Monday, August 26, 2019

DARAJANA ILAAH BAAN, DALLACAAD KA SUGAYAA



Maansadaan oo soo baxday 11/07/2009 waxay u taagan tahay tusaale uu bixiyey qof inta lagu gardarrooday aan haddana dawgiis la marin. Waxay muujineysaa sida qofka qumman u dhaqmo iyo dareenka uu ka qabo gaboodfalayaasha. Magacyadu waa kuwa dhab ah.

Abti doora yeeshoo
Daahigii Dhoorriyo
Diricii Dhagallaabee
Deebaaniga ahaa
Nuur-xaad dirkiisiyo
Waliyada dawaafiyo
Culumida digriyeysee
Diiwaankii nabigii
Deegtooda saaroo
U duceeya uunkaba
Durrayddoodii baan ahay
Waxaan ahay mid daahira
Kibirkana ku dookhoo
Waxaan doono mooyee
Lay ma duufsan karayoo
Dacay lay ma suri karo
Waxaan ahay mid deeqtoon

Danta guud yaqaannoo
Diintana u garaboo
Daacidnimada jeceloo
Iimaanku deeqoo
Dullinnimo ka maagoo
Diifeynin shacabkoo
Xumahana ka doodoo
Danyartana u hiiloo
Ka dagaala maaggoo
Deeleeya samahoo
U darnaanin uunkoo
Aan dullaalin meydkoo
Xaqana u duubmoo
Fahmaduna u duxatoo
Aqoontana ku daabmoo
Beentana ka diidoo
Dibnihiisa furayoo
La dardaarmi ubadkoo
Duluc fiican sheegoo
Taariikhda duuggaa
Iyo daalaadhicii
Xilligii daboolnaa
Xilligii dambeetaba
Ku dabiiba xaalkoo
Waxaan ahay mid diirshoo
Dabajoog ma yeeloo
Daadihis ma raacoo
Daalali sareetaan
Waligay ka daartaa

Daar-dhuuq luggooya
Daandaan wareeriyo
Sawaabkii dabaadiya
Doqon goomoweyn iyo
Dabandeeb aan joogeyn
Dabatada la kaashado
Docdocoo-lihii iyo
Isha dabaha kaa jira
Uurkii daboolnaa
Xumahana ku daa’ima
Odaygii darooriya
Habartii dareen galo
Dubaaqooda waan garan

Dadka waa ciseeyaa
Midkuu doono yeelki
Ninna u ma darraadoo
Ma khiyaamo duuloo
Ma khasaaro doontoo
Ma dacaamo qurunoo
Dadka xoolihiisana
Abidkay ma daamicin
Dar-Allaan ku noolaa

Waxay ciinka daaqdaa
Haadaan ka duushaa
Dabeyluhu is dhaafaan
Cirku roobka diidaa
Dhulku daah madowiyo
Mugdi soo daboolaa
Baddu doonyaheediyo
Agabkeeda duugtaa
Duurjoogtu carartaa
Dugaagguna caroodaa
Dihatana dhanqalantaa
Daacuun halaagiyo
Daaf iyo xuunuuniyo
Dacluustii timaaddaa

Daandaansigii iyo
Weerarkii dabreyntaba
Marka la ila doontee
Kibir la iigu sii daro
Dafiraad la raacshee
Digashana timaaddee
Diinnaheyntu badatee
Xaajadu dellegantee
Dalbajuuco dhigatee
Naxariistu dawrtee
Dannigii xumaadee
Liibaani durugtee
Darandoorri noqotee
Dabarkeed hallaabee
Daqarkeed ballaadhee
Ruux daweeya weydee

Waxaan samir dugaaloo
Dallaalimada dhawroo
Daldaloolka awdoo
Ceebaheeda daahshoo
Ku dahaaro xuuboo
Iska daa iraahdaba
Marka la is dalqamiyoo
Garawshiyo la diidaan
Faraskayga Doollaal
Ma dakaamaheygii
Duhurweerar galinoo
Duufaan sideedii
Daallimiinta marinoo
Daarahooda jabinoo
Dugsigooda duminoo
Darajana ilaah baan
Dallacaad ka sugayaa

