Friday, February 17, 2017

Gedaha Cusub ee Geeska Afrika

Related image

8-dii Bishaan 2-aad ee sannadkaan 2017 waxaa ka dhacay Soomaaliya, waxaan la filayn. Soomaaliya, waxaa doorashadii m/weynaha isu soo taagay in ka badan 20 musharrax oo intooda badan ku talagaleen adeegsiga lacago farabadan oo ay ku laaluushaan xildhibaannadii labada aqal ee m/weynaha
dooranaayay.

Tusaale ahaan, m/weynihii dalka Md. Xasan Sh. Max’uud wuxuu mar hore bilaabay olole uu ku soo saarayo xildhibaanno isaga taageera oo ku soo biira 2-da aqal, waxaana si weyn loo la socday doorashooyinkii musuqmaasuqa qaawan ahaa ee ka dhacay D/goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Wuxuu ka loo u hawlgalay inuu taageero ka helo dawladda Itoobiya oo si daran u faanbinaysay arrimaha Soomaaliya, waxaana la leeyahay wuxuu xaalku ka gaaray inuu siiyo $3,000, 000 sirdoonka Itoobiya si ay u garab-istaagaan doorashadiisa. Waxaa ka loo la hawlgalay madaxdii dawlad goboleedyada oo ku dhiirraday inay si muuqata u la saftaan m/weynihii guuldarraystay.
Labaataneeyadii musharrax, waxaa kamid ahaa nin aan ku talagalin laaluush uu bixiyo iyo shisheeye uu adeegsado, balse ku talagalay taageerada dadweynaha Soomaaliyeed oo xubnihii xildhibaannada oo meesha fadhiyay matalayeen iyo fikradihiisa waddaniga oo kaliya. Ninkaasi waa Max’d Cabdullaahi Max’d (Farmaajo). Loollankii codadkii xubnihii barlamaanka waxay guushii ku raacday, haldoorkii isku kalsoonaa. Waxaa ku xigay damaashaad wada saabtay dagallada Soomaalida oo idil.
Waxaa lagu masayn karaa arrintaas; adoo ku guuraynaayay gudcur oo la ildarnaa mugdi aan wax la arkayn iyo dhul qodax iyo qaniin badan oo si kadisa kaah lama-filaanihi dhulkii kuu wada iftiinshay.
Dhanka kale, bogaadintii iyo raynrayntii uu la sarakacay shacabka Soomaaliyeed meeluu joogaba waxay muujinaysaa ifafaalo wanaagsan iyo hididdiilo uu muuqatay dadkaan silica saxariirta ka dhargay. Waxaa ka loo muuqda in dadweynaha Soomaaliyeed go'aansaday inuu ka guuro hab-dhaqankii siyaasadeed ee qolada ku salaysnaa ee lagu habsaamiyay. Waxaa muuqata in dadweynuhu fahmay shirqoollada loo maleegayo iyo cadawga dalkooda ka dhex adeeganaya. Waxaa muuqatay in shacabku rabo hoggaan mideeya, maamul hufan iyo waxqabad dhaba. Wuxuu shacabku gartay inuusan waxtar u lahayn madax reer hebela oo abtirsiinyo lagu doorto.   
Si kastaba ha ahaatee, waxaa siyaasadaha Soomaaliya ee maanta aan ku masaynaynnaa doon ku gooshaysa badweyn kacsan oo hirarku is dharbaaxayaan. Si kasta oo ay maraabayso ama lulumayso, doonidaasi waa inay majaraheeda ku sugnaato si ay gaarto halkay higsanaysay. Waxaa u suurtogalin kara sidaas naakhuude maahira oo u geyllama siduu nabdoonaan ugu maaxin lahaa doonta oo uu u gaarsiin lahaa hiraalkeedii iyo badmaax hawlkara, daacada oo wada bad-dhaariya.


Thursday, February 2, 2017

QARAN IYO QARANNIMO


Qaran (nation): waa dadweyne wadaaga taariikh, dhaqan, iyo af mida oo deggan dhul ama dal. Marka la yiraahdo Qaranka Soomaaliyeed, maahan macnuhu taliska dalka ama dawladda ee macnuhu waa shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis, ha ku noolaado Jumhuuriyadda ama ha ku noolaado qeybaha kale ee dalalka kalee. Waxaa mudan in la xuso, Qaranka Soomaaliyeed waa Dadweynaha Soomaaliyeede, wax kasta oo astaan gaara u ah qaran wuu leeyahay, seerayaalna ma ka la laha degaanadiisu, waxaase lagu ka la qoqobay xeyndaabyo siyaasadeed oo lagu sandulleeyay, kuwaas oo noqday saldhigga dhibabka faraha badan ee haysta ummadda.  Marka la leeyahay, hanti-qaran waxaa loo la jeedaa, wax kasta oo abuurriina oo deegaannada Soomaalida laga helo sida, dhirta, biyaha, ciidda, hawada, iwm iyo wax kasta oo samaysa oo laga dhex yagleelay dhulalka Soomaalida sida, dhaqaalaha guud (mood iyo nool), jidadka, kaabadaha, dekedaha, garoommada, iyo dhisme kasta oo danguud lagu fuliyo (dugsi, isbitaal, bukaansocod, iwm).
Waxaa ka loo hanti-qarana wax kasta oo lagu soo hibeeyo magaca ummadda Soomaaliyeed sida, deeqaha iyo hadiyadaha madaxda Soomaaliyeed la siiyo. Qofka madaxda waxa la siiyo loo ma siin hebel baad tahaye, waxaa loo siiyay madax Soomaaliyeed baad tahay.
Qaran-dumis waa qofka waxyeello u geysta dhidibbada uu qaranku ku taagan yahay iyo qeybaha uu ka koobmo. Waxaa aad u badan qarandumisayada Soomaaliya, waxayna kuwa maanta joogaa si aan gabbasho lahayn u caddeysteen, waxay yihiin. Sidaan ku barannay taariikhda fog iyo tan dhawba, waxaa halbeeg u ah qaran-dumiska Soomaaliyeed oo lagu garan og yahay, garabsiga cadawga kowaad ee qaranka, waa Xabashida (Abyssinia) e. Bal eega kuwa qoslaaya oo ku faraxsan garabsiga nacabka Soomaaliyeed oo dullinimadu dushooda ahaatay!
Qarannimo (nationalism): siyaalo ka la duwan baa lagu macnayn karaa. Waxaa la oran karaa waa jeclaanta in xubnaha qarankaagu midoobaan si aysan u noqon kuwo taagdaran. In hiddaha, dhaqanka iyo afka qarankaaga ay noqdaan kuwo dhawrsan oo ka badbaada baaba’ ama doorin. Waxaa la oran karaa waa u-hawlgalka in qarankaagu is maamulo oo uu madaxbannaanaado. Waa ka-ilaalinta qarankaaga cadawgiisa dibadaha uga soo duulaya iyo kan gudaha dalka ka hawgala oo waxyeellaynta qaranka ka shaqaynaaya.  
Qaran-yahan (nationalist): waa qofka u hawlgala kobcinta ama horumarinta qaranka oo danta guud ka horumariya tiisa gaarka. Waa qofka dadaalkiisu gaaro in uu u hibeeyo naftiisa oo qudhaba u gooyo waxtarka qarankiisa. Waa qofka daryeela qeybaha ka la duwan ee qaranka isagoon ka la soocin ama ka la jeclaysan.   

