Al-Ibaadiya (الاباضية)
Waa mad-habad ama dariiqo kamida diinta islaamka.
Sida taariikh-yahannadu qabaan waxay soo ifbaxday sannadkii 650 MD ama 20 sano
geeridii Nabiga kadib, waxaana lagu tiriyaa inay ka horreysay mad-habadaha
sunniga iyo shiicada-ba.
In kastoo Ibaadiyiintu ay aad u diidaan, waxay markii hore kamid ahayd dhaqdhaqaaqii al-Khawaarij, waxaana ka soo jabiyay
dh/dhaqaaqaas Cabdullaahi ibnu Ibaad (عبدالله بن اباض التميمي)
oo magaciisa wali ay wadato dariiqadaasi. Markii hore fikrad-diimeedka
Ibaadiyadu waxay ka soo baxday Basrah, waxaana saldhiggeeda lahaa Jibriil ibnu
Seyd oo ka soo jeeday magaalada Niswa ee maanta ka tirsan Cummaan. Dh/dhaqaaqa
Ibaadiyadu wuxuu kamid ahaa kooxihii ka soo horjeestay xukunkii Khaliifkii
3-aad, Cusmaan ibnu Cafaan gaar ahaan qeybtii dambe ee xukunkiisa, waxayse
diiddanaayeen dilistiisii. Waxay ka loo diideen fikradihii xagjirka ahaa ee
Khawaarijta, sida dilistii Khaliifkii 3-aad iyo rumaysnaantii in dhammaan muslimiinta
iyaga ka fikrad duwan ay yihiin gaalo. Waxay ka loo Ibaadiyiintu diideen
Khaliifkii 4-aad, Cali ibnu Daaliba, gaar ahaan Goobtii Dagaal ee Sifiin kadib iyo taladii Amawiyiinta, waxayna ku
doodeen in loo noqdo sidii islaamku ahaa kahor qilaafkii ba’naa ee burburiyay wadajirkii muslimiinta.
Waxay Ibaadiyiintu bilaabeen kacdoon hubeysnaa
sannadkii 740-kii, waxaase xoog dhammaa 4000 oo nin ka la hortagay Marwaan ibnu
Max’d ibnul Xakam oo kamid ahaa khulafadii Ummawiyiinta. Wuxuu Marwaan II ka
xaaqay Ibaadiyiintii Maka iyo Sancada Yeman, ugu dambayntiina wuxuu ku
hareereeyay Shibaam oo dhacda galbeedka Xadarmawt. Dhibabkii ka aloosmay
Siiriya markii dambe baa ku qasbay Ummawiyiinta inay heshiis la galaan
Ibaadiyiinta, waxaana kuwaan dambe, loo oggolaaday inay ka sii jiraan Shibaam, waxayna
canshuurta siinaayeen ilaa afar qarni Talisyadii Ibaadiyada ee Cummaan.
Hoggaamiyihii Ummawiyiinta ee la oran Xajaaj ibnu Yusuf markuu talinaayay,
wuxuu soo dhaweystay Ibaadiyiinta, wuxuuna ka dhigtay aalad looga hortago
Khawaarijtii aadka u fogeyd. Hase yeeshee, Jaabir ibnu Seyd baa mar amray in la
dilo dhuhleeye u shaqeynaayay Xajaaj ibnu Yuusuf, kadibna dilkaasi wuxuu
horseeday xirxirid badan oo Ibaadiyiinta loo geystay iyo in qaar badan u qaxaan
Cummaan, waxayna Ibaadiyiintu qarnigii 8-aad ku yeesheen Cummaan awood muuqata
oo gaartay heerka imaamnimada (إمامة).
Meesha xuddunta u ah Ibaadiyiinta waa cummaan. Waxaa
ka loo dariiqadaas laga raacsan yahay dalalka Waqooyiga Afrika sida, Aljeeriya,
Tuniisiya iyo dalalka Bariga Afrika sida Sansibaar/Tansaaniya.
Waxay rumeysan yihiin Ibaadiyiintu:
1-
In Ilaaha Weyn uusan dadka muslimiinta
ah is tusi doonin Maalinta La Yoobsan Yahay (Qiyaamaha), waxayna aragtidaas la
wadaagaan Shiicada, halka Sunnigu rumaysan yahay in Eebbe musliminta u muuqan
doono Maalinta Qiyaamaha.
2-
In Qur’aanka goor, gooraha kamid la
abuuray, waxayna arrintaas ka mideysan yihiin Muctisilada (لمعتزلة)
halka sunnigu qabo in qur’aanku yahay mid waligii jiray, maadaama uu yahay
hadalkii Eebbaha Weyn ee waligiis jiray.
3-
In hab-tilmaameedka Qur’aanka ee xagga
Ebbe, uu yahay hab-tusaaleed, ee uusan marna ahayn tilmaamid toosa. Waxay
aragtidaas la wadaagaan Shiicada iyo Muctasilada.
4-
In wax walba ku xiran yihiin iraadada
Eebbe, waxay ka la mid yihiin Ashcariyiinta (الأشاعرة).
5-
Inaysan shardi ahayn in dhammaan
muslimiintu yeeshaan hal hoggaamiye. Haddii la waayo hoggaamiye ku habboon
hoggaaminta, waxay muslimiintu is ka dhex xulayaan qofka ugu roon xagga hoggaaminta.
Qodobkaan, waxay Ibaadiyiiintu uga duwan yihiin Sunniga oo rumeyan khaliifnimo
iyo Shiicada oo rumeysan imaamnimo. Sidaas darteed, Ibaadiyiintu markay joogto
hoggaaminta ummadda, waxay rumeysan yahay in la xusho qofka wax hoggaaminaaya,
waxayna diiddan yihiin habka kala-dhaxlidda hoggaaminta ummadda.
6-
Inaysan shardi ahayn in hoggaamiyaha
muslimiintu ka soo jeedo Qureesh waa qoladii Nabi Max’d e (csws), taas waxay uga
duwan yihiin Shiicada oo rumeysan in hoggaamiyaha ama imaamku ka soo jeedo
qoyskii Nabigii Suubbanaa.
7-
In xaaladaha qaarkood lagu dhaqmi karo
Qarsoodi ama Kitmaan (كتمان).
Ibaadiyiinta waxaa lagu bartay dulqaad
ay u leeyihiin mad-habadaha iyo diimaha kale, waxayna rumaysan yihiin in
xiisadaha lagu dhammeeyo degganaan iyo dagaal-la’aan, mar walbana la cuskado
caqliga oo la xeeriyo danta guud. Ibaadiyiintu waa dh/dhaqaaq waa hore soo
ifbaxay, sidaas darteedna, waxaa lagu tiriyaa in aragti-diimeedkoodu aad ugu
dhaw yahay fasiraaddii dhabta ahayd ee Caqiidada islaamka.
Waxaa ka loo dhaqammadooda kamida
inaan salaadda Jimcha la tukan, haddii uusan magaaladaas ama meeshaas ka talinayn
imaam caaddil ah. Waxaa lagu gartaa Ibaadiyiinta, markay tukanayaan gacmaha oo ay siiddaystaan, sidaas bayna salaadda ku dhammaystaan.
Dadka maanta aadka loo yaqaan oo
Ibaadiga waxaa kamid ah; Suldaan Qaabuuska ka arrimiya Cummaan.