Thursday, August 16, 2018

Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso

           Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso


Image result for ancient hadiya people of ethiopia
Reer Hadiya iyo Baroordiiq

Image result for abdi omar iley







Tusaale ahaan, baan uga jeedaaye intii u dhaxeysay qarnigii 13-aad ilaa qarnigii 15-aad waxa jiri jiray saldanad la oran Hadiya oo kamid ahayd saldanadihii muslinka ahaa ee ka jiray aagga Geeska Afrika. Sida u sheegay Shihaab al-Cumari oo ahaa taariikh-yahan Carbeed oo waqtigiisu ku beegan yahay qarnigii 14aad, waxay baaxadda saldanadii Hadiya ahayd 8 maalin-socod oo dherer ah iyo 9 maalin-socod oo ballac ah, kuwaasoo cabbirada cusub ku ah 160 x 180 kiilomitir. Waxay ahayd saldanad aad hodan u ahayd oo dalag beereed ka la jaada, dahab iyo gamaan tayo leh lagu mannaystay. Dadku waxay ahaayeen Reer Kuush, mid kamida afafka Reer Kuushna way ku hadli jireen, waxayna ahaayeen dad dhalan wanaagsan oo dumarkoodu qurux meel dhigteen. Suldaankooda wuxuu ahaa Garaad oo ah magaca isin oo ay wali Soomaalidu adeegsato. Markii uu u talinayay Garaad Ammaano ayaa waxaa ku soo duulay Boqorkii Xabashida ee la oran jiray Amda Seyon ee hororka ahaa, oo markii Garaad Ammaano u diiday inuu hoos tago taladii boqorkaas daalinka ahaa, ay ka hiilliyeen kuwo isaga dadkiisa kamid ahaa ilaa uu garaadkii u cararay Saldanadii Cadal ee awoodda lahayd. Amda Seyon waa siduu u dhaqmi jiraye wuxuu xasuuqay raggii halkaas ku noolaa, qaar addoonsi buu u kaxaystay wixii hantiyana wuu dhacay, dabadhilifyadii uu meesha u dhiibtayna wuxuu ku xukumay inay sannad walba gabadha ugu sidata Hablaha Reer Hadiya gaar ahaan Reer Garaad, iyadoo dhibaaddeeda wadata loo soo hooyo hadba boqorkii Xabashiyeed ee markaas talinaaya. Ogoobey hablahaasi waxay ahaayen hablo muslina oo anshax iyo iimaan lahaa. Raggii isu hoogaamiyay boqorkii masiixiga ahaa ee weerarka ahaa sidaas ayay ku dambeeyeen. Hadiya durufkii ka haray wuxuu haatan ka tirsan yahay qoomiyadaha la is ku yiraahdo Qoomiyadaha Koonfureed ee Itoobiya.
Sheekada Hadiya waa horay ahayde, waxaa raqdiisii qoyan tahay Cabdi M. Cumar oo m/weyne looga dhigay Gobalka Soomaali Galbeed. Wuxuu ninkaasi baro dheeraysiiyay qof kasta oo hore dabajooge ugu noqotay talisyadii Xabashida ee loollamada ba’an iyaga iyo Soomaali ka dhaxeyn jireen. Ninkaasi wuxuu jaray dad tiro badan oo halgamaa iyo shacab-ba isugu jiray. Wuxuu si bannaan yaal ah, galoobax uga dhigay kufsiga gabdhihii sharafta badnaa ee Soomaaliyeed. Wuxuu waxyaqaankii iyo mudankii ummadda ku guray xabsiyo sheekooyin reebay oo ugu caansan yahay Jeel-Ogaadeen. Ninkaasi wuxuu dadweynihii S. Galbeed geyeysiiyay gunnimada ka-sii-gunnimo. Wuxuu olole ba’an ku qaaday magaca Soomaali iyo sheeg-sheegga Somali Weyn, wuxuuna cay ka dhigay qofkii Soomaalidii xorta ahayd la soo dhaqmay. Wuxuu u ololeeyay in la xabashiyoobo lagana faano Soomaalinimada. Wuxuu hawlgeliyay dhallinyaro si ba’an u la dhaqmay ummadday ka soo jeedeen. Wuxuu meel walba la istaagay ku-faanka Itoobiyanimada, isagoo waliba ducooyinna raaciyay.
Ha yeeshee, waa siday ahaan jirtaye markay ka bogteen danahoodii bay sidii inan yar oo tuug ah dhagta soo qabteen, sidii awrkiina waa u hoggaansadeen oo la aadeen hogaggoodii. 
Eegeey, waa runoo; ‘wanka weyn ilaa la gawraco, indhihiisu cirka ma arkaan’. Waxaa Cabdi si xanuun badan loo baray inuu yahay Soomaali, si kastaba ha ugu adeego Xabashiye ama ha isaga yeel-yeelee. Waxaa si qaraar badan loo baray in Soomaalida aan-ba loo haysan inay qawmiyadaha Itoobiya kamid tahay, waayo, gulufkii ciidan ee laga daayay Ismaamulka Oromiya oo la yiri, waa sharci-darro, isaga waa laga la ajoon waayay. Eegeey, markaad Cabdi arrinkiisa daydo, waxaa kugu soo dhacaaya meeriskii uu ku calaacalay ninkii wax-dhimaalkii sokeeyihiisa ku talaxtagay oo yiri: 
Gacmahayga eedayey raggaan, ganayey maan daysto.
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Waxaa cashar fiican noqday Cabdi iyo is-xabasheyntiisii siday ku dambeeyeen, waxaana caddaatay in gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato aan loo arag sida gobollada kale ee Itoobiya. Waxaa caddaatay, in xukuumad kasta oo dhanka Itoobiya ka talisaa ay tahay Xabashidii boqollaalka sano dhaqankeeda la bartay, taas oo aan aadanaha wax-dhimaal mooyee aan waxba ku kordhin ama waxay xukuumaddaasi noqotaa mid
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.


Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Haddaba, innaga Soomaaliya, waxaa na la gudboon inaan xornimadeenna iyo midnima-deenna u istaagno, wax ka hooseeyana aysan wax na tareyn, waayo; 
Gobonnimo iyo Gunnimo Goobi u ma Dhaxeyso.

Friday, August 3, 2018

Isbeddellada Cusub ee Geeska Afrika


Isbeddellada Cusub ee Geeska Afrika
Image result for siad barre

Aabbihii Ruuxiga ee Soomaali Weyn

M S Barre

Image result for Lij Iyasu
Lij Iyasu
Ibaraadoorkii Laqmaday


                                                                      

Image result for farmaajo
M C M Farmaajo
M/Weynaha Cusub ee Soomaaliya
Image result for abiy ahmed
Xiddiga Isbeddelka Cusub 
R/W 1aad ee Itoobiya 

   









Inankii Iyasu (Lij Iyasu) wuxuu ahaa inankii loogu talagalay 1913-1916-kii in uu imbaraadoor ka noqdo Itoobiya, geeridii Menelik II kadib. Aabbihiis waxaa la oran jiray Ras Mikale wuxuuna ahaa Guddoomiyihii Wollo, wuxuu ka loo muddo dheer ahaa saaxiibkii Menelik, sidaas darteed, buu u siiyay curaddiisii oo la oran jiray Wizero Shoaregga waa hooyadii inankii Iyasu e. Mikale wuxuu bilawgii magaciisu ahaa Maxammad Cali wuxuuna ahaa muslim qawmiyad ahaan ka soo jeeday Oromada ilaa lagu qasbay inuu isu rogo Masiixi si uu door fiican ugu yeesho siyaasadda Itoobiya. 
Sannadkii 1915-kii wuxuu Iyasu aaday Harar, wuxuuna bilaabay inuu soo dhaweyn weyn u sameeyo dadyowgii muslinka ahaa ee Itoobiya iyo kuwii Soomaaliya ilaa uu hadiyad ka koobnayd 40 rati oo taakuleyn ah uu u diray Sayid Maxamad Cabdulle Xasan oo halgankii dheeraa ku jiray. Isbeddelkaas cusub oo uu la yimid inankii Iyasu wuxuu caro geliyay awoodihii Xabashida (Abassynia) iyo kuwii Reer Galbeedka oo mar walba garab siinaayay talisyadii habka xoogga iyo cabburinta ku dhisnaa ee Xabashida hoggaanka u ahayd. Haddaba, 1916-kii baa ciidan xooggan oo kaniisadda iyo awoodihii ku lammaanaa ay soo abaabuleen lagu afgambiyay Taliskii Iyasu isagiina lagu dilay.
Dhanka kale, Abiy Axmad Cali oo dhawaanta noqday Wasiirkii 1aad wuxuu ka dhashay qoys aabbuhu ahaa muslim Oromo ah iyo hooyo Axmaarad ah oo masiixiyada, sida la leeyahayna wuxuu caqiido ahaan qaatay tii hooyo oo ay u badan tahay inuu sidaas u yeelay si uu meekhaan iyo mansab ugu yeesho Itoobiyada loo habeeyay inay Xabashida masiixiyiinta ahi kaligood hoggaanka hayaan. 
Si kastaba ha ahaatee, inankii Abiy oo dhalashadiisu ku beegan tahay waayihii uu Mingiste Xayle Maryam calan wallaynayay, magaciisuna ahaa Abiyot oo macnuhu yahay Kacaan, wuxuu sameeyay dadaal badan oo xagga waxbarashada, wuxuuna qaatay shahaadooyinka; BSc, 3 shahaado oo Ms ah iyo PHD. Wuxuu ka soo qeyb-qaatay dagaalkii hubeysnaa oo lagu afgambiyay Taliskii Dergiga asagoo ka tirsanaa ciidankii sirta ee jabhadda. 
Sidii Iyasu oo kale buu Abiy Axmad la yimid siyaasad dabacsan oo soo dhaweynaysa qowmiyadaha iyo maamullada Bariga Afrika. Haddaba, maadaama, labada nin ay meelo badan isaga eg yihiin, taariikhdana sideedaba lagu foodiyo dhacdooyinka waayahaas la joogo laguna saadaaliyo kuwa soo aaddan, in siyaasadaha ididiilada leh ee uu la yimid Abiy Axmad ka hirgalayaan Itoobiya waa 50/50 siday ila tahay. Is la caqabadihii ka hor yimid Iyasu horraantii qarnigii 20-aad iyo kuwa kalaba baa maantana hor taagan Abiy Axmad. Iyadoo wali aysan aad u wiiqmin awooddii Xabashidu, in dadyowga Itoobiya u sinnaadaan talada dalka, xornima fiicanna helaan, waa arrin ku adag in dhimirku qaato, waayo Itoobiya lagu ma dhisin rabitaanka qawmiyadaha ee xoog, naxariis-darro iyo kugabood-fal badan weheliyaan baa lagu dhisay.

