Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn (alfi
laylah wa laylah)
Qarnigii 8aad ilaa sannadkii 1258 Masiixiga Dabadi (MD) waxaa lagu
sheegaa xilliyadii dahabiga ahaa ee islaamka. Wuxuu baaba’ay xilligii wacnaanta
badnaa ee islaamku markii Mangooliyiintu ku soo duuleen dhulalkii islaamka oo
ay burburiyeen ilbaxnimadii lixaadka lahayd, isla markaasna qabsadeen Baqdaad
oo ay si ba’an u gubeen qoraalladii iyo buugtii cilmiga, dad iyo duunyo badanna
halkaas ku rogeen.
Intii lagu jiray xilligii wacnaanta badnaa ee islaamka waxay aqoontu
jaad kasta oo ay tahay gaartay meel aad u sarraysa. Waxaa la turjumay
qoraalladii ay ka tageen ilbaxnimooyinkii ka horreeyay islaamka sida tii
Finooqiyiinta, Giriigga, Masartii Hore, Faaris, Roomaankii iwm. Waxaa waayahaas
la gundhigay qeybo badan oo kamid ah laamaha cilmiga ee maanta aadanuhu ku
meelmaray. Waxaa sidoo kale horumar laga sameeyay mala-awaalka iyo
maan-kobcinta aadanaha sida qorista sheeko xariirooyinka maan-koriska ah. Waxaa
kamid ah sheekooyinkii waayahaas la qoray sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn ee markii
dambe dunidoo dhan wada saabatay, afaf badanna lagu turjumay.
Qoritaanka sheekooyinkaasi waxay ku beegan yihiin waayihii dahabiga ahaa ee islaamka gaar ahaan
xilligii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad ahayd caasimadda muslimiinta waxaana
lagu aruurshay oo laga dhigay hal buug, waxayna sheekooyinku asal ahaan ka soo
jeedeen Faaris (Iraan) gaar ahaan waayihii Imbaraadooriyaddii Sasanayd
(Sassanid Empire ‘224-651 AD’).
Sida lagu xusay buuggii asalka ahaa iyo kuwiii dambee laga tixraacayba
waxaa la yiri: Waxaa jiri jiray boqor la oran jiray Shariyaar. Boqorkii
Shahriyaar baa afadiisii uu aadka u jeclaa gogol-dhaaf samaysay, kadibna
boqorkii si daran buu u carooday, wuxuuna go’aan ku gaaray in uu dumarka ka
aarsado. Wuxuu amar ku bixiyay in hameyn walba loo aroosiyo gabar da' yar oo bikra
ah, waagu markuu baryana la dilo. Waxaa arrinkaas u xilsaarnaa Wasiirkiisii Kowaad.
Wax hadba gabar yar loo aroosiyoo waabarigiina la dilaaba, maalintii dambe ayuu
wasiirkii waayay gabar uu u aroosiyo Shahriyaar. Asagoo murugaysan baa waxaa
aragtay gabar inan ah oo uu asagu dhalay, waxayna weyddiisay sababta uu la
murugaysan yahay, markuu u sheegay arrinkii bay ku tiri; aabbe anaa guursanaaya
boqorkee ha tiiraanyoon. Wasiirkii aad buu uga naxay soojeedintii gabadhiisa,
wuxuuna isku dayay inuu ka hor istaago, wayse ku adkaysatay go’aankeedii. Gabadhaas oo la oran jiray Shahrisaad waxaa
loo aroosiyay boqorkii Shahriyaar. Hameynkii markii loo hooyay boqorkii, waxay
bilawday inay u sheegto sheekooyin xiiso badan. Markii sheeka walba marayso gabogabo
oo ay ugu xiisa badan tahay bay joojisaa. Boqorkii oo aad ula dhacay
sheekooyinkii Shahrisaad wuxuu amraa inaan la dilin Shahrisaad ilaa laga gaaraayo
maalinta xigta. Gabadhii hameyn walba waxay bilawdaa sheeko cusub oo kuwii ka
horreeyay ka sii xiiso badan, waxayna gunaanadka sheekada la sugtaa hameynka
xiga, waxayna sidaas ku wadday kun iyo kow hameyn (1001 hameyn). Markii dambe,
waxay noqotay, in boqorkii Shariyaar uu go’aansado inaan la dilin, sidaasna waxaa ku joogsaday arooskii gabdhihii la dilaayay
hameynkii la arooso waabarigiisa.
Sheekooyinkii ay Shahrisaad ku maaweelin jirtay boqorkii Shahriyaar ee
socday kunka iyo kowda hameyn waxaa ka mid ahaa:
- Sheekadii dibiga iyo dameerka
- Sheekadii jinniga iyo ganacsadaha
- Sheekadii Jinniga iyo kalluumaystaha
- Sheekadii xammaalka iyo seddexdii dumarka ahaa ee reer Baqdaad
1- Sheekadii Calaa’u-Diin iyo nalkii yaabka badnaa
2- Sheekadii Cali-Baaba iyo afartankii tuug
3- Sheekadii Sindibaad iyo toddobadiisii safar-badeed