Tuesday, September 8, 2020

SIYAASI LA-MOODKA SOOMALIDA MAANTA

Opinion | My Life as a Diplomat - The New York Times

Siyaasaddu waa xeelado iyo fikrado lagu hanto quluubta dadweynaha. Waa wax-qabad dadka loo muujiyo si ay adiga kuu raacaan. Waa abuuritaanka higsi fog oo dadka loo abaabulo iyo agaasinka arrimahooda iyadoo mar walba saldhiggu yahay danta guud. 

Siyaasiga qumman waa kan leh garaad sarreeya oo dadku ka dhigto halbeegga siyaasiga wanaagsan kaas oo waayo la isu wariyo. Dhanka kale, siyaasi lagu ma noqdo reer hebel baan ka socdaa, jaakado iyo qoor-xir la isku giijiyo. Siyaasi lagu ma tilmaami karo kan bulshada ku la dhex orda fikrado kala qaybinaaya ama soo dhaweynaya qeybo bulshada qeybo kalana fogeynaaya.

Haddaba, waxaa muuqata in qaar badan oo siyaasiinta Soomaaliyeed ee maanta ay u baahan yihiin dhaqancelin xagga xirfadda (occupational rehabilitatin), oo macnuhu yahay in laga caawiyo sidii loogu duwi lahaa xirfadda ay ku fiican yihiin), loona muujiyo inaysan siyaasaddu ahayn xirfadday ku fiican yihiin. Qaar kale, waxay u baahan yihin dhaqancelin xagga siyaasadda (political rehabilitation), oo macnuhu yahay in loo carbiyo siyaasadda loogana soo bilaabo meel hoose. 

Qaar waxaa jira Qaranka ka galay dambiyo waaweyn oo wali ku dhex jira arrimaha siyaasadda dalka. Kuwaan dambe, waxay u baahan yihiin in garsoorka la horgeeyo waxay mutaystaanna la mariyo, haddaan sidaas la yeelin soo noqon mayso ummad bahal dilaa ah oo arxan daran lagu dhex sii daayay?  

Friday, July 17, 2020

SAAMILEY

Geel kadina (100 halaad) baa waxaa soo dhacay col wuuna la soo cid galay. Geelii baa la soo dhoobay goob si loo qeybsado, dadka meesha jooga wuxuu ka koobmaa raggii geela soo dhacay ‘Saamiley’ iyo rag kale oo aan waxba ka soo dhacin geela, hase yeeshee quud darraynayaa in saamiga geela laga qeyb gasho ‘Saamidoon’.

Haddaan u adeegsanno erayga ‘saamiley’ siyaasadda, waxaa saamiley siyaasadeed noqon kara qof kasta oo dalka u dhashay oo daw u leh inuu codeeyo ama wax doorto. Haddii la yiraahdo dadka taladiisa ha la aruuriyo ama matalaad ha yeesho, waxaa noqonaya saamileyda siyaasadda xubnaha ay qeybaha dadweynuhu ama gobolladu soo doortaan oo aan maanta u naqaan; golaha shacabka. Haddii uusan jirin gole shacab oo dadweynaha matala, waxaa saamileyda siyaasadda matalaaya golaha guurtida ama isimmada qolooyinka ama qeybaha dadka, kuwaas oo kalsoonida shacabka haysta.

Horjoogayaasha gobolladu marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, waayo iyaga waxaa loo idmaday inay agaasimaan hawlaha adeegga bulshada ee aaggaas ay horjoogayaasha ka yihiin, waxaana iyaga loogu yeeri karaa ‘agaasinley’ ama ‘aqoolley’.

Xisbiyada dalka ee aan wali helin kalsoonida dadweynaha ama aan gaarin heer inta la doortay ay xubno xooggan ku yeeshaan golaha shacabka, iyaguna marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, laakiin waxaan ugu yeeri karnaa ‘saamidoonno’.

Golaha xukuumadda sida, wasiirka 1aad iyo wasiirrada kale, iyaguna kamid maaha saamileyda siyaasadda ee waxay noqonayaan, agaasinley ama aqoolley oo kaliya waxaa loo idmaday inay go’aammada saamileyda siyaasadeed ee dalka meel mariyaan.

