Marka erayga qaran (nation:
القومية) macnihiisa laga eego qaamuuska waa:
dadweyne isaga mida isir, dhaqan, ama af, oo deggan dhul ama dal gaara. Sidaas
darteed, qaran waa dadkee dalka maaha, qaranimaduna (nationalism) waa jaceylka
dadkaas loo muujiyo ama halganka loo galo dantiisa.
Dal (state: دولة) waa aag ay deggan tahay bulsho
siyaasaddeedu habaysan tahay oo uu maamulo hal talis (xukuumad: government:
حكومة). Taliska/xukuumadda waa xubno loo xulo maamulka
dalkee iyagu maaha dalka (dawladda: the state). Qeybaha dadweynaha kamida ee ka
hor yimaada xukumaddu ama loogu yeero mucaarad, hadday waxyeello u geystaan
dadweynaha/qaranka ama dalka, waxaa lagu sifeeyaa; qaran-dumisyo, waana siday u
dhaqmeen ururradii Soomaaliyeed ee hubeysnaa oo soo bilawday 1970-aadkii.
Kuwaas waxay ka siinnaayeen: baabi’intii kaabiyaashii dalka/dawladda, xasuuqa
xubno badan oo qarankii in la dhawro ahaa, kala-qeybinta dadweynaha, kaashigii
cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa, iyo la’aanta barnaamij siyaasadeed
oo midaysan.
Sidaas darteed, kuwaas horseedka u noqday burburintii
dawladnimadii Soomaaliyeed in yar oo wanaag ah ka ma dheefin qaranka
Soomaaliyeed, balse waxay reeban eel ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay. Tusaale
ahaan aan u soo qaadanno Ururkii SNM iyo eel kuu reebay ururkaasi. Wuxuu sidii
ururradii kalaba ku salaysnaa hal qabiil, wuxuuse uga duwanaa kuwii kale, wuxuu
rabay in qeybihii qolodiisu degganayd ka gooyo dalka intiisa kale. Dadweynihii
kale ee la degganaa Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya Ururkii SNM wuu ku
maxaabsaday oo wuxuu ka dhigay kuwo qabiilkooda hoos jooga, go’aannadoodana ku
qasban.
In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.
In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.
Waxyaalaha yaabka leh oo
runta ka fog oo ay meel walba ku baahiyeen waxaa kamida: in iyagoo dal xor ah oo
dalal badan aqoonsadeen ay ku biireen Dalka Soomaaliya 1960-kii. Waxay
yiraahdeen tan iyo markii aan la midownay Gobolladii Koonfiurta Soomaaliya;
waxaa nala ku hayey colaad, baabi’in taas oo si gooniya naloo ku talagalay. Waxay
yiraahdeen isir ahaan baa naloo faquuqay oo horumakii baa naloo diiday, waxaa
nala ku sameeyay xasuuq ba’an iyagoo hadalka u dhigaya in markii diyaaradaha
iyo madaafiicda lagu xasuuqayay ay ahaayeen dad shacaba oo si nabada dhulkoodii
u deggan, iwm.
Kuwaan afkoodu wax walba karo, marna ma sheegaan inay hubka
qaateen oo nacabkii weynaa ee Itoobiya garab iyo gaashaan u noqdeen oo haddana
ku soo dhex dhaceen ummad nabad u taal oo dhufays ka dhigteena dabkana saareen
XDS iyo xubin kasta oo aan u dhalan qolodooda, ilaa markii dambe ay si ula-kaca
u xasuuqeen dad masaakiina oo shacaba, qolodooda awgeed.
Ururkii dhibaatooyinkii
waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay qeybta weyn ku lahaa wuxuu ku dhawaaqay
dawlad madax bannaan oo ay u la baxeen ‘Somaliland’ oo macnuhu yahay, Dhulkii
Soomaalida. Xitaa waxaa qaldan magac-bixintooda, waayo meel kasta oo Soomaali
deggan tahay waa Dhulkii Soomaalida, mana aha magac gaar ahaaneed.
Yeelkoode,
waxay geed la fuuleen madax-adayg iyo islaweyni, iyagoo ku cargaag tamaya
kala-dhantaalka Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxaha ku doodaya in
Gobolladii Waqooyi go’aan oo dal gooniya noqdaan waxaa inta badan laga
taageeraa qeybo kamida 2-da gobol ee; Togdheer (41000km2) iyo Waqooyi Galbeed
(45000km2). Marka lagu jimeeyo wadar bedeedka labadaas gobol wadar bedeedka
guud ee JDS (637, 657km2) waxay noqonayaan 13% oo waliba haddii loo jaro 3-da bedadka
dhulalka ay deggan yihiin dadka kala-go’a diiddan, waxay ugu badnaan inta
diiddan noqonayaan dadka deggan 10% Dhulkii JDS.
Toddobaadkaan 6/8-19/2020 wuxuu
shir uga socdaa magaalada Jibuuti wafdi ka socda JS iyo wafdi ka socda kooxaha xagjirka oo ka socda ‘Somaliland’. Kooxahaas mintidka wuxuu hammigoodi yahay in
loo aqoonsado dal madax bannaan, ama ugu yaraan haddayba noqoto inay la
midoobaan Gobolladii Koonfurta Soomaaliya ay helaan saami dhan walba oo dhan 50%.
Su’aashu waxay tahay
kooxahaan isla-weynidu hankaas gaarsiisay, ee kaliya arka waxay naftoodu jamatay,
oo innaba aan lahayn waxa maanka fiyow oggolaan karo, maxaa lagu la xaalayaa?
Ma waxaa lagu la xaalayaa in kooxdaas afduubka ku haysata dadweyne tiro badan
oo aan raalli ka ahayn waxay kooxdu wadato, la qanciyo siday rabaanna loo
yeelo, iyadoo la duud siinayo dadweynaha intiisa badan?
Haddiiba, kooxdaas waxaysan
daw iyo abbaar toona u lahayn loo oggolaado, waxay xadgudub iyo duudsiin ku
tahay Shacab-weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxayna horseedi kartaa colaado
iyo dagaallo hor leh.
Sidaas darteed, waa in kooxdaas
la oggolaysiiya inay lamid noqdaan dhinacyada kale ee Bulshada Soomaaliyeed ama
waa in ay oggolaadaan in cod la qaadoo oo dadweynaha la weyddiiyo siday rabaan, waana
inay ku qancaan in dadka Soomaaliyeed leeyahay xuquuq siman. Waa inay joojiyaan
beenta joogtada ah ee ay ka sheegayaan sooyaalladii la soo maray.
Calool maran baa la milaalaaye,
Iimaan maran la ma milaalo.
Iimaan maran la ma milaalo.