CIRMAR
Cabdullaahi Xaashi Warsame (Waranle)
Columbus, OH USA....2012
Caloolyoobayay xalay miyaan, ciil la ladi
waayay
Cudbigiyo sariirtii miyaan, caro ka soo
booday
Cayshkii la ii dhigay, miyaan calashigii
diiday
Ma cibaadadii baan ka tagay,
caasinimadayda
Ma calaacal iyo boohin bay, igaga caw
beeshay
Cishriin sanoo tagay miyaan, caadka sare
meeray
Anoo caafimaad qaba miyaan, cararoo
rooray
Casar galiyo waabari miyaan, socod ku
caatoobay
Ma carraabadiyo guurahaan, ciiro bahal
yeeshay
Carruurtiyo haweenkii miyaa, ciridda loo
saaray
Ma cashiiradii baa sidii, cawsha kala
yaacday
Cayriyo dagaagnimo miyaan, duni ku
caanoobay
Ma cadaawahaygaan tol iyo, ciirsi gacal
mooday
Ingiriis caddaaniyo miyaa, carabi ii
shawrtay
Ma Talyaani baa Cadaliyo, soo camiray
deexda
Ma Amxaaradaan cayriyaa, la igu soo
celiyay
Ma cawaandi Keeyaanahaa, cunayay
jiirkayga
Ma Mandeellahaan caawiyaa, ii cawili
waayay
Calankii madoobaa miyaa, ciidda lagu
jiiday
Ma cawaalihii baa sidii, calal la
googooyay
Cawadarran sideedii miyay, kala
canjeelaysay
Nin waliba cid gooniya miyuu, Calas u
heenseeyay
Cuqdad beena aan jirin miyuu, calaha
dheer fuulay
Ma ciyaalladii iyo jirraa, la igu soo
cariyay
Catir iyo ninkii qayd surtaa, Caarshe ma
ismooday
Cadadaysi mooyee midnimo, ma cuntabi
wayday
Citiraaf miyay doonayaan, cidihii
Tawajaale
Toban caado qaatiyo miyay, caamo igu
qooqday
Ma carsaanyadii xeebihiyo, calakud bay i
maagay
Ma cuwaaflihii baa dalkiyo, ciidda
gadanaaya
Ciyi waa ka daalacay miyaa, lagu
canbaaroobay
Caskartiyo saraakiishiyo, ciidammada
xoogga
Janannadii cirroobee tukaha, laga
cashaysiiyay
Cuqaashiyo indheer-garatadiyo, culummadii
diinta
Cawaagiirta nimankii ahaa, sida cagaar
seexday
Miyaan cudurka laayiyo jirrada, cidina
baaraynin?
Carmadiyo dhirtaan samansabahiyo, ciinka
laga reebay
Ceesamihiyo qaalmahaan, carabta loo
dhoofshay
Cummaan iyo Dubey geelayaga, Cadan ka
kooryaaya
Citibaadka yaw u furay baddaan, cadawgu
boobaayo?
Taariikhda lama soo ceshiyo, cadar
daruureede
Iyagiyo cadceedduba dib bay, kugu
cusbaadaane
Casrigii ku dhaafaba wax baa, la
citiraabshaaye
Cabdulqaadiriyo Dheeriyo,
Cali-ferduulaale
Shiikh Cali Jimcaaliyo Salaadiyo, Caabbi
iyo Juuje
Cabdinuur Xuseeniyo Fartaag, Caasho iyo
Xaawo
Cusmaan Geeddi iyo Maalinguur iyo, Cadan
raggii joogay
Ma cabsoodihii Duuriyo, Ciise iyo Muuse
Iyo Ina Cukhaashtii, dorraad carada
ooyaysay
Maandeeq dadkii curiyay baa, ciidda hoos
galaye
Hadduu caawa nool yahay raggii, la ima
caayeene
Cirku igu dunyey dawladdii, lama callaadeene
Cidi igama qaaddeen Gobaad, ha
cawarnaateeye
Casabaysi kuma baaba’deen, dhogor
cillaanley e
Cigaaliyo miyaan Buuniyo, Cali-Garaad
waayay
Cabdi iyo Yaasiin miyaa, cadayga loo
gooyay
Miyaan Aadankii caarranaa, la
Cabdilleynaynin
Cabdullaahi Ciisiyo miyaan, caaqil
talinaynin
Miyaan ciidankiyo Siyaad,
calanwallaynaynin
Taangiga cakoodiyo madfaca, loo callaqo
dhuunta
Cutubyada dagaalkiyo miyaan, Danab
cabaadaynin
Miyaan miig ciyaaraa Barbara, cagaha
saaraynin
Isma caabudno oo ina rag waa, is-camal
naqaannaaye
Caadaaba lagu maalayaa, Culus hashaydiiye
Markay calawdo sheekadu miyaan, carari oo
dhuuman
Ma calaacashaan hoorsadaa, Culus
dagaalkeeda
Ma cod baanan dhiibayn shirkiyo, caalamka
hortiisa
Kol uun buu mid lagu cayd bixiyo, caynshe
noo kiciye
Caqligiyo garaadkiyo mar bay, cududdu
noolaane
Carrabkiyo dhaayaha kol buu, caaddil noo
furiye
Caamadu kol bay qabiilkiyo, dhaafi
caadada e
Cirirkii gu’ baa muuqdiyo,
curashadiisiiye
Dabaylahaan cusubi waa, kuwii dirirka
cawleede
Caaway inoo imaan daruur, ceesha
dumisaaye
Calcalyada xareedda dhulkaa, daad
cawaaftamiye
Cosobkiyo dooggiyo kol buu, cawsku soo
bixiye
Caanaha kol baan qubahayaa, ciirta
galabeede
Cawayskiyo kol bay tumi habluhu,
Ceeragaabada e
Cindallaahi kama quusan iyo,
cabashadaydiiye
Cusrigaba yusraa daba
socdee, cawn allaan sugiye