Thursday, May 14, 2015

Qabiilku Ma Qeyb Eebbaa Mise Waa Qallooc Soomaaliyeed-Q.1aad




Sidaan marar hore u soo xusnay waxay beelaha Soomaaliyeed ka soo jeedaan Bahweynta *Kuush. Waxay beelahaasi muddo dheer lahaayeen habab dhaqan-bulshadeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeedba.

Waxay dadka Soomaaliyeed dhaxleen xeerar taxanayaal ahaa, oo ahaa kuwii awoowayaasha. Waxay xeerarkaani noqdeen hannaanka lagu maamulo dhan kasta oo taabta nolosha qolo kasta oo Soomaaliyeed. Qolo walba oo Soomaaliyeed waxay ka bilaabataa qoys…waxaa xiga beel…waxaa xiga jifo…waxaa xiga qolo. Qaybahaan waxaa loo habeeyay si loo fududeeyo maamuulka reeraha, kamana ujeeddo duwaneyn gobolkii degmooyinka loo qeybshay, balse dhab ahaan waxay qoladu aheyd dawlad goboleed dhammeystiran oo madaxdeeda iyo distoorkeedaba leh. Sidaan waxay dadka Soomaaliyeed ku heleen xasillooni muddo dheer soo jirtay. Hadday tahay colaad iyo hadday tahay nabadba waxaa jiray xeerar lama dhaafaan ah oo la wada dhawro. Xeerarka la dhawraa waxay ahaayeen waayo-aragnimo la aruurshay oo ka soo fushay waxgarad waayo kala duwan noolaa. Waxaa xeerarkii soo jireenka ahaa dheehay xeerarka diinta Islaamka oo wixii ka dambeeyay qarnigii 7-aad si buuxda ugu baahday dagallada Soomaaliyeed oo idil. Diintu waxay ka murdisay xeerarkii sooyaalka intii gef ku aheyd isla diinta. Xeerarka qolada si joogta ah baa loo kabi jiray oo waxaa dhici jirtay in dhacdo timaaddo oo qodob lagu gorfeeyo loo waayo. Marar-kaas oo kale, guurtida ayaa xeeri jirtay mid ugub ah, waxayna ahaan jirtay ka-fac ka-fac mid la tixraaco oo qeyb kasta oo tolka ka midihi meel ay joogtaba xurmayso. Xeerarkaan waxaa ugu caansan xeerka bixinta magta oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yeela qeybo isku tiirsan oo la yaqaan Mag-wadaag. Xeerkaani wuxuu saameeyaa dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, nabadgelyada IWM.

Qarnigii 19aad markii dawladahii reer Yurub sidii Ayaxa ku dageen geyiga Afrika waxay goob walba ka nuugeen nacfigii yiil, waxay gumeeyeen dadkii, waxyeellose, waxaa ugu darnaa dhaqan- guurkay ku rideen bulshooyinkii ku noolaa Afrika …oo qaar la dhalan rogay..oo qaar la afduway..oo qaar la xeertiray. Bulshada Soomaaliyeed inta badan way ka badbaaday, waase la xeertiray.

Gummeysigii yimid wuxuu la yimid aragtiyo cusub oo ka soo jeeda fikradihii SOCRATES (469-399 BC), ARISTOTLE (384-322 BC) iyo PLATO (428-347BC). Nimankaani waxay ahaayeen niman Giriik ah oo u fakaray qoloday ku dhex-noolaayeen iyo bahweyntooda. Waxay ka fakareen waxay ahaayeen waxay arkahayeen ama ka dhex-maqlayeen dadkooda, fikradahoodii bayna ku qotomaan hababka siyaasadeed ee dadyowga reer Yurub iyo W. Ameerika ee maanta.

Aragtida sameynta dawladda (state making) iyo qaabka loo doorto xubnaha maamulka dalka ee la yiri dimuqraadiyaadda (democracy) oo ay ku sheegeen kuwa door ah bay u soo dhoofsheen geyiga Soomaaliya iyadoo nuqul ah, waxayna ku toleen dadkii oo aan qeexi karin erayada oo qura. Aragtida dawlad sameyntu waxay xaggooda hab-wadaag ka dhigtay beelo beeraleeya, ma-guurto ah oo soohdin-yaqaanno wada ah.
Hannaanka doorashaduna wuxuu xaggooda hore u mariyay beelo ku doorta qofka kartida iyo waxqabadka, halka ay beelaha Soomaaliyeed ayna aqoon soohdin joogta, doorashaduna ay ku saleysnayd walina ku salesan tahay abtirsiinyo, dawlad sameyntuna ayna wali ku qeexnayn xeerar dhaqmeedyada Soomaaliyeed.

