Marka la tixraaco qoraalladii Reer
Sumar, wuxuu Gigamaash ahaa boqorkii shanaad ee Magaaladii Urug (Reer Sumar waxay u yiqiin Unug, Reer Caqaadna Urug) ee Sumar (hadda
Ciraaq), xilligiisu wuxuu ku beegan yahay 2500 Dhalashadii Masiixiga Kahor.
Sida lagu xusay qoraalladii Reer Sumar wuxuu Gilgamaash taliyay ilaa 126 sano. Sheekada
Gilgamaash waa la weyneeyay waxaana laga dhigay saldhigga suugaanta adduunka oo
idil, marka la soo koobana sidaan baa loo dhigay:
Gilgamaash
waxaa iska dhalay ilaahad iyo nin aadane ah, wuxuuna ahaa ninkii ragga ugu xoog
badnaa uguna qurux badnaa.
Waxaa
dhaqan u ahayd Gilgamaash inuu gabadhii la aroosaba isagu uu ku hor maro oo la
seexdo. Sidoo kale waxaa dhaqan u ahayd inuu ku daaliyo dhallinyaradii
magaaladiisa tartammo-ciyaareed aan dhammaad lahayn. Markii dadkii magaaladii
Urug (Unug) ku noolaa u adkaysan waayeen waxay baryeen Eebbayaasha si ay u
kaalmeeyaan, waxaana baryadoodii oggolaaday Eebbaha Anu (Caano), wuxuu amaray
ilaahaddii Aruru inay abuurto qof kale oo u dhigmi kara Gilgamaash.
Aruru (Aroora) waxay abuurtay Enkidu, oo ahaa
midaan ilbax ahayn ee duurjooge ahaa, waxayna dajisay kaymaha. Wuxuu la dhaqmi jiray ugaarta. Enkidu wuxuu
waxyeello u gaystay nin dabato ahaa oo kaymaha xargo dhigan jiray, kadibna
ninkii dabatada ahaa wuxuu u tagay Gilgamaash, wuxuuna uga warramay arrimaha
Enkidu. Gilgamaash wuxuu ku taliyay in ninkii dabatada ahaa iyo Shamhat oo
ahayd dhilladii macbadka ay kula kulmaan Enkidu ceelka uu ka cabbo. Markii
Shamhat ay aragtay Enkidu waxay ku shukaamisay inuu la tunto. Marar badan buu u galmooday Enkidu Shamhat. Markuu ka bogtay tumashadii Shamhat, buu aaday dhankii ugaarta, waxaase ku qalooday oo ka diday ugaartii. Sidoo kale, wuxuu arkay Enkidu, inay ka luntay tamartii uu ku raaci jiray ugaarta.
Markii
dambe Enkidu wuxuu ogaaday inuusan sii ahaan karin duurjooge, maskax ahaanna uu
furfurmay, wax bandanna gartay. Shamhat buu la noolaaday iyadaana ka dhigtay ilbax. Markii ay
Shamhat uga sheekaysay Gilgamaash wuxuu jeclaystay inuu ka dhigto wadeey, sidoo
kalana wuxuu Gilgamaash asna ku fakaraayay inuu wadeey helo.
Maalintii
dambe, ayuu Enkidu wuxuu aaday Urug wxuuuna la kulmay aroos uu Gilgamaash ka
dhex leeyahay; aroosadda anaa marka hore la seexanaya, jid baana u leeyahay.
Enkidu wuxuu hor istaagay Gilgamaash, waxaana labadoodii dhex maray dagaal ba’an,
waxaana laga adkaaday Enkidu, laakiin dhammaadkii waxay noqdeen wadeeyo is
jecel.