Madaxweynuhu, wuxuu u taagan yahay ammaanduulihii saamileyda ee aan kor ku soo tilmaannay, dhanka siyaasadda markay noqotana wuxuu u taagan yahay hoggaamiyaha saamileyda siyaasadda. Sidii ammaanduuluhu colka uu u hagi jiray ayaa maantana M/weynuhu u yahay hagihii golaha saamileyda.

Aqalka Sare muxuu u taagan Yahay? Hadduu u taagan yahay guurtida Qabiillada Soomaaliyeed ama xubno iyaga matala, waa arrin la fahmi karo loo qaateenna ah, haddii kale buro dheeri ku ah hannaanka.  

Haddii la qalaabo geddiyo oo minjaheeda madaxeeda laga dhigo, haddii arrinkeeda meel aan habboonayn lagu magmakeeyo, haddii taladeeda laga duwo toobiyaheeda, soo noqon mayso ha is la salaq dhabato oo silic ku nooshu sideedii haw saxariirto?

                                                                                                                                 

Friday, July 3, 2020

Ha La Qalay Raqdeecdii

Hal la qalay raqdeedii 
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa 
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa 
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo 
Qarandidu ha liqduu yiri

Thursday, June 18, 2020

Midnimada Qaranka Soomaaliyeed


Marka erayga qaran (nation: القومية) macnihiisa laga eego qaamuuska waa: dadweyne isaga mida isir, dhaqan, ama af, oo deggan dhul ama dal gaara. Sidaas darteed, qaran waa dadkee dalka maaha, qaranimaduna (nationalism) waa jaceylka dadkaas loo muujiyo ama halganka loo galo dantiisa.
Dal (state: دولة) waa aag ay deggan tahay bulsho siyaasaddeedu habaysan tahay oo uu maamulo hal talis (xukuumad: government: حكومة). Taliska/xukuumadda waa xubno loo xulo maamulka dalkee iyagu maaha dalka (dawladda: the state). Qeybaha dadweynaha kamida ee ka hor yimaada xukumaddu ama loogu yeero mucaarad, hadday waxyeello u geystaan dadweynaha/qaranka ama dalka, waxaa lagu sifeeyaa; qaran-dumisyo, waana siday u dhaqmeen ururradii Soomaaliyeed ee hubeysnaa oo soo bilawday 1970-aadkii. Kuwaas waxay ka siinnaayeen: baabi’intii kaabiyaashii dalka/dawladda, xasuuqa xubno badan oo qarankii in la dhawro ahaa, kala-qeybinta dadweynaha, kaashigii cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa, iyo la’aanta barnaamij siyaasadeed oo midaysan.

 Sidaas darteed, kuwaas horseedka u noqday burburintii dawladnimadii Soomaaliyeed in yar oo wanaag ah ka ma dheefin qaranka Soomaaliyeed, balse waxay reeban eel ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno Ururkii SNM iyo eel kuu reebay ururkaasi. Wuxuu sidii ururradii kalaba ku salaysnaa hal qabiil, wuxuuse uga duwanaa kuwii kale, wuxuu rabay in qeybihii qolodiisu degganayd ka gooyo dalka intiisa kale. Dadweynihii kale ee la degganaa Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya Ururkii SNM wuu ku maxaabsaday oo wuxuu ka dhigay kuwo qabiilkooda hoos jooga, go’aannadoodana ku qasban.

 In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.

Waxyaalaha yaabka leh oo runta ka fog oo ay meel walba ku baahiyeen waxaa kamida: in iyagoo dal xor ah oo dalal badan aqoonsadeen ay ku biireen Dalka Soomaaliya 1960-kii. Waxay yiraahdeen tan iyo markii aan la midownay Gobolladii Koonfiurta Soomaaliya; waxaa nala ku hayey colaad, baabi’in taas oo si gooniya naloo ku talagalay. Waxay yiraahdeen isir ahaan baa naloo faquuqay oo horumakii baa naloo diiday, waxaa nala ku sameeyay xasuuq ba’an iyagoo hadalka u dhigaya in markii diyaaradaha iyo madaafiicda lagu xasuuqayay ay ahaayeen dad shacaba oo si nabada dhulkoodii u deggan, iwm.

