Sunday, April 15, 2012




Milicsiga Siyaasadihii Dagaalkii Qaboobaa ee Kadhanka Ahaa Soomaaliya



Tilmaamidda Arrinka:
Qoraalkii laga sameeyay kulankii ku dhexmaray Hoggaamiye Honecker iyo Castro Barliintii Bari. Kadib markii Castro uu booqday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wuxuu si gaara wax uga sheegay M S Barre wuxuuna isla markaas ku doodayaa baahida loo qabo in kacaanka Itoobiya loo gargaaro.
Kulankii labada hoggaamiye wuxuu dhacay 3dii April, 1977dii
Daqiiqadihii wadahalku waxay ku beegnaayeen bishii April, 1977dii intii u dhexaysay  saacadaha 11:00 iyo 13:30 iyo 15:45 iyo 18:00, wuxuuna kulanku ka dhacay Guriga Guddiga Dhexe, Berlin.
Goobjoogayaal: Jaallayaasha Hermann Axen, Werner Lamberz, Paul Verner, Paul Markowski (ay weheliyaan Edgar Fries and Karlheinz Mobus turjumaanno ahaan), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes
Jaalle Erich Honecker wuxuu si diirran u soo dhaweeyay Jaalle Fidel Castro iyo jaallayaasha kale ee reer Kuubba ee ku weheliyay wadahadal hooseedkaan magaca Guddiga Dhexe lagu qabtay.
Waxaan aad ugu faraxsan nahay soo booqashadaada GDR iyo fursadda aan u helnay in aan ra'yi-isweydaarsi ka samaynno booqashadaad ku tagtay dhawr dal oo Afrikaan iyo Caraba. Anoo ku hadlaya magaca Politburo/ga waxaan ku celinayaa inaan booqashadaada dalalkaas u haysanno mid muhim ah. Waxaan ka codsanayaa Jaalle Fidel Castro inuu hadalka qaato.
(16 bog oo hore waa la tiray.]
Erayadii Jaalle Fidel Castro: [...] Kahor intii aanan ka dhoofin Cadan waxaan hoggaanka PDRY/ka  (xisbigii hayay talada dalkii Yamanta Koonfureed) kala hadlay baahida loo qabo in wax kastoo suurtogal ah la sameeyo si la isu fahamsiiyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan ka codsaday inaan la samayn bannaanbaxyo dadweyne mid kasta oo uu yahay. Kahor imaanshahayga, waxaan ku helay jawaabta su'aalaha ku saabsan Soomaaliya iyo Itoobiya warqad la ii soo diray. Waxaan kaloo ergo u diray Soomaaliya si ay wadahadal ula yeelato Madaxweyne-xigeenka Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Sulaymaan. Samatar wuxuu qabay fikradaha bidixda, halka Sulaymaan uu u taagnaa garabka midigta. Dooddii uu la yeeshay wakiilkayaga aad bay u darnayd.  Waxaan xog doora oo ku saabsan xaalka Soomaaliya hore uga helay PDRY/da. Awoodda iyo saamaynta kooxda midigtu way sii kordhaysay. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sulaymaan wuxuu samaynaaya wax kastoo suurtagal ah si uu Soomaaliya ugu dhaweeyo Sacuudi Caraabiya iyo dalalka imbaryaaliga. Samatar saamayntiisu gabaabsi bay noqotay. Wax walba waxay muujinayaan inay gees u riixday kooxda midigtu.
Habaynkii iigu horeeyay waxaan damcay inaan caddeeyo siyaalaha ay ila ahayd ee ku saabsanaa Siyaad Barre iyo kacaankii Soomaalida. Ma jirin wadahal siyaasadeed oo doora oo aan yeelannay cashadaas; [Siyaad] Barre wuxuu ii sharraxay koritaanka kacaanka Soomaaliya. Maalintii labaad, waxaan samaynnay indho-indhayn ballaaran. Waxaan tagnay xarunta tababarka guulwadayaasha oo Kuubbo ay dhistay, dugsiga beeraha, dugsiga carruurta reer guuraaga, iwm. Saacado ayaa nala wareejiyay, annagoo aan yeelan wax wadalhadal siyaasadeeda, harkiina waxaa lagu  qabtay bannaanbax weyn garoonka ciyaaraha. Waxaan u fahmay inaysan doonayn wadahadal kahor bannaanbaxa. Markaas uu bannaanbaxu bilawday aniga iyo Siyaad Barre wax sheeko ah oo gaara ma annaan yeelan, sidaas darteed aad baan u taxaddaray. Siyaad Barre wuu isla weynaa aad buuna u darnaa; waxaana suurtogal ah inuu rabay inuu na waabsado.
Warkii aan ka jeediyay kulankii bannaanbaxa waxaan ku sheegay siyaasadda imbaryaaliyadda ee Bariga Dhexe, doorka dib-u-socodnimo ee Sacuudi Carabiya, iyo tillaabooyinka dib-u-socodnimo ee xoogagga kale. Waxaan sidaan sameeyay anoo ogaa in dalku u janjeero dhinaca xiriirro lasamaysiga dalalkaan hadalka ula jeeday. Waxaan ka hadlay halganka PLO, kacaanka Itoobiya, iyo kacaanka Liibiya, iyo horusocodka Aljeeriya ee ay doonayaan inay go'doonshaan. Waxaan ka hadlay Mosabiik, dhammaadkii kaliyaan ku sheegay sida imbaryaaliyaddu ay u samaynayso wax walba oo jeedin kara hannaanka horumarsan ee Soomaaliya. Siyaad Barre wuxuu igu soo dhaweeyay kaqeybgalayaashii bannaanbaxa isagoon hal eray oo siyaasadeed oran.
Kahor bannaanbaxa waxay ciyaareen hal ciyaar barkeed oo tan lugta ah. Lama oga in ciyaarta lugtu ay bannaanbaxa ka mid ahayd iyo inay kadhan ahayd. Khudbaddaydii waxay ka hor jeedday rabitaannadii garabka midig waxayna kaalinaysay kuwii garabka bidixda. Waxaan u jeednay in intii badnayd ee xubnaha Golahii Dhexe ay sacabbiyeen markii laga reebo Sulaymaan iyo dadkiisii. Samatar aad buu u qanacsanaa, xitaa Siyaad Barre wuxuu u ekaa mid raalli ah. Si kastaba ha ahaatee, bannaanbixii weynaa si toos ah looga ma soo deyn raadiyaha ama TV/ga.
Fiidkaas uun baan bilawnay inaan uga wada hadalno dhibabkii gaar ahaaneed, meeshii aan degganaa. Waxaa ii caddaatay inay ahayd inaan feejignaanno waayo wasiirkii gudahaa tallaalay kutaanno. Islaa fiidkaan baa Siyaad Barre aakhirkii ka hadlay Itoobiya. Wuxuu barbar dhigay Boqortooyadii Saarka wuxuuna yiri Itoobiya waa xoogga kaliya ee gumeystaha ah oo wali nool. Waxaa mahad mudan garaadkii Lenin, Boqortooyadii Saarku way qarsoontay, laakiin Itoobiya ayay ku nooshahay. Wuxuu u soo jeediyay Itoobiya muddo kahor, in fedaraal ay noqdaan amaba labada dal midoobaan. Itoobiya kama hor imaan, laakiin iyada lafteedaa soo jeedinaysa sidaan. Wuxuu si qiiro leh uga hadaly dadaalladiisii ku saabsanaa afgaradka Itoobiya. Waxaan fursadda u adeegsaday inaan u sheego Siyaad Barre inaan doonayo inaan aado Itoobiya maalinta soo aaddan waxaanna weyddiiyay inuu doonaayo inuu la kulmo Mengistu. Wuu yeelay.
Maalintii labaad waxaan u duulay Itoobiya. Waxaan hore ugu heshiinnay inaan soodhaweyn weyn jiri doonin, sababtoo ah xilligaas waxay wali ku jireen dagaal sokeeye. xabbadaa si joogta ah u yeerta. Mengistu wuxuu i geeyay Qasrigii Imbaraadooriyadda ee hore waxaana isla meeshii ka bilawday wadahadalkii. Waxaan ogaaday xogtii ay ahayd inaan hubiyo. Maalintii labaadna waxaan sii wadnay wadahadalladii. Waxaa ahaa dabiici inaan ka taxadarno xagga amniga. Itoobiyaanku waxay la yimaadeen qeyb ciidana, anna waxaan la imid ciidan Kuubbaan ah. Maalintaan imid waxaa jiray warar xuuraan ah oo afgambi ku saabsan. Ma uusan dhicin.
Waxaa igu dhashay dareen ah in Itoobiya uu kacaan dhabi ah ka bilaabmay. Boqortooyadaan dhulgoosadka ah ee hore, dhulalkii waxaa loo qeybiyay beerallayda. Beerte kasta wuxuu helay 10 hektar. Waxaa kaloo magaalooyinka ka jiray dib-u-habayn. Waxaa la qorsheeyay in qof kasta oo dalka u dhashay uu yeelan karo hal aqal. Meelo ayaa loo diyaariyay hirgelinta guryaynta.
Waxaa kaloo jiray dhaqdhaqaa dadweyne oo xoog badnaa. Waxaa si degdeg ah caasimadda looga abaabuli karay, 500,000 oo qof . Bishii February, waftigayagii indha-indhayntu, kadib markii uu fatashay qeybaha ciidanka, wuxuu go'aamiyay in dhammaan boqollaalkii jeenaraal, labo maahee inta kale la eryo. Saraakiishii iyo NCO/du waxay la wareegeen hoggaamintii dalka. Hadda, wuxuu hoggaanku ka fakarayaa xisbi abuuritaan. Waxaa dalka ka jiray halgan adag oo kadhan ahaa dhulgoosatada. Burjuwaasiinta yaryar ayaa abaabulaayay kahortagga kacaanka. Dhaqdhaqaaq goosasho oo xooggan baa ka jiray Erratariya. Halisyadu waxay ka imaanayeen Suudaan, halka Soomaaliya ay sheeganayso 50% dhulka Itoobiya. Waxaa muddo 500 oo sano ah ka jiray seeraha shaqaaqooyin.
Waxaan Mengistu ku arkay inuu yahay hoggaamiye daacada, runlow ah oo deggan oo haddana og awoodda dadweynaha. Wuxuu leeyahay shakhsiyad garaad leh wuxuuna muujyay waxgaradnimadiisa Febuary 3/deedii. Kooxaha midig-raaca ah ayaa waxay rabeen inay la dillaamaan kacaanka Febuary 3/deedii. Horudhacii arrintaan ayaa madaxweynaha Itoobiya jeediyay khudbad qiiro leh oo ku door biday waddaniyadda. Mengistu ayaa afgambigaan ka hor tagay. Wuxuu kulan isugu yeeray Golaha Kacaanka hal saac kahor wuxuuna qabqabtay hoggaamiyaashii midig-raaca wuuna toogtay. Bishii Febuary 3/deedii waxaa Itoobiya lagu gaaray go'aan aaya fiican leh. Qaab-dhismeedkii siyaasadeed ee dalkaa isbeddelay, waxaana u suurtowday inay qaadaan tillaabooyin aan hortood suurtagal ahayn. Hadda kahor, waxay ahayd sida kaliya ee loo caawin karo bidix-raaca si dadban oo qura, haddase waxaan u caawin karnaa si aan xannibaadyo  lahayn.
Waxaan weyddiiyay Mengistu inuu doonayo inuu Siyaad Barre la kulmo iyo in kale. Waan ku heshiinnay. Kadib markaan gabagabeeyay wadahadalkaygii waxaan u duulay Cadan.
