Kooxahaas loo yaqaan al-Khawaarij oo iyagu isu yiqiin al-Shuuraa ( الشراة,) waxay soo if baxeen waaga loo yaqaan; Waagii Fidnada. Waagaas wuxuu bilaabmay markii la dilay Cusmaan ibnu Cafaan ( عثمان بن عفان) oo ahaa Khaliifkii Seddexaad ee Islmaaka.
Cusmaan hooyadiis waxaa la oran jiray Carwa bintu Kureys oo ay dhashay Ummu Xakiim binutu Cabdulmudalib, sidaas darteed, wuxuu xagga hooyo xigto dhaw ka la ahaa Nabi Max’d (CSWS). Wuxuu Cusmaan (CS) guursaday Ruqiya oo ahayd ina Nabi Max’d, markay ka dhimatayna wuxuu guursday Ummu Kaltuum oo iyana ahayd ina Nabi Max’d (CSWS). Sidaas darted, baa loogu yeeri jiray; Dul Nuureyn (ذو النورىن) oo macnuhu ahaa; Labo Iftiinle.
Cusmaan wuxuu ahaa nin hantiile ah oo wax badan xoolihiisii wax ka taartay muslimiinta, wuxuuna qolo ahaan ka soo jeeday banu Ummeyaha oo jifo Qureesheed ahayd. Sannadkii 644-tii baa loo doortay Khaliifkii Muslimiinta. Is la markuu xilka qaaday-ba wuxuu qaaday tillaabooyin uu ku horumariyay dhaqaalaha, wuxuu ka loo horseeday in diintu si xooggan u fiddo oo gaarto ilaa Khorasaan ama Afqanistaan-ta maanta.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sannadihii ugu
dambeeyay lagu eedeeyay maamulkii Cusmaan musuqmaasuq. Kadib, markii ay soo if
baxeen eedaymuhu buu Cusmaan isugu yeeray guddoomiyaashii 12-kii gobol ee
markaas ay dawladdii muslimiintu ka koobnayd. Waxay guddoomiyaashii ku la
taliyeen Cusmaan inuu u diro dhammaan goboladii dalka ergooyin lagu kalsoon
yahay si ay warbixin sugan uga keenaan cabashooyinkii jiray. Sidaas darteed, baa waxaa loo diray
Kuufa, Max’d ibnu Musaylamah, Basrah waxaa loo diray Cusmaan ibnu Sayd, Suuriya
waxaa loo diray Cabdullaahi ibnu Cumar, Masar-na waxaa loo diray Cammaar ibnu
Yaasir. Dhammaan ergooyinkaasi warbixinno fiicfiican bay ka soo gudbiyeen
meelihii loo diray marka laga reebo Cammaar ibnu Yaasir oo aan kuba soo noqon
Madiina oo markaas xaruntu ahayd, wuxuuna ku biiray kacdoonkii Masar ee kadhanka
ahaa Cusmaan.
Markay halkaas marayso, buu damcay Cabdullaahi ibnu Sacad oo ahaa Guddoomiyihii Gobolkii Masar inuu tillaabo ka qaado kacdoonkii Masar ee ka soo horjeeday Cusmaan, kan dambaana diiday tillaabadaas. Cusmaan (CS) wuxuu soo jeediyay inay dhammaan kooxaha mucaaridka ah iyo madaxda gobolladu isugu yimaadaan Maka xilliga xajka, wuxuuna ballanqaaday in sheega-shooyinka runta ku salaysan wax laga qaban doono. Sidoo kale, wuxuu Cusmaan faray Cabdullaahi ibnu Sacad inuu yimaado Madiina si markaas arrimaha kacdoonka Masar wax looga qabto.
Intuu soo maqanaa Cabdullaahi, baa waxaa afgambi ka dhigay Masar, Max’d ibnu Xudayfa, waxaana afgambigaas taageeray asaxaabtii waaweynaa ee nabiga qaarkood sida, Subayr ibnu Cawaam, Dalxa iyo Caasha bintu Abuubarkar oo iyadu ku dhawaaqday in Cusmaan madaxa la soo jaro. Wuxuu maamulkii afgambigu Masar ka soo diray ciidan dhammaa 1000 nin, waxaana la soo faray inay Cusmaan dilaan xukunkana la wareegaan. Sidoo kale waxaa Kuufa iyo Basrah laga soo diray ciidammo kale. Ciidankii Masar ka yimid wuxuu u soo jeediyay Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo Khaliifka oo Cusmaan baddalo, isna waa diiday. Ciidankii Kuufa wuxuu Subayr ibnu Cawaam u soo jeediyay inuu isu taago khaliifnimada, halka ciidankii Basrah uu garab istaagay Dalxa.
