ARWAAXDII
BUKOOTAY
Sida laga warqabo qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood
oo kale ah jir iyo ruux. Jirku waa kan culeyska leh, daraaddiisna ay ku
suurtowdo in jirku dhulka korkiisa ku ahaado, waa kan leh unugyada tirada badan
oo daraaddood uu u yahay wax nool oo mar koraaya marna gaboobaya ugu dambaynna
dhimanaaya oo baaba’aaya. Inta uu nool yahay jirku wuxuu leeyahay habab kale
duwan oo uu ka sameysan yahay iskuna maamulo, haddii lagu soo duulana uu isku
difaaco. Weerarrada ku yimaada jirka waxaan badidood u naqaan cudurro. Markay
cudurradu haleelaan jirka wuxuu muujiyaa astaamo kale duwan. Mid kastoo ka mid
ah astaamahaan waxaa lagu gartaa qaabka uu jirku u jirran yahay waxaanna ugu
yeernaa cudur, xanuun ama jirro. Sidaas darteed, astaamaha jirradu waa
qeylodhaan gargaar doon ah. Aadanuhu wuxuu u helay dhibabka la soo darsa
hababka jirka dawyo uu wax uga qabto sida; daaweyn, daryeel iyo hawlo looga
hortago weerarrada ku imaan kara qofka jirkiisa oo loogu yeero fayodhawr. In
kastoo wali ay jiraan cudurro loo maaro waayay oo aan la heli daweyntooda,
haddana badi waa laga adkaaday cudurradii la bartay. Waxaa dadaalladii badnaa
ee ka dhanka ahaa jirrooyinka lagu gaaray in waayahaan cimridherersiga horumar
laga sameeyo. Waxaa kaloo aad loo bartay waxyaalaha lagu dheefiyo jirka iyo
kuwa waxyeellada u leh oo ay tahay in laga fogaado.
Dhanka kale, ruuxu waa tabarta nuuxinaysa oo hawlgelinaysa
jirka awgeedna uu qofku ku noqdo mid ka awood badan abuuranayaasha kale ee
uunka. Ruuxu waa qeybta qofka ee la aamminsan yahay inay markii ay kali noqoto
ka madaxbannaan tahay xeerarka fiisikiska (physics) sida cufjiidka (gravity).
Haddii jirku ahaa kan la falgala dhammaan walxaha uu ku garan karo shantiisa
dareemayaal, ruuxu wuxuu la falgalaa dhammaan walxaha aan shanta dareemayaal
lagu ogaan karin, kuwaan oo aan u naqaan daahsoonayaal (abstracts) sida;
jaceylka, neceybka, baqdinta, samirka, maaminta/haaminta, aqoonta ama garaadka
iwm.. Waxaa la leeyahay mar haddii ruuxu yahay qeybta qofka ee sii jiri doonta
nolosha dambe ee waaritaanka waxa kaliya ee ruuxa la socon doona waa
daahsoonayaashii uu la falgali jiray waayihiisii nolosha dhulka ee uu qofka
hagi jiray. Meekhaanka ama martabadda nolosha waaritaanka qofkana wuxuu xiriir
la yeelan doonaa falaaddadii daahsoonayaasha ee waayihii nolosha dhulka.
Weyddiintu
waxay tahay ruuxu sidii jirka oo kale cudurro ma ku dhacaan?
Jawaabtu waa haa, oo sidii jirka oo kale buu ruuxuna u
bukoon karaa. Waxaa ka mid ah; garashoxumo, maaminxumo, falalxumo, xiqdi,
xaasidnimo, balwado, maamulxumo, masayr, balaahood (balo-arag) iwm.. Qofkii
ruuxiisu jirraday wuxuu la yimaadaa falal waxyeello badan u leh noolaha kale
iyo naftiisaba. Halka haddii qofka jirkiisa in yar ka soo harto uu wali u kari
karo waxtar loo aayo, qofka ruuxiisu jirrado isagoo jir ahaan dhan buu
waxtarkii gabaa. Wuxuu noqdaa qof noloshiisu culeys ku tahay inta kale oo
fayow. Sidii cudurrada jirka oo kale baa loola tacaalaa cudurrada nafta ama
ruuxa, hase yeeshee sida kan hore kan dambe horumarku ma gaarin, sababtuna waa
fahamka ruuxa laftiisa oo yar, ka dibna baxnaanintiisii baa sidaas ku yaraatay.
