Erayga Falsafad (philosophy) waa kasmada saldhigga u ah aqoonta abuurka, dhabta, iyo jiritaanka. Waxay ka bilaabataa is weyddiinta su’aalo ku saabsan sida aadanuhu u arko abuurka (nature) iyo sidoo kale guud ahaan uunka (universe).
Af ahaan eraygu wuxuu ka koobmaa labo eray oo Giriiga; philo-macnuhu yahay “jacayl” iyo-sophos-oo macnuhu yahay “garaad”.
Waxaa ku caan baxay kasmada falsafadda ama Garaad-jacaylka waxyaqaannadii Giriigga ee hore, waxaana halkaan ku soo ban dhigayaa tuducyo-muceed falsafadeed oo aan ka soo gol dooxay falsafad-yahankii Sokraad:
· Noloshaan
laga baaraa dagin u ma qalanto in la noolaado.
·Marka
dooddu dhammaato caydu, waa aaladda guul-darraystaha.
· Waa
inaan si guud u ducaysannaa, waayo Eebbe isagaa naga og waxa noo wanaagsan.
· Aalaa
nacaybka ugu halista badan waxaa keena damaca aadka.
· Dawga
loo maro sumcadda wanaagsan; waa in lagaa arkaa waxa aad jeceshahay inay kaa
muuqdaan.
· Waxaa
laga yaabaa, in geeridu tahay nimcada ugu weyn ee aadanoo dhan.
· Is
ka daa kaas adduunka ha dhaqaajiyee marka isagu is dhaqaajiyo
· Hab
anshiyeedka ku salaysan roonayaasha (values) laab-lakaca, waa uun dhalanteed,
waa aragti nacas oo ka maran run iyo maangalnimo.
· Kan
ugu hodansan waa kan ku raalli noqda waxa yar, waayo qanaacadu waa hanti
abuurriina.
· Naftaada
ku hor mari qoraalladda rag kale sameeyeen, si ay kuugu fududaato wax-ka-korarsiga
hawlihii kuwo kale xoog uga soo shaqeeyeen.
· Hagaag, waxaa hubaal ah inaan ninkaan ka
garasho roonahay. Waxay u badan tahay labadayada midna, inuusan lahayn aqoon uu
ku tookhi karo; hase yeeshee, isagu wuxuu u qabaa inuu yaqaan wax uusan aqoon,
halka anigu aan ka warqabo jahligayga. Si kastaba ha ahaatee, waxaad mooddaa inaan
uga garaad sarreeyo sida uu ku sugan yahay ee kooban, mana filaayo inaan aqaan
wax aanan aqoon.
· Garaadku
(xikmad) wuxuu ka bilawdaa qeexitaanka erayga.
· Badanaa
waxyaalah uu qofku la’aantood wax qaban karo.
· Kuwa
caytamaa wax ii ma dhimaan, waayo wax-ba igu ma dhuftaan.
· Waxaan
ka baqayay markaan indhahayga oo ay weheliyaan dareema-yaashayda kale ku eego
walxaha anoo isku dayaya inaan fahmo iyaga ay taasi ii hor seeddo inaan ruuxana
ka indho beelo.
· Qofkaan
raalli ku ahayn waxa uu haysto, raalli ku ma noqon doono waxa uu raadinaayo.
· Haddii
qof is ku la weyn yahay hantida uu haysto, waa inaan lagu ammaanin ilaa laga
hubsanaayo sida uu hantidaas ugu dhaqmaayo.
· Haddii
tixraac (reference) jiro waxaa jira cabsi, laakiin meelna ka ma jiro tixraac
haddii aysan cabsi jirin, sababtoo ah cabsidu waxay leedahay fidsanaan ka roon
tan tixraaca.
· Kuwa
shaqo-la’aanta kaliya maaha inay shaqada ka fadhiyaan, ee waxay ka loo yihiin
kuwo gabay hawshii la qaban lahaa.
· Baryadeenna
Eebbe waa inay noqotaa mid guud, waayo Eebbe isagaa naga og waxa noo roon.
· Waxa
kaliya ee aan rajaynayaa waa in dadka caadiga leeyahay awood aan koobnayn oo uu
wax ku dhimi karo, waayo markaas bay dhici kartaa inuu yeesho awood aan
koobnayn oo uu wax wanaagsan ku sameeyo.
· Alla
badanaa wax badan oo aan la’aantood wax qaban karo.
· Dhab
ahaan waxaan ahaa runlow taas oo heerkeedu gaari waayo inaan noqon waayo
siyaasi iska nool.
· Waxaad
mooddaa inuusan dadka caadiga garwaaqsan in kuwa sida qumman oo tooska oo iyaga
goonida u ah naftooda ugu dhaqa falfasadda ay yihiin kuwo isu diyaarinaaya
xaraarugga iyo geerida.
· Arag
hal qar-biyood oo ku foorara, hal buur, hal wabi, hal bad oo arag dhammaan.
· Marka damacu caqliga diido, oo uu xoogo garsoorkii keeni lahaa qummanaanta, waxay
arrintu u janjeersatay dhanka dhadhansiga macaanka taas oo laga yaabo inay
quruxdu ku hanboorisay, mar labaddna iyadoo uu rabitaanka gaarka saamayn
xooggan ku leeyahay waxaa si xooggan loogu dhaqaajiyaa dhanka quruxda qaabab
jireedka, dhaqaaqaan xooggan bay magac ku la baxday, waxaana loogu yeeraa
jaceyl.
· Eebbow
adaan kuu tukanayaa si uu gudahaygu qurux u yeesho.
· Waxaa
na loo yeelay labo dhagood, labo indhood, laakiin waxaa na loo yeelay hal
carrab, si markaas dhageysigeenna iyo fiirinteennu uga bataan hadalkeenna.
· Dhab
ahaan waxaan ku qanacnay haddii aan doonaynno inaan haleelno aqoon saafiya oo
walax kasta ku saabsan, waa inaan ka xorownnaa jirka oo ruuxda kaligeed ka
fakartaa walxaha. Waxaad mooddaa, si ay dooduhu garsoor fiican u helaan in
garaadka aan wax ku go’aaminaynno ee sida runta quluubteenna uga soo go’aa uu
kaliya suurtogal yahay inaan haleelno marka aan dhimanno ee aysan suurtogal
ahayn intaan nool nahay.
· Ma
jiro wax caddaaladda mudnaan ka leh.
· Ma
ahi nin u dhashay Athenis ama Greek, waxaanse ahay nin u dhashay
adduunka.
· Ninna
ha ku sheegin mid murugeysan kahor intuu ka guursanaayo.
· Faraxsanaantu
waa ladnaan aan laga qoomamayn.
· Dagaallada,
kacaammada iyo goobaha dagaal, kaliya waxaa sababa damac. Dagaal oo dhan waxaa
loo qaadaa si xoolo loo helo; sababta aan xoolaha u rabanna waa baahida
jirkeenna; illeen jirkeennaan addoomo u nahaye.
· Waxa
kaliya ee wanaagsan waa aqoonta, waxa kaliya ee xunna waa aqoon-la’aanta
(jahliga).
· Waddada
ugu dhow ee aad ku gaari karto meel sare, waa adiga ku dadaala halka aad ku
hamminaysay inaad gaarto.
· Ha
ku degdegin saaxiibnimada, hase yeeshee, haddaad dhex gasho sii adkee oo ku
sugnow.
· Dadka
aan tayada lahayn waxay jecel yihiin kaliya inay cunaan oo cabbaan; halka dadka
tayada leh ay kaliya u cunaan oo cabbaan si ay noolaadaan.
· Haddiiba
lala simo ninka, haweenaydu iyadaa isaga ka sare marta.
· Caannimadu
waa carafta hawlaha halyeyga.
· Masayrrowgu
wuxuu ku caatoobaa, buurnaanta dariskiisa.
· Sideedaba
lacagta lagu helaa aqoontu, waxay ka xun tahay aqoon-la’aanta.