Monday, June 20, 2016

Magan Allee Magacaa Ha Jiro (hees dhaqmeed)

Wiilka:
Aabbahay muuq toosanoow
Mayranoow beesha u maleeye
Miigganoow maareynta ku roone
Gabar mareeraan soo arkee
May-cas maad iga bixisidaa
Oo makaan ii yeeshidaa?

Aabbaha:
War mareerkaad ii macnayn
Meelaheer lagama helo
Wankii moolada lahaa iyo
Malyuunnaa laga baxshaa
Rag baa mooska u fadhiya
Malookayn bay heli
Soo maleeg oo meesha keen
Anna macaaneynta igu daa

Wiilka:
Gacalkaan maamuus la tagin
Aabbe maroor buu ka noqdaaye
Makaan gabadhaan lahayn
Dumarku wuu meermeeriyaa
Aabbe miskiinnimada iga daa
Magac gobeed baa meesha yaale
Kaalahyga uun ii muddee

Aabbaha:
Haddaad mareeye i tiri
Murtaa meesha i ag taal
Maqaabe gabadhuu dhalay
Mayran waan kuu doonayaa
Xay-mareer iyo Dhiin-maleeg
Iyo Muraan kuu bixinayaa
Miyirso oo maankaaga geli

Wiilka: Magan Allee magacaa ha jiro
Aabbaha: Magan Alle maamule ahoow


Monday, June 13, 2016

DIINTA ISLAANKA IYO SOOMAALIYA


                      


Image result for somali wahhabism

Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu tiriyaa muslimiin wada sunni ah. Wadaraaca hal mad-habad oo islaana, waxay ka soocday dadyowga Afrikaanka ah ee ku meersan oo rumaysan masiixiyadda iyo diimihii hore ee Afrika.

Dariiqooyinka Iyo Cuskashada Awliyada:
Ku-fidintii S/liya diinta islaanka waxaa door weyn ka qaatay hababka dariiqooyinka. Hababkaas waxay ku xiran yihiin habka Sufism ama suufiyadda. Suufiyaddu waa dh/dhaqaaq ruuxaani ah oo ka dhex bilawday diinta islaanka qarnigii 9aad iyo kii 10aad, meeshii u sarreysayna gaaray qarnigii 12aad iyo kii 13aad. Dhanka S/lida waxay suufiyaddu ka bilaabatay magaalooyinka qarnigii 15aad. Kuwa suufiyadda raacsani waxay goobaan u-dhawaanshaha Eebbe, iyaga oo markaas la kaashanaya wadaad sare oo ay rumaysan yihiin inuu xagga Rabbi karaamo dheeraad ah ku leeyahay. Xubnaha dariiqooyinka suufiyadda waxaa guud ahaan lagu magacaabaa Daraawiish (waaa eray Faarisi ah). Darwiishku waa kan ka go’ay hawlaha dunida oo u go’ay dawga Eebbe iyo u-adeegga bulshada. Dariiqada wadaadka madaxda u ah waxaa la siiyey magaca Shiikh (Carabi: aqoonyahan diimeed).
Daraawiishtu ama xubnaha dariiqooyinku waxay galaan socdaallo joogta ah oo ay dadka diinta ku barayaan, quud-maalmeedkana waxay la kaashadaan isla dadka. Waxaa lagu gartaa digriga/xadrada oo ay erayo diini ah ugu dhawaaqaan si laxan iyo qoob-ka-ciyaar leh iyo waliba hinraag ay si culus ugu neefsadaan. Ujeeddada dikriga iyo hinraaggu waa inuu qofku ka xoroobo jirkiisa, ka dibna ruuxiisa loo qaado xag Eebbe.

Dariiqooyinkii Suufiyadda ee ka hirgalay S/liya:

Qaadiriya: waxaa laga bilaabay Baqdaad 1166-dii MD, waxaana bilaabay Shiikh Cabdulqaadir Al-Jeylaani. Qarnigii 15aad bay Harar soo gaartay, waxaana lagu dhex faafiyay dadka S/lida iyo kuwa Oramada ah. Waxaana inta badan faafiyay wadaaddo S/li ah. Shiikh Cabdiraxmaan Al-Saylici oo dhintay 1883-dii baa noqday wadaadka ugu caansan xagga waqooyiga S/liya. Dhanka koonfurta S/liyana waxay dariiqadaasi ku baahday magaalooyinka sida, Muqdishow iyo Baraawe. 1819-kii baa Shiikh Ibraahim Xasan Jabro ka aasaasay daanta wabiga Jubba xarun dariiqadeed, beeraley ah, waxaana lagu tiriyaa jamaacaddii kowaad ee Soomaaliya. Jamaacadduna waa urur dan iyo dariiqo-wadaaga. Wadaaddada hormoodka ka noqday dariiqada Qaadiriya ee S/liya waxaa ka mid ahaa Sh. Aways Maxammad Baraawi oo la dilay 1909-kii. Wuxuu ku faafiyay dariiqada gudaha dhulalka koonfureed ee miyiga, wuxuuna qoray gabayo carabi ah, wuxuuna isku dayay inuu laxankooda u rogo afka S/liga. Waxaa kaloo sumcad weyn oo awliyadeed ka gaaray Muqdishow Sh. Cabdiraxmaan Cabdullah oo qabriigiisu noqday mid dooxooyinka wabi Shabeelle oo idil laga soo siyaarto.

Idiriisiya/Axmadiya: 

waxaa ka bilaabay Maka Sh. Axmad Ibnu Idiriis Al-Fasi (1760-1837 MD). Waxaa u soo gudbiyay dhanka S/liya Sh. Cali Maye Durogba oo reer Markood ahaa. Saadaashii iyo mucjisooyinkii lagu arkay baa gaarsiiyay martabadda awliyanimada, wuxuuna qabrigiisii noqday mid loo soo siyaaro tago. Dariiqadaan waxay leedahay xilliyada allabariyada ducooyin kooban, waxaase lagu yaqaan khilaawayn culus.

Saalixiya: 

dariiqadaan waxay ka dhalatay khilaaf ka dhex oogmay aasaasayaashii Idiriisiyadda, waxaana Maka ka bilaabay Sh. Maxammad Ibnu Saalix Al-Suudaani 1887dii. Waxay markii hore ku baahday dhulka S/li Galbeed ama Ogadeen, wadaadkii ugu firfircoonaana wuxuu ahaa Sh. Maxammad Guuleed Al-Rashiidi. Wuxuu la dagay dadka Shiidlaha ah ee dega daamanka wabi Shabeelle, wuxuuna yagleelay Jamaacad, wuxuu dhintay shiikhaasi 1918-kii.
Shiikha aad loo yaqaan oo dariiqadaan wadaad sare ka noqday waa Sayid Maxammad Cabdulle Xasan oo ahaa halyeygii gayiga S/liya ka difaacayay gumeystaha 21 sano oo xiriira.

Arlada S/liyeed dariiqooyinka Idiriisiyada iyo Saalixiyada wadaaddadii hoggaanshay waxay inta badan door-bideen inay daamanka wabi Shabeelle iyo Jubba ka yagleelaan jamaacooyin beeraley ah, waxayna wax ka taarteen hababkii waxbeerista. Waxaa dhaqan noqotay in walaalaha dariiqooyinku ka codsadaan duqeyda reeraha dega aagga ay doonayaan inay degaan, inay dhisaan masaajid iyo xarunta dariiqadooda. Marar badan waxaa dhacday in meesha ay dagto dariiqaddu ama jamaacaddu ay noqoto soohdin kala seeraysa labo qolo oo col ahayd. Dhulka la siiyo jameecadda waxay u aragtay ciddii bixisay inay ka helayso barako, maadaama dhulkaas la rumaysnaa in xagga Eebbe loo hibeeyay.


Waxaa kaloo jirtay in loo arkay madaxda laamaha dariiqooyinka inay karaamo leeyihiin, taas oo laga dhaxlo ama la socota qabrigiisa oo noqda qabri-awliyaaad. Dhaqan ahaan waxbarashada wadaaddada d/qooyinka waxaa ka mida barashada dh/qaaqa meerayaasha oo ay ka odorosaan isbeddelka xilliyada iyo socdaallada. Waxaa kaloo loo adeegsadaa xilliyada allabariyada, samatabixinta iyo nasiib-wanaagga. Wadaaddada d/qooyinku waxay hoodada wacan ku bixiyaan xirsiyada oo ay ku qoraan aayado qur’aana.

Inkastoo ay dhaqan noqotay in wadaadka laga fisho barako ama habaar, haddana guud ahaan dadka S/liyeed waxay qaayibeen aragtida asal-raaca ah ee islaanka, oo ku adkaynaysa in falalka qofka inta uu ifka joogo laga abaalmarin doono maalinta la yoobsan yahay ama qiyaamaha. Waxaa kaloo qofka S/liyeed si aada u rumaysan yahay in lur iyo ladnaan wixii Eebbe qofka u qoray uu la kulmi doono.

Cudurrada TB/da , cabburka, qufaca, matagga iyo miyir-beelka, waxaa la rumaysnaa inay keenaan rooxaanta wadaaddada, waxaana dawayn jiray wadaad, iyadoo loo doorbido mid hore uga buskooday xanuunyada uu dawaynayo. Wuxuu adeegsadaa aayado qur’aanka kamida iyo carafta oo S/lidu ku lammaanisay xafladaha diiniga. Waxaa kaloo jira cudur ay keento rooxaan, kaas oo la yaqaan Saar ama Mingis. Rooxaantaan oo la rumaysan yahay inay mid jinni ah tahay waxay ku dhacdaa afada, saygeedii xurguf dhex martay. xanuunkaan waxaa calaamadihiisa ka mida wareer (hysteria) iyo suuxniin.

Xafladda Saarka ee lagu saarayo duulasha jinniga waxaa hoggaansha qof loo yaqaan calaqad. Haweenaydii bukaanka ahayd inta ay dhex majiirayso Saarka, waxay awooddaa inay gasho xaalad khilaawayn ah oo ay uga warranto dhibaha iyada iyo saygeeda dhexyaal. Dhammaadka xafladda Saarkana inta badan waxaa ka soo baxa talooyin lagu sheego in uu qofkii bukaanka ahaa ku dawoobi doono, kuwaasna waxay inta badan noqdaan dhaqaale laga doono dhinicii bukaanka ahaa.

Waxaa kaloo jira dhaqan rooxaanta la xiriira oo loo yaqaan Gelid. Tusaale ahaan, hadday dhacdo in gabar loo ballamay in la guursado looga baxo wacadkii guurka, waxay rooxaantii gabadhu gashaa wiilkii ballantii guurka baalmaray, wuxuuna noqdaa mid la jirrada arrintaas, waxaana la yiraahdaa waa la galay wiilkii. Waxaa kaloo la rumaysnaa in haddii qof ama koox laga itaal roon yahay lagu gabboodfalo ama la dhaawaco ay duulashii qofafkaas (spirits) galayaan kuwii jawrfalka sameeyay. Sidaan la rumaysnaa waxaa bulshada S/liyeed dhexdeeda ku helay dhawris jifooyin laga itaal roonaa.

Qofkii duulashu galaan waxaa lagu daweeyaa aayada qur’aana iyo awaamir uu bixiyo wadaad la rumaysnaa inuu awoodda duulasha mid ka xoog roon leeyahay.

Waxaa kaloo jira dhaqan sooyaala oo lagu xuso dadkii xijaabtay. Waxaa tixgalin dheeri ah la siiyay odaygii, qoys ka soo farcamay ama abtirsiinyo ku aroortay. In kastoo xusaska noocaan ah lagu maldahay diinta islaanka, haddana waxaa la qabaa inuu ka mid yahay dhaqammadii hore ee Kuushta Bari.


Isbaddaladii ijtimaaciga ahaa, hababka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasiga ahaa ee qarnigii 19aad iyo 20aad ku yimid geyiga S/liya, markii dalalkii reer Yurub ee gumeystaha ahaa isku soo fidiyeen arlada S/liyeed, waxay ka dhex abuureen bulshada labo waab oo fikriya; kan hore wuxuu ku doodayaa in isbeddallada cusub gaalayn yihiin, tahayna in loollan adag laga horgeeyo, waxaana waabkaan hormood ka ahaa Sayid Max’d Cabdulle Xasan oo bilawgi qarnigii 20aad hoggaanshay kacdoon lixaad leh oo distuur ka dhigtay dariiqada suufiyadda ah ee Saalixiya. Waabka labaad wuxuu ku dooday in diinta islaanku ahayn fadhiid meel qotoma ee ay la socon karto waa kastoo loo joogo, arrintuna ay ku xiran tahay fahamka dadka ee diinta. Waabkaan dambe waxaa horseed ka ahaa dhallintii S/liyeed oo dalka Masar wax ku baratay, kana dabqaadatay aaraadii mustashraqiintii Masar iyo kacaankii Okt. 1969kii oo isagu la yimid Hantiwadaagga Cilmiga Ku Dhisan. Isla markaasna ku lifaaqay nuxurka diinta islaanka kii Hantiwadaagga.


Markay u bilaabatay barwaqadii batroolku dalalka Khaliijka

Carbeed, siiba dalka Sacuudiga waxay S/liya ugu deeqeen dhismo masaajidyo, deeqo-waxbarasho oo diiniya iyo kutub culuunta islaanka ah, waxaana bilaabmay hiddo-isu-meerin lixaad leh. Laga soo bilaabo waayahaas waxaa ku soo kordhay S/liya dhaqdhaqaaq mayil adag oo si daran u qaba in lagu noqdo asalka diinta, wax walbana lagu beego naska aayadaha Qur’aanka iyo sheekooyinkii dhabta ahaa ee nabi Maxammad (NNKH). Kacdoonkaani ma noqon mid isku kooba baahinta diinta ee wuxuu u istaagay inuu loollan hubaysan ku meel mariyo yagleelka dawlad islaami ah oo aan seere ka lahayn xayndaabka guud ee caalamka islaanka. In kastoo kacdoonkaan Wahabism uu u muuqday mid xoojinaya ku-dhaqanka diinta, haddana wuxuu ku barriiqday istraatijiyadda iyo siyaasadaha waayaha cusub. Kacdoonkaasina si dhoqso ah buu u qayooday, colaadna uga kasbaday bulshada S/liyeed ee hababka dariiqooyinku dhaqan-diimeed u ahaan jireen iyo dhaqan-raacii reer Kuushba.

Si kastaba ha ahaatee, kacdoonkaan dambe ee halka adagi wuxuu raad muuqda ku yeeshay bulshada S/liyeed iyo ku-dhaqankeeda diinta islaanka iyo waliba hannaankeeda siyaasadeed. Si kastoo uu wanaag u xanbaarsan yahay wuxuu u muuqdaa mid ka dhex-abuuray bulshadii raacsanayd halka mad-habad kala-qaybsanaan aan hore u jirin. Wuxuu kaloo u muuqdaa mid ay ka faa'iidaysteen xoogagga caalamiga ee ku foogan colaadinta iyo waxyeellaynta Diinta Islaanka, waxaana la tibaaxaa in dh/dhaqaaq-yadooda lagu dhex-jiro oo hawlo gurracan laga dhex-wado. Sidoo kale, falalkoodu waxay cududdaar u noqdeen xoogaggaas colaadiya islaanka. Siyaalahaasi waxay geyeysiiyeen ummaddii Soomaaliyeed burbur iyo baaba' baaxad weyn. 


Dad badan waxay ugu muuqataa in waxtarka kacdoonkaan dambe uu dhumuc fog ku yeelan lahaa bulshada, haddii kooxaha hoggaanshaa ku xasili lahaayeen waxbarista xubnaha bulshada, wacyi-gelinta guud iyo kobcinta dhaqaalaha oo garwadeennada siyaasadda ururkuna ku fogaan lahaayeen barashada culuunta guud iyo wacaalaha dunidaan gedgaddoonka badan.




Wednesday, February 3, 2016

MARREEXAAN MA DAD SOOMAALIYEED BAA MISE WAA DUUL SHISHEEYA?


Horraantii 1980-aadkii oo uu talada Dalka Soomaaliya hayay Taliskii Kacaanka ee M S Barre hoggaaminaayay, waxaa Soomaaliya ka abuurmay ururro kadhan ahaa xukuumaddii markaas jirtay, waxayna dhammaantood saldhig ka dhigteen oo hiil iyo hooba ka heleen Itoobiya oo waligeed ahayd cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa.

Haddaba maalin maalmaha kamida ayaa qoys reer miyi ah oo geeddi ahaa, kana koobnaa 10 carruur ah, aabbe iyo hooyo, iska hor yimaadeen 3 nin oo socoto ahaa, isla markaasna ahaa dooxato ka socota jabhad la yagleelay waayahaas. Sidii dhaqanka raacatadu ahaa waxay raggii waraysi u la istaageen odeygii reerkii geeddiga ahaa. Waxay is waraystaanba ninkii reerku wuxuu fahmay in ragga waraysanayaa col yihiin oo aysan markaas bixinayn xubnaha qoladiisa. Sidaas darteed, wuxuu yiri sidaan: ilma adeerrow, hantidaydu waa 50 neef oo ari ah iyo labadaas rati oo mid ilmuhu saaran yihiin, midna maqashu saaran tahay, ninkaad rabtaan inaad ii aanaysaan i ma oga anna wax ka ma ogiye, ha i dilina tobankaas carruura aan u shaqeeyee. Ninkii sidaas u calaacalay goobtii baa lagu dilay. Nin kamid ahaa raggii dilkaas arxandarrada ahaa geystay baa warkaas laga soo tebiyay waayo dambe, isagoo leh; wax kasta oo aan soo maray, taas baa iigu darnayd, walina maskaxdayda ka bi’ la'.  

Laga soo bilaabo waayahaas sheekadaani ku beegan tahay, waxaa si joogto ah ugu baahaayay Soomaali idilkeed colaado, markii dambe horseeday burburintii qaranka Soomaaliyeed iyo qalalaasaha ilaa maanta dami la’. Intay colaadahaasi socdeen waxay koox walba oo hubka u qaadday burburintii dawladdii Soomaaliyeed, weerarro ba’an ku qaadday Qabiilka Marreexaan, waxayna xubnaha qabiilkaas ku sameeyeen xasuuqyo badan. Kooxahaas oo dhammaantood sheegtay inay xoraynayaan Soomaaliya, waxay colaadday u qabeen M S Barre u aaneeyeen geeljirihii Marreexaan ee hawdadka ku dhaqnaa, waxayna gayeysiiyeen beelo badan oo tolkaasa dagalkac ballaaran, waxayna  kuwo badan ka dhawreen wiil iyo waxadba.

Dhanka kale, waxay jabhadihii burburintu iyo kuwii taageersanaa fidiyeen dicaayado lagu waxyeellay-naayo Tolka Marreexaan, iyagoo ka dhigaayay inay dawladdii Soomaaliyeed sideedaba ahayd qoladaas, wax walbana iyadu mas’uul ka ahayd. Dicaayadahaas oo aad u xoog badnaa, waxay halkudhigyo ka dhigteen erayo sida, Waa Muslim iyo Marreexaan, Marreexaankii Raamaha Lahaa, Reer Walba U Tali, iwm. In kastoo dicyaadahaas loo la dan lahaa burburintii dawladda, haddana waxay si toosa dhibaatooyin lixaad leh u geysteen tolka kor ku sheeggan. Waxaa ololayaashii jabhadihii burburinta gadaal ka riixaayay cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa iyo jaalleyaashiis, waxayna ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba la baabi’yo dawladnimadii Soomaaliyeed. Markii ujeeddooyinkii burburintu hirgaleen, waxaa halkii ka sii socday colaadihii kadhanka ahaa Marreexaanka, waxayna jabhadihii halkii ka sii wadeen weerarradii kadhankaa qolada aan ka hadlaynno, waana la wada og yahay weerradii lixaadka lahaa ee 1990-aadkii lagu qaaday degaannadii Marreexaanka. Isla waayahaas baa shirweyne lagu qabtay Jibuuti, kaas oo loo diiday in xubno ka tirsan Marreexaanka ay ka qeybgalaan shirweynaha sidii iyagoo ah dadaan dalkaba u dhalan, waxayna siyaasiintii halkaas ku shirtay si wadara ugu heshiiyeen in; M S Barre iyo taageerayaashiisa dagaal loo dhan yahay lagu qaado dalkana laga saaro. Taas oo macnaheedu ahaa in Marreexaan la gumaado oo dalka sidii duul shisheeye ah laga saaro.

Maantadaan la joogo waxaad mooddaa, inaysan colaadihii ka dhanka ahaa Marreexaan aysan dhammaan, waxaana daliil u ah;

- Waayahaan dambe, marka la xusaayo qoristii Afka Soomaaliga, waxaa aad loo bogaadiyaa qoristii afka, waxaana lagu sheegaa inay ahayd tillaabo fiican oo mudan in la xusuusnaado, hase yeeshee, waxaa dadka hadlaa afafkooda ka dhawraan inay xusaan raggii hormoodka ka ahaa fikradda fartii la qoray iyo kuwii hirgelinteeda horseedka ka ahaa, waxaana afka laga duwayaa; Shire Jaamac Juge (halabuurkii farta la qoray) iyo M S Barre oo hoggaamiye ka ahaa kacaankii hirgeliyay farta.

-        Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidammadiisii lagu jaray degmada Ceelcadde ay gacan ku lahayd Qolada Marreexaan. Marka uu sidaas leeyahay wax caddayna oo la tixraaci karo ma sheegin, baaritaan dhammaystiran oo loo qaateenana la ma samayn. Arrinkaan dambe, waxaa ku maldahan halis weyn, waayo wuxuu marka horaba Marreexaan ka dhigay sidii al-Qaacidadii al-Shabaab la bahowday, sidaas darteedna ay noqonayso in qabiilkaas dunida carrabka ku haysa argagixisadu wadajir u la dagaallanto.

-        Madaxweynihii dalku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdooyinkii lagu waxyeellay-naayay qabiilka aan hadal haynno, iyadoo aamuska sidiisaba loo qaato ka-raalli-noqosho. Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay dhab tahay tuhmadii in madaxweynuhu markii horaba xubin ka ahaa jabhadihii burburinta oo dagaalladii ba’naa ku qaaday qolada aan ka soo hadalnay, karti-la'aantana ay u heliso laabta oo jirran.

-    Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye 
     Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye 

     Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

-   Go'na laga ma qaadine dulmay, nagu gelaayaane 
     Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam'i lahaaye 

     Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e


-    Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye 
     Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey 

     Eebbow garow kaga ma helin, goolashaan wadaye

-   Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene 
     Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane 

     Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole


-   Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye 
     Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye 

     Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

-   Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe 
     Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne 

     Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

-    Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye 
     Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane 

     Eebow anaa kugu gar lehe, guusha hay seejin.
             (Sayid Max'd Cabdille Xasan "AUN")

Tuesday, January 26, 2016

MAXAA GEDOOY MAANTA KU LA GUDBOON?


Mar haddii col shisheeye ah kugu soo duulay oo uu gumaadaayo dadkaagii iyo duunyadaadii. Mar haddaad cod iyo cudud kuu hiilliya ka weyday dawlad-u-yaalkaad ka tirsanayd, mid guud iyo mid gaar ahaaneedba. Mar haddaad ka weyday dareen damqada intii badnayd isirkaagii. Mar haddaad dunidii, markay doonto qeylin jirtay ka weyday in yar oo dirgasho ah, maxaa Gedooy ku la gudboon?

-        Waxaa ku la gudboon inaadan u caban ama u calaacalin mid ama koox aan kaa diirnaxayn ama iski/iskeed u candadowlan oo cidladu dhaanto.

-       Waxaa ku la gudboon inaad garato awoodihii adiga iyo isirkaaba dhibabka u horseeday, haddana wali ku hawllan dibindaabyeyn-taada.

-       Waxaa ku la gudboon inaad fahamto casharrada taariiikhda, waayo haddaan la fahmin taas, la ma fahmi karo waxa kolkaas taagan, la mana saadaalin karo waxyaalaha soo aaddan. Haddaad wax ka garato sooyaalka dalkaaga, waxaad garan doontaa dhibabka maanta jira halkay ka soo fufeen iyo xoogaggii maleegay, markaas kadib isu ma bihinbihin doontid kuwii duullayntaada u heellanaa, walina u heellan.

-      Waxaa ku la gudboon inaad garato in maanta dalkaagu uusan xor ahayn, dawlad qummanna lahayn,  sidaas darteedna ay tahay inaad labo ka la doorato; inaad qaayibto gumaysiga oo la dhaqanto xoogagga gumaynta iyo inaad isu abaabusho inaad is xorayso. Haddii aad tan hore doorato, waa inaad is dabcisaa oo aad madaxadaygga joojisaa, dantana u qumisaa kuwa ku gumaysanaaya. Haddii aad tan dambe doorato, waa inaad u dhaqantaa sidii ay u dhaqmi jireen xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee dunida soo maray. Dadyowga xornimada u halgamaa waxay leeyihiin han sarreeya, waxayna ka gudbaan danaysi qofeedka iyo waxyaalaha aan waxtar guud u lahayn ummaddooda. Halganka dhabta maahan mid muluqmuluq iyo meelo-ka-qeylin lagu gaaro, ee waa mid cannaab badan oo u baahan in loo huro wax badan. Halganka dhabta ahi wuxuu qaataa waqti dheer, wuxuuna rabaa adadayg iyo inaan marna laga leexan waddada dheer ee yoolka fog lagu gaaraayo.

-      Waxaa ku la gudboon inaad ogaato, haddii aadan yeelan maamul, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan naftaada iyo mid kale toona wax tari doonin. Haddii aad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, dalkaaga iyo dadkiisana wax weyn tari doonto. Haddii aadan gudahaaga ka abaabulin kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in liidashadaada lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic iyo saxariir ka dhargi doono.

Kala-qeybsanaan iyo qadannimo la isku ma helo                                   

Wednesday, December 23, 2015

Hay Gabine Hay Goyne (hees)

Hurdo kaa ma lado oo
Jaceyl iga ma guuroo
Galiilyada jirkaygana
Qaban waayay gogoshee
Geyigeenna oo weyn
Geyaankeenna oo badan
Nin dartaa u gees maray

Go'e la ma colaadshee
Hay gabine, hay goyne
Anba ku ma guhaadsheene

Inta bahal gurguurtiyo
Guudlow libaaxiyo
Good iyo abeesada
Ninka gogol la seexdee
Nin dartaa u golongolay
Oo uu gubay jaceyl
Gantaal uu ka taagay

Go'e la ma colaadshee
Hay gabine hay goyne
Anba ku ma guhaadshaane



Tuesday, December 15, 2015

Had Maan Dadab galeynnaa? (hees)

Sidii webi durdurayoo
Labadiisa daamood
Dooggii ka soo baxay
Dacallada is dhaafsheen
Laamaha dushiisana
Shinburuhu ku doodaan
Ama dayr samaadkoo
Dadku nabad u wada yaal
Duunyaduna fooftoo
U dareertoo hawdkii

Waan ku doonayayoo
Aniguna daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortoow
Had maan dadab galeynnaa?

Sidii ramad dayr-dhalahoo
Doox rays le joogtoo
Duhurkii markay tahay
Mayaygii ku da'ayoo
Meel didiba maraysoo
Durdurada dhasheedii
Hadba dacal ka dhaafaan
Naxariista daymadaan
Nafta kugu daweeyaa

Waan ku doonayayoo
Aniguna daraaddaa
Indhihii i daalee
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortoow
Had maan dadab galeynnaa?



Thursday, November 5, 2015

Aduun baa Gabar Yahay (hees)

Aduun baa gabar yahay
Gedafeeyay timahoo
Gega lagu caweeyiyo
Guur u feeranaayee
Miyuu wiil geyaanihi
Go'dooy maanta joogaa
Geeri weeye caydhuye
Sow tan laysay gaajadu
Nimaad garabka saartiyo
Miyuu geesi nool yahay?

Adigaaba geenyoy
Guluf iyo colaad iyo
Weerar geli karaayoo
Itaalkaagu gaaree
Geestayda miyuu faras
Gaashaanqaada joogaa
Sow kan caato gaabshee
Higsanaaya geeddiga
Haddii guuyo lala tago
Miyaa loo gurmanayaa?

Aduun baa Gargooryow
Webigii Ganaaniyo
Gal durdura ku yaalloon
Abaaruhu ku gaarine
Gabboodkii dhulkaygaba
Miyaad geed ku aragtaa
Gurmogo'ankii mooyee
Aaway laga-ma-guurihii
Galoolkiyo Maraagii 
Sow kan gooyay jiilaal?

Erayada:
1- Gedafeeyay: wareejiyay timaha ama qurxiyay.
2- Gega: goob; meel; iwm.
3- Geyaan: la guursan karo; leh tayo lagu guursan karo.
4- Caydh; Cayr: aan xoolo haysan; sabool. 
5- Geenyo: fardaha kooda dheddig.
6- Guluf: col kooban oo aalaa farasleya.
7- Guuyo: xoolo; maal.
8- Gaashaanqaad: gaaray markuu gaashaanka inta qaado, dagaallada geli lahaa. 
9- Gargoor, Galool, Maraa: geedo magacyadood.
10- Gabbood; Gabbaad: meel lagu gabbado oo dhaxanta, dabaylaha iwm celisa.
11- Gurmogo'an: dhir laamihii laga jaray.