Si kastaba ha ahaatee, 17-kii, bishii 6-aad, sannadkii 656-dii bay ciidammadii gadoodsanaa gurigii Cusmaan gadaal uga soo dhaceen, kadibna waxay gudaha aqalkiisa ku dileen Khaliifkii 3-aad, waxay-na ku dhaawaceen Nayla oo xaaskii Cusmaan ahayd.
Markii Cusmaan la dilay waxaa loo soo jeediyay
Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo khaliifkii 4-aad wuuse ka maagtay arrinkaas,
wuxuuna ku saleeyay diidmadaas in taageera-yaashiisu u badnaayeen kooxihii
kacdoonka waday, kala-qeybsanaanna jirto. Xoogaggii kacdoonka waday waxay
diginin siiyeen dadweynihii Madiina iyagoo ku gooddiyay haddii aan go’aan la
gaarin, inay iyagu tillaabo adag qaadi doonaan.
Markii dambe, waxaa lagu kulmay
Masjidkii Nabiga (الـنَّـبـوي,الـمَـسـجـد). Kulankaas wuxuu dhacay 18-kii bishii 6-aad, 656-kii waxaana lagu doortay
Cali (CS). Doorarshadii Cali waxaa is la markiiba ka gadooday Mucaawiya ibnu
abu Sufyaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Suuriya, xigto dhaw-na la ahaa
Cusmaan ibnu Cafaan, wuxuuna ku dooday in kuwii dilay Cusmaan oo ka tirsan
xoogaggii taageersanaa Cali la soo qabqabto oo la maxkamadeeyo. Markii sidaas
suurtoobi waydayna waxaa bilawday dagaallo ba’an oo galaaftay muslimiin badan, kuwaas oo saldhig u noqday khilaafka ilaa maanta ka dhex oogan dadyowga
muslimka.
Dagaalladii ba’naa ee dhex maray xoogaggii Mucaawiye iyo kuwi Cali
waxaa kamid ahayd Dhacdadii Sifiin (وقعة صفين). Dagaalkaas
xooggiisu wuxuu dhacay 26-kii bishii 7-aad ilaa 28-kii bishii 7-aad, sannadkii
567-dii Masiixiga Dabadi.
Waxaa u caddaatay dhinicii Macaawiye in laga adkaanaayo, sidaas darteed, waxay warmahoodii sureen Kitaabka Qur’aanka, waxayna codsadeen dhexdhexaadin iyo in la tixraaco kitaabka Eebbe. Soojeedintaas Cali waa u dabcay, waxaase ka gadooday siduu yeelay kooxahaan markii dambe loogu yeeray al-Khawaarij. Waxay Khawaarijtu ku doodeen; in guusha Alle keenay, xukunna kaligiis leeyahay in la beddalaana ay gaalow tahay. Waxay yiraahdeen, haddii Cali raacsan yahay xeerarka Eebbe, waxay ahayd inuu dilo Mucaawiye iyo ciidammadii taageersanaa. Sidaas darteed, waxaa ka goostay baa la yiri ciidankii Cali ilaa 6000 oo nin. Waa halkaan meesha magaca al-khawaarij uga yimid; iyadoo macnuhu yahay ‘kuwii baxay’...Is la khawaarijtaas, baa markii dambe Cali dishay.
Waxaa u caddaatay dhinicii Macaawiye in laga adkaanaayo, sidaas darteed, waxay warmahoodii sureen Kitaabka Qur’aanka, waxayna codsadeen dhexdhexaadin iyo in la tixraaco kitaabka Eebbe. Soojeedintaas Cali waa u dabcay, waxaase ka gadooday siduu yeelay kooxahaan markii dambe loogu yeeray al-Khawaarij. Waxay Khawaarijtu ku doodeen; in guusha Alle keenay, xukunna kaligiis leeyahay in la beddalaana ay gaalow tahay. Waxay yiraahdeen, haddii Cali raacsan yahay xeerarka Eebbe, waxay ahayd inuu dilo Mucaawiye iyo ciidammadii taageersanaa. Sidaas darteed, waxaa ka goostay baa la yiri ciidankii Cali ilaa 6000 oo nin. Waa halkaan meesha magaca al-khawaarij uga yimid; iyadoo macnuhu yahay ‘kuwii baxay’...Is la khawaarijtaas, baa markii dambe Cali dishay.