Aroortaas baa Siyaad Baree yimid Cadan Mengistu ma imaan ilaa galabtii . Waxaan la sheekaystay Siyaad Barre wuxuuna rogay calaacalaha. Wuxuu igu yiri haddii Mengistu kacaanyahan dhab ah yahay waa inuu siduu Lenin yeelay oo kale yeelaa, uuna ka guuraa dhulkayga. Siyaad Barre wuxuu istaagay meel aad u adag. Waxaan weyddiiyay inay la tahay inaan kacaan dhab ah ka jirin Itoobiya iyo inuusan Mengistu ahayn hoggaamiye bidix-raaca iyo in kale. Wuxuu igu yiri Itoobiya kacaan kama jiro. Wuxuu Muqdishow hore iigu tusay khariiddadda Soomaali Weyn oo Itoobiya barkeed lagula wareegay.
Kadib wadahadalkii Siyaad Barre, waxaan  Mengistu u sheegay hab-dhaqanka Barre, waxaana ka codsaday inuu degganaado. Waxaanba ka xumaaday inaan Mengistu  ugu yeero Cadan iyadoo dalkiisii ay ka jirto xaalad rasaastu qoriga dhuuntiisa joogto iyo isagoo colaad ku jira inuu dhageysto dhul-sheegashada Soomaaliya.
Su'aalahaygii ku saabsanaa xaaladda ciidanka Itoobiya, Mengistu wuxuu yiri wali dhibab baa jira laakiin ma uusan filayn inay jirto halis afgambi oo daran.
Markii uu kulankii bilaabmay, Siyaad Barre isla markiiba hadalkii buu bilaabay, Siyaad Barre waa sarreeye gaas gumeysiga hoostiisa wax ku bartay. Kacaanka Soomaaliya waxaa hoggaanshay jeenaraallo dhammaantood awoodda yeeshay xilliyadii gumeysiga. Maskaxdaydu waxay  go'aan ka gaartay Siyaad Barre, wax kaloo dhan markii laga tago waa Shawfaniiste (dal-jacle aada). Shawfaniistinnimada ayaa ah waxa ugu muhimsan naftiisa. Hantiwadaaggu waa xayndaab uu isku wareejinaayo si uu soojiidasho dheeri ah u samaysto. Wuxuu hub ka helay dalalka hantiwadaagga ah, mabda'iisa hantiwadaaggana [kaliya] wuxuu ula ujeedaa dadweynaha. Xisbiguna kaliya wuxuu u taagan yahay awood qofeedkiisa.
Arrinkaan markii la eego waxaa jira wadanoolaansho la yaab leh oo ka dhexaysa xukunka raggii ciidanka ahaa oo dugsiyada gumeystaha wax ku bartay iyo dhinacyada bulshada. Wax ku saabsan hantiwadaagnimada baa dhankiisa ka yeeraya, haddana wali waxaa dalka ka jira in badan oo sinnaan-la'aana oo aan macquul ahayn. Fikradihiisa ugu waaweyn waa waddaniyadda iyo shawfaniisnimada, mana ahan hantiwadaag.
Yoolkiisu waa kii dhaqankii hore ee siyaasadaha: erayo wadeynimo oo macaan. Siyaad Barre wuxuu u hadlaa sidii nin waxgarad ah; wuu u hadlaa kaliya. Wuxuu ka geddisan yahay hoggaamiyaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan. [Madaxweynaha Masar Anwar] Saadaad, (Madaxweynaha Aljeeriya hawaari) Boumedienne, [Madaxweynaha Mosambiik Samoora] Machel, [Madaxweynaha Angoola Agostinho] Neto iyo qaar kaloo badan waa shakhsiyado xoog badan. Way dhageysan karaan iyagoon yeelan hab-dhaqan mad-habeed. Qof waa la hadli karaa iyaga. run ahaantii Siyaad Barre waxay la tahay in uu garaadka meeshii ugu sarreysay joogo. Ilaa hadda wax walba sidii ugu fiicnayd bay ugu socdeen. Talyaaniga iyo Ingiriisku waxay ka dhigeen jeneraal. Kacaanku daqiiqad buu ku suurtoobay, iyadoo ay yarayd xabbad dhacday. Wuxuu wajiga marsaday hantiwadaag wuxuuna kaalmooyin dhaqaale iyo mid ciidanba ka helay Midowga Soofiyeedka. Dalkiisu waa muhim istaraatiijiyad ahaan, asna wuxuu jecel yahay meekhaanka. Barre naftiisaa iscajabisay. Afmaalnimadiisa xagga hantiwadaagga looma adkaysan karo; ma oran karo toban eray isagoon ku darin hantiwadaagga.
Codkaan baa ku bilaabay markuu socday lakulankii Mengistu. Wuxuu bilaabay in cashar ka bixiyo Itoobiya wuxuuna Mengistu ka dalbaday inuu sidii uu Lenin falay uu isna falo: iska illow imbaraadooriyaddii Itoobiya. Mengistu degganaanshuu muujiyay; wuxuu yiri Itoobiya waxay u diyaar u tahay oo doonaysaa in la helo si wax loo qabto waxaana markaas looga baahan yahay labada dhinac tillaabooyin xooggan si loo gaaro xiriir wanaagsan.
Siyaad Barre aragti ahaan wuxuu ku jawaabay inuu Mengistu ka han dhigay hab-dhaqankiisuna uu yahay isla kii ula kulmay imbaraadoorkii Itoobiya. Hoggaanka kacaanka Itoobiya maskax ahaan waa isla kii Haile Selassie. Kulanku wuxuu bilawday 11 PM wax waxqabasho ahna ma muuqan.
[Madaxweyne-xigeenka Kuubba] Carlos Rafael Rodriguez ayaa markaas kadib soo jeediyay abuuritaanka guddi joogto ah oo ka kooban wakiillo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo PDRY si loo helo qaabab waxqabad leh. Dhammaan kaqeybgalayaashii kale way ka soo horjeesteen rabitaankayagii guddigaan.
Siyaad Barre wuxuu sii watay jilitaankiisii ninkii waxgaradka ahaa ee weynaa, ninkii hantiwadaagga ahaa ee weynaa, Maarkiistihii weynaaa. Isla markaas wuxuu u hadlay si dareen-kicis leh oo aad mooddo xubin kaliya oo “hoggaamin wadareeda” igmasho ka wadata Politburo/ga oo u baahan inay iyadu kala tashato dhammaan arrimaha. Kadib biririf gaaban oo uu kula tashaday waftigiisii wuxuu soo jeediyay wadahadal toos ah oo dhexmara isaga iyo  Mengistu.
Mengistu, oo ku noqday ceebaysane aan la ammini karin hadalladii Siyaad Barre ee hore, wuxuu sheegay inuu sidaas yeelayo, laakiin ma noqonayso xilligaan. Marka hore waa in arrinka guddiga la meeldhigaa.
Waxaan sii wadnay kulankii ilaa 3.15 aroornimo. Siyaad Barre wuxuu diyaariyay qoraalkii heshiiska fikraddii guddiga oo la yeelay laakiin ujeeddadiisa ugu weyn laga dhigay wax ka qabashada su'aalo dhuleedka taagaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Guddigu wuxuu hawshiisa ka bilaabi doonaa halkaan. Sidee Itoobiyaanku uga falcelin doonaan soojeedintaan maagista leh?
Intii lagu jiray fasaxii yaraa baan Mengistu la hadlay, mana uusan qarin diidmadiisii Siyaad Barre. Waxaan kaloo la hadlay Siyaad Barre waxaana weyddiiyay inuu dhab ahaan rabo heshiis la gaaro. Wuxuu igu yiri taas waa in Mengistu ka jawaabaa. Wuxuu u kacay dhankii aftahannimo ee kacaannimada, sida hantiwadaagnimadu tahay, iyo sida uusan Maarkiistaha dhabta ahi runta u diidin karin. Wuxuu yiri Mengistu run ahaantii waa nin hawlkara, waana nin qaaday tillaabooyin waxqabad leh: muxuu halkaan uga gaari waayay go'aan sidaas oo kale ah oo waxqabad leh si hadda arrinka taagan daw loogu helo?
Waxay arrinta sidaan ahi igu dhalisay su'aasha ah inaan Siyaad Barre maskaxdayda kala hadlo iyo in aan qarsado dareenkayga. Waxaan ku gunaanaday inaan hadlo sababaha soo socda awgood:
1. Iska aammusnaanta waxaa loo qaadan karaa inaan ansaxinaayo siyaasadda shawaafaniistaha ah ee Soomaaliya iyo raadadka ay reebayso. Waxaa kaloo loo macanayn karaa taageeridda midig-raacyada Soomaaliya.
2. U-jawaabis-la'aanta Siyaad Barre waxaa loo qaadan karaa gargaar kasta oo ay dalalka hantiwadaagga ahi siiyaan Itoobiya inuu ka noqonaayo dhanka Siyaad Barre dhagar.
3. Xaalad sidee ah bay ku abuuri kartaa arrintaan PDRY/da, maadaama ay Itoobiya ku caawinayso taangiyaal, baabuur waaweyn iyo madaafiic oo uu gacan ka geysanaayo markab Soofiyeedku leeyahay?
Waxaa dheer, Siyaad Barre maahan kaliya inuu caytamaayay, ee wuxuuba sameeyay cagajuglayn. Hal mar buu yiri qof ogaan kara ma jiro halka waxaan oo dhan ku biyo shuban doonaan.
Sababtaan darteed, waan hadlay. Waxaan sharraxay in Siyaad Barre ay la tahay inaan Itoobiya kacaan dhab ahi ka jirin, dhacdooyinkii Febuary 3/deedii baa su'aashaas ka jawaabay wuxuuna Mengistu noqday hoggaamiye kacaanyahan ah. Waan sii waday oo waxaan iri dhacdooyinka Itoobiya waxaan u aragnaa kuwo kacaana, oo dhacdooyinkii Febuary 3/deedu ay yihiin kuwii kala-wareegga, isla markaasna uu Mengistu yahay hoggaamiyihii isbeddelka wanaagsan. Waxaan caddeeyay inay noo suurtoobi weyday inaan Siyaad Barre mawqifkiisa kula heshiinno. Waxaan iri mawqifka Siyaad Barre wuxuu halis ku yahay kacaanka Soomaaliya, halisna gelinayaa kacaanka Itoobiya, sidaas awgeedna ay jirto halis go'doominaysa PDRY/da. Waxaan si gaara carrabka ugu adkeeyay in siyaasadaha Siyaad Barre ay kaalinayaan garabka midigta ah ee Soomaaliya oo dadaalladoodu ay kadhan yihiin hantiwadaagga, iyo inay Soomaaliya gacanta u gelinayaan Sacuudi carabiya iyo Imbiryaaliyadda.
Waxaan iri siyaasadahaani waxay wiiqayaan xiriirrada ay Soomaaliya la leedahay dalalka hantiwadaagga waxayna horseedayaan burburka kacaanka Soomaaliya. Waxaan ka codsaday Siyaad Barre iyo hoggaanka Soomaaliya oo idil in la dareemo mas'uuliyad taariikheedka. Markaan sidaas lahaa ma filayn in tani keenayso dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya waanse walwalsanaa, maadaama dagaalku yahay arrin khatar ah. Ma rumaysni inay jiraan dad kicinaya dagaal dhexmara dadyawga.
Isla markaan u hadlay si daacadnimo ah, waxaa hadalkii la wareegay Siyaad Barre. wuxuu sheegay inuusan marna dagaal rabin iyo marba hadduu yahay nin hantiwadaaga oo kacaana uusan dhabbahaan qaadeyn. Haddii waabka hantiwadaaggu uu rabo inuu iska jaro Soomaaliya waxay taasi tahay arrin u gaara waabkaas. Waxaan culays saaray isaga, Siyaad Barre, laakiin kama codsan Mengistu, inuu kulankaan yimaado. 

