sannadkii 1905tii baa Sayid Maxammad saxiixay heshiis u oggolaanaayay inay Daraawiish ka taliso dhulka Nugaal iyaduna markaas ballanqaadayso inay joojinayso faragelinta arrimaha dhulkii S/liyeed ee Ingiriiska iyo colaadaha. Lee Cassaneli wuxuu qoray in waayahannadu ku kala tagsan yihiin qiimeynta heshiiskaas. Qaar baa waxay qabaan inuu Sayidku u galay heshiiskaas si uu waqti u gato oo uu abaabullo ciidan-dhisitaan. Wuxuu sheegay in Sayidku xiriir qarsoodi ah la yeeshay Biyomaalka hub faro badanna siiyay. Aragtida sidaan ah waxay gar noqonaysaa markii la eego sidii uu Sayidku u la dhaqmay Saldanadii Cali Yuusuf -Keenadiid oo ahayd mid colaadeed. Febarwary, 1905tii wuxuu Ingiriisku helay war dhuhlayn ah oo uu u soo gudbiyay Signor Olivo kaas oo sheegay in Daraawiish qabsatay Garacad, Sayidka laf ahaantiisuna halkaas dagay. Daraawiishtu waxay Garacad u aragtay dagal xeebeed leh marso abuurriin ah oo u sahli kartay helitaanka hubka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Signor Olivo wuxuu qoray in Cavaliere Pestalozza uu aaday Hobyo si uu Suldaan Cali Yuusuf u la tashado. Waxaa kaloo jiray dhambaallo sheegayay dhibabkii Reer Mahad (Majeerteen, Cumar Max'uud), Garacad kala kulmeen kadib markii xoolahoodii ay Daraawiishi dhacday. Sidaas darteed, kadib sannado badan oo isku day ah waxay Daraawiish awoodday inay joogitaan xooggan oo qoto dheer ku yeelato Mudug. Guulihii 1905tii kadib, waxay Daraawiish ka dhisatay Garacad iyo Jarriiban qalcado. Waxaa kamid ahaa qorshayaashii doorka ahaa ee Daraawiish inay saldhigyo ku yeelato xeebaha Mudug si ay u maamusho dhulalka gudaha ah oo meesiyada la dhaqdo hodan ku ahaa iyo ujeeddooyin ganacsi labadaba. Waxaa kaloo jiray in reerihii Mudug degganaa aad ugu muujiyeen madaxadayg iyo u-hoggaansi-la'aan Suldaan Cali Yuusuf. Laga soo bilaabo sannadkii 1902dii waxay Daraawiish weerarro ku haysay fariisannadii Cali Yuusuf ee Mudug si ay u ciqaabto qolooyinkii horjoogsaday jihaadka. Bishii Sept. 1902dii, waxay Darwiish weerartay qalcaddii Suldaan Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wayna qabsatay. Warkii uu Ingiriisku helay baa sidaan ahaa: guulahaan Daraawiisheed dartood, waxaa kor u kacay sumacaddii Wadaadka ee tolalkii koonfurta iyo galbeedka Mudug degganaa. Col. Swayne wuxuu rumeysnaa in tani ku tahay dharbbaaxo Cali Yuusuf wuxuuna soo jeediyay in 600 oo askari oo Suudaan ah oo wata afar madfac la geeyo Hobyo si ay u kaaliyaan Suldaankii Hobyood. Qabsashadii Daraawiish ee miyiga Mudug ma raagin. Waxaa ka saaray ciidan uu wato Gen. Mannig's oo Hobyo ka dagay bilawgii ololihii 3aad ee Ingiriiska. Laakiin July, 1904tii kaalinkii Cali Yuusuf ee Gaalkacyo wuxuu noqday midaan xasilloonayn mar kale wuxuuna Swayne diray dhambaal uu ku sheegay in Suldaankii kaba gurtay Gaalkacyo isagoo ku macneeyay inuu Hobyo u baqay uuna difaaceeda isu aruuriyay. Suldaanku wuxuu ku celiyay codsigiisii qoryaha wuxuuse Swayne qabay inuu haysto qoryo ku filan.
