Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Friday, September 21, 2018
Qasnaanta Dhimirka iyo Siyaasiga Soomaaliyeed(Somali Politician and Mental Disorders)
Astaamaha xanuunkaas waxaa kamida kuwa hoos ku taxan:
* Intaas waa qudbadaynayaa, mana laha oraaho laga xigto ama halhaysyo waayaha dambe halhays noqda
Thursday, August 16, 2018
Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso
Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso
| Reer Hadiya iyo Baroordiiq |
Tusaale ahaan, baan uga jeedaaye intii u dhaxeysay
qarnigii 13-aad ilaa qarnigii 15-aad waxa jiri jiray saldanad la oran Hadiya oo
kamid ahayd saldanadihii muslinka ahaa ee ka jiray aagga Geeska Afrika. Sida u
sheegay Shihaab al-Cumari oo ahaa taariikh-yahan Carbeed oo waqtigiisu ku beegan
yahay qarnigii 14aad, waxay baaxadda saldanadii Hadiya ahayd 8 maalin-socod oo
dherer ah iyo 9 maalin-socod oo ballac ah, kuwaasoo cabbirada cusub ku ah 160 x
180 kiilomitir. Waxay ahayd saldanad aad hodan u ahayd oo dalag beereed ka la
jaada, dahab iyo gamaan tayo leh lagu mannaystay. Dadku waxay ahaayeen Reer
Kuush, mid kamida afafka Reer Kuushna way ku hadli jireen, waxayna ahaayeen dad
dhalan wanaagsan oo dumarkoodu qurux meel dhigteen. Suldaankooda wuxuu ahaa
Garaad oo ah magaca isin oo ay wali Soomaalidu adeegsato. Markii uu u talinayay
Garaad Ammaano ayaa waxaa ku soo duulay Boqorkii Xabashida ee la oran jiray
Amda Seyon ee hororka ahaa, oo markii Garaad Ammaano u diiday inuu hoos tago
taladii boqorkaas daalinka ahaa, ay ka hiilliyeen kuwo isaga dadkiisa kamid
ahaa ilaa uu garaadkii u cararay Saldanadii Cadal ee awoodda lahayd. Amda Seyon
waa siduu u dhaqmi jiraye wuxuu xasuuqay raggii halkaas ku noolaa, qaar
addoonsi buu u kaxaystay wixii hantiyana wuu dhacay, dabadhilifyadii uu meesha
u dhiibtayna wuxuu ku xukumay inay sannad walba gabadha ugu sidata Hablaha Reer
Hadiya gaar ahaan Reer Garaad, iyadoo dhibaaddeeda wadata loo soo hooyo hadba
boqorkii Xabashiyeed ee markaas talinaaya. Ogoobey hablahaasi waxay ahaayen
hablo muslina oo anshax iyo iimaan lahaa. Raggii isu hoogaamiyay boqorkii
masiixiga ahaa ee weerarka ahaa sidaas ayay ku dambeeyeen. Hadiya durufkii ka
haray wuxuu haatan ka tirsan yahay qoomiyadaha la is ku yiraahdo Qoomiyadaha
Koonfureed ee Itoobiya.
Sheekada Hadiya waa horay ahayde, waxaa raqdiisii
qoyan tahay Cabdi M. Cumar oo m/weyne looga dhigay Gobalka Soomaali Galbeed.
Wuxuu ninkaasi baro dheeraysiiyay qof kasta oo hore dabajooge ugu noqotay
talisyadii Xabashida ee loollamada ba’an iyaga iyo Soomaali ka dhaxeyn jireen.
Ninkaasi wuxuu jaray dad tiro badan oo halgamaa iyo shacab-ba isugu jiray.
