Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Friday, July 17, 2020
Friday, July 3, 2020
Ha La Qalay Raqdeecdii
Hal la qalay raqdeedii
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo
Qarandidu ha liqduu yiri
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo
Qarandidu ha liqduu yiri
Thursday, June 18, 2020
Midnimada Qaranka Soomaaliyeed
Marka erayga qaran (nation:
القومية) macnihiisa laga eego qaamuuska waa:
dadweyne isaga mida isir, dhaqan, ama af, oo deggan dhul ama dal gaara. Sidaas
darteed, qaran waa dadkee dalka maaha, qaranimaduna (nationalism) waa jaceylka
dadkaas loo muujiyo ama halganka loo galo dantiisa.
Dal (state: دولة) waa aag ay deggan tahay bulsho
siyaasaddeedu habaysan tahay oo uu maamulo hal talis (xukuumad: government:
حكومة). Taliska/xukuumadda waa xubno loo xulo maamulka
dalkee iyagu maaha dalka (dawladda: the state). Qeybaha dadweynaha kamida ee ka
hor yimaada xukumaddu ama loogu yeero mucaarad, hadday waxyeello u geystaan
dadweynaha/qaranka ama dalka, waxaa lagu sifeeyaa; qaran-dumisyo, waana siday u
dhaqmeen ururradii Soomaaliyeed ee hubeysnaa oo soo bilawday 1970-aadkii.
Kuwaas waxay ka siinnaayeen: baabi’intii kaabiyaashii dalka/dawladda, xasuuqa
xubno badan oo qarankii in la dhawro ahaa, kala-qeybinta dadweynaha, kaashigii
cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa, iyo la’aanta barnaamij siyaasadeed
oo midaysan.
Sidaas darteed, kuwaas horseedka u noqday burburintii
dawladnimadii Soomaaliyeed in yar oo wanaag ah ka ma dheefin qaranka
Soomaaliyeed, balse waxay reeban eel ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay. Tusaale
ahaan aan u soo qaadanno Ururkii SNM iyo eel kuu reebay ururkaasi. Wuxuu sidii
ururradii kalaba ku salaysnaa hal qabiil, wuxuuse uga duwanaa kuwii kale, wuxuu
rabay in qeybihii qolodiisu degganayd ka gooyo dalka intiisa kale. Dadweynihii
kale ee la degganaa Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya Ururkii SNM wuu ku
maxaabsaday oo wuxuu ka dhigay kuwo qabiilkooda hoos jooga, go’aannadoodana ku
qasban.
In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.
In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.
Waxyaalaha yaabka leh oo
runta ka fog oo ay meel walba ku baahiyeen waxaa kamida: in iyagoo dal xor ah oo
dalal badan aqoonsadeen ay ku biireen Dalka Soomaaliya 1960-kii. Waxay
yiraahdeen tan iyo markii aan la midownay Gobolladii Koonfiurta Soomaaliya;
waxaa nala ku hayey colaad, baabi’in taas oo si gooniya naloo ku talagalay. Waxay
yiraahdeen isir ahaan baa naloo faquuqay oo horumakii baa naloo diiday, waxaa
nala ku sameeyay xasuuq ba’an iyagoo hadalka u dhigaya in markii diyaaradaha
iyo madaafiicda lagu xasuuqayay ay ahaayeen dad shacaba oo si nabada dhulkoodii
u deggan, iwm.
Kuwaan afkoodu wax walba karo, marna ma sheegaan inay hubka
qaateen oo nacabkii weynaa ee Itoobiya garab iyo gaashaan u noqdeen oo haddana
ku soo dhex dhaceen ummad nabad u taal oo dhufays ka dhigteena dabkana saareen
XDS iyo xubin kasta oo aan u dhalan qolodooda, ilaa markii dambe ay si ula-kaca
u xasuuqeen dad masaakiina oo shacaba, qolodooda awgeed.
Ururkii dhibaatooyinkii
waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay qeybta weyn ku lahaa wuxuu ku dhawaaqay
dawlad madax bannaan oo ay u la baxeen ‘Somaliland’ oo macnuhu yahay, Dhulkii
Soomaalida. Xitaa waxaa qaldan magac-bixintooda, waayo meel kasta oo Soomaali
deggan tahay waa Dhulkii Soomaalida, mana aha magac gaar ahaaneed.