Waa Maxay Isbeddelka Abiy Axmad Wadaa Yaase Gadaal ka Riixaya? 
In kastoo qawmiyadaha Oromo iyo Axmaara ay in-dhawalaha wadeen ololayaal culculus oo kadhan ahaa taliskii Tigreegu hoggaanka u hayey haddana waxaa jira awoodo kale oo isbeddellada muuqday gadaal ka riixayay. Xoogaggaasi waa Maraykanka, Xoogagga Yurub iyo dawladaha gobolka ee aalaa la jaanqaada siyaasadaha Reer Galbeedku wado. Imaaraadka oo magac ahaan dawlad ka ah, laakiin, ficil ahaan shirkado lacag leh ah, waxay quuddaraynayaan inay la wareegaan dekadaha iyo marsooyinka ku teedsan Badda Cas iyo kuwa ku teedsan Gacanka Cadmeed, si ay u ilaaliyaan danaha dakadahooda. Dalka Maraykanka oo ah dalka maanta ugu itaal roon adduunka, wuxuu tartan ba’an oo xagga dhaqaalaha ku la jiraa Shiinaha, waxayna is ku haystaan ilaha dhaqaale ee Afrika ee wali dihin, waxayna hadda ku loollamayaan Geeska Afrika. Ujeeddooyinkaas dambe, baa Taliskii Tigreega lagu fuqaaqay, midkaan Abiy-na soodhaweyn loogu sameeyay, waxaana wali socda abaabullada siyaasadeed oo is la ujeed-kaan tilmaanay u adeegaya, waana tii Imaaraadku Itoobiya siisay dhaqaale buuran, heshiisiinna uga dhex abuuray Itoobiya iyo Erratariya oo colaad ba’an ka dhaxayn jirtay. Siyaasaddda Cusub ee Abiy Axmad uu rabo inuu ku la dhaqmo dalalka gobolka waa siyaasad horseedaysa inay dhammaadaan dhammaan xurgufyadii siyaasadeed ay darisyada ka la dhaxeyn jiray, si markaas ay xisilooni iyo horumar u haleesho Itoobiya, is la markaasna iyada iyo awoodaha taageeraa u la soo baxaan kheyraadka dhulka hoose ceegaaga, sida kuwa Soomaali Galbeed.  

