Tuesday, June 19, 2018

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya



Image result for farmaajo

Image result for abiy ahmed
                                         Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya 
                                                Marka hore, haddii labo dawladood colaad dhex-marto oo ay marka dambe noqoto inay heshiiyaan, wuxuu heshiisku noqdaa seddex midkood
1-   Heshiis ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday (win loss solution); waxaa qodobbada heshiisku ku qotomo yeeriya dhinicii adkaaday. Waxaa tusaale u ah heshiiskii Maraykan iyo Jabbaan ee 1945 Dagaal-Weynihii 2aad ee Adduunka kadib. Sabata uu dhinicii laga adkaaday u qaato heshiiska waa yaan lagaaga darin.

2-   Heshiis ku salaysan labo wada adkaatay (win win solution); heshiiska noocaana wixii la is ku hayay/la helay baa la ka la goostaa.

3-   Heshiis ku salaysan labo wada guuldarraystay (loss loss solution); noocaan waa uun la ka la rogmadaa oo dhinac walba isagoon khasaare mooyee wax kale helin buu ka huleelaa.
Haddaba, heshiis dhex-mara maanta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u ekaanayaa nooca 1aad ee ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday. Inuu saas yahay waxaa daliil u ah markii ciidammada Itoobiya soo galeen Muqdishow sannadkii 2006 waxay calankooda ka taageen madaxtooyadii Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay waan ku qabsaday.

Heshiis Dhex-mara Labada Dal ma loo baahan yahay?
Haa, waa loo baahan yahay, waxaana qasbaya siyaalaha ay gobolladii JDS haatan ku sugan yihiin. Dhammaantood waxay is hoos geeyeen Itoobiya, ilaa horjoogaysaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka caddaystaan inay ka door-bidayaan la midowga Gobollada Koonfureed ee JDS la-midowga Itoobiya. Sidaas darteed, waxaa muuqata khatar ah in Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed la waayo. Waxaa meesha soo gashay yaan lagaaga darintii
Baahida kale ee loo qabo heshiis labada dala, waa iyadoo colaaddii soo oognoyd muddo ku dhow kun sano ay dhinac walba ka wiiqday dadyowga labada dal, dib-u-dhac weynna ku reebtay dadyowga geyiga deggan.
Dhanka kale, haddii si dhaba loo doonaayo heshiis dhaxal-gal ah oo raaga, waa in intaan heshiis dhaqaale iwm la ka la saxiixan tilloobiyaankaan la qaadaa:

1-   Colaadihii bilawday qarnigii 13aad ee ilaa hadda socda, waxaa bilaabay Xabasha (Abyssinia), dhibaato lixaad lehna waa u keeneen ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, waa in Itoobiya qirataa dhibabkay geyeysiisay Soomaalida, raalligelin weynna ka bixisaa, is la markaa waa inay ka hartaa hankii Itoobiyada Weyn (Great Itoobiya) ee xadkeedu yahay Badweynta Hindiga (xeebaha Soomaaliya).

2-   Colaadihii labada dal waxaa saldhig u ahaa, Itoobiya oo waligeed siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ay ahayd ka-la-qeybi oo qabso (divide and conquer), tan Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiyana ay ahayd xoraynta dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato iyo is-ka-caabbinta weerarraddii Itoobiya ee joogtada ahaa. Haddii Itoobiya siyaasaddaas ka waantowdo oo ay dadka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed u oggolaato inay aayahooda cod ku yeeshaan, heshiis dhaba oo dhex-mara labada dal waa suurtogal waana la ka la faa’iidi karaa. Haddiise, laga wada hadlo arrimaha yaryar (minor issues) oo aan laga hormarin arrimaha waaweyn (major issues), wuxuu heshiiskii la galaa noqonayaa suumasalaax iyo iyadoo dhuxulo qaxaaya xoogaa dambasa dusha looga daboolay. 

       Maxay Labada Dal Isaga baahan Yihiin?

1-   Soomaaliya, marka hore waxay Itoobiya uga baahan tahay inay nabad ka hesho, qeybaha Soomaaliyeed ee la hoos geeyayna ay u oggolaato inay noloshooda maareeyaan, aayahoodana ka taliyaan. Dhanka dhaqaalaha, waxay Soomaaliya haysataa xeeb dheer, dadkeeduna wuxuu ku wacan yahay ganacsiga, sidaas darteed, bay ugu baahan yihii suuqyada Itoobiya iyo waliba kuwa dalalka ku xiga sida, Soodaanta Koonfureed.

2-   Itoobiya, waxay Soomaaliya uga baahan tahay marsooyinkeeda si ay wax uga dhoofsato ugana soo degsato.
 Maadaama, Itoobiya dhulkeedu yahay dalcado, roobabka ka da’aa waxay soo xanbbaartaan carrosankii, waxayna waraan bannaanada dadka Soomaaliyeed dego. Waxay arrintaan dambe keentay in Itoobiya oo hesho roobab badan, haystana biyo badan dhulkeedu uu aad ugu baahdo mar walba bacrin (fertilization), halka dhulalka Soomaaliyeed yihiin kuwo carrasana oo haddana dihin oo aan inta badan la beeran. Haddaba, dadweynaha faraha badan ee Itoobiya oo intiisa badan aysan heli karin hal hektar oo uu beerto, wuxuu u haliilayaa bananada Soomaaliyeed ee dihin, waxayna arrintoodu u muuqataa waraabe hilbo waran arka oo laga horjoogo. Waxay dadweynaha Itoobiya oo in badan aysan haysan fursad shaqo ka helayaa Soomaaliya shaqooyin badan iyo dano kale.


Gunaanad
 danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya baa ka weyn, kuwa Soomaaliya iyada ka leedahay. Haddii marka ay dhab tahay in bog cusub loo furaayo xiriirka labada dal, waa in Itoobiya beddeshaa tabihii ay Soomaalida ku la dhaqmi jirtay. Waa in Itoobiya garwaaqsataa inaysan cadaadis iyo cabburin ummadeed horumar iyo xasillooni ku helayn. Waa in Itoobiya garwaaqsataa in ummadda Soomaaliyeed aysan ka la qoqobnaan karin, mid ka horjeedi mid kalana aysan qorshe iyada wax tari doona oo fog lahayn. Waa in Itoobiya laabteeda ka tirtaa hankii waallaa ee Xabasha (Abyssinia) caddeysaanna inay ka hartay. Ugu dambayn, waa in Itoobiya la timaaddaa niyad xalan iyo xushmo dhammaystiran. 

Dhanka Soomaaliya, waa in la ogaadaa inaysan habboonayn in maalgashi dekadeed Itoobiya la oggolaadaa kahor intaan la is la meeldhigin arrimihii waaweynaa ee labada dal is ku hayeen, waayo maalgashigu wuxuu daaran yahay wax-ku-lahaansho, marka dalkaas Itoobiya ee dekado-doonka, heshiis noocaas ah lala galo waxaa ka imaan kara murugsanaan badan. Dal kale ama shirkado meelo kale laga leeyahay waa maalgashaan karaan, Itoobiyana waa loo oggolaan karaa inay adeegsato dekadahaas, canshuuraha iyo khidmadaha adeegyadana iska bixiso. Waxaa kaloo loo oggolaan karaa inay kireysto dekad muddo la yaqaan, waase in kireyntaasi leedahay shuruudo adag, iyadoo laga feejignaanayo in heshiiska noocaas ahi uusan yeelan goldoloolo dhib dambe keeni karta. Ujeeddada looga taxaddaraayo lamacaamilka Itoobiya waa iyadoo waligeed u heellanayd waxyeellayn Soomaaliyeed iyo boobka dhulalkeeda, caddayn ku filanna aan loo hayn inay ka waantowday.  


Tuesday, March 13, 2018

Ganacsi iyo Gumeysi: Soorogaal-Celinta Taariikhda




Related image
Suldaankii Geladiga

 

Odoyaashii Waqooyiga Soomaaliya
The National Archives UK - CO 1069-111-7.jpgRelated image
mid kamid taliyaashii Ingiriiska iyo Suldaan Barqash












Sannadkii 1830-kii baa qeybtii Soomaaliyeed ee waagaas lagu magacaabi jiray Banaadir waxaa ganacsi ahaan u kireystay  Sudlaankii Cummaan, markii dambana waxaa qanadaraaskii la wareegay sannadku markuu ahaa 1860-kii Suldaankii Sansibaar ee la oran jiray Sayyid Majid bin Said_Al-Busaid. Markuu dhintay suldaankaasi waxaa taladii la wareegay Suldaan Barqash oo ina adeerki ahaa. 
Sannadku markuu ahaa 1884-tii waxaa dhulkii Banaadir ka sii kireysatay Suldaankii Sansibaar shirkad Talyaani ahayd oo la oran jiray "Compagnia del Benadir". Waxaa bilawgii maamuli jiray dhulkii Banaadir "Compagnia Filonardi" (1893-96) markii dambana "Società Anonima Commerciale Italiana del Benadir" (1899-1905). Waxaa xigay in dawladdii Talyaanigu la wareegto dhulkii markii hore hab ganacsi taladiisa lagu la wareegay, waxaana loo rogay mustacmarad Sannadkii 1905-tii magaciina waxaa loo beddelay Dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu lahaa “Somalo Italiano”.
Dhanka kale, dhulalka waqooyi ee Soomaaliya waxaa la wareegay Ingiriiska oo isu muujiyay markii hore inuu leeyahay ujeeddo ganacsi, wuxuuna danaynaayay inuu hilib ka helo Dhulalkaas Soomaaliyeed si uu u quudiyo ciidamadiisii fadhiyay Cadan oo markaas u ahayd saldhig ay maraakiibtiisu dhuxusha ka qaadato iyo isagoo ka hor istaagaayay gumeystayaashi kale inay meelahaas ku soo faalalaan. Haddaba, kadib markuu heshiisyo xiriir ahaa la saxiixday odoyaashii qabiilladii Soomaaliyeed ayuu ku dhawaaqay sannadkii 1880-kii in qeybtaas Soomaaliyeed isaga u tahay maxmiyad (Biritish Somali Protectrate). Sannadkii 1905-tii waxaa la hoos geeyay Dhulkaas Soomaaliyeed Xafiiskii Isticmaarka Ingiriiska (Colonial Office). 
Faransiisku wuxuu qabsaday dhulkii ay markaas u yaqaanneen Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiiska (Côte française des Somalis) kadib markii ay heshiisyo ganacsi la galaayeen odoyaashii qabiillada sannadihii 1883-87. Markii dambana wuxuu u rogoy mustacmarad.
Image result for DP World and Ethiopia
DP World, Abyssinia iyo Somaliland (Ganacsi iyo Gumeysi)
Haddaba, waa tii la yiri taariikhdu iyadaa soo rogaal celisee (history repeats itself) dhacdooyinkii bilawday qarnigii 19-aad sow ma soo rogaal celin?
Siyaalaha maanta ka jira geyiga Soomaaliyeed waa is la kuwii oo jilayaashu ka la duwan yihiin. Suldaan Barqash waxaa maanta u taagan suldaannada Carbeed ee gacanka Faaris, odoyaashii Soomaaliyeed ee dhulka kirayn jirayna waxaa u taagan Maamul Gobolyeeda sheegta m/weynayaasha iyo dullaaleydooda.
Nimanka cigaallada leh ee Khaliijka Faaris maahan niman leh istaraatiijiyad ummadeed oo qoto dheer, wuxuuna qorshahooda ku aruursan yahay difaaca madaxnimadooda qofka iyo qoyska ku dhisan, difaacaasna waxay ku laayeen dadweynihii dalalkooda waxayna ku xaalufiyeen dhaqaalihii dadyowgooda. Mar haddaysan dalalkooda iyo dadyowgooda ka naxayn, u ma turayaan ummado iyo dalal kale. Dhinaca kale, waayahaan dambe waxay si muuqata u noqdeen adeegayaasha dawladaha itaalka leh oo ay tooda uga baqayaan, hanti lixaad lehna way ku siiyaan. Qorshahooda silloon oo ay ku la dhaqmayaan dalka Soomaaliya ma laha ujeeddo wanaagsan oo u adeegaysa danahooda fog ama kuwa Soomaaliya ee waa adeegayaal xoogag kale oo dano qoto dheer ka leh geyiga Soomaaliya. Waxaa tusaale wanaagsan u ah UAE iyo DP World-keeda oo beryahaan dambe ku hawllanaa lawareegga dekadaha iyo marsooyinka Soomaaliya iyagoo u maraaya waddooyin sharcidarro ah. Sannadkii 2016-kii wuxuu dakhliga dalkaas UAE ahaa $348.7 bilyan, sannadkii 2013-kiina waxay tirada dadkiisu ahayd 1.4 milyan. Sidaas darteed waa dal ladan, hase yeeshee, waxaa dalka iyo hantidiisaba iska leh qoysas siday doonaan ka yeela, is la markaasna ku kibray dhaqaalahaas badan oo dhawaan soogalka. 
Shirkadda DP World oo uu leeyahay qoyska xukuma ama leh Dubay ee al-Makhtuum u ma baahna dhaqaalaha aadka u yar ee dekadaha Soomaaliya ee waxay ka leeyihiin labo ujeeddo:
1- Maadaama dekadaha Soomaaliya qaar ku yaallaan marin-biyoodka Gacanka Cadmeed/Gacanka Barbar waxay ka istaraatiijaysan yihiin kuwoodda ku yaalla Gacanka Faaris. Waxaa ka loo jirta in ganacsiga uu UAE dalka Soomaaliya la leeyahay uu yahay lambarka 1-aad ama 2-aad markii daldal loo eego. Arrimahaas awgood bay waxay ka baqayaan in haddii Soomaaliya xasisho oo la horumariyo dekadaheeda, in Soomaali ka maarmi doonto dekaadaha UAE is la markaasna dekadaha Soomaaliya tartan culus ku furi doonaan dekadahooda.
2- Waxay adeege u yihiin dalalka itaalka leh oo tartan ku la jira dalal kale sida Turkiga iyo Shiinaha. Sidaas darteed, waxay rabaan inay ka xannibaan marsooyinka Soomaaliya maalgashiga dalalka kale, is la markaasna dh/dhaqaaqooda maamulaan, horumarkoodana hor istaagaan. 
Tan ugu daran, waa inay rabaan inay xoogag kale u adeegsadaan ujeeddooyinkooda halista, waxaana daliil cad u ah, kaqeybgelinta nacabka Soomaaliyeed ee soo jireenka heshiiskii dhawaan ay la galeen Maamul Goboleedka Waqooyi ee Soomaaliya. Heshiiskaas aan la mahadin karin waxaa ka muuqda tusaalaha qatarta ee nimankaas qamiisleyda leh ay u horseedi karaan dalkaan la daalaadhacay dhibabkii badnaa ee la baday. Markii la isu eego heshiiskaas iyo khudbad uu dhawaan ka horjeediyay khuburo Yuhuuda nin la yiraahdo Anwar Cishqi oo lataliye u ah Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku yiri; waa in Soomaaliya iyo Jubuuti la hoos geeyaa dalka Itoobiya, waxaa caddaanaysa qatarta ay nimankaas uunsadaa xanbbaarsan yihiin. Eegey inay cadaw kasta ka daran yihiin, waxay ka doorbideen Soomaali oo 100% muslim ah, Xabashi oo cadaw u ah muslimiinta. Waxayna dan wen u arkaan in muslinka Geeska Afrika la waayo, si iyagu boqorro u sii ahaadaan. Heshiiska Barbarana wuxuu gogolxaar u yahay dhagarta weyn ee Soomaali lagu baabi'inayo, oo waxaa dhici doonta haddii qorshahoodu fulo in maalin la arko Barbara oo dal kale leeyahay.
Laakiin, waxay moog yihiin awoodda qofka Soomaaliga ee dhaladka oo is ka la hanweyn qof kastoo kale, balse sida uu ku qoray Gerald Hanley buuggiisii: Warriors, Life and Death Among Somalis, isu qaba inuu u dhigmo 2 qof oo caddaanka isu la sarreeya dadka ah, wuxuu ka loo qoray: isirrada Afrika oo idil ma Jiri karo mid la-noolaansho uga fiicnaan kara, kan ugu dhib badan, ugu qab weyn, ugu geesisan, ugu daran, ugu naxariisdaran, ugu saaxiibsan, waa Soomaaliga e (but all races of Africa there cannot be one better to live among than the most difficult, the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest; the Somali). Wuxuu ka loo qoray: waligay ma arag qof Soomaali ah oo dhimasho ka cabsanaaya si kastaba ha ugu muuqato mid yaab lehe, waxay xanbbaarsan tahay adadayg iyo darnaan is weheliya. haddii aadan dhimasho ka cabsanayn qof kalana dhimasho uga cabsan maysid, ogoobey, cabsila'aantaasi waxay mar walba door u ahayd Soomaaliga kaas oo isku daya inuu u adkaysto gaajada, oonka iyo jirrada inta uu ka la dagaallamaayo cadawgiisa (I neve saw a Somali who showed any fear of death, which impressive though it sounds, carries within it the chill of pitilessness and ferocity as well. If you have no fear of death you have none for any body else's either, but that fearlessness has always essential to the Somalis who have had to try and survive hunger, disease and thirsty while prepared to fight their enemies)..Wuxuu ka loo qoray: ma qabaan cuqdadda hoosaynta, ku ma dhaygagaan siyaalaha ninka cad, ka ma baqaan hubka saraakiishiisa. Waa isir haddii in la jeclaado adag tahay ay tahay in la ixtiraamo (they have no inferiority complexes, no wide-eyed of the white man's ways, and no fear of him, of his guns of his official anger. They are a race to be admired, if hard to love).
Waxayse ogeyn inuu qofka Soomaaliga uu qaayibsan yahay tixdii Sayid Max'd Cabdulle Xasan uu Carabta ka tiriyay markuu ku jiray halgankii dheeraa taas oo ahayd: 
Waa calako meel yuurutiyo, cunug aan weynaane....
Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage
              

Wednesday, December 20, 2017

ISIRKA CARBEED



Image result for sultan qaboos
Suldaan Qaabuus (wajiga Carabtii Asalka


       ISIRKA CARBEED

Erayga Carab (Arab) wuxuu Afka Arameyga ku yahay; Kuwii Lama-Degaanka Degganaa” ama Saxaaraha Degganaa. Waxaa isirka Carbeed laga dhigaa seddex qeybood:
      Carabtii Hore عرب بائدة: waa halka
erayga"Badaw" ka soo jeedo, waxaana la leeyahay way tirmeen. Waxaa kamid ahaa qolooyinkii; Caad (عاد), Samuud/Salmud (ثمود), Waaweynkii (العماليق), Dhasam(طسم) , Judays(جديس), Umaym(أميم), Cubayl(العبيل) iyo Wabaar (وبار). Qolooyinkaasi waxay degganaayeen Jasiiradda Carabta waayo aad u fog.
      Carabtii Asalka (Carab al Caariba (العرب العاربة); waxaa ka loo loogu yeeraa Reer Qaxdaan, waxaana kamid ahaa qeybihii Reer Qaxdaan: Kahlaan oo ahaa ina Saba’ Yash-jub Qaxdaan iyo Xumayr oo ahaa walaalkii Kahlaan.

Waxaa “Kuush” la oran jiray dhulalkii u dhaxeeyay Koonfurtii Misobateemiya ee dhanka Waqooyi iyo Faafka (basin) Wabiga Niilka Cad oo dhanka Koonfureeda, oo ay ku jiraan labada daan ee Badda Cas iyo labada daan ee Gacanka Cadmeed. Tan iyo waayo hore, farqi baa u dhaxeeyay dadyowgii dagganaa dhanka Waqooyi ee Jasiiradda Carabta iyo kuwii dagganaa Koonfurta oo ah dad Reer Kuush Xaam ahaa, waxaana kamid ahaa qolooyinkii daganaa Koonfurta Jasiiradda Carbeed: Seba, Havilah, Sabtah, Ra'mah, Sabtekha, Sheba iyo Dedan. Haddaba, dadka maanta loo yaqaan Carab, dhaladkoodu waa kuwii ku abtirsan jiray Kuush ina Xaam, waxaase muddo dheer labaayay dadyow Reer Saam ahaa oo dhulalkooda u soo dallaabaayay.
(a) Carabtii La Carabeeyay (Al-Carab Al-Mustacriba العرب المستعربة ): waxaa ka loo la yiraahdaa; Al-Cadnaaniyuun. Carabtaan wuxuu abtirsigoodu ku arooraa Nabi Ismaaciil (CS) Ibnu Ibraahim (CS), asal ahaanna Nabi Ibraahim wuxuu ka soo jeeday Uur oo ku taal dalka Ciraaq, wuxuuna u dhashay isirkii Al-Kuldaan (Chaldeansالكلدان).
    Waayadii ay taagyaraysay Boqortooyadii Baabilooniya ee ku hadli jirtay afkii Reer Saamkii Bari, ayaa qolooyin ku hadli jiray afkii Reer Saamkii Galbeed aagga soo dagayeen laga soo bilaabo qarnigii 11aad Dhalashada Masiixiga Kahor, waxaana kamid ahaa qoladii Kuldaan ee uu u dhashay Nabi Ibraahim (CS).
Sida lagu xuso sooyaal-diimeedka, Nabi Ibraahim wuxuu geeyay wiilkiisii Ismaaciil iyo hoyadiis oo la oran jiray Haajir meesha hadda Kabacadu tahay, wuuna uga tagay, kadibna waxaa wiilkii barbaariyay qabiilkii Jurhum ee il-biyoodkii Samsam soo kordagay, markuu korayna waxay u guuriyeen gabar la oran jiray Raala bintu Mudad bin Caamir bin Jurhum. Carruurtii ka firtay labadaas waalid baa noqday Carabta la yiraahdo kuwii-la-carabeeyay ama la yiraahdo Cadnaaniin (Cadnaan waa mid, kamid ahaa dhashii uu Nabi Ismaaciil abkowga u ahaa oo haddana ahaa absaxankii Nabi Max’d 'CSWS').
(b) Waxaa ka loo soo galaaya Carabtii la carabeeyay, dadyowga daggan Masar, Shaam, iyo dadyowga daggan Waqooyiga Afrika. Kuwaas oo caraboobay waayadii Kacaankii Weynaa ee Islaamku ku baahay aagaggay degganaayeen.
   Sida lagu xusay Bibliotheca Historica ee uu qoray Diodorus/kii Sishili iyo Geography ee uu qoray Strabo, Jasiiradda Carabta (Arab Peninsula) waxaa loo baxshay magacaas qarnigii kowaad Masiixiga Hortiis (MH). Muddadaas kahor ma jirin magac wada kulmiya dhulalkaas ee mid walba waxay lahayd magac u gaar ah, sida Saba’, Ximyar iwm.
Qoraalladii Reer Ashuur (Assyrian records) markay ka hadlayeen qabsashadii Boqorkii Asarhaddoon dhanka waqooyi ee Jasiiradda Carabta, waxaa lagu xusay magacyada Kûsh iyo Mušuri (Reer Masar).
Sidaas darteed, qolooyinkii ku noolaa Jasiiradda Carabta la ma oran karo hal isir bay ahaayeen, balse waxaa la oran karaa isirro is ku dhafmay:
A-  Dadkii Koonfurta Jasiiradda: wuxuu asalkoodu ahaa Reer Kuush, waxayna is ku qolo ahaayeen, dadkii ku noola xeebaha Soomaaliya ee ku foorara Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Badda Cas ee Afrikada Bari. Sheekooyinkii hore, waxaa lagu xusay in dadkaas degganaa dhanka Koonfureed ee Jasiiradda Carbeed ee Reer Kuush ka tirsanaa ay sameeyeen ilbaxnimo lagu magacaabi jiray Sabtan, waxaana caasumad u ahayd Shabwah. Sida lagu xusay sheekooyinkii Boqorradii Ashuur (Tiglat-Pileser III, Sargon II iyo Sennakherib) waxay dadkii Reer Midyan ee degganaa dhanka waqooyi ee Jasiiradda qaayibeen dhaqammadii ay caanka ku ahaayeen Reer Kuush ee ahaa in haween boqorro u noqdaan, waxaana kamid ahaa boqorradaas dumarka ahaa: Zabibi, Shamsi, Te'elkhinu, Yati'ah, Tabu'wa, Yapa'a and Bashi. Qoraalladii Reer Ashuur waxaa dhulkii ay degganaayeen Reer Midyan lagu magacaabay Kuush.
B-  Marka la tixraaco qoraalladii Yuhuudda, waxaa markii ugu horreysay erayga “Carab” loo adeegsaday Nabadiyiintii (Nabateans) kuwaas oo degi jiray miyiga Bairga Falastiin, waxaana sidaas ku raacay taariikh-yahannadii xilliyadii Roomaanka, sida Strabo iyo Josephus.
Carabtii degganayd dhanka Waqooyi-Galbeed ee Jasiiradda oo ku abtirsan jirtay Nabi Ismaaciil (CS) waxay samaysay boqortooyin, halka kuwii is la iyaga ahaa ee degganaa dhanka Koonfur-Bari ay xagsadeen dhaqankii abtiyaashood; Reer Kuush, waxaana ugu fooladsanaa qolooyinkaas Qiidar. Carabtii degganayd dhankaan Waqooyi, waxay si joogta uga siqayeen dhaqankoodii Kuushiga ahaa, iyagoo ka la guursanaayay Aramiyiintii aagga degganayd, waxaana sidaas ku abuurmay bulshooyin cusub sida Kuwo Suuriyiin ah. Waxay sidoo kale Carabtaasi ugu milmaysay dadyowgii Reer Saam ee iyana aagga wax ka degganaa. Halkaan waxaa ka abuurmay Afka Carabiga, oo hubaashii asal ahaan Aramey ka soo jeeda.

C-  Carabtii degganayd Bartamaha Carabiya, qarniyaal bay ka madax-bannaanayd boqortooyinkii Koonfurta iy boqortooyinkii hab-qoleedka ku dhisnaa ee Waqooyiga, waxayna xagsatay dhaqankeedii Reer Kuush. Dhulkay degganayd Carabtaan, wuxuu u ahaa marin dhinacyada kale. Safarradii Xijiga ee ka tagi jiray Yeman waxay sii mari jireen Midyan oo deegaan ahaan xigtay Badda Cas.
    Boqortooyinkii Yemaneed dan ka ma yeelan dhulalkii bartamaha ee Jasiiradda, kuwii Saba’na iyagu waxay ahaayeen badmareenno maahiriin ah oo badaha ku adeegta, wuxuuna ganacsigoodu gaari jiray ilaa Misobataamiya, waxayna deegaanno ka samaysteen dhammaan Xeebaha Bariga Afrika.  
Markii ay burburtay Boqortooyadii Baabiloon, waxay Nabadiyiintii la falgaleen Beershiya iyo Giriig, waxayna joogto ugu siqayeen dhanka Waqooyi-Galbeed. Waxay mileen qolooyinkii Edomites, Moabites, Ammonites iyo qolooyin Aramean ahaa. Arrintaasi waxay xoojisay magacii aagaggaas Carabi ku lahayd.

Gunaanad:
Dadka la siiyay magaca 'Carab', asal ahaan waxay ahaayeen Reer Kuush Xaam, waxayna bilawgii degeen Koonfurta Jasiiradda Carabta, sida dhulalka Yeman iyo Cummaan-ta maanta. Carabtii Hore, ku ma hadli jirin Afka Carabiga ee maanta aan naqaan, waayo Afka Carabigu marar dambe ayuu ka soo dhambalmay Afkii Arameyga oo Saami ahaa, wuxuuna la bah yahay afafka sida; Ge’ez iyo Axmaari. Dhanka kale, dadyowga maanta loo yaqaan Carab maahan ummad isku isir ah, waayo sideedaba erayga "Carab" qolo maahan ee waa deegaan; saxaare.  








Thursday, November 16, 2017

Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews)


Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews)
Image result for ancient Al Saudi Family

Sannadkii 851-dii H.D (Hijriyada Kadib) baa koox raga oo ka soo jeedday qoladii AL MASALEEKH (المساليخ ), oo ahayd jifo ka tirsanayd Qabiilkii Cansa (Anza Tribe عنزة), safar ku aadday Ciraaq si ay waxyaalaha la cuno sida qamaddi iyo galley uga soo gataan, kadibna ku soo noqdaan meeshay ka tageen oo ahayd Najad oo hadda ka tirsan dalka Sacuudi Carabia. Kooxda waxaa hoggaaminaayay nin la oran jiray SAHMI BIN HATHLOOL سهمي بن هذلول. Safarkii markuu gaaray Basra, waxay xubnihii safarku la kulmeen nin ganacsade ahaa oo Yuhuudi ahaa lana oran jiray MORDAKHAI BIN IBRAHIM BIN MOSHE'. Intii ay badeecadii gorgorinaayeen baa ganacsadihii Yuhuudka ahaa weyddiiyay nimankii: “Xaggee ka timaaddeen? Waxay ku jawaabeen: "Waxaan ka soo jeednaa Qabiilka Cansa; oo ah jifo kamida AL MASALEEKH. "Ninkii Yuhuudka ahaa markuu maqlay intaas buu si beerqaad leh mid walba oo raggii ah gaaddada u saaray isagoo leh, aniguba waxaan ka soo jeedaa jifo ka tirsan AL MASALEEKH, waxaana Barsa i keenay xasarad dhexmartay qoyskii aabbahay iyo qoys ka tirsanaa Cansa (Anza). 
 Kadib markuu ku jalbeebiyay raggii sheekadii beenabuurka ahayd, buu shaqaalihiisii amray inay awrtii nimanku wateen uga buuxshaan qamaddi, timir iyo tammaan; raggii ka soo jeeday qabiilkii MASALEEKH waxay ka yaabeen deeqsinadii ninkii, waxayna rumaysteen eray kasta oo afkiisii ka soo baxay, waxayna u qaateen ina adeerkood in ay Basra ugu yimaadeen. 
Markuu safarkii u ambabaxaayay Najad buu ninkii Yuhuudka ahaa weyddiiyay nimankii safarka ahaa, inuu raaci karo si uu u soo arko dhulkii uu ka soo jeeday. Nimankii markay intaas maqleen bay iyagoo ku faraxsan aad u soo dhaweeyeen soojeedintii Yuhuudkii is qarinaayay. 
Sidaas darteed, ninkii Yuhuudka ahaa ee is qarinaayay wuxuu gaaray Najad isagoo la socda safarkii. Markii Najad uu tagay, ninkii isagoo adeegsanaaya raggii la socday wuxuu bilaabay dicaayado isaga ku saabsanaa. Arrintaasi waxay keentay inuu helo tiro dada oo taageerta; laakiin, si la ma filaana ayaa waxaa olole diidda ah uga horkeenay SHEIKH SALEH SALMAN ABDULLA AL TAMIMI الشيخ صالح سلمان عبد الله التميميالدرعية, oo ahayd magaalo u dhow AL QATEEF القطيف
Si uu u meelmariyo qorshihiisii, wuxuu bilaabay inuu xiriirro la sameeyo Carabtii reer miyiga ahayd ee saxaraha degganayd, wuxuuna markii dambe sheegtay inuu iyaga boqor u yahay! 
Markay arrintu halkaas maraysay, bay labadii qolo ee ka la ahaa AJAMAN عجمان iyo BANU KHALED ogaadeen dhagartii uu maleegaayay Yuhuudku, kadib markay hubiyeen haybtiisii bay weerar ku qaadeen magaaladiisii-na way qabsadeen, waxaase si dirqi ah ku baxsaday ninkii Yuhuudka ahaa. 
Absaxankii Qoyska Sacuudiga, (MORDAKHAY), cararkii wuxuu ku tagay beer markaas la oran jiray AL-MALIBEED-GHUSAIBA المليبيد غصيبة oo u dhaweyd AL-ARID العريض, taas oo aan waayahaan u naqaan: AL-RIYADH الرياض 
Wuxuu ka codsaday ninkii lahaa beertaas inuu nabadgelyo iyo gabbaad siiyo. Ninkii beerta lahaa oo martigelinta ku wanaagsanaa is la markiiba wuxuu siiyay gabbaad. Laakiin Yuhuudkii (MORDAKHAI), muddo aan hal bil ka badnayn markuu beertii joogay, buu dilay ninkii beerta lahaa iyo dhammaan qoyskiisii, wuxuuna ka dhigay inay arrinta ka dambeeyeen burcad soo weerartay beertii. Wuxuu ka loo isu muujiyay inuu beerta gatay kahor intaysan dhibaatadu dhicin! Sidaas darteedna, uu gar u leeyahay inuu dego meesha marba hadduu noqday hantiilihii dhulka. Markaas kadib, wuxuu meeshii u bixiyay magac cusub oo ahaa AL-DIR'IYA – oo ahaa is la magicii meeshii hore looga qaaday. 
Absaxankii Qoyska Sacuudiga (MORDAKHAY), wuxuu si dhoqso ah uga  sameeyay dhulkii uu dhacay "Guriga Martida" oo uu ugu yeeray "MADAFFA", wuxuuna is ku hareereeyay kooxo munaafiqiin ah oo u fidinaayay inuu yahay shiikh Carbeed oo door ah. Wuxuu maleegay dhagar kadhan ahayd Shiikh SALEH SALMAN ABDULLA AL TAMIMI, oo cadawgiisii asalka ahaa, waxayna arrintaasi sababtay in shiikhii lagu dilo magaalo la oran jiray (AL-ZALAFI). 
Markay sidaasi dhacday, wuxuu dareemay ammaan wuxuuna ku xasilay (AL-DIR’IYA) oo uu ka dhigtay hoygiisii joogtada ahaa. Halkaas buu ku guursaday naago tiro badan, wuxuuna dhalay carruur badan oo uu u la baxay magacyo Carbeed. Mid ka mida wiilashii uu dhalay MORDAKHAY oo loo bixiyay AL-MAQARAAN, waxaa laga soo carabeeyay magacii Yuhuudeed ee (MACK-REN) wuxuuna dhalay wiil loo baxshay Maxammad, kadibna wiil kale oo la oran jiray Sacuud, waana midkaan dambe kan hadda ay wadato Boqortooyada Sacuudigu. 
Cabdicasiis-kii yagleelay boqortooyada Sacuudiga ee maanta wuxuu abtirsigiisu ahaa: Cabdicasiis Ibnu Cabdiraxmaan Ibnu Faysal Ibnu Turki Ibnu Cabdalla Ibnu Maxammad Ibnu Sacuud Ibnu Al Maqaraan Ibnu Mordakhay.
Firkii Sacuud waxay joogto u wadeen dilista hoggaamiyaashii Qolooyinkii Carbeed ee dhulka degganaa iyagoo ku andacoonaayay inay murtaddiin noqdeen; oo ay noqdeen kuwo ka noqday Diintii Islaamka, kana fogaadeen Qur’aankii Eebbe, sidaas darteedna u mutaysteen gawrac! 
Buugga Taariikheedka la yiraahdo SAUDI FAMILY  bogagga (98-101), taariikhyahanku wuxuu ku caddeeyay in Qoyska Boqortooyada Sacuudigu uu u arko dadka deggan Najad inuu yahay mid dhaleeceeya diinta; sidaas darteedna ay tahay in dhiiggooda la daadsho hantidooda la dhaco, dumarkoodana la yeesho oo la is ka saarto; waxay rumaysan yihiin inuusan qofku ahayn muslim dhab ah ilaa uu raaco ama qaato fikirkii MOHAMMAD BIN ABDUL WAHAB, (kaas laf ahaantiisu ka soo jeeday Yuhuuddii Turkiga.) Mabda’a ninkaasi wuxuu daw u siinayaa Qoyska Sacuudigu inay dilaan labka tuulooyinka iyo magaalooyinka nin iyo wiilba iyo inay u galmoodaan dumarkooda; dooxaan dumarka uurka leh; gacmaha ka jaraan carruurtooda, kadibna gubaan! Waxaa ka loo u dheer iyagoo u arka inay gar u leeyihiin boobitaanka hantida dadka ay ugu yeeraan murtaddiin, waa kuwa aan raacin dariiqada Wahaabiyada e. 
Qoyskooda Yuhuudiga ahi wuxuu sameeyay falal aad u xunxun iyagoo cuskanaaya dariiqadaan qaldan ee Wahaabiga oo dhab ahaantii ah mid Yuhuuddu hindistay si ay argagax ugu beeraan degmooyinka muslimka. Boqortooyadaan Yuhuudda waxay sameynaysay tan iyo 1163 H.D gaboodfallo baahsan. Waxay ugu magacdartay Jasiirad-La-Moodda Carbeed magacii qoyskooda Sacuudi, sidii iyadoo gobolkoo dhan yahay hanti maguurta ah oo ay iyagu si gaara u leeyihiin, iyo iyadoo aad mooddo in dadka dhulka deggan dhammaanti yahay adeegayaashooda ama addoontooda, oo har iyo hameyn ku hawllan raalligelinta iyo u-raaxaynta madaxdooda (Qoyska Sacuudiga). 
Waxay si dhammaystiran u haystaan hantidii dabiiciga ahayd ee dalka sidii iyadoo ah hanti gaara oo ay iyagu leeyihiin. Haddii qof saboola oo ka tirsan dadweynaha dhulka leh uu codkiisa kor u qaado isagoo ka cabanaaya xeerarka qoyskaan Yuhuudiga, waxay Boqortooyadu qofkaas madaxa uga jaraysaa meel fagaara. Gabar Reer Boqorkooda ayaa waa safar ku timid FLORIDA, USA, iyadoo xaashiyaddeedu weheliso; waxay kireysatay qeyb ka kooban 90 qol oo tirsanaa Grand Hotel oo ay ku kireysatay hal malyan doollar hameynkii! Qof kamida dadweynaha ay xukumaan wax ma ka sheegi karaa xoolahaas lagu ciyaaraayo? Haddii qof is ku dayo inuu ku dhiirrado wax-kasheegga arrinkaas lab iyo dheddig kuu yahayba waxaa hubaal ah in masiirkiisu yahay; qoorta oo looga jaro goob fagaara iyadoo la adeegsanaayo Seefta Sacuudiga ee afka badan!!!!!! 
Caddaynta in Qoyska Sacuudigu absaxan ahaan ka soo jeedo Yuhuud:
1960-kii war uu siiddaayay Raadiye Sawtul Al Carab ee Qaahira (Masar) iyo Raadiyihii Warbaahinta Yaman ee Sanca baa xaqiijiyay inuu Qoyska Sacuudigu ku abtirsado Yuhuud. 
Boqor Faysal Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud baa ku caddeeyay isirkiisa wargeyska WASHINGTON POST Bishii 9-aad ee 1969-kii isagoo leh “Annagoo ah Qoyska Sacuudiga, waxaan nahay ilma-adeerkii Yuhuudda: ka ma oggolaanayno Talis Carbeed ama mid Muslima colaadinta Yuhuudda; waa inaan si nabada u la noolaannaa. Wuxuu ka loo yiri dalkayagu waa goobtii kowaad ee uu Yuhuudigu ka soo ifbaxday, dunidana uga fidday!!!!! 
HAFEZ WAHBIحافظ وهبي , oo ahaa Lataliyihii Sharciga ee Sacuudiga ayaa ku sheegay buuggiisii: "THE PENINSULA OF ARABIA شبه الجزيرة العربية" in Boqor Cabdicasiis Al Sacuud oo dhintay 1953-dii uu mar yiri: “Dhambaal-kayagii (Dhambaalkii Reer Sacuud” baa waxaa ka horyimid dhammaan Qabiilladii Carbeed. Markaas kadib baa Sacuud xiray odoyo ka soo jeeday Qoladii MATHEER قبيلة ماثير; markii koox kale oo is la qabiilkii ahi u yimaadeen si ay odayadoodii xabsiga uga siiddaayaan, Sacuud-kii Kowaad wuxuu amray in maxaabbiistii dhammaan madaxyada laga jaro, kadibna Sacuud wuxuu kuwii ergada ahaa ku martiqaaday hilbihii duqeydoodii la laayay oo la soo kariyay oo ay madaxyadii dusha ka saaran yihiin!! Ergadii way argagaxday waxayna diideen inay cunaan hilbihii xigtadoodii la jaray, kadib Sacuud wuxuu amray in iyagana madaxyada laga wada jaro. Dambigaas weyn ee laga galay dadkii dhulka waxaa sabab u ahaa diidmadii xeerarkii arxandarrada ahaa ee uu boqorkii is caleemasaaray la yimid. 
HAFEZ WAHBI حافظ وهبي, wuxuu xusay in markii uu Boqor Cabdicasiis sheekadaas marinaayay uu la hadlaayay ergo odoyaala oo ka socotay Qabiilkii MATHEER, oo boqorka ugu yimid duqoodii sare oo la oran jiray FAISAL AL DARWEESH, oo markaas boqorka u xirnaa. Wuxuu sheekadaas ergada ugu sheegay si ay uga quustaan ergayntay wadeen ama sidii awoowgiis, awoowayaashood u galay uu u geli doono. Cabdicasiis wuu dilay Duqii Faysal A Darwiish, dhiiggiisiina wuu ku weysaystay. Dambiga kaliya oo uu markaas galay Faysal Al Darwiish wuxuu ahaa, in uu wax ka sheegay warqad uu Boqor Cabdicasiis u saxiixay Ingiriiska taas oo ku saabsanayd dejintii Yuhuudda Dhulka Falastiin. Boqor Cabdicasiis warqaddaas wuxuu ku saxiixay AL AQEER العقير sannadkii 1922-dii. 
Dhaqankaas diin walba, xeer walba iyo hab-dhaqan kastaba ku xun baa Soomaaliya loo soo raray, loogana dhigay diintii ay dhawr iyo tobanka qarni rumaysnaayeen oo la saxay. Waxaase dhab ah, in waxa la keenay Soomaaliya oo ilaa maanta lagu xasuuqaayo ummaddii muslimka ahayd uu yahay dhagar nacabkii islaamku maleegay oo loo la dan leeyahay habaabinta iyo burburinta diintii xaniifka ahayd.

Tixraac:
Abdulaziz Saud 

The Journal of History - 2010 by News

Friday, October 20, 2017

Ban-Balaayo iyo Baasabuur Mar Uun Maahayn


Ban-Balaayo iyo Baasabuur Mar Uun Maahayn
Image result for galaalImage result for Mahad Salaad

 Image result for fiqi

Koofiyad-Dhuuub

Sannadkii 1963 waxaa meesha la yiraahdo Xodayo lagu aasaasay Ururkii OLF oo markaas guddoomiye loogu doortay halgamaa Makhtal Daahir. Dhaqdhaqaasi wuxuu u halgamaayay xorayntii Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden). Gumeystihii madoobaa ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Xayle Salaase wuxuu u hawlgalay siduu uga hortagi lahaa kacdoonkaas waddaniga ahaa, wuxuuna u abuuray maleeshiyaad wax qarbuda ama waxyeello u geysta Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee curdanka ahayd iyo dadyowgii Soomaali Galbeed ee gunnimada diiddanaa. Maleeshiyaadkaas waxaa hoggaamiyay dhagarqabe Max’d Cabdille Ciyow, waxaana kaalmaynaayay saraakiishii Amxaarada ee Harar saldhigga u ahayd. Waxaa kaloo sida la wariyay si qarsoodi ah u la shaqaynaaya L/xiddigle Maxammad Nuur Galaal oo markaas ahaa madaxii Warddoonka Qeybtii 26-aad ee XDS.

Koofiyad-Dhuub, waxay weerarro gaadmo iyo dooxato ah ku qaadeen reerihii ku teedsanaa Wabiga Shabeelle iyo kuwii ku teedsanaa seere-beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Anigaan qoray erayadaan, waxaan xusuustaa abbaaraha 1965-tii annagoo dugsiley ah oo seexanna dugsiga si arroor hore aan uu bilawno barashadii qur’aanka, iyadoo 1-dii hameynnimo aan ku toosno rasaas ku hoobanaysa dugsigii aan jiifnay, waa markii iigu horreysay oo aan maqlo dhawaaqa rasaas badan, waxayna ii la ekayd galley la qaloomaayo. Waxaan xusuustaa rasaastii oo looxaantii qur’aanka aan ku baran jirnay jajabinaysa oo faniininaysa. Macallin Aadan (AUN) ayaa na amray inaan yaacno, waxaanna u yaacnay duurka. Carruur da’hoodu ay inta badan ka yareyd 10 sano baan ahayn, sidaas darteed, argagax weyn baa nagu dhacay, ilaa maantana marmar baan ku riyoodaa oo ku soo toosaa. Dhibkii ay hameynkaas Koofiyad-Dhuub geysatay waxaa ugu darnaa halkii ceel-biyood ee tuulada oo ay qarribeen iyadoo waliba xilligu jiilaal kulul ahaa.

Waxay Koofiyad-Dhuub hooyo u ahayd ururkii USC ee 1991-dii burburiyay dawladnimadii Soomaaliya, waxaana taageersanaa is la qolooyinkii taageeray USC-dii ba’a iyo hoogga horseedday.

Waxaa nasiib-darro weyn ah in uu wali garaadkii Koofiyad-Dhuub iyo USC irmaan yahay oo uu wali sidii wax u arko, waxaana tusaale u ah Fiqi/gii dhawaan ku tookhaayay balaayadii dhacday 1991-dii iyo Koofiyad-Dhuub Mahad Salaadka mar walba u taagan waxyeellaynta ama dhaleecaynta Xukuumadda Soomaaliyeed ee dalandalka.

Friday, September 8, 2017

Gobolka Soomaali Galbeed (Ogadeen)


Image result for ogaden region ethiopia


Waxaa maalin kahor ka soo baxay Golaha Wasiirrada ee DFS go’aan ay xukuumaddu ku qiratay dhiibaalkii Halgamaa C/kariim Sh. Muuse (Qalbidhagax). Go’aankaasi sinnaba u ma waafaqsana shareecada islaamka iyo xeerarka kalee aadanaha. Wuxuu gef ku yahay Sharciga Guud (Distuurka) Soomaaliya, waayo in qof Soomaali u dhashay loo dhiibo dal kaloo la og yahay dhibabka uu ka la kulmaayo meelna ku ma qorna, sharcigana waxaa sidiisaba loogu talagalay inuu tixraac ahaado ama si kale haddaan u dhahno in lagu kala garto waxa habboon iyo waxa aan habboonayn. Waxaa kaloo gef ah, in ra’yi/dan qof leeyahay ama koox leedahay wax lagu guddoonsho.
Gobolka Soomaali Galbeed waa qeyb kamida dhulalkii Soomaaliyeed ee loo asteeyay xiddigta 5 geesoodka oo odoyaashii noo gundhigay Dawlad Qarameedka Soomaaliyeed ay sameeyeen. Waa gobolkii kumannaan Soomaaliya ay u hureen naftoodii. Waa gobolka halbeegga u ah tixda iyo tiraabta Afsoomaaliga. Waa gobolka ay ka soo jeedeen halyeyo badan oo u taagnaa magaca Ummadda Soomaaliyeed. 
Marka loo dhaqmo sida qaabkii loo maareeyay arrinkii Qalbidhagax, waxay noqonaysaa in laga haray hankii weynaa iyo in la furfuray xargihii isu hayay bulshoweynta Soomaaliyeed, waxaana ka imaan kara arrintaan khasaare aad u weyn oo saaban kara dhinac walba oo Soomaali deggan tahay. 
Dhanka kale, loollankii soojirenka ahaa ee ka dhaxeeyay Soomaali iyo Xabashi oo bilawday qarnigii 13aad, Soomaali ma bilaabin ee waxaa waligeed duullaan ahaa Xabashi, waxayna ololaha ka soo bilawday Aqsum iyo buuraha Amxaara. Ololaha colaadeed ee ku wajahan Soomaali ku ma eka gobolka Soomaali Galbeed ee higsigiisu waa ilaa Xeebaha Soomaaliya, waxaana u daliila sidaas inay arrintu ka tahay xaggeeda; Addis Ababa (Buurtii Etete) iyo Shimbira Kore-ba mar baa Soomaali degi jirtay. Sidoo kale Harar oo ay Xabashidu qabsatay 1887 iyo Jigjiga oo ay qabsatay 1897 ku may ekaan ee waxay u soo gudubtay qabsashadii Dhulkii Hawd 1948 iyo Dhulkii Keydka ahaa 1954. 
Haddaba taariikhdaa wax lagu beegaaye, ragga sida Goodax iyo Jeesow oo dhawaan warbaahinta ka lahaa hadallo aan milgo lahayn, dib ha ugu noqdeen casharrada taariikhda, hana fahmaan hadday hab-qoleed u fakarayaan inaysan reerahoodu gaar u badbaadayn.
Waxaa ka loo jira dad ku dooda in Jabhadda ONLF tahay jabhad qolo leedahay. Xitaa hadday sidaas tahay sow qoladu Soomaali maahan, oo sow hadday qolodaasi u istaagtay xoraynta qeyb Soomaaliyeed, ma mudna hiillo iyo bogaadin?
Hadday Soomaali u midowdo danteeda iyo cadawgeed cidna ka ma adkaan karto, sidoo kale hadday meel uga soo wada jeensato maangaabka iyo danaystaha, waa hubaal inay guusha haleelayso. 
Waa in Soomaali ogaataa inay cadaw leedahay aan meel ku hakanayn. Waa inay ogaataa inuusan cadawgaasi qolo ama gobol gooniya u naxariisanayn
Haddaba xukuumaddu waa inay is nadiifisaa ama is huftaa illeen qalwo dabacaddeeye ku jiro waxaruhu ku ma xasilaane, shacabkuna waa inuu taageeraa xukuumaddiisa socodbaradka, waana inuusan ka filan awood aysan lahayn. Soomaali maanta xoog aysan hore u lahayn bay leedahay, kaliya waxay u baahan tahay abaabul iyo hoggaan hal adag.....Caku hoggaamiye jilicsan...Caku hoggaamiye aan hal caddayn.
Waxaan ku soo gunaanadayaa oraahdii Richard Nixon: 
Qofka marka la jabiyo laga ma adkaan ee markuu is dhiibaa laga adkaaday