Dal kasta wuxuu u baahan yahay sharci lagu
agaasimo arrimihiisa, mana dhici karto in dal yeesho habab siyaasadeed oo aan
loo dejin xeerar wax lagu sooro.
Dalalka qaatay habka loo yaqaan fedaaralka ee
maantana Soomaaliya loo miihaalayo, waxaa mid walba loo jaangooyay xeerar si
gaara loogu tixgeliyay abuurta dhulkeeda iyo dadkeeda. Xeerarka la rabo in
Soomaali lagu maamulana waa inay ku qotomaan ka-baaraanddeg xeel dheer oo aad
loogu fiirsaday siyaalaha iyo meelaha Soomaaliyeed.
ka dib markaan dulmaray qeybo ka mid ah dastuurka
cusub, gaar ahaan meelo aan is leeyahay waa ubucda ama unugga arrimaha
Soomaaliyeed ayaan mooday dan wax-ka-dhahooda;
Cutubka 1aad
Q.5aad-Afka Rasmiga ah
(1) Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya waa Af-Soomaaliga oo ka kooban; Maxaa tiri, Maay-arti iyo Carabi
sida ku cad jadwalka.
Sida culummada afafku ku qeexeen Af Soomaaligu
waa af madaxbannaan oo ka tirsan afafka Reer Xaam kana sii ah kuwa Kuushta
Bari, wuxuuna ka mid yahay afafka ugu da' weyn dunida. Waxaa la qoray sannadkii
1972dii, wuxuuna noqday afkii rasmiga ahaa ee Dawladdii JDS. Waxaa kamid ah
lahjadihiisa; Maay, Banaadiri, Gobollada Dhexe, Waqooyi, Galbeed, Reer Bari iyo
qaar kale.
Afka Carabigu wuxuu ka mid yahay afafka Reer
Saam, waxaana ku hadla dad ka badan 300 oo malyan. Afkaasi wuxuu ka ahaa
dhaqankii JDS afka labaad ee dalka. Waxaa maanta ku hadla Afka Carabiga dalal
badan oo kala leh lahjado, haddana dal walba afkiisa rasmiga ah waa Af Carabiga
qoran oo aan wada naqaan. Marna la is ku ma qaldin afka rasmiga ah iyo
lahjadihiisa.
Haddaba, sidee Carabigu u noqon karaa qeyb ka mid
ah Af-Soomaaliga? Sideese la isugu maldihii karaa sidii iyagoo is leh?.
Maxaa keenay in lahjadaha Af Soomaaliga la
yiraahdo waa qeybo afka kamid ah, miyeysan aheyn is la afkii?
Waxay u eg tahay in afkii waligii ahaa
astaanta midnimada Soomaaliyeed, kali ahaantiisa su'aal la geliyay oo sidii
wax kastoo kalaba la isugu qabsaday loo muujiyey mid la isku haysto. Haddii
sida qumman wax loo wado waa in la yiraahdaa: " Afka rasmiga ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga, qoraal ahaanna waa kii la dhaqan
geliyay 1972dii", dastuurkana laga daayo mugdiga.
Q. 8aad
Muqdisho oo loo yaqaan Xamar waa
magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamka Magaalo-madaxdu ay ku leedahay
qaab-dhismeedka federaalka ee jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad
ee Dastuurka.
Marka dhinacyo badan laga eego Muqdishow ma noqon
karto magaalo-madax. Waxaa habboon in qodobkaan la beddelo oo laga dhigo:
" Waxaa xaruntii Dawladda Fedaraalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya loo
gartay si ku-meel-gaar ah _____. Markii la dhiso Dawladaha Fedaraalka ayaa
waxaa la abuuri doonaa guddi ka kooban dawladihii la dhisay, waxayna soo
magacaabi doonaan Xarunta Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana ansixin
doona Golaha Barlamaanka ee Dawladaha Fedaraalka". Marka la tixgelinaayo
danaha Soomaaliyeed guud ahaan waa in Xaruntu noqoto magaalo ka madaxbannaan
dawladaha fedaraalka ah, balse ay noqoto mid leh maamul gaar u ah.
Cutubka 2aad Jinsiyadda
Q. 10-aad
(1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu
heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn
Q. 12-aad
(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si
sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq
ayuu leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.