ERAYADA:
Daahi: qof caqli badan, garaad dheeriya leh.
Deebaani: xarig xoog badan oo inta badan isku xira doonta iyo farmaanka docdiisa midig.
Deeg: mar waa duudka ama dheegga, marna waa eray fardaha lagu joojiyo.
Durriyad: ka tirsan ama ku abtirsada, nasab ahaan raaco.
Dookh: madaxa xanuujiya, wareer.
Duufsi: qof falkuu rabo ku jeediya qof kale.
Dacay: xarig lagu xiro bishinta neefka oo lagu wado.
Deeqtoon: isku filan, hodan, tanaad.
Diif: raadka diihaalka ama cudurka ku reebo qofka.
Deeleyn: af u yeelid, soofeyn. Qurxin.
Duubmoo: dhanka walax la duubayo loo wado.
Daalaadhac: waqti la soo maray oo hadba si ahaa.
Diirin: qandac ka dhigid, in yar kululeyn.
Daalalli: kob ka mid ah cirka. Xilliga dayrta, waaxda 3aad ee degmooyinka xiddigaha.
Daaradhuuq: dheef ama wax kale oo aan dadka wada deeqeyn oo markaas qof u qarsoon.
Daandaan: tabaryari in lala dhaco lagu sigto, sirinsirqo.
Dabandeeb: noqnoqod badan, sii socda, soo socda.
Dabaadi: marka la soconaayo had iyo jeer gadaal socda, haraa.
Sawaab: aan caqli laheyn, doqon, dabbaal.
Docdocoole: qofka hadba dhaqan muujiya, labowajiile, munaafaq.
Daroori: hadal faro badan oo la isku daba xiro, daldalan.
Dubaaq: dareenka maskaxda ee qofka, maan.
Duul: dad, dooyo, dar, cid, col.
Dacaam: dheef, cunto, quud.
Daamic: dheef ama wax kale raba. Hunguri badni, xad gudba si uu dantiisa u gaaro.
Ciin: geed aan caleemo laheyn oo caano leh, hadduu geelu cunana ku sumooda.
Dihato: naflaha dheddig markay wax dhasho.
Dacluus: xanuun oogada dhan saabta, juucjuuc, tacluus.
Diinnaheyn: falalka ka horreeya marka labo dibi’ ishardinaayaan, dhoollotus.
Liibaan: ladnaan, barwaaqo, sareedo.
Dallaalimo: meel dusha sare maryo looga waray si milicda looga harsado.
dalqamin: sameynta fal si loo hadlo.
Dalbajuuco: waa qofka oo qaab xun u muuqda.





















































































Friday, February 1, 2019




Image result for sabian religion
               Al-Saabi’a (الصابئة‎)          
Image result for sabian religion










“Waxaa hubaala, kuwaas rumeeyay iyo kuwaas Yuhuudda iyo Masiixiyiinta, iyo Saabi’iinta [wa’l-saabi’een ], mid kastoo rumeeyay Allaah iyo Maalinta U-Dambaysa  oo sameeya falal wanwanaagsan inay abaalmarintooda ka helayaan Eebbahood, xaggoodana ma jiri doonto cabsi, mana noqon doonaan kuwa murugooda”                  [al-Baqarah 2:62]
Saabi’adu waa diin aad u fac weyn oo ka horreysay dhammaan diimaha samaawiga, waxaana magaca Saabi’a (Xalato)  uu ka soo jeedaa Afka Aramayga oo afkeedii hooyo ah. Waxay markii hore diintaas laga rumeysnaa; Xaaraan (Turkiya), Urshaliim (اورشلىم), Hindiya, Yeman, Cummaan, Itoobiya, Iiraan, iyo Ciraaq.
Meelaha kale, dadkii diintaas raacsanaa waa ka tirmeen ama  way qarsoomeen, Ciraaq bayse ku dambeeyeen Saabi’iintu. Waxaa kaloo loo yaqaan Saabi’iinta Reer Ciraaq; Al-Mindaa’iya (مندائية‎) oo macnuhu yahay, Ogooleed.  
Waxaa Saabi’yada lagu rumeysan yahay, in Eebbe mid qura yahay  oo an la labayn, magacyada ay Ilaahay ugu yeeraanna waxaa kamida; Noolaha Weyn (الحى العطىم) waxaana Saabi’iintu haystaan kitaab lagu magacaabo Kinsu Rabbaa (كنزربا) oo ay rumaysan yihiin inuu yahay Kitaabkii Nabi Aadan (cs). Waxay ka loo si weyn u rumeysan yihiin, Nabi Shiid (شيث‎)-cs oo ahaa yaraankii Nabi Aadan (cs) iyo Xaawo, waxayna is la isaga u rumeysan yihiin awowga ay ka soo firmeen. Nabiga ugu dambeeya ee ay aad u rumeysan yihiin waa Nabi Yaxya (cs). Waxay ka loo xurmeeyaan dhammaan nabiyadii Eebbe sida; Nabi Ibraahim (cs) iyo Nabi Akhnuukh (cs).  
Tiirarka Diinta Saabi’ada ama Mandaa’iyada waa shan:
1-   Xayul Qayuum: waa Eebbaha weyne, inuu yahay mid kali ah oo jiri jiray waligiis, jirina doona waligiis.

