Al-Saabi’a
(الصابئة)
“Waxaa hubaala, kuwaas rumeeyay iyo kuwaas Yuhuudda iyo Masiixiyiinta, iyo Saabi’iinta [wa’l-saabi’een ], mid kastoo rumeeyay Allaah iyo Maalinta U-Dambaysa oo sameeya falal wanwanaagsan inay abaalmarintooda ka helayaan Eebbahood, xaggoodana ma jiri doonto cabsi, mana noqon doonaan kuwa murugooda” [al-Baqarah 2:62]
Saabi’adu waa diin aad
u fac weyn oo ka horreysay dhammaan diimaha samaawiga, waxaana
magaca Saabi’a (Xalato) uu ka soo jeedaa
Afka Aramayga oo afkeedii hooyo ah. Waxay markii hore diintaas laga rumeysnaa;
Xaaraan (Turkiya), Urshaliim (اورشلىم), Hindiya, Yeman, Cummaan, Itoobiya, Iiraan,
iyo Ciraaq.
Meelaha kale, dadkii
diintaas raacsanaa waa ka tirmeen ama way qarsoomeen, Ciraaq bayse ku dambeeyeen
Saabi’iintu. Waxaa kaloo loo yaqaan Saabi’iinta Reer Ciraaq; Al-Mindaa’iya (مندائية)
oo macnuhu yahay, Ogooleed.
Waxaa Saabi’yada lagu
rumeysan yahay, in Eebbe mid qura yahay
oo an la labayn, magacyada ay Ilaahay ugu yeeraanna waxaa kamida;
Noolaha Weyn (الحى العطىم) waxaana Saabi’iintu haystaan kitaab lagu magacaabo Kinsu Rabbaa
(كنزربا) oo ay rumaysan yihiin inuu yahay Kitaabkii Nabi Aadan (cs). Waxay ka loo si
weyn u rumeysan yihiin, Nabi Shiid (شيث)-cs
oo
ahaa yaraankii Nabi Aadan (cs) iyo Xaawo, waxayna is la isaga u rumeysan yihiin
awowga ay ka soo firmeen. Nabiga ugu dambeeya ee ay aad u rumeysan yihiin waa
Nabi Yaxya (cs). Waxay ka loo xurmeeyaan dhammaan nabiyadii Eebbe sida; Nabi
Ibraahim (cs) iyo Nabi Akhnuukh (cs).
Tiirarka Diinta
Saabi’ada ama Mandaa’iyada waa shan:
1- Xayul Qayuum: waa Eebbaha weyne, inuu yahay
mid kali ah oo jiri jiray waligiis, jirina doona waligiis.
2-
Salaad: markii hore salaadihii lagu
waajibiyay shan bay ahaayeen, waxaase seddex ka dhigay Nabi Yaxya (cs)’, oogta
hore intaan qorraxdu soo bixin mida, harkii marka qorraxdu dhanka kale u rogmato
mida iyo markay qorraxdu dhacdo mida. Hameynkii la ma tukado, salaadahoodoo dhanna sababo jira awgood waa la jamcin karaa. Weysadooda waxay ugu yeeraan
‘Rashaama’ waxayna u eg tahay tan muslimiinta. Qibladoodu waa dhanka Waqooyiga,
sidaas darteed, baa loogu maleyn jiray inay xiddigaha caabudaan, sidaas-na
maahee, waxay rumeysan yihiin in jannadu xagga Waqooyiga jirto. Salaadda waxay
gutaan iyagoo taagan, laakiin hore u yar janjeera waxayna aqriyaan tuducyo ama aayado ku
qoran kitaabkooda/ Kinsi Rabbaa (كنزربا) oo macnuhu yahay; (Khasnaddii Weyneyd "great treasure"). Waxay leeyihiin guri lagu cabaadeysto oo loogu
yeero Al-Manda’i ama Gurigii Ogaalka (المندئ). Guriga Ogaalka waxaa waajib ah in laga
dhiso dhanka waqooyi ee wabi leh biyo qulqulaya, waana in albaabkiisu u jeedo
dhanka Koonfureed.
3-
Soon:
b) soonka weyn: waa ka-fogaanshaha dunuubta Eebbe ka caroodo sida; dilka,
sinada iyo tuugada
t) soon-yare: waa in sannadkii
laga soomaa hilbaha muddo 30 cisho ah, shardina maahan inay isku xigxigaan ee
waxaa loo qeybinayaa bilaha sannadka, waxaana dhici karta in hal maalin bil ku
soo aaddo.
4- Is-Dhaqid/Is-Xalitaan (الصباعة): waa tiirka ugu weyn Diinta
Saabi’ada, waxaana shardi ah in qofku lumbado ama maquuro biyo socda (biyo
fadhiya maya). Siyaalo ka la duwan baa is-dhaqiddu waajib u tahay sida; in
ilmaha dhasha la dhaqo/lumbiyo 30 jeer, hadduu lab yahay iyo gabadha oo 31 jeer
la dhaqo/lumbiyo. Is-dhaqitaanku waa badan yahay oo waxaa jira kan guurka, waayeelka iyo kan maydka. Aalaa is-xalidda waxaa la sameeyaa maalinta Axadda
waana in qofku soo xirtaa maro ka kooban shan qeybood (waa dharka lagu waajib
yeelay Manda’iyiinta.
5-
Sako: qofka Saabi’iga waxaa waajib ku ah
inuu hantidiisa wax ugu sadaqeysto dadka saboolka, in loo xaddiday iyo waqti
loo qabtayna ma jiraan.