Wuxuu si bannaan yaal ah, galoobax uga dhigay kufsiga gabdhihii sharafta
badnaa ee Soomaaliyeed. Wuxuu waxyaqaankii iyo mudankii ummadda ku guray
xabsiyo sheekooyin reebay oo ugu caansan yahay Jeel-Ogaadeen. Ninkaasi wuxuu
dadweynihii S. Galbeed geyeysiiyay gunnimada ka-sii-gunnimo. Wuxuu olole ba’an
ku qaaday magaca Soomaali iyo sheeg-sheegga Somali Weyn, wuxuuna cay ka dhigay
qofkii Soomaalidii xorta ahayd la soo dhaqmay. Wuxuu u ololeeyay in la xabashiyoobo
lagana faano Soomaalinimada. Wuxuu hawlgeliyay dhallinyaro si ba’an u la
dhaqmay ummadday ka soo jeedeen. Wuxuu meel walba la istaagay ku-faanka
Itoobiyanimada, isagoo waliba ducooyinna raaciyay.
Ha yeeshee, waa siday ahaan jirtaye markay ka
bogteen danahoodii bay sidii inan yar oo tuug ah dhagta soo qabteen, sidii
awrkiina waa u hoggaansadeen oo la aadeen hogaggoodii.
Eegeey, waa runoo; ‘wanka
weyn ilaa la gawraco, indhihiisu cirka ma arkaan’. Waxaa Cabdi si xanuun badan loo
baray inuu yahay Soomaali, si kastaba ha ugu adeego Xabashiye ama ha isaga yeel-yeelee. Waxaa si qaraar
badan loo baray in Soomaalida aan-ba loo haysan inay qawmiyadaha Itoobiya
kamid tahay, waayo, gulufkii ciidan ee laga daayay Ismaamulka Oromiya oo la yiri,
waa sharci-darro, isaga waa laga la ajoon waayay. Eegeey, markaad Cabdi
arrinkiisa daydo, waxaa kugu soo dhacaaya meeriskii uu ku calaacalay ninkii wax-dhimaalkii
sokeeyihiisa ku talaxtagay oo yiri:
Gacmahayga eedayey raggaan, ganayey maan daysto.
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Waxaa cashar fiican noqday Cabdi iyo is-xabasheyntiisii
siday ku dambeeyeen, waxaana caddaatay in gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya
gumeysato aan loo arag sida gobollada kale ee Itoobiya. Waxaa caddaatay, in
xukuumad kasta oo dhanka Itoobiya ka talisaa ay tahay Xabashidii boqollaalka
sano dhaqankeeda la bartay, taas oo aan aadanaha wax-dhimaal mooyee aan waxba
ku kordhin ama waxay xukuumaddaasi noqotaa mid
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.
Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.
Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Haddaba, innaga Soomaaliya, waxaa na la gudboon
inaan xornimadeenna iyo midnima-deenna u istaagno, wax ka hooseeyana aysan wax
na tareyn, waayo;
Gobonnimo iyo Gunnimo Goobi u ma Dhaxeyso.
Friday, August 3, 2018
Isbeddellada Cusub ee Geeska Afrika
Aabbihii Ruuxiga ee Soomaali WeynM S Barre |
Lij Iyasu
Ibaraadoorkii Laqmaday
|
M C M Farmaajo
M/Weynaha Cusub ee Soomaaliya
|
![]() |
Xiddiga Isbeddelka Cusub
R/W 1aad ee Itoobiya
|
Inankii Iyasu (Lij Iyasu) wuxuu ahaa inankii loogu talagalay 1913-1916-kii in uu imbaraadoor ka noqdo Itoobiya, geeridii Menelik II kadib. Aabbihiis waxaa la oran jiray Ras Mikale wuxuuna ahaa Guddoomiyihii Wollo, wuxuu ka loo muddo dheer ahaa saaxiibkii Menelik, sidaas darteed, buu u siiyay curaddiisii oo la oran jiray Wizero Shoaregga waa hooyadii inankii Iyasu e. Mikale wuxuu bilawgii magaciisu ahaa Maxammad Cali wuxuuna ahaa muslim qawmiyad ahaan ka soo jeeday Oromada ilaa lagu qasbay inuu isu rogo Masiixi si uu door fiican ugu yeesho siyaasadda Itoobiya.