2-   Salaad: markii hore salaadihii lagu waajibiyay shan bay ahaayeen, waxaase seddex ka dhigay Nabi Yaxya (cs)’, oogta hore intaan qorraxdu soo bixin mida, harkii marka qorraxdu dhanka kale u rogmato mida iyo markay qorraxdu dhacdo mida. Hameynkii la ma tukado, salaadahoodoo dhanna sababo jira awgood waa la jamcin karaa. Weysadooda waxay ugu yeeraan ‘Rashaama’ waxayna u eg tahay tan muslimiinta. Qibladoodu waa dhanka Waqooyiga, sidaas darteed, baa loogu maleyn jiray inay xiddigaha caabudaan, sidaas-na maahee, waxay rumeysan yihiin in jannadu xagga Waqooyiga jirto. Salaadda waxay gutaan iyagoo taagan, laakiin hore u yar janjeera waxayna aqriyaan tuducyo ama aayado ku qoran kitaabkooda/ Kinsi Rabbaa (كنزربا) oo macnuhu yahay; (Khasnaddii Weyneyd "great treasure"). Waxay leeyihiin guri lagu cabaadeysto oo loogu yeero Al-Manda’i ama Gurigii Ogaalka (المندئ). Guriga Ogaalka waxaa waajib ah in laga dhiso dhanka waqooyi ee wabi leh biyo qulqulaya, waana in albaabkiisu u jeedo dhanka Koonfureed.

3-   Soon:  b) soonka weyn: waa ka-fogaanshaha dunuubta Eebbe ka caroodo sida; dilka, sinada iyo tuugada 
               t) soon-yare: waa in sannadkii laga soomaa hilbaha muddo 30 cisho ah, shardina maahan inay isku xigxigaan ee waxaa loo qeybinayaa bilaha sannadka, waxaana dhici karta in hal maalin bil ku soo aaddo. 
    4-   Is-Dhaqid/Is-Xalitaan (الصباعة): waa tiirka ugu weyn Diinta Saabi’ada, waxaana shardi ah in qofku lumbado ama maquuro biyo socda (biyo fadhiya maya). Siyaalo ka la duwan baa is-dhaqiddu waajib u tahay sida; in ilmaha dhasha la dhaqo/lumbiyo 30 jeer, hadduu lab yahay iyo gabadha oo 31 jeer la dhaqo/lumbiyo. Is-dhaqitaanku waa badan yahay oo waxaa jira kan guurka, waayeelka iyo kan maydka. Aalaa is-xalidda waxaa la sameeyaa maalinta Axadda waana in qofku soo xirtaa maro ka kooban shan qeybood (waa dharka lagu waajib yeelay Manda’iyiinta.
5-   Sako: qofka Saabi’iga waxaa waajib ku ah inuu hantidiisa wax ugu sadaqeysto dadka saboolka, in loo xaddiday iyo waqti loo qabtayna ma jiraan.
Wadaadk: qofka wadaadka noqonayaa waa inuu lab yahay, ilaa toddobo awowana uusan lahayn cillad xagga jirka ama dhimirka waxaana loogu yeeraa ‘Xalaali’. Waxaa jira wadaad-caawiya oo loogu yeero: Shakandah, wuxuuna qabtaa hawlaha sida; aasidda maydka iyo gawraca xoolaha, waxaana shardi ah inuu guursado gabar bikro ah. Waxaa ka loo jira in wadaadka ugu weyn oo loogu yeero ‘Ginsirabbi’ oo ah kan haya Kitaabka Kinsi Rabbaa. Waxaa ka loo jira qof loogu yeero ‘Riish’ oo ah ninka mas’uulka ka ah arrimaha guud ee Ummadda Mandaa’iga. Jagada qof aadane ah uu gaaro waxaa loogu yeeraa ‘Raabbi’ waxanaana kaligiis gaaray Nabi Yaxya (cs). 
Ciidaha: b) Ciidda Banja (Bisha Aadaar): waa shan maalmood oo ay rumeysan yihiin in lagu abuuray iftiinka/nuurka iyo malaa’igta. t) Ciidda Tacmiidka ama Is-Xalista (Bisha Aayaar): maalintaas waxaa is daahiriyay Nabi Yaxye (cs). j) Ciidda Weyn waana Ciidda Is-Xalista Weyn: waxaa lagu sugnaadaa guryaha muddo 36 maalmooda. x) Ciidda Yar: waa maalintii Jibriil ku noqday xagga cirka/samada.
Gawraca: waxaa gawraca wadaad (Shikandah) waxaana neefka loo jeediyaa dhanka Waqooyi, waxaana la akhriyaa aayado laga soo xigtay Kitaabka Kinsi Rabbaa, hameynkiina in wax la gawraco ma bannaana. 
Guurka: in la is furaa ku ma bannaana Diinta Saabi’ada, waxaase marar dambe la oggoladay is-furitaanka dadka isu dhali waayay iyo haddii midkood dhaqan-xumo la yimaado. Xafladaha guurka waa labo; lumbinta labada is guursaday biyo qulqulaya, kadib markay soo xirteen dhar arrinkaas loo gooni yeelay iyo inay fariistaan labadii is guursatay waab laga sameeyay geedka qasabka, waliyadoodii iyo wadaadkii meherintu waabkaas bay la fariistaan. Waxaa seddex jeer la weyddiiyaa ninkii guursanaayay inuu oggol yahay meherinta, gabadhana 2 jeer. Ninka Mandaa’iga waxaa loo oggol yahay inuu guursado ilaa afar dumara. 
Nolosha Dambe/Geerida Kadib: qofku markuu dhinto waxaa lagu dhaqaa biyo laga keenay wabiga, waxaana loo xiraa maro shan qeybood ka kooban. Waxaa ku akhriya aayado laga soo xigtay Kinsi Rabbaa wadaad, intuu wado akhriskana waxaa loo keenaa cunno gaara oo uu is la meesha ku cuno. Waxaa hawlahaas loo sameeyaa si ruuxda qofku uga ambabaxdo qofka jirkiisa waxaana la rumaysan yahay in ruuxdu guurigii qofkii dhintay joogto ilaa seddex maalmod, kadib ruuxdii waxay aaddaa dhanka Waqooyiga, waxayna tagtaa meel lagu miisaamo oo lagu jimeeyo ruuxdii Nabi Shiid (شيث‎)-cs,  waayo waxaa lagu rumeysan yahay Saabi’ada inuu Nabi Shiid ruuxdiisu ahayd midda ugu dhammaystiran uguna daahirsan dadkii Noolaha Weyn abuuray. Markaas kadib, ruuxdii waxay aaddaa meel la yiraahdo; ‘Madaharaati’ oo ah meel ay joogto maal’ig u gaar ah nadiifinta arwaaxda ilaa ay lamid noqoto tii Nabi Shiid ( شيث‎). Waxay meeshaas ruuxdu joogtaa kumanaan sano ama malaayiin sano, kadibna waxay u socdaashaa xagga samada/cirka.
Waxyaala Kaloo Ay Saabi’iintu Rumeysan Yihiin: 
1-   Dumarka waa inay xirtaan dhar asturaya, waxayna u labbistaan sida dumarka muslimiinta ee is astura.

2-   Korsashada ilmaha oo ah inuu noqdo ilmo aad dhashay waa xaaraan xitaa hadduu ilmuhu yahay Manda’i.

3-   Gudistu waa xaaraan, haddaad is guddana diintaas waad ka baxday.

4-   Haddaad Manda’i tahay, kaliya waxaad guursan kartaa qof Manda’i, haddaad sidaas dhinac martana diintii waad ka baxday.

5-   Hilbaha xoolaha leh afarta addin, kaliya waxaa laguu banneeyay ariga lab. Waxaa laguu banneeyay hilbaha shinbiraha iyo kalluunka qolofta leh.

6-   Khamrigu waa xaaraan.

7-   Ninka diinta waxaa ka reebban inuu timaha madaxa ama kuwa garka xiiro. Diintaan la ma oggola in naagi wadaad noqoto. 

Si kastaba ha ahaatee, Diinta Saabi’idu waa loo dhashaaye la ma galo.  



 

Thursday, January 24, 2019

Al-Ibaadiya (الاباضية)


Image result for ibadiyah prayers 

                                   Al-Ibaadiya (الاباضية)


Waa mad-habad ama dariiqo kamida diinta islaamka. Sida taariikh-yahannadu qabaan waxay soo ifbaxday sannadkii 650 MD ama 20 sano geeridii Nabiga kadib, waxaana lagu tiriyaa inay ka horreysay mad-habadaha sunniga iyo shiicada-ba.
 In kastoo Ibaadiyiintu ay aad u diidaan, waxay markii hore kamid ahayd dhaqdhaqaaqii al-Khawaarij, waxaana ka soo jabiyay dh/dhaqaaqaas Cabdullaahi ibnu Ibaad (عبدالله بن اباض التميمي) oo magaciisa wali ay wadato dariiqadaasi. Markii hore fikrad-diimeedka Ibaadiyadu waxay ka soo baxday Basrah, waxaana saldhiggeeda lahaa Jibriil ibnu Seyd oo ka soo jeeday magaalada Niswa ee maanta ka tirsan Cummaan. Dh/dhaqaaqa Ibaadiyadu wuxuu kamid ahaa kooxihii ka soo horjeestay xukunkii Khaliifkii 3-aad,  Cusmaan ibnu Cafaan gaar ahaan qeybtii dambe ee xukunkiisa, waxayse diiddanaayeen dilistiisii. Waxay ka loo diideen fikradihii xagjirka ahaa ee Khawaarijta, sida dilistii Khaliifkii 3-aad iyo rumaysnaantii in dhammaan muslimiinta iyaga ka fikrad duwan ay yihiin gaalo. Waxay ka loo Ibaadiyiintu diideen Khaliifkii 4-aad, Cali ibnu Daaliba, gaar ahaan Goobtii Dagaal ee Sifiin kadib iyo taladii Amawiyiinta, waxayna ku doodeen in loo noqdo sidii islaamku ahaa kahor qilaafkii ba’naa ee burburiyay wadajirkii muslimiinta. 
Waxay Ibaadiyiintu bilaabeen kacdoon hubeysnaa sannadkii 740-kii, waxaase xoog dhammaa 4000 oo nin ka la hortagay Marwaan ibnu Max’d ibnul Xakam oo kamid ahaa khulafadii Ummawiyiinta. Wuxuu Marwaan II ka xaaqay Ibaadiyiintii Maka iyo Sancada Yeman, ugu dambayntiina wuxuu ku hareereeyay Shibaam oo dhacda galbeedka Xadarmawt. Dhibabkii ka aloosmay Siiriya markii dambe baa ku qasbay Ummawiyiinta inay heshiis la galaan Ibaadiyiinta, waxaana kuwaan dambe, loo oggolaaday inay ka sii jiraan Shibaam, waxayna canshuurta siinaayeen ilaa afar qarni Talisyadii Ibaadiyada ee Cummaan. Hoggaamiyihii Ummawiyiinta ee la oran Xajaaj ibnu Yusuf markuu talinaayay, wuxuu soo dhaweystay Ibaadiyiinta, wuxuuna ka dhigtay aalad looga hortago Khawaarijtii aadka u fogeyd. Hase yeeshee, Jaabir ibnu Seyd baa mar amray in la dilo dhuhleeye u shaqeynaayay Xajaaj ibnu Yuusuf, kadibna dilkaasi wuxuu horseeday xirxirid badan oo Ibaadiyiinta loo geystay iyo in qaar badan u qaxaan Cummaan, waxayna Ibaadiyiintu qarnigii 8-aad ku yeesheen Cummaan awood muuqata oo gaartay heerka imaamnimada (إمامة‎).
Meesha xuddunta u ah Ibaadiyiinta waa cummaan. Waxaa ka loo dariiqadaas laga raacsan yahay dalalka Waqooyiga Afrika sida, Aljeeriya, Tuniisiya iyo dalalka Bariga Afrika sida Sansibaar/Tansaaniya.

Waxay rumeysan yihiin Ibaadiyiintu:
1-   In Ilaaha Weyn uusan dadka muslimiinta ah is tusi doonin Maalinta La Yoobsan Yahay (Qiyaamaha), waxayna aragtidaas la wadaagaan Shiicada, halka Sunnigu rumaysan yahay in Eebbe musliminta u muuqan doono Maalinta Qiyaamaha.

   2-   In Qur’aanka goor, gooraha kamid la abuuray, waxayna arrintaas ka mideysan yihiin Muctisilada (لمعتزلة‎) halka sunnigu qabo in qur’aanku yahay mid waligii jiray, maadaama uu yahay hadalkii Eebbaha Weyn ee waligiis jiray.

3-   In hab-tilmaameedka Qur’aanka ee xagga Ebbe, uu yahay hab-tusaaleed, ee uusan marna ahayn tilmaamid toosa. Waxay aragtidaas la wadaagaan Shiicada iyo Muctasilada.

4-   In wax walba ku xiran yihiin iraadada Eebbe, waxay ka la mid yihiin Ashcariyiinta (الأشاعرة).

5-   Inaysan shardi ahayn in dhammaan muslimiintu yeeshaan hal hoggaamiye. Haddii la waayo hoggaamiye ku habboon hoggaaminta, waxay muslimiintu is ka dhex xulayaan qofka ugu roon xagga hoggaaminta. Qodobkaan, waxay Ibaadiyiiintu uga duwan yihiin Sunniga oo rumeyan khaliifnimo iyo Shiicada oo rumeysan imaamnimo. Sidaas darteed, Ibaadiyiintu markay joogto hoggaaminta ummadda, waxay rumeysan yahay in la xusho qofka wax hoggaaminaaya, waxayna diiddan yihiin habka kala-dhaxlidda hoggaaminta ummadda.

6-   Inaysan shardi ahayn in hoggaamiyaha muslimiintu ka soo jeedo Qureesh waa qoladii Nabi Max’d e (csws), taas waxay uga duwan yihiin Shiicada oo rumeysan in hoggaamiyaha ama imaamku ka soo jeedo qoyskii Nabigii Suubbanaa.

7-   In xaaladaha qaarkood lagu dhaqmi karo Qarsoodi ama Kitmaan (كتمان).

Ibaadiyiinta waxaa lagu bartay dulqaad ay u leeyihiin mad-habadaha iyo diimaha kale, waxayna rumaysan yihiin in xiisadaha lagu dhammeeyo degganaan iyo dagaal-la’aan, mar walbana la cuskado caqliga oo la xeeriyo danta guud. Ibaadiyiintu waa dh/dhaqaaq waa hore soo ifbaxay, sidaas darteedna, waxaa lagu tiriyaa in aragti-diimeedkoodu aad ugu dhaw yahay fasiraaddii dhabta ahayd ee Caqiidada islaamka.

Waxaa ka loo dhaqammadooda kamida inaan salaadda Jimcha la tukan, haddii uusan magaaladaas ama meeshaas ka talinayn imaam caaddil ah. Waxaa lagu gartaa Ibaadiyiinta, markay tukanayaan gacmaha oo ay siiddaystaan, sidaas bayna salaadda ku dhammaystaan.

Dadka maanta aadka loo yaqaan oo Ibaadiga waxaa kamid ah; Suldaan Qaabuuska ka arrimiya Cummaan.

Tuesday, December 18, 2018

Al-Khawaarij (الخوارج)


Image result for mukhtar robowImage result for khawarij                                                                            




Kooxahaas loo yaqaan al-Khawaarij oo iyagu isu yiqiin al-Shuuraa ( الشراة‎,) waxay soo if baxeen waaga loo yaqaan; Waagii Fidnada. Waagaas wuxuu bilaabmay markii la dilay Cusmaan ibnu Cafaan ( عثمان بن عفان) oo ahaa Khaliifkii Seddexaad ee Islmaaka. 

Cusmaan hooyadiis waxaa la oran jiray Carwa bintu Kureys oo ay dhashay Ummu Xakiim binutu Cabdulmudalib, sidaas darteed, wuxuu xagga hooyo xigto dhaw ka la ahaa Nabi Max’d (CSWS). Wuxuu Cusmaan (CS) guursaday Ruqiya oo ahayd ina Nabi Max’d, markay ka dhimatayna wuxuu guursday Ummu Kaltuum oo iyana ahayd ina Nabi Max’d (CSWS). Sidaas darted, baa loogu yeeri jiray; Dul Nuureyn (ذو النورىن)  oo macnuhu ahaa; Labo Iftiinle.

Cusmaan wuxuu ahaa nin hantiile ah oo wax badan xoolihiisii wax ka taartay muslimiinta, wuxuuna qolo ahaan ka soo jeeday banu Ummeyaha oo jifo Qureesheed ahayd. Sannadkii 644-tii baa loo doortay Khaliifkii Muslimiinta. Is la markuu xilka qaaday-ba wuxuu qaaday tillaabooyin uu ku horumariyay dhaqaalaha, wuxuu ka loo horseeday in diintu si xooggan u fiddo oo gaarto ilaa Khorasaan ama Afqanistaan-ta maanta.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa sannadihii ugu dambeeyay lagu eedeeyay maamulkii Cusmaan musuqmaasuq. Kadib, markii ay soo if baxeen eedaymuhu buu Cusmaan isugu yeeray guddoomiyaashii 12-kii gobol ee markaas ay dawladdii muslimiintu ka koobnayd. Waxay guddoomiyaashii ku la taliyeen Cusmaan inuu u diro dhammaan goboladii dalka ergooyin lagu kalsoon yahay si ay warbixin sugan uga keenaan cabashooyinkii jiray. Sidaas darteed, baa waxaa loo diray Kuufa, Max’d ibnu Musaylamah, Basrah waxaa loo diray Cusmaan ibnu Sayd, Suuriya waxaa loo diray Cabdullaahi ibnu Cumar, Masar-na waxaa loo diray Cammaar ibnu Yaasir. Dhammaan ergooyinkaasi warbixinno fiicfiican bay ka soo gudbiyeen meelihii loo diray marka laga reebo Cammaar ibnu Yaasir oo aan kuba soo noqon Madiina oo markaas xaruntu ahayd, wuxuuna ku biiray kacdoonkii Masar ee kadhanka ahaa Cusmaan.

Markay halkaas marayso, buu damcay Cabdullaahi ibnu Sacad oo ahaa Guddoomiyihii Gobolkii Masar inuu tillaabo ka qaado kacdoonkii Masar ee ka soo horjeeday Cusmaan, kan dambaana diiday tillaabadaas. Cusmaan (CS) wuxuu soo jeediyay inay dhammaan kooxaha mucaaridka ah iyo madaxda gobolladu isugu yimaadaan Maka xilliga xajka, wuxuuna ballanqaaday in sheega-shooyinka runta ku salaysan wax laga qaban doono. Sidoo kale, wuxuu Cusmaan faray Cabdullaahi ibnu Sacad inuu yimaado Madiina si markaas arrimaha kacdoonka Masar wax looga qabto. 


Intuu soo maqanaa Cabdullaahi, baa waxaa afgambi ka dhigay Masar, Max’d ibnu Xudayfa, waxaana afgambigaas taageeray asaxaabtii waaweynaa ee nabiga qaarkood sida, Subayr ibnu Cawaam, Dalxa iyo Caasha bintu Abuubarkar oo iyadu ku dhawaaqday in Cusmaan madaxa la soo jaro. Wuxuu maamulkii afgambigu Masar ka soo diray ciidan dhammaa 1000 nin, waxaana la soo faray inay Cusmaan dilaan xukunkana la wareegaan. Sidoo kale waxaa Kuufa iyo Basrah laga soo diray ciidammo kale. Ciidankii Masar ka yimid wuxuu u soo jeediyay Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo Khaliifka oo Cusmaan baddalo, isna waa diiday. Ciidankii Kuufa wuxuu Subayr ibnu Cawaam u soo jeediyay inuu isu taago khaliifnimada, halka ciidankii Basrah uu garab istaagay Dalxa. 


Si kastaba ha ahaatee, 17-kii, bishii 6-aad, sannadkii 656-dii bay ciidammadii gadoodsanaa gurigii Cusmaan gadaal uga soo dhaceen, kadibna waxay gudaha aqalkiisa ku dileen Khaliifkii 3-aad, waxay-na ku dhaawaceen Nayla oo xaaskii Cusmaan ahayd.


 Markii Cusmaan la dilay waxaa loo soo jeediyay Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo khaliifkii 4-aad wuuse ka maagtay arrinkaas, wuxuuna ku saleeyay diidmadaas in taageera-yaashiisu u badnaayeen kooxihii kacdoonka waday, kala-qeybsanaanna jirto. Xoogaggii kacdoonka waday waxay diginin siiyeen dadweynihii Madiina iyagoo ku gooddiyay haddii aan go’aan la gaarin, inay iyagu tillaabo adag qaadi doonaan.

 Markii dambe, waxaa lagu kulmay Masjidkii Nabiga (الـنَّـبـوي‎,الـمَـسـجـد). Kulankaas wuxuu dhacay 18-kii bishii 6-aad, 656-kii waxaana lagu doortay Cali (CS). Doorarshadii Cali waxaa is la markiiba ka gadooday Mucaawiya ibnu abu Sufyaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Suuriya, xigto dhaw-na la ahaa Cusmaan ibnu Cafaan, wuxuuna ku dooday in kuwii dilay Cusmaan oo ka tirsan xoogaggii taageersanaa Cali la soo qabqabto oo la maxkamadeeyo. Markii sidaas suurtoobi waydayna waxaa bilawday dagaallo ba’an oo galaaftay muslimiin badan, kuwaas oo saldhig u noqday khilaafka ilaa maanta ka dhex oogan dadyowga muslimka. 

Dagaalladii ba’naa ee dhex maray xoogaggii Mucaawiye iyo kuwi Cali waxaa kamid ahayd Dhacdadii Sifiin (وقعة صفين). Dagaalkaas xooggiisu wuxuu dhacay 26-kii bishii 7-aad ilaa 28-kii bishii 7-aad, sannadkii 567-dii Masiixiga Dabadi. 