Wadaadk: qofka wadaadka
noqonayaa waa inuu lab yahay, ilaa toddobo awowana uusan lahayn cillad xagga
jirka ama dhimirka waxaana loogu yeeraa ‘Xalaali’. Waxaa jira wadaad-caawiya oo loogu yeero: Shakandah, wuxuuna qabtaa hawlaha sida; aasidda maydka iyo gawraca
xoolaha, waxaana shardi ah inuu guursado gabar bikro ah. Waxaa ka loo jira in wadaadka ugu weyn oo
loogu yeero ‘Ginsirabbi’ oo ah kan haya Kitaabka Kinsi Rabbaa. Waxaa ka loo jira
qof loogu yeero ‘Riish’ oo ah ninka mas’uulka ka ah arrimaha guud ee Ummadda Mandaa’iga. Jagada qof aadane ah uu gaaro waxaa loogu yeeraa ‘Raabbi’ waxanaana
kaligiis gaaray Nabi Yaxya (cs).
Ciidaha: b) Ciidda
Banja (Bisha Aadaar): waa shan maalmood oo ay rumeysan yihiin in lagu abuuray
iftiinka/nuurka iyo malaa’igta. t) Ciidda Tacmiidka ama Is-Xalista (Bisha
Aayaar): maalintaas waxaa is daahiriyay Nabi Yaxye (cs). j) Ciidda Weyn
waana Ciidda Is-Xalista Weyn: waxaa lagu sugnaadaa guryaha muddo 36 maalmooda.
x) Ciidda Yar: waa maalintii Jibriil ku noqday xagga cirka/samada.
Gawraca: waxaa gawraca
wadaad (Shikandah) waxaana neefka loo jeediyaa dhanka Waqooyi, waxaana la
akhriyaa aayado laga soo xigtay Kitaabka Kinsi Rabbaa, hameynkiina in wax la
gawraco ma bannaana.
Guurka: in la is furaa
ku ma bannaana Diinta Saabi’ada, waxaase marar dambe la oggoladay is-furitaanka
dadka isu dhali waayay iyo haddii midkood dhaqan-xumo la yimaado. Xafladaha guurka waa
labo; lumbinta labada is guursaday biyo qulqulaya, kadib markay soo xirteen
dhar arrinkaas loo gooni yeelay iyo inay fariistaan labadii is guursatay waab laga sameeyay geedka qasabka, waliyadoodii iyo wadaadkii meherintu waabkaas bay la fariistaan. Waxaa
seddex jeer la weyddiiyaa ninkii guursanaayay inuu oggol yahay meherinta,
gabadhana 2 jeer. Ninka Mandaa’iga waxaa loo oggol yahay inuu guursado ilaa
afar dumara.
Nolosha Dambe/Geerida
Kadib: qofku markuu dhinto waxaa lagu dhaqaa biyo laga keenay wabiga, waxaana
loo xiraa maro shan qeybood ka kooban. Waxaa ku akhriya aayado laga soo xigtay
Kinsi Rabbaa wadaad, intuu wado akhriskana waxaa loo keenaa cunno gaara
oo uu is la meesha ku cuno. Waxaa hawlahaas loo sameeyaa si ruuxda qofku uga
ambabaxdo qofka jirkiisa waxaana la rumaysan yahay in ruuxdu guurigii qofkii dhintay joogto ilaa seddex maalmod,
kadib ruuxdii waxay aaddaa dhanka Waqooyiga, waxayna tagtaa meel lagu miisaamo oo lagu jimeeyo ruuxdii Nabi Shiid (شيث)-cs, waayo waxaa lagu
rumeysan yahay Saabi’ada inuu Nabi Shiid ruuxdiisu ahayd midda ugu
dhammaystiran uguna daahirsan dadkii Noolaha Weyn abuuray. Markaas kadib,
ruuxdii waxay aaddaa meel la yiraahdo; ‘Madaharaati’ oo ah meel ay joogto
maal’ig u gaar ah nadiifinta arwaaxda ilaa ay lamid noqoto tii Nabi Shiid (
شيث).
Waxay meeshaas ruuxdu joogtaa kumanaan sano ama malaayiin sano, kadibna waxay u
socdaashaa xagga samada/cirka.
Waxyaala Kaloo Ay
Saabi’iintu Rumeysan Yihiin:
1-
Dumarka waa inay xirtaan dhar asturaya,
waxayna u labbistaan sida dumarka muslimiinta ee is astura.
2-
Korsashada ilmaha oo ah inuu noqdo ilmo
aad dhashay waa xaaraan xitaa hadduu ilmuhu yahay Manda’i.
3-
Gudistu waa xaaraan, haddaad is guddana
diintaas waad ka baxday.
4-
Haddaad Manda’i tahay, kaliya waxaad guursan
kartaa qof Manda’i, haddaad sidaas dhinac martana diintii waad ka baxday.
5-
Hilbaha xoolaha leh afarta addin, kaliya waxaa laguu
banneeyay ariga lab. Waxaa laguu banneeyay hilbaha shinbiraha iyo
kalluunka qolofta leh.
6-
Khamrigu waa xaaraan.
7- Ninka diinta waxaa ka reebban inuu timaha madaxa ama kuwa garka xiiro. Diintaan la ma oggola in naagi wadaad noqoto.
Si
kastaba ha ahaatee, Diinta Saabi’idu waa loo dhashaaye la ma galo.