Sidaas oo ay tahay waxaa jira habab la hubsaday oo haddii la raaco bukaankii
ruux ahaaneed ku dawoobi karo ama fayodhawr ahaan loo adeegsan karo. Waxaa ka
mid ah kuwaan dambe; xeerarka diinta iyo xikmadaha.
Takhaatiirtu markay daaweynayaan qofka buka oo daawooyinka u
qoraan waxay tilmaamaan qorshaha daaweynta sida iyagoo sheega qaddarka daawo ee
sida maalinlaha loo qaadanayo iyo inta la wadaayo qaadashada daawooyinka.
Sidaas si le’eg baa cudurrada ruuxuna ugu baahan yihiin qorshe daaweyneed. Sida
loogu dhibtoonayo haddii qaadashada daawada la tahan dhaafsho baa tan ruuxuna
loogu dhibtoonayaa. Sida cudurradu uu leeyihiin kuwo faafa oo dad badan
galaafta baa cudurrada ruuxuna u leeyihiin kuwo aafooyin keena oo dad badan
saameeya.
Haddaba maanta shacabka Soomaaliyeed waa mid uu haleelay
cudurro nafsaani ama ruuxaani ah oo baahsan. Waxay yihiin cudurrada nafsaaniga
ee ku baahay ummaddda Soomaaliyeed kuwo aafo ah oo la isqaadsiiyay. Si loo sii
garto cudurradaan aan ka soo qaadno tusaalooyinkaan muujinaaya astaamaha
cudurrada ruuxaaniga ah:
· Qof aad
sheeko wadaag tihiin baad oran: ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo xooluu
tabcaday. Qofkii baa ku jawaabi; marwaduu qabo baa dadaashay ee hebelkaad
sheegayso waxba kuma toornaadeen hadduusan heblo qabi laheyn. Mid kaloo
agfadhiyaa oran; soo ma ogid inuu xoolaha xaaraan ku helay?
· Mid baad ku oran; ninkii hebel ahaa waa dadaalay
oo wax buu bartay, markaasuu ku jawaabi; waxbarasho maxay tari nimaan caqli
laheyn?
· Mid
baad ku oran; xafladdii la qabtay hebel baa ka hadloo war fiican buu dadkii u
gudbiyay, markaasuu ku jawaabi; war ma nin reer hebel ah oo waxsan sheegaad
aragtay? Mid baad
ku oran; qolo hebel ama gobol hebel waa ismaamuleen oo wax lagu dayan karay
sameeyeen, markaasuu ku jawaabi; faanka iyo tookhoodaa ku maan maraye cidna wax
ma dheera. Mid
baad oran; inanka hebel ah waa wiil firfircoon oo dadaal badan, markaasuu ku
oran inta qoslo; abtigiis ma taqaan, war wiil waa abtigiise naga daa warka! Mid
kalaad oran; reer hebel gabar wanaagsan baa u kacday, markaasuu oran; waxaad
ogtahay yaraa, xaalkeeda hoose ma ka warqabtaa?
· Mid
baad oran; taariikhda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah nin hebel la oran jiray oo gobonnimada
u soo halgamay, markaasuu oran; uu yaa ahaa? Adigii baa oran tol hebel buu
ahaa, markaasuu oran oo ma qoladaaduu ahaa? Saad oran haa, markaasuu inta qosol
la dhaco oran; alla faan badanaa!