In qof ama urur ku shaqeeyo qorshaha waxdhimaalka badan ee cadawga qarankiisa sida, kushaqeynta siyaasadaha dhagartu ku duugan tahay ee uu cadawgu maleegaayo ama in hubkiisa la soo qaato oo lagu soo duulo qaranka, ma qaran-dumisnimo ama khiyaano-qaran oo ka weyn baa Jiri karta?   

 

Wednesday, January 11, 2017

Dammul Jadiidka Soomaaliya Maxaa Looga Jeedaa?



Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay daris la ahaato dal ay mar walba hoggaanshaan xoogag rumaysan inay xaq u leeyihiin inay gumeystaan dadyowga dariska la ah. Xoogaggaasi waa Xabashida (Abyssinians) oo dhaqan ka dhigtay inay xoog ku muquuniyaan ummadaha ku nool Geeska Afrika.
Si ay quudiyaan ciidammadii tirada badnaa ee ay ummadaha ku qabsanayeen, waxay sharci ka dhigteen inay ciidammadoodu boobaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada wixii ka horreeyay 1907-dii. Tusaale, markay soo galeen Jigjiga 1897-dii waxay dadkii Soomaali Galbeed ka boobeen boqollaal kadin oo geela, boqollaad fadhi oo lo’ ah iyo aryo diigaanya. Waayahaas waxaa si adag u la dagaallamay dh/dhaqaaqii Daraawiishta.
Xoogaggii reer Yurub ee qeybsaday degaannada Soomaalida, dhibabkay keeneen waxaa weheliyay xoogaa ilbaxnima oo laga korarsaday sida teknoloojiyada casriga, hase yeeshee, Xabashida oo ahayd gumeyste madow oo barbar socday saancaddaha, wax laga kororsaday oo aan ka ahayn dhib iyo dhaqan-xumo ma jirin. Gumeystayaashii reer Yurub markay ka guureen dhulalka Soomaalida waxay sii ka la qeybsheen dhulalkii Soomaalida, waxayna 1948-dii siiyeen Xabashida dhulkii Hawd, 1954-tiina waxay ugu dareen dhulkii ay u la baxeen “Reserved Area” ama Dhulkii Keydka ahaa. Markii dhulalkii hambada ahaa ee ay u la baxeen “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” xornimadooda la ballanqaaday, waxay Xabashida oo uu hoggaaminaayay boqor Xaysle Salaase ku dadaashay kuna doodday inaan xornimo la siin Soomaalida, ayna kamid tahay Dhulweynaha Itoobiya. Sidaas darteed, hanka Xabashidu mar walba wuxuu ahaa inay Soomaalida liqdo bad iyo birriba.
Dadka Soomaaliyeed waxay loollan adag ka horgeeyeen gumeystaha madow ee garaadka yar, ila maantana u ma hoggaansamin taladiisa. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed si durugsan u aamminay inaan dalcadaha saree Itoobiya shar mooyee kheyr ka soo hooban, waxaana caddeyn u noqotay xumo mooyee samo-la’aanta ay yaahuudaas ka la kulmeen.
Mar kasta oo uu shacabka Soomaaliyeed iska caabbiyo hororkaas, waxaa joogto noqotay in xoogagga masiixiga ee galbeedka iyo kuwo bariguba u soo hiilliyaan gumeystahaas gardarrada badan, ilaa ay xaalka gaarsiiyaan in la burburiyo dawladnimadii Soomaaliyeed iyo in cadawgii soojireenka ahaa loo gacangeliyo agaasinka arrimihii Soomaaliyeed ee la murgiyay.
Tan iyo waagii xabashidu bilawday ololayaashii kadhanka ahaa danaha ummadda Soomaaliyeed, waxay ku shaqeysanaysay oo hawlgelinaysay kooxo Soomaaliya oo ay hub iyo taageero kalaba la garabjoogtay, si kuwaasi dalkii ay u dhasheen qalalaase u geliyaan, waxaana tusaale fiican u ah jabhadihii hubeysnaa ee Soomaaliya haadanta ay ku hoobatay ku harbiyay.
Dhanka kale, tan iyo waagii ay Soomaali ku hammiday inay yeelato dawlad qarameed, wuxuu hankeedu ahaa in la helo dawlad qarameed dhammaystiran, ujeedkuna wuxuu ahaa in la helo Soomaali Weyn oo ku midaysan hal talis iyo hal calan. Hankaan Soomaalidu ku dhegganayd wuxuu qaraw iyo argagax ku riday Xabashida. Sidaas darteed, waxay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay sidii laabta Soomaalida looga tirtiri lahaa hammigaas.
Waayahaan dambe, waxaan aragnaa kooxo la baxay magacyo silloon sida Dammul Jadiid. Magacaan waxaa ku hoos qarsoon ujeeddo ah, baabi’inta hankii weynaa ee Soomaali Weyn. Waxaa la abaabulayaa dhallinyaro xula oo la rabo inay talada dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha la wareegaan, sidaasna ku noqdaan awoodda dalka hoggaaminaysa. Kooxahaasi waxay ka maran yihiin waddaniyaddii Soomaalida iyo hankeedii weynaa oo ahaa qodob mideynaaya. Marka si kale loo dhigo, waa aalad cusub oo gumeystaha madow iyo kaaliyaashiisu soo hindiseen. Astaamaha kooxahaan aaladda u ah nacabka Soomaaliyeed, waxaa kamida, boobka hanti qarameedka dalka, qaarajinta hal-doorka waddaniga, waxqabad-la’aan aada, ka-marnaanta hal-kudhigyada waddaniga, ku-hadaaqa erayo dan u ah cadawga Soomaaliyeed, dhaleecaynta halgankii iyo halyeyadii Soomaaliyeed, aadista iyo ku-noqnoqoshada xarunta cadawga iyo iwm.
Sidaas darteed, magacaan la maldahayo waa mid loogu adeegayo gumeystaha madow iyo jaalkiisa, waxaana oran lahaa markii magacaas la qaawiyo wuxuu noqon karaa: Dammul Faasid loogu talagalay inuu halakeeyo ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaa dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka la gudboon inaysan ku dagmin kooxahaas leh hummaagga Soomaaliyeed, hase yeeshee ku hilan fikradaha gumeystaha manaxaanka. Waa in loo hawlgalaa sidii dalka looga badbaadin lahaa balaayadaas la soo abaabulay.