Hadda, waxaan tilmaamay shirkii Siyaad Barre iyo Mengistu laakiin kama hadlin ceebaynnadii Siyaad Barre iyo/ama Mengistu. Waxaan iri Kuubba kuma talajirto inay iska jarto Kacaanka Soomaaliya, balse, waan taageeraynnaa. Kulankii oo dhan wuxuu dhammaaday natiijooyin la'aan.

Haddii hadda aan gargaar siinno Itoobiya, Siyaad Barre wuxuu gar-anshaxeed u heli doonaa inuu nagu eedeeyo dhagar, iwm. Waxaan si cad ugu sheegay in Itoobiya kacaan ka jiro ayna tahay inaan caawinno.

si kastaba ha ahaatee waxaan ka gartay Siyaad Barre intii aan kulanka la lahaa xoogaa didmo ah oo uu ka qabo dhanka Midowga Soofiyeedka. Wuxuu dhibsanaayay inaan Midowga Soofiyeedku soo gaarsiin qalabkii dayactirka ama cagafcagafyadii iyo shidaalkii  oo soo gaaray goor dambe, in kastoo ballanqaadyo lagu celceliyay. Safiirkii Soofiyeedka ayaa arrimaha dalka nooga warramay. Soomaalidu iyagaa codsiyadooda joogto u rogrogaayay, sidaas baana daahisay arrinka. Waxaa dheer, in nasiib darro haamo-qaadkii shidaalka ee Soofiyeedku uu dagay intuu u soo jeeday Soomaaliya.