Waa Maxay Saamayska ay Siyaasadaha Cusub ee Geeska ka Socdaa Soomaali ku leeyihiin? 
Mark hore, aan soo hormariyo dhawr arrimood oo ku saabsan meelaha siyaasaddu salsalawdo iyo fahmka loo baahan yahay: 
- Siyaasaddu waa hawlo, barnaamijyo iyo fikrado loogu talagalay in lagu hanto awoodda xukunka dal iyo siihaysashada xukunkaas. Iyadoo siyaasaddu sidaas tahay, baa haddana waxaa ka baxa laamo saameeya gobollada/dalalka ku xeeran dalkaas iyo qeybaha kale ee dunida.              
 - Siyaasaddu marna u ma shaqeyso sida ururada samafalka, awooddeeda cidna deeq u ma siiso. Tusaale ahaan, dad ama kooxo meel is ka jooga loo ma hadiyeyo awoodda talada ama xukunka, tixgelin sii ridanna la ma siiyo, ama saamayn ku ma yeeshaan teelaynta iyo talada dawladda, gobolka ama degmada markaas laga hadlaayo.
- Siyaasaddu waxay u baahan tahay faltan oo macnuhu yahay in dhaqadhaqaaq ama tillaabooyin lala yimaado, dhinacaas waxd-doonka ahi mudnaan iyo tixgelin ku heli karo. Faltanku wuxuu yeelan karaa noocyo iyo mugag kala geddisan. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad bartamihiisiii, waxaa Hindiya u kacay Mahadma Gaandi nin la oran jiray, faltankiisu kaliya wuxuu ahaa in iyadoon xabbad la ridin ama xitaa aan dhagax la tuurin loogu caasiyoobo Ingiriiska oo muddo dheer dalkaas gumeysanaayay, markii dadweynihii fikraddiisii qaateen oo ay diideen tusaale ahaan, inay gataan badeecooyinkii Ingriiska lagu soo sameeyay, waxaa Ingiriiskii qasab ku noqotay inay dalkaas xornimadiisa siiyaan. 
- Siyaasadda kooxaha hoggaaminayaa waa inay matalayaan ummad dhan danaheeda. Haddii qofku ama kooxdu awood siyaasadeed is ka raaco/raacdo iyadoon lagu dhererin danta guud ee dhinacyada la matalaayo, nuxur ahaan lagu ma sheegi karo siyaasad ee waa shaqo-tag ama danaysi gaar ahaaneed. Tusaale fiican waxaa ah, Dadweynaha Soomaali Galbeed intii xoogaggii Tigreegu talada hayeen mataalad fiican ku ma yeelan taliskii dhexe ee dalkaas, waxaana gobolkaas loo sameeyay horjoogayaal lagu cabburiyo dadka gobolka si aysan u yeelan dh/dhaqaaqyo siyaasadeed.
- Siyaasadda qumman ma laha caadifo iyo xigtaysi ee ay waxay leedahay danaysi loo danaynaayo ummadda la matalaayo, ha ahaadaan danahaasi kuwa fog ama kuwo dhaw e. Waxay ka loo yeelan kartaa tixgelinta hal-doorrada (values) sida siyaasadaha islaanimada lagu rumeysan yahay oo mudnaan siiya waxyaalah Ebbe banneeyay, kana taxaddara waxyaalah uu reebay. 
Haddaba, dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan isbeddellada socdaa inay saameyn xooggan noloshooda ku leeyihiin, waana inay ogaadaan in shanta qeybood ee ay xiddigta cad u taagan tahay ay isa saameynayaan, taasoo ah; tusaale ahaan, wixii saameeya Soomaali Galbeed qeybaha kalana waa saameynayaan. 
Xubnaha hoggaanshaa siyaasadda J. Soomaaliya sida M/weynuhu waa inuu fahmaa inuu aabbe ruuxiya u yahay qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood waa siduu taagnaan jiray J/le M S Barre e. In kastoo uusan ahayn maamulaha qeybaha oo dhan, haddana mas’uuliyad qoomi ah baa saaran, sidaasina waa sida Ummadda Soomaaliyeed u asteysan tahay. 
Maadaama, Isbeddellada socdaa saamays toosa ku leeyihiin qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood, waa in siyaasi iyo shacaba loo guntadaa hawlaha isbeddelka in laga qeyb-qaato. Haddaan laga qeyb qaadan hawlaha isbeddelka, waxaa dhici karta in saamaysku noqdo tabane ama midaan la mahadin. Waxaan si gooniya farta ugu fiiqayaa Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden) oo run ahaantii ahaa, walina ah furaha siyaasadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, oo aan ka rajaynaynno waxgaradka iyo siyaasiinta gobolku inay horseedaan wax Soomaali Weyn waxtar fiican u leh. 
Waxaa habboon in hoggaanka cusub ee siyaasadda Itoobiya lagu la baarrantamo in loo oggolaado Soomaalida Itoobiya ku hoos gumowday inay mar uun yeeshaan cod ay aayahooda wax uga dhihi karaan oo mar uun la weyddiiyo dadweynaha: War Maxaad Rabtaan?