Friday, December 16, 2016

SINNAANTA (GABAY)....SAAHID QAMAAN



Saahid Qamaan oo gabyaagii waaweynaa ee Soomaaliyeed ka mid ahaa, gabayadiisana xikmad, murti iyo aragti dheer lagu yiqiin, baa gabaygaan madal shir lixaad lahaa ka dhex mariyey. Shirkaas waxaa looga arrinsanayey arrin nin madaxdii tolka ka mid ahaa oo lagaga cabanayey maamul xumo, caddaalad darro, cabsi gelin iyo cagajugleyn. Suldaankaas oo sida gabayga ka muuqata, kalsoonidii iyo maamuuskii la siiyay kibir iyo madax kor-u-taag ka qaaday, dadkiina markuu caddaalad-darro iyo sinnaan-la'aan ku maamulay, ayaa shirkaas duubkii madaxnimada lagaga xayuubiyey. Qamaan wuxuu ka mid ahaa guddigii ninkaas arrintiisa loo saaray; go’aankiina waxay ku sheegeen gabayo ay toddoba nin oo guddigii ka mid ahaa tiriyeen.

Gabayadaas oo dhammi waa isku wada ujeeddo, hase yeeshee,  xarafaha ayuun bay ku kala duwanaayeen. Gabaygu waxyaalaha uu muuujinayo waxaa marka la soo koobo ka mid ah:

- In sida qumman ee lagu dhaqmi karaa ay ku qotonto aqoon toosan, miyir, dulqaad iyo deggenaan.
- Awooddeeda inaan cidna ka tallaabsan karin, ruuxna wuxuu doono uusan maroorsi ku marsan karin.
- In dadka Soomaaliyeed iskaashi iyo wax-qaybsi weligoodba ku dhaqmi jireen.
- Caddaaladda iyo sinnaanta inay Soomaalidu weligeedba hidde u lahaan jirtay.

Qamaan wuxuu isagoo saaxiibkiis Dubbad Hiirad oo guddiga ka mid ahaa gabayna arrinka ka tiriyey ku halqabsanaya, yidhi:

Dubbadow nin maansada beryahan, maadin baan ahaye
Way iga madoobeyd halkiyo, maalintii Sirawe
Manjagooye siduu noogu dhacay, maagistii dhigaye

Ha yeeshee haddaan maago waan, maamiyaa gabaye
Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan hadale
Iga maqal hal aan xalay mirkacay, ama la maansooday
Hadba waxa mudh soo oran adduun, hal aannu moogeyne

Waatii shir laynagu makalay, madansigii jaane
Maantana maxay noqon sidii, Maxammed loo yaabye
Afartaa madkeeyeye sidii, macallin maw sheegay

Mitan kalana waa wiilasheer, maanka laga qaaday
Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cunaye
Nin mudmudey dharkayn hoosna maray, muruxyey shaalleeye
Miyir waxaad ku weydaan iswaal, ku ma mahiibtaane
Muslim ku ma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
Muggi weel ma dhaafo e Allow, mooska yaan jebinin

Mitan kalena waa iniga iyo, mid iska sheeggayga
Hadday muruqa geeduhu go’aan, milayga jiilaala
Mahwiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
Mataan waa ka qaybsada tolkii, midha wadaagaaye
Magansiin haddaan laygu siin, maax la dhuranaayo
Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
Oon meesha taagnahay anoon, muradna leefeynin
Oon weliba mood iyo salaan, u la maleegnaado
Oon maydhax aan igu xidhnayn, mayllimo u qaato
Saddex magac Allee xaajadaa, layma marinsiiyo