Ma aha in kuwaan dambe ay ahaayeen dad dambeeya ee arrintu waa la kala dhaqan nololeed duwanaa. Haddii loo danaynayay dadka Soomaaliyeed waxay aheyd in la kabo fahamkooda oo la waafajiyo qaabka ay wax u arkaan iyo sidii dantoodu tahay, waxayse aheyd in aan loo daneyn ee laga danaysanayay.

Markii xornimada la helay ee 1960-kii oo rag Soomaaliyeed oo gumaystuhu tababaray uga tagay taladii dalka, waxay u dhaqmeen sidii odagii diirka caddaa ee tagay, iyagoo midabka iyo muuqaalka maahee, inta kaloo idil kala socday hannaankii maamulka ee reer Yurub. Waxgaradkii dhaqan-yaqaanka Soomaaliyeed ahaa iyo odagii talo adduun wax laga weydiin jiray waaba la yasay oo afkaa laga jufeeyay. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco sharciga dawladda isagoon aqoon waxa dawlad looga jeedo. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco xeerarkii Rooma iyo Landhan, isagoon reeraha dagaba aqoon. Waxaa loo sheegay Wasiirka iyo Wasaaradda, isagoon midna micneyn karin. Waxaa loo sheegay Hantiwadaagga iyo horumarka bulshada hore-u-socodka ah, isagoon arki karin miisaanka ay ku leeyihinn erayadaasi dhaqankuu khabiirka ku ahaa.

Wixii la fahmi waayo waa la mala awaalaa, ee garaadkii Soomaaliyeed wuxuu arkaayay oo maqlayay wuxuu ku macneystay kuwuu yaqaanay; Dawladdii waxay u noqotay hal geela oo uu u bixiyay Maandeeq. Madaxweynihii dalka wuxuu u arkay Odayga Soomaaliyeed ee Maandeeq xeradiisa ku jirto. Wasiirka la sheegay wuxuu u arkay wakiilka qoloduu ka dhashay. Aqalka mudanayaasha wuxuu u arkay geedkii shirka oo dhagax laga dhigay, hadduu ka waayay geedkaas bahdiisiina wuxuu u arkay meel shisheeye ku tashanayo iyo in bahdiisa godob weyn laga galay.

Dhanka kale, waxaa dhexda iyo qoortaba caymiyay aqoonyahan/jaamici. Kaas oo ay la noqotay, walina la tahay in dalka maamulkiisa iyo horemarkiisu ku jiro in la raaco hababka dawladaha hore u maray, waxaana halhays u noqotay erayadii halyeyadii reer Yurub, maahmaah iyo murtina waa kuwii Talyaaniga iyo/ama Ingriiska, aqoonyahanimadana waxaa halbeeg u ah sida afafkooda loogu hadlo.

Wiilkii Soomaaliyeed ee lagu carbin jiray abtirsiinyihiisa wuxuu aqoonyahan u sheegay in qabiilku yahay jahli iyo dibudhac ee uu ka fogaado maqalkiisa iyo macaamilkiisaba. Hadduu koray wiilkiina wuxuu u ekaaday dhurwaa waa ku baryay oo hadba dhan buu rooray. Wuxuu aaday oo aaday galbeedkii aabbihiis waxsan uga sheegay isagoo ka fogaanaya qabiilka iyo qurunkiisa, waase qaban waayay dhinacna, waxtarna waa u yeelan waayay qolana.

Aragtida odaygii asal-sidaha ahaa iyo tan aqoonyahanka talada hayay ama aamminsanaa inuu talada dalka mudan yahay, waxaa ka dhex dhacay is-harddin weyn oo keentay in xeerarkii horana laga tago kuwii dambana lala qabsan waayo. Sidaas buuna ku lumay xeer walboo idil oo markaas gayeysiiyay Soomaaliya oo idil qas iyo qalalaase iyo waliba in la waayo xeer wax lagu beego illeyn dhaqan suul baa dhacaye.