Waayo
markii la joogay wuxuu Gilgamaash go’aansaday in isaga iyo Enkidu ay aadaan
Kaymaha Geedka Sidarka ee uu ilaaliyo bahal aad u weyn oo la oran jiray
Humbaaba (Huwawa), arrintaas oo ay waxgaradkii Urug isku dayeen inay ka
joojiyaan. Hase yeeshee, markii dambe, go’aankii Gilgamaash baa lagu dhaqaaqay, waxayna u kicitimeen
dhankii Kaymihii Sidarka. Markii ay gaareen meeshii ay u socdeen baa Eebbaha
Shamaash u kaalmeeyay waxayna awoodeen inay qabtaan bahalkii weynaa ee Humbaaba,
kaasoo codsaday in la badbaadiyo. Wuxuu damcay Gilgamaash inuu badbaadiyo
laakiin waxaa ku dhiirriyay inuu bahalka dilo Enkidu, wuuna dilay.
Labadii
wadeey waxay gooyeen geedkii ugu dheeraa geedaha Sidarka oo uu rabay Gilgamaash
inuu ku xuso Ilaahadda Enlil (iin-liil). Wuxuu ka sameeyay geedkii doon waxayna
u soo shiraacdeen Urug iyagoo madaxii Humbaaba sita, waxayna soo dhex maaxeen
wabiga Furaad.
Markaas
kadib, waxaa jeclaaday Gilgamaash ilaahaddii Ishtar, waxayna ka codsatay inuu
guursado. Gilgamaash codsigaas waa diiday wuxuuna ku dooday in dhammaan kuwii
hore u guursaday Ishtar ay meel xun ku dambeeyeen. Ishtar way carootay waxayna
aabbaheed; ilaahii Anu ka soo wadatay Dibigii Cirka waxayna u soo dirtay Urug
si uu u ciqaabo labadii wadeey ee ahaa Gilgamaash iyo Endkidu. Hase yeeshee
labadii wadeey waxay dileen Dibigii Cirka.
Muddo
yar kadib, wuxuu Enkidu ku riyooday in ilaahyadu goosteen in labadii saaxiib
mid dhinto, waayo waxay dileen Humbaba, waxay gooyeen Sidar, waxayna dileen
Dibigii Cirka. Wuxuu isla riyadaas ku arkay in Enlil u dooratay dhimashada,
isaga Enkidu ah. Isla markiiba Enkidu wuu jirraday wuuna dhintay isagoo aad u
silcay.
Gilgamaash wuxuu aad uga murugooday geeridii
wadeygiisii Enkidu, wuxuuna go’aansaday inuu u socdaalo cirifka dhulka si uu
ula soo hadlo Utanapishtim, kaas oo ahaa qofka kaliya ee la siiyay nolosha
waaritaanka, daadkii weynaa kadib.
Safar cannaab badan kadib, wuxuu Gilgamaash tagay Buurtii Mashu, wuxuuna halkaas ku arkay bohol aan isaga hortiis qof gelin ama marin. Waxaa bohosha ilaalinaayay labo nin oo qaab hangaralle leh oo laga argagaxaayay. Waraysi kadib, waxay ogaadeen inuu qeyb ahaan Gilgamaash yahay Eebbe, sidaas darteed way u oggalaaden inuu dhabbihii bohosha ee hoos maraayay buurta qaado, taas oo ay qorraxdu qaadi jirtay. Wuxuu dhabbahaas hayay 12 saacadood oo laballaaban, isagoo ka cabsi qabay in qorraxdu ka daba timaaddo oo gubto. Markuu bohoshii ka soo dhammaaday wuxuu u soo baxay janno geedaheedu aad u qurux badan yihiin.
Safar cannaab badan kadib, wuxuu Gilgamaash tagay Buurtii Mashu, wuxuuna halkaas ku arkay bohol aan isaga hortiis qof gelin ama marin. Waxaa bohosha ilaalinaayay labo nin oo qaab hangaralle leh oo laga argagaxaayay. Waraysi kadib, waxay ogaadeen inuu qeyb ahaan Gilgamaash yahay Eebbe, sidaas darteed way u oggalaaden inuu dhabbihii bohosha ee hoos maraayay buurta qaado, taas oo ay qorraxdu qaadi jirtay. Wuxuu dhabbahaas hayay 12 saacadood oo laballaaban, isagoo ka cabsi qabay in qorraxdu ka daba timaaddo oo gubto. Markuu bohoshii ka soo dhammaaday wuxuu u soo baxay janno geedaheedu aad u qurux badan yihiin.