· Waxaad
arki koox meel lagu qaxweeyo fadhida oo ku hareeraysan hal qof oo dhammaan ku
qoslaaya iyagoo qofkii ku leh; sidii qoladaada maalintii dhaweyd looga adkaaday
ma aragtay? Waxaad
arki koox lagu tiriyo kuwo wax bartay oo u xusulduubasya sidii qoladoodu uga
heli laheyd dawlad qarameedka Soomaaliyeed wasiir cuslus sida kan maaliyadda
sidii iyadoo wasiirku qoladooda wax gooniya uga keenayo dawladda. Isla kooxdaas
baad arki iyagoo caraysan haddii wasiirkay rabeen waayeen oo leh; waxaani
dawlad maaha, taageeradayadii waa kala noqonaynnaa.
· Waxaad arki qofaf ku xiiqsan difaaca madaxa
dalka oo hadduu saxan yahay ama gefsan yahay labadaba isku si’ u difaacaya
sababtuna tahay wadaagga abtirsiinyo. Isla qofafkaas uusan halyeygoodu gefin
waxay u tuumiyaan madaxda kale ee aysan abtirsiinyo wadaagin dhammaan wixii
gefaf ah ama khalddamay.
· Waxaad
ka akhriyi wejiyada qofaf badan oo bulshada ka mid ah farxad markii tol
Soomaaliyeed laga soo sheego dhibaatooyin sidii iyadoo arrinta dan ugu jirto.
Waxaa kuu caddaan in wararka dareenka leh xiiso u leeyihiin inta badan
bulshada, u riyaaqidda wararkaasna si weyn loo arki karo. Dhaqankaasi waa
balaahood; waana u-durraamashada dadka shiddooyin iyo sharaf la’aan waana cudur
nafsaani ah.
· Marka
qof wax gaaraan sida jirro, maalbeel, dhimasho iwm. waxaad maqli kuwo leh;
ilaahay waa caaddil degdeg buuna addoomihiisa uga abaalmariyaa waxay
galabsadaan sidii iyagoo soo akhriyay kitaabkii weynuhu qofkaas wax ugu qoray.
· In
kastoo xilalka ama jagooyinka dawlad qarameedka, kooxaha loo xilsaaraa
adeegyadoodu iyo waxtarkooduba dhexyaal u yihiin qaranka oo idil, haddana
waxaad maalin walba arkaysaa in inta badan bulshadu u heellan tahay reer
hebelnimada qofka xilqaaday oo laga filaayay u-adeegga danta guud. Arrinkaan oo
aan tusaale u baahnayn ee si weyn loogu wada jeedo waa astaamo cudurro nafsaani
ah oo baahsan. Haddii bulshadu fayowdahay lama soo mariyeen in xubnaha ka
adeegaya dantooda guud lagu jimeeyo qolooyinkooda ka dibna sidaas loogu
dhadhansado.
· Dharaar
noolba, markii aad la kulanto qof ama koox Soomaaliya oo sheekaynaya ka maqli
maysid wax quluubta u roon ee waxaad maqli erayo ku salaysan; naceyb, caraatan
kulul, digasho, dhoodid/shoolid beena iwm..
Haddii aad u fiirsato tusaalooyinkaan soo taxnay iyo kuwo
kaloo badan oo si fiican ugu dhabbagasho waxaa kuu soo baxaya in dadweynaha
Soomaaliyeed ay haleeleen cudurro nafsaani ah oo ballaaran, intiisa badanna
tahay bukaansocod aan garawsho ama daryeel haysan. Balse in badan oo mudan
naxariis iyo dayactir la kulmaan xaarxaaro iyo xagashooyin.
Hadday
ummaddu haysato caqiido suubban, leedahayna suugaan hodan ah oo xikmadahu ku
hilan yihiin, maxay u fayo dhawri waayeen ama loogu dawoobi waayay?