Sannadkii 1915-kii wuxuu Iyasu aaday Harar, wuxuuna bilaabay
inuu soo dhaweyn weyn u sameeyo dadyowgii muslinka ahaa ee Itoobiya iyo kuwii
Soomaaliya ilaa uu hadiyad ka koobnayd 40 rati oo taakuleyn ah uu u diray Sayid
Maxamad Cabdulle Xasan oo halgankii dheeraa ku jiray. Isbeddelkaas cusub oo uu la
yimid inankii Iyasu wuxuu caro geliyay awoodihii Xabashida (Abassynia) iyo
kuwii Reer Galbeedka oo mar walba garab siinaayay talisyadii habka xoogga iyo
cabburinta ku dhisnaa ee Xabashida hoggaanka u ahayd. Haddaba, 1916-kii baa
ciidan xooggan oo kaniisadda iyo awoodihii ku lammaanaa ay soo abaabuleen lagu
afgambiyay Taliskii Iyasu isagiina lagu dilay.
Dhanka kale, Abiy Axmad Cali oo dhawaanta noqday Wasiirkii
1aad wuxuu ka dhashay qoys aabbuhu ahaa muslim Oromo ah iyo hooyo Axmaarad ah
oo masiixiyada, sida la leeyahayna wuxuu caqiido ahaan qaatay tii hooyo oo ay u
badan tahay inuu sidaas u yeelay si uu meekhaan iyo mansab ugu yeesho
Itoobiyada loo habeeyay inay Xabashida masiixiyiinta ahi kaligood hoggaanka
hayaan.
Si kastaba ha ahaatee, inankii Abiy oo dhalashadiisu ku
beegan tahay waayihii uu Mingiste Xayle Maryam calan wallaynayay, magaciisuna
ahaa Abiyot oo macnuhu yahay Kacaan, wuxuu sameeyay dadaal badan oo xagga waxbarashada,
wuxuuna qaatay shahaadooyinka; BSc, 3 shahaado oo Ms ah iyo PHD. Wuxuu ka soo
qeyb-qaatay dagaalkii hubeysnaa oo lagu afgambiyay Taliskii Dergiga asagoo ka
tirsanaa ciidankii sirta ee jabhadda.
Sidii Iyasu oo kale buu Abiy Axmad la yimid siyaasad
dabacsan oo soo dhaweynaysa qowmiyadaha iyo maamullada Bariga Afrika. Haddaba,
maadaama, labada nin ay meelo badan isaga eg yihiin, taariikhdana sideedaba
lagu foodiyo dhacdooyinka waayahaas la joogo laguna saadaaliyo kuwa soo
aaddan, in siyaasadaha ididiilada leh ee uu la yimid Abiy Axmad ka hirgalayaan
Itoobiya waa 50/50 siday ila tahay. Is la caqabadihii ka hor yimid Iyasu
horraantii qarnigii 20-aad iyo kuwa kalaba baa maantana hor taagan Abiy Axmad.
Iyadoo wali aysan aad u wiiqmin awooddii Xabashidu, in dadyowga Itoobiya u
sinnaadaan talada dalka, xornima fiicanna helaan, waa arrin ku adag in dhimirku
qaato, waayo Itoobiya lagu ma dhisin rabitaanka qawmiyadaha ee xoog, naxariis-darro
iyo kugabood-fal badan weheliyaan baa lagu dhisay.
Waa Maxay Isbeddelka Abiy Axmad Wadaa Yaase Gadaal ka Riixaya?