Masaw aabbahay iyo intaan, Magan ka soo gaadhey
Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi
Masa inaanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahaye
Oon weliba kaga miilcaddahay, miidh-se diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara, u ma muraad yeesho 

                 SHARRAXA ERAYADA
1- Dubbad Hiirad: waa saaxiibkii, waana nin gabyi jiray. 
2- Maadin: maagin, damcin, tirin, muujin.             
3- Sirow: waa goob dagaal ka dhacay magaceed.      
4- Manjagooye: waa dagaalka Sirow ka dhacay magiciisa.       
5- Maamiyaa: tiriyaa, curiyaa.            
6- Madansigii: goobtii.            
7- Jaan: baas.  
8- Makalay: diley, hodey.               
9- Maxammed: Sayid Maxammed (maantana maxay noqon arrintu, nin baa sidii Sayed Maxammed soo baxaye).           
10- Mitan: qodob, middaan iyada   ah, hadal kale.    
11- Sado: gibir ama canshuur saldano ama xoolo boqortooyada          la siiyo.  
12- Murud: in far dusheed lagu qaado.                   

XIGASHO:           
Suugaanta Dugsiga Sare/Fasalka 3aad  
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta  
Xafiiska Manaahijta     
Muqdishow (1978)              

Thursday, October 6, 2016

MEECAAD (MA'AT)

Image result for ma'at goddess (Ma'at)     Image result for ma'at goddess    

                                               
                                                                                                                                                                      Erayga Meecaad wuxuu hadda Afka Soomaaliga ku yahay:
1-    Xiddigaha Cirirka la yiraahdo tan ugu dambeysa oo u dhexaysa tan la yiraahdo Rab Dambe iyo tan la yiraahdo Godinta.
2-    Wax cirib dambe oo wanaagsan leh; ka-soo-rayn oo lihiin wanaagsan leh.
3-    Waxaa dhaqan soojireen ahaa, in ninka ku guulaysta dagaal uu galay ama libin soo hoyaadshay uu madaxa ama timaha gashan jiray baal gorayo. Sidoo kale, gabadha gashaantida ah, ayaa iyaduna madaxa gashan jirtay, iyadoo siduu dhaqanku ahaa durraamanaysa aayo wanaagsan iyo guur lihiin dambe leh.
4-    Waa magac ilaa hadda wiilka loo bixiyo.
Dhanka kale, dhulkii fircoonnada waa Kemet e, Meecaad (Ma’at) wuxuu ahaa ama ay ahayd astaanta runta, dheellitirka, xeer-sugidda, dhaqanka-san, iyo garsoorka. Waxaa kaloo Meecaad loo haystay inay tahay ilaahadda kala hagta xiddigaha, xilliyada iyo hawlaha weynayaasha iyo geerileyda (mortals). Waxaa la rumaysnaa inay iyadu ka badbaadisay uunka qaskii dhacay markii isaga la uumay. Sida la rumaysnaa waxaa Meecaad kadhan ahaa Is-Feyd (Isfet)
Qoraallada ugu durugsan oo muujinaaya Meecaad waxay u muuqdaan in Meecaad abuurka iyo bulshada dunindaan iyo tan dambaba u tahay hal-tusaaleed, sidaas waxaa lagu xusay qoraallo laga helay xilligii Boqortooyadii Hore ee Kemet, waxaana qoraalladaasi yihiin kuwii Unas ee Haramka (ca. 2375 BCE iyo 2345 BCE).

Waayo kadib, markii uu hir galay dhaqankii laysku lammaanin jiray Eebbe dheddig iyo mid lab ah, waxaa Meecaad lammaane looga dhigay Dood (Thot). Mar haddii Meecaad ay door fiican ku lahayd abuuritaanka oo ay si joogta uga hor tagaysay in dunidu labanto, waxay hawsheedu noqotay inay miisaanto arwaaxda (souls) waaga aakhiro ama nolosha dambe. Baalka ay Meecaad haysato ee lagu sawiray meelo badan baa la rumaysnaa inay arwxaada ku dherariso ama ku miisaanto, sidaana waxaa lagu garan jiray ruuxa u gudbaya dhanka jannada iyo kaan u gudbayn ee ayaan-darraysta.

Waxaa lagu arkay sawirradii fircoonnadii, iyagoo xiran astaantii Meecaad oo ahayd baal laglaga dheer, waxayna sidaasi tusaysay sida fircoonku asba ugu hawlnaa xeerarka Abuuraha Weyn.
Meecaad waxay ahayd inay haqab tirto dadyowga kala geddisan oo danaha kala jeeda leh, si markaas looga badbaado qas ama qalalaase. Sidaas bay Meecaad u noqotay saldhigga xeerka Dhulkii Fircoonnada waa Kemet e. Xilli kasta oo ka mid ahaa waayihii Boqortooyadii Hore ee Kemet, boqorka markaas talinaayay wuxuu isku tilmaami jiray “Duqa Sare ee meecaadidda” kaasoo laabtiisa ay ku daahsoon tahay Meecaad.

Waxtarnimadii Meecaad cirkay isku shareetay waxayna gaartay dhammaan goonyaha jiritaanka sida, inay uunka u tahay dheellitir, inay isku xirto qeybaha sii-jiritaanka, inay maamusho xilliyada, inay kala hagto dhaqdhaqaaqyada uunka, inay siddo kalsoonida iyo samaha runtu u leedahay bulshada dhexdeeda iyo falgallada dhex-mara is la bulshada. Waxaa la rumaysnaa qaska ku dhaca uunku inuu saamayn toosa ku yeelanaayo arrimaha qofka sidoo kale arrimaha dalka. Waxaa ka soo horjeeday Meecaad, Isfeyd oo astaan u ahayd qaska, beenta iyo dirirta. 

