Ban-Balaayo iyo
Baasabuur Mar Uun Maahayn
Koofiyad-Dhuuub
Sannadkii 1963 waxaa meesha la yiraahdo Xodayo lagu aasaasay
Ururkii OLF oo markaas guddoomiye loogu doortay halgamaa Makhtal Daahir.
Dhaqdhaqaasi wuxuu u halgamaayay xorayntii Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden).
Gumeystihii madoobaa ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Xayle Salaase wuxuu u
hawlgalay siduu uga hortagi lahaa kacdoonkaas waddaniga ahaa, wuxuuna u abuuray
maleeshiyaad wax qarbuda ama waxyeello u geysta Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee
curdanka ahayd iyo dadyowgii Soomaali Galbeed ee gunnimada diiddanaa.
Maleeshiyaadkaas waxaa hoggaamiyay dhagarqabe Max’d Cabdille Ciyow, waxaana
kaalmaynaayay saraakiishii Amxaarada ee Harar saldhigga u ahayd. Waxaa kaloo
sida la wariyay si qarsoodi ah u la shaqaynaaya L/xiddigle Maxammad Nuur Galaal
oo markaas ahaa madaxii Warddoonka Qeybtii 26-aad ee XDS.
Koofiyad-Dhuub, waxay weerarro gaadmo iyo dooxato ah ku qaadeen
reerihii ku teedsanaa Wabiga Shabeelle iyo kuwii ku teedsanaa seere-beenaadka
Soomaaliya iyo Itoobiya.
Anigaan qoray erayadaan, waxaan xusuustaa abbaaraha 1965-tii
annagoo dugsiley ah oo seexanna dugsiga si arroor hore aan uu bilawno
barashadii qur’aanka, iyadoo 1-dii hameynnimo aan ku toosno rasaas ku
hoobanaysa dugsigii aan jiifnay, waa markii iigu horreysay oo aan maqlo
dhawaaqa rasaas badan, waxayna ii la ekayd galley la qaloomaayo. Waxaan
xusuustaa rasaastii oo looxaantii qur’aanka aan ku baran jirnay jajabinaysa oo faniininaysa.
Macallin Aadan (AUN) ayaa na amray inaan yaacno, waxaanna u yaacnay duurka.
Carruur da’hoodu ay inta badan ka yareyd 10 sano baan ahayn, sidaas darteed,
argagax weyn baa nagu dhacay, ilaa maantana marmar baan ku riyoodaa oo ku soo
toosaa. Dhibkii ay hameynkaas Koofiyad-Dhuub geysatay waxaa ugu darnaa halkii
ceel-biyood ee tuulada oo ay qarribeen iyadoo waliba xilligu jiilaal kulul
ahaa.
Waxay Koofiyad-Dhuub hooyo u ahayd ururkii USC ee 1991-dii
burburiyay dawladnimadii Soomaaliya, waxaana taageersanaa is la qolooyinkii taageeray
USC-dii ba’a iyo hoogga horseedday.
Waxaa nasiib-darro weyn ah in uu wali garaadkii Koofiyad-Dhuub iyo
USC irmaan yahay oo uu wali sidii wax u arko, waxaana tusaale u ah Fiqi/gii
dhawaan ku tookhaayay balaayadii dhacday 1991-dii iyo Koofiyad-Dhuub Mahad
Salaadka mar walba u taagan waxyeellaynta ama dhaleecaynta Xukuumadda
Soomaaliyeed ee dalandalka.