In kastoo qawmiyadaha Oromo iyo Axmaara ay in-dhawalaha wadeen
ololayaal culculus oo kadhan ahaa taliskii Tigreegu hoggaanka u hayey haddana
waxaa jira awoodo kale oo isbeddellada muuqday gadaal ka riixayay. Xoogaggaasi
waa Maraykanka, Xoogagga Yurub iyo dawladaha gobolka ee aalaa la jaanqaada
siyaasadaha Reer Galbeedku wado. Imaaraadka oo magac ahaan dawlad ka ah,
laakiin, ficil ahaan shirkado lacag leh ah, waxay quuddaraynayaan inay la
wareegaan dekadaha iyo marsooyinka ku teedsan Badda Cas iyo kuwa ku teedsan
Gacanka Cadmeed, si ay u ilaaliyaan danaha dakadahooda. Dalka Maraykanka oo ah
dalka maanta ugu itaal roon adduunka, wuxuu tartan ba’an oo xagga dhaqaalaha ku
la jiraa Shiinaha, waxayna is ku haystaan ilaha dhaqaale ee Afrika ee wali
dihin, waxayna hadda ku loollamayaan Geeska Afrika. Ujeeddooyinkaas dambe, baa
Taliskii Tigreega lagu fuqaaqay, midkaan Abiy-na soodhaweyn loogu sameeyay,
waxaana wali socda abaabullada siyaasadeed oo is la ujeed-kaan tilmaanay u
adeegaya, waana tii Imaaraadku Itoobiya siisay dhaqaale buuran, heshiisiinna
uga dhex abuuray Itoobiya iyo Erratariya oo colaad ba’an ka dhaxayn jirtay. Siyaasaddda
Cusub ee Abiy Axmad uu rabo inuu ku la dhaqmo dalalka gobolka waa siyaasad horseedaysa inay dhammaadaan dhammaan xurgufyadii siyaasadeed ay darisyada ka
la dhaxeyn jiray, si markaas ay xisilooni iyo horumar u haleesho Itoobiya, is la markaasna iyada iyo awoodaha taageeraa u la soo baxaan kheyraadka dhulka hoose ceegaaga, sida kuwa Soomaali Galbeed.
Waa Maxay Saamayska ay Siyaasadaha Cusub ee Geeska ka Socdaa Soomaali ku
leeyihiin?
Mark hore, aan soo hormariyo dhawr arrimood oo ku saabsan
meelaha siyaasaddu salsalawdo iyo fahmka loo baahan yahay:
- Siyaasaddu waa hawlo, barnaamijyo iyo fikrado loogu
talagalay in lagu hanto awoodda xukunka dal iyo siihaysashada xukunkaas. Iyadoo
siyaasaddu sidaas tahay, baa haddana waxaa ka baxa laamo saameeya gobollada/dalalka
ku xeeran dalkaas iyo qeybaha kale ee dunida.
- Siyaasaddu marna
u ma shaqeyso sida ururada samafalka, awooddeeda cidna deeq u ma siiso. Tusaale
ahaan, dad ama kooxo meel is ka jooga loo ma hadiyeyo awoodda talada ama xukunka,
tixgelin sii ridanna la ma siiyo, ama saamayn ku ma yeeshaan teelaynta iyo
talada dawladda, gobolka ama degmada markaas laga hadlaayo.
- Siyaasaddu waxay u baahan tahay faltan oo macnuhu yahay
in dhaqadhaqaaq ama tillaabooyin lala yimaado, dhinacaas waxd-doonka ahi
mudnaan iyo tixgelin ku heli karo. Faltanku wuxuu yeelan karaa noocyo iyo mugag
kala geddisan. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad bartamihiisiii, waxaa Hindiya u
kacay Mahadma Gaandi nin la oran jiray, faltankiisu kaliya wuxuu ahaa in iyadoon
xabbad la ridin ama xitaa aan dhagax la tuurin loogu caasiyoobo Ingiriiska oo
muddo dheer dalkaas gumeysanaayay, markii dadweynihii fikraddiisii qaateen oo
ay diideen tusaale ahaan, inay gataan badeecooyinkii Ingriiska lagu soo
sameeyay, waxaa Ingiriiskii qasab ku noqotay inay dalkaas xornimadiisa siiyaan.
