Maalin
dhaweyd baan waxaan dhageystay waraysi lala yeeshay nin da’ weyn oo kamid ah
ragga lagu muuneeyo maansada Soomaaliyeed, hadalkiisii oo koobanna wuxuu ahaa
sidaan:
“Waxaan
bilawgii 70-aadkii curiyay riwaayado murtidoodii uu qoonsaday madaxweynihii dalka
M S Barre. Markii tixihii riwaayadahaas dadweynihii wadwaday ayaa Madaxweyne
Barre ii yeeray, wuxuuna ii sheegay; inaan dhib kale jirin ee maansooyinkaad
curisay naloo adeegsaday, sidaas darteedna uu rabo in maanso dambe oo aan
leeyahay loo adeegsan isaga iyo taliskiisii. Wax-curintaydu waxay ka turjumaysay
rabitaankii dadweynaha oo bilaabay inuu qoonsado taliskii dalka. Haddaba mar
dambe anigoo wali wada halabuurkaygii ayaa lay qabtay waxaana la iga dhigay nin
ku xiran magaala kamid ah magaalooyinka Soomaaliya. Dhawr sano kadib, ayaa la
iga soo daayay xabsi-magaalihii, waxaana lay dejiyay hoteel Muqdishow ku yiil,
kadibna waxaa la ii geeyay Madaxweyne M S Barre. Wuu i waraystay kadibna wuxuu i
weyddiiyay waxaan doonayo, asagoo ula jeeday jago/mansab iwm, mana weyddiisan (macnaha
ma rabin oontiisa). Hawlahaygii ka ma harin, dhawr jeeroo dambana ninkii dalka u
talinaayay waa lay horgeeyay, mar walbana isagoo adeegsanaaya farsamooyinkiisii
yaabka lahaa ayuu wuxuu isku dayi jiray inuu igu soo dabbaalo siyaasadihiisii
aniguna ma hoggaansamin. Markii dambe, aniga iyo rag kaloo xigtayda ahaa waxaan
si qarsoodi ah ugu tallawnay Itoobiya. Waa naloo soo dhaweeyay kadibna, annagoo
qabna labbiskii ciidammada Itoobiya oo ku hubaysan qalabkay na siiyeen baan
bilawnay halgankii aan uga xoraynnaynay dalkayaga cadawgii haystay, aniguna
maansadaydii kicinta ka sakow, waxaan ahaa nin labbisan oo xabadda ridaaya.”
Ninkaas
waayeelka ah ee waayihiisii ka warramaayay wuxuu ku celceliyay ninkii uu
dagaalka kula jiray iyo halyeyadii hormoodka ka ahaa halgankii u xaqa u
arkaayay, wuxuu magac-dhabay hebello uu sida muuqata wali aad ula dhacsan
yahay. Wuxuu kaloo xusay in ururkii uu ka tirsanaa diiday la-bahowgii ururkii
iyaga uga horreeyay mucaaradnimada, sababtuna ahayd laabaha oo aan isu
fayoobayn (macnuhu labo qoloo aan is jeclayn).
Haddaba si
aan u fududaynno ujeedka maqaalkaan aan ku raacno odeygaas warramay dhammaan
wixii tabasho ah oo uu ka sheegtay Madaxweynihii Dalka ee waagaas, oo ay ugu
weyn tahay Kali-Talisnimo. Markaas kadibna annagoon adeegsanayn fikir-qoleed
waa qabyaaladdee aan ku eegno sheekada odayga hadlay weynayso, kadibna aan yare
falanqaynno wixii aan ku aragnay weynaysada, isla markaasna aan tixgelinno
qodobbada kala ah; maangalnimada iyo waddaninimada.
Waa tan
kowaade, nin Afrikaana oo waabka hantiwaagga ka tirsanaa oo xoog ciidan talada
ku la wareegay oo joogay ragaalkii qarnigii 20-aad oo in badan kugu dayay koolkoolin,
sasabaad iyo deeq si uu taageero kaaga helo ama kaaga reebo mucaaradkiisa,
markuu midna kaa waayayna xabis-magaalo ku geliyay, miyuu kuu darnaaday?
Marka la tixgeliyo wacaalihii ka jiray waayahaas dunida waxaa maangal ah,
inuusan ninkaasi kuu darnaan.
Waa tan
labaade, Mingiste Xayle Maryam wuxuu ahaa taliye dilaa ah oo dhiig badan
daadshay, sida la wada okobban yahayna ugu naxariis darnaa uguna tala adkaa
hoggaamiyaashii Afrikada Madow. Sidoo kale wuxuu ahaa taliyihii Dalkii Itoobiya
ee colaadaha guunka oo ilaa hadda socdaa kala dhexeeyeen Soomaaliya oo waliba is
la waayahaas aan ka hadlayno labada dal dhex mareen dagaallo ba’naa. Haddaba ma
maangal baa inaad Kali-taliyihii dalkaaga oo koolkoolin iyo sasabo kuu la
taagan ka doorato kali-taliye kun jeer ka darnaa oo qeybo isirkaaga ah gumeysi
xun ku haya waligiina ku hayay? Marka la cuskado garashada toosan iyo fikirka
maanka fayow, jawaabtu waa maya oo maangal maahan.
Waa tan
seddexaade, marba haddaad la soo safatay cadawgii soojireenka ahaa ee dalkaaga
adoo sita hubkoodii iyo darayskoodii, kadibna warjeeftay dadkaagii, dalkaagiina
burbur iyo baaba’ u horseedday, maxay tahay waddaninimada iyo xoraynta aad ku
faraxsan tahay? Adoo waayeela oo haddana maanso-yahana oo wax-dhimaalkaas
baaxadda weyn geystay ama wax ka geystay, maxay tahay raynraynta aad muujinaysaa, maxayse tahay
tixgelinta aad mudan tahay? Ma daw baase inaad halyeyo ku sheegto hormoodkii
xoogaggii burburiyay dawladnimadii dalkaaga, xooggii dalka ee hortaagnaa
cadawgiisana nacab dil mudan ka dhigto lana dirirto?
Marka warka
odayga iyo dhacdooyinkii sheekada aan hadal-haynno ku beegno halbeegyada;
maangalnimada, waddaniyadda, garaadka suubban iyo garsoorka toosan, waxaa noo
caddaanaysa in xoogaggii uu odagu kamidka ahaa, ahaayeen dad marin habaabay oo qas
iyo qalalaase geyaysiiyay dadkoodii iyo dalkoodii. Kooxahaas ma lahayn ujeeddo
suubban oo midaysan oo ku dayasho ama tixraac dambe leh. Si kasta oo loo eego ama lagu eego
waxay ahaayeen qaran-dumisyo magac-xumo iyo taariikh madow mutaystay. Hal-abuuraan
ahay oo waa hubkaygii waxaanna u adeegsaday kicintii iyo abaabulkii dadweynaha
si ay u dagaalaan oo u burburiyaan dalkoodii, maxay tahay xikmadda ku jirtaa oo
maxaa laga dhaxlay oo lagu xusi doonaa? Jawaabta oo kooban; waa waxba.
Hadda way ku
adag tahay dad badan inay halyeyadii qolodooda u arkaan hoojiyeyaal baaba’
keenay, maalin uun baase la xisaabtami
doonaa oo la kala miiri doonaa lulugga iyo labeenta.