Kuwaan afkoodu wax walba karo, marna ma sheegaan inay hubka qaateen oo nacabkii weynaa ee Itoobiya garab iyo gaashaan u noqdeen oo haddana ku soo dhex dhaceen ummad nabad u taal oo dhufays ka dhigteena dabkana saareen XDS iyo xubin kasta oo aan u dhalan qolodooda, ilaa markii dambe ay si ula-kaca u xasuuqeen dad masaakiina oo shacaba, qolodooda awgeed.

Ururkii dhibaatooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay qeybta weyn ku lahaa wuxuu ku dhawaaqay dawlad madax bannaan oo ay u la baxeen ‘Somaliland’ oo macnuhu yahay, Dhulkii Soomaalida. Xitaa waxaa qaldan magac-bixintooda, waayo meel kasta oo Soomaali deggan tahay waa Dhulkii Soomaalida, mana aha magac gaar ahaaneed. 

Yeelkoode, waxay geed la fuuleen madax-adayg iyo islaweyni, iyagoo ku cargaag tamaya kala-dhantaalka Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxaha ku doodaya in Gobolladii Waqooyi go’aan oo dal gooniya noqdaan waxaa inta badan laga taageeraa qeybo kamida 2-da gobol ee; Togdheer (41000km2) iyo Waqooyi Galbeed (45000km2). Marka lagu jimeeyo wadar bedeedka labadaas gobol wadar bedeedka guud ee JDS (637, 657km2) waxay noqonayaan 13% oo waliba haddii loo jaro 3-da bedadka dhulalka ay deggan yihiin dadka kala-go’a diiddan, waxay ugu badnaan inta diiddan noqonayaan dadka deggan 10% Dhulkii JDS.

Toddobaadkaan 6/8-19/2020 wuxuu shir uga socdaa magaalada Jibuuti wafdi ka socda JS iyo wafdi ka socda kooxaha xagjirka oo ka socda ‘Somaliland’. Kooxahaas mintidka wuxuu hammigoodi yahay in loo aqoonsado dal madax bannaan, ama ugu yaraan haddayba noqoto inay la midoobaan Gobolladii Koonfurta Soomaaliya ay helaan saami dhan walba oo dhan 50%. 

Su’aashu waxay tahay kooxahaan isla-weynidu hankaas gaarsiisay, ee kaliya arka waxay naftoodu jamatay, oo innaba aan lahayn waxa maanka fiyow oggolaan karo, maxaa lagu la xaalayaa? Ma waxaa lagu la xaalayaa in kooxdaas afduubka ku haysata dadweyne tiro badan oo aan raalli ka ahayn waxay kooxdu wadato, la qanciyo siday rabaanna loo yeelo, iyadoo la duud siinayo dadweynaha intiisa badan?

Haddiiba, kooxdaas waxaysan daw iyo abbaar toona u lahayn loo oggolaado, waxay xadgudub iyo duudsiin ku tahay Shacab-weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxayna horseedi kartaa colaado iyo dagaallo hor leh.

Sidaas darteed, waa in kooxdaas la oggolaysiiya inay lamid noqdaan dhinacyada kale ee Bulshada Soomaaliyeed ama waa in ay oggolaadaan in cod la qaadoo oo dadweynaha la weyddiiyo siday rabaan, waana inay ku qancaan in dadka Soomaaliyeed leeyahay xuquuq siman. Waa inay joojiyaan beenta joogtada ah ee ay ka sheegayaan sooyaalladii la soo maray. 

Calool maran baa la milaalaaye,
Iimaan maran la ma milaalo.

   

 

Thursday, June 11, 2020

Xasan Sh. Max'uud iyo Hadal-Xumadiisa


                            


Xasanow, waxaad dhaqan ka dhigatay inaad isu soo min guuriso Taliskii J/le M S Barre iyo kan M C M (Farmaajo), iyadoo la og yahay inay waayo kala fog ka taliyeen dalka.
Waxaa tiraabtaada laga garan karaa; inaad u dan leedahay ama tooganayso qabiilkooda. Hadday abtirsiinyo ahaan, yihiin wiil iyo adeerkiis…...So What?