- Siyaasadda kooxaha hoggaaminayaa waa inay
matalayaan ummad dhan danaheeda. Haddii qofku ama kooxdu awood siyaasadeed is
ka raaco/raacdo iyadoon lagu dhererin danta guud ee dhinacyada la matalaayo, nuxur
ahaan lagu ma sheegi karo siyaasad ee waa shaqo-tag ama danaysi gaar ahaaneed.
Tusaale fiican waxaa ah, Dadweynaha Soomaali Galbeed intii xoogaggii Tigreegu
talada hayeen mataalad fiican ku ma yeelan taliskii dhexe ee dalkaas, waxaana gobolkaas loo
sameeyay horjoogayaal lagu cabburiyo dadka gobolka si aysan u yeelan dh/dhaqaaqyo
siyaasadeed.
- Siyaasadda qumman ma laha caadifo iyo xigtaysi ee ay waxay
leedahay danaysi loo danaynaayo ummadda la matalaayo, ha ahaadaan danahaasi
kuwa fog ama kuwo dhaw e. Waxay ka loo yeelan kartaa tixgelinta hal-doorrada
(values) sida siyaasadaha islaanimada lagu rumeysan yahay oo mudnaan siiya waxyaalah
Ebbe banneeyay, kana taxaddara waxyaalah uu reebay.
Haddaba, dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan
isbeddellada socdaa inay saameyn xooggan noloshooda ku leeyihiin, waana inay ogaadaan in
shanta qeybood ee ay xiddigta cad u taagan tahay ay isa saameynayaan, taasoo ah;
tusaale ahaan, wixii saameeya Soomaali Galbeed qeybaha kalana waa saameynayaan.
Xubnaha hoggaanshaa siyaasadda J. Soomaaliya sida M/weynuhu waa inuu fahmaa
inuu aabbe ruuxiya u yahay qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood waa siduu taagnaan jiray J/le M S Barre e. In kastoo uusan
ahayn maamulaha qeybaha oo dhan, haddana mas’uuliyad qoomi ah baa saaran,
sidaasina waa sida Ummadda Soomaaliyeed u asteysan tahay.
Maadaama, Isbeddellada socdaa saamays toosa ku leeyihiin
qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood, waa in siyaasi iyo shacaba loo guntadaa hawlaha
isbeddelka in laga qeyb-qaato. Haddaan laga qeyb qaadan hawlaha isbeddelka,
waxaa dhici karta in saamaysku noqdo tabane ama midaan la mahadin. Waxaan si
gooniya farta ugu fiiqayaa Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden) oo run ahaantii
ahaa, walina ah furaha siyaasadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, oo aan ka rajaynaynno waxgaradka iyo siyaasiinta gobolku inay horseedaan wax Soomaali
Weyn waxtar fiican u leh.
Waxaa habboon in hoggaanka cusub ee siyaasadda Itoobiya
lagu la baarrantamo in loo oggolaado Soomaalida Itoobiya ku hoos gumowday inay mar
uun yeeshaan cod ay aayahooda wax uga dhihi karaan oo mar uun la weyddiiyo dadweynaha: War Maxaad Rabtaan?
Tuesday, June 19, 2018
Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya
Marka hore, haddii labo dawladood colaad dhex-marto
oo ay marka dambe noqoto inay heshiiyaan, wuxuu heshiisku noqdaa seddex
midkood
1-
Heshiis ku salaysan mid adkaaday iyo mid
laga adkaaday (win loss solution); waxaa qodobbada heshiisku ku qotomo yeeriya
dhinicii adkaaday. Waxaa tusaale u ah heshiiskii Maraykan iyo Jabbaan ee 1945
Dagaal-Weynihii 2aad ee Adduunka kadib. Sabata uu dhinicii laga adkaaday u qaato heshiiska
waa yaan lagaaga darin.
2-
Heshiis ku salaysan labo wada adkaatay
(win win solution); heshiiska noocaana wixii la is ku hayay/la helay baa la ka
la goostaa.