1905tii, waxay Daraawiish noqotay mid aad u hiyi kacsan doonaysana inay ciqaabto qolooyinkii halganka gunnimodiidka ah hor-istaagay, sidaad darteed, Majeerteenkii Mudug waa la weeraray markii la dareemay inuu ka cagjiidayo taageeradii Daraawiishta. Dhanka waqooyiga koox gooni u goosatay oo Cali Geri (Dhulbahante) ah baa culays soo saartay Buuhoodle. Haddaba koox Daraawiish ah oo Ismaaciil Mire hoggaaminaayo baa laga diray Xarunta oo loo diray Abqow oo tiil koonfurta Eyl, halkaas oo uu Sayidka walaalkiis Yuusuf Shiikh Cabdulle ku dhaqaayay fardihii Daraawiishta. Markii kooxdii gaartay Abqow, Ismaaciil Mire wuxuu tiriyay gabay uu ku muujinaayay ujeeddooyinkiisii. Wuxuu sheegay in Daraawiish doonayso inay ku xoogaysato Mudug iyo in la ciqaabo Suldaan Cali Yuusuf sababtoo ah gacan-siintiisii Ingiriiska kadib markii uu u oggolaaday General Manning inuu ka soo dego Hobyo xilligii ololihii 3aad ee Ingiriiska ee ka-dhanka ahaa Daraawiishta. Asagoo ku halqabasanaaya Yuusuf Sh. Cabdulle wuxuu yiri:
Taleex iyo Abqow Yuusufow, waa tub kala dheere
Toddobaan ka soo dhaxay, halkay tiil dariiqaduye
Wixii aad tartiib igu ogayd, tiicis baan ahaye
Tan inaan fadhiistaana, waa tacaddi diimeede
Wax Jahaadku taawinahayaa, tan iyo Ceelhuure
Tiirkii Hobyood waa la gubi, taan niyaysnahaye
Abtow Toogayar ii qabo adaan, kuu tawaawacaye
Sannadka gudahiisii waxay Daraawiish ku weerartay Majeertiinkii raacsanaa Cali Yuusuf Xinduugan, wuxuuse Majeerteen ka sii warhelay colka ku soo beegan wuxuuna geeliisii ul a qaxay dhanka koonfurta. Markii colkii Daraawiishtu soo gaaray aaggii, geel iyo rag toona lama kulmin. Colkaas hungoobay waxay dani badday inuu aryahii hilbo ahaan u dhaco, wuxuuna Ismaaciil Mire ka tiriyay arrinkaas gabay kooban:
Shillinkii Xinduugan haddaan, shalay Jihaad geeyay

Shigta weerar guutadu hadday, sheed walba u qaadday
Shaaruflaha Majeerteen hadday, shidatay reerkiisa
Horweyn laga ma soo shubo gunaan, shucub u foofayne
Anoo shiiday baan helay wankii, shirixa weynaaye
Shiilliinka ii keen Ilaah, waw shukriyayaaye
Nin shahiida baa loo ogaa, inuu shaf goostaaye
Nimcadaan Shareecada ku helay, yaan ka shaabbacaye
Waxay kaloo Daraawiish la falgashay Boqor Cusmaan Maxammuud iyo raaciyaddiisii. Ragaalkii 1915kii baa col ka soo baxay Bari iyo dhankii taliskii boqorku dhacay geel tiro badan oo loo baxshay Miinanle kaas oo dhiillo weyn ku abuuray Daraawiish. Waxaa lagu taliyay in Ismaaciil Mire hoggaansho col lug ah oo soo dhiciya geelii waxaana sidaas loogu taliyay dhulka Bari oo xoogagga boqorku ku sugnaayeen baa ahaa dhul qallafsan oo maristiisu ku adkayd fardihii Daraawiishta. Ismaaciil Mire ayaa diiday ra'yigaas wuxuuna ku tawaawacay; haddii aysan fardihii Daraawiish daaqsin u jirin Xaysimo inaan Miinanle la qaadeen. Wuxuu sharraxay sida dagaalku ugu baahan yahay degdeg iyo xawli. Labadaas oo fardaha kaligood suurtogelin kareen, wuxuuna gabay ku yiri:
Xayow aabbahay baa i baray, Xamar aan fuulaaye

Xiis baan ku meel mari jiriyo, Xaya darmaaneede
Fardduu Xaysimay naga jireen, Xula dhaceediiye
Sengeyaasha xoogga leh haddii, lagu xambaareeyo
Xadataa ma dhaafteen hashuu, xaday Majeerteene
Lugi inay Xadaafiir tahaan, soo xaqiiqsadaye
Welina Eebbahay igu ma xadin, laba xagaafoode
Markaas kadib guluf uu hoggaaminaayo Ismaaciil oo fardooley ah baa qeyb ahaan soo dhiciyay geelii.
Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Daraawiishta waxay ahayd qabsashadii Hiiraan. 1912kii bay Daraawiishi ka war-heshay in Talyaanigu isku soo fidinaayo Koonfurta Soomaaliya qorshahiisuna yahay inuu Hiiraan qabsado. Dhulkaan oo hore uga madaxbannaanaa gumeystaha. Caaradkii Talyaanigu wuxuu soo gaaray Mahaddaay. Warkaani wuxuu qeylodhaan ku dhex tuuray Daraawiish, sidaas darteedna Sayidku wuxuu u saaray ciidan dhan 900 oo nin dhanka Doh iyo Ceelgaab oo uu hoggaaminaayey Xaaji Maxammuud Macallin "Cagadhiig". Amarkii ciidankaas la siiyay wuxuu ahaa inuu xoojiyo xooggii Daraawiisheed ee fadhiyay aaggaas oo uu madaxda ka ahaa Sayidka walaalkiis Khaliif Sh. Cabdulle iyo inuu sii galo Hiiraan qalcadana ka dhiso Beledweyne. Markuu ciidankii gaaray Hiiraan wuxuu fadhi ka samaystay Qollad oo u dhaweyd Beledweyne. Wuxuu bilaabay inuu dhambaallo iyo ergooyin u diro qolada Xawaadle ee agagaarka degganayd si ay ugu soo biirto halganka iyo gumeysidiidka waxayse ku soo jawaabtay inaysan taageerayn joogitaanka Daraawiisheed ee Hiiraan. Waxay ku adkaysatay mawqifkeedii, in kastoo Daraawiish aad isug dayday qancinteeda. Waxay tusaalaysay khatarta Talyaaniga iyo sida midnimo looga hortago loogu baahan yahay. Markay caddaatay inaan Xawaadle u soo loodsamayn Daraawiish, waxay noqotay in weerar lagu ballaariyo si loo layliyo. Xawaadlaha waxay la ahayd inuu Daraawiish iska caabbin karo wuxuuna lahaa hoggaamiye karti badan oo la oran Nimcade-Dacar wuxuuna hoggaaminaayay ciidan loo oran jiray Hormadiid. Sannadkii 1913kii baa Daraawiishi weerartay Xawaadle oo jabisay, xoolahoodiina gacanta ku dhigtay. Sidaas baana Hiiraan ku noqday aag Daraawiishi ka taliso. Isla markiiba Daraawiish waxay Beledweyne ka bilawday dhisitaan qalcadeed waxaana hormood ka ahaa dhisitaanka nin la oran jiray Cali-Jalax waxaana taliye guud loo magacaabay Cagadhiig.