Qof hoggaamiye ah marka la qiimaynaayo waxaa loo cuskadaa toganihiisa iyo tabanihiisa ee loo ma cuskoodo qolodiisa. Haddaba, intaan u dhaafo qiimaynta hoggaamintii Barre iyo Farmaajo wadaniga dhugmada fiican leh ee Soomaaliyeed, aan ku xusuusiyo dhibcaha adiga taariikhda kuu galay oo waligaa lagugu xusuusan doono; 
1. Waxaad tahay ninkii isagoo M/weyne u ah Qaranka Soomaaliyeed ka degay Jigjiga oo fagaare ka yiri; Gobolka Soomaali Galbeed Itoobiyaa leh, xoogaggii halganka hubaysan ku jirayna ku sheegay injirrey uraysa. Markaad sidaas tiri waxaad duud siisay; halgaankii Soomaaliyeed ee kadhanka ahaa weerarradii cadawgii Abasiiniya ee bilawday qarnigii 13-aad ilaa maantana hakasho mooyee aan wali gabagaboobin. Waxaad duud siisay dhiiggii Soomaaliyeed ee ku qulqulay goobihii dagaal ee waaweynaa, sida;
Goobtii Ay-Faras (1434-1468) oo ahayd goobtii lagu dilay halyeygii weynaa, Garaad Maxfuud, Goobtii Shimbira Kore (1529 AD) oo ahayd goobtii lagu dilay Boqorkii kibirka badnaa ee Lebna Dengel, 5 kun oo Soomaaliyana ku shihiidday, Goobtii Weyna Daga (1543) oo ahayd goobtii lagu dilay Imaam Axmad-Gurey, Goobtii Antukyah (1531), Goobtii Ambo Sel (1531), Goobtii Wofla (1542) oo ahayd goobtii lagu dilay Christopher De Gama oo Boqrtiiqiiskii hiillinay madax u ahaa, Goobtii Godey (1977), Goobtii Jigjiga (1977), iyo qaar kaloo bdan. Sidaas aad yeeshay waxay taariikhda ku galeysaa, inaad tahay khaa'in weyn oo ummaddiisa godob culus ka galay.

2- Kiinya oo ah gumeyste madow oo ku soo duushay Dalka Soomaaliya, markii askarteedii lagu Jaray Ceel Cadde, waxaad ka dagtay Nayroobi waxaad-na ku dhex sujuudday tacsidoodii, waxaana lagaa hayaa inaad tiri; qarax Muqdishow waxaan uga naxdin badnahay qaraxa Nayroobi!
Maalmahaas aad sidaas u dhaqmaysay, waxay diyaaridhii Kiinya duqanayeen Gobolka Gedo oo ay ku jarayeen dad iyo duunyo naflihii halkaas ku dhaqnaa, adigoo M/weyne u ahaana waxba ka maad oran!

3- Waxaad ku tiraabtay oo u hawl gashay sidii gabdho Soomaaliyeed loogu dhoofin lahaa Sacuudiga, waxaad-na tiri; gabadhaha la rabaa waa in da'doodu u dhaxeyso 17-21 sano. Soo u ma eka in qaxbeysiga Sacuudiga loo xulay labeentii hablaha Soomaaliyeed? Habka noocaas ah qofka ku dhaqma waxaa loo yaqaan dayuus (ديوث).

4- Iyadoo Dadweynihii Soomaaliyeed la dirgan la' yahay gaajo iyo silic kalaba, ayaa adigoo M/weyne ah lagugu bartay xaabsashada hantidii ummadda iyo u-xoolaynta xigtaada. Mar haddaad, mas'uuliyaddiii iyo xilkasnimadii lagaa filaayay aad ka dooratay beesaysi, waxaad ku sifowday gunnimo, horayna waxay u ahayd; nin soori kaa qaadday, waa nin seefi kaa qaadday!

