Shiica شيعة-Q.2aad
Al-Xasan ibnu Cali ibnu Abu Daalib
Markii Cali (RC) uu
dhintay waxaa khilaafnimadii loo doortay al-Xasan oo ahaa curadkii Cali iyo
Fadumatu-Sahraa (ina Nabi). Sidaas darteedna, Shiicada Labiyo Tobonleyda iyo
Saydiyiintu waxay u haystaan imaamkii labaad, halka Mustaclida Ismaaciiliya u
haystaan imaamkii kowaad. 6 bilood ama 7 bilood kadib wuxuu Xasan uga haray
khaliifnimadii Mucaawiya ibnu Abu Sufyaan oo sidaas ku noqday khaliifkii
Umawiyada, isagoo Cusmaan (RC) ahaa kii kowaad.
Xasan wuxuu caan ku
ahaa wax-siinta saboolka, naxariista kuwa tabarta yar iyo cibaadaysi xoogganaa.
Sida la sheegay isagoo markaas da’diisu tahay 45 sano ayay xaaskiisii oo la
oran jiray Jacda bintu al-Cashaa’id ku sumaysay Madiina, waxaana lagu aasay qubuuraha
Jannaad al-Baaqi. Sida la sheegay waxaa Jacda xodxotay oo u ballanqaaday guur
iyo xoolaba Mucaawiya. Markuu Xasan dhintayna waxay ku degdegtay oo aadday
madashii Mucaawiya ka talin jiray. Ballantii inuu guursan doono waa uga baxay, wuxuuse
u guuriyay nin kale.
Si kastaba ha
ahaatee, is la markii loo doortay al-Xasan khaliifnimada, waxaa ka horyimid oo cambaareeyay
Mucaawiya ibnu Sufyaan, wuxuuna ku dhawaaqay inuusan khaliifnimadiisa aqoonsan
doonin. Markaas kadib, waxay labada dhinac intii muddo ah is weydaarsanayeen
warqado. Warqadahaas oo ku kaydsan buugaagta Jacfar iyo Madiluug, waxaa ku
xusan doodo fiiro mudan. Warqadahaas mid kamida wuxuu ku xusay hadal la sheegay
inuu ka yiri Cali (RC) u-doorashadii Abu Bakar khaliifkii 1aad, hadalkaas oo ahaa:
‘Haddii Abu Bakar loogu doortay inuu Qureesh ka dhashay, muhaajirna ahaa,
sidaasna looga doorbiday Ansaar, waxaa uga sii dhaw khaliifnimada xubnihii ka
dhashay qoyskii Nabi Maxammad (CSS). Mucaawiye, wuxuu uga jawaabay doodda
noocaas ah; ‘anigoo qiraaya wacnaanta qoyskii Nabi Maxammad (CSS), haddana
arrinku wuxuu daaran yahay waayo-aragnimo xagga maamulka’. Wuxuu ka loo yiri
Mucaawiye; ‘waxaad doonaysaa sida inaan xaaladda hadda taagan ku dhammaynno
wadahadal iyo nabdoonaan, laakiin arrinkeenna maanta wuxuu u eg yahay kii dhexyiil
Abu Bakar iyo qoyskiinna, geeridii nabiga kadib. Wixii ku soo gabagabeeyay
hadalkiisii; ‘waa ka da’ weynhay, xagga taladana waa kaaga waayo aragsanahay,
haddaad maanta ii hoggaansanto, waxaad iga dhaxli doontaa khaliifnimada’.
Haddii dhawr
warqadood la is dhaafsaday, waxna ku hagaagi waayeen, wuxuu Mucaawiye bilaabay
abaabul, wuxuuna u diray ciidan dhammaa 60,000 oo nin Maskin oo ku tiil wabiga
Dijla oo ku dhawayd Moosul. Wuxuu qorshaha Mucaawiye ahaa in uu Xasan heshiis
ku qasbo ama uu weeraro kahor intuusan diyaargaroobin. Wuxuu ogaa Mucaawiye,
xitaa haddii uu dilo ama jabiyo Xasan in xubin ka loo Reer bin Haashim ah la
dooran doono, loollankuna uusan istaagi doonin. Sidaas darteed, waxaa ka go’naa
inuu tanaasul ka helo al-Xasn.