Talyaanigu wuxuu ka walwalay horumarka Daraawiisheed ee Hiiran wuxuuna xoojiyay xooggiisii fadhiyay Mahaddaay isagoo ka cabsi qabay weerarro uga yimaada Daraawiish. Wuxuu kaloo fadhi ka samaystay Tayeeglow iyo Buqaqable oo uu ugu talagalay difaaca dhulalkuu koonfur ka joogay. Wuxuu kaloo kulan degdeg ah la qaatay Suldaan Cali Yuusuf waxayna ku heshiiyeen inay cudud midaysan uga hortagaan Daraawiish. Waxay soo dhaweysteen Boqor Olol Diinle, oo ka soo jeeday saldanadii Ajuuraan ee hore. Waxay seddexdaas dhinac u istaageen kahortaggii iyo la-dagaalankii Daraawiishta.

Maaris 3, 1915kii, waxay gaashaanbuurtii bilawday duullaammo laga soo abaabulay lix jiho. Talyaanigu wuxuu ka soo ruqaansaday; Buulobarde, Buqaqable iyo Tiyeeglow. Suldaan Cali Yuusuf wuxuu soo baxshay labo ciidan waxaana hoggaaminaayay Godogodo. Boqor Olol Diinle asna wuxuu ka soo gulfay Qallaafe. Colalkaasi waxay go'doon socday seddex bilood iyo bar geliyeen saldhigyadii Daraawiisheed ee Hiiraan. In kastoo aad loo duqeeyay qalcadihii haddana wax weyn ma gaarin. Markii madaafiicdii Talyaaniga midkood la burburiyay ciidammadii soo duulay waxaa ku dhacay argagax waxayna isku soo tuureen goobihii dagaalka. Ismaaciil Mire waqtigaas wuxuu ku sugnaa Beledweyne wuxuuna u yimid kormeer iyo xogdoon. Markii la maqlay weerarrada soo beegan dib buu u dhigay safarkiisii, difaacii buuna ka qeyb-galay. Wuxuu ka tiriyay dagaalkii Beledweyne iyo colalkii soo weerary geeraar uu u diray Khaliif Sh. Cabdulle oo ku sugnaa Qalqallooc. Wuxuu ku sheegay geerarkaas dhinacyadii dagaalka soo galay iyo siyaalihii dagaalka:
War ninkii iga dooniyow
War ninkii iga dooniyow
Anoo Doollo u jeeda
Deleb heensaha saaray
Gooruu waagu dillaacay
Daraawiish ballamaynnaa
Adduun saad ka damcaysiyo
Damdambaysi ma yeeshee
Waa dawaara sideede
Durba weerar na taabay
Maajoor doora qudhmuuniyo
Doofaartii Raxanweyniyo
Majeerteen dunjigiis
Daacufley askareediyo
Ina Diinle dhashiisaa
Dulmi noogu heshiiyoo
Duulba maalin na beegay
Beryey Deex ololaysay
Dundunku u rognaayoo
Candhadii dubayowdoo
Daaqsin ayan u foofinoo
Rasaastii dam lahayd
Dagaal baan kula roorayoo
Baqihii ay dillaameen
Dabkii aannu ka reebnay
Derbi baan ku masaaloo
Daarahaannu rasaynnaayoo
Daayimow mahaddaa bay
Daraawiishi lahaydeey
Guushaas taariikhiga ka dib waxay Daraawiish isku fidisay koonfurta Soomaaliya, Talyaanigana waxay qasab uga dhigtay inuu ka noqdo qorshuhuu ku rabay inuu isku ballaariyo Dooxooyinka Shabeellada Sare. Waxay Daraawiish si fiican u sii degtay Hiiraan waxayna joogisteeda ku sii xoojisay dhisiddii labadii qalcadood ee kale ahaa Aammin iyo Labo-Mataanood. Waxay kaloo colal xooggan ku bixisay Tayeeglow iyo Baydhabo oo ay ku weerartay Talyaaniga iyo taageerayaashiisii. Waxay kaloo ugu dhacday cadawga koonfurta fog sida Aw-Dheegle iyo Ceel-Garas. Jabkii Beledweyne kadib Talyaanigu kuma dhiirran inuu weeraro Daraawiish mar dambe, tan dambaase mar walba waxay wadday weerarro.