Yeelkoode,
waxay geed la fuuleen madax-adayg iyo islaweyni, iyagoo ku cargaag tamaya
kala-dhantaalka Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxaha ku doodaya in
Gobolladii Waqooyi go’aan oo dal gooniya noqdaan waxaa inta badan laga
taageeraa qeybo kamida 2-da gobol ee; Togdheer (41000km2) iyo Waqooyi Galbeed
(45000km2). Marka lagu jimeeyo wadar bedeedka labadaas gobol wadar bedeedka
guud ee JDS (637, 657km2) waxay noqonayaan 13% oo waliba haddii loo jaro 3-da bedadka
dhulalka ay deggan yihiin dadka kala-go’a diiddan, waxay ugu badnaan inta
diiddan noqonayaan dadka deggan 10% Dhulkii JDS.
Toddobaadkaan 6/8-19/2020 wuxuu
shir uga socdaa magaalada Jibuuti wafdi ka socda JS iyo wafdi ka socda kooxaha xagjirka oo ka socda ‘Somaliland’. Kooxahaas mintidka wuxuu hammigoodi yahay in
loo aqoonsado dal madax bannaan, ama ugu yaraan haddayba noqoto inay la
midoobaan Gobolladii Koonfurta Soomaaliya ay helaan saami dhan walba oo dhan 50%.
Su’aashu waxay tahay
kooxahaan isla-weynidu hankaas gaarsiisay, ee kaliya arka waxay naftoodu jamatay,
oo innaba aan lahayn waxa maanka fiyow oggolaan karo, maxaa lagu la xaalayaa?
Ma waxaa lagu la xaalayaa in kooxdaas afduubka ku haysata dadweyne tiro badan
oo aan raalli ka ahayn waxay kooxdu wadato, la qanciyo siday rabaanna loo
yeelo, iyadoo la duud siinayo dadweynaha intiisa badan?
Haddiiba, kooxdaas waxaysan
daw iyo abbaar toona u lahayn loo oggolaado, waxay xadgudub iyo duudsiin ku
tahay Shacab-weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxayna horseedi kartaa colaado
iyo dagaallo hor leh.
Sidaas darteed, waa in kooxdaas
la oggolaysiiya inay lamid noqdaan dhinacyada kale ee Bulshada Soomaaliyeed ama
waa in ay oggolaadaan in cod la qaadoo oo dadweynaha la weyddiiyo siday rabaan, waana
inay ku qancaan in dadka Soomaaliyeed leeyahay xuquuq siman. Waa inay joojiyaan
beenta joogtada ah ee ay ka sheegayaan sooyaalladii la soo maray.
Calool maran baa la milaalaaye,
Iimaan maran la ma milaalo.
Iimaan maran la ma milaalo.
Thursday, June 11, 2020
Xasan Sh. Max'uud iyo Hadal-Xumadiisa
Xasanow, waxaad dhaqan ka dhigatay inaad isu soo min guuriso Taliskii J/le M S Barre iyo kan M C M (Farmaajo), iyadoo la og yahay inay waayo kala fog ka taliyeen dalka.
Waxaa tiraabtaada laga garan karaa; inaad u dan leedahay ama tooganayso qabiilkooda. Hadday abtirsiinyo ahaan, yihiin wiil iyo adeerkiis…...So What?
Qof hoggaamiye ah marka la qiimaynaayo waxaa loo cuskadaa toganihiisa iyo tabanihiisa ee loo ma cuskoodo qolodiisa. Haddaba, intaan u dhaafo qiimaynta hoggaamintii Barre iyo Farmaajo wadaniga dhugmada fiican leh ee Soomaaliyeed, aan ku xusuusiyo dhibcaha adiga taariikhda kuu galay oo waligaa lagugu xusuusan doono;
1. Waxaad tahay ninkii isagoo M/weyne u ah Qaranka Soomaaliyeed ka degay Jigjiga oo fagaare ka yiri; Gobolka Soomaali Galbeed Itoobiyaa leh, xoogaggii halganka hubaysan ku jirayna ku sheegay injirrey uraysa. Markaad sidaas tiri waxaad duud siisay; halgaankii Soomaaliyeed ee kadhanka ahaa weerarradii cadawgii Abasiiniya ee bilawday qarnigii 13-aad ilaa maantana hakasho mooyee aan wali gabagaboobin. Waxaad duud siisay dhiiggii Soomaaliyeed ee ku qulqulay goobihii dagaal ee waaweynaa, sida;
Goobtii Ay-Faras (1434-1468) oo ahayd goobtii lagu dilay halyeygii weynaa, Garaad Maxfuud, Goobtii Shimbira Kore (1529 AD) oo ahayd goobtii lagu dilay Boqorkii kibirka badnaa ee Lebna Dengel, 5 kun oo Soomaaliyana ku shihiidday, Goobtii Weyna Daga (1543) oo ahayd goobtii lagu dilay Imaam Axmad-Gurey, Goobtii Antukyah (1531), Goobtii Ambo Sel (1531), Goobtii Wofla (1542) oo ahayd goobtii lagu dilay Christopher De Gama oo Boqrtiiqiiskii hiillinay madax u ahaa, Goobtii Godey (1977), Goobtii Jigjiga (1977), iyo qaar kaloo bdan. Sidaas aad yeeshay waxay taariikhda ku galeysaa, inaad tahay khaa'in weyn oo ummaddiisa godob culus ka galay.