Adigoo sidaas iyo sidaas ku sifoobay, baad la soo maqiiqan tahay madaxnimo-doon ku salaysan qolaysi. Maanta, oo Ummadda Soomaaliyeed hiyigeedu kacsan yahay, oo ay higsanayso qaranimadeedii oo dib loo yagleelo iyo hoggaan suubban oo maareeya danaheeda, ayaad ku la dhex meeraysanaysaa qabyaalad iyo in qolonimo wax lagu raadsho. Alle magane, Xasanow, way kaa hoostaye, maandhow aashaa meel fariiso oo Eebbahaa cafis weyddiiso, Shacabka Soomaaliyeedna hannaan-xumada ka la dhex bax.

 Aan ku soo af jaro qoraalkaan labo meeris oo kamid ahaa gabay uu tiriyay Aden-Dinix Xasan Kooshin (aun) labo qarni kahor: 

Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii laysu tirsado, ku ma takoornaado...

Aden-Dinix wuxuu yiri; haddii dadku ku tartamo laandhiirnimo ama qolonnimo, anigu maahi nooca is muujiya, laakiin haddii si dhaba loo xisaabtamo qolo laga itaal roon yahay oo loo caga jugleyn karo maahi.

Tuesday, June 9, 2020

Kalitalisnimo (Dictatorship)





Marka hore aan yare qeexno erayga: waa hab kamida hababka dal loogu taliyo ama xukuumaddiisu ku salaysan tahay. Waxaa taladu ka soo fushaa ama go’aannada qaata hal qof ama koox, waxaana loo qeybshaa:

-   1- Jiitaa Buuxa (autocratic): waa hab uu hoggaansho taliye aan laga daba hadlin.

 2- Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy): waa hab maamuleed ay talada dalka ku uruursan tahay koox. Aalaa waxay kooxdaasi ku salaysan tahay reer boqornimo, hantiley, aqoon-yahanno, shirkado, urur diimeed, urur siyaasadeed ama xoog ciidan kuwaas oo koox walba si gooniya isu bahaystay. 

 3-Dimuqraadiyad Kaligoosata (absolute democracy): waa hab maamuleed la is doorto, laakiin ay aalaa qeybta/qoloda u badan dadweynaha dalkaas ay taliso inta laga badan yahaynna la iska indho tiro xuquuqahooda.

Waxtarka iyo Dhibka Kalitalisnimada:

1-   Wartarka: marba haddii talada dalku aruursan tahay, waxaa yaraada musuqa, waxaa kordha waxqabadka, waxaana si degdeg ah loo gaaraa hormarkii la tiigsanaayay. Waxaa la sheegaa in hormarka habkaan lagu gaaro uu ka degdeg badan yahay 10 sano kan lagu gaaro dimuqraadiyadda dhabta.

2-  Waxtar-La’aanta: wuxuu habkaani horseedaa in dadweynaha la cadaadiyo laguna qasbo inuu qaato go’aannada taliska. Wuxuu talisku dadweynaha ka soocdaa kuwa uu u arko inay si fiican u okobban yihiin taliska/taliyaha, iwm.

Waxaa xusid mudan in kalitalisnimadu ay soo jireen ahayd oo waxaa la xusay waayihii Aristotle (384-322 CH/BC) ilaa maantana si weyn bay uga jiraan hababka kor sheeggan dunidoo dhan.

Soomaaliya iyo Kalitalisnimada:

Sannadkii 1960-kii markii Soomaaliya xorowday waxaa talada dalka qabtay xisbigii SYL oo hayey ilaa la af gambiyay sannadkii 1960-kii. Marka lag run sheego maamulkii xisbigaas, wuxuu hoos tagayaa qeybta kalitasnimada ee Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Waxaa aad looga war qabaa in xukuumadihii SYL ay si daran ugu tagrifaleen awooddii iyagoo ka go’doomiyay xisbiyadii kale taladii dalka, hantidii guudna si gurracan bay u adeegsatay. Waxaa SYL xeer aan qornayn u ahaa in tusaale ahaan, mudanaha imaanaya golaha shacbiga uu ahaado xubin SYL ah waxaana soo-bixitankiisa loo adeegsan jiray miisaaniyaddii dawladda. 

