Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Tuesday, November 17, 2020
Tuesday, November 10, 2020
Maadaama la yiri Minilikhii-1aad waxaa dhalay Nebi Sulaymaan (CS), Diinta Masiixiguna markii hore ka soo faaftay Madashii Boqor Ezana, waxay labadaan qolo ee wada Xabashida u arkeen boqorradooda awliyo xagga Eebbe ka amran. Sidaas darteed, waxay daw isu siiyeen inay dadyowga aagagga ku nool xukumaan sidaas-na tahay rabitaanka Eebbe.
Waxay Xabashidu rumaysan tahay; in maadaama ay xag Eebbe ka idman yihiin ay xaq tahay inay dilaan qofkii ama qoladii ka hortimaadda. Waxay ka loo rumaysan yihiin inay jid u leeyihii qaadashada hantida ama xoolaha dadka aan iyaga ahayn.
Sidaas darteed, waxaa mar walba ka marnaa hababkoodii siyaasadeed, in qofka la mariyo garsoor loo siman yahay, waxayna dhaqan joogta ka dhigteen inaan lagu mashquulin caddaaladee dadka la laayo, waana kuwii waligood xasuuq daran ku hayay, dadyowgii nasiibka darnaa ee iyaga hoos joogay.
Qawmiyadda Orommada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxay u yiqiinneen dad ka hooseeya duurjoogta, waana tii Minilikh IIaad mar yiri; 'ha dilina ugaarta, xitaa Orommada ha dilina.'
Soomaalida oo waligeed ahayd awoodda iska-caabbinta u taagnayd, waxay mar oran jireen; waa xoolo-dhaqato jaahila oo dhulka ay sheegtaan Itoobiya leedahay, iyaguna daaqsi u yimid. Mar waxay oran jireen; "Soomaalidu waxay kamid yihiin dadyowga goonyaha Itoobiya dega" oo ay u la jeedeen; waa dad aan talada dalka wax ku lahayn, maadaama ay yihiin dad aagga daaqsi ku yimid.
Markii Soomaaliya xornimada qaadanaysay, wuxuu Xayle Salaase u ololeeyay inaan Soomaaliya xornimo la siin ee ay hoos tagto boqortooyadiisa, markay xornimada Soomaaliya qaadatayna waa kii mar yiri; 'ka ma duwana calankoodu, kii Shiikh Jeylaani ee goobaha siyaarada la suri jiray.'
Iyadoo waxyaalaha aan kor ku sheegnay ay yihiin sooyaallo dhab ah, ayaa kooxo Soomaali ah taageeraan isirkaas baas-abuurka. Dagaalka maanta socda oo sababtiisa asalka ah ay tahay; sidee Abiy Axmad oo ka soo jeeda Orommadii duurjoogta ka hoosaysay noogu talin karaa, bay kooxaha Soomaalida ee kor ku xusan, laxaw u hayaan Tigreegii bi'iyay ummaddooda.
Qaar baa uu nacay Abiy Axmad afgaradka dhex maray isaga iyo M C Farmaajo. Waxay diiddan yihiin Farmaajo oo qolo ahaan u diiddan yihiin, waxayna ka doorbideen iskirkii waligiis Reer Kuush oo dhan gumaynaayay.
Quluubtaas waa bugtaa, sidaas darteedna qof bukaan ah latacaalid mooyee, eedayn ma mudna.
Friday, November 6, 2020
Soomaali Ma Sidii Doqon Aan Danteed Garan Baa?
Aabbaraha waxay ahayd horraantii 1988. Waxaa maalin kamida sannadkaas Dekedda Muqdishow ku soo xirtay markabkii M/V Puntlan-II oo ahaa haamo-qaad (container), nooca loo yaqaan 'Ro/Ro and Lo/Lo'; oo macnuhu yahay isagaa haamaha isa saara oo iska roga. Markabkaas oo casri ahaa waxaa lahaa Dawladdii Soomaaliyeed, waxaana maamuli jirtay Wakaaladdii Hawlaha Maraakiibta ee Soomaaliya oo anigu markaas aan ka ahaa Maareeyaha Waaxdii Farsamada, isla markaasna si gaara u qaabbilsanaa hawlgelintii Maraakiibtii Xammuulka Soomaaliyeed.
Markabkaas aan kor ku sheegay wuxuu maalintaas siday hub tiro badan oo loo waday EPLF-tii Erratariya iyo TPLF-tii Tigreega. Maalmo kadib M/V Puntland-II wuxuu ku xirtay Dekedda Ummu Durmaan, Suudaan.
Hubkaas wuxuu kamid ahaa, taageeridii xoogganayd ee ay Dawladdii Soomaaliyeed la garab taagnayd xoogaggii la dagaallamaayay Taliskii Dergiga ee Abasiiniya, waxaana la oran karaa xorowgii Erratariya iyo hanashadii TPLF awooddii Itoobiya waxaa saldhig u ahaa taageeradii badnayd ee Soomaaliya.
