Waddammada
shisheeyaha maxaa, walimo loo doontay
·
Alla maxaan shir
lay naga waciyo, gogol weytaynnay
·
Alla maxaan wax
lay inoo qaliyo, weelashii marinnay
·
Wuxu maxay
ahaayeen maxaa, laba is weydiisay
·
Alla maxay xumaan
waartay iyo wari, na soo gaadhay
·
Muxuu inagu
wiirsaday nimaan, hor uga weynaannay
·
Kolleey sharafkii
webi buu ku dhacay, waanan aragnaaye
·
Waan-waan ha loo
raadiyee, talo is weyddiiya
·
Haddii kale warjeefkiyo
xiqdiga, abid wanaag mooda
Max’uud Max’d Firin (AUN)