Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso
Reer Hadiya iyo Baroordiiq |
Tusaale ahaan, baan uga jeedaaye intii u dhaxeysay
qarnigii 13-aad ilaa qarnigii 15-aad waxa jiri jiray saldanad la oran Hadiya oo
kamid ahayd saldanadihii muslinka ahaa ee ka jiray aagga Geeska Afrika. Sida u
sheegay Shihaab al-Cumari oo ahaa taariikh-yahan Carbeed oo waqtigiisu ku beegan
yahay qarnigii 14aad, waxay baaxadda saldanadii Hadiya ahayd 8 maalin-socod oo
dherer ah iyo 9 maalin-socod oo ballac ah, kuwaasoo cabbirada cusub ku ah 160 x
180 kiilomitir. Waxay ahayd saldanad aad hodan u ahayd oo dalag beereed ka la
jaada, dahab iyo gamaan tayo leh lagu mannaystay. Dadku waxay ahaayeen Reer
Kuush, mid kamida afafka Reer Kuushna way ku hadli jireen, waxayna ahaayeen dad
dhalan wanaagsan oo dumarkoodu qurux meel dhigteen. Suldaankooda wuxuu ahaa
Garaad oo ah magaca isin oo ay wali Soomaalidu adeegsato. Markii uu u talinayay
Garaad Ammaano ayaa waxaa ku soo duulay Boqorkii Xabashida ee la oran jiray
Amda Seyon ee hororka ahaa, oo markii Garaad Ammaano u diiday inuu hoos tago
taladii boqorkaas daalinka ahaa, ay ka hiilliyeen kuwo isaga dadkiisa kamid
ahaa ilaa uu garaadkii u cararay Saldanadii Cadal ee awoodda lahayd. Amda Seyon
waa siduu u dhaqmi jiraye wuxuu xasuuqay raggii halkaas ku noolaa, qaar
addoonsi buu u kaxaystay wixii hantiyana wuu dhacay, dabadhilifyadii uu meesha
u dhiibtayna wuxuu ku xukumay inay sannad walba gabadha ugu sidata Hablaha Reer
Hadiya gaar ahaan Reer Garaad, iyadoo dhibaaddeeda wadata loo soo hooyo hadba
boqorkii Xabashiyeed ee markaas talinaaya. Ogoobey hablahaasi waxay ahaayen
hablo muslina oo anshax iyo iimaan lahaa. Raggii isu hoogaamiyay boqorkii
masiixiga ahaa ee weerarka ahaa sidaas ayay ku dambeeyeen. Hadiya durufkii ka
haray wuxuu haatan ka tirsan yahay qoomiyadaha la is ku yiraahdo Qoomiyadaha
Koonfureed ee Itoobiya.
Sheekada Hadiya waa horay ahayde, waxaa raqdiisii
qoyan tahay Cabdi M. Cumar oo m/weyne looga dhigay Gobalka Soomaali Galbeed.
Wuxuu ninkaasi baro dheeraysiiyay qof kasta oo hore dabajooge ugu noqotay
talisyadii Xabashida ee loollamada ba’an iyaga iyo Soomaali ka dhaxeyn jireen.
Ninkaasi wuxuu jaray dad tiro badan oo halgamaa iyo shacab-ba isugu jiray.
Wuxuu si bannaan yaal ah, galoobax uga dhigay kufsiga gabdhihii sharafta
badnaa ee Soomaaliyeed. Wuxuu waxyaqaankii iyo mudankii ummadda ku guray
xabsiyo sheekooyin reebay oo ugu caansan yahay Jeel-Ogaadeen. Ninkaasi wuxuu
dadweynihii S. Galbeed geyeysiiyay gunnimada ka-sii-gunnimo. Wuxuu olole ba’an
ku qaaday magaca Soomaali iyo sheeg-sheegga Somali Weyn, wuxuuna cay ka dhigay
qofkii Soomaalidii xorta ahayd la soo dhaqmay. Wuxuu u ololeeyay in la xabashiyoobo
lagana faano Soomaalinimada. Wuxuu hawlgeliyay dhallinyaro si ba’an u la
dhaqmay ummadday ka soo jeedeen. Wuxuu meel walba la istaagay ku-faanka
Itoobiyanimada, isagoo waliba ducooyinna raaciyay.
Ha yeeshee, waa siday ahaan jirtaye markay ka
bogteen danahoodii bay sidii inan yar oo tuug ah dhagta soo qabteen, sidii
awrkiina waa u hoggaansadeen oo la aadeen hogaggoodii.
Eegeey, waa runoo; ‘wanka
weyn ilaa la gawraco, indhihiisu cirka ma arkaan’. Waxaa Cabdi si xanuun badan loo
baray inuu yahay Soomaali, si kastaba ha ugu adeego Xabashiye ama ha isaga yeel-yeelee. Waxaa si qaraar
badan loo baray in Soomaalida aan-ba loo haysan inay qawmiyadaha Itoobiya
kamid tahay, waayo, gulufkii ciidan ee laga daayay Ismaamulka Oromiya oo la yiri,
waa sharci-darro, isaga waa laga la ajoon waayay. Eegeey, markaad Cabdi
arrinkiisa daydo, waxaa kugu soo dhacaaya meeriskii uu ku calaacalay ninkii wax-dhimaalkii
sokeeyihiisa ku talaxtagay oo yiri:
Gacmahayga eedayey raggaan, ganayey maan daysto.
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Waxaa cashar fiican noqday Cabdi iyo is-xabasheyntiisii
siday ku dambeeyeen, waxaana caddaatay in gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya
gumeysato aan loo arag sida gobollada kale ee Itoobiya. Waxaa caddaatay, in
xukuumad kasta oo dhanka Itoobiya ka talisaa ay tahay Xabashidii boqollaalka
sano dhaqankeeda la bartay, taas oo aan aadanaha wax-dhimaal mooyee aan waxba
ku kordhin ama waxay xukuumaddaasi noqotaa mid
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.
Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.
Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Haddaba, innaga Soomaaliya, waxaa na la gudboon
inaan xornimadeenna iyo midnima-deenna u istaagno, wax ka hooseeyana aysan wax
na tareyn, waayo;
Gobonnimo iyo Gunnimo Goobi u ma Dhaxeyso.