1969-kii waxaa taladii dalka ku qabsaday xoog, Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS). Marka miisaan la saaro wuxuu taliskaasi hoos tagayaa qeybta xukunka ee Jiitaa Buuxa (autocratic). Xukunkaas ciidammadu wuxuu noqday kii xukunkiisu ugu mudda dheeraa, wuxuuna ahaa maamulkii ugu waxqabad badnaa.

1991-dii waxaa dhacay qalalaase ba’an, burbur baaxad weyn iyo dhiig badan oo daatay. 

Markii qalalaasihii iyo dagaalladii yaraadeen, waxaa la abaabulay dawlado kumeel-gaarro loogu yeeray. Dhammaan dawladahaasi hab xukun ahaan, waxay hoos tagayaan qeybta Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Tusaale ahaan, Xukuumaddii Sh. Shariif waxay ka dhalatay qeyb ka go’day Urur Diimeedkii loogu yeeri jiray; Maxkamadaha. Xukuumaddii Xasan Sh. Maxamuud waxay ku salaysnayd Urur Diimeedkii Dammul Jadiid. Hadda, Xukuumadda M C M (Farmaajo) iyo kuwii ka horreeyay-ba waxay ku salaysan yihiin hab kooxeed loo yaqaan 4.5.

Marka la soo koobo, dhammaan maamulladii iyo doorashooyinkii dalku soo maray waxay ahaayeen kuwo hoos tagaya qeybaha kala duwan ee kalitalisnimada, mana jirin dimuqraadiyad dhaba oo dalkaani soo maray.

Iyadoo sidaas ah, baa waxaa caado noqotay in siyaasigii ama siyaasi-lamoodkii meel ka istaagaba uu yiraahdo; Kalitaliyihii M S Barre. Kaasi wuxuu moog yahay ama is illowsiinayaa in isagu ahaa kalitaliye aan ka xishoon kutumashada xuquuqda waddaniga iyo ku-jawrfalka hanitda shacabka. Waxaa intaas dheer, in qaarkood ku gooddiyo inay samayn doonaan wixii ay sameeyeen 1991-dii. Ridistii Dawlad Qarameedkii Soomaaliya iyo hooggii iyo habro-kufsigii xigay miyey u arkaan libin lagu geeraari karo? Haddiise siday ku hadaaqayaan ay noqoto oo la diriro oo la kala dido, qoloda maxasta oo lagu tuman doonaa xaggee bay deggan tahay?

Wax walba waa lagu soo holliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maantana waxaan maraynnaa in habar waalan oo tafaha haysataa noo  humbaalleyso!

Xaqiiqdu waxay tahay, dadweynaha Soomaaliyeed waa isku wada dan, mana kala maarmi doono. Qolo ama gobol walba waxaa laga helayaa tiro badan oo waxgarada. Sidaas darted, waxaa waxyaqaananda Soomaaliyeed la gudboon inay ka dhiidhiyaan qofafka ku xad gudbaaya magacooda, sharaftooda iyo danahooda.

Wednesday, April 15, 2020

Heense iyo Hubqaad



       
                                                                          

Hubqaad: Da'da ciidanka lagu geli karo ama hubka lagu qaadi karo; gaashaan-qaad. Waxaa eraygaas marmar loo adeegsadaa tilmaamidda gabadha dhar-xirashada wanaagsan, ama dhildhilaan oo ku labbisata dhar ku habboon hummaaggeeda. 

Heense: Waxyaalaha faraska la saaro ama lagu xiro si loo fuulo sida, koore, xakame, iwm. Waxaa marmar loo adeegsadaa muuqaalka qurxoon ee gabadha sida, gabadha ku qurxoon labbiska.

Erayadaasi marna ma tilmaamayaan wax ceeb ku ah gabadha ama dhaqanka, qofka adeegsadaan ma sheegin wax xun.
 
Waayahaan waxaa warbaahintii loogu daw galay dad Af Soomaaliga ka arradan oo aad mooddo in laga habaaray, oo haddana aan afka isku darayn, oo iyagoo afkoodii jajabinaya intaas xumo sheegaya oo dad aan mudnayn haaraamaya.