Tuesday, June 19, 2018

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya



Image result for farmaajo

Image result for abiy ahmed
                                         Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya 
                                                Marka hore, haddii labo dawladood colaad dhex-marto oo ay marka dambe noqoto inay heshiiyaan, wuxuu heshiisku noqdaa seddex midkood
1-   Heshiis ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday (win loss solution); waxaa qodobbada heshiisku ku qotomo yeeriya dhinicii adkaaday. Waxaa tusaale u ah heshiiskii Maraykan iyo Jabbaan ee 1945 Dagaal-Weynihii 2aad ee Adduunka kadib. Sabata uu dhinicii laga adkaaday u qaato heshiiska waa yaan lagaaga darin.

2-   Heshiis ku salaysan labo wada adkaatay (win win solution); heshiiska noocaana wixii la is ku hayay/la helay baa la ka la goostaa.

3-   Heshiis ku salaysan labo wada guuldarraystay (loss loss solution); noocaan waa uun la ka la rogmadaa oo dhinac walba isagoon khasaare mooyee wax kale helin buu ka huleelaa.
Haddaba, heshiis dhex-mara maanta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u ekaanayaa nooca 1aad ee ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday. Inuu saas yahay waxaa daliil u ah markii ciidammada Itoobiya soo galeen Muqdishow sannadkii 2006 waxay calankooda ka taageen madaxtooyadii Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay waan ku qabsaday.

Heshiis Dhex-mara Labada Dal ma loo baahan yahay?
Haa, waa loo baahan yahay, waxaana qasbaya siyaalaha ay gobolladii JDS haatan ku sugan yihiin. Dhammaantood waxay is hoos geeyeen Itoobiya, ilaa horjoogaysaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka caddaystaan inay ka door-bidayaan la midowga Gobollada Koonfureed ee JDS la-midowga Itoobiya. Sidaas darteed, waxaa muuqata khatar ah in Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed la waayo. Waxaa meesha soo gashay yaan lagaaga darintii
Baahida kale ee loo qabo heshiis labada dala, waa iyadoo colaaddii soo oognoyd muddo ku dhow kun sano ay dhinac walba ka wiiqday dadyowga labada dal, dib-u-dhac weynna ku reebtay dadyowga geyiga deggan.
Dhanka kale, haddii si dhaba loo doonaayo heshiis dhaxal-gal ah oo raaga, waa in intaan heshiis dhaqaale iwm la ka la saxiixan tilloobiyaankaan la qaadaa:

1-   Colaadihii bilawday qarnigii 13aad ee ilaa hadda socda, waxaa bilaabay Xabasha (Abyssinia), dhibaato lixaad lehna waa u keeneen ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, waa in Itoobiya qirataa dhibabkay geyeysiisay Soomaalida, raalligelin weynna ka bixisaa, is la markaa waa inay ka hartaa hankii Itoobiyada Weyn (Great Itoobiya) ee xadkeedu yahay Badweynta Hindiga (xeebaha Soomaaliya).

2-   Colaadihii labada dal waxaa saldhig u ahaa, Itoobiya oo waligeed siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ay ahayd ka-la-qeybi oo qabso (divide and conquer), tan Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiyana ay ahayd xoraynta dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato iyo is-ka-caabbinta weerarraddii Itoobiya ee joogtada ahaa. Haddii Itoobiya siyaasaddaas ka waantowdo oo ay dadka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed u oggolaato inay aayahooda cod ku yeeshaan, heshiis dhaba oo dhex-mara labada dal waa suurtogal waana la ka la faa’iidi karaa. Haddiise, laga wada hadlo arrimaha yaryar (minor issues) oo aan laga hormarin arrimaha waaweyn (major issues), wuxuu heshiiskii la galaa noqonayaa suumasalaax iyo iyadoo dhuxulo qaxaaya xoogaa dambasa dusha looga daboolay. 

       Maxay Labada Dal Isaga baahan Yihiin?

1-   Soomaaliya, marka hore waxay Itoobiya uga baahan tahay inay nabad ka hesho, qeybaha Soomaaliyeed ee la hoos geeyayna ay u oggolaato inay noloshooda maareeyaan, aayahoodana ka taliyaan. Dhanka dhaqaalaha, waxay Soomaaliya haysataa xeeb dheer, dadkeeduna wuxuu ku wacan yahay ganacsiga, sidaas darteed, bay ugu baahan yihii suuqyada Itoobiya iyo waliba kuwa dalalka ku xiga sida, Soodaanta Koonfureed.