Markii uu warkii
colka Mucaawiye soo gaaray Xasan, isna wuxuu abaabulay ciidan cududdiisu
dhammayd 12,000 oo nin oo uu hoggaaminaayay Cubaydallaah ibnu al-Cabbaas,
waxaana la faray inay u dhaqaaqaan dhankii Maskin, is la markaasna waxaa loo
sheegay inaysan weerar bilaabin in la soo weeraro mooyee, sugaanna al-Xasan iyo
xoogga kale oo ka daba imaan doona.
Intii uu colkuu
Xasan diray uu ku sugnaa Maskin, Xasan laf ahaantiisa ayaa dhibaato ka la
kulmay Sabbaad oo u dhawayd al-Ma’aadin. Waxaa dhibka keenay goor ku beegnayd
salaaddii subaxa ayuu Xasan khudbad jeediyay uu ku sheegay inuusan Eebbe
hortiis qof muslina necbayn, is la markaasna uusan doonayn inuu cid
dhibaateeyo. Warkaas baa cutubyo ka tirsanaa ciidankiisii u qaateen inuusan
dagaal doonayn oo uu rabo inuu tanaasulo, wayna gadoodeen, waxayna bilaabeen
inay saldhiggii ciidanka bililaqaystaan. Xasan wuxuu ka soo dhexbaxay qaskii
meesha ka abuurmay, waxaase jidgal ku sameeyay nin ka tirsanaa Khawaarijtii oo la
oran jiray al-Jarraax ibnu Sinnaan, kaas oo bawdada billaawe uga dhaawacay, isagoo ku
qeylinaayay; “Alla weyn! Sidii aabbahaa oo kale baad gaal noqotay”.
Intii uu
Cubaydallaah iyo ciidankuu hoggaaminaayay ay Xasan ku sugayeen Maskin baa waxaa
ergo u soo diray Mucaawiye, waxaana loo soo tabiyay waraan sugnayn oo ahaa;
‘wuxuu Xasan idin soo faray inaysan dagaal bilaabin inta uu wadahadalku ii
socdo”. Ciidankii Kuufa ee Xasan ka socday arrinkaas waa ku gacansayreen,
waxaase mar labaad ergo qarsoodi ah soo diray Mucaawiye oo Cubaydallaah ugu
dhaartay inay run tahay Xasan inuu codsaday nabadgalyeyn, is la markaasna waxay
Cubaydallaah loo sheegay in la siin doono 1,000,000 dirham oo waliba nus hadda
la siinaayo, inta kalana Kuufa lagu siin doono. Cubaydallaah, wuu yeelay
soojeedintii wuxuuna la saftay dhinicii Mucaawiye. Ciidankii Cubaydallaah waxay
sugayeen inuu tujiyo salaaddii subxanimo, markay waayeen oo ay u caddaatay inuu
dhakray, way cambaareeyeen waxaana hoggaaminta la wareegay Qays ibnu Sacad.
Mucaawiye wuxuu Qays ku dayay laaluush iyo weerarba laakin Qays ciidankiisii
way is ka caabbiyeen labadaba.
Markaas kadib,
wuxuu Mucaawiye qoray warqad uu ku sheegay in Xasan isaga dabadi khaliifniamda
leeyahay. Wuxuu ka loo ballanqaaday inuu siin doono wax kasta oo uu doonaayo.
Soojeedintaas Xasan waa yeelay wuxuuna wadahadalkii heshiiska labada dhinac u
xilsaaray Caamir ibu Salma al-Xamdaani iyo dumaashigi Maxammad ibnu Cashtaad.
Markii la
wadahadlay Mucaawiye wuxuu qoray warqad, wuxuuna ku sheegay in al-Xasan u
dhaxli doono xukunka isaga dabadi, 1000,0000 dirham uu ka siino doono Baytul
Maalka sannad walba iyo inuu isagu yeelan doono canshuurtii dhulka ee Faasa iyo
Darabjirid, dadka u qabanaaya canshuurtaasna uu isagu soo magacaaban doono.
Warqadii waxaa wada saxiixay afar dhinac oo ergooyina Bishii 8aad, 661 CD.