Doorkii weynaa ee ay Meecaad lahayd, ka sakow, waxaa jiray xeerar si weyn door u ahaa sida; ku-dhaganaanta hiddaha, gaaritaanka sinnaanta iyo garsoor bulsheedka. Qoraal ku beegan xilligii Boqortooyadii Dhexe (2062 ilaa c. 1664 BCE) Eebbaha weyn baa ku dhawaaqay "Waxaan ka dhigay qof walba dhiggiisa oo kale". Meecaad waxay u sheegtay in hodanku caawiyo kuwa iyaga ka ayaan daran intii ay dhiig miiran lahaayeen. Qoraal laga helay xabaal horana wuxuu leeyahay: "Waxaan rooti siiyay kuwa gaajaysan, waxaan u xiray dhar kuwa qaawan, waxaan u ahaa sey marwo laga dhintay, waxaana aabbe u ahaa agoon”.

Waxaa maankii qofkii ka tirsanaa dhulkii fircoonnada ku tirnaa in Meecaad walxoo dhan isku guniddo kana yeesho majabayaal isku dhafan, uunka, dunida abuurriinka, dalka, iyo qofkaba, waxaa dhammaantood loo arkay qeybo ka mid ah suubbanayaasha ay dhalisay Meecaad. 

Laga soo bilaabo Boqortooyadii 5aad (c. 2510-2370 BCE) Xilsidihii mas’uulka ka ahaa caddaaladda waxaa loogu yeeri jiray Wadaadka Sare ee Meecaad. Xilliyo dambe waxay garsoorayaashu xiran jireen hummaagga Meecaad.

Xilliyadii Giriiggu qabsaday Masar, xeerarkii hore ee dhulku waxay ka barbar jireen kuwii ay Giriigguu la yimaadeen. Waxaa ka mid ahaa xeerarkii sii jiray; xuquuqda la dhawro ee dumarku ku dhex leeyihiin bulshada, kuwaas oo loo oggolaa inay u hawl galaan si ka madax bannaan ragga iyo inay haweenku yeelan karaan hanti ballaaran. Waagii Roomaanku qabsaday Masar waxaa dadkii lagu qasbay qaadashadii xeerarkii Room, waana laga tagay kuwii hore.
Haddaba sidaas bay Meecaad u ahayd astaanta isu-dheellitirnaanta, caddaaladda, iyo runta. Waxaa Meecaad muuqaal ahaan astaan looga dhigay gabar da’ yar (waa sidii Soomaalidii hasha ama gabadha astaan ahaan uga dhigtay xoriyadda).

Waxay ila tahay inaysan dood lahayn xiriirka ka dhexeeya, waxa Soomaalida maanta erayga Meecaad u taqaan iyo wixii dadkii Kemet u haysteen. Waxaa cad in dhaqankii Meecaad ee hore iyo kan hadda ahba ay hal meel ka soo wada jeedaan iyo in isirkii dhulkii Kemet ee duugga ah iyo bulshooyinka reer Kuush ee hadda joogaa ay isku isir yihiin.

Monday, September 19, 2016

Maalintii Murugada Badaha Soomaaliyeed

Waxaan uga tacsineynayaa shacabka S/liyeed guud ahaan ayaandarrooyinka taxanaha ah ee muddooyinkaan dambe dul-habsaday oo ay ugu dambeysay tan ku saabsan xadeynta badaha S/liyeed ee ay Dawlad Qoleedka S/liyeed wax ka abuurtay. Waxaan si gaara ugu tacsineynayaa Bahdii Badda S/liyeed oo in badani naftooda u hurtay u adeegga badaha S/liyeed, waliba kaadirkii bad-aqoonka ahaa oo aan hubo inay aad uga murugeysan yihiin jahliga lagu maamulay badahay garashada u lahaayeen.


Qeexid Fudud

Sida aan ka maqallay ergaygii aan la mahadin ee lagu sheegay wasiirka ee wax ka saxiixay heshiiska madow ee lala galay keenya, in uu saxiixay isla-oggolaan (memo.).  Hase yeeshee ma sheegin waxa la is la oggolaaday nuxurkooda. Waxay aheyd in memo/gu leeyahay lifaaq. Waxay markaas u fasirmaysaa inay dawladda Kenya iyo cidaha caawiyaa ay soo dhammeystireen qoraalkii lagu ballamay in dal walba u gudbiyo Hey’adda Soohdimaha badaha ee dalalka adduunka ee loo qabtay 13-kii bishii 5-aad, 2009kii. Halka dhanka S/liyeed aan waxba ka diyaarsaneyn.

Waxaa cad in dhanka S/liyeed uu oggaaladay qorshe habeysan oo Keenya u adeegaya, kana daboolan indhaha Soomaalida. 
Saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa xeebta la rabo in la qeexo xadka baddeeda. Ka dib lagu qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala-awaalo xadkii la rabay. Tan hadda la filaayo in dunida laga hirgashana waa 350 mayl badeed.

 Labada dal ee Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan Keenya ayaa dhulka sii gashan.
Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan barbarro (parallel). Haddaysan noqon dhinacroor, waxaa hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu beegayo ay isgoyn doonaan. Waxaa dhici karta in diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotontay isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu waayo hanti qaran. Arrintu sidaas waa ka sii adkaaneysaa oo qoraallo sharciyeeyadu waxay guud ahaan leeyihiin murugsanaan aqoon gaar ahi ka adeegi karto.  

Waxay aheyd, in si khilaaf looga fogaado labada dal ee wadaaga xeebtu ay mid walba soo naqshadeyso hindisaheeda xadeynta badda, ka-dibna ay is barbar dhigaan naqshadahooda, is lana oggolaadaan arrintoo la turxaan bixiyey. Taas baana la oran karaa memo. la wada saxiixay. 
Waxaan filayaa in ardayga ka gudbay dugsi hoose, garan karo xiriirka ka dhexeyn kara diillimaha gudban iyo kuwa qotoma, waa maade waa tan xulka dawladda isku sheegtay midnimo qaran ay ku rambastay. 

Ma Dawlad Qarameed baa (Nation State), mise waa Dawlad Qoleed (Clan State)?

Waxaa Dawlad Qarameed lagu qeexaa inay tahay tan u adeegta danta guud ee qaran. Xubnaha ka adeegaya dawladdaasna waxay noqonayaan kuwo lagu soo dhisay qaran-yahannimo la hubiyey. Tan Dawlad Qoleedku waxay noqoneysaa mid u kale adeegta qolooyinka isu muujiyey dawladnimo. Xubnaha loo xulaana waxay noqonayaan kuwo tolnimo lagu soo doortay. Haddaba waxaad mooddaa in shacabka S/liyeed sharciyey wasiir toleed la rooraya wadaan iyo dhure uu ceelka dawladnimo tolkiis kaga waraabiyo……bal waxaan is badnay eega!

Fiirog
Kaadirkii badda S/liyeed ee in badan ka sarreeyay dhigankiisa Keenya, wuxuu sii kala lahaa takhasusyo. Dhanka aqoonta hindiseynta badda (ocean graphic knowledge)  oo ah kan muranku ka joogo rag baa noo lahaa.
Anigase qoray qoraalkaan kooban waxaa la ii tababaray farsamada qalabka maraakiibta, waxaana uga diiwaan gashaana Wasaaraddii Gadiidka Badda Chief Engineer. 

Wednesday, September 14, 2016

QARANKA, QOLADA IYO DIINTA


QARANKA, QOLODA IYO DIINTA

Xilliyadii badnaa ee ummadda S/liyeed ku dhaqneyd dhulalkeeda, waxay arrimaheeda ku maareyn jirtay xeerar aan inta badan qorneyn ee ahaa kuwo la isu meeriyo oo wiilba abkiis ka dhaxlo. Xeerarkaasi waxay ahaayeen kuwo ku cukan xikmado iyo waayo-aragnimo la aruurshay.

Diinta islaanka oo waa hore soo gaartay geyiga S/liyeedna si wanaagsan bay u la falgashay u lana dhaqantay. Dadka S/liyeed oo u yiil hab-beeleed ma laheyn xeer guud oo wada kulmiya, balse qolo walba waxay laheyd xeerar u gaar ahaa. Meelaha qaarna waxaa jiri jiray xeerar guud oo qabta tol guud oo jifooyin ku kulmaan. In kastoo qolooyinku kale xeerar ahaayeen, haddana lagu ma kale fogeyn qodobbada xeerarkaas waayo dadkoo dhan baa ahaa isku isir astaan walba wadaaga. Sidoo kale beelahoo dhan baa ahaa kuwo duddo ah oo xiriirro dhaqan iyo dhiigba leh joogto uga dhexeeyay. Waxay awoodeen beelahaasi inay noloshooda ku xasiliyaan xeerarkaaas ay sameysteen. Haddii arrin ugub ahi soo korodho waxaa la is la oggolaa in waxgarad ay u la baxeen Xeer-Beegti ay kabaan xeerarkii hore. Sidaasna waxaa lagu heli jiray xeerar la socda waqtigii la joogaba. Ilaa xilligaan la joogo, waxaa inta badan ka la haga qolooyinka S/liyeed xeerarkii awoowayaasha sida xeerarka magta ama diyada oo si kastoo loo kale qoqobay dadweynaha S/liyeed wali u ah gundhigga maareynta noloshiisa.

Soo-Faalalkii dalalkii gumeystaha ahaa oo ku sandulleeyay dadkii S/liyeed xeerarkay wateen waxay u keeneen dadkii S/liyeed arrimo ugub ah oo aan Xeerbeegtidii loo oggolaan ku-kabista kuwoodii hore. Waxaa sidoo kale ahaa dawladihii reer guriga ahaa oo iyaguna keenay xeerar aan lagu kabin kuwii dhaqanka loo lahaa. Waxaa la is ku garab waday labadaas xeer oo midna la is la oggolaa, midna qasab ahaa.

Waxay xeerarkaasi noqdeen kuwo mar walba is hardiya oo dhibaatooyin badan ka yimaadaan. Waxaa tusaale ah; askari dawladeed baa hawlgal ku dilay nin. Qoladii ninkii la dilay markay aqoonsato qolada askariga, waxay duqeydii kii la dilay iyagoo raacaya sidii ay ahaan jirtay u gogol dhigtaan qolodii askariga, iyagoo doonaya mag ama qisaas. Markay qoladii askarigu ku dacwido in askari dawladeed dhibka geystay, garowsho ku ma helaan, waayo xeerarkay is la oggolaayeen askariba ku ma jirin.

Waxaa tusaale kale ah; waxaa dhaqan aheyd in raggoo idil yahay qooroole wada siman. Haddii la dilo nin yar iyo nin weynna, ay isku mag ahaayeen. In kastoo ragga qaar sida, isinka iyo abwaanku ay lahaayeen tixgelin gaara, haddana badi raggu waa sinnaa. Waxaa marar badan dhacay in la dilo nin jago sare ka haya hababkii dawladnimada sida; wasiir, agaasime, dhakhtar, injineer, sarkaal iwm. Kadib, qoladii dhibbanuhu waxay ku qanci waayeen mag nin caadi ah ama inay u qasaastaan ninkoodii midaan la darajo aheyn, dhinicii ka lana ka garaabi waayo, waayo waxaan ku jirin xeerarkii soo jireenka ahaa jagooyinka cusub. Waxaa wali ka socda S/liya in loogu aaro nin la dilay nimaan dhib geysan, loolase jeedo in looga gamo’ kii hore loo dilay. Arrimahaasi waxay abuureen fidno aan la afmeeri karin oo guurtidii qolooyinku siday u kale furdaamin laheyd garan weydo.