3-
Heshiis ku salaysan labo wada
guuldarraystay (loss loss solution); noocaan waa uun la ka la rogmadaa oo
dhinac walba isagoon khasaare mooyee wax kale helin buu ka huleelaa.
Haddaba, heshiis dhex-mara maanta labada dal ee
Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u ekaanayaa nooca 1aad ee ku salaysan mid
adkaaday iyo mid laga adkaaday. Inuu saas yahay waxaa daliil u ah markii
ciidammada Itoobiya soo galeen Muqdishow sannadkii 2006 waxay calankooda ka
taageen madaxtooyadii Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay waan ku qabsaday.
Heshiis Dhex-mara
Labada Dal ma loo baahan yahay?
Haa, waa loo baahan yahay, waxaana qasbaya siyaalaha ay gobolladii JDS haatan ku sugan yihiin. Dhammaantood waxay is hoos geeyeen Itoobiya, ilaa horjoogaysaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka caddaystaan inay ka door-bidayaan la midowga Gobollada Koonfureed ee JDS la-midowga Itoobiya. Sidaas darteed, waxaa muuqata khatar ah in Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed la waayo. Waxaa meesha soo gashay yaan lagaaga darintii
Baahida kale ee loo qabo heshiis labada dala, waa iyadoo colaaddii soo oognoyd muddo ku dhow kun sano ay dhinac walba ka wiiqday dadyowga labada dal, dib-u-dhac weynna ku reebtay dadyowga geyiga deggan.
Dhanka kale, haddii si
dhaba loo doonaayo heshiis dhaxal-gal ah oo raaga, waa in intaan heshiis
dhaqaale iwm la ka la saxiixan tilloobiyaankaan la qaadaa:Haa, waa loo baahan yahay, waxaana qasbaya siyaalaha ay gobolladii JDS haatan ku sugan yihiin. Dhammaantood waxay is hoos geeyeen Itoobiya, ilaa horjoogaysaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka caddaystaan inay ka door-bidayaan la midowga Gobollada Koonfureed ee JDS la-midowga Itoobiya. Sidaas darteed, waxaa muuqata khatar ah in Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed la waayo. Waxaa meesha soo gashay yaan lagaaga darintii
Baahida kale ee loo qabo heshiis labada dala, waa iyadoo colaaddii soo oognoyd muddo ku dhow kun sano ay dhinac walba ka wiiqday dadyowga labada dal, dib-u-dhac weynna ku reebtay dadyowga geyiga deggan.
1-
Colaadihii bilawday qarnigii 13aad ee
ilaa hadda socda, waxaa bilaabay Xabasha (Abyssinia), dhibaato lixaad lehna waa
u keeneen ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, waa in Itoobiya qirataa
dhibabkay geyeysiisay Soomaalida, raalligelin weynna ka bixisaa, is la markaa
waa inay ka hartaa hankii Itoobiyada Weyn (Great Itoobiya) ee xadkeedu yahay
Badweynta Hindiga (xeebaha Soomaaliya).
2-
Colaadihii labada dal waxaa saldhig u
ahaa, Itoobiya oo waligeed siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ay ahayd ka-la-qeybi oo qabso (divide and conquer), tan Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiyana ay
ahayd xoraynta dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato iyo is-ka-caabbinta
weerarraddii Itoobiya ee joogtada ahaa. Haddii Itoobiya siyaasaddaas ka
waantowdo oo ay dadka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed u oggolaato inay
aayahooda cod ku yeeshaan, heshiis dhaba oo dhex-mara labada dal waa suurtogal
waana la ka la faa’iidi karaa. Haddiise, laga wada hadlo arrimaha yaryar (minor
issues) oo aan laga hormarin arrimaha waaweyn (major issues), wuxuu heshiiskii
la galaa noqonayaa suumasalaax iyo iyadoo dhuxulo qaxaaya xoogaa dambasa dusha
looga daboolay.