Markii Xasan
warqaddii soo gaartay wuu ka maagtay, wuxuuna ku celiyay Mucaawiye uu ku
leeyahay kuu hoggaansami maayo ilaa aad nabadgeliso dadka. Mucaawiye warqad cad
buuu inta soo saxiixay/shabbadeeyay u soo diray oo ku yiri ku qor ciddii aad
doonto. Aakhirkii wuxuu al-Xasna taladii Ciraaq ku wareejiyay Mucaawiye bishii
Siddeedaad 661 CD.
Al-Xuseen ibnu Cali
Markii Xasan ibnu
Cali geeriyooday sannadkii 670 CD, waxay Shiicadii Cali (Taageerayaashii cali)
ku dhawaaqeen inay imaamnimada u aqonsan yihiin Xuseen ibnu Cali abu Daalib.
Waxaase arrintaas diiday Xuseen laf ahaantiisa, isagoo u sheegay dadkii
taageersanaa inay arrintaas dib u dhigaan inta uu Mucaawiye ka dhimanaayo,
wuxuuna yiri; waa inaan xurmaynnaa heshiiskii dhexmaray al-Xasan ibnu Cali iyo
Mucaawiye.
Markii Mucaawiye
dhintay sannadkii 680 CD waxay taageerayaashii Mucaawiye ama Reer Umawiyaha u
doortoon Khaliif Yasiid 1aad oo uu dhalay Mucaawiye ibnu abu Sufyaan. Waxaa arrintaas
is la markiiba diiday Xuseen ibnu Cali, wuxuuna u arkay in la jabiyay
heshiiskii dhexmaray Mucaawiye iyo walaalkiis Xasan. Waxaa aad u taageeray
mawqifkii Xuseen reer Kuufa, waxayna si is-dabajooga ugu soo diraayeen
dhambaallo ay uga codsanayeen inuu yimaado Kuufa si loogu caleemosaaro
Khaliifnimada.
Haddaba, Xuseen oo
ay weheliyaan ilaa 70 qof oo xigtadiisii iyo dad taageersanaa ka koobnaa baa
aaday Kuufa, hase yeeshee, markay marayaan meesha la yiraahdo Karbala baa waxaa
jidka u galay ciidammo tiro badnaa oo uu soo diray Yasiid ibnu Mucaawiye,
waxayna halkaas si foolxun ugu dileen Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Nabi
Maxammad (CSS), inta badan dakii weheliyayna way xasuuqeen. Sidaas darteed,
maalintaas oo ku beegnayd 10-kii Muxarram, 61 Hijriya ama bishii Tobnaad
10-keedii, 580 CD waxay astaan u noqotay baroordiiq weyn oo ilaa maantadaan loo
sameeyo dilkii Xuseen iyo xigtadiisii, waxaana maalintaas loo yaqaan Caashuura.
Ciidammada jidgalka
sameeyay waxaa hoggaaminaayay al-Xor bin Yasiid al-Tamiimi, gacan-ku-dhiiglihii
dilay Xuseen-se waxaa la oran jiray Shamar binul Joosh al-dabbaabi
al-Hawaasini. Madaxa ayay ka jareen Xuseen, waxaana kamid ahaa dadkii lala
dilay cunug uu isagu dhalay oo 6 bilood jir ahaa oo la oran jiray Cali al-Asqar.
Dumarkii iyo carruurtii badbaaday waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan.
Dhacdadii goobtii
Karbala waxay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba u saamaysay Shiicada. Sidoo kale, dhacdadaas foosha xun waxay aad u sii ka la fogeysay dhinacyadii muslimiinta ahaa is khilaafsanaa.
Sida ka muuqata bilawgii khilaafaadka muslimiinta, la is ku ma hayn arrimo xagga diinta ku saabsanaa ee waxaa la is ku hayay hoggaaminta muslimiinta. Waxaa ka loo meesha ku jiray qabyaalad sida, Reer banu Haashim oo ay is hayeen Reer banu Ummawiya. Waxaa ka loo muuqata in si waab walba dhiniciisa taageero u helo uu adeegsaday diintii, isagoo dhinicii kale ka dhigaaya mid ku gafay diintii ama gaaloobayba. Ilaa xilliga la joogo khilaafka ka dhex-oogan dhinacyada muslimiinta waxaa saldhig u ah khilaaf siyaasadeed sida, kan waayahaan u dhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.