Gar loo ma sinna ee gefka iyo gardarradaba waxaa leh aqoonyahan. Aqoonyahankii la rabay in aqoontiisu nolosha qoyska Soomaaliyeed ee geeddiga joogtada ah ku jira kor u qaado oo biyo iyo baad la hubo u helo, wuxuu ku mashquulay jaakadaha iyo filimada galbeedka. Wuxuu abuuray bulsho cusub oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn teedii asalka ahayd Wuxuu isu hibeeyay hantida qaranka iyo taladiisaba, isagoon waxtar muuqdaba u lahayn dalka iyo danta dadweynaha.


Aqoontu waa inay goobta wax-soo-saarka ka muuqataa ee ma aha inay wax-ku-doon iyo ku-faan noqoto. Bulshadii hantideeda yar aad wax ku baratay ma aha inaad ka faanto oo fongorto, deedna isla qummanaato oo sidaas ku abaaddo. Sidaasi soo maaha godob culus oo laga galay ummadda S/liyeed?

Godobta kale waa hababkii gumeystaha iyo dawladihii reer guriga ahaa ee dhaxlay ay ugu carbiyeen kaadir badan qaabab u adeegayay danahooda. Waxaa maanta laga dhex arkaa bulshada S/liyeed dhaqammo waayihii hore ahaan jiray foolxumo iyo falal sheydaan oo ay ka mid yihiin nifaaqa, imlaaqa, beenta, boobka, dicaayadda iyo isku-dirka. Dhaqammadaan oo ilaa imminka ay ka wadaan kaadiriintii la carbiyay ummadda S/liyeed dhexdeeda, waxay si bareera ah ugu macneeyaan siyaasad. 

Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwanMa dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.


Dhabcaalka dhalanteedka aamminsani wuxuu wali qabaa aragtiyo lagu sheego kuwa siyaasadeed oo uu qaayibay oo ah kuwii diimaha lagu dhaleeceeyay.




Thursday, May 7, 2015

Dadka Soomaaliyeed (maqaal)


  

Dabciga iyo abuurta dadka waxaa inta badan ababiya abuurta degaannada uu dadkaasi ku nool yahay iyo dhacdooyinka taariikhiga ah iyo waliba dhaqammada waayaha soo-jireenka ah.

Dadka S/liyeed wuxuu ayaankood noqday inay ku noolaadaan dagallo leh abuur cadaw ah. Wuxuu badi dhulkoodu noqday mid biyo yar, cammuud badan oo ciidda carrosanka ahi ku yartahay. Waxaa intaas sii dheer in si joogta ah ay abaaro uga dhacaan dhulka. Wuxuu kaloo dadka S/liyeed la kulmay dayac siyaasadeed, weerarro shisheeye, dagaallo sokeeye, shaqaaqooyin, afgambiyo iyo afgambiyo ka-hortaga. Wuxuu soo maray xilliyo xanuun weyn oo eexaysiga, musuqmaasuqa, laaluushka, dhiig-miiradka iyo qabyaaladdu hareeyeen noloshooda. Dhibihii is-daba-joogga ahaa waxay qof kastoo S/liyeed ku sunteen abuur ama shakhsiyad gaar ahaaneed.

Dadka S/liyeed oo jiray kumaankun sano, ahaana raacato waxay ku sifeeyeen dadkii u soo martiyay iyo sahamiyaashii ummadaha kalaba siyaabo kale geddisan oo togane iyo tabanaba leh. Dhinaca togan waxay yiraahdeen sidaan:

1-     Waa dad halwkara, awood leh oo tabar badan, waxaana mar walba ka muuqda rabitaan ah, inay qabtaan hawlo guulo keena.
2-     Habka raacatanimo oo ay ku dhaqmaan wuxuu u keenay inay socon karaan maalin walba masaafo dheer oo ay ku goobayaan baad iyo biyo. Wuxuu yiri nin Ingriis ah oo la oran jiray Drake-Brockeman: garan maayo dad reer guri ah (natives) oo ku gooshi kara dhul oommane ah oo qallalan oo u dhigmi kara S/lida oo wacnaantaas yeelan kara.
3-     Waa dad Eebbe ku mannaystay garaad abuurriina (natural intelligence) oo dheeraada. Xitaa kooda aan wax baran wuxuu garan karaa ujeeddada ninka qalaad, isla marka uu yiraahdo dhawr eray. Waxay yeesheen dareen saadaalin leh oo la dhihi karo wuxuu u dhigmi karaa kan casriga ah ee lagu soo koobo FFKI  (Future Focussed Role Image).
4-     Waa dad lagu bartay waxqabad, martigelin, soo-dhaweyn, maskax-furnaan, isku-kalsoonaan iyo daacadnimo.
5-     Waxaa dadka S/liyeed dunidoo idil maanta ku taqaan; u-gargaarka xigtadooda iyo saaxibbadooda. Waxaa qofka S/liga ah ceeb aan laga maadan karin ku ah inuu dheef iyo gabbaad siin waayo marti u soo hoyaadday.
6-     Qofka S/liyeed waa mid aad isu la door roon, wuxuuna dareemaa isla-weyni iyo qab. Xilligii gumeystaha Talyaanigu arlada S/liyeed joogay waxaa xabsiga lagu karbaashi jiray maxaabiista. S/ligii la karbaasho, marka xabsiga laga sii daayo, waxaa ka go’nayd inuu aarsado oo kii karbaashay naftaba ka qaado. Sidaas darteed, u-qebsanihii arrimaha S/liya Garsiani wuxuu joojiyay in S/lida la karbaasho.