2- Kiinya oo ah gumeyste madow oo ku soo duushay Dalka Soomaaliya, markii askarteedii lagu Jaray Ceel Cadde, waxaad ka dagtay Nayroobi waxaad-na ku dhex sujuudday tacsidoodii, waxaana lagaa hayaa inaad tiri; qarax Muqdishow waxaan uga naxdin badnahay qaraxa Nayroobi!
Maalmahaas aad sidaas u dhaqmaysay, waxay diyaaridhii Kiinya duqanayeen Gobolka Gedo oo ay ku jarayeen dad iyo duunyo naflihii halkaas ku dhaqnaa, adigoo M/weyne u ahaana waxba ka maad oran!
3- Waxaad ku tiraabtay oo u hawl gashay sidii gabdho Soomaaliyeed loogu dhoofin lahaa Sacuudiga, waxaad-na tiri; gabadhaha la rabaa waa in da'doodu u dhaxeyso 17-21 sano. Soo u ma eka in qaxbeysiga Sacuudiga loo xulay labeentii hablaha Soomaaliyeed? Habka noocaas ah qofka ku dhaqma waxaa loo yaqaan dayuus (ديوث).
4- Iyadoo Dadweynihii Soomaaliyeed la dirgan la' yahay gaajo iyo silic kalaba, ayaa adigoo M/weyne ah lagugu bartay xaabsashada hantidii ummadda iyo u-xoolaynta xigtaada. Mar haddaad, mas'uuliyaddiii iyo xilkasnimadii lagaa filaayay aad ka dooratay beesaysi, waxaad ku sifowday gunnimo, horayna waxay u ahayd; nin soori kaa qaadday, waa nin seefi kaa qaadday!
Adigoo sidaas iyo sidaas ku sifoobay, baad la soo maqiiqan tahay madaxnimo-doon ku salaysan qolaysi. Maanta, oo Ummadda Soomaaliyeed hiyigeedu kacsan yahay, oo ay higsanayso qaranimadeedii oo dib loo yagleelo iyo hoggaan suubban oo maareeya danaheeda, ayaad ku la dhex meeraysanaysaa qabyaalad iyo in qolonimo wax lagu raadsho. Alle magane, Xasanow, way kaa hoostaye, maandhow aashaa meel fariiso oo Eebbahaa cafis weyddiiso, Shacabka Soomaaliyeedna hannaan-xumada ka la dhex bax.
Aan ku soo af jaro qoraalkaan labo meeris oo kamid ahaa gabay uu tiriyay Aden-Dinix Xasan Kooshin (aun) labo qarni kahor:
Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii laysu tirsado, ku ma takoornaado...
Aden-Dinix wuxuu yiri; haddii dadku ku tartamo laandhiirnimo ama qolonnimo, anigu maahi nooca is muujiya, laakiin haddii si dhaba loo xisaabtamo qolo laga itaal roon yahay oo loo caga jugleyn karo maahi.
Tuesday, June 9, 2020
Kalitalisnimo (Dictatorship)
Marka hore aan yare qeexno erayga: waa hab kamida hababka dal loogu taliyo ama xukuumaddiisu ku salaysan tahay. Waxaa taladu ka soo fushaa ama go’aannada qaata hal qof ama koox, waxaana loo qeybshaa:
- 1- Jiitaa Buuxa (autocratic): waa
hab uu hoggaansho taliye aan laga daba hadlin.
2- Koox-Kalitalisa (authoritarian
oligarchy): waa hab maamuleed ay talada
dalka ku uruursan tahay koox. Aalaa waxay kooxdaasi ku salaysan tahay reer
boqornimo, hantiley, aqoon-yahanno, shirkado, urur diimeed, urur siyaasadeed
ama xoog ciidan kuwaas oo koox walba si gooniya isu bahaystay.