2-   Itoobiya, waxay Soomaaliya uga baahan tahay marsooyinkeeda si ay wax uga dhoofsato ugana soo degsato.
 Maadaama, Itoobiya dhulkeedu yahay dalcado, roobabka ka da’aa waxay soo xanbbaartaan carrosankii, waxayna waraan bannaanada dadka Soomaaliyeed dego. Waxay arrintaan dambe keentay in Itoobiya oo hesho roobab badan, haystana biyo badan dhulkeedu uu aad ugu baahdo mar walba bacrin (fertilization), halka dhulalka Soomaaliyeed yihiin kuwo carrasana oo haddana dihin oo aan inta badan la beeran. Haddaba, dadweynaha faraha badan ee Itoobiya oo intiisa badan aysan heli karin hal hektar oo uu beerto, wuxuu u haliilayaa bananada Soomaaliyeed ee dihin, waxayna arrintoodu u muuqataa waraabe hilbo waran arka oo laga horjoogo. Waxay dadweynaha Itoobiya oo in badan aysan haysan fursad shaqo ka helayaa Soomaaliya shaqooyin badan iyo dano kale.


Gunaanad
 danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya baa ka weyn, kuwa Soomaaliya iyada ka leedahay. Haddii marka ay dhab tahay in bog cusub loo furaayo xiriirka labada dal, waa in Itoobiya beddeshaa tabihii ay Soomaalida ku la dhaqmi jirtay. Waa in Itoobiya garwaaqsataa inaysan cadaadis iyo cabburin ummadeed horumar iyo xasillooni ku helayn. Waa in Itoobiya garwaaqsataa in ummadda Soomaaliyeed aysan ka la qoqobnaan karin, mid ka horjeedi mid kalana aysan qorshe iyada wax tari doona oo fog lahayn. Waa in Itoobiya laabteeda ka tirtaa hankii waallaa ee Xabasha (Abyssinia) caddeysaanna inay ka hartay. Ugu dambayn, waa in Itoobiya la timaaddaa niyad xalan iyo xushmo dhammaystiran. 

Dhanka Soomaaliya, waa in la ogaadaa inaysan habboonayn in maalgashi dekadeed Itoobiya la oggolaadaa kahor intaan la is la meeldhigin arrimihii waaweynaa ee labada dal is ku hayeen, waayo maalgashigu wuxuu daaran yahay wax-ku-lahaansho, marka dalkaas Itoobiya ee dekado-doonka, heshiis noocaas ah lala galo waxaa ka imaan kara murugsanaan badan. Dal kale ama shirkado meelo kale laga leeyahay waa maalgashaan karaan, Itoobiyana waa loo oggolaan karaa inay adeegsato dekadahaas, canshuuraha iyo khidmadaha adeegyadana iska bixiso. Waxaa kaloo loo oggolaan karaa inay kireysto dekad muddo la yaqaan, waase in kireyntaasi leedahay shuruudo adag, iyadoo laga feejignaanayo in heshiiska noocaas ahi uusan yeelan goldoloolo dhib dambe keeni karta. Ujeeddada looga taxaddaraayo lamacaamilka Itoobiya waa iyadoo waligeed u heellanayd waxyeellayn Soomaaliyeed iyo boobka dhulalkeeda, caddayn ku filanna aan loo hayn inay ka waantowday.  


Tuesday, March 13, 2018

Ganacsi iyo Gumeysi: Soorogaal-Celinta Taariikhda




Related image
Suldaankii Geladiga

 

Odoyaashii Waqooyiga Soomaaliya
The National Archives UK - CO 1069-111-7.jpgRelated image
mid kamid taliyaashii Ingiriiska iyo Suldaan Barqash