Markii aan arrinkaan Siyaad Barre u sheegay, wuxuu yiri Soofiyeedku waa beenayaal. Wuxuu yiri mawqifkaan maahan kan politburo/ga Soofiyeedka, laakiin waa curyaamin ka socota xafiisleyda (bureaucrats). Didmadiisa iyo wax-ka-sheegga Midowga Soofiyeedka wuxuu ku muujyay arrimo kale. Wuu sii waday oo wuxuu sheegay inaysan biyo la cabbi karo oo haqabtiri kara dalkiisa ka jirin lo'diina dhimanayso, mooskiina gurashadiisu aad u daahayso, dhammaan sababahaas waxaa keenay iyadoo burqisooyinkii (pumps) uu Soofiyeedku bixiyay aysan shaqaanayn.

Hab-dhaqanka Siyaad Barre dartiis waxaan arkaa halis weyn. Taas awgeed waxaan u arkaa inay habboon tahay inaan idiin sheego dareenkayga oo dhab ah, oo aan sarbeebnayn.

Waxaan doonayaa inaan idin kala hadlo aragtidayda oo qayaxan. Dalalka hantiwadaagga ah waxaa hortaal dhibaato. Haddii ay caawiyaan Itoobiya, waxay lumin doonaan saaxiibnamadii Siyaad Barre. Haddii aysan caawinna, Kacaanka Itoobiya wuu fashilayaa. Taas baa ah midda ugu muhimsan arrimahaas.



Waxaa jiray dhawr codsi xagga ciidanka oo ka kala yimid dhinacyo badan: [Hoggaamiyaha Liibiya Mucammar] Qadaffi, Mengistu, hoggaamiyaasha Koongo. Intaan joognay Afrika waxaan u dirnay [Madaxweyne- Xigeenka Kuubba] Carlos Rafael Rodriguez Mooskow si uu ula kulmo Jaallayaasheenna Soofiyeedka iyo Haafaana si uu latashi ula sameeyo madaxdayada. Si aan ugu helno jidka ugu fiican waa inaan si deggan oo qumman uga fakarnaa su'aashaan waana inaan u tixgelinnaa arrinka si waafaqsan xaalka guud ee waabka hantiwadaagga. Si kasta oo ay tahay waa inaan wax uun u sameynnaa Mengistu. Waxaanba bilawnay u aruurinta Itoobiya hubabkii hore ee Kuubba yiil, gaar ahaan kuwii Faransiiska, Baljin iyo hubkii gacanta ee Czech/a. Ilaa 45,000 nin waa in la hubeeyaa. Waxaan diraynnaa khuburo ciidan iyo lataliyaal si ay uga tababaraan malleeshiyaadka Itoobiya dhanka adeegsiga hubka. Waxaa Itoobiya jooga dad badan oo u qalma inay ciidan noqdaan. Annagu waxaan ka kaalmaynaynnaa tababarka malleeshiyada. Waxaa kaloo jira in arrinka Errateriya uu dhib badan yahay. Waxaa iyaduna jirta in dad horusocod ah ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa xoreynta, Laakiin si ulakac ah, bay u ciyaarayaan door dibusocod ah. Dhaqdhaqaaqa goonigoosadka ah ee Errateriya waxaa caawinaayay Suudaan, Sacuudi caraabiya, iyo Masar. Itoobiya waxay haysataa askar wanaagsan iyo dhaqan ciidan oo fiican, laakiin waxay u baahan yihiin waqti ay ku abaabuulaan xooggooda. Mengistu wuxuu noo warsaday malleeshiyadiisa 100 tababare, haddana wuxuu na weyddiisanayaa lataaliyaal xagga ciidanka ah si loo dhiso kooxo ciidan oo ridli ah. Kaalinta kooxdayada xagga lataliska ciidanku waxay gaarsiisan tahay ilaa heer hoggaan sare. Itoobiya waxay leedahay kaabiyaal dhaqaale iyo dadkii lagama maarmaanka u ahaa dhisitaanka xooggooda dalka. Warar kutiriteena ayaa dhawaan la faafiyay oo sheegaya in xoogagga dibusocodku qabsan doonaan Asmara labo bilood dhexdood. Kacaanka Itoobiya wuxuu leeyahay ahmiyad weyn. Midda ku saabsan gargaaridda PR/da Koongo iyo Liibiya wali wax go'aan ah kama aannaan gaarin.

Waxaan wadatashi leenahay Boumedienne/ka Aljeeriya waxaanna weyddiiyay ra'yigiisa. Wuxuu ii xaqiijiyay inaan Aljeeriya marna ka tagayn Liibiya. Aljeeriya waxay si aad ah u danaynaysaa arrinka Badyarada Dhexe sababo la xiriira danaheeda amni. Waxay door bidaysaa kaalmaynta Liibiya, Marba hadduu ku kooban yahay gargaarka xagga ciidanku waabka hantiwadaagga. Taasi maahan mid kaliya ka dhexaysa Kuubba iyo Aljeeriya. haddii aan ku guulaysanno xoojinta kacaanka Liibiya, Itoobiya, Mosambiig, PDRY, iyo Angoola, waxaan ka yeelannay istaraatiijiyad dhammaystiran dhanka qaaradda Afrika oo idil.

Aljeeriya waxay aad ugu soo dhawaan kartaa waabka hantiwaagga. Waxay ka soo iibsatay 1.5 billion rubles oo hub ah Midowga Soofiyeedka. Boumedienne waxay la tahay in Saadaad si dhammaystiran nooga anbabaxay. Dhanka Suuriyaa kuma harin dhaqdhaqaaq dhinaca bidix ah, kadib markii Suuriyaanku jabiyay awoodihii horusocodka ahaa iyo PLO/dii Libnaan.

Si kastaba ha ahaatee, Afrika gudaheeda, waxaan si xun ugu jabin karnaa dhammaan siyaasadaha imbaryaaliyadda ee dibusocodka ah. Waa in Afrika laga xoreeyo faragelinta USA iyo Shiinaha. Isbeddellada horumarinta ee Zaire aad bay muhim u yihiin. Liibiya iyo Aljeeriya waxay leeyihiin ilo qarameed baaxad leh, Itoobiya waxay leedahay hanaqaadnimo kacaan oo weyn. Sidaas darteed waxaa jira miisaan weyn oo dheellitiri kara khiyaanadii Masar. Waxaaba suurtogal ah in Saadaad uu isa soo rogo oo sidaas awgeed saameynta imbaryaaliyadda ee Bariga Dhexe afka ciidda loo daro.

Dhammaan kuwaan waa in lagala hadlo Midowga Soofiyeedka. Waxaan daba soconnaa siyaasadaheeda iyo tusaalooyinkeeda.

Waxaan qiyaasaynnaa in codsiga Liibiya yahay astaanta kalsoonida. Maahan in la diido codsigooda. Kuubba kaligeed ma caawin karto.


[Xigasho: Stiftung "Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv" (Berlin), DY30 JIV 2/201/1292; document obtained by Christian F. Ostermann and translated by David Welch with revisions by Ostermann.]



CollectionThe Cold War in Africa, The Horn of Africa Crisis
CreatorFidel Castro
Contributor
TypeMeeting Minutes
SubjectErich Honecker
CoverageEthiopia, Germany, Democratic Republic of, (GDR), Somalia