3-Dimuqraadiyad Kaligoosata
(absolute democracy): waa hab maamuleed la is doorto, laakiin ay aalaa
qeybta/qoloda u badan dadweynaha dalkaas ay taliso inta laga badan yahaynna la
iska indho tiro xuquuqahooda.
Waxtarka iyo Dhibka Kalitalisnimada:
1- Wartarka: marba haddii talada dalku aruursan tahay, waxaa yaraada musuqa, waxaa kordha waxqabadka, waxaana si degdeg ah loo gaaraa hormarkii la tiigsanaayay. Waxaa la sheegaa in hormarka habkaan lagu gaaro uu ka degdeg badan yahay 10 sano kan lagu gaaro dimuqraadiyadda dhabta.
2- Waxtar-La’aanta: wuxuu habkaani horseedaa in dadweynaha la cadaadiyo laguna qasbo inuu qaato go’aannada taliska. Wuxuu talisku dadweynaha ka soocdaa kuwa uu u arko inay si fiican u okobban yihiin taliska/taliyaha, iwm.
Waxaa xusid mudan in kalitalisnimadu ay soo jireen ahayd oo waxaa la xusay waayihii Aristotle (384-322 CH/BC) ilaa maantana si weyn bay uga jiraan hababka kor sheeggan dunidoo dhan.
Soomaaliya iyo Kalitalisnimada:
Sannadkii 1960-kii markii Soomaaliya xorowday waxaa talada dalka qabtay xisbigii SYL oo hayey ilaa la af gambiyay sannadkii 1960-kii. Marka lag run sheego maamulkii xisbigaas, wuxuu hoos tagayaa qeybta kalitasnimada ee Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Waxaa aad looga war qabaa in xukuumadihii SYL ay si daran ugu tagrifaleen awooddii iyagoo ka go’doomiyay xisbiyadii kale taladii dalka, hantidii guudna si gurracan bay u adeegsatay. Waxaa SYL xeer aan qornayn u ahaa in tusaale ahaan, mudanaha imaanaya golaha shacbiga uu ahaado xubin SYL ah waxaana soo-bixitankiisa loo adeegsan jiray miisaaniyaddii dawladda.
1991-dii waxaa dhacay qalalaase ba’an, burbur baaxad weyn iyo dhiig badan oo daatay.
Marka la soo koobo, dhammaan maamulladii iyo doorashooyinkii dalku soo maray waxay ahaayeen kuwo hoos tagaya qeybaha kala duwan ee kalitalisnimada, mana jirin dimuqraadiyad dhaba oo dalkaani soo maray.
Iyadoo sidaas ah, baa waxaa caado noqotay in siyaasigii ama siyaasi-lamoodkii meel ka istaagaba uu yiraahdo; Kalitaliyihii M S Barre. Kaasi wuxuu moog yahay ama is illowsiinayaa in isagu ahaa kalitaliye aan ka xishoon kutumashada xuquuqda waddaniga iyo ku-jawrfalka hanitda shacabka. Waxaa intaas dheer, in qaarkood ku gooddiyo inay samayn doonaan wixii ay sameeyeen 1991-dii. Ridistii Dawlad Qarameedkii Soomaaliya iyo hooggii iyo habro-kufsigii xigay miyey u arkaan libin lagu geeraari karo? Haddiise siday ku hadaaqayaan ay noqoto oo la diriro oo la kala dido, qoloda maxasta oo lagu tuman doonaa xaggee bay deggan tahay?
Wax walba waa lagu soo holliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maantana waxaan maraynnaa in habar waalan oo tafaha haysataa noo humbaalleyso!
Xaqiiqdu waxay tahay, dadweynaha Soomaaliyeed waa isku wada dan, mana kala maarmi doono. Qolo ama gobol walba waxaa laga helayaa tiro badan oo waxgarada. Sidaas darted, waxaa waxyaqaananda Soomaaliyeed la gudboon inay ka dhiidhiyaan qofafka ku xad gudbaaya magacooda, sharaftooda iyo danahooda.
Wednesday, April 15, 2020
Heense iyo Hubqaad

Hubqaad: Da'da ciidanka lagu geli karo ama hubka lagu qaadi karo; gaashaan-qaad. Waxaa eraygaas marmar loo adeegsadaa tilmaamidda gabadha dhar-xirashada wanaagsan, ama dhildhilaan oo ku labbisata dhar ku habboon hummaaggeeda.