Waxaa habboon ama tahayba in Q.10-aad sidaan loo
qoro: " waxaa jinsiyadda Soomaaliyeed lagu heli karaa dhalasho, waxaana
Soomaali ah qof kasta oo ku dhashay Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya, qof
kastoo ku dhashay qeybihii Soomaaliyeed ee ay tilmaamaysay Xiddigtii Qaranka
Soomaaliyeed iyo qof kastoo ku abtirsida qolooyinka Soomaaliyeed ee dega
dagallada Soomaalida meeluu yahayba.
Waxaa kaloo habboon in meesha laga saaro
Q.12-aad. Xilligaan ma qummana in lagu daro dastuurka qodob ka hadlaya
Soomaaliyeyn, waayo maanta la ma joogo heer aan hanannay dalkeennii iyo
arrimihiisii, waxaana qodobkaani horseedi karaa cillado aan la maareyn karin.
Waxaa Soomaaliyeynta laga hadli karaa mararka dambe ee dastuurka dib loo eegayo.
Waxaa la oggolaaan karaa kaliya degganaansho iyo wakaalasho is la socota, iyadoo
qofka shisheeyaha ah la siinayo sharci degitaan hadduu yeesho qof u dhashay
dalka oo xilkas ah oo wakiisha una qoolnaan doona xaaladaha la-dajiyaha.
Marka la qeexayo u-dhalashada Dalka Soomaaliya
waa in la raacaa habkii soo-jireenka ahaa ee uu dadka Soomaaliyeed isku
aqoonsan jiray; wuxuu qofku Soomaali yahay, hadduu yahay ina hebel, hebel,
hebel oo reer hebel ah. Waa inaan lagu khaldamin siyaalaha ummadaha kale isku
aqoonsadaan. Tusaale ahaan, nin ku dhashay Caabudwaaq, hadduu tago Gedo oo isa
sheego, waxaan muran laheyn inuu si toosa uga mid noqonaayo degaankaas. Sidoo
kale, nin ku dhashay Wardheer wuxuu xujo la'aan degayaa ama ka talin karaa Puntland.
Waxaa tusaale kale ah nin ku dhashay Qallaafe oo qolodiisu deggan tahay
Hiiraan si toos ah buu u noqonayaa Reer Hiiraan markuu doono. Nin aabbihi iyo
asaguba ku dhasheen Saylac baa madax ka noqon kara Jabuuti. Eegey, u dhalashada
dalku ku ma xirnaan meel ee waxay ku xirnaatay abtirsiinyo. Baxaaliga
hab-bulsheed ee sooyaalkaa iyo qoondaynta Eebbaa sidaas ahe, miyaa la
is qasbayaa?
Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u qeybsamaa
qolooyin, waxaana dhammaanti isku xira seddex xarig:
1- Xigaal: xariggaani
waa kan abtirsiinyaha dhanka aabbaha, waana xarig dheer.
2- Xasabo: xariggaani
waa kan abtirsiinyaha dhanka hooyada, waana xarig dheer.
3- Xidid: xariggaani
waa kan guurka, waana xarig xoojiya is-haysashada Bulshada Soomaaliyeed aadna u
bila wada noolaanteeda.
Waxaa dadka Soomaaliyeed leeyahay dhaqan isu
guurguura oo hadba meeshii nolol ka jirto ayuu isugu tagaa, mana lahaan jirin
seerayaal kale qoqoba. Kala-oodkii uu ku sameeyay gumaystahana waxaa loo qaatay
xeyndaabyo beena ama dhalanteed ah. Xayndaabyadaas baana saldhig u ah dhibabka
tirada badan ee maanta haysta ummadda.
Sidaas darteed, Dadka Soomaaliyeed maahan dad
kala noolaan kara ama kala maarma. Seeriyaasha lagu qasbayna ma noqon, mana
noqon doonaan kuwo hirgala. Haddii Gidaarkii Baarliin kala hayn waayay Dadkii Jarmalka, waa in la ogaadaa inaan lagu kala qoqobi karin Soomaali diillimo
shisheeye xarriiqay. Haddaba si arrinta Soomaaliyeed u cagodhigato waa in
dhabta hoos loo eegaa.