Waxaa maalin kahor ka soo baxay Golaha Wasiirrada ee
DFS go’aan ay xukuumaddu ku qiratay dhiibaalkii Halgamaa C/kariim Sh. Muuse
(Qalbidhagax). Go’aankaasi sinnaba u ma waafaqsana shareecada islaamka iyo
xeerarka kalee aadanaha. Wuxuu gef ku yahay Sharciga Guud (Distuurka)
Soomaaliya, waayo in qof Soomaali u dhashay loo dhiibo dal kaloo la og yahay
dhibabka uu ka la kulmaayo meelna ku ma qorna, sharcigana waxaa sidiisaba loogu
talagalay inuu tixraac ahaado ama si kale haddaan u dhahno in lagu kala garto
waxa habboon iyo waxa aan habboonayn. Waxaa kaloo gef ah, in ra’yi/dan qof
leeyahay ama koox leedahay wax lagu guddoonsho.
Gobolka Soomaali Galbeed waa qeyb kamida dhulalkii
Soomaaliyeed ee loo asteeyay xiddigta 5 geesoodka oo odoyaashii noo gundhigay
Dawlad Qarameedka Soomaaliyeed ay sameeyeen. Waa gobolkii kumannaan Soomaaliya
ay u hureen naftoodii. Waa gobolka halbeegga u ah tixda iyo tiraabta Afsoomaaliga.
Waa gobolka ay ka soo jeedeen halyeyo badan oo u taagnaa magaca Ummadda
Soomaaliyeed.
Marka loo dhaqmo sida qaabkii loo maareeyay arrinkii
Qalbidhagax, waxay noqonaysaa in laga haray hankii weynaa iyo in la furfuray
xargihii isu hayay bulshoweynta Soomaaliyeed, waxaana ka imaan kara arrintaan
khasaare aad u weyn oo saaban kara dhinac walba oo Soomaali deggan tahay.
Dhanka kale, loollankii soojirenka ahaa ee ka
dhaxeeyay Soomaali iyo Xabashi oo bilawday qarnigii 13aad, Soomaali ma bilaabin
ee waxaa waligeed duullaan ahaa Xabashi, waxayna ololaha ka soo bilawday Aqsum
iyo buuraha Amxaara. Ololaha colaadeed ee ku wajahan Soomaali ku ma eka gobolka
Soomaali Galbeed ee higsigiisu waa ilaa Xeebaha Soomaaliya, waxaana u daliila
sidaas inay arrintu ka tahay xaggeeda; Addis Ababa (Buurtii Etete) iyo Shimbira
Kore-ba mar baa Soomaali degi jirtay. Sidoo kale Harar oo ay Xabashidu qabsatay
1887 iyo Jigjiga oo ay qabsatay 1897 ku may ekaan ee waxay u soo gudubtay qabsashadii
Dhulkii Hawd 1948 iyo Dhulkii Keydka ahaa 1954.
Haddaba taariikhdaa wax lagu beegaaye, ragga sida
Goodax iyo Jeesow oo dhawaan warbaahinta ka lahaa hadallo aan milgo lahayn, dib
ha ugu noqdeen casharrada taariikhda, hana fahmaan hadday hab-qoleed u
fakarayaan inaysan reerahoodu gaar u badbaadayn.
Waxaa ka loo jira dad ku dooda in Jabhadda ONLF
tahay jabhad qolo leedahay. Xitaa hadday sidaas tahay sow qoladu Soomaali maahan,
oo sow hadday qolodaasi u istaagtay xoraynta qeyb Soomaaliyeed, ma mudna hiillo iyo bogaadin?
Hadday Soomaali u midowdo danteeda iyo cadawgeed
cidna ka ma adkaan karto, sidoo kale hadday meel uga soo wada jeensato maangaabka iyo danaystaha, waa hubaal inay guusha haleelayso.
Waa in Soomaali ogaataa inay cadaw leedahay aan meel
ku hakanayn. Waa inay ogaataa inuusan cadawgaasi qolo ama gobol gooniya u naxariisanayn
Haddaba xukuumaddu waa inay is nadiifisaa ama is
huftaa illeen qalwo dabacaddeeye ku jiro waxaruhu ku ma xasilaane, shacabkuna
waa inuu taageeraa xukuumaddiisa socodbaradka, waana inuusan ka filan awood aysan
lahayn. Soomaali maanta xoog aysan hore u lahayn bay leedahay, kaliya waxay u
baahan tahay abaabul iyo hoggaan hal adag.....Caku hoggaamiye jilicsan...Caku hoggaamiye aan hal caddayn.
Waxaan ku soo gunaanadayaa oraahdii Richard Nixon:
Qofka marka la jabiyo laga ma adkaan ee markuu is
dhiibaa laga adkaaday