Markii
dambe, wuxuu Gilgamaash la kulmay Siduri oo ahayd xaaskii Ale, waxayna isku
dayday inay ka joojiso waxa uu raadinaayo, waxayse markii dambe u gudbisay Urshanabi oo ahaa
ninkii doonta uga gudbin lahaa badda. Hase yeeshee, wuxuu Gilgamaash burburiyay
kuwo dhagax ka samaysnaa. Markuu u tagay Urshanabi, wuxuu Gilgamaash u sheegay
in isagu burburiyay kuwii looga gudbi lahaa biyihii geerida. Si ay biyaha
geerida uga gudbaan wuxuu Urshanabi faray Gilgimaash inuu soo jaro 120 geed kana
sameeyo seebab. In kastoo uusan Urshanabi jeclaysan raacdaynta nolosha
waaritaanka ee Gilgamaash haddana wuu caawiyay oo wuxuu ka gudbiyay biyihii
geerida. Dhinaca kale ee biyaha ayuu Gilgamaash kula kulmay Utanapishtim,
markuu arrintiisa dhageystayna wuxuu u sheegay nasiibdarro inuusan aadane geeri
ka baaqsan karin.
Waxaa
lagu yiri Gilgamaash; eeg, waa hore baa ilaahyadu go’aansadeen inay aadanaha ku
rogaan daad, waxaase aniga iyo afadayda na soo gaarsiiyay digniin Eebbihii Ea
(Ciyaa). Sidaas darteed, waxaan dhisnay doon aad u weyn, waxaanna saarnay
doontii caynta noole kasta iyo farsamo-yaqaanno. Markii daadkii weynaa
dhammaaday, Eebbaha Enlil baa aniga Utanapishtim ah iyo afadayda siisay nolosha
lagu waaro ee aan geerida lahayn. Wuxuu Utanapishtim u sheegay Gilgamaash
inuusan mudnayn nolosha waaritaanka si uu u qanciyana wuxuu ku yiri: si aad u
gaarto himiladaada waa inaad soo jeeddaa oo aadan seexan. Nasiibdarro wuu
gama’ay Gilgamaash, imtixaankiina wuu ku dhacay.
Markii
dambe, wuxuu Utanapishtim u sheegay Gilgamaash inuu jiro geed badda gunteeda ka
baxa oo haddii la dhuunyado lagu gaari karo nolosha waaritaanka. Gilgamaash
geedkii wuu soo helay wuxuuna u soo anbabaxay Urug. Intii uu jidka ku soo jiray
buu damcay inuu meel biyo fadhiyaan ku qabaysto, geedkiina meel buu dhigtay
biyaha ka baxsan. Markii uu biyihii ka soo baxay wuxuu la kulmay mas
xuubsiibanaaya, wuxuuna ogaaday inuu masku geedkii waaritaanka liqay.
Gilgamaash,
wuxuu ogaaday inuusan aadane geeri ka fakan karin ee haddii qofku rabo inuu
magaciisu waaro oo dadku waayo badan xusaan, ay qumman tahay inuu waxtar muuqda
la yimaado, ugana tago ifka waxqabad loo aayo oo mar walba lagu xusuusto. Sidaas darteed, wuxuu Gilgamaash ku dadaalay horumarintii
magaaladii Urug. Dhanka kale, wuxuu Eebbayaasha ka baryay inay u soo celiyaan
wadeygiis Enkidu. Baryootankii Gilgamaash ma aysan dhagaysan Enlil iyo Suen,
waxaase maqlay oo u kaalmeeyay Eebbayaasha Ea iyo Shamash. Wuxuu Shamash dillaaciyay
dhulka, waxaana ka soo booday Enkidu. Sheekadii waxay ku dhammaatay Gilgamaash
oo ka waraysanaaya Endkidu, waxyaalihii uu la kulmay.