Dhalanteed iyo Dhaan
Dabangaalle Dheh!
Aniga iyo inta ila eyniga ahba, waxaa
ayaankeen noqday in marag ka noqonno dhacdooyin taxane ah oo aad u ba’an,
kuwaas oo dulhabsaday qaranka Soomaaliyeed dhammaanti. Waxaan waayihii nolosha
ku aragnay waxyaalo haddii ay marar hore dhici lahaayeen oo naloo soo warin
lahaa aan u qaadan lahayn sheekooyin dhalanteed iyo dhaan dabangaalle ah.
Muddo
ku siman 20 sano iyo dheeraad, waxaan u dhug lahayn dhibaatooyin isdabayaal ah
oo markaan mid ku dhaygagnaba ay mid tii hore ka daran naga soo mudbaxaysay. Maalmahaan waxaan arkaynnay
qorshayaal lagu sheegay xukuumad-u-samaynta dawladnimadii burburtay. Waa arrin
fikir ahaan huwan wanaag iyo waxsan, hase yeeshee, sida arrinka loo qaabeeyay
markaad u fiirsato, waxaa kugu dhalanaysa murugo iyo maanka oo qaadan waaya waxa
maraxa naloo ka dhigay. Waxaa la yiri; waxaa xildhabaannada baarlamaanka
Soomaaliyeed dooranaya oday-dhaqameedyada dalka. Waa yaabe sidee xildhibaan
qof/jifo keensatay u matali karaa tolkaas dhammaanti oo waa yaab kale, sidee
qof reer keensaday uga adeegi doonaa danaha dhexyaalka u ah qaranka oo dhan?
Waa mare, hab qoleedka Soomaaliyeed isinku ama
odaygu xilkuusu waa guddoominta arrimaha waxgaradka tolkaasi go’aamiyo waa isla
sidiiye waa shir-guddoomiyaha xubnaha tolka, qoloda ama bah-wadaagta. Wuxuu
kaloo yahay, barta arrimuhu ku soo aruuraan oo laga maareeyo kadib markii
danwadaagtu ka shirtana, laga soo saaro ga’aammada bahdaasi ama tolkaasi
gaaray. Maahan isinku ama odaygu sarkaal ciidan oo bixiya amarro aan dood
lahayn. Maaha kaligi-taliye, inta taladii dalka xoog kula wareegay aan tiisa
laga daba oran karin. Odaygu waa isinkee, wuxuu ku jaango’an yahay talada
qoladuu shirguddoomiyo, sida kuwa kaluuna hal-codle yahay. Sidaas bay ku soo dhisnayd
kaladambayntii soojireenka ahayd ee uu waayo badan hab qoleedka Soomaaliyeed ku
soo taagnaa.
Waa mar labaade, kursi siyaasadeed oo aysan qolodu ama bahdu u habaysnayn siday u agaasimi lahayd, haddii lagu soo
dhextuuro sow maaha ha isku nacdo, habkii wadajirkeedu ha ku burburo amaba ha
isku layso? Nabe haah, waayo waxaan laga sii baarandagin oo la sii hadoodilin
xeerarkii ama jaangayntii lagu maamuli lahaa, waxa laga dhaxlaa waa qas iyo
qalalaase waaana middaan dambe tan malahayga ku weyn. Aqalkii dawladnimo ee
weynaa, sidii maalinba udub loo siibaayay, ayay hadda maraysaa in aasaaskii la
fujiyo. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u badbaaday hababkii xigaalka, xididka
iyo xasabada. Seddexdaas baa ahaa dhidibyadii saldhigga u ahaa sii jiritaanka
bulshoweynta Soomaaliyeed. Waxaad moodda kuwa Soomaaliya balada u maleegaa inay
darseen oo isla heleen sii-baabi’inta dantii guud ee dalka iyo dadka.
Oday-dhaqameedku marna maahayn xubin siyaasadeed ee wuxuu mar walba ahaa xubin
hoggaamisa arrimaha bulshada reeruhuu ku abtirsado. Haddii dan la mooday, in isinkii ama
odaygii uu ciyaaro door siyaasadeed, waxay ahayd inuu marka horaba isaga iyo
waxgaradka uu odayga yahay ka fakaraan waxa loo igmaday dheefta iyo dhibka uu u
leeyahay dadkiisa. Waxay ahayd inay si weyn uga feejignaadaan wax kasta oo
wadajirka dadkiisa waxdhimaal u leh. Waxay ahayd inuu arrinkaan meelmarintiisa uu
la kaashado dadka u madaxda u yahay kadibna, xeer hoosaad la wada ogboon yahay
la meeldhigo. Marna maahayn inuu kaligiis maalootiyo arrimo taabanaya kooxo
danwadaag ah. Marna maahayn inuu dadkiisa ku dhaqo hab aan lahayn qaab wax lagu
kala sooco. Tusaale ahaan, haddayba noqotay in loo xilsaaro soo doorashada
mudane bahdiisa matala, waxaa habboonaa inuu waxgaradka ama guurtida tolka uu
odayga u yahay uu sii xilsaaro isla-helista tilmaamihii mudanaha la doonaayo
kahor intaan hebello la sheeg sheegin, kadibna iyadoo aan la isu itaal sheegan
oo ilma-adeer siman la yahay mudnaanta la siiyo kan hawsha la maaggan yahay ugu
habboon. Kaasi waa kan laga filan karo waxqabad guud. Kaasi waa kan isaga la
goobo ee maahan kan isagu mudnaanta isasiiya oo u harjadaaya haabashada jago
loo qoondeeyay waxqabadka guud. Mudanaha wanaagsan ee maanta ku qumman
siyaalaha Soomaaliyeed waa kan loo soo baryo u-adeegga dadkiisa ee maahan kan
laaluushka iyo xeeladaha kale wax ku doona oo aad mooddo ganacsade faa’iido
doon ah.
Waxaa amakaag iyo uurkutaallo ah, in
tolalka Soomaaliyeed iyagoon xeerar arrinka lagu sooro lahayn loo tartansiiyo
ama ay u tartamaan jagooyin dhexyaal ah, kadibna ay u ekaadaan dad yaw ah oo
sidii dugaagga raqda ku qamaamaya oo ku garabootamaya. Waxaa kaloo murug leh,
in iyadoo loo wada jeedo lagu takrifalo xeer hoosaadyadii loo qaandeeyay
sooxulista mudanayaasha waxaana arrinkaan dambe tusaale u ah; waxaa la aguugay
guddi-farsameed loo xilsaaray shaandhaynta mudanayaasha la soo doortay. Waxaa
shardi looga dhigay tilmaamo ay ka mid tahay; shahaado dugsi sare haddana waxaa
ku gudbay kii qirtay inuusan dugsi dhexana dhigan oo haddana si caalamiya ugu
eedaysnaa musuqmaasuq.
Ummad taladeeda iyo tabaheeda saldhig
uga dhigtay xeer-la’aan iyo xeelado gurracan sidee uga ruqaansan kartaa
fadhiidnimo ay ku curyaantay?
Tolkaan Jilib-carro iyo
Xeer lahayn, Waa Isku Jabayaa!
(Dhuurcas)