Heense: Waxyaalaha faraska la saaro ama lagu xiro si loo fuulo sida, koore, xakame, iwm. Waxaa marmar loo adeegsadaa muuqaalka qurxoon ee gabadha sida, gabadha ku qurxoon labbiska.
Erayadaasi marna ma tilmaamayaan wax ceeb ku ah gabadha ama dhaqanka, qofka adeegsadaan ma sheegin wax xun.
Waayahaan waxaa warbaahintii loogu daw galay dad Af Soomaaliga ka arradan oo aad mooddo in laga habaaray, oo haddana aan afka isku darayn, oo iyagoo afkoodii jajabinaya intaas xumo sheegaya oo dad aan mudnayn haaraamaya.
Friday, March 6, 2020
Muxuu Yahay Waddani/Dalyahan (Daljir)?
Erayga Waddani (patriotوطني) wuxuu ka soo jeedaa Af Carabi waxaana loo la jeeda qofka jecel ama daacad u ah dalkii uu u dhashay iyo dadkiisa. Af ahaan erayga waddani wuxuu la-hummaag yahay; waddani-xagjira (jingoist), Qaran-yahan (nationalist), daacad (loyalist), daljecle-aada (chauvinist), go’doonlle (isolationist), dal-kale-nace (xenophobe). Erayadaas dhammaantood waxay tilmaamayaan kalgacalka ama daacadnimada qofku uu u la taagan yahay dalkuu u dhashay iyo heerka uu ka joogo qofkaasi dal-jacaylka.
Dhanka kale, waxaa jira erayo kuwaas kore kadhan ah, waxaana kamida; khaa’in (betrayer), dhabar-doox (back-stabber), labo-marinlle (double-crosser), labo-adeegle (double dealer), caasi (renegade).
Sida dalalku adduunku u dhaqmaan oo ay xeerarkooda ku xusaan, waxaa jira waxyaalo qofka, dalku xaq ugu leeyahay, waxaana ugu horreeya waddaninimo, dalyahannimo ama daacadnimo. Marka qofka laga helo xuquuqdii dalkiisu ku lahaa, baa qofku dalkiisa xaq ugu yeeshaa xuquuq sida, inuu wax dooran karo, isaga la dooran karo, isagoo xil loo magacaabi karo, iwm.
Sidoo kale, haddii qofka laga waayo daacadnimadii dalku xaqa ugu lahaa oo uu tusaale ahaan, dal kale adeege ama daacad u noqdo, waxaa loo aqoonsadaa inuu yahay khaa’in, waxaana baaba’a dhammaan xuquuqihii uu dalkiisa ku lahaa, balse wuxuu lumin karaa aqoonsigii (ID) dalkaas uu godobta ka galay, waxaana marar badan dhacda inuu la kulmo ciqaab culus oo uu ku mutaystay dhagartii uu dalkiisa ka galay.
Markaan ku foodinno waddaninimada Soomaalida siyaalaha kor ku xusan ee ku saabsan waddaniga, waxaan arkaynnaa sidaan:
Sooyaalka dadka Soomaaliyeed, guud ahaan marka la eego waxaa lagu bartay inuu yahay dad is la weyn oo qab sare leh oo ay dhaqan u ahayd iska-fogeynta shisheeyaha oo aan dhihi karno wuxuu ahaa go’doonlle (isolationist).
· Markii
la soo gaaray qarnigii 20-aad oo ay maamullada shisheeye isku fidiyeen
dagalladii Soomaaliyeed, waxaa soo baxay qeybo kamida dadweynaha oo gacan-saar
la yeeshay gumeystayaashii kalana saftay dh/dhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa,
waxaana waayahaas soo if baxay kooxo lagu tilmaami karo labo-adeeglayaal ama
labo-marinllayaal.
· Gumeystayaashii
dalka Soomaaliyeed ku habsaday, waxay adeegsadeen tabo kala duwan, waxaana ugu
xoogganaa isku-dirka qabiilladii Soomaaliyeed, iyadoo qaar lagu suntay inay
raaciyad fiican yihiin, lalana dhaqmi karo, halka kuwo kale la fogeeyay lagana
dhigay kuwo aan laylmi karin. Qeybaha hore ayaa noqday kuwa loo badiyay wixii
waxtara iyo iyagoo mar walba dhexdooda ay ka jireen unugyo u diyaarsan inay la
falgalaan danihii shisheeyaha dalkooda dhagraayay.