Sahamiyihii Ingriiska ahaa ee la oran jiray Sir Richard Burton wuxuu ka qoray dadka goballada waqooyi ee S/liyeed:
waa dad muujiya abuur san oo dabac leh, waxayna rajo ilbaxnimo u abuurayaan gobolkaan dambeeya…. Waa dad aan ku oran karo fikirkaygaan luudaya, waxay awoodaan inay kor u koraan sallaanka dadnimada….qof kastoo dhashoo xora wuxuu ahaaday mid la siman taliyihiisa, mana oggola kala-sarreyn ama wax xannibaaya xorriyadduu u dhashay. Iyagoo laxaw u leh madax-bannaanida, haddana, S/lidu waxay ku wanaagsan yihiin, oggol yihiinna amar-qaadashada."
7-     dadka S/liyeed intay jireen waxay lahaayeen hannaan guun ah oo dimuqraaddi dabiiciya leh (maaha kan galbeed). Waxay geedka shirka ku gorfeyn jireen arrin kasta oo la soo gudboonaata. Wuxuu dood- yahanka S/liyeed geedka shir ka soo jeedin jiray gartiisa isagoo adeegsanaya; hal-ku-dhigyo, maahmaahyo, gabayo, caddaymo, dhool-caddeyn iyo qaabsami uu ku jeediyo gartiisa. Wuxuu ku sifeeyay Burton: "waa ummad kulul oo jumhuuriya “fierce race of Rebuplicans”, wuxuuna ku taliyay inay garaad yari tahay in gees lala safto markay doodayaan. Waa in faragelinteennu dhammays tahay, ama inaan kaligeen noqonno garsoorka doodahooda oo dhan, ama waa in aannaan dheg u jalqin sheegashoo-yinkooda.
Gordon Waterfield wuxuu yiri: waxay S/lidu leedahay garaad abuura oo soo jiidasho leh, waxayna awoodaan inay arrintooda soo bandhigaan iyagoo dantooda eeganaya.
8-     S/lidu waa dad waaqici ah, iyagoo wax ku qaadanaya awoodda jirkooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin, waxay awoodaan inay xaajadooda gutaan maalin walba.
9-     S/lidu waa dad hal abuura maansada. Dhaqankooda maanso waa kala jaad waana mid soo-jiidasho leh, wuxuuna Burton guud ahaan S/lida ugu yeeray qarankii gabayga (Nation of Poets).
 Reer guuraaga S/liyeed  wuxuu tiriya tixo gabaya, wuu qabtaa, wuxuuna ku balweeyaa murti farxad ku gelinaysa. Suugaantoodu  waxay xambbaarsan tahay madaddaalo-bulsheed iyo waxabarasho.
10-      Dadka S/liyeed waa muslim wuxuuna xurmo iyo qaddarin weyn u hayaa diinta islaamka. Waxayse ku dheeheen dhaqankooda gaarka u ah oo ay si aada  u weyneeyaan.
11-      Waa dad aad u jecel xoolaha siiba geela. Caanaha iyo hilibka ay ka helaan ka sakow waxaa geelu u ahaa gaadiidka ay ku dhex majiiraan dhulalkooda kulka iyo qallaylka badan. Geelu wuxuu noqday midka u gooya wax walboo qaaliya sida; gabadha la doono iyo bixinta magta.
12-      Waxaa erayadii Burton  ka mid ahaa; S/lidu waa dad u-fiirsasho badan, waxayna dhex gooshi karaan dunida, iyagoo ka shaqayn kara shaqo kastoo ay arkaan. Ma dareemaan inay ku xaqiran yihiin shaqo. Sababta waxaa laga yaabaa inay tahay iyagoo isla weyn una qaba inay uumiyaha ugu door roon yihiin.
13-      Waxay leeyihiin nafsiyad sare oo waddaniya, waxayna ku hammiyaan inay dhulalkooda la qeybshay mar isugu keenaan hooska dalladda S/li weyn.