In kastoo ujeeddooyin-kooda laga dareemaayay inay rabeen
hufnaanta diinta, haddana waxayaalahay ku dhaqmaayeen waxay ahaayeen kuwo
xad-dhaafa sida; waxay aammineen in qofkii aan iyaga xagga fikirka diininga ka
raacin uu yahay gaal, waajibna tahay in la dilo, waxay qaayibeen in qofkii gala
dambi sida, khamro-cabbista iyo xanta inuu yahay gaal, tahay-na in la dilo,
waxay ka dayriyeen islaanimadii culumadii waaweynayd sida, ibnu Cabbaas, ibnu
Sacuud, Caasha iyo xitaa Nabi Max’d (CSWS).
Iyagoon aqoon badan lahayn bay go’aansadeen arrimo badan oo aysan natiijooyin-kooda ka fakarin. Waxay al-Khawaarijtu bannaysatay inay la diriraan xaakin kasta oo iyaga ugu muuqda inuusan caaddil ahayn, waxay-na muujiyeen inaysan wax tixgelina u hayn xikmadda islaamiga ee ku tiraabta naxariista iyo nabadda. Ogoobey, khawaarijtaas sidaas u dhaqmaysaa, waxay la macalluuleen soon badan, waxayna foolka iyo faruhuba jilif la noqdeen salaad badnaan.
Iyagoon aqoon badan lahayn bay go’aansadeen arrimo badan oo aysan natiijooyin-kooda ka fakarin. Waxay al-Khawaarijtu bannaysatay inay la diriraan xaakin kasta oo iyaga ugu muuqda inuusan caaddil ahayn, waxay-na muujiyeen inaysan wax tixgelina u hayn xikmadda islaamiga ee ku tiraabta naxariista iyo nabadda. Ogoobey, khawaarijtaas sidaas u dhaqmaysaa, waxay la macalluuleen soon badan, waxayna foolka iyo faruhuba jilif la noqdeen salaad badnaan.
laga soo bilaabo qarnigii 1aad ee islaamka hadba meel dhulalka islmaaka kamid ahayd, bay ka soo baxayeen iyagoo hadba magac wata, waxayse ka sinnaayeen walina ka siman yihiin siyaalahaan:
1- waxay u badan yihiin dhallinyaro. 2- Inta badan maahan dad xagga garaadka ka gaamuray. 3- Waxay qur'aanka iyo axaaddiista u fasiraan siday iyagu u jecel yihiin. 4- Ma laha faham durugsan oo xagga diinta. 5- Waxay sameeyaan ku-talaxtag xagga cibaadada oo aan loo baahnayn. 6- Aalaa waxay dilaan dadka Eebbe iyo nabiga rumeeyay. 7- Waxay gaarsiiyaan kudhaqanka islaaminimada meel durugsan ilaa ay seeraaheeda-ba gooyaan. 8- Waxay caayaan oo bahdilaan madaxda muslimiinta. 9- Waxay soo banbaxaan marka bulshadu ka la daadato oo colaaduhu jiraan. 10- Ma xushmeeyaan culimada diinta iyo aqoon-yahannada, haddaysan fikradahooda raacsanayn. 11- Waxay aayadaha qur'aanka iyo axaaddiista ku fasiraan si ujeeddooyin-kooda u adeegaysa. 12- Dhinacii fikradahooda diida waxay ku sheegaan murtad. 13- Waxaa dhaqan u ah inay la dagaallamaan madaxda muslimiinta, iyagoo u arka kuwo jawrfala. 14- Waxay dhaqan u leeyihiin inay is qilaafaan, dariiqooyin u qeybsamaan isna laayaan. 15- Waxay ka been sheegaan oraahda diiniga; is-farka wanaagga iyo kahortagga xumaanta "الامر بالمعروف والنهى عن المنكر", waxayna u sheegaan si iyaga u adeegaysa.
Ururrada magacyada diiniga wata ee dagaallada iyo qalalaasaha ka wada Soomaaliya u ma baahna sharraxaad dheeriya ee kaliya waxaa loo baahan yahay in la barbardhigo ururradii khawaarijta ahaa ee magacyada kala-duwan la bixi jiray, hase yeeshee, sifooyinkoodu isku-midka ahaayeen.