Sannadkii 1830-kii baa qeybtii Soomaaliyeed ee waagaas lagu magacaabi jiray Banaadir waxaa ganacsi ahaan u kireystay  Sudlaankii Cummaan, markii dambana waxaa qanadaraaskii la wareegay sannadku markuu ahaa 1860-kii Suldaankii Sansibaar ee la oran jiray Sayyid Majid bin Said_Al-Busaid. Markuu dhintay suldaankaasi waxaa taladii la wareegay Suldaan Barqash oo ina adeerki ahaa. 
Sannadku markuu ahaa 1884-tii waxaa dhulkii Banaadir ka sii kireysatay Suldaankii Sansibaar shirkad Talyaani ahayd oo la oran jiray "Compagnia del Benadir". Waxaa bilawgii maamuli jiray dhulkii Banaadir "Compagnia Filonardi" (1893-96) markii dambana "Società Anonima Commerciale Italiana del Benadir" (1899-1905). Waxaa xigay in dawladdii Talyaanigu la wareegto dhulkii markii hore hab ganacsi taladiisa lagu la wareegay, waxaana loo rogay mustacmarad Sannadkii 1905-tii magaciina waxaa loo beddelay Dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu lahaa “Somalo Italiano”.
Dhanka kale, dhulalka waqooyi ee Soomaaliya waxaa la wareegay Ingiriiska oo isu muujiyay markii hore inuu leeyahay ujeeddo ganacsi, wuxuuna danaynaayay inuu hilib ka helo Dhulalkaas Soomaaliyeed si uu u quudiyo ciidamadiisii fadhiyay Cadan oo markaas u ahayd saldhig ay maraakiibtiisu dhuxusha ka qaadato iyo isagoo ka hor istaagaayay gumeystayaashi kale inay meelahaas ku soo faalalaan. Haddaba, kadib markuu heshiisyo xiriir ahaa la saxiixday odoyaashii qabiilladii Soomaaliyeed ayuu ku dhawaaqay sannadkii 1880-kii in qeybtaas Soomaaliyeed isaga u tahay maxmiyad (Biritish Somali Protectrate). Sannadkii 1905-tii waxaa la hoos geeyay Dhulkaas Soomaaliyeed Xafiiskii Isticmaarka Ingiriiska (Colonial Office). 
Faransiisku wuxuu qabsaday dhulkii ay markaas u yaqaanneen Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiiska (Côte française des Somalis) kadib markii ay heshiisyo ganacsi la galaayeen odoyaashii qabiillada sannadihii 1883-87. Markii dambana wuxuu u rogoy mustacmarad.
Image result for DP World and Ethiopia
DP World, Abyssinia iyo Somaliland (Ganacsi iyo Gumeysi)
Haddaba, waa tii la yiri taariikhdu iyadaa soo rogaal celisee (history repeats itself) dhacdooyinkii bilawday qarnigii 19-aad sow ma soo rogaal celin?
Siyaalaha maanta ka jira geyiga Soomaaliyeed waa is la kuwii oo jilayaashu ka la duwan yihiin. Suldaan Barqash waxaa maanta u taagan suldaannada Carbeed ee gacanka Faaris, odoyaashii Soomaaliyeed ee dhulka kirayn jirayna waxaa u taagan Maamul Gobolyeeda sheegta m/weynayaasha iyo dullaaleydooda.
Nimanka cigaallada leh ee Khaliijka Faaris maahan niman leh istaraatiijiyad ummadeed oo qoto dheer, wuxuuna qorshahooda ku aruursan yahay difaaca madaxnimadooda qofka iyo qoyska ku dhisan, difaacaasna waxay ku laayeen dadweynihii dalalkooda waxayna ku xaalufiyeen dhaqaalihii dadyowgooda. Mar haddaysan dalalkooda iyo dadyowgooda ka naxayn, u ma turayaan ummado iyo dalal kale. Dhinaca kale, waayahaan dambe waxay si muuqata u noqdeen adeegayaasha dawladaha itaalka leh oo ay tooda uga baqayaan, hanti lixaad lehna way ku siiyaan. Qorshahooda silloon oo ay ku la dhaqmayaan dalka Soomaaliya ma laha ujeeddo wanaagsan oo u adeegaysa danahooda fog ama kuwa Soomaaliya ee waa adeegayaal xoogag kale oo dano qoto dheer ka leh geyiga Soomaaliya. Waxaa tusaale wanaagsan u ah UAE iyo DP World-keeda oo beryahaan dambe ku hawllanaa lawareegga dekadaha iyo marsooyinka Soomaaliya iyagoo u maraaya waddooyin sharcidarro ah. Sannadkii 2016-kii wuxuu dakhliga dalkaas UAE ahaa $348.7 bilyan, sannadkii 2013-kiina waxay tirada dadkiisu ahayd 1.4 milyan. Sidaas darteed waa dal ladan, hase yeeshee, waxaa dalka iyo hantidiisaba iska leh qoysas siday doonaan ka yeela, is la markaasna ku kibray dhaqaalahaas badan oo dhawaan soogalka. 
Shirkadda DP World oo uu leeyahay qoyska xukuma ama leh Dubay ee al-Makhtuum u ma baahna dhaqaalaha aadka u yar ee dekadaha Soomaaliya ee waxay ka leeyihiin labo ujeeddo:
1- Maadaama dekadaha Soomaaliya qaar ku yaallaan marin-biyoodka Gacanka Cadmeed/Gacanka Barbar waxay ka istaraatiijaysan yihiin kuwoodda ku yaalla Gacanka Faaris. Waxaa ka loo jirta in ganacsiga uu UAE dalka Soomaaliya la leeyahay uu yahay lambarka 1-aad ama 2-aad markii daldal loo eego. Arrimahaas awgood bay waxay ka baqayaan in haddii Soomaaliya xasisho oo la horumariyo dekadaheeda, in Soomaali ka maarmi doonto dekaadaha UAE is la markaasna dekadaha Soomaaliya tartan culus ku furi doonaan dekadahooda.
2- Waxay adeege u yihiin dalalka itaalka leh oo tartan ku la jira dalal kale sida Turkiga iyo Shiinaha. Sidaas darteed, waxay rabaan inay ka xannibaan marsooyinka Soomaaliya maalgashiga dalalka kale, is la markaasna dh/dhaqaaqooda maamulaan, horumarkoodana hor istaagaan. 
Tan ugu daran, waa inay rabaan inay xoogag kale u adeegsadaan ujeeddooyinkooda halista, waxaana daliil cad u ah, kaqeybgelinta nacabka Soomaaliyeed ee soo jireenka heshiiskii dhawaan ay la galeen Maamul Goboleedka Waqooyi ee Soomaaliya. Heshiiskaas aan la mahadin karin waxaa ka muuqda tusaalaha qatarta ee nimankaas qamiisleyda leh ay u horseedi karaan dalkaan la daalaadhacay dhibabkii badnaa ee la baday. Markii la isu eego heshiiskaas iyo khudbad uu dhawaan ka horjeediyay khuburo Yuhuuda nin la yiraahdo Anwar Cishqi oo lataliye u ah Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku yiri; waa in Soomaaliya iyo Jubuuti la hoos geeyaa dalka Itoobiya, waxaa caddaanaysa qatarta ay nimankaas uunsadaa xanbbaarsan yihiin. Eegey inay cadaw kasta ka daran yihiin, waxay ka doorbideen Soomaali oo 100% muslim ah, Xabashi oo cadaw u ah muslimiinta. Waxayna dan wen u arkaan in muslinka Geeska Afrika la waayo, si iyagu boqorro u sii ahaadaan. Heshiiska Barbarana wuxuu gogolxaar u yahay dhagarta weyn ee Soomaali lagu baabi'inayo, oo waxaa dhici doonta haddii qorshahoodu fulo in maalin la arko Barbara oo dal kale leeyahay.
Laakiin, waxay moog yihiin awoodda qofka Soomaaliga ee dhaladka oo is ka la hanweyn qof kastoo kale, balse sida uu ku qoray Gerald Hanley buuggiisii: Warriors, Life and Death Among Somalis, isu qaba inuu u dhigmo 2 qof oo caddaanka isu la sarreeya dadka ah, wuxuu ka loo qoray: isirrada Afrika oo idil ma Jiri karo mid la-noolaansho uga fiicnaan kara, kan ugu dhib badan, ugu qab weyn, ugu geesisan, ugu daran, ugu naxariisdaran, ugu saaxiibsan, waa Soomaaliga e (but all races of Africa there cannot be one better to live among than the most difficult, the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest; the Somali). Wuxuu ka loo qoray: waligay ma arag qof Soomaali ah oo dhimasho ka cabsanaaya si kastaba ha ugu muuqato mid yaab lehe, waxay xanbbaarsan tahay adadayg iyo darnaan is weheliya. haddii aadan dhimasho ka cabsanayn qof kalana dhimasho uga cabsan maysid, ogoobey, cabsila'aantaasi waxay mar walba door u ahayd Soomaaliga kaas oo isku daya inuu u adkaysto gaajada, oonka iyo jirrada inta uu ka la dagaallamaayo cadawgiisa (I neve saw a Somali who showed any fear of death, which impressive though it sounds, carries within it the chill of pitilessness and ferocity as well. If you have no fear of death you have none for any body else's either, but that fearlessness has always essential to the Somalis who have had to try and survive hunger, disease and thirsty while prepared to fight their enemies)..Wuxuu ka loo qoray: ma qabaan cuqdadda hoosaynta, ku ma dhaygagaan siyaalaha ninka cad, ka ma baqaan hubka saraakiishiisa. Waa isir haddii in la jeclaado adag tahay ay tahay in la ixtiraamo (they have no inferiority complexes, no wide-eyed of the white man's ways, and no fear of him, of his guns of his official anger. They are a race to be admired, if hard to love).
Waxayse ogeyn inuu qofka Soomaaliga uu qaayibsan yahay tixdii Sayid Max'd Cabdulle Xasan uu Carabta ka tiriyay markuu ku jiray halgankii dheeraa taas oo ahayd: 
Waa calako meel yuurutiyo, cunug aan weynaane....
Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage