Friday, July 1, 2016

Sidii Ay Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya (laga soo minguuriyay xog laga helay W.A. Dibedda ee Itoobiya)

Sidii Ay Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya

Waxaa laga soo minguuriyay oo laga soo afnaqay, xogo qarsoodi hore u ahaa oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, uuna dhawaan soo bandhigay sarkaal Itoobiyaan-ihi




Sookoobid
Markii Siyaad Barre ku duulay Itoobiya 1977-dii,
 waxay xukuumaddii millatariga ahayd ee Dergigu
 meelmarisay siyaasado looga dan lahaa wiiqitaankii
 iyo kaladaadintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya. 
Qorshuhu ma wada ahayn nadiif laakiin wuxuu ku 
salaysnaa barnaamijyo kahortaga oo markii hore uu 
dajiyay maamulkii boqortooyada ee Xayle Salaase. 
Jabkii ciidammadii Soomaaliya ka soo gaaray
 dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) wuxuu

 xanbaarsanaa ifafaalayaal muujinaayay burburkii
 dawladdii Soomaaliyeed iyo wiiqitaankii awooddii
 Siyaad Barre, laakiin burburintii Soomaaliya waxay
 ka loo burburisay Geeska Afrika dhammaantiis. Maqaalkaani wuxuu xusayaa jawaabtii Itoobiya ka bixisay kacdoommadii Soomaalida, gaar ahaan, wuxuu xoogga saarayaa hawlgalladii Dergigu sameeyay si loo joojiyo tillaabooyinkii halista ahaa ee Soomaaliya. Xogo hore qarsoodi u ahaa oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya baa falanqayntaan ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda ee Itoobiya loo adeegsaday.
Xiriirkii Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid murugsan oo dhibab xanbaarsan tan iyo markii ay midoobeen labadii qeybood ee Soomaalidii Ingiriiska hoos joogtay iyo tii Talyaaniga hoos joogtay 1960-kii. Inta badan xiisadaha iyo afgaranwaaga waxaa keenayay Soomaliya oo rabtay inay midayso qeybihii dhulalka Soomaalida loo qeybshay iyo Itoobiya oo ay ka go’nayd inay ka hortagto halista arrintaani u leedahay: siyaalihii Soomaaliya doonaysay hadday hirgalaan waxay Itoobiya waayi lahayd 1/5 (shan meeleedow hal meel dhulka Itoobiya).
Siyaasadihii Itoobiya ee ka dhanka ahaa Soomaaliya waxay dhammaantood ku salaysnaayeen arrintii Soomaali Weyn. Soomaaliya ku ma qancin oggolaanshihii ay Itoobiya oggolaatay midayntii labadii qeybood iyo yagleeliddii Jumhuuriyaddii Soomaaliya 1960-kii iyo qoraalladii lagu habeynaayay seerayaashii Jumhuuriyaddii cusbayd, waxna ka ma beddelin colaadihii Soomaalida ee kadhanka ahaa Itoobiya. Kadib 1960-kii waxay Soomaalidu bilawday weerarro xagga diblomaasiyadda oo ay ku doonaysay dhulalkeedii maqnaa, waxayna taasi sii xumaysay xiriirradii labada dal. Iskudhacyadii 1960-aadkii ee xuduudka ee soo noqnoqday, iyo dicaayadihii kululaa ee kadhanka ahaa Itoobiya ee Muqdishow laga baahinaayay, waxay caddeeyeen mawqifyada kamadambaysta ee siyaasiyiintii Soomaaliya. Waxay ka loo xukuumaddii Muqdishow soo dhaweysay kooxo mucaarad ku ahaa Itoobiya, waxayna si cad u la safatay dagaal-yahannadii xornimo-doonka ahaa ee Erratariya iyo Tigrey – kuwaan dambe waxay cadaadis joogta ahaa uga hayeen Itoobiya dhanka waqooyiga, halka Soomaalidu dhanka koonfureed ka cadaadinaysay. Faragelintii dawladihii shisheeyaha ahaa, colaadda Soomaaliya-Itoobiya (Talyaani, UK, USA, USSR, iyo MASAR) waxay sii xumaysay xiisadihii, ugu dambaynna waxay dhex-tiimbisay Geeska Afrika dhibabkii Dagaalkii Qaboobaa.
Laga soo bilaabo 1969-kii, waxay Itoobiya noqotay siyaasad ahaan mid go’doonsan. Sannadkaas baa waxaa dhashay xukuumado colaadinaayay Itoobiya oo kacaan ahaa; Suudaan (bishii Shanaad), Liibiya (Sagaalaad), iyo Soomaaliya (Tobnaad). Xukuumadihii Numeyri, Qadaafi, iyo Barre waxay awoodahoodii u adeegsadeen siyaalo kadhan ahaa danihii Itoobiya sanooyinkii soo aaddanaa, waxaase ugu darnaa halistii Soomaaliya oo u muuqatay mid soo dhaw. Dadaalladii xukuumaddii boqortooyada – ilaa afgambigii Dergiga ee 1974-tii – waxay ahaayeen kuwo ku kooban in qatartii Soomaaliya lagu xakameeyo in awooddii Muqdishow loo gacangeliyo kooxo iyo qofaf taageersan Itoobiya. Waxaa lagu dadaalay in xiisadaha la qaboojiyo markay talada la wareegaan kooxaha siyaasadahoodu dabacsan yihiin ama ka duwan yihiin sidii soojireenka ahayd Sida; M X Ibraahim Cigaal, waxaase siyaasadihii Itoobiya lama-huraan u noqday kalaqeybintii Soomaalida ee ku qotontay qabiilka taasoo sii ka la fogeynaysay bulshooyinkii Soomaaliyeed. 
Markii talada uu la wareegay Barre mawqifkii ku aaddanaa Soomaali Galbeed (Ogaadeen) wuxuu si muuqata u noqday mid colaadeed. Sida ay muujinayaan warqado ku kaydsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, waxaa laga ma maarmaan noqday in la qaado tillaabooyin culculus sida in la xiro xuduudka iyo dhiirrogelinta kacdoonnadii Hargeesa, kuwaasoo looga jeeday in lagu cadaadiyo taliskii Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu dadaalay in lagu xakameeyo dawladdii Soomaaliya hab-dibbolomaasiyeedka, iyadoo la tixraacaayo mabaadi’da Ururka Midowga Afrika (OAU). Qodobbadii ugu door roonaa oo ay adeegsatay xukuumaddii boqortooyadu waxaa kamid ahaa; xushmayntii seerayaashii isticmaarku ka tagay iyo inaan la faragelin arrimaha dawladaha kale.
Markii hore, Dergigu wuxuu doonay isu soo-dhawaanshaha xukuumaddii Siyaad Barre. Iyadoo ku hubaysan awooddii ciidan ee Soofiyeedka iyo kaalmo xagga dibbolomaasiyadda waxay Soomaaliya la soo banbaxday colaad halisa. Waxaa intaas sii dheer, waxaa goonyaha dalkoo dhan ka kacay dh/dhaqaaqyo xornimo-doona oo kalago’-raadisa, kuwii hore u jirayna waxay sii xoojiyeen weerraradoodii markii uu Dergigu talada la wareegay. Jabhaddii Xoraynta Dadka Erratariya (EPLF), Jabhaddii Xoraynta Dadka Tigreega, Jabhaddii Xoraynta Orommo, Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF), iyo Jabhaddii Xoraynta Soomaali Abbow (SALF) dhammaantood waxay bishii ugu horraysaba la falgaleen ciidankii Dergiga, iyagoo si aada uga qeybqaatay xasillooni-la’aantii dalka Itoobiya. Xaqiiqdii ahayd in Soomaaliya, sida Suudaan oo kale qaadatay siyaasadii taageeraysay kooxahaas – iyadoo siinaysa gabbaad nabadgelyo iyo sidoo kale taageeritaan xagga qalabka iyo waliba dhiirrogelin xooggan – waxay horseedday in xukuumaddii millateriga ahayd ee Itoobiya ka la qeybsanto. Maadaama dalku siyaalo badan oo ka la duwan halis ugu jiray, hoggaamiyaashii Dergiga qaarkood gaar ahaan Teferi Bante, waxay ka maagteen inay afcolaadeed ku la hadlaan Muqdishow. Laakiin is la markii 1977-dii ciidankii Soomaaliya ku duulay Itoobiya waxaa si aada isu beddelay xiriirkii labada dal. Markii awooddii US ee taagdarraysay gobolka la waayay, Dergigii awgiis, Siyaad Barre wuxuu qalab mug leh iyo kaalmo ciidanba ka helay labadii xoog oo waaweynaa iyo Dawladaha Khaliijka wuxuuna sidaas ku xoojiyay awooddiisii ciidan. Taageeradii Soofiyeedka ee u wareegtay Addis Ababa waxay siyaalo ka la duwan awood u siisay Dergigii, si kastaba ha ahaatee, markii dagaalladii ka dhex-dhacay Dergiga gudihiisa ay aammusiyeen codadkii maslaxo-raadiska ahaa, oo sidaas, awooddii Dergiga ee dibeddu ku xoogaysatay oo siyaasadihiisii gudahana la adkeeyay waxaa Iyana xoog yeelatay kahortaggii qatartii Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-dii, wuxuu Dergigii qaayibay siyaasado looga gol lahaa burburintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya oo dhammaystiran, wuxuuna sidaas ku dhaqangeliyay istaraatiijiyad xukuumaddii boqortooyada u ahayd “qorshe diyaarsan oo kamadambaysa”. Kadib 1977-dii, xitaa markii la waday wadahadalladii nabadeed iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta, Itoobiyadii Mingiste waxay u aragtay sida ugu roon inay ahayd kaladaadintii ama burburintii Soomaaliya oo dhammaystiran.
Maqaalkaani wuxuu qaadaa-dhigayaa xiriirradii Som-Itoobiya intii Dergigu talinaayay, gaar ahaan sannadihii ka dambeeyay Dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) ilaa 1991-dii. Waxaan tixraacaynnaa xogo markii hore qarsoodi u ahaa Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya si aan markaas u muujinno siyaasadihii iyo barnaamijyadii ay meelmarisay Xukuumaddii Itoobiya. Xogahaani in kastoo ay hal dhinac ka soo jeedaan, oo aysan dhammaystirnayn, haddana waxaan ka ogaan karnaa hawlihii kadhanka ahaa Soomaaliya oo ay Itoobiya ku foognayd. Waxaa ka loo ku cad xogahaan in xukuumaddii Itoobiya ay halis ka dareemaysay darisyo ka loo col u ahaa, sida Suudaan iyo Jibuuti iyo in siyaasaddii kaladaadinta (burburinta) lagu jeediyay dawlaadahaasna. Seddexdii dawladood ee ka la ahaa, Soomaaliya, Suudaan, iyo Jibuuti waxaa loo arkay kuwo hurinaaya colaaddii Erratariya – waa qodobka sii xoojiyay jawaabtii Itoobiya. Sidaas darteed, dhaqankii Itoobiya ee kadhanka ahaa Soomaaliya maahayn mid gooniya ee wuxuu kamida ahaa barnaamij ballaaran oo Dergigu ka dhigtay siyaasaddiisa arrimaha dibedda. Haddaba, in kastoo xogohaani ay iftiiminayaan sidii Dergigu u maamulay siyaasaddiisii arrimaha dibedda, haddana ma xusayaan loollammadii hubaysnaa ee ka jiray gudaha dalka Itoobiya. Waa in maanka lagu hayaa intii ay Itoobiya maleegaysay xeelado ay ku waxyeellaynaysan xukuumaddii Muqdishow, waxaa iyadana loollan siyaasadeed oo adag ku la jiray Erratariya iyo Tigrey. Ugu dambayntii, in kastoo ay dadaalladdii xukuumaddii Dergiga ee kadhanka ahaa Soomaaliya ay miro dhaleen, haddana waxay kari wayday inay iska caabbiso loollammadii gudaha dalka.
Dagaal iyo nabad
In kastoo barnaamijkii Soomaali Weyn, uu soo banbaxay dhammaadkii 1950-aadkii, wuxuu labalixaadasay markii uu talada la wareegay Maxammad Siyaad Barre sannadkii 1969-kii. Qalalaasihii ka dhacay Itoobiya, kacaankii bishii Sagaalaad ee 1974-tii iyo awood-marnaantii dhacday, waxay dhiirrageliyeen Soomaaliya sidii ay u qabsan lahayd Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogadeen). Kooxihii reer guriga ahaa ee WSLF iyo SALF, ayaa loo adeegsaday inay horkacaan qorshihii lagu qaban lahaa Ogaadeeniya, Bali, Arsi, iyo qeybo Sidaamo ah si ay uga mid noqdaan “Soomaali Weyn.” Madaxdii Dergigu way ka warqabeen in Siyaad Barre uu xoojinaayay weerarradiisii Itoobiya laga soo bilaabo horraantii bishii 7-aad, 1974-tii, tusaale ahaan, sida la sheegay waxaa jiray 44 guluf oo ka soo gudbay xadka Soomaaliya, kuwaasoo ka faa’iidaystay iskacaabbin-la’aantii dhankii Itoobiya, waxayna awoodeen xubno Soomaaliya inay weeraraan gudaha durugsan ee Itoobiya sida Dhurwaale oo aagga Qabridaharra. Way ahayd in xukuumaddii Itoobiya ka walwasho; Soomaaliya oo qaadday tillaabooyin toosa oo ay kor ugu qaadaysay awooddeedii ciidan, iyadoo xeryo tababbar u samaysay xoogaggii kadhanka ahaa Itoobiya (Erratariyiin, Cafar, reer Baali, iyo Ogadeen), iyadoo ku dhaqaaqday baahinta barnaamijyo dicaayada oo ay ku taageeraysay dadkii Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed, iyo iyadoo isugu keentay ciidankeedii seeraha (gaar ahaan, Dogob oo ka tirsan Qabridaharre).
Wadahadal nabadeed oo lagu qabtay Addis Ababa bishii Kowaad, 1976-dii oo dhexmaray Jenaraal Teferi Bante (oo markaas ahaa guddoomiyaha Dergiga) iyo Jeneraal Barre, isu ma soo dhawayn labadii dhinac. Sidii hore u dhacday intii Imbaraadoor Xayle Salaase talada hayay, Itoobiya waxay soo jeedisay suurtogalnimada lakoonfederaal-noqoshada Soomaaliya, inay Soomaaliya joojiso ololayaasha ay ku summadayso inay Itoobiya tahay “Gumeyste Madow”, iyo inay Soomaaliya u soo celiso diyaaraddii xadkeeda ku dhacday iyadoo miriqshaanlayn tababbareed samaynaysa. Barre, wuu ka maagtay maslaxaddii, wuxuuna tilmaamay suurtogalnimada konfederaalnimada iyo in taliskiisu doonayo wanaajinta xiriirrada Itoobiya. Markii ay falanqaysay siyaasadda Soomaaliya, xukuumaddii Itoobiya waxaa u soo baxday in Soomaaliya maaggan tahay dagaal oo aysan danaynayn waxyaalo kale. “Iyadoo rumaysan in wixii weynaa ee Itoobiya ka dhacay inuu horseedi karo arrimo dagganaansho-la’aana,”waxay falanqayntii Itoobiya bishii Kowaad 1976-dii ku gunaanadday, “marka la eego ujeeddooyin dhuleedka Soomaaliya, ma jiri karo waqti uga habboon oo ay gaari karaan higsigooda.”
Bartamihii sannadka, ciidammo-soodhoobkii xuduudka ee Soomaalidu waa sii socday, kacdoonnadii Harar, Baali , iyo Siidaamo kor bay u kaceen. Soomaalidu waxay ka loo aad u xoojisya dicyaadahay ka dhex-fidinaysay Soomaalida Itoobiya. Halkaan markay marayso, madaxdii Itoobiya waxaa u caddaatay in dagaal la isu caddaystay uusan baaqanayn. Sidaan hore u soo sheegnay, loollammadii ka dhex-jiray gudihii Dergiga waxaa ka dhashay hiyikac xooggan oo kadhan ahaa Soomaaliya. Kacdoommadii iyo isreebreebkii madaxdii Dergiga waxaa ka soo baxay in Mengistu mayalkii talada qabsado, iyadoo markaas xubnihii sarsare ee Dergiga jagooyinkoodii laga xayuubshay, oo uu ku jiray guddoomiyihii, Teferi Bante. Dilkiisii bishii labaad 1977-dii, wuxuu awooddii talada oo dhan gacanta u geliyay kooxdii kacaan-yahanka ahayd, waxaana halkaas ku dhammaatay muddo hoggaamintii dalku walaahow ku jirtay, is la markaasna waxaa laga adkaaday kooxdii rabtay inay heshiis meel dhexe la isugu imaanayo Soomaaliya lala galo.
Wuxuu weerarkii Soomaalidu bilawday seddex bilood kadib dhacdooyinkii Dergiga, markaas oo ku began bishii Shanaad 1977-dii. Waxay xoogag taageersan ciidankii Soomaaliya (inta badan WSLF) weerareen dhabbaha tareenka ee Ito-Jibuuti, waxayna awoodeen inay gacanta ku dhigaan 60% Ogadeeniya. Ugu dambayn, 23-kii bishii Toddobaad 1977-dii, waxaa xuduudka ka soo gudbay cutubyo Xoogga Dalka Soomaaliyeeda (XDS), oo ay kaalmeynayeen baabuurta gaashaaman iyo diyaarado waxayna bilaabeen dagaal weyn. Ciidammadii soo duulay waxay weerareen Dhagaxbuur, Qabridaharre, Wardheer, iyo Godey. Si ay u qariso duullaankay ku soo qaadday dawlad madaxbannaan, waxay Soomaaliya tiri; dagaalku wuxuu ka dhexeeyaa Itoobiya iyo WSLF.
Siyaalihii jiray waxay Itoobiya ka dhigeen midaan difaaceeda ku filnayn. Baahidii weynayd ee ay u qabtay inay hesho gargaar degdeg ah oo xagga ciidanka iyo qalabkaba ah si ay uga badbaaddo halistay ku jirtay baa aakhirkii si dhaqso leh Dergigii isugu tuuray gacmihii USSR, Kuubba, iyo Koonfurta Yemen, dhammaadkiina iyagaa Itoobiya badbaadshay. Guud ahaan, arrintaas waxay hagaajisay hummaaggii siyaasadeed ee Dergiga, kooxdii millateriga ahaydna mayalkii taladay xagsatay. Ugu dambayntii dagaalkaasi wuxuu noqday mid Mengiste u wanaagsan, dhanka kalana wuxuu Soomaaliya iyo Barraba u noqday nasiibdarro. Jabkii wuxuu Soomaalida u keenay jaahwareer, riyadii Soomaali Weyn oo beenowda, iyo jabkii oo u horseeday Soomaaliya kacdoommo iyo gadoodyo baaxad weyn leh.
Markii ay Itoobiya heshay taageeradii ballaarnayd dagaalkii way ku guulaysatay. Waxaa xigay inay is la markiiba bilawday barnaamij loo qorsheeyay in lagu carqaladeeyo waxyeellana loogu geysto Jumhuuriyaddii Soomaaliya. Dhinaca kale, xukuumaddii Siyaad Barre waxay gashay wadahadallo daba dheeraa oo saldhiggoodu xagga Dergiga ka ahaa tab-xeeladeed – halka dhanka kale, Dergigu la bilaabay wadahadallo qarsoon xubno ku sugnaa Soomaaliya oo loo filaayay inay is-bahaaysi la yeeshaan Itoobiya. Guud ahaan ujeedka Itoobiya maahayn in Siyaad Barre lagu beddelo xubno saaxiibbo ah mana ahayn in xubnahaas lagu hubsado talada Soomaaliya, laakiin ujeedku kaliya wuxuu ahaa in la burbursho oo awood-la’aan laga dhigo Jumhuuriyaddii Soomaaliya. Halkaan waxaa laga doonayay, xitaa haddii si buuxda loo taageero kooxihii mucaaradka ahaa, inaysan la wareegin taladii dalka, saaxiibbana la sii ahaan Itoobiya. Dh/dhaqaaqyadii xagga dibbolomaasiyadda ee waayahaas Itoobiya wadday waxaa looga gol lahaa in lagu qariyo hawlgalladii burburinta ee socday. Dhib kasta oo xagga dhaqaalaha, siyaasadda, ama nafsaaniga oo loo geystay xukuumaddii Siyaad Barre waxaa loo hawlgalay intii ka dambaysay Dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya). Mucaaradnimadii ka bilaabatay gobolkii waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyo markii dambe koonfurta, si buuxda ayaa looga faa’iidaystay.
Is la Markii Dagaalku Dhammaaday Kadib
In la waayo heshiis iyo afgarad wax looga qabto wixii laysku hayay waxaa sabab u ahaa labada dhinac oo mawqifyadooda canaad iyo madaxadayg ku dheehnaayeen. Soomaalidu waxay ka dhigtay mushkiladda bishii Siddeedaad 1977-dii iyo bishii Kowaad 1978-dii mid caalamiya, iyadoo arrinta horgeysay Golaha Amniga, iyadoo sidaas kaga xeelad roonaatay Itoobiya oo go’aansatay in dadaalkeeda dibbolomaasiyeed ku ekaado OAU-dii. Soomaaliya waxay rajaynaysay in UN-ku go’aansado in ciidammo la geeyo aaggii laysku hayay, halka Itoobiya ay doorbidday urur goboleedka iyo tillaabo millatari haddii loo baahdo.
Caro-qarameedkii ka dhalatay guulihii lixaadka lahaa ee bilawgii uu Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS) gaaray ayaa Dergigii ka fogeeyay wax kastoo suurtogal ahaa oo nabad lagu gaari karay. In la iska caabbiyo duullaanka iyo in dib loo hantiyo dhulalkii uu XDS qabsaday baa ahaa qodobbada kowaad, sidaas darteedna, xitaa dadaalladii Afrikaanka dhinac baa layska dhigay. Go’aannadii Guddigii Xafiisyada Wanaagsan ee OAU (bishii Siddeedaad 1977-dii, Toddobaad 1978, iyo Lixaad 1980-kii) ee aan laga fiirsan baa sii kordhiyay caradii laga qaaday duullaankii Soomaalida oo la go’aansado in Jumhuuriyaddii loo ciqaabo “dambigii weynaa.” Qodobbadii la soo jeediyay sida in la dhawro seerayaashii isticmaarku ka tagay iyo sidoo kale inaan lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo midnimada xubnihii OAU-da oo u hiillinaayay Itoobiya, ku ma filnayn jawaab ahaan dharbbaaxadii Soomaalidu ku dhufatay Itoobiya. Go’aannadii OAU-da ee Soomaaliya diidday waxay xoojiyeen qorshihii aargoosiga ee Dergigu maanka ku hayay. Go’aankii OAU-da ee 1980-kii ee qiraayay in Gobolkii Ogadeen yahay qeyb kamida Itoobiya wuxuu guul weyn oo xagga dibbolomaasiyadda u soo hoyayay Itoobiya. Haddana waxaa dhab ahayd in arrintaasi dhacday kagadaal sheegashadii Soomaaliya in xuduudkeeda la soo galay (27-kii bishii Shanaad iyo 17-kii bishii Toddobaad 1980-kii) sidaas oo garbinaysay Itoobiya. Kulankii Nayroobi ee OAU-da oo dhacay 24–27-kii bishii Lixaad 1981-dii, wuxuu qaayibay go’aannadii guddigii OAU-da ee Addis Ababa ee ku aaddanaa isafgaranwaaga Ito-Soomaaliya. Waxaa garabsocday dhexdhexaadinno isxilqaan ku dhisnaa oo ay wadeen Madagaskar, Yugaandha, iyo Talyaaniga oo dhammaantood guuldarraystay. Bilawgii oggolaanshihii Itoobiya fikradihii nabadda, marba haddii lagu wada hadlaayo daladda OAU-da iyo dawladaha xubnaha ka ah, waxaa si dhoqso ah u beddelay guulihii xagga dagaalka oo ay ka soo hoysay Soomaaliya. Markaas kadib, wuxuu Dergigii bilaabay in isagu yeeriyo wax kastoo laysku dayo.
Markii, bishii Afraad 1978-dii, Talyaanigu sheegay inay doonayaan inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac, waxaa loo sheegay shuruudo cadcad oo kulkulul: waxaa ku jiray shuruudahaas in Soomaaliya is la markaba shuruud-la’aan ku dhawaaqdo inay joojinayso siyaasaddeeda is-fidinta ku dhisan ee wajahan Itoobiya, Kenya, iyo Jibuuti; in Soomaaliya si rasmi ah u oggolaato mabaadi’da OAU-da iyo UN-ka, xeerarkii, iyo go’aannadii; in Soomaaliya si rami ah u ballanqaaddo, inay waligeed, dhawri doonto heshiisyada caalamiga iyo sidoo kale mabaadi’da, inaan dawladuhu xoog isu adeegsan; iyo in oggolaato inay iyadu Itoobiya u magdhawdo qasaarihii ay dagaalka ku gaarsiisay.
Markii dagaalkii dhammaaday, Soomaaliya waxay sii wadday weerarro xagga dibbolomaasiyadda oo ay ku fongoraysay Itoobiya. Dhanka Afrika, waxay beegsatay dawladihii u janjeeray xagga dawladaha reer galbeedka, iyadoo carrabka ku adkaynaysay dhaqanka cadaadinta ku dhisan ee Itoobiya, ee ay taageerayaan Ruushka iyo Kuubba, ee kadhanka ahaa xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee gobolka. Iyadoo codkeeda gaarsiinaysa UN-ka, USA, Yurubta Galbeed, Shiinaha, iyo dawladaha Carabta, waxay barnaamijkeeda dicaayadda xoog ku saartay sidii loo heli lahaa dadaallo loo dhan yahay oo looga hortagaayo is-fidintii shuuciyadda, xasuuqa Itoobiyo ku waddo dadeynaha ku dhibaataysan Geeska Afrika. Is la markaas, waxay Soomaaliya bilawday inay u dhawaato hoggaamiyaasha dawladaha hantiwadaagga (Cali Naasir-kii Koonfurta Yemen, Didier Ratsiraka-hii Madagaskar, Jaadali Binjadiid-kii Aljeeriya, iyo Erich Honecker-kii J D ee Jarmalka) si loo fududeeyo isusoo-dhawaanshaha iyada iyo Itoobiya iyo USSR. Waxaa Itoobiya farxad geliyay dhammaan madaxdaasi waxay Soomaaliya ku la taliyeen inay marka hore oggolaato shuruudihii Itoobiya kahor, intaan la yeelan wadahadal jaaduu yahayba. Warqaddii Siyaasadeed ee Itoobiya ka diyaarisay arrintaas waxay ku muujisay inay aad uga taxaddaraan dawladaha saaxiibada ahi soodhawaanshaha Soomaaliya kuna sugnaadaan mawqifyada ay hadda taagan yihiin. Waxaa warqaddaas lagu sheegay in kastoo Soomaaliya ku adkaysanayso inay beddeshay siyaasaddeedii arrimaha dibedda ee ku saabsanaa kahari-la’aanta sheegashooyin-keedii dhulfidsiga ahaa, haddana wali waxay ku cad yihiin Qodobka 16-aad ee distoorkeeda cusub, oo ay ku dhigan tahay:
Iyadoo u qaadaysa waddooyin nabadeed waxay J D ee Soomaaliya gacan ka geysan doontaa xoraynta dhulalka Soomaaliyeed ee gumeysiga ku jira iyo waxay dhiirrin doontaa in dadka Soomaaliyeed khiyaarkooda ku midoobaan.
Siday Itoobiya u aragtay xiriirrada iyada Soomaaliya waxay u sii iftiintay kadib kulankii 1986-kii Jibuuti ku dhex-maray Mengistu and Siyaad Barre. Qiimayntii uu sameeyay guddigii arrintii wadahadalka Itoobiya u xilsaartay waxay noqotay in laga feejignaado heshiiska nabadda ee Soomaaliya. Waxaa loo arkay nabadda Soomaaliya mid kumeelgaara ayna u qarsoon tahay waqti-gadasho ay uga gol lahayd inay waqti u hesho burburinta xoogaggii mucaaradka ku ahaa ee soo kordhaayay (markaas oo jabhadihii SSDF iyo SNM ay guulo gaareen) iyo inay dib u noolayso dhaqaalaheedii sii hoobanaayay si ay markaas ay awooddeedi millatary dib ugu noolayso. Ma jirto Xukuumad Soomaaliyeed oo si kulatalgal ah uga haraysa dhulka ay sheeganayso, waa sidii lagu gunaanaday warbixintii siyaasadeed, waana in loo arkaa bay tiri warbixintu nabadda Soomaaliya rabto nabadayn kumeelgaara. Waxaa la soo jeediyay in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay yeesho qodobbo yaryar intii laga la hadlin qodobbada asaasiga, macnuhu wuxuu ahaa in laga wada hadlo arrinta seeraha ama xuduudka. Waxaa looga jeeday sidaan, in Soomaaliya lagu jujuubo aqoonsiga seeraha adduunku aqoonsan yahay ee labada dal.
Intii ay socdeen kulammadii seddexda ahaa ee ugu horreeyay ee Guddi Wasiireedkii Gaarka ee Ito – Soomaaliya (6–9 bishii Shanaad 1986-dii, Addis Ababa; 23–26 bishii Siddeedaad 1986, Mogadishu; iyo 1–3 bishii Afraad 1987-dii, Addis Ababa), waxay Soomaaliya si joogta u diidaysay in laga wada hadlo arrintii xuduudka. Taas beddelkeeda waxay Soomaaliya soo jeedisay in ciidammada laga wada raro seeraha labada dal iyo colaadaha in la joojiyo. Wadahadalladii waa is xireen. Markaas kadib, wasiirkii arrimaha dibedda ee Itoobiya Berhanu Bayeh, ayaa soo saaray war-murtiyeed uu ku muujiyay qodobbadii laga wada hadlaayay seddexdii kulan iyo mucdii wadahadalka wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay in lagu guuldarraysto kulammadaas. Wuxuu sheegay in sababta keentay in lagu barriiqdo kulammada ay ahayd Soomaaliyoo diidday in laga wada hadlo arrinta xuduudda, isagoo ka digay haddii ay wax ka dhacaan xudduudka, in Soomaaliya mas’uul ka noqon doonto.
Iyadoo Taliskii Itoobiya garanaayay inuusan jirin siyaasi Soomaaliyeed oo faragelinaya arrinka seeraha/xuduudka, haddana dhinicii kale, Siyaad Barre wuxuu aad u quudarraynaayay in la joojiyay dhaqdhaqaaqyada xuduudka ee kooxihii mucaaradka ahaa sida SSDF iyo SNM. Soomaaliya waxaa si xooggan oo joogta ahayd cadaadis ugu hayay kooxihii ka soo horjeeday, cadaadisyadaas oo ka darnaa kuwii haystay Dergiga, waxayna falgalladii firfircoonaa ee dhex-maray Itoobiya, SSDF iyo SNM noqdeen kuwo dhibaateeya taliskii Barre. Dhinaca kale, kaalmadii Soomaaliya siinaysay kooxihii mucaaradka ahaa ee waqooyiga Itoobiya gaar ahaan EPLF, waxtar u ma noqon. Dicaayadihii xafiiskii EPLF ee Muqdishow ku ma noqon Dergigii wax buuq ka badan. Waxaa intaas dheer, WSLF iyo SALF wixii dagaalka ka dambeeyay way taagdarreeyeen. Kan hore wuxuuba noqday hawlgab dhammaadkii 1980-kii  kadib markuu labo u kala jabay; Jabhaddii Xoraynta Ogadeeniya (ONLF) oo ka hawlgalaayay Kuwayd baa mid ahaa. In kastoo qeybo ONLF ahi  ay mar dambe awoodeen inay u soo dusaan Ogadeeniya, haddana hawlahoodii ma keenin dhibab badan. Sidaas darteed, qalabkii wadahadalka ee Siyaad Barre wuxuu ahaa midaan xoog lahayn.
Taas baa muujinaysa sababtii M/weyne Barre uu u codsaday kulan kale, kaas oo la isugu yimid Jibuuti bishii Seddexaad 1988-dii. Muddadii seddexda beri ahayd (bishii Seddexaad 20–22), waxay hoggaamiyaashu si adag uga doodeen faa’iidooyinka wadahadalladu labada dhinac u leeyihiin, iyadoo aysan muuqan wax horumara oo la samaynaayo. Mengistu wuxuu aad uga shakisanaa ujeeddada kulankaan kale, si kastaba ha ahaatee, kulankii afraad waxaa isugu yimid guddigii gaarka ahaa ee wadajirka ahaa waxaana lagu qabtay Muqdishow “taariikh ay labada xukuumadood ku heshiiyeen.” Qorsho-hawleedkii ay labada dhinac ku heshiiyeen kulankaan qodobkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa; “tixgelinta kahadalka arrinta xuduudka labada dal.”
Kulankaas afraad waxaa lagu qabtay Muqdishow horraantii bishii Afraad 1988-dii. Iyadoo cuskanaysa heshiiskii Jibuuti, Itoobiya waxay soo bandhigtay qormadii wadahadalka iyo qormo ku saabsan hagaajinta xiriirka labada dal. Qodobkii ku saabsana calaamadinta xuduudka si ku talagal ah baa loo qormadii wadahadalka looga tiray, laakiin waxaa lagu daray qodob faraayay guddigii gaarka inay tixgelin siiyaan arrinta xuduudka mustaqbalka dhaw. Heshiiskii hagaajinta xiriirka labada dal ee lagu saxiixay Muqdishow waxaa loo arkay guul weyn oo dibbolomaasiyadeed oo Itoobiya u soo hoyatay. Oggolaanshihii Soomaaliya in heshiiska lagu xiriiriyo mabaadi’dii OAU-da, gaar ahaan faqradii ka hadlaysay dhawritaanka madaxbannaani-qarameedka dal kastoo xubin ka ah OAU-da iyo midnimadiisa, waxaa markaas loo qaatay in Soomaaliya ka hartay siyaasaddeedii hore. Middaan waxaa loo macnaystay in Soomaaliya oggolaatay Warfaafintii Qaahira ee 1964-tii ee lagu sharciyeeyay xuduudihii isticmaarka iyo xeerintii kalfadhigii siddeedaad ee OAU-da ee lagu qiray in Ogadeeniya tahay qeyb kamida Itoobiya. Waxaa intaas ka sii muhimsanaaa, kutalagalkii Soomaaliya inay isugu yeerto guddigii gaarka si ay arrintiii xuduudka kahadalkeeda u tixgeliso mustaqbalka dhaw, kaliya maahayn guul xagga siyaasadda oo Itoobiya heshay ee waxay kaloo ahayd guul xagga sharciga. Waxaa heshiiskii hagaajinta xiriirka labada dal lagu xusay qodobbo doora ahaa, sida inaan dalna dalka kale arrimihiisa gudaha faragelin (Qodobka II) iyo inaan la samayn hawlo burburin iyo qas ah (Qodobka VI).
Tillaabooyin baa is la markiiba la qaaday si loo dhaqangeliyo heshiiskii. Guddi ka kooban saraakiil ciidan oo sarsare ayaa la faray inay duljoogtayn ku sameeyaan kala-rarka ciidammada xuduudka Ito-Soomaaliya. Intii u dhexeysay bishii Afraad iyo tii Shanaad 1988-dii, guddigii wuxuu ebyay hawshii loo xilsaaray. Waxaa xigay in si tafatiran loo bilaabay diyaargarawgii is-dhaafsiga maxaabbiistii dagaalka – hawshaas oo Guddigii Caalamiga ahaa ee Laanqayrta Cas ka socday uu soo jeediyay intii la waday wadahadalladii bilawga ahaa ee 1984-tii. Dhanka Itoobiya, tillaabooyinkaas la qaaday dhammaantood waxay u ahaayeen kuwo libineed, laakiin guusha dibbolomaasiyeed ee ugu weynayd waxay ahayd in Soomaaliya la geliyay wadahadal dabadheer iyadoo dhinaca kale ay ka socotay hawshii burburintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya.
Soomaaliya Burburinteedii (Kaladaadinteedii)
Dadaalladii Itoobiya inay qas iyo iskahor-imaadyo ka dhex-abuurto Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa kooxo caraysan waxay soo bilaabmeen xilligii boqortooyada. Kacdoonno badan, rabshadihii la xiriiray doorashooyinka, iyo afgambiyadii Soomaaliya dhammaan waxaa gadaal ka riixaayay talisyadii Itoobiya. Kacdoonkii bishii Labo iyo Tobnaad 1961-dii wuxuu ahaa tusaale, markaas oo lagu tuhmay Itoobiya inay ku lug lahayd iskudaygii saraakiil Xoogga Dalka Soomaaliyeeda oo reer waqooyi ahaa, inay la wareegaan magaalooyin doora, kadibna dalka kala jaraan. Kaydka warqadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya waxay muujinayaan doorkii Itoobiya ku lahayd sidii loogu qancin lahaa siyaasiintii Hargeesa inay diidaan qorshihii lamidawga koonfurta, aasaaskii 1966-dii Ururkii Xoraynta Soomaaliya (NSLM) iyo abuuritaankii Iskaashada Qaxootiyada Koonfurta Soomaaliya (SSRA) – NSLM-du waxay ka koobnayd qeybo gadoodsanaa oo ka tirsanaa qolada Isaaq ee reer waqooyiga, halka SSRA-tu ka koobnayd xubno caraysnaa oo Hawiye iyo Raxanweyna oo reer koonfureed ahaa.
Jaahwareerkii siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya kadib markay ku jabtay dagaalkii Ogadeeniya wuxuu si fiican ugu gogolxaaray meelmarintii siyaasaddii burburinta ku dhisnayd ee Itoobiya. Iskudaygii afgambigii 1978-dii ee Muqdishow, iyo xaaladdii degdegta ahayd ee la soo rogay bishii Tobnaad 1980-kii, ayaa si fiican u muujinaaya qalalaasihii siyaasadeed ee Jumhuuriyadda ka jiray muddadii dagaalka ka dambaysay. Tillaabooyinkii cadaadiska lahaa ee Siyaad Barre ka qaaday markii hore qolooyinka Majeerteen iyo Isaaq, iyo markii dambe (horraantii 1980-aadkii) Hawiye, waxay horseedeen caro ballaaran oo ay Itoobiya ku awoodday inay ka faa’iidaysato.
Taageeradii ay Itoobiya siinaysay xoogaggii diiddanaa Siyaad Barre waxay xoogaysatay bartamihii 1980-aadkii. Iskudaygii wadajirka ahaa ee Ito – Koonfurta Yemen ee la doonaayay in lagu mideeyo Jabhaddii Badbaadinta Soomaaliya (SSF), Xisbigii Shuuciga Soomaaliya (Jabhaddii Xoraynta Dimuqraadiga Soomaaliya), iyo Xisbigii Shaqaalaha Soomaaliya wuxuu ahaa tillaabo muhim u ah ololaha. Abuuritaankii SNM ee London bishii Seddexaad 1981-dii wuxuu si gaara muhim ugu ahaa dhisitaankii shabakadda mucaaradka. Itoobiya waxay samaysay wax kasta oo ay kari kartay sidii ay isugu keeni lahayd mucaaradka iyo sidii ay ugu midoobi lahaayeen lahalgankii taliskii Siyaad Barre. Dhinacyadii Itoobiya saamaynta ku yeelatay waxaa ku jiray kooxo fadhigoodu ahaa London, New Delhi, Moscow, Bucharest, Jarmalkii Galbeed, Rome, iyo Cadan.
Laxiriirkii SNM waxaa la siiyay ahmiyad gooniya. Si kasta oo ay ahaayeen ujeeddooyinkii ku qornaa distuurkii SNM, oo sheegayay; inay dhawrayaan midaynta Soomaali dhammaanteed iyo midnimada iyo madaxbannaanida Jumhuuriyaddii Soomaaliya iyo kaalmaynta dhammaan dadka xornimo-doonka si ay u gaaraan katalinta aayahooda, xornimo-siyaasadeed iyo madaxbannaani, haddana Itoobiya waxay go’aansatay inay ku la jirsato SNM halgankii kadhanka ahaa Siyaad Barre. Bishii Lixaad 1983-dii buu dhaqdhaqaaqa si adag loogu dhidbay Itoobiya, iyadoo hoggaamiyaashii siyaasadeed iyo ciidan ee dhaqdhaqaaqa iyo waliba hoggaamiyaashii lajaadka ahaa sida G/Sare Cabdullaahi Yuusuf-kii SSDF ee soo fakaday kadib afgambigii dhicisoobay bishii Afraad 1978-dii oo loo magacaabay hoggaamiyaha ciidanka ee SSDF dhammaantood waxaa loo oggolaaday dhaqdhaqaaq madaxbannaan. Iyadoo aad loogu guulaystay siyaasaddaan burburinta sannadihii 1980-aadkii, saraakiishii Itoobiya waxay la ahaatay inaysan haba yaraatee wax uga kordhayn wadahadal nabadeed oo dambe oo ay la yeeshaan Siyaad Barre. Meel kale, waxay siyaasaddii burburintu ka hirgashay Suudaan, iyadoo kaalmo dibadeed la siiyay dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ahaa ee Suudaan. Markii Dergigii cadaadis siyaasadeed oo xooggan dalka gudihiisa uga yimid, wuxuu sii kordhiyay siyaasadihiisii weerarka ahaa ee arrimaha dibedda. Laakiin waxaa mudan in la xuso taageeradii la siinaayay kooxihii Soomaaliya marna loo la ma jeedin sidii loo abuuri lahaa hab-siyaasadeed kale ee kaliya waxaa loo la jeeday in Barre lagu wiiqo.
Gacantii birta ahayd ee Siyaad Barre ku qabtay qolooyinkii Majeerteen iyo Isaaq intii u dhaxeysay 1978 ilaa 1988-dii waxay wax u dhintay taageeradiisii dadweynaha Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hagaajintii xiriirkii labada dal ee bishii Afraad 1988-dii waxba ka ma beddelin xoogaggii siyaasadeed ee Soomaalida, waxayse wax tartay Itoobiya iyadoo xoojisay siyaasaddeedii burburinta ku dhisnayd ee ku wajahnayd Soomaaliya. Sidii uu yiri David Rawson, SNM waxaa lagu abaalmariyay “laankuruusarro (landcruisers), madaafiic, iyo hubabka darandoorriga u dhacaa” waxaana loo diray waqooyiga Soomaaliya si ay weerar ugu qaadaan kaabayaashii dawladda. Iyadoo waqooyigu gacantii Barre ka baxay, halkaasoo mucaaradnimadii Isaaqa iyo Hawiyuhu ay wax weyn ahayd una shaqaysay dantii Itoobiya, taakulayn tabeedkii la siiyay jabhadahoodii hubaysnaa-na waxay culays ka qaadday Dergigii oo markaas ay ku soo fool lahaayeen loollamo xooggan. Wixii ka dambeeyay1988-dii, dadaalladii Itoobiya waxay ku foognaayeen sidii loo midayn lahaa SNM iyo SSDF. Waxaa kaloo jirtay, in lala xiriiray kooxo qoleed mucaarad ahaa oo ku sugnaa koonfurta Soomaaliya.45
Waqtigaan, siyaasaddii Itoobiya waxay gaartay horumar la taaban karay. Heshiiskii iskaashi ee bishii Tobnaad 1988-dii  dhex-maray SNM iyo SSDF (oo midaynaayay malleeshiyaadkii hubaysnaa oo tiro ahaan gaarayay 60 kun oo qof), iyo go’aankii SNM ee ahaa inay hesho heshiis dhex-mara koonfurta iyo waqooyiga oo ku saabsan fedaarlnimo xooggan oo labada dhinaca ama “Somaliland” oo go’da waxay si weyn u waxyeellaysay taliskii Barre. Hawlgalladii guulaystay ee labada jabhadood ka sameeyeen waqooyiga iyo koonfurta, iyo qalalaasihii siyaasadeed ee Muqdishow gudaheeda baa aakhirkii door weyn ku yeeshay hoobashadii Xukuumaddii Soomaaliya. Xitaa Itoobiya waxaa u suurtowday inay ka soo shukaamiso Jeneraal Maxammad Faarax Caydiid, oo markii dambe noqday hoggaamiyaha Aqalkii Soomaaliya ee Midaysnaa (USC), oo tiro ahaan u badnaa qolada Hawiye, jagadiisii ahayd safiirkii Soomaaliya u fadhiya New Delhi ragaalkii1988-dii. In kastoo gulufyadii SNM ee bishii Shanaad 1988-dii aysan u guulaysan sidii la filaayay, haddana bishii Kow iyo Tobnaad ee is la sannadkaas, kooxihii dagaallamaayay waxaa u suurtogashay inay qabsadaan dhawr magaalo oo waqooyiga Soomaaliya oo istraatiijiya oo ay ku jireen Hargeesa, Burco, iyo Delbis, iyo inay kala jaraan isgaarsiintii iyo iisu-socodkii gaadiidka ee gobolka oo idil. Guulahaan waxaa xigay guulo kale oo laga gaaray xagga koonfurta, halkaas oo xoogaggii ay Itoobiya taakulaynaysay (Hawiye; Habar Gidir; Sacad ahaa) ay weerarro ku qaadeen kaabayaashii dawladda si ay u burburiyaan. Taakulayntii xagga sahayda ee Itoobiya siinaysay SNM aad bay muhim u ahayl. Xogtii sahanka ee ku saabsanayd dhankii dhaqdhaqaaqa iyo ujeedkii Xooggii Dalka Soomaaliyeed waxaa si joogta loogu gudbinaayay saldhigyadii jabhadaha.
Xukuumaddii Soomaaliya way ka warhaysay taageerada waxayna ka keentay cabasho iyo Itoobiya inay jabisay heshiiskii 1988-dii. Bishii Shanaad 1989-kii, hal sano kadib saxiixii heshiiska, waxay Soomaaliya qaadday weerar xagga dibbolomaasiyadda oo ay ku eedaynayso Itoobiya inay caawinayso SNM, SSDF, iyo, wixii ka dambeeyay bishii Shanaad 1989-kii, Dhaqdhaqaaqii Askartii Ogadeen (markii dambe loogu yeeray – SPF) oo uu hoggaaminaayay S. Guuto Cumar Jees. Waqtigaan, taliskii Barre wuu furfurmaayay wuxuuna taagnaa heer kaladaadasho. Guulihii millateri ee SNM ka keentay waqooyiga Soomaaliya bartamihii – 1989-kii, waxaa xoojinaayay taakulayntii fiicnayd ee Itoobiya siinaysay kooxihii jabhadda, taas oo door weyn ku yeelatay riditaankii Barre.
Markii uu labalixaadsaday qalalaasihii Soomaaliya, Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya waxay samaysay saadaalin ay ku oddorostay waxyaalaha dhici kara ee soo aaddan. Afar waxyaalood baa la is la gartay oo mid walba ku qotontay danta Itoobiya inta wiiqidda Soomaaliya socoto. Tan kowaad waxay ahayd in Xukuumaddii Barre wadahadallo jiitamaaya lala galo, iyadoon la soo qaadin calaamadinta seeraha labada dal iyo iyadoo la iska deynaayo laxiriirkii tooska ahaa ee kooxihii mucaaradka si markaas loo sugoo loo arko halka ay ku biyoshubtaan dhacdooyinka dagaalka sokeeye ee waxyeellada badnaa. Tan labaad waxay ahayd in lagu cadaadiyo Xukuumaddii Barre inay in badan ka oggolaato arrintii xuduudka iyo in dib loo bilaabo wadahadalladii iyadoo laga sii qaadaayo halkii heshiiskii hagaajinta xiriirka ee 1988-dii uu maraayay. Markii la tixraaco heshiiskii labada dal waxay ahayd in Itoobiya joojiso taageeradii ay siinaysay kooxihii mucaaradka ahaa iyo inay Itoobiya dhanka Jumhuuriyadda la safato. Maamuuskii dhawaan Kenya la yeelatay Soomaaliya ee ku saabsanaa seeraha labada dal oo tan hore oggolaatay seeraha labada dal baa waxaa loo arkay mid arrintaan ididiilo u abuuraysa. Tan seddexaad waxay ahayd in taliskii Siyaad Barre laga badbaadsho dhibkii ku soo fool lahaa iyo in loo farageliyo siyaasadihiisii si Itoobiya waxtar u leh. Fikraddaan waxaa loo soo qaaday iyadoo laga yaabay inay suurtogal ahayd in awoodda talada dalka ay la wareegto xukuumad Itoobiya uga sii daran tii Barre – iyadoo laga baqaayay in xagjirro Muslina ama Ogadeena ay la wareegi karaan awooddii Muqdishow. Fikirkaan waxaa ansixiyay gaashaanbuurtii Itoobiya waa Soofiyeedkee. Tan afraad waxay ahayd, marba haddii dhicitaankii Barre yahay midaan baaqanayn, Itoobiya waa inay ka aqoonsataa kooxihii mucaaradka ahaa kuwa si cad u fahmaaya oo xushmaynaaya danaheeda mustaqbalka. Sidaan waxay xaqiijin kartaa in Itoobiya ka hortagto in kooxo xagjira ama Itoobiya-diida awoodda Muqdishow hantiyaan taas oo yarayn karta in dagaal kale oo labada dal dhex-maraa dib u qarxo.
Gunaanad
Khiyaarradii la soo jeediyay kan dambay oggolaatay Xukuumaddii Itoobiya. Safaaraddii Itoobiya ee Muqdishow waxaa la faray inay ka shaqayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas. Codsigii Siyaad Barre ee bishii Kowaad 1990-kii, si loo dhammeeyo arrinkii xuduudka oo Itoobiya u xiri lahayd xuduudaheeda is la markaasna u joojin lahayd taageeridii mucaaradka si cad baa loo diiday. Sidaas darteed, C/maan Axmad Cali (hoggaamiyihii SNM ee waqooyiga), Faarax Caydiid-kii USC (aagga Muqdishow), iyo Cumar Jees-kii SPF (aagga Kismaayo iyo Baydhabo oo xagga koonfurta) baa kamid ahaa xoogaggii mucaaradka ahaa ee la doortay oo ay Itoobiya taakulaysay. Waxaa farxad Itoobiya geliyay kooxahaas ay taageeraysay waxay inta badan gacanta ku dhigeen meelahay ka hawlgalayeen markii la gaaray bishii Siddeedaad 1990-kii. Guushii oo u muuqatay awgeed, waxay Itoobiya ka shaqaysay carqaladaynta iskudayadii u dambeeyay ee Barre waday si heshiis nabadeed loo gaaro: markaas oo Masar, Talyaani, iyo Kuwayd qorsheeyeen in shirweyne lagu qabto Qaahira bishii Labo Tobnaad 1990-kii, dibbolomaasiyaddii Itoobiya-na waxay xaqiijisay inuusan mid kamida kooxii ay taageeraysay ka qeybgalin shirkaas.
Dagaalkii sokeeyee ka qarxay Muqdishow ragaalkii bishii Labo Tobnaad 1990-kii iyo hoobashadii taliskii Barre ee xigay waxaa loo arkay guul xagga dibbolomaasiyadda oo Itoobay gaartay. Laakiin maxaa xigoo dhici doona? 

Warbixintii Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Dr Asmamaw Qelemu, wuxuu muujiyay seddex madmadow oo suurtogal ah oo ku soo fool lahaa Jumhuuriyadda: dagaalka sokeeye oo sii xoogaysta sababtoo ah inay adag tahay inay jabhaduhu midoobaan oo hal urur sameeyaan; Soomaaliya oo u ka la go’da seddex xukuumadood: Somaliland (Qoloda Isaaqa), Muqdishow iyo agaggaarkeeda (Hawiye), iyo koonfurta Soomaaliya (SPM, Ogadeen); ama abuuritaanka seddex dawladood oo fedaraala oo ka kooban gobolladaas. Mid kastooy noqoto buu yiri, Asmamaw Qelemu Itoobiya waxay ku gaartay ujeed-keedii siyaasadeed ee ahaa burburinta iyo wiiqitaanka Soomaaliya. Hawsha noo dhimman waa sidii loo xaqiijin lahaa in xubnaha awoodda Soomaaliya hayaa ay dhammaantood noqdaan kuwo raacsan Itoobiya. Faalladii u dambaysay ee Asmamaw Qelemu, wuxuu ku gunaanaday “…“… ዋና ውጉ ዳይ ከእ ንግ ዲህ አስ ጊሶ ማሊ ያአ ትኖ ርም”” [waxa muhimka ahi waa Soomaaliya waa halis hadda ma jirto].
Warkaas libinta xanbaarsanaa iyo farxaddii la muujiyay waa dhicisoobeen. Kaliya afar bilood kadib, Dergigii isna wuxuu noqday midaan jirin, Aakhirkii waxaa ka tanbatay oo xukunkii ka riday jabhado ka la duwan oo intii tobaneeyo sano ah uu iska waabinaayay. Waa dhici kartaa in Dergigii uu jabiyay Soomaaliya, laakiin Jabhadihii gudaha Itoobiya baa aakhirkii Dergigiina jabiyay. Waxaa caddaatay, burburintii Soomaaliya ee Itoobiyadii Dergigu ku qamaartay inay ahayd istaraatiijiyo lagu qasaaray, iyadoo ay dib ka caddaatay, waayo dhinaca u daran ee wali xukuumadihii talada Itoobiya la wareegay uu loollanku uga socdaa waa dhinaca koonfur-bari. Xitaa kadib dhicitaankii Dergiga, Itoobiya waxay wali kharash badan ku bixisaa istaraatiijiyaddii “burburinta” Soomaaliya.

Monday, June 20, 2016

Magan Allee Magacaa Ha Jiro (hees dhaqmeed)

Wiilka:
Aabbahay muuq toosanoow
Mayranoow beesha u maleeye
Miigganoow maareynta ku roone
Gabar mareeraan soo arkee
May-cas maad iga bixisidaa
Oo makaan ii yeeshidaa?

Aabbaha:
War mareerkaad ii macnayn
Meelaheer lagama helo
Wankii moolada lahaa iyo
Malyuunnaa laga baxshaa
Rag baa mooska u fadhiya
Malookayn bay heli
Soo maleeg oo meesha keen
Anna macaaneynta igu daa

Wiilka:
Gacalkaan maamuus la tagin
Aabbe maroor buu ka noqdaaye
Makaan gabadhaan lahayn
Dumarku wuu meermeeriyaa
Aabbe miskiinnimada iga daa
Magac gobeed baa meesha yaale
Kaalahyga uun ii muddee

Aabbaha:
Haddaad mareeye i tiri
Murtaa meesha i ag taal
Maqaabe gabadhuu dhalay
Mayran waan kuu doonayaa
Xay-mareer iyo Dhiin-maleeg
Iyo Muraan kuu bixinayaa
Miyirso oo maankaaga geli

Wiilka: Magan Allee magacaa ha jiro
Aabbaha: Magan Alle maamule ahoow


Monday, June 13, 2016

DIINTA ISLAANKA IYO SOOMAALIYA


                      


Image result for somali wahhabism

Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu tiriyaa muslimiin wada sunni ah. Wadaraaca hal mad-habad oo islaana, waxay ka soocday dadyowga Afrikaanka ah ee ku meersan oo rumaysan masiixiyadda iyo diimihii hore ee Afrika.

Dariiqooyinka Iyo Cuskashada Awliyada:
Ku-fidintii S/liya diinta islaanka waxaa door weyn ka qaatay hababka dariiqooyinka. Hababkaas waxay ku xiran yihiin habka Sufism ama suufiyadda. Suufiyaddu waa dh/dhaqaaq ruuxaani ah oo ka dhex bilawday diinta islaanka qarnigii 9aad iyo kii 10aad, meeshii u sarreysayna gaaray qarnigii 12aad iyo kii 13aad. Dhanka S/lida waxay suufiyaddu ka bilaabatay magaalooyinka qarnigii 15aad. Kuwa suufiyadda raacsani waxay goobaan u-dhawaanshaha Eebbe, iyaga oo markaas la kaashanaya wadaad sare oo ay rumaysan yihiin inuu xagga Rabbi karaamo dheeraad ah ku leeyahay. Xubnaha dariiqooyinka suufiyadda waxaa guud ahaan lagu magacaabaa Daraawiish (waaa eray Faarisi ah). Darwiishku waa kan ka go’ay hawlaha dunida oo u go’ay dawga Eebbe iyo u-adeegga bulshada. Dariiqada wadaadka madaxda u ah waxaa la siiyey magaca Shiikh (Carabi: aqoonyahan diimeed).
Daraawiishtu ama xubnaha dariiqooyinku waxay galaan socdaallo joogta ah oo ay dadka diinta ku barayaan, quud-maalmeedkana waxay la kaashadaan isla dadka. Waxaa lagu gartaa digriga/xadrada oo ay erayo diini ah ugu dhawaaqaan si laxan iyo qoob-ka-ciyaar leh iyo waliba hinraag ay si culus ugu neefsadaan. Ujeeddada dikriga iyo hinraaggu waa inuu qofku ka xoroobo jirkiisa, ka dibna ruuxiisa loo qaado xag Eebbe.

Dariiqooyinkii Suufiyadda ee ka hirgalay S/liya:

Qaadiriya: waxaa laga bilaabay Baqdaad 1166-dii MD, waxaana bilaabay Shiikh Cabdulqaadir Al-Jeylaani. Qarnigii 15aad bay Harar soo gaartay, waxaana lagu dhex faafiyay dadka S/lida iyo kuwa Oramada ah. Waxaana inta badan faafiyay wadaaddo S/li ah. Shiikh Cabdiraxmaan Al-Saylici oo dhintay 1883-dii baa noqday wadaadka ugu caansan xagga waqooyiga S/liya. Dhanka koonfurta S/liyana waxay dariiqadaasi ku baahday magaalooyinka sida, Muqdishow iyo Baraawe. 1819-kii baa Shiikh Ibraahim Xasan Jabro ka aasaasay daanta wabiga Jubba xarun dariiqadeed, beeraley ah, waxaana lagu tiriyaa jamaacaddii kowaad ee Soomaaliya. Jamaacadduna waa urur dan iyo dariiqo-wadaaga. Wadaaddada hormoodka ka noqday dariiqada Qaadiriya ee S/liya waxaa ka mid ahaa Sh. Aways Maxammad Baraawi oo la dilay 1909-kii. Wuxuu ku faafiyay dariiqada gudaha dhulalka koonfureed ee miyiga, wuxuuna qoray gabayo carabi ah, wuxuuna isku dayay inuu laxankooda u rogo afka S/liga. Waxaa kaloo sumcad weyn oo awliyadeed ka gaaray Muqdishow Sh. Cabdiraxmaan Cabdullah oo qabriigiisu noqday mid dooxooyinka wabi Shabeelle oo idil laga soo siyaarto.

Idiriisiya/Axmadiya: 

waxaa ka bilaabay Maka Sh. Axmad Ibnu Idiriis Al-Fasi (1760-1837 MD). Waxaa u soo gudbiyay dhanka S/liya Sh. Cali Maye Durogba oo reer Markood ahaa. Saadaashii iyo mucjisooyinkii lagu arkay baa gaarsiiyay martabadda awliyanimada, wuxuuna qabrigiisii noqday mid loo soo siyaaro tago. Dariiqadaan waxay leedahay xilliyada allabariyada ducooyin kooban, waxaase lagu yaqaan khilaawayn culus.

Saalixiya: 

dariiqadaan waxay ka dhalatay khilaaf ka dhex oogmay aasaasayaashii Idiriisiyadda, waxaana Maka ka bilaabay Sh. Maxammad Ibnu Saalix Al-Suudaani 1887dii. Waxay markii hore ku baahday dhulka S/li Galbeed ama Ogadeen, wadaadkii ugu firfircoonaana wuxuu ahaa Sh. Maxammad Guuleed Al-Rashiidi. Wuxuu la dagay dadka Shiidlaha ah ee dega daamanka wabi Shabeelle, wuxuuna yagleelay Jamaacad, wuxuu dhintay shiikhaasi 1918-kii.
Shiikha aad loo yaqaan oo dariiqadaan wadaad sare ka noqday waa Sayid Maxammad Cabdulle Xasan oo ahaa halyeygii gayiga S/liya ka difaacayay gumeystaha 21 sano oo xiriira.

Arlada S/liyeed dariiqooyinka Idiriisiyada iyo Saalixiyada wadaaddadii hoggaanshay waxay inta badan door-bideen inay daamanka wabi Shabeelle iyo Jubba ka yagleelaan jamaacooyin beeraley ah, waxayna wax ka taarteen hababkii waxbeerista. Waxaa dhaqan noqotay in walaalaha dariiqooyinku ka codsadaan duqeyda reeraha dega aagga ay doonayaan inay degaan, inay dhisaan masaajid iyo xarunta dariiqadooda. Marar badan waxaa dhacday in meesha ay dagto dariiqaddu ama jamaacaddu ay noqoto soohdin kala seeraysa labo qolo oo col ahayd. Dhulka la siiyo jameecadda waxay u aragtay ciddii bixisay inay ka helayso barako, maadaama dhulkaas la rumaysnaa in xagga Eebbe loo hibeeyay.


Waxaa kaloo jirtay in loo arkay madaxda laamaha dariiqooyinka inay karaamo leeyihiin, taas oo laga dhaxlo ama la socota qabrigiisa oo noqda qabri-awliyaaad. Dhaqan ahaan waxbarashada wadaaddada d/qooyinka waxaa ka mida barashada dh/qaaqa meerayaasha oo ay ka odorosaan isbeddelka xilliyada iyo socdaallada. Waxaa kaloo loo adeegsadaa xilliyada allabariyada, samatabixinta iyo nasiib-wanaagga. Wadaaddada d/qooyinku waxay hoodada wacan ku bixiyaan xirsiyada oo ay ku qoraan aayado qur’aana.

Inkastoo ay dhaqan noqotay in wadaadka laga fisho barako ama habaar, haddana guud ahaan dadka S/liyeed waxay qaayibeen aragtida asal-raaca ah ee islaanka, oo ku adkaynaysa in falalka qofka inta uu ifka joogo laga abaalmarin doono maalinta la yoobsan yahay ama qiyaamaha. Waxaa kaloo qofka S/liyeed si aada u rumaysan yahay in lur iyo ladnaan wixii Eebbe qofka u qoray uu la kulmi doono.

Cudurrada TB/da , cabburka, qufaca, matagga iyo miyir-beelka, waxaa la rumaysnaa inay keenaan rooxaanta wadaaddada, waxaana dawayn jiray wadaad, iyadoo loo doorbido mid hore uga buskooday xanuunyada uu dawaynayo. Wuxuu adeegsadaa aayado qur’aanka kamida iyo carafta oo S/lidu ku lammaanisay xafladaha diiniga. Waxaa kaloo jira cudur ay keento rooxaan, kaas oo la yaqaan Saar ama Mingis. Rooxaantaan oo la rumaysan yahay inay mid jinni ah tahay waxay ku dhacdaa afada, saygeedii xurguf dhex martay. xanuunkaan waxaa calaamadihiisa ka mida wareer (hysteria) iyo suuxniin.

Xafladda Saarka ee lagu saarayo duulasha jinniga waxaa hoggaansha qof loo yaqaan calaqad. Haweenaydii bukaanka ahayd inta ay dhex majiirayso Saarka, waxay awooddaa inay gasho xaalad khilaawayn ah oo ay uga warranto dhibaha iyada iyo saygeeda dhexyaal. Dhammaadka xafladda Saarkana inta badan waxaa ka soo baxa talooyin lagu sheego in uu qofkii bukaanka ahaa ku dawoobi doono, kuwaasna waxay inta badan noqdaan dhaqaale laga doono dhinicii bukaanka ahaa.

Waxaa kaloo jira dhaqan rooxaanta la xiriira oo loo yaqaan Gelid. Tusaale ahaan, hadday dhacdo in gabar loo ballamay in la guursado looga baxo wacadkii guurka, waxay rooxaantii gabadhu gashaa wiilkii ballantii guurka baalmaray, wuxuuna noqdaa mid la jirrada arrintaas, waxaana la yiraahdaa waa la galay wiilkii. Waxaa kaloo la rumaysnaa in haddii qof ama koox laga itaal roon yahay lagu gabboodfalo ama la dhaawaco ay duulashii qofafkaas (spirits) galayaan kuwii jawrfalka sameeyay. Sidaan la rumaysnaa waxaa bulshada S/liyeed dhexdeeda ku helay dhawris jifooyin laga itaal roonaa.

Qofkii duulashu galaan waxaa lagu daweeyaa aayada qur’aana iyo awaamir uu bixiyo wadaad la rumaysnaa inuu awoodda duulasha mid ka xoog roon leeyahay.

Waxaa kaloo jira dhaqan sooyaala oo lagu xuso dadkii xijaabtay. Waxaa tixgalin dheeri ah la siiyay odaygii, qoys ka soo farcamay ama abtirsiinyo ku aroortay. In kastoo xusaska noocaan ah lagu maldahay diinta islaanka, haddana waxaa la qabaa inuu ka mid yahay dhaqammadii hore ee Kuushta Bari.


Isbaddaladii ijtimaaciga ahaa, hababka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasiga ahaa ee qarnigii 19aad iyo 20aad ku yimid geyiga S/liya, markii dalalkii reer Yurub ee gumeystaha ahaa isku soo fidiyeen arlada S/liyeed, waxay ka dhex abuureen bulshada labo waab oo fikriya; kan hore wuxuu ku doodayaa in isbeddallada cusub gaalayn yihiin, tahayna in loollan adag laga horgeeyo, waxaana waabkaan hormood ka ahaa Sayid Max’d Cabdulle Xasan oo bilawgi qarnigii 20aad hoggaanshay kacdoon lixaad leh oo distuur ka dhigtay dariiqada suufiyadda ah ee Saalixiya. Waabka labaad wuxuu ku dooday in diinta islaanku ahayn fadhiid meel qotoma ee ay la socon karto waa kastoo loo joogo, arrintuna ay ku xiran tahay fahamka dadka ee diinta. Waabkaan dambe waxaa horseed ka ahaa dhallintii S/liyeed oo dalka Masar wax ku baratay, kana dabqaadatay aaraadii mustashraqiintii Masar iyo kacaankii Okt. 1969kii oo isagu la yimid Hantiwadaagga Cilmiga Ku Dhisan. Isla markaasna ku lifaaqay nuxurka diinta islaanka kii Hantiwadaagga.


Markay u bilaabatay barwaqadii batroolku dalalka Khaliijka

Carbeed, siiba dalka Sacuudiga waxay S/liya ugu deeqeen dhismo masaajidyo, deeqo-waxbarasho oo diiniya iyo kutub culuunta islaanka ah, waxaana bilaabmay hiddo-isu-meerin lixaad leh. Laga soo bilaabo waayahaas waxaa ku soo kordhay S/liya dhaqdhaqaaq mayil adag oo si daran u qaba in lagu noqdo asalka diinta, wax walbana lagu beego naska aayadaha Qur’aanka iyo sheekooyinkii dhabta ahaa ee nabi Maxammad (NNKH). Kacdoonkaani ma noqon mid isku kooba baahinta diinta ee wuxuu u istaagay inuu loollan hubaysan ku meel mariyo yagleelka dawlad islaami ah oo aan seere ka lahayn xayndaabka guud ee caalamka islaanka. In kastoo kacdoonkaan Wahabism uu u muuqday mid xoojinaya ku-dhaqanka diinta, haddana wuxuu ku barriiqday istraatijiyadda iyo siyaasadaha waayaha cusub. Kacdoonkaasina si dhoqso ah buu u qayooday, colaadna uga kasbaday bulshada S/liyeed ee hababka dariiqooyinku dhaqan-diimeed u ahaan jireen iyo dhaqan-raacii reer Kuushba.

Si kastaba ha ahaatee, kacdoonkaan dambe ee halka adagi wuxuu raad muuqda ku yeeshay bulshada S/liyeed iyo ku-dhaqankeeda diinta islaanka iyo waliba hannaankeeda siyaasadeed. Si kastoo uu wanaag u xanbaarsan yahay wuxuu u muuqdaa mid ka dhex-abuuray bulshadii raacsanayd halka mad-habad kala-qaybsanaan aan hore u jirin. Wuxuu kaloo u muuqdaa mid ay ka faa'iidaysteen xoogagga caalamiga ee ku foogan colaadinta iyo waxyeellaynta Diinta Islaanka, waxaana la tibaaxaa in dh/dhaqaaq-yadooda lagu dhex-jiro oo hawlo gurracan laga dhex-wado. Sidoo kale, falalkoodu waxay cududdaar u noqdeen xoogaggaas colaadiya islaanka. Siyaalahaasi waxay geyeysiiyeen ummaddii Soomaaliyeed burbur iyo baaba' baaxad weyn. 


Dad badan waxay ugu muuqataa in waxtarka kacdoonkaan dambe uu dhumuc fog ku yeelan lahaa bulshada, haddii kooxaha hoggaanshaa ku xasili lahaayeen waxbarista xubnaha bulshada, wacyi-gelinta guud iyo kobcinta dhaqaalaha oo garwadeennada siyaasadda ururkuna ku fogaan lahaayeen barashada culuunta guud iyo wacaalaha dunidaan gedgaddoonka badan.




Wednesday, February 3, 2016

MARREEXAAN MA DAD SOOMAALIYEED BAA MISE WAA DUUL SHISHEEYA?


Horraantii 1980-aadkii oo uu talada Dalka Soomaaliya hayay Taliskii Kacaanka ee M S Barre hoggaaminaayay, waxaa Soomaaliya ka abuurmay ururro kadhan ahaa xukuumaddii markaas jirtay, waxayna dhammaantood saldhig ka dhigteen oo hiil iyo hooba ka heleen Itoobiya oo waligeed ahayd cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa.

Haddaba maalin maalmaha kamida ayaa qoys reer miyi ah oo geeddi ahaa, kana koobnaa 10 carruur ah, aabbe iyo hooyo, iska hor yimaadeen 3 nin oo socoto ahaa, isla markaasna ahaa dooxato ka socota jabhad la yagleelay waayahaas. Sidii dhaqanka raacatadu ahaa waxay raggii waraysi u la istaageen odeygii reerkii geeddiga ahaa. Waxay is waraystaanba ninkii reerku wuxuu fahmay in ragga waraysanayaa col yihiin oo aysan markaas bixinayn xubnaha qoladiisa. Sidaas darteed, wuxuu yiri sidaan: ilma adeerrow, hantidaydu waa 50 neef oo ari ah iyo labadaas rati oo mid ilmuhu saaran yihiin, midna maqashu saaran tahay, ninkaad rabtaan inaad ii aanaysaan i ma oga anna wax ka ma ogiye, ha i dilina tobankaas carruura aan u shaqeeyee. Ninkii sidaas u calaacalay goobtii baa lagu dilay. Nin kamid ahaa raggii dilkaas arxandarrada ahaa geystay baa warkaas laga soo tebiyay waayo dambe, isagoo leh; wax kasta oo aan soo maray, taas baa iigu darnayd, walina maskaxdayda ka bi’ la'.  

Laga soo bilaabo waayahaas sheekadaani ku beegan tahay, waxaa si joogto ah ugu baahaayay Soomaali idilkeed colaado, markii dambe horseeday burburintii qaranka Soomaaliyeed iyo qalalaasaha ilaa maanta dami la’. Intay colaadahaasi socdeen waxay koox walba oo hubka u qaadday burburintii dawladdii Soomaaliyeed, weerarro ba’an ku qaadday Qabiilka Marreexaan, waxayna xubnaha qabiilkaas ku sameeyeen xasuuqyo badan. Kooxahaas oo dhammaantood sheegtay inay xoraynayaan Soomaaliya, waxay colaadday u qabeen M S Barre u aaneeyeen geeljirihii Marreexaan ee hawdadka ku dhaqnaa, waxayna gayeysiiyeen beelo badan oo tolkaasa dagalkac ballaaran, waxayna  kuwo badan ka dhawreen wiil iyo waxadba.

Dhanka kale, waxay jabhadihii burburintu iyo kuwii taageersanaa fidiyeen dicaayado lagu waxyeellay-naayo Tolka Marreexaan, iyagoo ka dhigaayay inay dawladdii Soomaaliyeed sideedaba ahayd qoladaas, wax walbana iyadu mas’uul ka ahayd. Dicaayadahaas oo aad u xoog badnaa, waxay halkudhigyo ka dhigteen erayo sida, Waa Muslim iyo Marreexaan, Marreexaankii Raamaha Lahaa, Reer Walba U Tali, iwm. In kastoo dicyaadahaas loo la dan lahaa burburintii dawladda, haddana waxay si toosa dhibaatooyin lixaad leh u geysteen tolka kor ku sheeggan. Waxaa ololayaashii jabhadihii burburinta gadaal ka riixaayay cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa iyo jaalleyaashiis, waxayna ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba la baabi’yo dawladnimadii Soomaaliyeed. Markii ujeeddooyinkii burburintu hirgaleen, waxaa halkii ka sii socday colaadihii kadhanka ahaa Marreexaanka, waxayna jabhadihii halkii ka sii wadeen weerarradii kadhankaa qolada aan ka hadlaynno, waana la wada og yahay weerradii lixaadka lahaa ee 1990-aadkii lagu qaaday degaannadii Marreexaanka. Isla waayahaas baa shirweyne lagu qabtay Jibuuti, kaas oo loo diiday in xubno ka tirsan Marreexaanka ay ka qeybgalaan shirweynaha sidii iyagoo ah dadaan dalkaba u dhalan, waxayna siyaasiintii halkaas ku shirtay si wadara ugu heshiiyeen in; M S Barre iyo taageerayaashiisa dagaal loo dhan yahay lagu qaado dalkana laga saaro. Taas oo macnaheedu ahaa in Marreexaan la gumaado oo dalka sidii duul shisheeye ah laga saaro.

Maantadaan la joogo waxaad mooddaa, inaysan colaadihii ka dhanka ahaa Marreexaan aysan dhammaan, waxaana daliil u ah;

- Waayahaan dambe, marka la xusaayo qoristii Afka Soomaaliga, waxaa aad loo bogaadiyaa qoristii afka, waxaana lagu sheegaa inay ahayd tillaabo fiican oo mudan in la xusuusnaado, hase yeeshee, waxaa dadka hadlaa afafkooda ka dhawraan inay xusaan raggii hormoodka ka ahaa fikradda fartii la qoray iyo kuwii hirgelinteeda horseedka ka ahaa, waxaana afka laga duwayaa; Shire Jaamac Juge (halabuurkii farta la qoray) iyo M S Barre oo hoggaamiye ka ahaa kacaankii hirgeliyay farta.

-        Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidammadiisii lagu jaray degmada Ceelcadde ay gacan ku lahayd Qolada Marreexaan. Marka uu sidaas leeyahay wax caddayna oo la tixraaci karo ma sheegin, baaritaan dhammaystiran oo loo qaateenana la ma samayn. Arrinkaan dambe, waxaa ku maldahan halis weyn, waayo wuxuu marka horaba Marreexaan ka dhigay sidii al-Qaacidadii al-Shabaab la bahowday, sidaas darteedna ay noqonayso in qabiilkaas dunida carrabka ku haysa argagixisadu wadajir u la dagaallanto.

-        Madaxweynihii dalku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdooyinkii lagu waxyeellay-naayay qabiilka aan hadal haynno, iyadoo aamuska sidiisaba loo qaato ka-raalli-noqosho. Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay dhab tahay tuhmadii in madaxweynuhu markii horaba xubin ka ahaa jabhadihii burburinta oo dagaalladii ba’naa ku qaaday qolada aan ka soo hadalnay, karti-la'aantana ay u heliso laabta oo jirran.

-    Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye 
     Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye 

     Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

-   Go'na laga ma qaadine dulmay, nagu gelaayaane 
     Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam'i lahaaye 

     Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e


-    Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye 
     Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey 

     Eebbow garow kaga ma helin, goolashaan wadaye

-   Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene 
     Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane 

     Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole


-   Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye 
     Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye 

     Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

-   Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe 
     Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne 

     Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

-    Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye 
     Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane 

     Eebow anaa kugu gar lehe, guusha hay seejin.
             (Sayid Max'd Cabdille Xasan "AUN")

Tuesday, January 26, 2016

MAXAA GEDOOY MAANTA KU LA GUDBOON?


Mar haddii col shisheeye ah kugu soo duulay oo uu gumaadaayo dadkaagii iyo duunyadaadii. Mar haddaad cod iyo cudud kuu hiilliya ka weyday dawlad-u-yaalkaad ka tirsanayd, mid guud iyo mid gaar ahaaneedba. Mar haddaad ka weyday dareen damqada intii badnayd isirkaagii. Mar haddaad dunidii, markay doonto qeylin jirtay ka weyday in yar oo dirgasho ah, maxaa Gedooy ku la gudboon?

-        Waxaa ku la gudboon inaadan u caban ama u calaacalin mid ama koox aan kaa diirnaxayn ama iski/iskeed u candadowlan oo cidladu dhaanto.

-       Waxaa ku la gudboon inaad garato awoodihii adiga iyo isirkaaba dhibabka u horseeday, haddana wali ku hawllan dibindaabyeyn-taada.

-       Waxaa ku la gudboon inaad fahamto casharrada taariiikhda, waayo haddaan la fahmin taas, la ma fahmi karo waxa kolkaas taagan, la mana saadaalin karo waxyaalaha soo aaddan. Haddaad wax ka garato sooyaalka dalkaaga, waxaad garan doontaa dhibabka maanta jira halkay ka soo fufeen iyo xoogaggii maleegay, markaas kadib isu ma bihinbihin doontid kuwii duullayntaada u heellanaa, walina u heellan.

-      Waxaa ku la gudboon inaad garato in maanta dalkaagu uusan xor ahayn, dawlad qummanna lahayn,  sidaas darteedna ay tahay inaad labo ka la doorato; inaad qaayibto gumaysiga oo la dhaqanto xoogagga gumaynta iyo inaad isu abaabusho inaad is xorayso. Haddii aad tan hore doorato, waa inaad is dabcisaa oo aad madaxadaygga joojisaa, dantana u qumisaa kuwa ku gumaysanaaya. Haddii aad tan dambe doorato, waa inaad u dhaqantaa sidii ay u dhaqmi jireen xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee dunida soo maray. Dadyowga xornimada u halgamaa waxay leeyihiin han sarreeya, waxayna ka gudbaan danaysi qofeedka iyo waxyaalaha aan waxtar guud u lahayn ummaddooda. Halganka dhabta maahan mid muluqmuluq iyo meelo-ka-qeylin lagu gaaro, ee waa mid cannaab badan oo u baahan in loo huro wax badan. Halganka dhabta ahi wuxuu qaataa waqti dheer, wuxuuna rabaa adadayg iyo inaan marna laga leexan waddada dheer ee yoolka fog lagu gaaraayo.

-      Waxaa ku la gudboon inaad ogaato, haddii aadan yeelan maamul, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan naftaada iyo mid kale toona wax tari doonin. Haddii aad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, dalkaaga iyo dadkiisana wax weyn tari doonto. Haddii aadan gudahaaga ka abaabulin kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in liidashadaada lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic iyo saxariir ka dhargi doono.

Kala-qeybsanaan iyo qadannimo la isku ma helo