1-
Soomaaliya, marka hore waxay Itoobiya
uga baahan tahay inay nabad ka hesho, qeybaha Soomaaliyeed ee la hoos geeyayna
ay u oggolaato inay noloshooda maareeyaan, aayahoodana ka taliyaan. Dhanka dhaqaalaha,
waxay Soomaaliya haysataa xeeb dheer, dadkeeduna wuxuu ku wacan yahay ganacsiga,
sidaas darteed, bay ugu baahan yihii suuqyada Itoobiya iyo waliba kuwa dalalka
ku xiga sida, Soodaanta Koonfureed.
2-
Itoobiya, waxay Soomaaliya uga baahan
tahay marsooyinkeeda si ay wax uga dhoofsato ugana soo degsato.
Maadaama, Itoobiya dhulkeedu yahay dalcado,
roobabka ka da’aa waxay soo xanbbaartaan carrosankii, waxayna waraan bannaanada
dadka Soomaaliyeed dego. Waxay arrintaan dambe keentay in Itoobiya oo hesho
roobab badan, haystana biyo badan dhulkeedu uu aad ugu baahdo mar walba bacrin
(fertilization), halka dhulalka Soomaaliyeed yihiin kuwo carrasana oo haddana dihin
oo aan inta badan la beeran. Haddaba, dadweynaha faraha badan ee Itoobiya oo
intiisa badan aysan heli karin hal hektar oo uu beerto, wuxuu u haliilayaa
bananada Soomaaliyeed ee dihin, waxayna arrintoodu u muuqataa waraabe hilbo
waran arka oo laga horjoogo. Waxay dadweynaha Itoobiya oo in badan aysan haysan
fursad shaqo ka helayaa Soomaaliya shaqooyin badan iyo dano kale.
Gunaanad:
danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya baa ka weyn, kuwa Soomaaliya iyada ka
leedahay. Haddii marka ay dhab tahay in bog cusub loo furaayo xiriirka labada
dal, waa in Itoobiya beddeshaa tabihii ay Soomaalida ku la dhaqmi jirtay. Waa
in Itoobiya garwaaqsataa inaysan cadaadis iyo cabburin ummadeed horumar iyo
xasillooni ku helayn. Waa in Itoobiya garwaaqsataa in ummadda Soomaaliyeed
aysan ka la qoqobnaan karin, mid ka horjeedi mid kalana aysan qorshe iyada wax
tari doona oo fog lahayn. Waa in Itoobiya laabteeda ka tirtaa hankii waallaa ee Xabasha
(Abyssinia) caddeysaanna inay ka hartay. Ugu dambayn, waa in Itoobiya la
timaaddaa niyad xalan iyo xushmo dhammaystiran.
Dhanka Soomaaliya, waa in la ogaadaa inaysan habboonayn in maalgashi dekadeed Itoobiya la oggolaadaa kahor intaan la is la meeldhigin arrimihii waaweynaa ee labada dal is ku hayeen, waayo maalgashigu wuxuu daaran yahay wax-ku-lahaansho, marka dalkaas Itoobiya ee dekado-doonka, heshiis noocaas ah lala galo waxaa ka imaan kara murugsanaan badan. Dal kale ama shirkado meelo kale laga leeyahay waa maalgashaan karaan, Itoobiyana waa loo oggolaan karaa inay adeegsato dekadahaas, canshuuraha iyo khidmadaha adeegyadana iska bixiso. Waxaa kaloo loo oggolaan karaa inay kireysto dekad muddo la yaqaan, waase in kireyntaasi leedahay shuruudo adag, iyadoo laga feejignaanayo in heshiiska noocaas ahi uusan yeelan goldoloolo dhib dambe keeni karta. Ujeeddada looga taxaddaraayo lamacaamilka Itoobiya waa iyadoo waligeed u heellanayd waxyeellayn Soomaaliyeed iyo boobka dhulalkeeda, caddayn ku filanna aan loo hayn inay ka waantowday.
Subscribe to:
Posts (Atom)