Dhanka kale ee tabanaha ah wuxuu Richard Burton ka sheegay qolooyin S/liyeed; “dabciga qolada Ciise waa sida carruur oo kale oo nugula, mid abi’ la’aana, mid garsoor dhimman, mid naxariis durugsan leh, mid sharfan oo xasaasiya, mid qalbi diirran oo haddana caan ku ah cadawnimo iyo dhagar".  Sida Ciise dhagarlow u yahay waxaa ka jirtay Saylac maahmaah oranaysa; hadduu Ciise bidixda haruub caano ah kaa siiyo wuxuu midigta kaa siinayaa dharbaaxo.….saas oo ay tahay haddana Ciise wuxuu leeyahay dhinaciisa wanaagsan, waa dad aan beenta aqoon, beenna aan dhaaran. Waxay la yaabaan waxa la xado oo aan xoog lagu qaadan. Waa dad aad deeqsi u ah oo martigelinta ku wacan marka loo eego S/lida kale. Anigu qof ahaan ma hayo waxaan uga cabto. Waxay shaxaadaan tubaakada; waxaase ku filan jaallanimadooda takhsiin tubaaka ah. Waxay iga codsadeen inaan la dego.

Kii la socday Burton oo la oran jiray Speke oo ay S/li raacato ah weerareen wuxuu warqadihiisii mid ku qoray: “ haddii nin, rag soo handado, kuwaasoo qof kastooy awoodaan been u sheegaya ama dhagraya, in lagu dhex safro ha la daayo…”

Ralph E. Drake-Brockeman wuxuu qoray: “Burton wuxuu nooga tagay fikrad ku saabsan S/lida oo ah mid liidata, waa in aqoontii uu u lahaa S/lida lagu xusuustaa mid yar oo ku kooban qolooyin dega Waqooyiga S/liya, oo laga yaabo in badi kuwii kaloo ku dhex safray ay qaataan warkiisa. Qolooyinka Isaaq iyo Daarood ma ay yeelin sidii Ciise yeelay oo kale, oo ah inay rag iska dilaan si ay ruqsada guurka u helaan.

Sida uu qabo I.M. Lewis, oo ah nin Ingriisa oo aqoonta dadka S/liyeed ku xeel dheer: “ waa arwaax nugula, oo faraxsan, oo caadifad badan, iyagoon la malayn karin bay u gudbaan xaalad caro leh, kadibna waxay awoodaan inay sameeyaan dhib weyn.” Wuxuu kaloo yiri; sida ku badan dhaqammada dadka sinnaanta aaminsan, waxaa soo jireen ah inay awoodda iyo talisyada u arkaan kuwo aan la hubin. Sida Maraykanka oo kale bay S/lidu ka helaan boqornimada iyo magacyada isimmada, waxayna muujiyaan macangagnimo, taasoo dadka jumhuuriga ah oo qurihi ay awoodaan.”

Xilliyadii uu dadka S/liyeed dhex maquurayay maammul-xumada, qaska iyo qalalaasaha, waxaa ka lumay halbeegyadii mudnaanta. Waxaa ka lumay xurmadii waayeelka iyo waxgaradka. Waxaa ka lumay xurmadii da’ yarta iyo ragga diinta, wuxuuna ahaaday mid niyadjab weyn qaba oo muraayaddii qalbigu qaraxday. Shacabka S/liyeed, ma laha eedda halaakooyinkii yimid ee waxaa loogu dawgalay hoggaan-xumi iyo siyaasado marin-habaabis ah oo kallifay in sidii dad diyoobay la iska hor iyo gadaal yimaado. Waxaa kaloo culays aan loo adkaysan karin keenay dhibihii dhaqaale ee mashaqooyinka la soo darsay ay wateen. 

Dadka S/liyeed waa inuu is daahiriyaa soona ceshadaa dhaqammadii suubbanaa ee lagu bartay. Waa in sahamiyaasha waayaha soo aaddan ay ka tabiyaan warsan iyo wanaag badan.