Haddaba, waa tii hore loo yiri; "abaal nin galaa waa la arkaa ee nin guda la ma arkee" TPLF waxay Soomaali abaal uga dhigtay inay dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ku xasuuqdo. Waxay abaal uga dhigtay in dad nool-nool ay xabaal wadareed ku samayso. Waxay abaal uga dhigtay in taangiyadeedu hadba dhinac u xamaartaan Muqdishow oo ay meel walba waraan dadkii Soomaaliyeed, ilaa ay ku dhex damaashaadeen Madaxtooyadii Qaranka Soomaaliyeed. Waxay gaartay inay nagu salliddo hunufkii Gebre oo siduu doono ugu falaaday maammulladii dulleysnaa ee Soomaaliya.
Nabsigu waa ma-baaqdee, maanta waxay xabbaddu ku hooraysaa goonayaha Maqalle iyo Aqsum. Haddaba, waxaa Soomaali dhammaanteed la gudboon inay fursadda hor timid ka faa'iideysato oo ay ka qeyb gasho burburinta nacabkii sida ba'an u la dhaqmay Ummadda Soomaaliyeed. Waa in Xabbadda Soomaaliyeed ku dhex bifleysaa xarumaha Cadawga Tigreega. Waa abaalkoodee, waa in cudud iyo calafba la isugu geeyaa sidii hanaddadii Soomaaliyeed ee ay meel walba ku xasuuqeen loogu aari lahaa, is la markaasna awoodda Siyaasadeed ee Itoobiya, Soomaali door weyn ku yeelato oo ay noqoto 1-aad ama 2-aad.
Haddii Soomaali baylihiso fursaddaan dahabka, ha ogaato inaysan fursaddu soo noq-noqon, lagana yaabo in cadawgii Abasiiniya ee hoogga iyo ba'a baday soo rogaal celiyo.
Ileen doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa
ka baylahay.... Sayid Max'd
Tuesday, September 8, 2020

Friday, July 17, 2020
SAAMILEY
Geel kadina (100 halaad) baa waxaa soo dhacay col wuuna la soo cid galay. Geelii baa la soo dhoobay goob si loo qeybsado, dadka meesha jooga wuxuu ka koobmaa raggii geela soo dhacay ‘Saamiley’ iyo rag kale oo aan waxba ka soo dhacin geela, hase yeeshee quud darraynayaa in saamiga geela laga qeyb gasho ‘Saamidoon’.
Haddaan u adeegsanno erayga ‘saamiley’ siyaasadda, waxaa saamiley siyaasadeed noqon kara qof kasta oo dalka u dhashay oo daw u leh inuu codeeyo ama wax doorto. Haddii la yiraahdo dadka taladiisa ha la aruuriyo ama matalaad ha yeesho, waxaa noqonaya saamileyda siyaasadda xubnaha ay qeybaha dadweynuhu ama gobolladu soo doortaan oo aan maanta u naqaan; golaha shacabka. Haddii uusan jirin gole shacab oo dadweynaha matala, waxaa saamileyda siyaasadda matalaaya golaha guurtida ama isimmada qolooyinka ama qeybaha dadka, kuwaas oo kalsoonida shacabka haysta.
Horjoogayaasha gobolladu marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, waayo iyaga waxaa loo idmaday inay agaasimaan hawlaha adeegga bulshada ee aaggaas ay horjoogayaasha ka yihiin, waxaana iyaga loogu yeeri karaa ‘agaasinley’ ama ‘aqoolley’.
Xisbiyada dalka ee aan wali helin kalsoonida dadweynaha ama aan gaarin heer inta la doortay ay xubno xooggan ku yeeshaan golaha shacabka, iyaguna marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, laakiin waxaan ugu yeeri karnaa ‘saamidoonno’.
Golaha xukuumadda sida, wasiirka 1aad iyo wasiirrada kale, iyaguna kamid maaha saamileyda siyaasadda ee waxay noqonayaan, agaasinley ama aqoolley oo kaliya waxaa loo idmaday inay go’aammada saamileyda siyaasadeed ee dalka meel mariyaan.
Madaxweynuhu, wuxuu u taagan yahay ammaanduulihii saamileyda ee aan kor ku soo tilmaannay, dhanka siyaasadda markay noqotana wuxuu u taagan yahay hoggaamiyaha saamileyda siyaasadda. Sidii ammaanduuluhu colka uu u hagi jiray ayaa maantana M/weynuhu u yahay hagihii golaha saamileyda.
Aqalka Sare muxuu u taagan Yahay? Hadduu u taagan yahay guurtida Qabiillada Soomaaliyeed ama xubno iyaga matala, waa arrin la fahmi karo loo qaateenna ah, haddii kale buro dheeri ku ah hannaanka.
Haddii la qalaabo geddiyo oo minjaheeda madaxeeda laga dhigo, haddii arrinkeeda meel aan habboonayn lagu magmakeeyo, haddii taladeeda laga duwo toobiyaheeda, soo noqon mayso ha is la salaq dhabato oo silic ku nooshu sideedii haw saxariirto?
Friday, July 3, 2020
Ha La Qalay Raqdeecdii
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo
Qarandidu ha liqduu yiri
Thursday, June 18, 2020
Midnimada Qaranka Soomaaliyeed
In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.
Iimaan maran la ma milaalo.