· Markii
uu dh/dhaqaaaqa bilaabay Ururkii SYL waxaa garab socday kooxo gumeysiga la
socday oo xitaa dilal u geystay xubnihii SYL ee guunnimo-diidka ahaa.
· Markii
uu curtay Kacaankii Oktoobar, wuxuu u dhaqaaqay sidii qeybihii maqnaa ee
Soomaaliyeed loo xorayn lahaa, qodobkaan oo shacabka Soomaaliyeed waligiis ku hammiyaayay,
sidaas darteedna, waa tii dawlad iyo dadweynaaba la galay Dagaalkii 1977. Is la markii dagaalkii qaraaraa bilawday,
waxay Itoobiya oo waligeed ahayd cadawga 1aad ee Soomaaliyeed kaakicisay oo oo hawl gelisay
unugyadii hurday ee ay kaashan jirtay, waxaana markaas bilawday ururro
qolo-qolo u habaysan oo inta Itoobiya soo hubaysay ku soo jahaysay Dawlad
Qarameedkii Soomaaliyeed.
· Ururradii
qabiilka ku dhisnaa ee ay Itoobiya ku soo hawl gelisay burburintii Soomaaliya,
waxay qolooyinkay ka soo jeedeen ku guubaabiyeen inay u istaagaan ka-xorowga
Dawladdii Soomaaliyeed, si dadku ugu dhego nuglaadana, waxay dawladdii ka
dhigeen mid qabiil gooniya ah (Marreexaan) leeyahay, waxayna tix iyo tiraabba
ku sheegeen in qoladaan dawladda Soomaaliyeed haysataa ka cadawsan tahay
Itoobiyadii nacaybka Soomaalida qabtay qarniyaal badan. Bal eega garaadka noocaasa, ee leh ha laga xoroobo dawlad Soomaaliyeed oo madax bannaan ha fiicnaato ama ha xumaatee, una halgamaaya in dalku burburo ama cadawgii soojireenka ahaa gacanta u galo.
· Markii
tiro badan oo Soomaaliya loo hiyi kiciyay inay dadkooda iyo dalkooda colaad u
qaadaanna lagu beeray, waxaa si hawtul-hamagnimo ah loo xasuuqay dadweyne fara
badan oo lagu eedeeyay inay ahaayeen taageerayaashii Dawladdi Soomaaliyeed ama
ahaayeen abtiirsiinyo kuwo la wadaaga M/Weynihii Dalka.
· Haddaba,
wadaninimadii Soomaaliyeed waxaa hafiyay khaa’imiintii qaran-dumiska ahaa ee u
adeegaayay nacabkii Soomaaliyeed ee soojiraanka ahaa, kaaga darane,
dicaayadihii qaran-dumisyada waxaa lagu faafiyay, in xoogaggii u taagnaa
difaaca dalku sida, Xooggii Dalka Soomaaliyeed yihiin kuwo mudan in lagu
jihaado oo ay tahay in cid kasta lala kaashado. Eegeey, khaa’immadii
Soomaaliyeed ee cadawga kalkaalaayay waxay la soo ban baxeen xumahoodii,
waxayna waddaniyiintii Soomaaliyeed ka dhigeen kuwo iyagu xun.
· Maantadaan
la joogo waxaa geygia Soomaaliyeed, meelo badan ka muuqda qaran-dumisyadii
haddii ay ka tirsanaan lahaayeen dalal sharciyo ku dhaqma xirnaan lahaa, la dili
lahaa ama la masaafurin lahaa. Waa yaabe, kuwaas iyaga ah waxay si xor ah uga
dhex adeegtaan bulshada Soomaaliyeed, waxayna u muluqleeyaan cadawyada qaranka
Soomaaliyeed, iyagoon dhuumanayn ee si muuqata u galaa-baxaya!.
· Halkii
ay ka ahayd in waddaniga Soomaaliyeed la muuneeyo oo sharaf la huwiyo, waxaa
marar badan dhacda in, ina hebel oo tol hebel ka dhashay gefefkiisa lagu
muuneeyo, oo la yiraahdo; yaa nin reer hebel ah la hadli kara?
Halkaan,
qabyaaladdii baa ka xoog badatay waddaniyaddii. Sidaas darteed, dantii guud ee
Qaranka Soomaaliyeed waxay ka hoos martay dan hal qof oo dhuuni-raaca ama
dhaandhaan caraysan oo habow ah oo dan sii ridanba aan lahayne kaliya xintan
ama naceyb ku jiro.
Subscribe to:
Posts (Atom)