Thursday, March 15, 2012

AADISTII DHULKII EEBBE

                                         AADISTII DHULKII EEBBE

 Markii la tixraaco dadkii reer Kemet (Masartii Hore), dabaqaddii labaad ee Kemet xukuntay waxay dhulkoodii hooyo ku sheegeen Buuntu (Soomaaliya). Waxay dhulkaan ku sheegeen "Ta Nteru" (Dhulkii Ilaahyada). Si ay u adkeeyaan isirkooda waxay kala mid dhigeen muuqaalladooda kuwii reer Buuntu. Dabaqaddii reer Buuntu ee xukunka qabsatay waxaa loogu yeeri jiray "Mesnitu" (tumaallo). Waxaa kaloo loogu yeeri jiray "Shemsu Hor" (Rumaysnayaashii Xuur...waa shinbirka xuurka). Tumaalladu waxay taladii ka afgambiyeen dabaqaddii hore ee xukunka ee la oran jiray Anu (oo ka soo jeeda kooxihii rumaysnaa Wasiir...waa magac weyne). Kooxahaan weynaha Wasiir rumaysnaa waxay hore ugu fidiyeen taladooda dhulalkii Kemet oo idil iyagoo xoog ku qabsaday kuna mideeyay dalka. Waxay isir ahaan ka soo jeedeen dhulkii "Ta-Seti" (Dhulkii Qaansada) oo hadda Suudaan ah. Haddaba jawaabaha su'aalaha "Xaggii dadkii Masartii Hore ka yimaadeen waxaa bixiyay qarniyaal badan kahor dhaladkii Kemet/Masartii Hore. Waxaase yaab leh aalaa laguma xuso jawaabahaas buugta ku saabsan Masartii Hore. Waxay fircoonaddii Xadshibsuud oo talada haysay 1503 ilaa 1480 CKH dhiirragelisay meelmarisayna ganacsiga. Waxay sannadkii 1493 CKH u dirtay raxan maraakiiba oo shan ka kooban Dhulkii Buuntu ama Dhulkii Eebbaha, safarkaas oo ka anbabaxay Kosseir oo ku tiil Badda Cas waxaa looga dan lahaa goobitaanka malmalka, maydiga iyo carafta oo Dhulkii Kemet laga weynayn jiray. Sida ka muuqaata siyaalaha la xardhay ee socdaalkaas, waxay socotadii ku talagashay isdifaac, hase yeeshee Boqorkii Buuntu iyo afadiisii waxay soo dhaweeyeen socotadii ka timid Kemet (Masartii Hore) iyagoo ku leh... "Sidee ku timaaddeen dhulkaan uusan aqoon dadka Kemet? Ma waxaad soo qaaddeen dawyada cirarka? Mise waxaad ku soo gooshteen badda Ta-nutre? Waxaa dhab ah inaad soo raacdeen dhabbihii qorraxda. Illeyn ma jirto waddo boqorka Kemet ka xirane; waxaan ku nool nahay neecawda uu Sarreeyuhu na siiyay." Duqii Sare ee Buuntu (Baraxow) iyo afadiisi (Caddey, oo hummaaggeeda la xardhay ay ka muuqato buurnaan tahan dhaaf ah) waxay la kulmeen hoggaamiyihii socotadii Kemet waxayna wada booqdeen magaaladii reer Buuntu waxayna muuqallada guryahu u eg yihiin kuwo laga duldhisay meelo korreeya oo kakan. Ergadii Kemet waxay reer Buuntu u sameeyeen balashi (sooryayn weyn), kadibna reer Buuntu waxay ku abaalmariyeen socotadii foox, dahab iyo dhagxaanta qaaliga ah. Markaas kadib waxay socotadii Kemet ku noqdeen doonyahoodii iyagoo xanbaarsan dhammaan waxyaalaha qaaliga oo la jecel yahay kuwaas oo qoraalladii xogwarranka lagu tilmaamay sida; "dhammaan qoryaha carafta wanaagsan leh, hilal xabagta-malmalka ah, oo ay weheliyaan geedo qoyan oo malmal ah, qoryaha geedaha dhuux-madowga ah, fool-maroodi asli ah, dahabka cagaaran ee Amu, qorfe, qoryaha geedka khiisti, maydiga jaadadkiisa, indhokuul, daanyeerro, dameerro, eey, hargaha haramcadka koonfureed, dad reer gurigii Buuntu ka socda iyo carruurtoodii.

Wednesday, December 7, 2011



BAROORTII HOOYADEEN!

4tii bishii Mey 2008da baan ka dhegeystay warsidaha BBC/da war quduro iyo qalbi xanuun leh, war dhiillo iyo dhakafaar leh, war uurkutaallo iyo iin dambe leh, war amakaag iyo argagax leh.

Waxaa la wariyey hooyo ka hagaagi weyday meel ka mida xeebaha Yeman ka dib, markii lagu waayey seddex carruura oo ay dhashay iyo wedeygeedii nolosha badda. Waxaa kaloo la wariyey in markii ay ka samri weyday sugaalkii kuway ku ildoogsan jirtay la siiyey kiniiniga hurdada si meesha looga wado. Sheekada hooyadaan mixnaddu ku dhacday waxay la xiriirta dadka S/liyeed ee sida joogtada uga qaxa dalkeennii mar ahaa agaagsaha ee loo rogay cadaabtii ifka. Malaha markay hooyada sheekadaani weyday habkii dhallaankeeda ay ku anqarin laheyd ama ay kala cabsatay holaca baaruudda iyo hanqarka madfaca, bay istiri badbaadi ilwaaddii naftaada.

Hooyo waa tii uurkeeda aan ku wada abuurannay. Waa tii sannad dhawaadkii nagu wadday ilma-sidaheeda, ka dibna na fuulisay guradeeda ilaa intaan ka gaamurno oo addimadeenna ku soconno. Waa tii na jaqsiisay naaseheeda oo naga quudisay dhacaankeeda. Waa tii na huwisay oo oogadeenna ka dhawrtay dhaxan iyo kuleylba. Waa tii nagu dallaamlimeysay naxariisteeda. Waa tii goorey tahayba aan ka daalin xannaanadeenna. Waa tii na hadaaq bartay oo horseedday inaan aftahanno noqonno. Waa tii afyaalka u aheyd waa noolba danaheenna. Hooyadaas lagu gabawaray xeebaha Yemanna idilkeen waa hooyadeen, waayo hooyo waa hooyo.

Doonni xorxosh ah oo heeraab iyo shaamaan liita leh baa bad-dhac qaalley ah ku dhoobay walaalaheen iyo hooyadeen oo wehelisa. Waxay ka baaryoontay qoolaabkii burcadda badda, waxaana lagu dawiyey badweynta qowjadda ah ee hirarka qamaamaye leh. Intay kawiriyeen bay goor hameynkii seddex dalool tagay oo gudcur ah, daruurihii roobna guulaameynayaan, cirkuna karaar hoorayo, mawjaduhuna is hardinayaan, xiiskuna xawli-dhaaf yahay, doontiina daaladhacayso oo dalanbaabi tahay, baa badmaaxdii habaarneyd ku karkabeeyeen hooyadeen iyo walaalaheen inay ku hoobtaan baddii hinraageysay. Kii yare dhasiigana waxaa lagu boobay baadadka qoryaha. Waxaa walaalaheen la tagay maskar waalan, aseebe iyo shaqaawis. Waxay hooyadeen abbaanow tiri eydii badda ee aynabtay gacalkeen oo aan jimica laheyn. Waxay walaalaheen haatan la daris yihiin tammaanta, lajiga iyo cangleesha. Waxay hooyadeen oo murduxan habsatay xeebtii ay ku taallay Xeradii Jaxiima ee jahannamadii Xamar dhaantay. Waxay laba gardeymooneysay baddii bulxameysay iyadoo gawnaxyada buureysa oo ilmadu gobo’ leedahay, geestay daydaba waxay isha guluc lihi ka goobeysay gurboodkeedii aakhiro u guuray. Maxay galabsatay hooyadeen oo guuldarrooyinkaas loo baday?

Cidna gashi kamey qabin ee dugaalkeedii baa dab la geliyey, dhulkeedii durdurka ahaana waa la dowriyay. Waxaa hore loo dumiyay dawladdii u aheyd dalaalnimada. Waxaa dalkeedii oo idil gaalaabaxay balaayo duulaysa oo waxay aragtaba dajineysa. Waxaa dalkeedii looga soo duulay dul iyo hoosba. Waxaa dukundaakun laga dhigay dad iyo dunqaaraba wixii noolaa. Waxaa daleel walba la waray hadba kii door ahaa, wuxuuna diricii noqday mid lagu diimo. Waxaa doc walba arladii diinnaaheyay sawaab dardaran oo qorigu u yahay awoodda uu ku daneysto. Deris iyo xigaalaba dadkii wuxuu u dillaamay dibadaha iyo dalal qalaad, waxayna daltabyo ku haysaa dacallada dunidoo idil. Diiftaas saabatay dalkii hooyo waxaa loogu dawgalay dawdarro aan diihaalka xoogga iyo hungurigu uusan damaheyn.
Waxaa loogu dawgalay ardallo doobbada qabiilku u tahay dallacaad iyo derajo. Waxaa loogu dawgalay Aw doqona oo dardaran oo  garaadkiisa dalleensan iyo damaciisa adduun ku daboolaya diinta oo daw u sameystay dilka iyo deli-ka-tuurka danyarta uu daashaday qaska iyo qalalaasuhu. Dufowgaas wada gaaray dalkii hooyo baa hooyadeenna sheekadaanna ku dirqiyey inay dallaabto oo badaha ka tallowdo. Wayse ku dabrowday oo ku durriyad wayday, wana taas deexda yuurudha oo ilmadu da’ayso!