Dhanka diinta islaanka oo S/lida soo gaartay is la qarnigay soo baxday una qaadatay hab hal faham leh oo aan kale laheyn laamo, waxaa dhawaan soo kordhay mad-habo ama dariiqooyin kale oo wata fasirro kale duwan oo waliba iyagii qudhoodu is burinaayaan ama is jarayaanba. Diintii waayo badan qolooyinka S/liyeed u aheyd tixraaca ugu dambeeya ama gabbaadka ugu dambeeya oo ay ku kale qancin jireen waxay noqotay mid iyadii loo soo bandhigo hab cusub oo lagu wada qaloodo. Haddii dhambaalkii diintu ahaa hab nabadeed iyo mid maanka dadka gasha, waxay maanta noqotay in qofkii oo sheeganaya islaannimo lagu xukumo gaalnimo iyo madaxoo la jaro.

Aqoonyahankii S/liyeed oo la rabay inuu is ku xiro ummaddiisa iyo nolosha waayahan dambe, wuxuu duuduub u tufay hab-qoleedkii iyo xeerarkoodiiba wuxuuna ku tilmaamay dib-u-dhac ay tahay in laga gudbo, haddana dadweynihii u ma keenin hab dheellitiran oo ay fahmi karaan qolooyinku oo ay uga maarmaan kuwoodii hore. Si yasid ku jirto buu aqoonyahan u la cabeebay aragtidiisa aan fal-tusaaleed dhab ah laheyn. Wuxuu ku celceliyey, bal daya sida Waqooyiga Ameerika looga hormaray amaba Reer Yurub u hormareen, bal daya sida dunida ilbaxa ahi u dhaqanto. Wuxuu yiri oo yiri S/lida qabiilkaa dib u dhigay, qaran iyo qabiilna is ku meel ma gali karaan. Waa su'aale, hadday S/lidu waligeed qolo-qolo aheyd, walina tahay qaran ma noqon karto miyaa?
Maya, iyadoo qabiillo ah bay qaran wanaagsan noqon kartaa. Hab-qoleedkana dambi uusan galin baa dusha laga saarayaa. Madaxnimo-doonkii waalnaa iyo shahaadooyinkii la eeday baa jaahwareerka keenaye, magaca koox dad ah oo reer hebel ah (qabiil) waxba ma dhimin.  

Odaygii S/liyeed ee dhaqankiisa ku dhaadan jiray, qolo-diidnimadu ma gelin mana geli karin. Wuxuu qabaa in qofkii sheegta S/li ay la ma huraan tahay inuu sheego qolada uu S/li ka yahay. Wuxuu qabaa inaan gabadhiisu guursan karin nimaan qolodiisa S/liyeed la aqoon oo aan waliba wadan odoyaal loo-qaateen ah oo marag fura.

Dhanka kale, wadaadkii la yimid dariiqooyinka cusub, hab-qoleedkii soo ma dhaweyn, waayo diintii qarniyaal badan lagu dhaqmaayey baa hadda gado cusub ka soo baxeen sinnaba loo fahmi waa. Markii laga maagtay sidaasna waxay isu rogtay colaad iyo dhiillooyin culus.

Waxaa ka loo yimid isbeddello xoog leh oo ay keentay nolosha casriga ah. Waxaa arrintaasi ku timid qolo kastoo S/liyeed. Waagii hore oo hab-qoleedka iyo xeerarkiisa si fiican loogu dhaqmi jiray, waxay xubnaha qoladu ahaayeen kuwo wacyigood siman yahay oo in la kale garaad roon yahay, ha joogtee, aan la kale aqoon badnayn. Waxaa maanta dhacday in is la xubnihii qoladu kale aqoon bataan dhan walba. Waxaa dhacday in xubno badan ku firiraan goonyaha dunida oo afaf iyo aqoonno kale jaada yeeshaan, is la markaasna dhaqankii heybta wataan. Waxaa maanta aad u adag in ilmo adeerradii inta shiraan is ku si wax u arkaan, is lana jaan qaadaan. Haddii arrimahaani ugub noqdeenna xeerbeegtidii ku ma kabin xeerarkii sooyaalka. Sidaas waxay keentay qolo-qolo ha joogtee, inaan jifadii hoose laheyn hannaan ay is ku fahanto.

Waxgaradkii ama guurtidii ku hawlnaan jiray xeeraynta arrimuha oo si weyn loo cadaadiyay waxay gabeen inay xitaa kabmihii dhaqanka ahaa sameeyaan. Maanta xeerarka lagu socdaa waa kuwii duugga ahaa oo aan indhawaalaba la kabin.

 Sidee habbooneyd?

Waxaa aheyd in aqoonyahanka guud iyo kuwii hoggaanada dawladeed wadayba ay u kuurgalaan dhaqammadii ummaddooda, cilmibaaris xoogganna sameeyaan, ka-dibna u hawlgalaan siday xeerarkii beelaha u mideyn lahaayeen, si markaas ay u noqdaan xeerar qaranka iyo qoladuba ku dhaqmi karaan, noqdaanna kuwo dhinac walba uu ansixiyo. Jid maaheyn in la dumiyo tiirarkii ay ummaddu qarniyaal ku soo moodday lagana dhigo waxaan jirin, laguna magmakeeyo kuwa ugub ah oo in la qaate daaye aan la is la fahminba.