Waxaa u caddaatay dhinicii Macaawiye in laga adkaanaayo, sidaas darteed, waxay warmahoodii sureen Kitaabka Qur’aanka, waxayna codsadeen dhexdhexaadin iyo in la tixraaco kitaabka Eebbe. Soojeedintaas Cali waa u dabcay, waxaase ka gadooday siduu yeelay kooxahaan markii dambe loogu yeeray al-Khawaarij. Waxay Khawaarijtu ku doodeen; in guusha Alle keenay, xukunna kaligiis leeyahay in la beddalaana ay gaalow tahay. Waxay yiraahdeen, haddii Cali raacsan yahay xeerarka Eebbe, waxay ahayd inuu dilo Mucaawiye iyo ciidammadii taageersanaa. Sidaas darteed, waxaa ka goostay baa la yiri ciidankii Cali ilaa 6000 oo nin. Waa halkaan meesha magaca al-khawaarij uga yimid; iyadoo macnuhu yahay ‘kuwii  baxay’...Is la khawaarijtaas, baa markii dambe Cali dishay.

In kastoo ujeeddooyin-kooda laga dareemaayay inay rabeen hufnaanta diinta, haddana waxayaalahay ku dhaqmaayeen waxay ahaayeen kuwo xad-dhaafa sida; waxay aammineen in qofkii aan iyaga xagga fikirka diininga ka raacin uu yahay gaal, waajibna tahay in la dilo, waxay qaayibeen in qofkii gala dambi sida, khamro-cabbista iyo xanta inuu yahay gaal, tahay-na in la dilo, waxay ka dayriyeen islaanimadii culumadii waaweynayd sida, ibnu Cabbaas, ibnu Sacuud, Caasha iyo xitaa Nabi Max’d (CSWS).

 Iyagoon aqoon badan lahayn bay go’aansadeen arrimo badan oo aysan natiijooyin-kooda ka fakarin. Waxay al-Khawaarijtu bannaysatay inay la diriraan xaakin kasta oo iyaga ugu muuqda inuusan caaddil ahayn, waxay-na muujiyeen inaysan wax tixgelina u hayn xikmadda islaamiga ee ku tiraabta naxariista iyo nabadda. Ogoobey, khawaarijtaas sidaas u dhaqmaysaa, waxay la macalluuleen soon badan, waxayna foolka iyo faruhuba jilif la noqdeen salaad badnaan.

laga soo bilaabo qarnigii 1aad ee islaamka hadba meel dhulalka islmaaka kamid ahayd, bay ka soo baxayeen iyagoo hadba magac wata, waxayse ka sinnaayeen walina ka siman yihiin siyaalahaan: 
1- waxay u badan yihiin dhallinyaro. 2- Inta badan maahan dad xagga garaadka ka gaamuray. 3- Waxay qur'aanka iyo axaaddiista u fasiraan siday iyagu u jecel yihiin. 4- Ma laha faham durugsan oo xagga diinta. 5- Waxay sameeyaan ku-talaxtag xagga cibaadada oo aan loo baahnayn. 6- Aalaa waxay dilaan dadka Eebbe iyo nabiga rumeeyay. 7- Waxay gaarsiiyaan kudhaqanka islaaminimada meel durugsan ilaa ay seeraaheeda-ba gooyaan. 8- Waxay caayaan oo bahdilaan madaxda muslimiinta. 9- Waxay soo banbaxaan marka bulshadu ka la daadato oo colaaduhu jiraan. 10- Ma xushmeeyaan culimada diinta iyo aqoon-yahannada, haddaysan fikradahooda raacsanayn. 11- Waxay aayadaha qur'aanka iyo axaaddiista ku fasiraan si ujeeddooyin-kooda u adeegaysa. 12- Dhinacii fikradahooda diida waxay ku sheegaan murtad. 13- Waxaa dhaqan u ah inay la dagaallamaan madaxda muslimiinta, iyagoo u arka kuwo jawrfala. 14- Waxay dhaqan u leeyihiin inay is qilaafaan, dariiqooyin u qeybsamaan isna laayaan. 15- Waxay ka been sheegaan oraahda diiniga; is-farka wanaagga iyo kahortagga xumaanta "الامر بالمعروف والنهى عن المنكر", waxayna u sheegaan si iyaga u adeegaysa. 

Ururrada magacyada diiniga wata ee dagaallada iyo qalalaasaha ka wada Soomaaliya u ma baahna sharraxaad dheeriya ee kaliya waxaa loo baahan yahay in la barbardhigo ururradii khawaarijta ahaa ee magacyada kala-duwan la bixi jiray, hase yeeshee, sifooyinkoodu isku-midka ahaayeen.