Monday, November 7, 2011

SOOYAALKA SOOMAALIYA



SOOYAALKA SOOMAALIYA
File:Flag-map of Greater Somalia.svg

Taariikhda Soomaaliya waxay la bilaabatay taariikhda aadanaha; tookh iyo koolkoolinna iga ma ahee, sidaas waxaa qaba culimmada sayniska. In ayeeyo Xaawo ku noolayd bariga Afrika hilaaddii 150, 000 sano ka hor, aadanuhuna ka soo farcmay iyada waa aragti ku xoog badan dhinacyada isirgoobka isku hawla. Waxaa ka loo daliil cad ah, markii fircoonnadu ka warrameen asalkooda waxay yiraahdeen: waxaan ka soo jeednaa dhulkii asalkaTakhent ama Soomaaliya; eraygaas oo maanta afkeenna wali ku ah takhti.
·     Waxaa laga helay boholaha Laas-Geel oo u dhow Hargeysa  sawirro gidaarrada ku xardhan oo lagu qiyaasay in ka badan 11,000 sano kahor. Noocooda waa kuwa ugu da’ weyn Afrika. Hoosta sawirradaas waxaa lagu arkay far hore oo ilaa hadda aan la garan akhriskeeda. Waxaa caddaatay in cilmiga loo yaqaan cryptology (kiribtaalaji) ama aqoonta af-summadeedka ay Soomaalidii hore dunida ku soo kordhiyeen waayo aad u fog.  
* Dhaqammadii mayd-aasidda oo ka da’ weyn 6000 sano waxaa laga helay Jaleelo.
·  Dhismayaal leh qaabka Ahraamta, Qubuuro hore, magaalooyin hore oo baaba’ay sida Wargaade iyo Galgala waa astaamaha ilbaxnimo horumarsanayd oo hore inay ka jirtay Soomaaliya.
· Herodutes (484-425 BC) oo lagu sheego aabbihii taariikhda wuxuu ka hadlay in ka badan 2400 sano kahor, Markoobiyiin oo ahaa dad ku noolaa Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay aqoon dheeri ah u lahayeen cimri-dherersiga, wuxuuna yiri da’dooda dhexdhexaadka ah waxay aheyd 120 sano, waxayna ahaayeen dadka ugu dhaadheer uguna qurux badan dayowga.
· Boqortooyadii 4aad ee Masartii hore (Kemet) Xilligii boqor Khufu oo laga joogo in ka badan 4600 oo sano waxaa qoran dahab laga keenay Punt.
· Boqortooyadii 5aad xilligii boqor Saxuure ee Kemet oo laga joogo in ka badan 4500 sano waxaa qoran safarkii lagu aaday boqortooyadii Punt.
·   Xilligii boqortooyadii 12aad ee Kemet oo laga joogo in ka badan 4,000 sano waxaa ganacsigii Punt loogu dabbaaldagay “sheeko suugaaneedka badmaaxii markabkii burburay”.
·     Boqortooyadii 18aad ee Kemet xilligii boqoraddii wacdaraha laheyd ee Xadshibsuud oo laga joogo in ku dhow 4000 sano waxaa si weyn loo muujiyaya safarkii caanka ahaa ee Punt iyo hodonnimadii reer Punt.
·       Xilliyadii fircoonnada waxay Soomaalidii hore laheyd xoog badeed awoood badnaa iyo ganacsi gaaray dhammaan goonyahii dunidii waayahaas. Waxaa taariikhda ku cad in Soomaalidii hore waligeed aheyd mid iskeed u taagan oo aan dhinacna ku tiirsanayn iyo inay dulqaad u laheyd diimahii kale duwanaa ilaa qarnigii 7aad ee Miilaadiga.
·    Sheeko badeedka la yiraahdo “Perplus of Earithearean Sea” waxaa lagu xusay in qeybta Soomaaliyeed ee xigta dhanka Gacanka Cadmeed ama Gacanka Barbar ilaa Raas Xaafuun la oran jiray waayahaas oo ku beegan 2000 sano kahor Berberiya. Qeybta Soomaaliyeed ee ku dhereran Badweynta Hindigana waxaa la oran jiray Azania.
·       Boqorkii Persia/Iran ee ahaa Cambyses II (530-522 BC) markuu qabsaday Masartii hore wuxuu u soo diray Markoobiyiintii ergo iyo hadiyado si ay u hoos tagaan taladiisa.  Markuu boqorkii Markoobiyiintu arkay hadiyadday wadeen wuu yasay wuxuuna ergadii weyddiiyay da’da dadkoodu gaaro, markay yiraahdeen 80 sano wuxuu u sheegay inay cimri-degdegga ugu wacan tahay cunnada xun oo ay cunaan. Waxaa ergadii la geeyay  meel magaalada geeskeeda ah waxaana la tusay miis la oran jiray “Miiskii Qorraxda” oo baaxad lahaa. Waxay ergadii sheegtay inay dhaqan aheyd in habeyn walba Miiska Qorraxda hilbo laga buuxsho, ciddii baahanna ka quudato, waxayna ka mid aheyd hababkii ganacsiga ee Markoobiyiinta. Waxay ka loo ergadii sheegtay in la tusay maxaabiis ku jeebbaysan silsilado dahaba taas oo muujinaysa hodonnimo mug laheyd.  Sidoo kale waxay ergadii ku warrantay inay soo arkeen dad horumarsan oo leh xeerar, xabsiyo iyo siyaasado ganacsi oo meelmar ah. Wuxuuse boqorkii Soomaalidaas hore u sii dhiibay ergadii qaanso uu u boqorkii Persia u diray oo macnaheedu ahaa waa noo dagaal haddaad na haweysato.
·       Markay Faaris ama Persia qabsatay Yaman, boqorkii Tarsiibi (292-302 BC) ayaa damcay inuu xoog ku qabsado Punt/Dhulkii Udugga waxaase jabiyay suldaan Soomaaliyeed oo la oran jiray Suldaan Wiriiri oo xaruntiisu aheyd Laas Qoray. Ka dib boqorkii Faaris wuxuu la galay heshiis ganacsi wuxuuna suldaankaas siiyay naaneysta Boqorkii Afrika.
·    Magaalo dawleedyadii waayahaas caanbaxay waxaa ka mid ahaa: Avalites, Mosyllon, Pano,  Opone, Malao, Sarapion, Mundus iyo Tabae. Safaradii ganacasigu waxay ka imaan jireen; Phoenicia, Egypt, Greece, Persia, Saba, Nabataea iyo boqortooyadii Roomanka. Intii uusan  Roomanku ku soo duulin boqortooyadii guunka aheyd ee Kuush oo xarunteedu aheyd Nabata wuxuu ganacsigii Soomaalidii hore gaaray heerar aad u sarreeya. Duullammadii Roomaanka ka-dibse waxaa baaba'ay dhabbayaashii ganacsiga; sidaas baana Roomaanku guuldarro ugu keeneen Soomaalidii hore.
·      Guyaashii dhexe markii islaanku soo baxay hijradii kowaad waxay ka soo dagtay Saylac, waxaa u sahlay sidaas ganacsigii iyo xiriirradii bariga dhexe iyo Soomaaliya oo jiray waligiis. 
·   Dagaalladii iyo qalalaasihii ka oogmay bariga dhexe waayihii ka dambeeyay qarnigii 7aad wuxuu abuuray qaxooti soo dagay xeebaha Soomaaliya, Waxayna Muqdishow noqotay xarunta ganacasi ee ugu weyn xeebaha bariga Afrika. Waxaa sii xoojiyay awooddeeda ganacasiga dahabkii Safoola (Mosambiig).
·      Geyiga Soomaaliya waxaa laga soo bilaabo qarnigii 13aad ilaa qarnigii 17aad ka abuurmay labo saldanadood oo xoog badnaa;
      Cadal ama Awdal oo markii hore Saylac caasumad u aheyd, ka-dibna Dakar aakhirkiina Harar oo ku can baxday dagaalladii qaraaraa ee iyada iyo Abasiiniya joogtada uga dhaxeyn jiray, waxaana aad la yaqaan Imaam Axmad Ibraahim Garaad (Guray) iyo furashadii weynayd ee Xabashida, waxaase loollammadu bilaabmeen qarnigii 13aad ama kahor Axmad-Gurey 300 oo sano.
 * Saldanadii Ajuuraan ama Aqalkii Gareen oo qeybo badan oo koonfurta Soomaaliya ah Mudda dheer ka talisay, caasumaddeeduna aheyd markii hore Mareeg, ka-dibna Qallaafo. Xarumaheeda maamul ee waaweynna waxaa ka mid ahaa Marka iyo Hobyo. Waxay dagaallo ba’an la gashay Bortoqiiska oo xeebaha Bariga Afrika boob ku hayay waxaana ugu caansan dagaalkii weynaa ee Baraawe. Sidoo kale waxaa ku furnaa dagaalladii Orommada ama gaallaha oo dhanka koonfurta kaga socday. Waxay Ajuuraanku aad u horamariyeen hab-biyoodka oo ilaa hadda la intifaacsado waxtarkoodii.
·   Markay burburtay Saldanadii Ajuuraanku iyo tii magaaleedka aheyd ee Al-Musafar ee Muqdishow waxaa abuurmay Saldanadii Gobroon ee Galadiga oo ilaa 150 sano awood laheyd soona gaartay qarnigii 20aad bilawgiisii, markaas oo gumeystaha talyaanigu dul habsaday. Caasumaddeedu waxay aheyd Afgooye.
·       Waayaha ku beegan qarnigii 17aad ee ay taagdarraysay saldanadii Cadal oo muddo dheer difaac ugu jirtay geyiga Soomaaliyeed waxaa Soomaali galbeed ka muuqday hoggaamiye mayil adag oo xoogaggii Gaallaha oo isa soo fidinaayay hor joogsaday; waana Garaad Xirsi Faarax Xirisi oo loo yaqaan Wiilwaal. Wuxuu garaadku galay dagaallo kulul oo af iyo addina. Guushii uu ka gaaray dagaalladaas waxay ku xusan tahay gabaygiisa caanka ah oo uu ku magacaabay hoggaamiyihii Gaallaha ee dilaaga ahaa oo Soomaalidu u tiqiin Gaal Gurey :


Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gogosha soo laabay?
Gurxanka gooraanka iyo, goohii iga yeeray
Hanqar geeda laaye ah miyaa, laabta iga guuxay?
Ogaadeen Galduur iyo hadduu, wabi ka soo gaasay
Meeshiyo Garloogubay hadduu, galawgu eedaamay
Guntadayeey haddaan Khaylidii, labada naas geeyay
Asaan Weyrax nadigii gashay ow, gucummo aar yeeshay
Gaalladii ka-gees iyo ka-gees, Riibi nagu goysay
Guray maalintaan dilay colkeed, inuu go'aan sheegtay
Golyoy maalintaan iri darkii, inay gashaan sheegtay
Meeshaan ka gaylamay dadkii, inuu go'aan sheegtay
Garbidaan ku tiirsaday rag inuu, garab maraan sheegtay
Geeraarshe dheer iyo dagaal, waran galaan sheegtay
Gacan iyo in geed laga hadliyo, gobannimaan sheegtay


·       Markii la soo gaaray qarnigii 19aad waxaa geyiga Soomaaliyeed la soo gudboonaaday waayo dhibaato badan. Xoogaaggii reer Yurub oo ku hubeysan aalado dagaal oo cusub, waxay dhan walba uga yimaadeen dhulalkii Soomaaliyeed, waxayna cudud ku taageereen nacabkii soo jireenka ahaa ee Abasiiniya. Dadka Soomaaliyeed is ma dhiibin ee wuxuu galay dagaallo ba’an oo kahortag ahaa, waxaana ka mid ahaa:
   Daraawiish oo loollan  adag la gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi; aagaggii ay daraaawiishi ka dagaallamaysay muddada 21ka sano ah waxaaa ku rogmaday 30% shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa aagaggay ka dagaallantay.
    Markii ay daraawiish burburtay 192-kii wuxuu gumeystihii Talyaanigu isku la rogay saldanadihii uu gacansaarka la lahaa markii hore sida tii Majeerteeniya ee Baargaal xarunta u aheyd, waxaana dagaallo ba’an oo socday muddo labo sano ah la galay Talyaaniga ammaanduule Xirsi Boqor Cusmaan. Waxay maraakiibta Talyaanigu joogto u garaacayeen dhammaan magaalooyinkii xeebaha boqortooyada. Halkaasna waxaa ku naf waayay dad badan oo Soomaaliyeed.
  Markuu Talyaanigu qabtay saldanadii Hobyo ee suldaan Cali Yusuf-Kenadiid; waxaa dhacay dagaallo ba’an oo uu hoggaanshay Cumar Samatr Rooble wuxuuna hoggaanshay kacdoonkii Fallaago.
      Markuu Talyaanigu isku fidiyay gobollada Koonfureed horraantii qarnigii 20aad waxaa dhacay dagaallo ba’an sida tii Lafoole oo Wacdeenku ku jaray horyaalladii Talyaaniga. Tii Marka oo Biyomaalku si daran u la dagaallameen Talyaaniga, wuxuuse Talyaanigu awooday inuu ka adkaado waddaniyiintii Biyomaalka saanadda awgeed, wuxuuna Talyaanigu sameeyay xasuuqii caanka ahaa ee Marka. Sidoo kale wuxuu Talyaanigu ku xasuuqay Buulo Mareer xoogaggii waddaniga ahaa ee Hintiraha.
     Markay dawladdii Fashiistaha aheyd ee Talyaanigu la wareegtay taladii Soomaaliya waxay u hawlgashay inay hubka ka dhigto shacabkii. Arrintaas waxaa ka dhiidhiyay Sh. Xasan Barsamihii hoggaanshay Kacdoonkii Barsame ee dooxada shabeelle 1924kii; waxaa mudan in la xuso warqaddii uu u qoray DE Vecchi waa xaakinki Talyaaniga ee Soomaaliya e: Idinku xeerar baad leedihiin annaguna xeerar baa leenahay; haddaad isku daydo inaad xoog nagu maquuniso waxaan ku dagaallami doonnaa wax kasta oo aan awoodno. Shiikh Xasan gacanta gumeystahuu galay raqdiisa iyo ruuxiisa toona dib dambe looma arag.
     Kadib markii ay burburtay daraawiish waxaa kacdoon ka sameeyay waqooyiga Soomaaliya Shiikh Bashiir, waxaase dagaal ku dilay Ingiriiska meesha la yiraahdo Buurdhaab, wuxuuna maydkiisii la waray Burco dhexdeeda si loo quusiyo dadka.
      Dhulalkii gumeystuhu ku magaccabay Trans-Jubba waxaa joogto uga jiray kacdoonno gumeysi diid ah waxaana 1916kii  ka dhacay Sarinley ee gobolka Gedo dagaal lagu jaray ciidankii Ingiriiska. Maalintaas waxaa Sarinley lagu dilay Lt. Elliot iyo 35 asakari oo uu watay.
Dhanka Jabuuti waa la xusuustaa halyaygii Max’uud Xarbi ee naftiisa huray iyo dhibaatooyinkii gumeyste Faransiis sida tii 1967dii.
Dhanka Soomaali Galbeed halganku ma hakan maalinna, waana taas shucladdii xornimodoonku wali balbaleyso.
In kastoo horseednimadii labadii urur ee kale ahaa SYL iyo SNL lagu haleelay madaxabanidii labadii gobol ee British Somaliland iyo Italian Somaliland iyo midowgoodii 1960kii, haddana dad iyo dawladba loo ma arag madaxbannaani shin ah ama dhammaystiran. Waxaa aad loogu hammiyay loona hawlagalay sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed oo dhammays ah.  Waxay Soomaali noqotay sidii qof xubnihiisa la jarjaray oo la ladi waayay kaarkii la baday. Burburkii dawladdii Soomaaliyeed iyo qalalaasaha daba dheeraaday waxay xiriir toos ah la leeyihiin baadigoobkii Soomaaliweyn.
In kastoo xoogaggii ku soo faalalay geyiga Soomaaliyeed ay ka xoog bateen reer gurigii dalka, kalana qeybsadeen dhulalkii Soomaaliyeed, haddana shacabkii Soomaaliyeed isu ma hoogaamin gunnimada ee wuxuu himiladiisii ku nooleeyay xiddigta 5ta gees oo geesihu ka dhigan yihiin qeybihii loo qeybshay dalka, midabka cadna uu tilmaamayo dhulalka Soomaaliyeed oo nabad iyo barwaaqo ah oo hoos fidsan cirka oo saafi ah lehna midabkaas buluugga ah.
Inta ay astaantaasi jirto waxaa quluubta Soomaaliyeed ku noolaan doona walaalnimo iyo wadajir. Waxay astaantaasi cabsi ku beertaa cadawgii Soomaaliyeed ee kale dhantaalkeeda waligiisba ku hawlnaa.
   