Waa adag tahay weyddiintaas jawaabteedu oo malaha waxay u
baahan tahay xeeldheerayaal kale duwan inay cilmibaaris qotodheer ku sameeyaan
arrinka. Waxaase hubaal ah in tiro badan oo dadka Soomaaliyeed ahi seerayaashii
qummanaa gooysay una tillaabtay aagagga gurracnaanta iyo qallooca. Sidaas oo ay
tahay waxaa la malayn karaa;
Diintii la rabay in arwaaxda lagu daweeyo waxay u egtahay
inuu dadkii ku sumoobay ka dib markii la dhaafshay doosaskii la rabay. Tusaale
ahaan inan dhigta dugsiga hoose haddii la fariisiyo fasalka 4aad ee dugsiga
sare oo lagu qasbo laguna jirdilo waa hubaal in inankaasi jaahwareer ku
dhacaayo waxbarashadiina eedaayo oo ka cararaayo. Sidaas si le’eg baa loogu
jirdilay dad badan casharro ay adag tahay inaan fahmaan. Waxaa kaloo jaahwareer
ku sii riday markay arkeen wadaaddadii waligood culummada u ahaa oo la leeyahay
waa gaalo oo qoorta la jaraayo. Waxay ku khalkhaleen markay arkeen qeyrooyin
muslina oo wadaaddo tuxufihii xanbaarsan galayaan oo dadkii warjaafayaan. Waxay
ku wareereen markay arkeen kii shalay lahaa ha la jahaado oo dad badan
gubaabadiisii godka u galay oo maanta cadawgii lagu jahaadayay la saaxiiba oo
la qoslaaya. Waxaa maankooda rogay markay arkeen asharaaftii la rumeysnaa inay
qoyskii nabiga ka soo jeedaan dhawrsanaanna la bidaayay oo dhagarta iyo
hantiboobka dhibco dheeri ah ku qaatay. Waxaa jahooyinkii isaga darmeen markay
arkeen wadaad dareerinaaya aayado oo wacdi iyo waano la taagan oo wadaad kale
leeyahay, gaalku waa beentiis. Waxaa maankooda gali waayay dhaqanka ah; waxaa
aad la isugu hawlayaa dharka la qaadanaayo iyo sida timaha loo jaranaayo iyadoo
ummaddii dhibaatooyin lixaad leh ku habsadeen oo si weyn u qaxayso, intii nolol
ku gaartana magansanayso kuwii ay yiraahdeen ha lagu jahaado. Intii tahli
wayday inay qaxdo tabar-darro awgeedna col iyo cadaawe isu horeynayaan. Haddii
si kale loo yiraahdo waxay kuwii looga bisooday samatabixinta dadweynaha ka
dhigeen dambeeddadii arrimaha horaaddadoodii.
Waxaa arrinka loo sawiri karaa sidii takhaatiir cilmigii daaweynta
ku wareertay oo wax isaga gadmadeen oo bukaankoodii kula dhexdhacay daawoqoris
wada khalddan oo meesha kii bukay ka qaadan lahaa hal xabbo oo kiniini ah maalintii
qaatay toban xabbo. Sidaas baa arwaaxdii bukootay oo samatabixinta u baahnayd
ula kulantay daaweyn khalddan. Dhab ahaantii cilladdu daawada maahee waa hababka
daaweynta. Dhanka kale, murtidii xikmadaha badnayd waxay noqotay midaan waxba
tarayn dad dhimirgoror ku dhacay, oo miyaa murtiyi wax tari kartaa dad la madax
qaaday? Waa maya oo horraantiiba waxaa mugdigii lagu dheelmay ku lumay
miisaankii lagu beegi lahaa xumaha iyo kii samahaba. Ummad ay halbeegyadii ka
lumeen sow maaha ummad dayowday oo dhankii u roonba ka hadaftay?
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u baahan yahay in la daaweeyo
oo cudurrada ruuxaaniga ah laga dabiibo. Waxaase muhim ah inaysan takhaatiirta
daaweyntu iyaga laftoodu bukin oo aysan madaxqufan, xilbalaqsi iwm. qabin oo
uusan arrinku noqon bukaankii la ildarnnaa xanuun faafa oo takhtar u ah
dhallaan hargabay. Waxaa kaloo muhiim ah, in xarunta saldhigga u ah fayoraadinta aysan noqon mid ay
ka cukan yihiin xanuunnada baabi’intooda lagu raadjoogo. Haddii goobihii ay ka
soo faltamayeen daryeelayaashu noqdaan kuwii saldhigga u ahaa jirrooyinka la
rabo in la dabargooyo dadaalkii la sameeyaaba sow noqon maayo mid lagu
hungoobo?.