Dhanka diinta oo waayahan dhib weyn ka jiro, waxay aheyd in wadaadka cusub oo fasiraadda cusub la yimid uu ku ekaado dacwada dhambbaalladiisa . Daw maaheyn in diintii nabadda ku timid qarnigii 7-aad oo si fiican loo rumeeyay loo rogo xoog qarnigii 20-aad iyo 21-aad. Haddii kitaabbadii wadaaddadii bateenna maaheyn inay isku laayaan, ummaddiina ku rogaan ee waxay aheyd haddayba midoobi waayeen in sida meelo badan oo dunida islaanka ka mid ah ka jirta ay is nabad geshaan, isna xurmeeyaan, is la markaasna si cilmeysan wax u qaadaa-dhigaan, wanaagna wax ku toociyaan, dadkana dhaqanka ay la rabaan waxbaris ku gaarsiiyaan. Jid maaheyn in goonyaha dalkoo dhan magaca diinta ku ololiyaan, dadkana lagu jaro waxaan ka dhaadhicin iyo xukun ku qotoma faham qofeed ama kooxeed. Xubnaha Shacab weynaha ee gala dambi, waxay aheyd in lagu ciqaabo xeer guud oo loo qaayibay dalkoo dhan ee maaheyn in lagu ciqaabo aragti-kooxeed, ha ahaato mid diimeed ama ha ahaato mid ku socota xeerar dhigaal ahe.

Falalaka xoogagga magaca diinta ku loollamayaa ay ummadda la dhex rooreen qaarkood waxay noqdeen kuwo maanka qofka caadiga ah aan geli karin. Waxay noqdeen kuwo nuxurka diinta lagu garan waayey. Waxaa waxyaabaha yaabka leh kamid ah: waxaa la wada ogyahay in dadweynaha S/liyeed badidi uu maanta ku nool yahay tuugsi iyo wax gacanta looga taago. Dadkii oo saas iyo silic kaloo badan ku nool, ma dawbaa nin xabbad rootiya ama saxan bariis ah xaday, lug iyo gacan isdhaafa la jaro? Sow diintu maaheyn tii u oggolaatay insaanka inuu naftiisa ku badbaadiyo wax kastoo hore xaaraan u ahaa?

Waxaa kaloo tusaale ah: waxay 17-kii bishii 10-aad, 2009-kii waxay wakaaladda wararka ee Roytar warisay gabar lagu jeedlay Naaso-Toosiye (Bra.) ay xirneyd, markii la baarayeyna wuxuu wadaadkii afka duubnaa ku yiri gabadhii naasaha rux. Xaggee diinta uga taal nin gabar ajanabi ka ah inta hor istaaga ku leh naasaha rux? Xaggeese lagu xarrimay Naaso-toosiye?

Waxaa cad in kooxaha diiniga ah ee u halgamaya inay shareecada islaanka ka hirgaliyaan S/liya aysan distoor ahaan iyo garaad ahaanba u diyaarsaneyn inay dalka xukumaan, waayo hadday yihiin wadaaddo xagga diinta ka dhisan, waxay muujin lahaayeen, sida arrimuhu u kale horreeyaan. Iyadoo dilkii, dhacii, gaajadii, qaxii, cudurradii iyo colalkii dadkii si joogta ah u halakeynayaan, ku ma ay mashquuleen naasaha hablaha iyo hagooggooda. Ku ma ay mashquuleen garka iyo labiska ragga. Addimada may jareen qof laga yaabo inuu waayey wuxuu ku quudin lahaa dhallaankiisa ama naftiisa.

Falalkaas yaabka leh ee ka yimid wadaaddii tusaalaha suubban u ahaan lahaa ummadda waxay keenayaan: in dadweynuhu ka shakiyo samo iyo xumaba wixii wadaad wado, ka dibna sidaas diintii looga fogaado. Waxaa afar geed ka sii boodi doona, kii diin kale haystay oo u soo hanqal taagahayey rumeynta islaanka. Waxay dhaqammada muuqda ee wadaaddadu fogeynayaan rajadoodii aheyd in dalka diinta lagu xukumo. 

Gunaanad

Doodda qoraalkaani maaha in fadhiid la ahaado oo lagu ekaado siyaalihii hore kaliya ee dooddu waa in la isku xiro xeerarkii hore iyo kuwo laga ma maarmaanka ah ee dambe. Si sidaas loo gaarana waxaa habbooneyd, walina habboon inay wada hawlgalaan culimada diinta, aqoonyahannada iyo abyaqaannadii soo-jireenka ahaa, si cilmeyan oo aan turxaan laheynna loo wada shaqeeyo. Waxaa sidaas lagu gaari karaa is tixgelin, isu kagsasho iyo daacidnimo.

Kan markii dood timaaddaba ku gudba ma diintii Allaa la diiddan yahay? Waxaa oran lahaa; diintu sideedaba danaha dadkaa loo soo rogay, mar haddaysan danaha dadku ku jirinna diinba maaha. Waxaa dadka caqliga loo siiyay inuu wax ku rogrogo ee la ma farin inuu sidii qof waalan hal meel ku dhaygago.

 Ilaahay wax ma qalqalloociyee, waa toosiye tubta wanaagsan tilmaama. Ilaahay waa ka-maarme hodan ah, ee aadanahaa ah sabool dheef doon badan. Ilaahay ma jawrfalo ee aadanahaa ah, xadgudbe gar daran. Ilaahay waa naxariiste garaad badan ee aadanahaa ah maanyare lur badan. Ilaahay waa qummane aan gafin, ee aadanahaa ah dhagarlow dusmo badan. Ilaahay waa garsoore sare ee aadanahaa ah, macangag eexasho badan. Ilaahay waa baarri dulqaatee, aadanahaa ah looyaan naxariis daran. Ilaahay waa dheefiye waxsan qaybiyee aadanahaa ah, dhuungooye kaligi doon ah. Ilaahay waa boqor mudan, ee aadanaha ah marooqsade marin xun. Ilaahay waa awoodle weyn, ee aadanahaa ah widwidle waxtar yar. Ilaahay waa jaangooye sugane, aadanahaa ah jaamoole garaad janjeera. Ilaahay waa La ma-Maseeye aan lala sinnaan karine, aadanahaa ah is-maldahe meermeerin badan.