  Qofkii Soomaaliyeed oo kalgacal u haya Soomaalinnimo waa inuu u hawlgalaha badbaadinta astaamaha midnimada sida afka oo waayahaan ku jira marxalad halis ah iyo u uur-samaanta qeybaha Soomaaliyeed oo idil. Inaad sheegato wadanannimo, haddana tiraahdo reer hebel ama qeyb hebel baa necbahay waa waxaan suurtogal aheyn.
    In kastoo maanta muuqaalka S/liyeed uu ku murugoonaayo qofkii ay laabtiisa ku tiran tahay wax uun waddaninnimo ah, haddana waa in la xusuustaa in Soomaali waligeedba weerar lagu ahaa, waligeedna halgan ugu jirtay jiritaankeeda, mar walbana jireen xilliyo ladnaan leh iyo xilliyo dhibaatooyin badan. Waa in la xusuustaa in baadigoobka qarnnimo dhab ah uu u baahan yahay midnnimo iyo wax-huritaan badan. Gobannimo la mahadiyo kaliya waxay ku imaan kartaa samaanta oo wadajir loogu halgamo iyo xumaha oo wadajir loo diido. Jidka gobannimada loo qaadaa waa dheer yahay, qodax iyo qaniin badan yahay oo dugaag iyo dayday badan yahay. Sidaas darteed, waa in waddanigu dhidid iyo dhiigba huraa, guushuna ka ma dheeraan doonto kan dhaxalkeeda raba.      

1da Luulyo Ma Dabbaaldeg Baa Mise Waa Baroordiiq?



1DA LUULYO MA DABBAALDEG BAA MISE WAA
BAROORDIIQ?

Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancadaha ahaa oo buluugleey ay dabeyluhu ka luleen daaraha dushooda. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen iyagoo hore u ahaa “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyay loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammays ah. Waa maalintii aan ku heesnay ”qoloba calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.....”

Ha yeeshee, 1991-dii iyadoon guluf shisheeye oo toos ah uuna soo duulin ayaa la dumiyay dawlad-qarameedkii loo han weynaa. Dawladdii silica iyo saxariirka loo maray, nool iyo moodna loo waayay ayaa si fudud oo xilkasnimo-la’aan ah loo riday.

Waxaa la boobay hantidii qaranka oo dhawrtada iyo dhigaalka aheyd. Waxaa la xaabsaday xoolihii xalaal-quutaha waddaniga ah oo la xalaalsaday. Daarihii loo qotomiyey adeegga qaranka farshaxannaduna qurxiyeen baa la dumiyay ama sidii diirta loo diirtay amase laga yeeshay mooro-xoolaad. Sidii aboorkii baa la mahoobbiyay astaamihii iyo taallooyinkii dalka. Waxaa la fagtay dhulkii, bir iyo maarna waa laga dhawray. Waxaa kor loo laacay xargihii danabka oo sidii qarandida loo dhishay. Salka suuliga iyo kulay qasabad ku tahay shayna la ma samatabixin. Waxaa seyladaha dunida la waray sad guud iyo sad gaaraba wixii ummaddu lahayd.

Waxaa gunta laga jaray geed-miroodkii gu’yaasha laga dhursugayey. Waxaa gubato loo rogay dooxooyinkii dalagyadu ku beernaayeen, carrosankiina waxaa laga dhigay gawaan iyo gabiib maran.

Guutooyin baa la dumay oo gees walba u qaaday duullaan ummula-dooxa. Waxaa gawrac loogu jiiday hanad iyo waxgarad la garwaaqsanaa. Waxaa loogu guduudiyay nin gaboobay iyo gurboodba. Waxaa gees walba ka yeeray galaayuuska dumarka asayda gambeysan iyo hoogaysiga hooyadii la jaray ubadkeedii. Waxaa guri walba hogatay gablan wiil la’aaneed iyo guuldarro iyo hoog. Waxaa dhacay geesaas iyo gabanno-xoor. Waxaa dhacay kala-haad iyo haataa-wilif. Waxaa dul heehaabay geyiga Soomaaliyeed oo idil daruur dabaylo nuxus leh wadata oo musiibo iyo meyd leh.

Gabadhii Soomaaliyeed ee bilicsanayd ee lagu kunniyay boqoraddii Afrika oo lagu maseeyay xoriyadda waxaa la bilqay duleedyada bannaan iyo deyrarka guryaha, waxaana sidii kadin kallanaa loo hortay galmadeeda iyadoo garcas iyo oday guunaba goob joog ahaayeen. Gabadhii aan niri waa hoobaan ee heegaha dheerayd, Hodan, waxaa helay hunuf dhadhable ah oo dhalanteed aamminsan. Gabadhaan niri waa  “sida geed harweyn oo ubax guudka qariyay oy laamuhu ay midiba geesteed gacan mira ah leedahay oo godan barwaaqo ah, durdur aan go’ayn iyo gacan wabi ku yaal ...geddiisii baad tahay”  gabadhii waxaa helay gun iyo gaayo alifley.

Xornimadaan niri; waa hal oo waa Maandeeq, hoorkii madida aheyd oo baarqaabkii Turbaale iyo dirkiisa ku tarmi jirtay oo ku tanaadi jirtay, waxaa helay qaalmo taynax-walashle ah oo tis-qaadka roorsada oo garbo beel iyo goondhabaaleyn mooyee aan ged kale ku kordhin. Maandeeq, Turbaalay ku tiqiin ka-guul-guulka awrta gaaf-wareegga ah iyo qaalmaha gaadda-keenka ah ee guulowga badan, goosan dhurwaa iyo gaade libaaxna agteeda ka ma goosan jirin. Markay guxushaagii weyday baa kolay dhuug iyo dhurde ku tahay dhiiggeedii laga giigay.

Hashaan gaade iyo gulufba ka dhawrnay, hashaan geyraha iyo gudcurkaba la joognay, hashaan gaawaha u culannay waxay darartay mur iyo deebaaq, iyo dacar dhiimaal ah. Godlan waxaan ka sidannaa gorofyo maran.

Maandeeq sidig bay ahayd seddex ku irmaan tahay oo sabadka ay joogto suudda la daaqa oo maqaarka loo sido lagu wada salaaxo. Markii Maandeeq gabraartaha iyo sinji-dhaadyadu ganeen, bay seddexdiina noqdeen seera-wareeg subaaca la qooqa. Uubateyn iyo olol-reen bay ku riiqmeen oo ku rifmeen.

Wax daran wax baa kaaga sii daran, balo’ wali way irmaan tahay oo way ibo qoyan tahay. Balo’ buunkeeda Xamar baa laga yeershaa oo dabkeeda laga biriyaa. Xamartii xoogga iyo xiniinyaha Soomaali weyn lagu dhisay, tacabkeediina la tuunshay waxaa taabsaday tuug iyo tuug-kalkaal. Xamartii taajka qaranka aheyd, waxay noqotay barta taliska bi’inta Soomaaliyeed. Talo keen ahow ama talo raac ahow, hadday tusmo wanaagsan aheyd tuna lagu kari waa. Balo’ wali waa irmaan tahay, kuwii toobkaheeda culay oo bineeyay wali waa fayow yihiin oo waa faltamayaan. Kuwii balo’ unkay oo ku tacaddiyey danta S/liyeed wali waa soo dhankoolaan. Baas-abuurayaashii bannaystay gawraca iyo gambiga qaranka S/liyeed wali waa bulxamayaan.

Kuwii hagardaamo qooli jiray wali waa hammiyayaan, kuwii hantaqa ku ridi jiray wali waa harjadayaan, haddana heegaan u jeednaaye wali waqal ku ma hoorin!